Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta ka dhacay teendhada Afisyoone ayaa lasoo geba-gebeeyey, kadib saacado ay is hor fadhiyeen madaxda. Shirka ayaa waxaa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, hoggaaminayey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkasta oo Puntland iyo Jubaland aysan taas qirin. Shirka maanta ayaa waxaa dibad-joog ka ahaa warbaahinta, hase yeeshee kadib shirka ayaa warar aan ka helnay xubno ku dhow qaar ka mid ah madax goboleedyada, waxay noo sheegeen in inta badan kulankii maanta uu ahaa kalsooni dhis, oo ay dhinacyadu isugu soo dhowaanayeen, islamarkaana aysan jirin qodobo badan oo si weyn looga dooday. Waxay sidoo kale sheegeen in madaxda ay ku ballameen in mar kale ay berri shir isugu yimaadaan, taasi oo ay ku tilmaameen horumar, maadaama markii ugu horreysay ay isa soo hor-fariisteen madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ay sida weyn isku hayaan ee Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Shirkan ayaa horudhac u ah shirweynaha wada-tashida qaran ee arrimaha doorashad, waxaana looga hadlayaa ajendaha shirkaas, oo ay dhinacyada si weyn isugu hayaan. Kooxda Farmaajo uu hoggaaminayo, oo ay ku jiraan madax goboleedyada taabiciyiinta ah, ayaa doonaya in ajendaha uusan ka bixin qodobada heshiiskii 17-ka September 2020, islamarkaana wixii dood laga keenay ee ku jiray qodobadaas dib looga wada xaajoodo. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa iyagana ku doodaya in kadib heshiiskaas ay dowladda sameysya carqaladeyn badan, sidaas darteena wax kasta oo kadib dhacay ay tahay in laga wada-xaajoodo.
  2. Ciidamada gaarka ah Puntland PSF iyo dagaalyahano ka tirsan Daacish ayaa saaka dagaal ku dhexmaray meel u dhow degmada Balidhidhin ee gobolka Bari. Dadka degaanka ayaa soo weeriyay in muddo saacodo ah ay maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo dagaal la isu adeegsanayay, kaas oo ka dhacay dhul buuraley ah oo15km dhanka galbeed ka xiga magaalada Balidhidhin. Warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalkaas u dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo aan tiro rasmi ah la hayn. Dadka degaanka oo u badan xijiyeysato iyo xoolo dhaqato ayaa isaga carayay aaga dagaal ka dhacay. Puntland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dagaalka dhacay aaga Balidhidhin. Puntland iyo Daacish ayaa tan iyo 2016 dagaalo kala duwan ku dhexmareen buuraleyda Cal-miskaat ee bariga fog goblka Bari, waxaana mararka qaar dhibaato ka soo gaartaan dadka rayidka ah ee ku nool deegaannadaas. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Daacish oo ku dagaalamay meel u dhow Balidhidhin appeared first on Puntland Post.
  3. A new round of talks aimed at resolving the electoral impasse in Somalia finally kicked off in the capital of Mogadishu Saturday amid pressure from the international community for a consensus. Mohamed Moalimuu, the government spokesman, said President Mohamed Farmajo has officially opened the consultative meeting bringing together all leaders of the five federal member states to help break the impasse which has delayed holding elections. The meeting between the government side led by President Farmajo and regional leaders from Galmudug, Hirshabelle, Puntland, Jubaland and Southwest states will finalize implementation of the electoral model, building on the work of the technical committee which met in Baidoa in the southwest region on Feb. 15-17. Efforts to end the electoral stalemate in Somalia have intensified with the international community urging resumption of talks, while the Council of Presidential Candidates (CPC), an umbrella body representing presidential candidates, is proposing the formation of a transitional council to oversee elections, citing Farmajo’s continued stay at the helm untenable. A major concern is the latest spate of attacks by al-Shabab militants who are determined to disrupt the national polls in order to reassert their influence. Failure to resolve the electoral impasse has plunged Somalia into a political crisis since Farmajo’s term officially ended on Feb. 8 while the four-year term of parliament ended on Dec. 27, 2020. View the full article
  4. Al-Shabaab, the Somalia-based al-Qaeda-linked extremist Islamist group, claimed its fighters killed 47 government soldiers during a Saturday attack on two Somali army bases, the group’s military wing spokesman Abdulaziz Abu Musab said. Source: Hiiraan Online
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kahor istaagay maamulkiisii mashaariic gaareysa 250 milyan oo dollar. Waare oo wareysi siiyey warbaahinta Hanoolaato ayaa ka sheekeeyay dagaalkii ay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarahiisii hore Xasan Cali Kheyre ku qaadeen maamulkiisa. “Waxaa la igala dagaalmay inaan dhiso dhaqaalah HirShabeelle. Mar kasta oo aan dhiso kastam dhaqaale soo xareeya waa la iga hor-istaagayey. Markaan barasaab magacaabo oo uu laba bil shaqeeyo Xamar ayaa lagala soo hadlaa. Ninkii waaba isbedelaa, oo jaakat kale ayuu gashanaa,” ayuu yiri Waare. “Waxaa nagala dagaallamay mashaariicdii. 250 Malyan oo dollar ah mashaariic ah, weliba si gaar ah ra’iisul wasaaraha ileen isaga ayey wasaaradaha hoos yimaadaan. Xitaa markii la fasaxay lacagtii Jabuuti, si shacabka loo tuso in maamulka uu yahay mid xun, waxaa la yiri ganacsato ku wareeji.” Waare ayaa sheegay in xitaa uu gaaray heer uu wasiiro ay ka mid yihiin wasiirkii amniga Ducaale uu la kaashado inay Kheyre u sheegaan inuu diyaar u yahay inuu is-casilo, si cunaqabateynta looga qaado shacabka HirShabelle. “Waxaan Kheyre ku yiri yaad ku hilmaamtay dadka aad matasho, xageed ku ogtahay HirShabelle iyo Mudug,” ayuu yiri Waare. Waare waxau uu sheegay in mashaariicda la fulin waayay ay ka mid ahaayeen dhismaha waddada u dhaxyesa Balcad iyo Jowhar, iyo biyo xireen loo sameeyo webiga Shabeelle ee Beledweyne. Hoos ka daawo wareysiga Waare oo uu kaga sheekeeyey
  6. Sida ay soo werisay wakaaladda wararka Ciraaq, laamabaha amnigana ay xaqiijiyeen, Kaaliyaha Agaasimaha Sirdoonka Milatariga ee Wasaaradda Difaaca Ciraaq, Sarreeye Guuto Sayid Al-Maksuusi, ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay agagaarka Buundada Diyala ee koonfurta Baqdaad. Dhanka kale, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in seddex gaari oo nooca Salvador ah ay weerareen Al-Maksuusi xilli uu ka soo laabtay gobolka Waasid. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka nabadgalyada ay qabteen mid ka mid ah xubnahii isku xerka iyo abaabulka u qaabilsanaa kooxda weerarka geysatay iyo seddex ka mid ah dableeydii weerarka soo qaaday. Weerarkan ayaa yimid xilli Ciraaq ay wali la dalai dhaceeyso dhibatooyin dhanka amaanka ah, in kasta oo ay socdaan olole amni oo joogto ah oo lagu doonayo in meesha looga saaro Kooxaha arga-gixisada ah ee ka dagaalamo dalkaas. PUNTLAND POST The post Kaaliyaha Agaasimaha Sirdoonka Milatariga Ciraaq oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.
  7. Fierce fighting broke out in southwestern Somalia on Saturday when terrorist group al-Shabaab launched a pre-dawn attack on Somali National Army bases, said military officials. “Somali Army killed dozens of terrorist militants, including leaders, after Shabaab attacked SNA bases in Awdhigle and Bariire in Lower Shabelle region,” state media reported, quoting Somali military chief Odawaa Yusuf Rageh. Deputy Defense Minister Abdifitah Qasim also confirmed the attacks and commended Somalia’s elite Gorgor forces for repelling the attacks. The militants attacked military bases in the towns of Bariire and Awdhegle with a vehicle full of explosives, according to military officials in the region who spoke to Anadolu Agency on condition of anonymity. There was no word how many people were killed or injured in the attacks. The al-Qaeda-affiliated terror group al-Shabaab also fired mortars on Sabiid and Anole and detonated car bombs in Lafoole. Al-Shabaab claimed that it had killed over 47 government soldiers in the attack on Barriire military base and seized several military vehicles. Bariire, an agricultural town Somali forces liberated from al-Shabaab, is located 73 kilometers (45 miles) southwest of the capital Mogadishu. Source: Anadolu Agency
  8. (SLT-Riyadh)-Wasiirka arrimaha dibedda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in heshiiska suurtagalka ah ee soo celinta cilaaqaadka Israe uu ku xidhan yahay horumarka geeddi-socodka nabadda, sidoo kalana uu ka faa’iideysan doono gobolka. Wasiirka oo wareysi siinayay warbaahinta khamiistii lasoo dhaafay ayaa sheegay in xidhiidhka Israa’iil oo caadi laga dhigo ay keeni karto faa’iido baaxad leh oo gobolka guud ah, wuxuuna dhan walba ka tusay bulshooyinka waxa faa’iido ku qarsoon in la wanaajiyo maamulka Israa’iil. “Waxay aad u caawin laheyd dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhanka amniga,” ayuu ku yidhi wareysiga uu siiyay CNN, isaga oo intaa raaciyey inay macquul noqon karto heshiiska hadii la helo dowlad Falastiin ah oo ku taal xuduuda 1967. Sacuudi Carabiya waxey doonayaan in Falastiin ay noqoto dal madax bannaan sidii ay kal hor sheegeen, waana faallo la mid ah mid ay hadda ka hor dhiibtay, iyadoo arintaan ay tahay mid aan la ogeyn saameynta ka dhalan karta “Waxa aan u baahanahay inaan ka dhabeyno waa heshiis nabadeed oo u horseedaya dowlad Falastiin sharaf leh iyo madaxbannaanida lagu shaqeyn karo oo Falastiiniyiinta ay aqbali karaan” ayuu yidhi Amir Feysal sanadkii hore. Boqortooyada Sacuudiga waxa ay muddo badan ku fakareysay soo celinta xiriirka Israa’iil, balse waxey ku adkeysaneysaa iney ku tala jirto tallaabo lagu beddeleaayo abuuritaanka dowlad Falastiin ah oo ka dhaxeysa xuduudaha 1967. Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xidhiidhka Yahuuda kusoo celiyey heshiis uu soo agaasimay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaana jirtay in Falastiiniyiinta ay si adag u cambaareeyeen, walow dadka qaar ay wali tuhunsan yahiin in Sacuudiga ay raaci doonaan kuwa ka horreeyay iyadoo aan la eegeynin danaha reer Falastiin Source
  9. (SLT-Addis Ababa)-Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah G-7 ayaa ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lana xaqiijin karo ciidamada Eritrea lagaga saaro gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia. Wasiirrada dalalka ugu dhaqaalaha badan caalamka oo Jimcihii kulan sanadeedkoodu uu ka dhacay magaalada Berlin ayaa soo saaray bayaanka ku soo beegmay ka dib markii dhawaan uu Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed shaaciyay in uu la hadlay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ka oggolaaday in uu ciidamada Eritrea kala baxo gobolka Tigray. “Wadahadalladeenii aan 26-kii March 2021 yeelannay madaxweyne Isaias Afwerki intii aan booqashada ku joogay Asmara, dowladda Eretria waxa ay oggolaatay in ay ciidamadeeda kala baxdo xadka Ethiopia,” ayuu Abiy ku yidhi qoraal lagu daabacay boggiisa Twitter-ka. Wasiirrada G-7 ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay muujiyaan “xakameyn buuxda, hubiyaan ilaalinta dadka rayidka ah ayna ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah.” Wasiirrada dalalka Britain, Canada, France, Germany, Italy, Japan, iyo Mareykanka, iyo wakiilka sare ee Midowga Yurub ayaa ku baaqay “in la joojiyo rabshadaha iyo in la sameeyo hannaan siyaasadeed cad oo loo dhan yahay kaasi oo ay aqbalsan yihiin dhammaan Itoobiyaanka oo ay ku jiraan kuwa Gobolka Tigray.” Hannaanku waa in uu horseedaa “doorasho lagu kalsoonaan karo iyo dib-u-heshiisiin qaran oo ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirada dalalka G-7. Wasiiradu waxa kaloo ay walaac qotodheer ka muujiyeen warbixinnadii dhowaan soo baxay ee sheegayay “xadgudubyada iyo tacaddiyada xuquuqda aadanaha, iyo ku tumashada sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee gudaha Tigray.” Abiy ayaa bishii November guluf dagaal ku qaaday gobolka Tigray ka dib markii uu sheegay in ciidamada jabhadda TPLF ee maamuleysay gobolka Tigray ay weerareen fadhiisimada ciidammada dowladda federaalka. Labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo bilo ah beeninayay in ay ciidamo Eritrean ah galeen gobolka Tigray, taasi oo ay xaqiijiyeen dublumaasiyiin, shaqaalaha gargaarka, dadka deegaanka iyo qaar ka mid saraakiisha militariga Ethiopia. Dagaalka gobolka Tigray ayaa waxaa ku geeriyoodeen kumanaan qof, iyadoo kumanaan kale ay ku barakeceen. Boqolaal kun oo kale ayaa lagu qasbay in ay u qaxaan dalka deriska ah ee Sudan. Gobolkan oo ay ku nool yihiin dad ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa uu wajahayaa gabaabsi dhanka cunnada, biyaha iyo daawada, sida ay sheegtay QM. Source
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir horudhac ah oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo gobolka Banaadir. Shirkaan ay saxaafadda dibad joogga ka tahay ayey xubnaha ka qeyb galaya kaga arrinsanayaan ajandaha shirweyne lagu saxiixo heshiis doorasho loo dhan yahay. Warbaahinta dowladda waxey sheegeen in shirka uu furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo wakaaladda wararka ee SONNA lagu qoray qoraalkaan: “Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka yihiin, Ra’iisul wasaaraha XFS ,Madaxda maamul gobolleedayda dalka iyo maaamulka gobolka Banadir” Dhanka kale, afhayeenka madaxweynaha Puntland ahna agaasimaha madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland Jaamac Deperaani ayaa bartiisa soo dhigay in Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qeyb galayo kulanka balse ma xusin xusin inuu shirka furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhaamaday. “Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ka qeybgalaya Shir hordhac ah oo dhexmaraya Madaxda Dowladda DFS ee wakhtigoodu dhammaaday iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaasi oo loogu gogol xaarayo Shirweynaha wadatashi oo looga hadlayo arrimaha doorashada” ayuu yiri Jaamac Deperaani Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiril: “Shirka oo ka socda teendhada Afisyooni waa mid ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana ujeedkiisu yahay in is afgarad laga sii gaaro Ajandaha iyo habka uu u qabsoomayo Shirweynaha wadatashi ee arrimaha Adoorashada” Caasimada Online ayaa dhowaan qortay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadisay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni in la laabtaan shuruurddan islamarkaana ogolaadan in Farmaajo shirka guddoomiye, ayaga oo u sheegay inaysan muhiim aheyn cidda shirka guddoomineysa haddiiba shuruudaha kale ee ay wataan la fuliyo.
  11. Riyadh (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibedda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in heshiiska suurta-galka ah ee soo celinta cilaaqaadka Israe uu ku xiran yahay horumarka geeddi-socodka nabadda Falastiin. Amiir Faisal bin Farhan oo maanta la hadlay warbaahinta CNN, ayaa sheegay in xiriirka Israel oo caadi laga dhigo ay keeni karto faa’iido baaxad leh oo gobolka guud ah. “Waxay aad u caawin laheyd gobolka, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhanka amniga,” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay CNN, isaga oo intaa raaciyey inay macquul noqon karto heshiiska haddii la helo dowlad Falastiin ah oo dhulkeeda uu ku saleysan yahay xuduudihii 1967, ka hor dagaalkii Israel iyo Carabta. “Sacuudi Carabiya waxey doonayaan in Falastiin ay noqoto dal madax bannaan sidii aan kal hor sheegnay,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan. “Waxa aan u baahanahay inaan ka dhabeyno waa heshiis nabadeed oo horseedaya dowlad Falastiin sharaf leh iyo madaxbannaanida lagu shaqeyn karo oo Falastiiniyiinta ay aqbali karaan,” ayuu yiri. Boqortooyada Sacuudiga waxey muddo badan ku fakareysay soo celinta xiriirka Israel, balse waxey ku adkeysaneysaa iney ku tala jirto tallaabo lagu beddeleaayo abuuritaanka dowlad Falastiin ah. Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriirka Yahuuda kusoo celiyey heshiis uu soo agaasimay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaana jirtay in Falastiiniyiinta ay si adag u cambaareeyeen, walow dadka qaar ay wali tuhunsan yahiin in Sacuudiga ay raaci doonaan kuwa ka horreeyay iyadoo aan la eegeynin danaha reer Falastiin.
  12. Ciidamda Ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa soo badbaadiyay 231 qof oo tahriibe kuwaas oo ay dowladda Giriiggu dib usoo celisay. Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidmada ilaalada xeebaha Giriiggu ay qasab kusoo celiyeen doomihii ay wateen tahriibayaasha oo doonayay in ay galaan qaaradda Yurub. Turkigu waxey intaas ku dareen in dadkii lasoo badbaadiyay la geeyay goobaha loogu tala galay tahriibayaalka. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga ayaa hore u sheegay in dowladda Giriiggu xoog kusoo celisay seddexdii sano ee lasoo dhaafay in kabadan 80,000 oo qof kuwaas oo doonayay inay galaan wadamada Yurub. PUNTLAND POST The post Ciidamada Turkiga oo badbaadiyay in ka badan 200 oo tahriibeyaal ah appeared first on Puntland Post.
  13. Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Dagaalka oo ka dhacay deegaanada Ceeldheere iyo Sina-dhaqo ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi daraya in dagaalkaasi lagu dilay Dhamme Sayid Bicir oo ahaa Abaanduulihii ururka 71-aad, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga. Dhinaca kale saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhankooda ay dileen ugu yaraan 3xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howl-gallo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Galmudug. View the full article
  14. Ciidamada booliska gobalka Bari ayaa ku guleestay in ay gacanyta ku soo dhigaan dadkii dhaca iyo dhaawaca u geestay qof shacab ah magalada Bosaaso kadib markii garigaas ay ula baxsadeen duleedka magaaladaasi. Tan iyo markii lagu soo wargaliyay Booliska Gobalka waxay bilaabeen howlagalo lagu raadinaayo kuwa dhaca u geestay qofka shacabka ah oo ku shaqesanayay gariga loyaqaan (Probox) Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen gaariga la soo dhacay oo ahaa nooca Probox, NO1482 kana diwaan gashana Dowlada Hoose Bosaaso iyo waliba Ciidmaada ay gacanta ku soo dhigeen labo dhalinyaro kuwaas oo hada gacanta ugu jira lamaha amaanka Gobalka Bari. Goobta Gaariga ay ku soo bandhigayeen Booliska waxaa goob joog ka ahaa ehelada wiilka gaariga laga dhacay islamarkana ay dhaawaca xabada ay u geesteen kuwa falkaas sameeyay. Ugu dambeyn taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud waxa uu hoosta ka xariiqay in aan qof shacab lagu xadgudbi karin hantidiisa taasna ay tahay astaanta ay ciidamada u taagan yihiin. View the full article
  15. Ciidamda ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa soo badbaadiyay 231 qof oo tahriibe kuwaas oo ay dowladda Giriiggu dib usoo celisay. Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidmada ilaalada xeebaha Giriiggu ay qasab kusoo celiayeen doomihii ay wateen tahriibayaalkaan doonayay inay galaan qaaradda Yurub. Turkigu waxey intaas ku dareen in dadkii lasoo badbaadiyay la geeyay goobaha loogu tala galay tahriibayaalka. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga ayaa hore u sheegay in dowladda Giriiggu xoog kusoo celisay seddexdii sano ee lasoo dhaafay in kabadan 80,000 oo qof kuwaas oo doonayay inay galaan wadamada Yurub. View the full article
  16. Wasiirka Warfaafinta X.F.S Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin Ka bixiyay furitaanka shirkan oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa markii horreysay ka qeyb-galaya Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo iyagu si weyn uga soo horjeedo dowladda Soomaaliya. Si kastaba shirkan ayaa daba socda kulamo dhowr ahaa oo maalmo ka hor ka qabsoomay Afisiyooni kaas oo looga arrinsanayay qabsoomidda doorasho la isla ogol yahay, oo ay ku wada qanacsan yihiin dhamaan Umadda Soomaaliyeed. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta la shaaciyay wareegto bartamahii bishii Maarso kasoo baxday taliska ciidanka Booliska, taas oo saldhigga booliska garoonka Aadan Cadde lagu hoos geynayo qeybta booliska gobolka Banaadir. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa soo saaray wareegtadaan uu taliska saldhigga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo baraha koontoroolada guur guura ku hoos geynayo taliska gobolka Banaadir. Go’aankaan kasoo baxay taliska booliska ee maanta la faafiyay wuxuu saldhigga booliska garoonka hoos geynayaa Saadaq Cumar (Saadaq Joon) oo ah taliyaha booliska gobolka Banaadir, iyadoo mucaaradka ay shaki badan arintaan ka muujiyeen. Saldhigga garoonka Aadan Cadde wuxuu markiisii hore hoos imaan jiray Laanta Canshuuraha booliska Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay ee la hoos geeyo taliska gobolka Banaadir. Wareejinta ayaa dhacday kahor inta aanu furmin shirka Afisyoone ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la rumeysan yahay in qorshahan looga dan lahaa laba qorshe oo mid uu yahay in lagu cadaadiyo musharaxiinta madaxweyne ee ka dhoofa garoonka iyo shirka Afisyoone ee ay ku sugan yihiin madaxda Jubaland iyo Puntland. “Si loo dardargeliyo hawlaha ciidanka booliska la isuguna dubbarido hawlgallada qeybtfga guud ee booliska G/Banaair, labada fadhi e kala ah saldhigga boolisak G/dayuuradaha iyo fadhiga Bar-koontoroollada guur-guura (MVCP) waxaana si toos ah loo hoos-geeyay Taliska Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, laga bilaabo maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 18/03/2021” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkaas oo mar si xan ah warbaahinta u faafisay ayaa hadda la shaaciyay, waxaana lagu soo beegay iyadoo shir uga furmay magaalada Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Muddo la isku mari waayay shirar kala duwan, maanta waxey madaxda wada fadhiyaan teendhada Afisyooni iyadoo laga tashanayo ajandaha shirka heshiiska doorashada kaas oo ay beesha caalamka isku aadineyso. Mucaaradka waxey u arkaan arin lagu carqaladeynayo shirka ka furmay Afisyooni, sidoo kalana waxey u arkaan wax aan waafaqsaneyn shuruucda dalka.
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/Warka-Duhur-342021.mp3 View the full article
  19. Al-shabaab oo weeraro ku qaaday Kolonyo Ciidan,saldhigyo & Xeryo Ciidamada Soomaaliya degan yihiin+Khasaaraha dhinacyada Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerarro ay saacadihii hore ee saaka kusoo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab saldhigyada ciidamada ee magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose. Weerarradan ayaa la sheegay inay iskugu jireen qaraxyo iyo weerar ay gaysteen maleeshiyaadka A-lshabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weerarrada lagu soo qaaday Bariire iyo Awdheegle. Taliyuhu waxa uu sheegay inay khasaare badan u gaysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegatay inay ciidamo ka tirsan dawladda ku dileen weerarradaas. Labada magaalo ayaa la sheegay inay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda. Ilo kala duwan ayaa u sheegay VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal ku qaadeen Jannaale iyo degaanna Sabiid iyo Caanoole intii ay socdeen weerarrada Bariire iyo Awdheegle. Dhinaca kalena, baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa bartilmaameedsaday gawaari kolonyo ah oo ku socday Bariire iyo Awdheegle, sida ay ilo kala duwan oo magacooda qariyey ay noo sheegeen. Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Lafoole. Bartamaha Soomaaliyana, iska horimaad ayaa maanta dhexmaray ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab tuulooyinka lagu magacaabo Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo koonfurta ka xiga magaalada Dhuusamareeb. Ilaa haatan tira koob sax ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalladan. Weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo marayay duleedka Dhuusamareeb Kolonyo milatariga Soomaaliya ka tirsan oo maraysay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu qaaday weerar dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo ka tirsan milatariga iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa isku fara saaray deegaanka Sinadhaqo oo Koonfur uga beegan Dhuusamareeb. Illo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan qaybta 21-aad lagu dilay dagaalka. Dagaalladan ayaa imanaya iyadoo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uu maanta shir hordhac ah uga furmay magaalada Muqdishu. Shirkan oo fool-ka-fool ah ayay ku sugan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dhammaan maamul goboleedyada. Ila wareedyo ka garab dhow shirka ayaa sheegay in shirka maanta u badnaan doono ajandaha shirarka soo socda. Qaran News
  20. Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa ku guleestay in ay gacanyta ku soo dhigaan dadkii dhaca iyo dhaawaca u geestay qof shacab ah magalada Bosaaso kadib markii garigaas ay ula baxsadeen duleedka Magaalada, Tan iyo markii lagu soo wargaliyay Booliska Gobalka waxay bilaabeen howlagalo lagu raadinaayo kuwa dhaca u geestay qofka shacabka ah oo ku shaqesanayay gariga loyaqaan (Probox) Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen gaariga la soo dhacay oo ahaa nooca Probox, NO1482 kana diwaan gashana Dowlada Hoose Bosaaso iyo waliba Ciidmaada ay gacanta ku soo dhigeen labo dhalinyaro kuwaas oo hada gacanta ugu jira lamaha amaanka Gobalka Bari. Goobta Gaariga ay ku soo bandhigayeen Booliska waxaa goob joog ka ahaa ehelada wiilka gaariga laga dhacay islamarkana ay dhaawaca xabada ay u geesteen kuwa falkaas sameeyay. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in aan qof shacab lagu xadgudbi karin hantidiisa taasna ay tahay astaanta ay ciidamada u taagan yihiin. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Bari oo Boosaaso ku qabtay Burcad dhac iyo dhaawac gaystay appeared first on Puntland Post.
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareen ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay howl-gallo ka bilaabeen deegaanada Ceeldheere iyo Sina-dhaqo oo ka tirsan gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalkaasi lagu dilay Dhamme Sayid Bicir oo ahaa Abaanduulihii ururka 71-aad, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, ayna jiraan dhaawacyo soo gaaray askar kale. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dhankooda ay dileen ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kasoo furteed hubkooda. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa weli cakiran, waxaana gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliso deegaanada lagu dagaalamay oo hoostaga caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.
  22. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiga Muniir Axmed Cigaal ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay xaflad hadhimo sharafeed ah oo uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu u qabtay xubnihii golaha dhexe ee u doortay Murrashaxa Madaxweynaha ee doorashada Madaxtooyadda ee qabsoomaysa sannadka 2022-ka. Siyaasi Muniir ayaa ku dheeraaday hoggaaminta guddoomiye Cirro iyo sifooyinka uu gaarka u leeyahay ee ku bartay. Halkan hoose ka DAAWO Source