-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowlada Kenya ayaa hoosta ka xariiqdey inay Soomaaliland ka taageeri doonaan Raadinta Aqoonsiga Dowladnimada Soomaalililanf. Qoraal kasoo baxay Aqalka Madaxtooyada Kenya oo lasoo dhigay Twitterka ayaa lagu sheegey inay Kenya isu diyaarinayso inay Soomaaliland ku Garab istaagaan Aqoonsi raadinta. Qoraalka waxaa lagu yiri “ Soomaaliland waxay 18 May u dabaal dagayaan 30 sano guurada Gooni isutaaga, Dowlada Kenya waxay diyaar u tahay inay isgarab taagan walaalaha Soomaaliland raadinta Aqoonsi Caalami ah” Puntlandi.com Nairobi The post Kenya oo shaacisay inay Soomaaliland ay ka caawinayaan Aqoonsiga appeared first on . Source
-
The current Somali government, whose mandate ended, came to power with the expectations of massive reforms in institutional and development settings. President Farmajo completed his term in office without paving the way for consensus-based elections; instead, he messed up the growing Somali institutions and the trust-building processes. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan guddoomiyaha Midowga Afrika ku war-gelisay in Soomaaliya aan looga baahneyn Ergeyga uu 7-dii bishan May usoo magacaabay ayaa hadda u diidan in uu dalka soo galo, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa horay ugu gacan seyray dalabkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga laabto ergeyga cusub oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo ay ku eedeysay inuu xiriir dhow la leeyahay Kenya. Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan ah in ergeygaas uusan soo gelin dalka, haddii Midowga Afrika aanu ka laaban magacaabistiisa. Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u diray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo ku taariikheysan 9-kii bishan May, ayey dawladda Soomaaliya ku cadeysay in aysan taageero siin doonin John Mahama oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana, saaxiib dhowna la ah Kenyaanka sida ay ku doodeen mas’uuliyiinta Soomaaliya. Sidoo kale Soomaaliya waxay ku dooday in haatan hannaanka heshiis lagu wada yahay uu bilaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana 20-ka bishan May loo balansan yahay shir guud oo lagu dhameynayo madmadow hor taagan in la qabto doorashooyinka dalka. Warqadda uu wasiirku u diray Midowga Afrika waxaa kaloo lagu sheegay in magacaabistan ay jahawareer iyo siyaasadayn gelin karto howsha doorashada ee uu haatan guda galay Ra’iisul Wasaare Rooble. The post Xog: DF oo diidan inuu dalka soo galo ergeyga Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda xil-gaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala dalka, maalin ka dib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo in aysan saameyn ku yeelan diyaaradaha xayiraadda ay ku soo rogtay dowladda Kenya isu-socodka labada dal, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya. “Waxaan ballan-qaadayaa in Dawladda ay kala shaqeynayso ganacsatada diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan,” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay in la hormariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolkan Geeska Afrika. Dowladda Kenya ayaa maalin ka hor soo saartay go’aan ay illaa bisha Agosto ku joojineyso isu-socodka duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna go’aankaas ku soo aaday iyadoo dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor shaacisay in dib loo soo celiyey xiriirkii diblomnaasiyadeed ee labada wadan oo go’naa muddo lix bilood ah. Waxaa la aaminsan yahay in Kenya go’aankaas ay uga aar gudaneyso dowladda Soomaaliya oo diiday inay dib u fasaxdo Qaadkii laga soo dhoofi jiray dalka Kenya oo gabi ahaanba laga mamnuucay Soomaaliya, waxaana xusid mudan in laba maalin ka hor ay ganacsatada Kenya ku hungoobeen inay Qaad u soo dhoofiyaan Soomaaliya, isla markaana uu soo gaaray khasaare xoog leh. The post DF iyo shirkadaha diyaaradaha dalka oo ka shiray qorshe lagu wajahayo go’aankii Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa daboolka ka qaadeysa sababta u weyn ee diyaaradda Kenya Airways ay u bilaabi laadahay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalada Hargeysa ee Somaliland, bilo kadib markii ay sidaas ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi. Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in duulimaadkii tooska ahaa ee Hargeysa uu weli ku jiro hakad, ayada ka gaabsatay faah-faahin intaas ka baxsan. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, sababta u weyn ee diyaaradda Kenya Airways u bilaabi laadahay duulimaadka tooska ah ee Hargeysa ayaa ah inay ogolaansho ka la’dahay wasaaradda. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa diiday inay diyaaradda Kenya Airways u ogolaato fasax ay ku tagto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii ay su’aal gelisay hab macaamilka Kenya ee Somaliland. “Anaga ayaa mamulna hawada Soomaaliya, mana jirto diyaarad iman karta garoon ka tirsan dalka, ayada oo aan fasax ka haysan dowladda federaalka,” ayuu yiri xubin sarre oo ka tirsan Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo la hadlay Caasimada Online. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta Kenya mid wada fowdo, maadama ay rabto inay Somaliland ula taacamisho sidii dal ka madax-banaan Soomaaliya, taasi oo ay ka biyo diidan tahay dowladda federaalka oo ayadu gacanta ku haysa maamulka hawada. Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta iska fogeysay warar sheegayay inay duulimaad toos ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland dhamaadka bishan aan ku jirno ee May. “Kenya Airways (KQ) waxay jeceshahay inay cadeyso in qorshooyinka ay duulimaadyada uga bilaabi doonto Hargeysa, Somaliland ay weli ku jiraan hakad, iyadoo la sugayo ogolaanshaha iyo ansixinta aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkadda. “Hadda ma jiraan duulimaadyo toos ah oo howl-galaya oo shirkadda ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo ay Kenya Airways ku beeninayso wararka la wareejinayo baraha bulshada. Qorshaha ay diyaaradda Kenya Airways ugu tageyso duulimaad toos ah magaalada Hargeysa ayaa soo socday billooyinkii dambe, hase yeeshe waxa uu ka dhaqan gali laayahay dowladda federaalka oo u aragta xad-gudub ka dhan Jamhuuriyada. The post Xog: Sida ay DF Soomaaliya u hor-istaagtay qorshihii Kenya Airways ee Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa munaasabadda Ciida ugu hambalyeeyay Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland. Axmed Karaash ayaa faray hay’adaha ammiga Puntland in ay labo laabaan shaqadooda sugidda ammiga maalmaha lagu jiro mumaasabadda Ciiidul Fidriga. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay maalmaha Ciida ka taxadaraan caabuqa Covid-19, iyagoo kaashanaya culimadda iyo wasaaradda caafimaadka. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash: Hay’adaha amniga shaqadooda waa in ay labo laabaan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay caleemo-saarka Museveni
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgalay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo soo bandhigay doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadaneyso xoojinta nabadda iyo horumarinta shucuubta Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay dalalka Gobalku in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga, si loo mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo saboolnimada iyo xagjirnimada, korna loogu qaadayo nolasha shucuubta dalalkan iyo guud ahaan horumarka Qaaradda Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Uganda horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Yoweri Museveni, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono qorsheyaasha horumarineed ee heer Qaran iyo heer Qaaradeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalka Soomaaliya iyo dalakla kale. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay caleemo-saarka Museveni appeared first on Puntland Post. -
Afooge (Caasimadda Online) – Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa xabsi iyo jirdil isugu daray imaamyo iyo dadka Shacab ah oo salaadda Ciidul Fidriga ka oogi rabay qaar ka mid ah masaajida ku yaal Degmadaas. Imaamyadaan ayaa la sheegay inay qaateen amarkii kasoo baxay Al-Shabaab ee ahaa in Maanta oo Arbaco ah ay tahay Ciid, islamarkaana la arkay dhalashada bisha Shawaal. Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa xoog ku galay masaajidaas, waxaana xabsiga la dhigay dhowr imaam oo diiday inay joojiyaan Takbiirta isla markaasna ay qaataan amarka Dowladda ee ahaa in Maanta ay tahay Maalin Soon ah. Al-Shabaab ayaa awood muuqato ku leh gudaha Magaalada Afgooye, waxayna qeybo kamid ah Magaalada si toos ah uga qaadaan Canshuur, iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin xubno Al-Shabaab u qaado waxa ay ugu yeereyn Zakawaad. Dhammaan Gobolada Soomaaliya ayaa Maanta laga sooman yahay, marka laga reebo Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xalay shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan Maanta Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan. Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Islaamka ay ku dhawaaqeen in maanta aysan Ciid aheyn. Kooxda Al-Shabaab ayaa Xalay sheegtay in Maanta ay tahay maalin ciid ah, waxaana laga ciiday dhammaan goobaha ay gacanta ku heyso Xaramada, waxaana ugu waaweynaa meelaha laga ciiday Garhareeri, Jilib iyo Saakow. The post DF oo tallaabo ka qaaday Masjid iyo Imaam qaatay amar kasoo baxay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta magaalada Kambaala ee caasimadda Ugandha kula kulmay madaxweynaha waddanka Burundi, Évariste Ndayishimiye. War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulan-doceed la qaatay madaxweynaha waddanka Burundi, Évariste Ndayishimiye. Villa Somalia waxay sheegtay in labada madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga dhaqaalaha iyo siyaasadda. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.” Ayaa lag yiri warka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha Burundi appeared first on Puntland Post.
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda kula kulmay madaxweynaha dalka Burundi, Évariste Ndayishimiye, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Villa Somalia. Kulanka ayaa waxay labada madaxweyne kaga wada-hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka dhaxeeya ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu shalay kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, waxayna ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda. Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa dhawaan gaaray dalka Uganda, waxaana safarkaan ku wehlinaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale, si ay uga qeyb-galeen caleema saarka madaxweyne Museveni. Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%. The post Muxuu Farmaajo kala hadlay madaxweynaha Burundi? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Nairobi)-Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa, ayada oo beenisay warar shalay soo baxay. Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa waxaa shalay ku baahiyey qoraal loogu lagu sheegay inay duulimaadyada Hargeysa billaabeyso daba-yaaqada bishan May. “Kenya Airways waxa ay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yidhi qoraal ay shirkadda soo saartay. “Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.” Source
-
Jilib (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso ururka Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliy iyo qeybo kamid ah Kenya. Deegaanada laga ciiday oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan waxay ku kala yaalaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Magaalooyinka sida weyn looga ciiday oo ay Al-Shabaab gacanta ku heyso waxaa kamid ah Magaalada Jilib ee Jubbalada Dhexe. Boqolaal qof oo isugu jiro shacab, madax iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isugu yimid barxad loo diyaariyey in salaadda Ciidda lagu dukado taasoo loogu magacay daray macallin Aadan Xaashi Ceyrow. Dadka isugu yimid halkaas ayaa waxaa khudbado kala duwan u jeediyey madax iyo saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab. Sidoo kale deegaanada Shabaab gacanta ku hayaan ee laga sida weyn looga ciiday waxaa kamid ah Magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud. Dhanka kale, waxaa si weyn looga ciiday Magaalada Saakow ee Jubbalada Dhexe, halkaas oo ay isugu soo dhaweyno dadweyne aad u badan iyo ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas kasoo muuqday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo hadalo jeediyey. Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah deegaanada ay Shabaab gacanta ku hayaan ayaa sidoo kale si weyn looga ciiday, waxayna Al-Shabaab dadka isugu keeneyn barxad weyn halkaas oo lagu dukaday Salaadda. The post Sawirro: Sidee looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso xarkada Al-Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaa ka jira in Kenya Airways ay billaabeyso duulimaadyo Nairobi-Hargeysa ah? Kenya Airways Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.. “Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yidhi qoraal ay shirkadda Kenya Airways soo saartay. “Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.” Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa shalay hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo shalay oo Salaaso aheyd, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay. Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay. Qaran News
-
Warbixin Xiiso leh+Qaadkii oo Qiimo beelay Qhaadka oo qiima beelay Dowladda Kenya ayaa shalay hakisay diyaaradaha ka yimaada ama aada Soomaaliya ee ka bixi jiray Nairobi. Ma aysan caddeynin sababta, balse waxaa ka sii horeysay Soomaaliya oo soo “celisay diyaarado khaat siday”. Arrimahan waxay ku soo aadee maalmo uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya ee kala go’ay dhammaadkii sannadkii hore ee 2020. Xiisadda diblomasiyadeed ee u dhaxeysa labada dal ayaa saameyn ba’an ku yeelatay ganacsiga khaadka ee Kenya, waxayna beeraleyda jaadka iyo ganacsataduba sheegeen in ay ceyrtoobeen ka dib markii dowladda Soomaaliya ay horraantii sannadkan joojisay jaadka uga yimaada Kenya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojinta jaadka sababta uga dhigtay cudurka Corona, haseyeeshee haatan waxaa lagu soo warramayaa in midka Itoobiya uu ka dego magaalooyin dhowr ah oo gudaha dalka ah. Qaar ka mid ah beeraleyda jaadka oo noolal ahaan ku tiirsanaa jaadka waxay sheegeen in hadda beeraha aysan laheyn nacfigii ay waagii hore u lahaayeen. Dadka leh beeraha jaadka, waxaa ka mid ah haweeney lagu magacaabo Marry Ntonja oo ah hooyo 49 sano jir ah, waxay sheegtay in markii dowladda Soomaaliya ay joojisay ay waayeen wax ay cunaan. Xayiraadda khaadka waxaa ka dhashay shaqo la’aan. Lix sano kahor dowladda Britain ayaa joojisay in jaadka loo dhoofiyo dalkaas, waxaana taas ay keentay in uu u soo haro suuqa Soomaaliya oo keliya, balse bishii Maarso ee sannadkan, dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale joojisay in jaadka Kenya loo dhoofiyo dalkeeda, si la mid ah kumannaanka kale ee beeraleyda jaadka ah, Marry waxay ka walwalsan tahay waxa ay ku noolaan doonaan mustaqbalka. “Dhibaato noolaleed ayaa inagu dhacday, fuqaro ayaanu noqonay lacag la’aan darted, in aan wax cunno waa nagu dhib, dharkii way naga dhammaadeen, caruurta wax aan siino ma heyno, dhibaato ayaa inagu habsatay tan iyo markii la mamnuucay dhoofinta jaadka, saddexii bil-ba mar ayaanu jaadka soo goynaa, waxaan ka heli jirnay kun ilaa iyo shan kun oo doollar; lacagtaas ayaan ku nooleyn, hadda hal doollarna iga ma soo galo jaadka”, ayay tiri Marry oo la hadleysay BBC-da. Jaadka ka baxa deegaanka Maua ee hoostaga maamul goboleedka Meru, waxaa halkaas looga yaqaanaa dahabka cagaaran, waana isha dhaqaale ee deegaanka Meru ee bariga Kenya. Geedaha Jaadka hadda looma guro sidii hore, waxayna caleenta qaar ku halowdaa geedka ama bakhaarada lagu xareeyo Ururka ganacsatada jaadka ee Kenya waxay sheegeen in maalintiiba ay Soomaaliya u dhoofin jireen 50 tan oo jaad ah, waxayna ka heli jireen lacag ka badan 140 kun oo dollar, balse hadda oo aanay taas jirin. Waxaa jiro jaad yar oo lagu iibiyo gudaha Kenya, halka inta kalena ay qubaan. Bakhaarada haawanaya Weriyaha BBC-da, Bashiir Maxamed Caato oo booqday deegaanka uu jaadka ka baxo ayaa sheegay in bakhaaradii lagu diyaarin jiray jaadkii Soomaaliya loo dhoofin jiray ayaa hadda cidlo ah, waxaana ku sugan dad yar oo fajac iyo amakaak uu ka muuqdo. Waa weriyaha BBC-da, Bashiir Caato oo haddiyad ahaan loo siinayo khaad kadib markii uu qiima beelay Marka laga soo tago un beeraha khaadka ay leeyihiin dadka deegaanka, waxaa kaloo jira ganacsato Soomaali ah oo dadka beeraleyda ah ka soo iibsada jaadka, kuwaas oo geeya Soomaaliya iyo gobolka waqooyi bari ee Kenya. Waxay sheegeen in dhaqaale xumi baahsan ay dareemeen markii uu xirmay suuqa jaadka ee Soomaaliya. “Gawaaridii jaadka lagu qaadi jiray waa shaqo la’aan, go’aanka dowladda Soomaaliya wuu ina saameeyay,” ayuu yiri Maxamed Qureesh oo ka mid ah ganacsatada Jaadka Soomaaliya. “Dadka qaar ganacsi kale ayay sameysteen. Soomaali badan ayaa ka guuray deegaanka Meru, kuwa kalena halkan ayay ku tabaaleysan yihiin oo wax shaqo ah ma heystaan. Aniga kula hadlaya dad badan ayaa ii shaqeyn jiray balse hadda waa shaqo la’aan”, ayuu yiri Maxamed. Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in jaadka ay ku tiirsanaayeen oo uu shaqo abuur u ahaa dad lagu qiyaasay boqol kun oo qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka leh beeraha jaadka, kuwa ka soo iibsada, kuwa jawaanada ku gura iyo gaadiidka isugu jira diyaarado iyo baabuur ee u kala safri jiray gudaha Kenya iyo Soomaaliya. Saxmaddii ka jiri jirtay beerahan jaadka ayaa aad u yaraatay. Xiisadda diblomasiyadeed ee labada dhinac ma ahan mid sidaa u sahlan in la xalliyo. Dowladda Federaalka waxay Kenya ku eedeysay in aanay u hagar bixin dhanka diblomaasiyada iyo ganacsigaba, waxayna shuruudo hor dhigtay dib u fasixidda jaadka. Muqdisho ayaa dooneysay in Kenya ay joojiso faragelin ay sheegtay in ay ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, balse eedeymahaas waxaa beeniyay Kenya. Shaqo la’aanta ka dhalatay xayiraadda khaadka Barasaabka deegaanka Jaadka uu ka baxo ee Meru, Kiraitu Murungi, wuxuu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in isbedel uu imaan doono. “Waxaa jira heshiis horudhac ah oo ay gaareen Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo la xiriira ganacsi dhinacya badan leh, jaadkuna wuu mid ka mid yahay. Waxay ila tahay in dowladda dhexe ay sameeneyso waxwalba oo karaankeeda ah, waxaana ku rajo fiican ka qabaa in arrintan la soo afjari doonaa,” Ayuu yiri Kiraitu Murungi. Balse bilo ka hor, Soomaaliya waxay u yeeratay safirkii u fadhiyay Nairobi, taas oo sii hurisay khilaafka diblumasiyadeed ee labada dhinac u dhexeeya. Inta ay labada dal ka heshiinayaan, waxaa mustaqbal aan la hubin iyo dhibaato dhaqaale wajahaya beeraleyda iyo ganacsatada jaadka Kenya. Qaran News
-
Mogadishu (PP News Desk) — Kenya Airways has put on hold the plan to start direct flights to Hargeisa. In a press release published one after Government of Kenya suspended civilian flights to Somalia, Kenya Airways stated that “ we do not have any operational flights between Nairobi, Kenya and Hargeisa, Somaliland at this time. These plans are on hold pending requisite approvals and clearances. to launch flights to Hargeisa… are currently on hold pending requisite clearance and approvals”. Kenya Airways was the planning to start direct flights from Jomo Kenyatta Airport to Hargeisa three times a week from 28 May. The flight suspension will not affect UN and medical evacuation flights. Somalia and Kenya restored diplomatic relations one week ago. Somalis travelling to Nairobi will be able to use Djibouti or Addis Ababa route while the suspension remains in place. © Puntland Post, 2021 The post Kenya Airways Puts Planned Flights to Hargeisa on Hold appeared first on Puntland Post.
-
ujeeddada qormadani waa: ku dhiirrigelinta hayadaha saharcigu u xilsaaray dejinta, fulinta iyo ilaalinta shuruucda dalka ilaalinta sarreynta sharciga, u tilmaamidda shacabka Soomaaliyeed saxnimada shuruucda lagu dhaqayo. Hordhac Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqu waa mid ka mid ah guddiyada madaxabannaan ee uu Dastuurka KMG ah ku xusayo Cutubka 10aad. Marka guddi dastuuri ah la yagleelayo waxaa qasab ah in uu dastuurku sheego hab-raaca/yada loo marayo dhismah guddiga, sidoo kalana waxaa waajib ah in ay Labada Aqal BFS dejiyaan sharci gaar ah oo qeexaya tirada xubnaha guddiga, hab-raaca magacaabista xubnaha guddiga, shuruudaha, wajibaadka, awoodaha, doorashada Guddoonka Guddiga, muddada xil-heynta, xilweynta, xil ka qaadista, miisaaniyadda, warbixinnadda guddiga, IWM. Haddaba, Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxaa sal iyo tixraac sharci u ah Dastuurka KMG qodobbada 111C iyo 112aad iyo Xeer lr. 12 oo ah Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer oo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya saxiixa 21 Sep, 2019. Qoraalkani wuxuu ka hadlayaa wax-ku-oolnnimada Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa, iyo sharcinnimada xubnaha Guddiga ee uu dhaariyay Madaxweynaha JFS Apr 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga May 4, 2021, ugu dambeyn qormado waxay soo jeedinaysa talo. 1: wax-ku-oolnimada Dhismah Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa Soomaaliya waxay sanad walba ka gashaa musuqmaasuqa iyo maamul xumada kaalinta 1aad, sida ay sheegayaan international trancparancy iyo hayada kale ee daah-furnaanta iyo maamuul wanaagga ka faalloda, sidaas darteed dhismaha guddigan waxuu laf-dhabar u yahay A: Horumarinta iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagulana dagllamayo Musuq-maasuqa ka dhaca dalka iyo dibadda. kaas oo ay ku kacaan saraakiisha Dowladda. B:Xaqiijinta habsami u maamulka hawsha Qaranka, iyada oo la ilaalinayo danta dadwaynaha Soomaliyeed iyo hantidooda lagana dhawrayo boob iyo ku- takrifal awoodeed. C: Ka ilaalinta Saraakiisha dowladda ku xadgudubka xilkooda iyo ka gaabinta waajibaadkooda. D: Iyada oo laga duulayo baahida loo qoba xaqiijinta arrimaha kor ku xusan loona hoggaansamayo Dastuurka KMG qodobkiisa 111C oo farayaa dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxay Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyeen Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer islamarkaana Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay Sharcigan Sep 21, 2019. 2: Qiimeynta Sharcinimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee hadda jira Sharcinnimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxaa tiir sharci u ah Dastuurka KMG iyo “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer. Haddaba, si uu guddigu u helo sharciyad wax-qabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay in loo hoggaansamo, waa in magacaabista xubnaha guddiga waafaqdaa habraacyada uu dhigayo Dastuurka KMG iyo sharciga (Xeer lr. 12) oo ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, 2019. A: Dastuurka KMG Qodobka 112aad. Magacaabidda Guddiyada Heer Federaal ayaa u qoran sidan; Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. B:Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer Sida uu dhigayo Sharcigani Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer ansixinta magacyada xubnaha guddiga (qodobka 9aad xarafaha t&kh,), xil ka qaadista (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) iyo dalbashada warbixinnada guddiga (Qodobka 22aad faqrada 2aad.) waxaa si isku mid ah u gudanaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sida la ogyahay xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee hadda jira waxaa ansixiyay hal Aqal oo ah Golaha Shacabka, iyada oo aan la hor geyn Golaha Aqalka Sare, si ay ugu codeeyaan xubnaha guddiga. Haddaba, Guddiga ay Xukuumaddii Xil-gaarsiinta magacaawday Sep 7, 2020, Golaha Shacabkuna ansixiyay Nov 16, 2020, islamarkaanan Madaxweynaga JFS dhaariyay April 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga may 4, 2021, wuxuu khilaafsan yahay qodobka 55ad, 112aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 2aad xarafka (d) qodobka 9aadxarfaha t&kh, (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) (Qodobka 22aad faqrada 2aad. ee “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer, sidaas darteed, guddigani ma haysto sharciyad shaqooyinkiisuna ma yeelanayaan saameyn/raad sharci, maaddaam aan dhismaha Xubnaha Guddiga Madxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa loo marin habraacayadii shuruucda dalku fartay. 3Gunaanad iyo talo soo jeedin A Gunaanad Guddiga madaxabannaan ee la-dagaallanka musuqmaasuqa ee hadda jira ma haysto sharciyad uu ku noqdo gudiga la dagaallanka musuqmaasuqa ee uu tilmaamayo qodobka 111C ee Dastuurka KMG, hawlahiisuna ma noqonayaan ku leh raad sharciyadeed sax ah inta uu guddigu ka helayo ansixinta labada aqal, lana marsiinayo habraacayada ku xusan qodobbada Dastuurka KMG iyo Sharciga Dhismaha Guddiga ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, /2019. B Talo soo jeedin Giddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmasuqa wuxuu fure iyo laf-dhabar u yahay mmmaamul wanaag ka hana qaada gayiga Soomaaliyeed, haddaba, si xoogga, waqtiga iyo hantida gashay dhismaha guddiga uga soo baxaan miriha laga filayayo, guddiguna u helo sharciyad, waxqabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay u haggansamiddiso, qormadani waxa ay u soo jeedineysaa Wasaaradda Caddaaladda XFS, Golaha wasirrada XFS, Garsoorka, Golaha Shacabka, Madaxweynaha JFS, iyo cid kasta oo hadda joogta ama imman doonta oo ay khuseyso arrintani in ay ka qayb qaataan dib-u-sixidda guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa lana waafajiyo habraacyada ku xusan Dastuurka KMG iyo Shirciga Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ah meelmarinta Xubnaha Guddiga Labada Aqal. Sida oo kale, Xubnaha Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waa in ay ogaadaan sharciyadda ay heystaan in ay tahay mid dhimman kana codsadaan hayadaha iyo ashqaasta awoodda u leh arrimahan dib u sixitaan iyo in la dhameystiro hab-raacyada qaldamay, si loo gaaro sarreynta sharciga. =<Dhammaad>= Qore: Garyaqaan Dahir Shuuriye Source: goobjoog.com
-
Dhammaan deegaannada uu maamusho ururka Al-shabaab ee koonfur iyo bartamaha Soomaaliya ayaa maanta Arbaco ah laga ciiday. Deegaanada laga ciiday ayaa ka tirsan gobollada Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Bay, Bakool iyo Galgaduud, waxaana sawiro ay baahisay warbaahinta taageerta Al-shabaab muujinayaan boqolaal qof oo isugu soo baxay tukashada salaada Ciidul Fidriga. Al-shabaab ayaa xalay iclaamisay in ay Arbacada u tahay ciid, waxayna sheegeen in deegaanno ay maamulaan laga arkay bisha Shawaal. Dalalka kale ee Afrika ku yaalla oo qaar kamid ah muslimiinta ku nool ay maanta ciiday waxaa kamid ah Mali, Niger iyo Ivory Coast. Muslimiinta Caalamka ayaa berri oo Khamiis ah ciidaya, maadaama aan shalay inta badan la arag bisha Shawaal. PUNTLAND POST The post Deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo maanta laga ciiday appeared first on Puntland Post.
