Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon, islamarkaana Isniintii xilka laga qaaday ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. Saacado kadib shalay markii uu hadlay ayaa laga qaaday xilka waxaana durba soo baxayay warar sheegaya in uu u baxay dalka Jabuuti, halka warar kalane ay tilmaamayeen in uu galay xerada Xalane, balse labadaas warba waa waxba kama jiraan. Caasimada Online ayaa xaqiijisay in Janaraal Saadaq Joon uu ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saadaq Joon waxaa la jooga ciidan iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, kuwaas oo u go’ay xagiisa. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in uu heesto ciidan ku filan iyo gaadiid dagaal islamarkaana aysan jirin cid isku dayday qalqal gelinta amnigiisa. Saraakiil ciidan oo ka agdhow Saadaq Joon iyo siyaasiin kale oo ehelkiisa ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Janaraal Saadaq uu dastuurka u ogolyahay in uu kamid noqdo siyaasiinta islamarkaana saraakiisha ciidanka haddii ay mar gaaraan darajooyin sare ay siyaasadda ku biiri karaan. Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa darajadii ciidanimo ka xayuubiyey S/Guud Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon), sidoo kale guud ahaan xuquuqdiisii ciidanimo ayuu ka xayuubiyey. Saadaq Cumar Xasan ayaa hore u ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee go’aankii uu qaatay Isniintii ayaa muujiyey in siyaasaddu aysan lahayn saaxiib joogto ah oo ay leedahay dan joogto ah. Maxay ahaayeen farriimaha uu Farmaajo dhibsaday ee Saadaq Joon diray? Farriintii Booliska “Booliska Soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad, khaasatan midka gobolka Banaadir waxaa saaran masulliyad ka weyn mid shakhsi – oo ah mid ciidan oo u baahan in aan xallinno wax kasta oo nabadgelyo darro u keenaya gobolkaan. Sidaa darteed maanta, ma doonayno in qalalaase ka dhaco magaalada Muqdisho ama gobolka Banaadir. Ma doonayno in dib dambe uu u soo laabto dagaal iyo aragti kala duwanaasho xabbad wadata oo aan u qalmin in ay qaranka Soomaaliyeed dib ugu soo laabato,” ayuu yiri. Farriintii Baarlamaanka “Barlamaanka Soomaaliya waxaan ka hakinnay kulankii ay lahaayeen. Waxaanu u hakinay kullanka in loo baahanyahay in wax boob ahi aanu dhicin oo is fahan siyaasadeed la gaadho. Baarlamaanka Soomaaliya na waxaan leeyahay afar sanno ayaad joogteen. Waa la idin soo doortay, doorasho na dib ugu laabta. Dadkii idiin soo doortay kalsooni dib u soo weydiista. Kadib imaada idinka oo xalaal ah. Shan iyo toban bilood oo la korodhsado oo dib inoo dhiga 15 sannadood ma doonayno, waxaa loo baahan yahay in masuuliyada wadareed la qaato,” ayuu yiri. Farriintii Ra’iisul Wasaaraha “Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka codsanayaa ama u sheegayaa in wadanka mas’uuliyadiisa uu qaato, dadka is diidan oo wax kala xoogaya haku celiyo teendhada, shirkii ayaa furan, nabad ayaa furan, waxaan u baahannahay siyaasad mideysan. Siyaasiyiin haddaa tihiin in aad dantiina danta qaranka ka hormarisaan, looma baahna in aad hub isu uruursataan, haddaydaan caqli hayna, awoodda ciidanka iska leh. Doorasho ayaa loo baahan yahay. Mudane ra’iisal wasaare masuuliyaddaada qaado. looma baahna in aad meel fadhiisato oo wax lagu meeriyo, adigu waa in aad wax meerisaa,” ayuu yiri. Farriintii wasiir Dubbe “Wasiir Dubbe waxaan ku leeyahay dadkaaga dhinac ka raac, wax dambe oo laguu soo dhiibay ha akhriyin. Waxaad akhridaa wixii dalka dan ugu jirto, waxaad samaysaa wixii dalka dan ugu jirto,” ayuu ku soo gabagabeeyey Saadaq Joon fariintii uu iska soo duubay sababtay in deg deg xilka looga qaado kadibna darajadiisa ciidanimo laga xayuubiyo. Sharci yaqaanadu waxay qabaan in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan awoodaas la heyn oo sarkaal uusan ka xayuubi karin darajadiisa, maadaama uusan isagu sharci ku joogin xukunka. The post Xog: Xagee ku dambeeyaa Jeneraal Saadaq Joon? appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in tallaabadii mudo kororsiga aheyd ee shalay ay qaadeen xildhibaanada galaha shacabka ee baarlamaanka mudo xileedkiisu dhamaaday ay wiiqayso dadaalladii ay taageerayeen Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya, iyadoo loo marayo is afgarad. “Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya waxuu shalay u codeeyay in si-dhab ah loo kordhiyo waqtiga Madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka mudo labo sano ah, kadib ciriiriga ku yimid geedi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro ugu dambeyn 8-dii Febraayo 2021. Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaalladii ay taageerayeen Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya, iyadoo loo marayo is afgarad,” ayaa lagu yiri bayaankan ka soo baxay Midowga Yurub. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray,”Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, waxay si isdaba joog ah oo cad u muujiyeen inaan sinnaba loo aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, iyadoo aan la helin heshiiskii dhinacyada doorashada ee 17-kii Sebtember.” Qoraalkan waxaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu xaqiiqsan yahay in qaraarkii ay shalay gaareen xildhibaanada Golaha Shacabka uusan u adeegeyn danaha dadka Soomaaliyeed. “Midowga Yurub waxa uu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, soo rogi doonaan dib u dhacyo dheeri ah, ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda,” ayaa lagu yiri. Qoraalkan oo baaq loogu jeediyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wadahadallada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin laguna saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember.” Ugu dambeyntii Midowga Yurub waxay ku goodiyeen in haddii la qaadan waayo talooyinkan ay tixgelin doonaan ‘tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.’ The post Midowga Yurub oo ku hanjabay inuu tallaabo qaadayo hadii aan laga noqon mudo kororsigii BF appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (PP Editorial) — The Statement of Josep Borrell, the High Representative of the Union for Foreign Affairs and Security Policy, on Somalia reflects the bullying diplomatic tactics of the European Union. Borrell did not only show utter disrespect to Somalia’s legislators but he also implied that Somalia is a threat to its neighbours due to the term extension for the federal institutions. Josep Borrell accused Somalia of possible aggression against neighbours. His statement is a violation of diplomatic niceties unprecedented in post-World War Two order: a supranational entity is falsely accusing a sovereign state of indirect aggression against its neighbours. The problem is that member states in whose name Borrell has spoken might subscribe to the destabilising policy against Somalia. Does Italy believe Somalia is a threat to its neighbours? Do Germany and France put their weight behind a policy that drives a wedge between Somalia and its neighbours? The Somali Federal Government has not summoned the EU Ambassador to Somalia yet for explanation about the diplomatic disrespect conveyed in Borrel’s statement. EU has not had a significant role in state-building endeavours in Somalia. While its assistance to the infrastructural development programmes is appreciated, its interference in Somalia’s internal affairs and incendiary diplomacy are unacceptable. The EU foreign policy exemplified by statement on Somalia is not based on a responsible exercise of hegemonic influence. EU must retract its statement. © Puntland Post, 2021 The post EU’s Destabilising Policy in Somalia appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweyne Farmaajo ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga qaaday Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon), sida ay baahisay wakaaladda SONNA oo ku hadasha afka dowladda. Sidoo kale waxaa la sheegay in Saadaq Joon laga qaaday wixii xuquuq ahaa ee ku lahaa dowladda. Saadiq Joon ayaa shalay xilka laga qaaday markii uu is-hortaag ku sameeyay kulankii baarlamaanka, oo sheegay in aysan ciidamadu aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo darajadii iyo xuquuqdii ciidan ka qaaday Saadaq Joon appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa darajadii ciidanimo ka xayuubiyey Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Banaadir S/Guud Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon). Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, “Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa S/G Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) ka xayuubiyay dhamaan darajadii ciidan si waafaqsan sharciga ciidamada Qalabka sida.” Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed ayaa shalay xilka laga qaaday, kadib markii uu warbaahinta u sheegay inuu hor istaagay kulankii xildhibaanada golaha shacabka, kuwaas oo uu sheegay inay damacsan yihiin mudo kororsi. Xil ka qaadistiisii kadib waxaa qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee xildhibaanada golaha shacabka, waxayna si dadban u ansixiyeen mudo kororsi laba sano ah, iyagoo u maraya sharci doorasho oo guddoomiye Maxamed Mursal uu hor keenay. Waa sarkaalkii labaad ee madaxweyne Farmaajo uu darajadiisa ciidan ka xayuubiyey intii uu joogay xukunka, waxaana ka horeeyey Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ay is qabteen Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo ah midigta Farmaajo. Hoos ka Daawo dikreetada Farmaajo The post Farmaajo oo darajadii ciidanimo ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon appeared first on Caasimada Online.
  6. (SLT-Hargeysa)-Ciidamadda Booliska ayaa hawlagal lagu sugaayo amniga ka bilaabay degmada Tog-wajaale iyada oo baadhitaan ay ciidamdu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaaladda iyo gaadiidka u kala gudba Somaliland iyo Itoobiya. Taliyaha ciidamadda Booliska Wajaale Maxamed Saleebaan Gooni, ayaa sheegay in hawlgalkaasi Ciidamada Boolisku ku soo qab qabteen ilaa 120 qof kuwaas oo lagu samayn doono baadhitaan cidii denbi lagu helana la horgeyn doono sharciga. Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalkani sii socon doono iyada oo baadhitaankani la xidhiidho Dab, beryihii u danbeeyay ku soo noq noqonaayay magaalada oo ay Guryo farabadani ku gubteen. Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye iyo Guddoomiyaha Degmada Wajaale, Cabdiraxmaan Yuusuf, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gubashada dabku ay ku soo noqnoqotay magaalada Wajeele baadhitaan xooganna la samayn doono si loo ogado sababta Dabkaasi keenta, waxaanay masuuliyiintani ugu baaqeen bulshada in ay la shaqeeyaan ciidamadda Booliska. Source
  7. Wakiilka u sareeya arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa qoraal adag ka soo saarey xaaladda Soomaaliya, waxaana ay si toos ah uga hor yimaadeen Madaxweynaha xilka korodhsadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraalka ayaa lagu yidhi: Beesha Caalamka oo ay ku jirto midowga yurub waxay marar badan ku celceliyeen, oo si muuqata u shaaciyeen in ayna sinaba u aqbali karin muddo korodhsiga xukuumadda, sidoo kale in ayna oggolaaneyn doorasho is barbaryaaca, iyada oo aan la dhamaystirin heshiiskii 17 September. Midowga Yurub waxay aaminsan tahay, haddii mooshinkan la saxeexo wuxuu kala qaybinayaa Soomaaliya, wuxuu keenayaa dib u dhac badan iyo in uu khatar ku noqdo ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo weliba dalalka jaarka la ah. Waxaana mooshinkan sinaba u noqoneyn mid u adeegaya danaha umadda Soomaaliya. Josep Borrell Qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa mar kale lagu baaqey in miiska lagu laabto, haddii taasi dhici weydana, Midowga Yurub ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah. Waxaan ugu baaqaynaa in dib loogu noqdo wada hadaladii socdey ee doortashada, iayada oo aan waxba dib loo dhigeyn laguna saleynaayo heshiiskii 17 September. Haddii taasi dhici weydo Midowga Yurub waxay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah. Josep Borrell Midowga Yurub wuxuu joojiyey Miisaaniyaddii uu dowladda ku kabi jirey, sidoo kale waxaa dhici karta in ay hakiyaan dhammaan mashariicda daruuriga ah ee Midowga Yurub ay gacanta ku haysey, oo ay ka mid tahay Kaabayaasha dhaqaalaha ee dhawaan la saxeexey. Source
  8. MOGADISHU (HOL) - Two US lawmakers have called for sanctions and review of support to Somalia following a unilateral move Monday by the country’s parliament to extend the term of the president for two years. Source: Hiiraan Online
  9. Hogaanka iyo xubnaha madasha Badbaado qaran ee Soomaaliyeed ayaa qabatay kulan looga doodayay muddo kordhinta sharaci darrada ah uu Golaha shacabka u sameeyay Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhamaaday. Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay sida wadanka looga badbaadin karo xaaladda adag uu wadanka galiyay Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday waxayna soo saareen go’aannadaan: Go’aanka golaha Shacabka ay ugu dareen Muddo labo sano ah Madaxweynihii hore waa sharci darro. Go’aanka waxa uu Qatar ku yahay xasiloonida, nabadda, midnimada qaranka iyo umadda Soomaaliyeed. Go’aanka waa isku day looga leexanaayo dadaalladii ugu dambeeyay si loo gaaro hishiis loo dhanyahay iyo doorasho si nabad ah uga dhacda wadanka iyada oo la fulinaayo hishiiskii 17 September. Madasha, iyada oo la tashaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxay qaadi doontaa tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ka dhan ah muddo kordhinta aan sharciga aheyn waxyna qaadi doonta tallaabooyin si loo helo xalka waqtiga kala guurka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Kulamo saacadihii u dambeeyey magaalada Muqdisho uga socday siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Badbaado Qaran ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban afar qodob oo lagu naqdinayo tallaabadii mudo kordhinta aheyd ee shalay uu qaaday golaha shacabka. Qoraalka Madasha ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Kulan ay isugu yimaadeen hoggaanka sare iyo xubnaha Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed ayaa looga hadlay go’aankii muddo kororsiga sharci darraida ahaa ee uu ku kacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday.” Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in kulamadii dhacay ee xubnaha Madasha looga hadlay sida ugu habboon ee looga samata bixin karo dalka xaaladda cakiran ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu lugaha u geliyey. War-saxaafadeedkan ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu go’aamiyey afar qodob oo kala ah: 1 –In uu waxba kama jiraan yahay go’aankii dastuur ku tumashada ahaa ee uu Golaha shacabka xilka labo sano isugu kordhiyey, uguna kordhiyey Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday. 2 –In uu Go’aankaas halis ku yahay xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. 3 –In Go’aanku yahay isku day lagu hor istaagayo dadaalladii lagu baadi goobayey doorasho heshiis lagu yahay iyo meelmarinta heshiiskii 17 September. 4 –In Madashu iyadoo la tashanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaallieed ay qaadayso tillaabo kasta oo lagu joojinayo in muddo kordhinta sharci darrada ah masiirka dalka loo afduubo, waxayna ka shaqaynaysaa sidii xal loogu heli lahaa maaraynta xilliga kala guurka ah. The post Madasha Badbaado Qaran oo go’aanno 4-qodob ah ka soo saartay mudo kororsigii Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (HOL) - The European Union, a key supporter of Somalia’s reconstruction process has warned that the move by the Lower House to extend the term of the president was a threat to the country’s stability and could cause divisions in the country. Source: Hiiraan Online
  12. Yesterday, the Lower House of the Somali Parliament voted to a de-facto extension of the mandate of the President and the Federal government by two years following the impasse on the electoral process which should have been finalised by 8 February 2021. This action undermines the longstanding effort, supported by the EU and the international community, to rebuild Somalia through consensus. The international community, including the EU, have repeatedly and publicly expressed that we could under no circumstances accept an extension of the government mandate, or any partial or parallel process related to the elections, without the agreement of the parties to the 17 September electoral agreement. The European Union believes that the passage and signing of this resolution will divide Somalia, impose additional delays and constitute a grave threat to the peace and stability of Somalia and its neighbours. It certainly does not serve the interests of the people of Somalia. We call for an immediate return to talks on the holding of elections without delay based on the September 17 agreement. Failing this, the EU will consider further concrete measures. Source: EU The post Somalia: Statement by the High Representative Josep Borrell on the current political situation appeared first on Puntland Post.
  13. Washington (Caasimada Online) – Laba mudane oo ka tisran Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xiriirka ay la leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, ayna tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta soo baxay. Xildhibaannada kala ah Gregory W. Meeks iyo Michael McCaul, oo ah Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Hose ee Congaress-ka Guddigiisa Arirmaha Dibedda ayaa goor dhowayd soo saaray war saxaaafadeedkan. “Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan sharciga muddo laba sano ah u kordhinaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayey ku sheegeen qoraalkooda. “Ficilkan waxa uu tirtirayaa hannaanka federaalka waxaana uu boqon goynayaa raadintii dimqoraadiyadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayey intaas ku dareen. Waxay sheegeen in haddii muddo kordhintaasi ay sii socoto in dawladda Maraykanka ay dib u qiimeeyso taageerada iyo xiriirka ay la leeyahay dawlada federaalka Soomaaliya, lana tixgeliyo in cunaqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaanka dimoqraadiyadda. Waxay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay dib usoo noolayso wada-xaajoodka si qalalaasahan loo xalliyo dibna loogu laabto hannaankii doorashada September 17 2020. Tallaabadan ayaa ka dambaysay kadib markii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay muddo 2 sano ah u kodhiyey dawladda federaalka, taasi oo ay kasoo horjeesteen mucaaradka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Goor sii horeysay, Senate-ka Mareykanka ayaa sidoo kale ka hor-yimid muddo kordhinta uu Golaha Shacabka Soomaaliya shalay u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka, muddo kordhintaas oo ah laba sano. Qoraal kasoo baxay guddiga arrimaha dibedda Mareykanka ee Senate-ka ayaa lagu sheegay in ka shaqeynta muddo kordhin ay jebineysa xeerarka dimoqraadiyadda islamarkaana ay halis xasillooni darro u keeneyso Soomaaliya. “Doorashooyin waqtigooda ku dhaca waa tiir muhiim u ah dimoqraadiyad caafimaad qabta. Ka shaqeynta muddo kororsi waxay jebineysaa xeerarka dimoqraadiyadda waxayna halis xasllooni darro gelineysaa Soomaaliya. Saamileyda siyaasadda waa inay heshiis garaaan. Isku dayada lagu waxyeeleynayo wada-hadallada ku aadan waddo loo maro codbixin la isku haleyn karo waa inay joogsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Senate-ka oo lasoo dhigay twitter. Xigasho: VOA The post Congress-ka: Mareykanka oo ku baaqay in dib loo eego xiriirka Soomaaliya iyo cunaqabateyn appeared first on Caasimada Online.
  14. Isutagga Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay tallaabadii uu qaaday Golaha Shacabka 12 April 2021 taas oo liddi ku ah hishiiskii 17 september 2020 ee labada gole ay isla ansixiyeen, waxeyna u arkaan go’aankaas mid lagu degdegay caqabadna ku ah ku noqon kara geedi socodka dowladnimada Soomaaliyeed islamarkaasna dhaawici kara midnimada shacabka Bulshada Rayidka waxa ay ku adkeyneysaa Madaxda Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in ay sii wadaan wadahadallada si loo xaqiijiyo mas’uuliyadda ka saaran madaxda sidii dalka doorashooyin uga dhici la haayeen. Bulshada Rayidka waxey ka soo horjeedaa wax kasta oo carqaladeenaayo in dalka doorashooyin wada ogol ah ka dhacaan waxayna u soo jeedinayaan siyaasiyiinta iyo madaxda dalka in aysan ku dhaqaaqin tallaabooyin liddi ku ah midnimada, nabadda iyo dowladnimada. Bulshada Rayidka waxa ay aaminsantahay sii socoshada khilaafka siyaasadeed uu horseedi karo amni darro ay ka dhalan karto xadgudub bani’aadanimo iyo deganaasho la’aan sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Golaha Shacabka in ay ka waantoobaan tallaabooyinka hurinaayo khilaafka siyaasadeed ee maanta dalka ka jira. Bulshada Rayidka waxay ugu baaqeysaa Duubabka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka, culuma u diinka, wwax garadka, haweenka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii wadahadllada dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka loo sii wadi lahaa si dalka doorashooyin laysla ogolyahay uga qabsoomaan. Ugu danbeyntii Bulshada Rayidka waxa ay u mahad celinayaan beesha caalamka dadaallada ay ugu jirto sidii dalka doorashooyin nabdoon uga dhici lahaayeen, waxaana u soo jeedineynaa in ay dadaalkooda mideeyaan islamarkaasna wadatashiyada qaybaha bulshada ay badiyaan. DHAMAAD Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan Kamaandooska Haramcad iyo Gorgor. Waxaa Saraakiishan magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Wasiirada amniga iyo maaliyada Puntland, Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas, waxayna ku bogaadiyeen ‘inay garteen in deegaanadoodii ay dib ugu soo laabtaan’. Saraakiishan oo dhamaantood tobabar gaar ah kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa sheegay inay dowladda federaalka uga soo goosteen, kadib markii ay arkeen midab-takoor iyo musuq-maasuq baahsan, sida ay sheegen. “Markaan aragnay caqli xumada iyo midab takoorka ka taagan federaalka, waxaan go’aansanay in aan wadankeena kusoo noqon,” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiishaan la sheegay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka. Mas’uuliyiinta soo dhaweynta usameysay saraakiishan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan askari kasta oo kasoo horjeeda aragtida dowladda dhexe, oo ay madaxdeeda si weyn isku hayeen muddooyinkii dambe. Sidoo kale, waxay baaq u direen saraakiisha dalka dibadiisa lagu soo tababaray ee kasoo jeeda deegaanadooda inay dib ugu soo noqdaan deegaanadooda, si ay u difaacaan dalka iyo dadkooda, sida ay hadalka u dhigeen. “Saraakiishaan waxaa rabnaa saraakiisha ciidamada dowladda Puntland ee hananaya ciidamada, waxaa hanta ciidamada saraakiisha dhexe ee kabtan, labo xidigle iyo xidigle, waana inta u muhiimsan ee anagu raadineynay, waana la idin magacaabaya,” ayuu yiri Wasiirka maaliyada Puntland oo hadal ka jeediyay munaasibada soo dhaweynta Saraakiishaan. Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay xukuumadda Somaliland usoo dhaweysay Saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan Kamaandooska Haramacad iyo Gorgor, kuwaasi oo ka deyrinaya xaalada ciidamada dalka iyo madaxda maamusha. The post Daawo: Puntland oo soo bandhigtay ciidamo ‘kasoo goostay’ Gorgor iyo Haramacad appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhaweyd ka kala degay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la faliyaaa in ay saacadaha soo socda si faahfaahsan uga hadlaan mowqifkooda go’aankii muddo kordhinta dowladda federaalka iyo shirkii fashilmay ee madaxda Soomaaliya. Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa intii aysan ka duulin Muqdisho kulan la qaatay qaar kamid ah safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muddo bil ah magaalada Muqdisho u joogay wadahadaladii fashilmay ee doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Deni iyo Axmed Madoobe oo ka degay Garoowe iyo Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  17. Isu’tagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya, ayaa si adag uga horyimid mudda kordhinta loo sameeyay golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka. War-saxaafadeed ka soo baxay Ururada Bulshada Rayidka ah, ayaa lagu sheegay in ay ka horjeedan tallaabada uu qaaday Aqalka hoose ee Baarlamanka dalk,a kaas oo shalay mudda kordhin u sameeyay dowladda. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, in ay sii wadaan Wada-hadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in dalka doorasho heshiis lagu yahay ka qabsoonto. Bulshada Rayidka waxay sidoo kale ka digeen in sii socoshada khilaafka siyaasadeed ay ka dhalan karto amni-darro horseedda xadgudub banii’aadanimo. PUNTLAND POST The post Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo ka horyimid mudda kordhinta dowladda appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Puntland Daciid Cabdullaahi Deni ayaa Guryohoodii u kala duulay kadib markii laga quustay Wadahadalkii lagula jiray Madaxweyne Farmaajo. Kulan ay wada yeesheen Badbaado Qaran kadib ayaa labada Masuul u duuleen Puntlanf iyo Jubbaland. Xaalada Siyaasadeed ee Muqdisho ayaa tan iyo dhalay qabanayo kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu kororsadey laba sano. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho ka duulay appeared first on . Source
  19. Doodda ku aaddan in laga waysaysanayo cunista hilibka geelu waa dood muddo soo taagnayd, se lagu kala xoog badan yahay. Ugu horrayn in la is waydiiyo su’aashan waxa keenay xadiiska Jaabir Bin Samra ee Muslin soo saaray ee nebiga la waydiiyey in laga waysaysto hilibka adhiga, deeto uu ku jawaabay haddaad doonto, haddana la waydiiyey in laga waysaysanayo hilibka lo’da, iyana uu sidii oo kale ku jawaabay, ugu dambayna la waydiiyey in laga waysaysanayo hilibka geela dabadeed uu sheegay in laga waysaysanayo. Waysadaa xadiiska lafteeda culimo badan ayaa ka soo saaray fahan ah; in laga luqluqanayo gacmahana la maydhayo oo aan loo jeedin waysadii caadiga ahayd. Arrinku haddii uu sidaa ku joogi lahaa iswaydiinba may timaaddeen ee waxa waajib noqon lahaa dhaqangelinta xadiiska nebiga NNKH. Se waxa iswaydiinta keenay ayaa ah in uu jiro xadiis kale oo xadiiskan ka dambeeyey sida laga dhadhansanayo saxaabiga xadiiska warinaya iyo fahanka badi saxaabada, taabiciinta iyo madaahibta fiqiga badidooda. Xadiiska uu wariyey saxaabiga Jaabir Bin Cabdillaahi waxa uu si cad u sheegayaa in aan laga waysaysanayn hilib dab galay, waana xadiiska ay dhaqanqaliyeen saxaabadu, “Amarkii ugu dambeeyey Nebigu wuxu ahaa in aan laga waysaysan wax dab galay.” Xadiiskaa waxa soosaaray Abu Daa’uud iyo Nisaa’i, waana xadiis sugan. Xadiiskani in uu xadiiskaa hore ka dambeeyey oo uu nasakhayo waxa caddayn ugu filan in saxaabigani sidaa cad u odhanayo amarkii ugu dambeeyey nabigu waa in aan laga waysaysan, ileen haddaan amar hore jirin amarkan muu caddeeyeene. Mar kale Jaabir wuxu ka sheekaynayaa dhacdo tan la jaal ah, “Waxa aannu ahayn wakhtigii nebiga kuwa aan helin cuntadan (cunto kolkaa ag taallay) oo kale inyar mooyaanee, marka aannu helno na maanu haysan afmaris aan ahayn baabacooyinkayaga, dhudhumahayaga iyo lugahayaga, ka dib waa aanu tukun jirnay annaga oo aan ka waysaysan.” Xadiiskan waxa soosaaray Bukhaari. Xadiiskani wuxu xoojinaya cuskasho ahaan xadiiskaa sheegaya in aan laga waysaysanayn wax dab galay. Fahanka ay dhaqangaliyeen badi saxaabadu wuxu noqday in aan laga waysaysan hilibka geela, waxa ka mid ah saxaabada arrinkaa aaminsan Ibnu Mascuud, Ibnu Kacab, Dalxa, Abi Dardaa, Ibnu Cabbaas iyo saxaabo badan. Sida oo kale badi Taabiciintu waxa ay ku tagsan yihiin in aanu jabin waysada hilibka geelu. Ibnu Abi Shayba musanafkiisa wuxu ku soo guuriyey Cabdillaahi Ibnu Cabbaas in uu yidhi, “Waysada waxa keena wixii calooshaada ka soo baxa ee ma keeno wixi calooshaada gala.” Sunanu Bayhaqi waxa ku yaal hadal kan u dhow in Cali Bin Abi Daalib laga hayo. Cabdarasaaq iyo Ibnu Jacd waxa ay musanafyadooda ku soo saareen in Yaxye Bin Wathaab uu waydiyey Cabdillaahi Ibnu Cumar in laga waysaysanayo hilibka geela, deeto uu ku jawaabay Cabdillaahi, “Waysada waxa keena wixii kaa soo baxa ee ma keenaan wixii calooshaada galaa. Wax kasta oo caloosha galaa waa wax wanaagsan, wax kasta oo ka soo baxaana waa wax xun.” Nawawi Majmuciisa waxa uu ku soo guuriyaa in afartii khulafo ay aaminsanayeen in aan laga waysaysan hilibka geela. Nawawi waa ragga aaminsan in laga waysaysanayo haddana waxa uu aaminsanaa in khulafadu ka aragti duwanayeen. Ibnu Taymiya isagu wuxu ku duraa Nawawi in cuskashadani aanay sanad lahayn. Hilibka geela in aan laga waysaysanayn waxa aaminsan madaahiibta Shaaficiyada, Maalikiyada iyo Xanafiyada. Qarnigan culimada waaweyn ee xagga fiqiga ku horreeya ee aan xataa qaarkood lagu tirin in ay mad’hab u janjeedhaan sida Sayd Saabiq, Qaradaawi iyo Dedow waxa ay saxnimadeeda sugaan in aan laga waysaysanayn hilibka geela. Xaafid Ibnu Xajar isagu wuxu ku tagsan yahay xadiiska in laga waysanayo sheegaya uu nasakhay xadiiska sheegaya wixii dab galay in aan laga waysaysanayn. Mad’habta Xanaabilada oo ah ta ugu urursan xagga fidnaanta madaahiibta ayaa iyadu qabta in laga waysaysanayo hilibka geela. Waxa ay ku tagsan yihiin in xadiiska sheegaya in laga waysaysanayo hilibka geelu aanu nasakhayn xadiiska odhanay wax kasta oo dab galay laga waysaysan maayo, waxa ay ku doodayaan in xadiiskan dambe caam yahay kaa horena arrin gaar ah uu ka hadlayo. Sidaa waxa qaba badi culimada Xanaabilada horrayso iyo dambaysaba. Tiro yar oo Shaaficiyada ka mid ah oo Nawawi ka mid yahay ayaa Xanaabilada la aaminsan in laga waysaysanayo hilibka geela. Ibnu Mundir, Bayhaqi, Ibnu Xasmi, Ibnu Taymiya, Albaani iyo Ibnu Baas ayaa iyaguna in laga waysaysanayo aaminsan, laakiin xujada cad ee xadiiska dambe, fahanka badi saxaabada, taabiciinta, jumhuurta fuqahada madaahiibta iyo badi fahanka culimada casriga ahba waxa ay ku tagsan yihiin in aan laga waysaysanayn hilibka geela. W/Q Cabdirisaaq Rakuub Source
  20. Tan iyo Shalay markay Xukuumada Farmaajo korordadeen Wakhti xiloodkoodii dhamaadey waxaa bilowdey Taliyayaal Ciidan oo isaga baxayay Ciidamada sida Gaarka ah uga Amar qaata Villa Soomaaliya. Dhalinyaro Kasoo jeeda Deegaanada Puntland oo Gaalkacyo lagusoo dhaweeyey ayaa cadeeyay in Ciidamada Ka amarqaata Villa Soomaaliya ay yihiin Ciidan ujeed gaara laga leeyahay, ee aysan ahayn Ciidan loosoo tababaray inay la dagaalamaan Al-dhabaab. Qaar ka mida Dhalinyarada waxay Puntlandi.com u sheegeen in marar badan loo akhriyay in Puntland iyo Mudharixiinta Madaxweynaha ay yihiin Cadowga Kowaad ee Doomaaliya ayna u adeegaan Dhisheeye, waxay kaloo sheegeen in aysan marna dhagohoodu maqal Cadowga Al-dhabaab. Puntlandi.com Gaalkacyo The post Dhalinyarada Kasoo jeeda Puntland oo isagasoo baxay Ciidamada Farmaajo Daacada u ah appeared first on . Source
  21. Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goor dhaw ka ambabaxay Magaalada Muqdisho. Deni ayaa muddo magaalada ku sugna isaga oo ka qeyb galayay wadahadaladii Fashilmay ee arrimaha doorashooyinka . Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdigiisa ayaa Gaaray magaalada Kismaayo Source: goobjoog.com
  22. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, ayaa maanta Gaalkacyo ku soo dhoweeyay askar ka soo jeeda Puntland, oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirada Maaliyadda iyo Amniga Puntland, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo saraakiil ciidan, ayaa soo bandhigay askartan oo sida ay sheegeen ka tirsanaa Guutada Gorgor ee ay tababarto dowladda Turkiga. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in askartan ay faquuq kala kulmeen hoggaanka Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay uga soo baxeen Ciidanka. Waxay sidoo kale tilmaameen in askartan dhalinyarada ah ay hadda kadib ka hawlgeli doonaan gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Askar ka soo goostay ciidamada Federaalka oo Puntland lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaga oo dib ugu laabtay maamulladooda, kadib kulan ay la yeesheen wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa Muqdisho ka kala qaaday laba diyaarad oo kala duwan, kuwaas oo u duulay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kadib in ka badan 40 maalmood oo ay ku sugnaayeen caasimadda. Labada madaxweyne ayaa lagu warramay inay ka carroodeen muddo kordhinta golaha shacabka u sameeyey Farmaajo iyaga oo sidoo kale ka niyad jabay wada hadallada socday. Goor sii horreysay Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Xalane kula kulmay wakiilada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Safiirada Mareykanka iyo UK ayaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muddo kororsiga loo sameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale wakiilada beesha caalamka u sheegay inay muddo ku ka badan bil ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho si xal looga gaaro doorashada, balse ay midaasi muuqan, islamarkaana ay ka tagayaan magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka ag dhow labada maamul. Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay Wakiilada Beesha Caalamka u jeediyeen in ay go’aan ka qaataan xalada dalka, isla markaana la badbaadiyo dalka. Waxaa gebi ahaanba soo xirmay albaabkii wada hadalada oo la filayay in dib loogu laabto Teendhada Afisyooni, kaddib markii shalay Golaha Shacabka ay u sameeyeen Farmaajo muddo kordhin labo sano. Waxaa laga deyrinayaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo laga cabsi qabo inay gaarto heer gacan ka hadal ah, kadib markii uu golaha shacabka soo saaray qaraar labo sanno muddo kordhin loogu sameynayo hay’addaha dowladda, midaasi oo ay ka hor-imaadeen mucaaridka iyo qaar kamid ah madax goboleedyada dalka. The post Axmed Madoobe iyo Deni oo ka dhoofay Muqdisho kadib kulan ay la qaateen wakiilada beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.