Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu rabay in mucaaridka ay kacaan oo dagaal bilaaban si xaalada dalka u gasho meel aan kasoo kabasho laheyn. Xasan ayaa sheegay in madaxda mucaaridka ay ka baaqsadeen in dalka ka dhaco dagaal cadaadis kasta oo uu saaro madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo lagu eedeynayo inuu hortaagan yahay in heshiis laga gaaro doorashada dalka. “Dowladda uu mas’uulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey?,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka oo wareysi siiyey idaacada KNN. “Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan.” Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ay madaxda dowladdu daan-daansi ku hayeen, isaga iyo madax kale, balse aysan bixin jawaabtii laga doonayey oo uu qabo inay tahay gacan ka hadal. Si kastaba, Xaalada cakiran ee dalka ayaa la aamisan yahay inay kasii dari laheyd haddii ay madaxda mucaaridka iclaamin lahaayeen dagaal ka dhan ah dowladda waqtigeeda dhamaaday, kadib dhacdooyinkii u dambeeyay ee sida tooska ah loogu beegsaday.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cabdi Ismaaciil Samatar oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da aya aka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka sanadkan 2021. Prof. Samatar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aysan dhicin in qof musharrax ah ama tartamaya uu maamulo doorasho, sidaas daraadeedna wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in guddi madax-banaan oo lagu kalsoonaan karo loo saaro arrimaha doorashooyinka. “Ma dhicin Doorasho qof tartamaya uu maamulaya, waa in guddi madax-bannaan loo dhiibaa si loo wada sinnaado, Haddii uu qofka tartamaya waa in uu gaar uga baxaa loona dhiibaa Guddi lagu kalsoonaan karo,” ayuu waresigan ku yiri Prof. Cabdi Ismaaciil. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qodobada la’isku hayo, sida arrinta gobolka Gedo, guddiga gobollada waqooyi iyo xubanaha ciidamada ee ku jira guddiga doorashooyinka. “Waa in saddexda qodob ee kala ah arrinta Gobolka Gedo, Guddiga Gobollada Waqooyi (Somaliland) & xubnaha Guddiga in laga saaro Ciidanka” ayuu sii raaciyey Prof. Samater. Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo illaa hadda wax xal ah laga gaarin khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka, waxaase weli ka socda magaakada Muqdisho wada-hadallo xal raadin ah oo u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
  3. Saraakiil ka soo Goostay Ciidamada Soomaaliya oo Somaliland Isu soo Dhiibay,Cafisna Dalbaday Saraakiil ka soo goostay Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayay Masuuliyiinta Ciidanka Somaliland ku soo dhaweeyeen Hargeysa, ka dib markii ay ka soo goosteen Soomaaliya. Saraakiishan oo kala ah; Xiddigle Yuusuf Maxamed Jaamac, laba xiddigle Jaabir Ismaaciil Cismaan, xiddigle Maxamuud Axmed Cali iyo Dable Maxamed Xasan Xaashi, ayaa markii maanta lagu soo dhaweeyey Miiska Saraakiisha Ciidammada Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxay la hadleen warbaahinta, waxaanay ka warrameen sababaha ay u soo goosteen. Saraakiishan ka soo goostay ciidanka Soomaaliya oo afar Sarkaal ka kooban, ayaa cafis ka dalbaday dowladda iyo dadka Somaliland, iyagoo sheegay inay dembi ka galeen Qarankooda Somaliland oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan, balse ay hadda qaladkoodii hore saxeen oo ay Somaliland uga faa’iidayn doonaan aqoonta ay ku soo barteen dalal dibedeed. Afartan Sarkaal, ayaa sheegay inay dadka Soomaaliya uga digayaan dhibaatooyin loo maleegayo oo ay iyaga ula muuqatay inaanay qayb ka noqon dhibaatooyinkaas. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka iyagoo difaacaya dalka iyo dadka. Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah. Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu askarta uga mahadceliya sida geesinimada iyo nafhurnimada leh ee ay ugu jilib dhigeen la dagaallanka cadowga Soomaaliyeed,isagoo u ballan qaaday in dowladdu u heellan tahay daryeelkooda. Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaaca Qaranka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa iyo garab istaaggiisa iyagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan difaaca dalka iyo dadka.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Ganey. Saraakiisha milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta, kana qeyb qaatay weerarkii ka dhacay Awdheegle. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-galkaasi lagu dhaawacay illaa 15 dagaalyahan oo la socday sarkaalkaasi, kuwaas qaarkood u dhintay dhaawacyadii gaaray. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guula ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Labadii maalin ee u dambeysay ayaa waxaa gobolka Shabeelaha Hoose ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.
  6. Muktaar Roobow wuxuu isku soo dhiibay qadiyad qaran halka Cabdirashiid Janan isku dhiibay qadiyad qabiil, labadoodaba waxay isku yihiin ex reer Alta Juba. Hase ahaatee waxay ku kala duwan yihiin qadiyada, wadaniyada iyo arrimaha afkaarta dowliga. Mukhtaar Rooboow, wuxuu waayihii danbe la daagalamay argagixisada Al-Shabaab, halka Cabdrashiid Janan dagaalkiisa ku wajahnaa qabiilooyin iyo reero jifooyinkiisa. Mukhtaar wuxuu leeyahay ciidan xoog leh oo ammaanka Koonfur Galbeed door weyn ku leh iyo la dagaalanka argixisada, halka Cabdirashiid Janan maliishiyadikiisa halis ku yihiin deganaanshaha iyo xasiloonida Jubaland, gaar ahaan gobolke Gedo. Cabdirashiid Janan hadda, waxaa lagu howlgelinayaa ka taqluusida Axmed Madoobe iyo qalalaase siyaadasadeed iyo mid amni inuu ka dhex sameeyo Jubaland. Sida dad badan iyo kooxaha mucaaradka aaminsan yihiin, Farmaajo xukunka wuxuu u joogaa aargoosi iyo inuu ka shaqeeyo awood siinta beeshiisa si ay gacan ugu dhigi lahaayeen gobolaada Jubbooyinka. Dad badan ayaa aaminsan in Farmaajo naqshadaasi u sameystay sidii uu meesha uga saari lahaa Axmed Maxamed Islaam oo isna deegaanada Kismaayo usoo daabulay maliishiyaad Soomaali Galbeed ee lagu howlgelinaayo awood siinta beeshiisa. Xubnaha ugu muhiinsan maliishiyaadkiisa waxaa ka mid ah ciidankii Cabdi Iley ee tacadiyada ka geystay Soomaali Galbeed iyo jeel ogaadeen. Mudane Farmaajo wuxuu kusoo barbaaray naas-nuujintii Jaalle Siyaad, Mareykankana wuxuu ku tegay eex huwan hab qabali ah. Ilaa hadda fikriyan xor kama ahan la weynaantii Jaalle Siyaad. Janan iyo Roobow waxay ku kala duwan yihiin kaliya in mid ku qabiil yahay madaxweyne Farmaajo, oo u dantiisa kala shaqeynayo, halka midka kalena uusan aheyn kana aragti duwan yihiin, waana taas sababta midna xor u yahay oo loo cafiyey midna weli u xiran yahay. Ali Muhiyaddiin London, UK AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. 𝙒𝙖𝙖 𝙆𝙪𝙢𝙖 𝙀𝙭.𝙒𝙖𝙨𝙞𝙞𝙧 𝙉𝙪𝙪𝙧 𝘼𝙭𝙢𝙚𝙙 𝙄𝙗𝙧𝙖𝙖𝙝𝙞𝙣? Ex.Wasiir Nuur Axmed Ibraahin wuxuu ku Dhashay nawaaxiga Magaaladda Borama ee Faaraxyood 𝗦𝗮𝗻𝗱𝗸𝗶𝗶 𝟭𝟵𝟱𝟱,Wuxuuna Waxbarashadiisa Hoose iyo Barashadda Quraankaba Ku Qaatay Madarasatu Najaaxiya ee Dalka Jabuuti Dugsigiisii Dhexe Wuxuu Ku Qaatay Dugsiga Wiilasha ee Borama “𝗕𝗼𝗿𝗮𝗺𝗮 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗺𝗲𝗱𝗶𝗮𝘁𝗲 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹” Ka dib Wuxuu galay Dugsigii Toobabarka Macalimiinta ee 𝘾𝙚𝙚𝙡-𝙟𝙖𝙖𝙡𝙡𝙚 Wuxuuna Noqday Macalin Wuxuuna Ku shaqeeyay Macalinimadda intii Udhaxaysay 𝟏𝟗𝟕𝟓-𝟏𝟗𝟕8 𝗦𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝟭𝟵𝟳𝟗-𝟏𝟗𝟖𝟎 wuxuu wax ka Baranayay Jaamacadda Sidam (𝗦𝗶𝗱𝗮𝗺 𝗨𝗻𝗶𝘃𝗲𝗿𝘀𝗶𝘁𝘆) oo uu kaqaatay Shahaddada Diplama-da, 𝗦𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝟭𝟵𝟴𝟭-𝟭𝟵𝟵𝟬 wuxuu Noqday Xisaabiye Idman oo ujoogay Wasaarada Maaliyada Mashruucii 𝗚𝗼𝘀𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗻𝗱𝗶g𝗮 isla markale 𝗦𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝟭𝟵𝟴𝟲-𝟭𝟵𝟴𝟳 wuxuu Shahaaddada Heer-ka Koowaad ka Diyaariyay Jamacada Sidam “𝗕𝗮𝗰𝗵𝗲𝗹𝗼𝗿 𝗗𝗲𝗴𝗿𝗲𝗲” kaasoo Takhasuskiisu ahaa Cilmiga Xisaabaadka “𝐁𝐚𝐜𝐡𝐞𝐥𝐨𝐫 𝐨𝐟 𝐀𝐜𝐜𝐨𝐮𝐧𝐭𝐢𝐧𝐠” intaa kadib 𝗦𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝟭𝟵𝟵𝟱 Wuxuu Noqday Xoghayihii Dowlada Hoose ee Degmada Borama 𝗦𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝟭𝟵𝟵𝟲-𝟭𝟵𝟵𝟳 wuxuu noqday 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗫𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 Jamhuuriyadda Somaliland Sanad kadib 𝟭𝟵𝟵𝟴 wuxuu noqday 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗰𝗱𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮, 𝗦𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝟭𝟵𝟵𝟵-𝟮𝟬𝟬𝟱 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮 intaa kadib wuxuu ka shaqeeyay oo uu shaqooyin kala Duwan ka qabtay Komishanka Qaranka “𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗡𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗘𝗹𝗲𝗰𝘁𝗼𝗿𝗮𝗹 𝗖𝗼𝗺𝗺𝗶𝘀𝘀𝗶𝗼𝗻” Sanadkii 𝟮𝟬𝟭𝟱 ilaa imika wuxuu 𝗹𝗮𝘁𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲 𝘂 𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ Ex.Wasiir Nuur wuxuu shalay ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa oo uu ku noolaa muddo dheer, wuxuuna ahaa Shaqsi aad ugu gargaara Dadka baahan oo aadna looga Jeclaa Burshada dhexdeeda, 𝘼𝙡𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙝𝙖 𝙐𝙣𝙖𝙭𝙖𝙧𝙞𝙞𝙨𝙩𝙤 رحم الله Qaran News
  8. MIDNIMADA SOOMAALIYEED IYO XALKA DAWLADNIMADA SOMALIA WAA KALA LABA , LABADUBA WAXA AY U YAALAAN DADKOOGA . 1- Midnimada soomaaliyeed waxa ay ahayd aragti iyo yididiilo wanaagsan oo la rabay soomaalida ku nool bariga Africa oo dhami in ay ku midoobaan hal dawlad oo hal calan oo kaliya leh , dadka yagleelkeeda lahaa ee hormoodka ka ahaa waxa ay ahaayeen dadka jamhuuriyada Somaliland. Dadkii midnimo iyo kalgacayl soomaaliyeed u sadqeeyey ( sacrifice) dawladnimadoodii ay dalka boqortooyada ingiriiska ka qaateen 26 June 1960kii si loo helo 5 tii soomaaliyeed oo hal dal isku noqota calan kaliyana hadhsata waxa ay ahaayeen dadka jamhuuriyada Somaliland. Hadii aragtidan la rabo in ay suuragal noqoto waxa laga yaabaa in ay tahay mid qaadan doonta boqolaal sano oo dambe , sidoo kale horseed u noqon doonta in dunidu ka guurto nidaamka dalalka oo loo qaaboobo hab qoomiyadeed , waxaana ay u taalaa dadka soomaaliyeed, laakiin xaga ilbaxnimada iyo horumarka waxa ay iila muuqataa aragti liidata shaqsiyan in soomaali hal dal isku noqoto. Waxa aan qabaa in qoomiyada soomaaliyeed wax badan ka mideysnaan karto iyaga oo kala dalal ah , aanay u faaiido badan tahay qofka soomaaliga ahi in uu lahaado 5 dal oo bariga Africa ku yaalla oo uu midwaliba isagu taladeeda iyo hogaaminteeda yeelan karo , mana muuqato wax u diidayaa ee kaliya waxa ay ku xidhan tahay dadka soomaaliyeed meesha ay doonaan iyo Gobolka ay doonaan ha ku noolaadeen e in ay aragtidii hore wax ka badelaan si ay ula jaan qaadaan kaalin mug lehna ugu yeeshaan Gobolka Bariga Africa. 2- Dawladnimada Somalia waxa caalamku u yaqaanaa labadii gobol ee ka mid ahaa 5 tii soomaaliyeed ee iyagu midoobay 1 July 1960 kii , maantana kala ah; b) Jamhuuriyada Somaliland t) Jamhuuriyada Federalka Somalia . Waxa ay ku mideysnaayeen mudo 30 sanadood ah dawladii la odhan jiray Jamhuuriyada Somalia 1960 ilaa 1990 , dagaalo , burbur , barakac , xasuuq iyo dhibaatooyin badan oo dhex maray ka dib waxa ay kala noqdeen 1991 kii Jamhuuriyada Somaliland iyo qaybta maanta la yidhaahdo Jamhuuriyada federalka Somalia , waxaana ay kala maqan yihiin mudo 30 sanadood ah 1991 kii ilaa 2021 , walow aanu caalamku ilaa hadda laba dal u kala aqoon. Shirarkii aduunku Somalia u qabanayey dhamaantood waxa ku qeexnaa in aanay Somaliland ka mid aheyn dawlada la dhisayo iyo dib u heshiisiinta la wado maadaama ay dawlad gaar ah ku dhawaaqday dalkoogiina yahay mid nabdoon oo xasiloon 1991 shirkii Djibouti ilaa 2017 shirkii Muqdisho . Soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa ” Oodo dhacameed sida ay kala sareeyaan ayaa loo kala guraa ” waxa aduunka iyo dadkii soomaaliyeed ee dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska Somalia ku jiray ugu talo-galeen bal in horta gobolka dhibaataysan ee xasilooni darada iyo dawlad la’aantu ka jirto loo gurmado oo nidaam dawladeed loo sameeyo , ka dib wadahadal hadhowto la isugu keeno labadii maamul, xalkuna iyaga u yaalo in ay midoobaan iyo in ay laba dal isku aqoonsadaan oo kala gaar ah. Mohamed Abdi Jama Maxamed Dhimbiil dhimbiil@live.com​​​​​ Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) –Qoraallo kasoo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in la soo xiray gal dacwadeedkii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan. Cabdirashiid Janan oo loo heystay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, ayey markii labaad dowladdu ka soo saartay warqad lagu cadeynayo in aan loo heysan wax dembi ah. Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa horay dembiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Gedo ugu soo oogay Cabdirashiid Janan. Sidoo kale warqad kale oo ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa lagu cadeeyey in gabi ahaanba la xiray gal-dacwadeedka Cabdirashiid Janan. Dhawaan hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay dalab ah in cadaaladda la hor keeno Cabdirashiid Janan, si loo hubiyo dembiyada lagu eedeynayo. Ma jirto wax sharci ah oo loo maray in laga laabto dambiyadii loo haystay Janan, marka laga reebo inuu heshiis siyaasadeed la galay dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo Janan uu dhowaan kasoo goostay maamulka Jubaland soo wareegay dhanka dowladda. Hoos ka aqriso warqadaha
  10. As Ottawa's COVID-19 case numbers continue to climb, public health officials are reaching out to communities, in their own language, to provide education and resources around vaccines. Source: Hiiraan Online
  11. (ERGO) – Fadumo Mohamed Omar has managed to move her family of 12 out of their shack in Aalanley internal displacement camp into a rented house in town from the proceeds of the thriving fisheries business she set up with two other displaced women. Source: Hiiraan Online
  12. Terrifying, shocking, a rejection of humanity – these are just some of the words used by residents of Kenya’s two largest refugee camps to describe their fear and despondency over the news that the government is trying to have the settlements shut down imminently. Source: Hiiraan Online
  13. For Dr Ubah Farah Ahmed, returning to Somalia was not an easy decision to make, but she knew it was the right thing to do. Source: Hiiraan Online
  14. The UN top envoy in Somalia on Sunday condemned Saturday’s foiled attacks against the Somali National Army (SNA) bases in Barire and Awdhigle towns in the southern region in which the army killed more than 115 militants. “We strongly condemn these attacks that targeted Somali forces. This is a vivid reminder of the sacrifices being made by Somali soldiers every day as they fight bravely to keep Somalia and its people safe,” James Swan, Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia said in a statement issued in Mogadishu. Swan said such attacks were aimed at undermining efforts to rebuild Somalia. “We extend our condolences for the loss of life, and wish a speedy recovery to the injured,” he added. Al-Shabab claimed responsibility for the simultaneous dawn attacks in which the group sustained heavy losses in the face of strong action by the SNA forces. View the full article
  15. Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug Puntland ayaa sheegtay in dowladda Seychelles ay ogolaatay in Xamar loo wareejiyo rag ku xukman burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe. Ogolaanshaha Seychelles ayaa yimid markii Puntland kala hadashay sidii maxaabiistaas loogu waeeejin lahaa Xamar, sida uu sheegay Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid. “Madaxweyne Deni ayaa amar igu siiyey inaan la xiriiro dawladda Seychelles, gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda aana kala hadlo sidii maxaabiista burcad-badeednimo ku xukman Xamar loogu wareejin lahaa. Waxaa war wanaagsan ah in dawladda Seychelles soo ogolaatay in maxaabiistaas oo tiradoodu dhantahay 15 maxbuus loo wareejiyo Xamar” ayuu yiri Wasiir Xaamid. Heshiis ay Seychelles iyo Puntland wadagaareen April 2011-kii ayaa dhigayay in maxaabiistan ay xukunkooda ku dhammaystaan xabsiyada Puntland. Maxaabistan oo ka soo jeeda degaannada Galmudug ayaa Puntland ku wareejin doontaa mas’uuliyiin ka tiran Galmudug oo hadda ku sugan magaalada Garoowe. PUNTLAND POST The post Seychelles oo ogolaatay dalab ay u dirtay Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku gacan seertay baaqyada ku aadan in la kala diro sababo la xiriira in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu dhammaaday. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hey’adaha dastuuriga ah ee dalka aan loo kala diri karin “mudo xileedkii ayaa ka dhamaaday.” Waxa uu sheegay inay kobocday dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana hormaro kala duwan ay dalka ka socdaan. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in aan loo baahneyn in lagu celceliyo baarlamaanka iyo xukuumadda waqtigii ayaa ka dhamaaday ee hala kala diro, balse ummadu ay arkaan waxqabadka socda, sida uu sheegay. “Dalkeenu waxa uu ku socdaa kabasho fiican, dad ayaa raba in aan lasoo kaban, shisheeye ha ahaadaan ama Soomaali, banaanka ayaa laga soo dirayaa dadka qaar, iyadoo la leeyahay baarlamaanka hala kala diro, xukuumadda hala kala diro, waxaasi macquul maaha, dalka dowladiisu waa adkaatay, horayna waa u socanayaa,” ayuu yiri wasiir Dubbe. Sidoo kale Dubbe waxa uu sheegay in iftiinkii uu u muuqdo umadda Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay khasaarihii Shabaab ka soo gaaray weerarkii Shabeellada Hoose ee maalin ka hor ay ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Hadalka wasiir Dubbe waxa uu imaanayaa, xilli uu dhamaaday muddo xileedkii dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya, isla markaana aan weli lagu heshiin hanaanka loo qabanayo doorashada guud ee dalka. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa haatan ku wada sugan magaalada Muqdisho, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay kulamo ka yeeshay khilaafka dhexdooda ah, in kastoo aan kulamadaas laga gaarin wax horumar ah. Beesha Caalamka oo cadaadis ku saareysa madaxda Soomaaliya inay heshiis ka gaaraan khilaafka doorashada ayaa bogaadisay kulamadii ay yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Hal maalin oo lagu macneeyey nasiino iyo latashiyo ayaa maanta loo baajiyey kulamadii madaxda, waxaana lagu wadaa in berri oo Talaado ah ay dib isugu soo noqdaan.
  17. Two Al-Shabaab militants who were planting land mines on a road in South West state were killed Monday by Somali military. Qansahdhere district commissioner in the South West State Mukhtar Abdi told journalists the two were spotted following a tip off from members of the public. “Our security forces conducted an operation which led to the death of the two militants following a tip off from the public,” said Abdi. “They were planning to harm the public.” The district official added that improvised explosive devices on the scene were safely detonated. The planned attack comes barely 48 hours after a deadly clash between Somali National Army and Al-Shabaab militants in Lower Shabelle. The militants launched a twin morning raid in Awdegle and Barire SNA forward operating bases resulting in in tens of deaths. SNA boss General Odowaa Rage said over 80 militants were killed while his side suffered 14 fatalities. Al-Shabaab has increased attacks targeting civilians and security outposts in recent weeks amid an ongoing standoff between the Federal Government and Federal Member States over the much delayed elections View the full article
  18. Ra’iisal wasaare Rooble iyo Xuseen Ceydiid oo ku kulmay m,uqdishu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ahna Musharrax Xuseen Maxamed Caydiid oo ay ka wada hadleen qabsoomidda doorasho nabdoon oo daah furan iyo ilaalinta dowladnimada,xasilloonida iyo nabadda dalka. Xuseen Ceydiid ayaa mar ka mid ahaa siyaasiyiionta ugu miisaanka cuslaa ee soo mara magaaladda Muqdishu View the full article
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay Saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed. Taliska guud ee Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay Saraakiishan oo Afar ahaa, waxayna sheegeen inay kasoo goosteen Soomaaliya, islamarkaana la qalday oo mabda’a midnimada wax kusoo bartay ayaga oo dhalinyaro ah. “Waxaa soo dhoweynayaa saraakiisha iyo askarta kasoo goosatay ee mabaadida Soomaali Weyn ee lagu qalday kasoo noqotay ee Somaliland isku soo dhiibtay waan aqbalnay,” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Afgaduud. Saraakiishan oo qaarkood ay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa GORGOR ayaa waxay cafis weydiisteen mas’uuliyiinta Somaliland oo ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Saraakiishan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu qalday fikirka Midnimada, iyagoona ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay tahay cadowga koowaad ee Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan. “Waxaan maanta umadda Somaliland aan ka codsanayaa dhamaan cafis, waxaan ahayn dhalinyaro la qalday oo mabda’a Soomaaliyeed wax ku soo bartay laakiin maanta waxaa kusoo laabanaya Jamhuuriyada Somaliland, calankayagii oo u dhalanay anagoo ogaanay xaqiiqada jirta,” ayuu yiri Labo xidigle, Jaabir Ismaaciil Cismaan. “Dadka shacabka ah ee la qaldayo inay ku wax qaataan anaga oo maanta ciidan ah oo ciidan xukumeynay, oo ciidanka ugu sareeya Kumaandooska DANAB ka nimid, waxaa kusoo noqonay dhulkayagii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Hoos ka aqriso magacyada Saraakiishan iyo darajadooda 1. Jaabir Ismaaciil Cismaan = 2-Xidigle 2. Maxamuud Axmed Cali = Xidigle 3. Yuusuf Maxamed Jaamac = Xidigle 4. Maxamed Xasan Xaashi = Dable Hoos ka daawo muuqaalka
  20. Qaahira (Caasimada Online) – Kulanka ugu dambeeya ee u dhaxeeya Masar, Sudan iyo Ethiopia ee la xiriira biyo xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile waa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaari karo kahor inta aysan Ethiopia dib u billaabin buuxinta biyo-xireenka, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay Axaddii ku sheegtay Masar. Kulanka ayaa Isniintii maanta kusoo geba-geboobaya magaalada Kinshasa. “Wada-xaajoodyadan waxay ka dhigan yihiin fursaddii ugu dambeysay ee ay tahay in saddexda dal ay ka faa’iideystaan si ay heshiis u gaaraan….kahor xilliga daadadka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Masar. Toddbaadkii tegay, madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay inay jiri doonto “xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka,” haddii biyaha Masar ay hesho uu saameeyo biyo-xireenka. “Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku daydana, ha isku daydo,” ayuu yiri. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena,” ayuu yiri Sissi. Sudan ayaa waxaa hadda xiisad kale oo dhanka xuduudda ah ay kala dhaxeysaa Ethiopia, taasi oo salka ku haysa dhul beereedka gobolka al-Fashqa, waxaana Sabtidii ay dhoola-tus militari la sameysya Masar. Hadalka cusub ee Masar kasoo baxay, iyo kuwii uu toddobaadkii tegay jeediyey madaxweyne al-Sissi, ayaa cabsi dagaal gelinaya gobolka, waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay rumeysan yihiin in haddii wada-hadallada Kinshasa ay guul-darreystaan uu dagaal ka dhici karo gobolka. REUTERS + VOA
  21. Doha (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa caasimada dalka Qatar ee Doha, waxaana u socday oo halkaas ku qaadanayeen tababar ciidanimo oo lagu sheegay ‘aqoon kororsi’. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saraakiishan ayaa waxay soo dhameysteen tobabarkii ay u joogeen Qatar, waxaana dhawaan dib loogu soo celinaya dalka, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiishaas uu usoo dhamaaday tobabarka ciidanimo. Kulankaan oo ahaa is-xog wareysi iyo dar-dar gelinta soo laabashada Saraakiishaas ayaa waxa Safiirka ku wehlinayay u qeybsanaha arimaha Ciidanka Ee Safaaradda, Gen. Maxbuub Xasan Cabaade. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dowladda Qatar ay gacan weyn ka geysan doonto tobabarka ciidamada dalka, ayada oo dalkeeda kusoo tababareysa ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo la sheegayo inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagula jiro Shabaabka.
  22. Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada taageersan Villa Somalia, in ay dano dhaqaale ilaashanayaan. Ex. Madaxweyne Faroole, wuxu sheegay in dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ay yihiin kuwa dhulkooda inta badan la haysto, islamarkaana aan dakhli ku filan heli karin, sidaas darteedna ay u taageersan yihiin dowladda Federaalka. “ Saddex maamul goboleed waa niman dhulkooda inta badan la haysto, magaalooyinka ku hareeraysan waardiye laga hayo, dakhlina aan heli karin” ayuu yiri Faroole. Sidoo kale, wuxu sheegay in saddexdaas maamul goboleed aysan cidna cudur-daar uga helayn in ay taageeraan nidaam Federaal-diid ah, maadaama iyagu ku dhisan yihiin hannaanka Federaalka dalka. PUNTLAND POST The post Faroole oo eedayn u jeediyay maamul goboleedyada taageersan Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  23. PRESS RELEASE Together Against Covid-19 Misinformation: Facebook Launches A New Campaign in Partnership with the WHO Across Africa Facebook is launching a new campaign in partnership with the WHO called ‘Together Against Covid-19 Misinformation’ JOHANNESBURG, South Africa, April 5, 2021/ — Throughout the Covid-19 pandemic Facebook (www.Facebook.com) has been working to connect people to accurate information and reduce misinformation on its platforms. Last month it announced the biggest worldwide campaign (https://bit.ly/3cGJamf) to promote authoritative information about Covid-19 vaccines – working to remove false vaccine claims, reduce distribution of inaccurate health information, and inform people about effective vaccine delivery. Today, across a number of African countries, Facebook is launching a new campaign in partnership with the WHO called ‘Together Against Covid-19 Misinformation’. The campaign will roll out to people in English and French across South Africa, Zimbabwe, Zambia, Uganda, Kenya, Rwanda, Nigeria, Senegal, Côte d’Ivoire and DRC, and will show up on Facebook through a series of graphics with tips on how to spot false news: Check The Source: Scrutinise content, even if it appears science based Check How It Makes You Feel: False news can manipulate feelings for clicks Check The Context: Look to public health authorities to confirm content Aïda Ndiaye, Public Policy Manager, commented “Ensuring users are getting authoritative information about Covid-19 vaccines is just some of the vital work we’re doing here at Facebook. During the COVID-19 pandemic and beyond, we’ll continue working with industry experts and people on our platforms to ensure we’re aggressively tackling misinformation, and giving people additional resources to scrutinize content they see online, helping them decide what to read, trust and share.” As part of the campaign, Facebook will also be launching a dedicated website (https://bit.ly/3fwscsN) in English and French, which will include information on how we’re tackling misinformation on our platforms. It will give people more transparency around our Remove, Reduce and Inform strategy, outline our community standards, and share the steps we’re taking to combat false news around global events such as Covid-19, elections and climate change. Distributed by APO Group on behalf of Facebook. Access Multimedia Content Media Contact: Idea Engineers PR agency for Facebook Africa facebook@ideaengineers.co.za SOURCE Facebook Qaran News
  24. The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan, condemned yesterday’s attacks against the Somali National Army bases in Barire and Awdhegle towns in Lower Shabelle region. “We strongly condemn these attacks that targeted Somali forces. This is a vivid reminder of the sacrifices being made by Somali soldiers every day as they fight bravely to keep Somalia and its people safe,” said Mr. Swan. “We extend our condolences for the loss of life, and wish a speedy recovery to the injured.” Al-Shabaab has claimed responsibility for the attacks, and has reportedly sustained heavy losses in the face of strong action by the Somali National Army. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). SOURCE United Nations Assistance Mission in Somalia Qaran News