Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Toronto police have released the identity of the city’s latest shooting victim. Habil Abdilahi Hassan, 21, of Toronto was shot and killed Saturday evening in Etobicoke. Source: Hiiraan Online
  2. Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xogta COVID-19 ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux. Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta COVID-19 ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof. Cudurka COVID-19 ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga cudurka COVID-19 , wasaaradda caafimaadka ayaa wado dadaalo lagu wacyi gelinayo bulshada Soomaaliyeed. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa inay gaadhaan wafti ka socda dowladda Zambia oo kamid ah dowladdaha Afrika, sida ay sheegayaan wararka la helayo. Waftiga ka socda Zambia ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda dalkaas Gavin Lubinda, iyagoona saacadaha soo socda ee maanta ay ka soo dagi doonaan Magaalada Hargeysa. Wasiir Gavin ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya sida aanu wararka ku helnay La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Zambia, waxaana kulan gaar ah ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Muuse Biixi iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Zambia Gavin Lubinda ayaa ka wada hadli doona xidhiidhka u dhexeeyay labada dal iyo arrimo kale oo qorsheysan, iyadoona la filayo in kulankaas ay ka hadashado Madaxtooyada Somaliland Source
  4. (SLT-Canada)-Allah ha u naxariistee Haabiil Axmed Cabdillaahi Xasan oo ahaa 21 jir Somali-Canadian ah ayaa galabnimadii Sabtida lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada. Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in Allah ha u naxariistee Haabiil, rasaas lagu furay xilli isaga iyo qof kale oo la socday oo dhaawacmay ay marayeen agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett, iyagoo watay gaadhi. Sida booliska ay sheegeen ilaa iyo hadda waxaa laga shakisan yahay in weerarka ay ka dambeeyeen laba qof oo madow ah oo da’doodu ay u dhexeyso 20 ilaa 25 sano jir. Gaadhiga ay wateen iyo laba bastoolad ayay boolisku sheegeen inay heleen, kadib markii eedeysanayaasha ay shil galeen xilli ay baxsanayeen, sidaasna ay kaga carareen gaadhigii ay wateen. Source
  5. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar oo maanta booqasho ku tagay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz. Wasiirka oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa waxay Safiirka ka wada-hadleen dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee TEPA kaas oo ahmiyad weyn u leh kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo maal-gashiga labada wadan. Waxaana ay isla-garteen dhisidda guddi farsamo oo ka shaqeysa saxar-tiridda iyo dhammeystirka heshiiskaasi ka hor inta aan la saxiixin. Dhinacyadu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen dheeli-tirka ganacsiga labada wadan, dhiiri-gelinta iyo kor-u-qaadista wax-dhoofinta iyo in suuqyo ganacsi loo helo wax-soo-saarka Soomaaliya gaar ahaan in dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaliya si toos ah looggu iib geeyo suuqyada wadanka Turkiga. Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo shacbigeeda ba ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska wadanka Soomaaliya, waxaana uu rajeeyey in sida ugu dhakhsiyaha badan guul loogga gaadhi doono dhammeystirka heshiiska TEPA ee u dhaxeeya labada wadan maadaama oo muddooyinkii dambe laga shaqeynaayey heshiiskaas. Ambassador Mahmet Yilmaz, ayaa dhankiisa wuxu Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu ku boggaadiyey dedaalka uu ugu jiro horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay ka dawlad ahaan ay ka go’an tahay inay mar walba bar-taagnaadaan walaalahooda Soomaaliya isaga oo carabka ku adkeeyey in heshiiska TEPA uu kor u qaadi doono iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga. View the full article
  6. Boqorka Urdun oo war ka soo saaray xadhiga walaalkii oo uu ka shakiyay Boqor Cabdlaha labaad Raiisel wasaare kuxigeenka Jordan ahna Wasiirka Arimaha Dibada, Ayman Safadi, ayaa ku xaqiijiyay shir jaraa’id oo uu maanta qabtay in Ciidamada Qalabka Sida iyo Waaxda Sirdoonka Guud ay daba galeen dhaq dhaqaaqyada ay wadeen Amiir Hamzah, Sharif Hassan bin Zaid iyo Basem Awad Allah oo uu sheegay in ay doonayeen in ay xasilooni daro ka abuuraan dalka Jordan. Safadi waxaa uu intaas ku dartay in wakaaladaha ay khusayso ay kormeerayaan xiriirada u dhexeeya shaqsiyaadkan iyo dhinacyada dibeddeed taasi oo ku saabsan qorsho la doonayay in lagu carqaladeeyo xasilonida dalka. Balse, Boqorad Noor, oo ah haweeneydii uu ka dhintay boqorka Jordan, Boqor Xuseen bin Talaal, ayaa ku tilmaamtay “mid been abuur ah”eedeymaha ay mas’uuliyiinta Urdun shalay u soo jeediyeen wiilkeeda, Amiirkii hore ee dhaxal-sugaha Hamzah, ee ahaa inuu qaaday ficillo iyo howlo loo adeegsaday in lagu wiiqo xasilloonida Boqortooyada, . Dhanka kale ururka jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay si buuxda ” u taageersan yihiin ” tallaabooyiinka ay qaaday boqortooyada Urdun “si loo ilaaliyo amaanka iyo xasilonida boqortooyada.” Sidoo kale Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ay si buuxda u taageersan yihiin maamulka boqortooyada dalka Urudun. Qoraal ay barta Facebook ay ku leeyihiin jaamacadda Carabta la soo dhigay islamarkana uu soo saaray xoghayha guud ee jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in ururka jaamacadda Carabta uu tagaeersan yahay mowqifka xukuumadda Urdun. Bayaanka ayaa lagu yiri, “waan ku kalsoonahay xikmadda hogaanka Urudun inay sugaan xasiloonida dalka iyada oo la xushmeynayo dastuurka iyo sharciga.” Bayaanka aya intaa ku daray in boqor Cabdlaha labaa uu meeqaam sare ka joogo dadka reer Urdun iyo guud ahaan jaamacadda Carabt. Amiir Xamza “Qof walba wuu ogyahay daacadnimadiisa iyo doorka wayn ee uu ku leeyahay u adeegidda danada Carbeed.” Ururka jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale waxay taageereen xarigga loo geystay shaqsiyaad ah ka ah dalka Urdun. Masar ayaa sidoo kale muujisay taageerada ay u hayso Boqor Cabdallaha Labaad, afhayeen u hadlay madaxtooyada Masar ayaa yiri, “Qaahira waxay muujineysaa taageerada ay siiso boqorka Jordan iyo dadaalkiisa” si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida boqortooyada ee looga hortago isku day kasta oo lagu wiiqayo. Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Falah Mubaarak Al-Hajraf, wuxuu caddeeyey taageerada goluhu u hayo “dhammaan tallaabooyinka la qaaday si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo xasilloonida Jordan.” Dhanka Washington, Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka waxay tiri, “Boqorka Urdun waa mid iskaashi muhiim ah la leh Mareykanka, wuxuu heystaa taageero buuxda.” Wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in “Jordan ay tahay dal daris ah oo istiraatiiji ah oo heshiis nabadeed la leh Israel, waxa ka dhacaya dhulkeeda waa arrin gudaha ah,” isagoo raaciyay in Israel “ay tahay inay sameyso wax walba si loo ilaaliyo isbahaysiga istiraatiijiga ah ee Jordan. “ Amiir Xamsa Bin Xuseen, Xarigga masuuliyiinta Amiirkii mar ahaan jiray dhaxal sugaha taajka boqortooyada Urdun, ayaa Sabtidiid sheegay in xabsi guri lagu soo rogay taas oo qayb ka ah qabqabashada lagu hayo dadka xukuumadda dhaliila. Muuqaal uu BBC-da u soo mariyey qareenkiisa ayaa Amiir Xamsa Bin Xuseen, oo ay walaalo kala bah ah yihiin Boqor Cabdallah, ku eedeeyey hogaanka dalka musuqmaasuq, karti darro iyo cagojuglayn. Arintan ayaa soo baxaysa iyada oo tiro saraakiil sar sare ah loo xidhay sida la sheegay in ay af-gembi maleegayeen. Milatariga dalkaas ayaa markii hore beeniyey in Amiir Xamsa xabsi guri ku jiro. Laakiin wuxuu ciidanku sheegay in la faray inuu joojiyo falalka loo adeegsan karo in lagu beegsado “nabad gelyada iyo xasiloonida” dalka. Talaabadan ayaa sida muuqata la qaaday ka dib booqasho uu amiirku ugu tagay hogaamiyeyaal beeleed oo la sheegay inuu taageero ka soo kasbaday. Amiir Xamsa wuu beeniyey inuu wax khalad ah falay waxaanu sheegay in aanu wax shaqo ah ku lahayn khiyaamada la maleegay. Qaran News
  7. Ugu yaraan 557 qof ayaa lagu dilay banaanbaxyadii ka dhacay Myanmar tan iyo markii Afgambi Militari xukunka lagaga tuuray dowladdii rayidka Feb1, sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee hay’addaha u dooda xuquuqda. Warbixinta ay soo saareen Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in 2,658 qof ay hada kujiraan xabsiyada, halka ugu yaraan 235 kalena loo diray waaran soo qabasho. Dibadbaxayaashu waxay buuxiyeen jidadka Myanmar muddo ka badan laba bilood oo ay ka soo horjeedaan afgembiga, iyo xarigga Aung San Suu Kyi, lataliyahii ugu horreeyay ee gobolka, iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xisbigeeda National League for Democracy, oo ku guuleystay doorashadii Nov. 2020. Ciidamada Militariga ayaa isu soo baxyada ay dhigayaan shacabka kaga jawaab celinaya Rasaas , sababtay dhimashada dad badan . Militeriga ayaa bilabay in ay Habeenkii dadka guryaha ugu daataan , iyadoo boqolaal shacab ah guryaha loogu dhacay xilliyada dambe ee habeenkii. Magaalada ugu weyn ee Yangon Axaddii, koox mudaaharaadayaal ah ayaa abaabulay ‘Easter Egg Strike’. Markii ay marayeen jidadka, dibadbaxayaashu waxay ku dhawaaqayeen halku dhigyo waxayna u dhiibeen ukumo ay ku jiraan farriimaha dibadbaxa. Banaanbaxyadu waxay sidoo kale ka sii socdeen magaalooyin ay ka mid yihiin Magway, Mandalay, iyo Bago, iyagoo weli ka biya diidaan Xoogga Militeriga ay adeegsanayaan . Source: goobjoog.com
  8. Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz. Wasiirka oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa waxay Safiirka ka wada-hadleen dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee TEPA, kaas oo ahmiyad weyn u leh kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo maal-gashiga labada wadan sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka. Dhinacyadu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen dheeli-tirka ganacsiga labada wadan, dhiiri-gelinta iyo kor-u-qaadista wax-dhoofinta iyo in suuqyo ganacsi loo helo wax-soo-saarka Soomaaliya gaar ahaan in dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaliya si toos ah looggu iib geeyo suuqyada wadanka Turkiga. Wasiir Khaliif Cabdi Cumar, wuxu dowladda Turkiga iyo shacbigeeda ba ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska wadanka Soomaaliya, waxaana uu rajeeyey in sida ugu dhakhsiyaha badan guul loogga gaadhi doono dhammeystirka heshiiska TEPA ee u dhaxeeya labada wadan maadaama oo muddooyinkii dambe laga shaqeynaayey heshiiskaas. PUNTLAND POST The post Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/Warka-Subaxnimo-542021-ok.mp3 View the full article
  10. Magaalada Toronto Allah ha u naxariistee, Haabiil Axmed Cabdullaahi oo da’diisa lagu sheegay 21 sano jir Somali-Canadian ah, ayaa Sabtidii lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada. Sida warbaahintu ka soo xigatay Booliska magaalada Toronto, Allah ha u naxariistee Haabiil, waxa rasaas lagu furay isaga iyo qof kale oo la socday xilli ay marayeen agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett, iyagoo watay gaari. Boolisku waxay sheegeen ilaa iyo hadda weerarkan looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen laba qof oo madow ah oo da’doodu ay u dhaxeyso 20 ilaa 25 sano jir. Gaariga ay wateen iyo laba bastoolad, ayay boolisku sheegeen in ay heleen, kadib markii eedeysanayaasha ay shil galeen xilli ay baxsanayeen, sidaasna ay uga carareen gaarigii ay wateen. PUNTLAND POST The post Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday in ay cadaadis saarto askarta ka diiwaan gashan islamarkaana ku maqan shaqada leexsan, gaar ahaan kuwa ilaaliya siyaasiinta mucaaradka ah, sida ay ogaatay Caasimada Online. Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadajir ee hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo taliska Milatariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in loo sheegay in mushaarka laga joojiyay ciidan ku dhow 70 askari. Ciidanka lacagta laga joojiyay ayaa intooda ugu badan ilaalo u ah Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo badankood ay dhowaan ku biireen ilaaladiisa iyo Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indhacade, oo isna ku dhow mucaaradka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey u lahaa ilaalo gaar ah, oo aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda Soomaaliya, oo gaaraya illaa iyo dhowr iyo toban, hase yeeshee kadib weerarkii dhacay 19-ii Febraayo ee lagu qaaday mucaaradka qaarkood, ayaa waxaa ku biiray ilaalo ku beel ah, oo qaarkood ka yimid dhanka Indha-Cadde oo ay sidoo kale isku jufo yihiin. Ciidankan ayaa la sheegay inay xoojinayeen ilaalada Cabdiraxmaan, ayaga oo ka cabsi qaba weerar ay mar kale ku qaado dowladda, kadib weerarii dhacay saddex sano kahor ee ilaalada looga dilay. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arintaan, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar kale oo mucaaradka ah askarta la socota laga joojiyay mushaarkii ay qaadan jireen. Mucaaradka ayaa wixii ka dambeeyey weerarkii 19-kii lagu qaaday hotel Maa’ida oo ay ku sugnaayeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxay aad u kordhiyeen ilaaladooda, ayaga oo ka cabsi qaba weerar mar kale uga yimaadaan dowladda.
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen magaalada Lamu ee dalkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay gaari xamuul ah oo way wateen ciidamada Kenya, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib ay rasaas rideen ciidamada Kenya, iyagoona sameeyey howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey falkaasi. Ugu yaraan hal qof oo ahaa wadaha gaariga lala eegtay ayaa dhintay, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen askar kale oo la socotay, sida ay shaaciyeen dadka deegaanka. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay baahisay inay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiyeen ciidamada dalka Kenya. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in waxyeelo lagu gaarsiiyey ciidamada dalkaasi. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.
  13. The African Union is mediating the three-day talks in Kinshasa as dispute between the three countries drags on. Source: Hiiraan Online
  14. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Kenya oo qarax miino lagula eegtay Gobolka Lamuu ee dalkaas. Gaari ay wateen Ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka xeebta ee Lamu, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Ugu yaraan hal ruux oo ahaa darawalkii waday gaariga ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaas, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Askar ka tirsan Ciidanka ee la socday gaariga. Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu, iyagoona sheegay inay ku dileen Darawalkii gaariga waday, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray askar kale. PUNTLAND POST The post Ciidamada Kenya oo Qarax lagula eegtay Gobolka Lamuu appeared first on Puntland Post.
  15. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN GEERIDU WAA XAQ. Allaah ha u naxariistee waxaa xalay oo Isniin aheyd 5.04.2021 ku geeriyooday magaalada Nairoobi ee Dalka Kenya Xuseen Sheekh Maxamed-Bashiir ( Xuseen Daaniye ) Dhamaan xubnaha Jaaliyada Somaaliyeed ee Puntland/Jubbaland ee Danmark waxay iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Adeer Xuseen Sheekh ay Tacsi tiiranyo leh u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Xuseen Daaniye iyo Qoyska Reer Cartan Shire, Ehelkii iyo Asxaabtii uu marxuumku baxay, iyagoo Allaah uga baryaaya in uu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana Rabbi Janadii Fardowsa Hoy uga yeelo. Dhamaan maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay Tacsi gaar ah u dirayaan Walaal Maxamed Xuseen Daaniye geeridaa naxdinta leh ee ku timid Adeer Xuseen Sheekh Maxamed-Bashiir The post TACSI : – Allaah ha u naxariistee Xuseen Sheekh Maxamed-Bashiir ( Xuseen Daaniye ) oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi- Kenya appeared first on . Source
  16. The UN top envoy in Somalia on Sunday condemned Saturday's foiled attacks against the Somali National Army (SNA) bases in Barire and Awdhigle towns in the southern region in which the army killed more than 115 militants. Source: Hiiraan Online
  17. Waare iyo waayo-aragnimadiisa Federaalka! Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle waa nin xogogaal ah oo awood u leh inuu qaab maangal ah u sharraxo dhibaatooyinka bulsho iyo tan siyaasadeed ee haysta deegaannada iyo beelaha Soomaalida. Wareysi lala yeeshay oo aan dheggeystayna waxyaabaha uu ka hadlay ee aan aadka ula dhacay waxaa ka mida qeexid iyo qaabeyn cajiib ah oo uu u sameeyay sida ay reeraha Soomaaliyeed ula falgaleen nidaamka Federaalka, iyo kuwa weli cabashada qaba dhibka haysta. Wuxuu sameeyay saddex-xagal beeleed oo tabashada Federaalka ay ku badan tahay, kuwaas oo kala ah Xawaadle (Hiiraan), Mareexaan (Gedo) iyo Sool clan iyo East Sanaag Clan (SSC). Sababaha ay saddexda reerood uga gows-adeygayaan wax-ku-darsiga maamullada ku hareeraysan ayaa uu Dr. Waare u faahfaahiyay qaab ay dad badan wax ku fahmi karaan. Waxa uu sababaha ku soo koobay beelahaas oo aanan aragti mideysan ka lahayn siyaasadda ku hareereysan. Isaga oo warkiisa ku xoojiyay hadal u dhignaa “cid walba oo siyaasadda wax ka rabta, inta aysan waxa ay rabto doonan waxaa horta muhiim ah in ay meel isugu tagto oo isku raacdo waxa ay rabto.” Dr. Waare oo kala dhigdhigaya saddexda reerood iyo saddexda deegaan ee uu kiiskooda tusaalaha u qaatay, waxa uu sheegay in mushkiladda Xawaadle ay ka soo billaabatay iyaga oo aanan aragti mideysan ka qaadan labadii garab ee ay USC u kala jabtay ee dagaallamay (Caydiid iyo Cali Mahdi/Habargidir iyo Abgaal). Waxa uu tilmaamay in ay tolku isku raaci waayeen cidda ay la safanayaan iyo kan ay ka safanayaan, ama go’aanka ay reer ahaan ka qaadanayaan is-haysadka labada dhinac. SSC waxa uu xusay in aysan weli reer ahaan isugu waafaqin dhanka ay raacayaan labada maamul ee ay dhexda uga jiraan. Mareexaanka Gedo degganna waxa uu sheegay in ay iyagu arrintooda markii hore culays gaar ah lahayd, oo deegaanka iyo siyaasaddiisaba ay u kala janjeertay Itoobiya iyo Kenya oo xudduudo la leh, markii Federaalka dhismayna uu kala-jiitankii jiray sii xoogeystay. Talada uu Waare hadalka ku soo dhammeeyay ayaa ahayd “in qola walba ay garwaaqsato in aysan is hureynin cidda ay deegaanka wadaagaan, sidaas darteedna looga baahan yahay inay runta wajahaan oo iyagoo mideysan wixii dantooda ah kala xaajoodaan dadka ay wax kala dhexeeyaan”. Hadalka Waare waxa uu iftiiminayaa salka jahwareerka hadda ka taagan Federaalka, oo meelaha ay dhibaatadu saameysayna ay u badan yihiin deegaannada aan ka soo hadalnay. Waxaa halkaan laga fahmi karaa in uu xiriir ka dhexeeyo aragtida Federaal-diidka ah ee lagu eedeeyo kooxda hadda Villa Somalia ku jirta, iyo caqabadaha ka taagan deegaannada markii horeba Federaalka u saluugsanaa qanacsanaan-la’aan beeleed darteed.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyey howl-gallo ay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen duleedka degmadaasi, kuwaas oo looga hortegayey weeraro ay soo qaadaan Al-Shabaab. Guddoomiye ku xigenka amniga iyo siyaasadda degmada Qansaxdheere Maxamed Muqtaar Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkan si gaar ah looga sameeyey duleedka magaalada, islamarkaana lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab. Maxamed Muqtaar ayaa xusay in xubnahaasi oo labo ahaa la toogtay, xilli ay aasayeen qarax miino, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga lagu dilay howlgalka ay ka furteen qoray Ak47 ah iyo bistoolad ay wateen, isagoo intaasi ku daray in howl-galka laga gaaray ujeedka laga lahaa. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Qansaxdheere ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ee is-garabsana ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.
  19. Amman (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageereyso tallaabooyinka uu qaaday boqorka Jordan Abdalla bin Hussein ee ka dhanka ah walaalkiisa Hamza bin Hussein iyo xubno kale oo laga shakiyey. Mas’uuliyiinta Jordan ayaa Sabtidii xiray in ka badan 20 qof, waxayna xannibeen dhaq-dhaqaaqyada dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada Hamza bin Hussein, ayada oo ay jirto wax ay saraakiisha ugu yeereen halis ka dhan ah “amniga iyo xasilloonida dalka.” Amiir Hamza bin Hussein, oo ah wiilka ugu weyn ee boqor Husssein iyo xaaskiisa Mareykanka ah Queen Noor, ayaa loo sheegay inaanu guriga ka bixi karin illaa laga baarayo shirqool la tuhunsan yahay in lagu afgambin lahaa boqor Abddullah oo ay isku aabe yihiin. Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay waxay ku tiri “ayada oo la eegayo xiriirka qotada dheer ee dhow iyo danaha ay wadaagaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Haashmiyadda ee Jordan, Soomaaliya waxay shaaca ka qaadeysaa inay si xooggan oo adag u taageereyso dhammaan ficillada iyo go’aanada uu qaatay Boqor Abdullah bin Al-Hussein, si uu ilaaliyo amniga iyo xasilloonida boqortooyada.” Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay horumar iyo barwaaqop u rajeyneyso Jordan iyo inay ku guuleysato hadafyada shacabka, ayada oo uu hoggaaminayaan boqorl Abdullah, iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha Hussein bin Abdullah. Boqor Abdullah ayaa sidoo kale taageero ka helay inta badan dalalka kale ee Carabta iyo Mareykanka.
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanka PSF-ta Puntland ka fuliyeen degaanada buuraleyda ah ee Cal-Miskaad oo ka tirsan gobolka Bari. Saraakiishu waxa ay sheegeen in howlagalkaas lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo socday ku dhawaad 48-saacadood. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay howlgalkaas ay Daacish uga dileen ugu yaraan 24 dagaalame, isla markaana ay ku burburiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada lagu weeraray ee buuraleyda gobolka Bari. Ciidamada Puntland waxay Daacish ka furteen sahay iyo saanad badan oo ciidan, sida ay waraabhinta u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka. Saraakiishu waxay intaas ku dareen in ciidamadu saldhigyadii ay ka qabsadeen Daacish ay ku gubeen laba gaari oo kooxdu ay ku diyaarisay waxyaabaha qarxa. Sidoo kale saraakiisha ciidamada PSF-ta Puntland ayaa qiray in dhankooda uu dagaalkaas ka soo gaaray khasaare kooban, in kastoo aysan shaacin tiro rasmi ah. Kooxda Daacish ayaa awoodeeda ugu badan ee Soomaaliya inta la ogyahay waxay ku leedahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, waxayna mararka qaar weerarro ka fulisaa magaalooyin ay Boosaaso ka mid tahay.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya. Xasan Sheekh oo weysigaan oo dhinacyo badan taabanaya siiyey KNN ayaa si qota dheer uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo dhaliisha ugu badan dusha ka saaray madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay bahdishay ciidanka Qaranka oo kalsoonidii shacabka ay ka sii lumineyso, wiilasha hoggaamiyana aysan kala garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa aan sharciga aheyn, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii ay la kulmeen Farmaajo, iyagoo ka dalbaday in aan la siyaasadeyn ciidanka Qaranka, balse taas uusan dheg jalaq u siin, sida uu sheegay. “Nasiib darro madaxweyne Farmaajo ciidankii siyaasadda ayuu geliyey, wiilasha yaryar ma dhihi karaan waxaan sharci maaha, laakiin waan la hadalnay anagu, marka dowladdan ciidamada waa bahdishay, waana duleysay, kalsoonida shacabka ayeyna kasii lumineysaa, wax kastana meesha ay ka qaldamaan waa kalsoonida,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dadka loo adeegsaday ciidamada Qaranka ee loo diray inay soo dilaan uu isagu ka mid ahaa. “Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu intaas ku sii daray, “Anagoo banaanbax nabadeed ku baaqnay oo meeshii banaanbaxa agteeda u sii hoyanay, meeshii banaanbaxu ka dhici lahaa hala baaro dhahnay, yaan dadka miino iyo wax loogu aasine, ayey ciidamada dowladdu nasoo weerareen, laakiin tabarta ayaa u deyrisay ee u jeedadu inay na dilaan ayey aheed, kadibna iska hor imaad ayey ku dhinteen la yiraahdo, intaas oo jeer ayaa guryaheena ciidan lasoo hor dhigay oo wiilasheena aan guryaha ku celinay, marka madaxweynahaan waa nin raba inuu colaad ka shaqeeyo.” Sidoo kale waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ay madaxda dowladdu daandaansi ku hayeen, isaga iyo madax kale, balse aysan bixin jawaabtii laga doonayey oo uu qabo inay tahay gacan ka hadal. “Dowladda uu masuulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey? Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Maanta wadada kaliya ee furan waa in la wada-tashado, madaxweynuhu afartii sano ee lasoo dhaafay isagaa wax qaban waayey, maanta waxaa laga rabaa qof kasta inuu yiraahdo sidey kula tahay, taasna waa lagu kari la’yahay, Soomaaliya xaaladeedu meel xun ma tagi doonto ayaan qabaa, ee shakhsiyaadka dhibka badan iyagaa iska bixi doona, laakiin halka ay hadda joogto markii la fiirsho, hadii aan siyaasadda laga heshiin, wax kasta waa sii qaribmaayaan.” Mar wax laga weydiiyey sababta loo aas-aasay Madasha uu ka tirsan yahay ee Badbado Qaran ayuu yiri, “Maadaama ay dhamaatay sharciyadii hey’adaha dastuuriga ah ee dalka, waxaan Madasha Badbado Qaran u sameynay in dalkan loo jiheeyo doorasho xalaal ah oo aan la is boobin, hadii doorashadu xumaato dhib badan ayey leedahay, umana socoto madashaan inta qoryo qaadato inay dalkaan ku badbaadiso. Halkan hoose ka Daawo
  22. Maxaad kala socotaa Isbedelka horumar ee uu ku talaabsaday Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ? Aslaamu Calaykum Sida laga warqabo ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland waxa uu udub dhexaad u ahaa una yahay Nabadgelyada iyo nidaamka dawladnimo ee ka hanaqaaday Jamhuuriyada Somaliland sodonkii sanadood ee la soo dhaafay, iyagoo heeggan u ah habeen iyo maalinba sugida nabadgelyada muwadiniinta iyo ilaalinta sharciga. Inkasta oo kacaa-kuf badan iyo duruufo aad u qadhaadh ay soo mareen Ciidanka Booliska Somaliland, hadana waxay kaga soo gudboon adkaysi, samir iyo gunti-giijis ay ummadooda ugu soo adeegeen xaalad kasta oo lagu jiro. Waxa Allah mahadiis ah in dedaal aad u badan oo muddo dheer qaatay ka dib aynu ku faani karno in Booliskeenu uu leeyahay Awood aad u balaadhan oo ku fidsan dhamaan gobolada, degmooyinka, tuulayaasha iyo xuduudaha Dalka iyaga oo leh khibrrad, aqoon iyo waayo aragnimo aad u sarraya oo ay ku gutaan waajibaadkooda uu Dastuurka Dalku u jideeyay. Iyada oo Xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray dalkeena ay mid kastaa ku dedaashay horumarinta Booliska tayo ahaan iyo tiro ahaan iyo qalab ahaanba, hadana waxaa muuqata in Xukuumada imika talada haysaa ay dedaal aad u sarraysa ku bixisay dhismaha Booliska iyo kor u qaadida aqoonta qaybaha kala duwan ee ciidanka. Shalay ayay ahayd markii 46 sarkaaal oo dhalinyaro ah oo heer jaamacadeed ah oo ka soo baxay kulliyadaha ciidanka loo kala diray laguna xoojiyay saldhigyada booliska ee goboloda Dalka oo dhan. Saraakiishaashaas oo ahaa Laba-xidiglayaal waxaa badankooda loo magacaabay taliyo ku xigeeno rugo boolis, waxaanay wax ka tari doonaan kor u qaadida nidaamka shaqo ee rugaha booliska. Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud oo aan maanta kulan kula yeeshay xarunta Taliska guud ee ciidanka ayaa ii sheegay inay ka go’an tahay inay isbedel muuqda ku sameeyaan ciidanka booliska, korna ay u qaadi doonaan tiro ahaan, tayo ahaan iyo qalab ahaanba. Mar aan Taliyaha Booliska wax ka waydiiyay cabashada ka soo yeedha muwaadiniinta qaarkood ee ku saabsan hab-dhaqanka askarta qaarkood, waxa uu taliyuhu ii sheegay in ciidanku u tabobaran yahay habka ay ula dhaqmayaan dadweynaha, booliskuna uu yahay saaxiibka dadweynaha, hase yeeshee askariga ku gefa shacbiga ay si adag ula xisaabtamaan oo ay sharciga mariyaan. Waxa uu Taliyuhu shacbiga ugu baaqay in qofkii ka cabanaya Booliska uu cabashadiisa usoo gudbiyo madaxda sare iyo rugaha booliska ee kala duwan, kuwaas oo baadhis ku samayn doona cabasho kasta oo ay muwaadiniintu soo gaadhsiiyaan, waxaanuu sheegay inay haboon tahay in cabashada si toos ah loo soo gaadhsiiyo iyaga, lagana waantoobo warbaahinta lagu cararyo ee Booliska lagu aflagaadaynayo. Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed Hargeisa. Somaliland. Qaran News
  23. Ciidamada Amaanka Puntland PSF ayaa laba maalin waxay wadeen howlgal xoogan oo ka socdey Buuralayda Gobolka Bari halkaasoo lagu bartilmaamadeysanayay Maleeshiyaadka Xagjirka ah. Howlgalkaan oo socdey ku dhowaad laba maalmood wuxuu ka dhacay Baraagaha Madaxmadow iyo Buuraha Dhabancado oo ku yaal Buuralayda Calimidkaat, waana markii u horaysay oo Ciidanku ay gaaraan Xudunta ay ku dhuumanayaan Argagixisadu. Ciidamadu waxay jab xoogan gaarsiiyeen Cadowga iyagoo kala wareegay Sanad iyo Saadba, Dhamaan cunadii keydka u ahayd Argagixisada waa la gubay. Saraakiisha Ciidanku waxay sheegeen in Howlgalku sii socon doono, mar aan waxka waydiinay dababta loo gubay Saatkii laga qabsadey Argagixisada, Mid kamida saaraakiisha ayaa ku jawaabay “ Ciidamada Amar ayay u haystaan inay gubaan waxwalba oo Argagixisada laga qabsado,Khaasatan Cuntada, waayo waxaa dhici karta in cunada ay Sun ku daraan sidaa awgeed Ciidanka waa laga manuucay inay qaataan.” Ciidamada waxaa soo gaaray khasaare aan saas u weyneyn, laakiin lama shaacin khasaaraha rasmiga ah, Saraakiishu waxay sheegeen iney ka hadli doonaan Howlgalka Isniinta 5/4.2021. Ciidamada Puntland bilihii u dambeeyay waxay fuliyeen hoelgalo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish, kuwasoo guulo ay kasoo gaareen Ciidanku. Hoos kadaawo Sawirada Taliska Ciidanka Difaaca Puntland oo Puntlandi.com lawadaagay Sawirada waan uga mahadcelinaynaa Puntlandi.com The post Faahfaahin+Sawiro – Howlgalkii Ciidamada PSF ee baacsiga Daacish, 48-dii saac ee lasoo dhaafay appeared first on . Source