Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wadaad caan ka ah Itoobiya oo Xukumada Abiy ku eedeeyay inay xasuuq ka geysatay Tigray Itoobiya waxay beenisay in tacaddiyo ay u geysatay dad rayid ah Madaxa ugu sarreeya kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowladda inay xasuuq ka geysatay gobolka Tigray. Wadaadkan oo lagu magacaabo Abune Mathias ayaa sheegay in dowladda habeen iyo maalinba ay ka shaqeyneysay sidii ay u burburin laheyd gobolka. Wadaadka oo qudhiisu kasoo jeedo Tigray ayaa sheegay in uu is xakameynayay markii uu dagaalka ka qarxay gobolka, waana markii ugu horreysay uu ka hadlo xaaladda Tigray. Wuxuu intaas ku daray in xitaa xasuuq laga fuliyay gudaha kaniisado. Dowladda Itoobiya waxay ku adkeysatay inay beegsaneysay hoggaanka TPLF balse aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan sida ay u shaqeyso Wasaaradda arrimaha Debadda xilli uu ka qeyb galay barnaamij lagu qabtay barta Clubhouse. Wasiirka oo Su’aalo badan la waydiiyey ayaa sharaxad ka bixiyey qodobo ay kamid yihiin Sida ay Soomaaliya ula dhaqanto safaaradaha iyo Beesha Caalamka, qaabka loo xusho safiirada iyo Soomaaliya haddi ay ka maarmi karto dhaqaalaha ay ka hesho beesha Caalamka. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la waydiiyey sida ay wasaaradiisa ula dhaqanto safiirada hadalada kulul oo ay uga hadlayaan Soomaaliya soo dhigo baraha bulshada, iyadoo tusaalaha ahaan loogu soo qaatay qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay mid ka mid ah safiirrada ajaanibta ah. Qoraalka ay dowladda Soomaaliya qoonsatay wuxuu ahaa in dowladda lagu amray inay awood wareejin sameyso. Cabdirisaaq ayaa sheegay in marka hore ay tahay in la ogaado in Soomaaliya aysan ka maarmi karin beesha Caalamka maadaama uu sheegay aysan heysan dhaqaae. Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay mar walba si hoose xiriir ula sameyso safiirada qoraalada ku saabsan Soomaaliya soo dhigo baraha Bulshada. “30 sano ka hor adduunka kama jirin baraha bulshada iyo waxyaabahan Twitter-ka lasoo wada dhigayo, laakiin annaga laftirkeenna inkastoo waxyaabahan ay aad noo dhibayaan an oggolaano xaqiiqada ku saabsan inaan nahay dal miisaaniyaddiisa la kabo, amnigiisa wax lagala qabto dadkiisa loo soo gurmado markii ay ku dhacaan abaaro ama fatahaado, bal ka warran haddii maanta aan wax walba heysanno. Safaaradahan iyo wasaaradahan qaabka aan ula dhaqanno way ka duwanaan lahayd sida, ayagana marka horeba way na ixtiraami lahaayeen,” ayuu yiri wasiirka. Wuxuu sii raciyefy “Waa inaan annaga lafteenna muraayad isku fiirinno oo aan aragno inaan nahay dal saas ah oo waliba raba in lagu ixtiraamo. Si kastaba ha ahaatee wali waxaan marar badan ka shaqeyneynaa, isu ekeesiineynaa inaannaan qaadan karin waxyaabaha qaar, waana naga dhab. Hadda Tweet-ki ugu dambeeyay markaan arkay qaarkood aniga si shaac baxsan waan ugu jawaabi karay laakiin waxaan kala doortay in aan farriin gaar ah u diro oo farriimahaas isdhaafsanno iyo inaan Tweet ku jawaabo kee wax tar noo leh annaga.” Ugu dambeyntii wasiirka ayaa yiri “Qaarkiin way ogyihiin aniga inaan kala gabbanin safiirrada iyo diblomaasiyiinta aan dareemo inay nagu xad gudbaan, oo aan si loo wada jeedo ugu jawaabo kana hadlo. Marka waxaan go’aansaday inaan Tweet-kaas farriin khaas ah u diro una sheego in waxa lasoo qoray aysan nagu habbooneyn, taasna waxay keentay jawaabtii aan annaga ka rabnay.” Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Arrimah Debadda Soomaaliya ayaa kuso aadayo xilli maalmihii ugu dambeeyey ay xubnaha beesha Caalamka cadaadis ku saarayeen Dowladda Soomaaliya inay dalka ka qabato doorasho la isla ogol yahay, iyadoo dowladaha qaar ay soo saarayeen hanjabaado ka dhan ah madaxda Dowladda. The post DF oo shaacisay sida ay ula dhaqanto xubnaha beesha caalamka ee MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  3. Ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka, Axmed Cimi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha Ciida. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay Amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha Ciida. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Cadaaladda, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan dardar gelinta Amniga oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Murrashaxiin ka xidhnaa xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa xarriyadooda dib u helay. Murrashaxiinta u tartamayay doorashada isku sidkan ee golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa maanta laga soo daayay saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ay in muddo ah ku xidhnaayeen. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelayaan mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyadda UCID iyo WADDANI ayaa saldhigga dhexe ee Hargeysa kaga hortayay Murrashax Qaasim Saleebaan oo xisbiga WADDANI uga tartamaya gobolka Sool. Guddiga doorashooyinka iyo komishanka xuquuqal iinsaanka ayaa hore u cambaareeyay xadhiga murrashaxiinta mucaaridka ah iyaga oo ku baaqayay in dib loogu soo celiyay xorriyadooda. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay la kulmay qoysas carruur ay shalay uga dhinteen daadad xoogan oo ka dhashay roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa qoysaska uga tacsiyeeyay carruurtii ka geeriyootay, islamarkaana waxaa uu Allah ugu baryay inuu badal kheyr qaba iyo simmir ku irsaaqo qoysaska, isagoona garab istaagna u muujiyay. Xasan Cabdullaahi Gacal oo 5 Carrruur ah ku waayay musiibada, Aadan Jabriil Sheekh oo 3 carruur ah ka geeriyootay iyo waalidka 3 carruur ah oo hooyadood Cisbitaal la dhigay ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee dalka iyo Xisbiga Himilo Qaran. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu gaartay oo carruurtoodii ku waayay daadad ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif ayaa waxaa ugu baaqay dowladda federaalka inay wax ka qabato sababaha keenay in daadadku ku rogmadaan xaafadaha shacabku deggan yahay. Qoysaskan ayaa waxaa shalay galab boqoda guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, wuxuuna u sameeyey ballan-qaad, hase yeeshee weli ma jirto wax la taaban karo oo ay dowladda u qabatay. The post Sheekh SHARIIFoo farriin u diray dowladda federaalka appeared first on Caasimada Online.
  6. Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warar sheegaya in Dowladda ay qorsheyneyso in dib maxkamadda looga soo celiyo dacwadda Muran xuduudeedka Badeed ee Soomaaliya iyo Kenya . Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in kaliya ay sugi doonaan go’aanka Maxkamadda Cadliga ee ICJ . Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dhageysiga muranka la soo gaba gabeyay waxa ay sugayaanna ay tahay Go’aanka ugu dambeya ee Maxkamadda . Muranka badda waxaa soo afjari doonta Maxkamadda ICJ , ka dib dhageysiga dacwadda ee afka ayaa la soo gaba gabeyay bishii Maarso 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa xukun cadaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa arrin gooni ah.” ayuu yiri Mahadi Guled . GoobJoog News Source: goobjoog.com
  7. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay xiriirka diblomaansiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya iyo in dib loo soo celiyo saaxiibtinimadii , Is-ixtiraadimadda madax banaanida labada dhinac . Afhayeen u hadlay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu amaanay dadaalada uu ururka ku bixiya soo celinta xiriirka labada dal, gaar ahaan xiriirkii dowladda Qatar ee ugu dambeyay . Ugu dambeyntii Jaamacadda Carabta ayaa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqday in ay ka wada shaqeeyaan soo celinta xiriir dhameystiran oo ilaalinaya Maslaxadda labada dal iyo Amniga Gobalka . GoobJoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Weftiga ka socday dawladda Qadar ee dhawaan yimid Somaliland ayaa la sheegay in ay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen arrimo ku aaddan qaddiyadda ka dhexaysa Somaliland iyo Somalia iyo xidhiidh dhex mara Hargeysa iyo Dooxa. Sida ay ku warrantay Mareegta Somalilandchronicle oo xogo ka heshay kulanka waxa ay dawladda Qadar madaxweyne Biixi u soo jeedisay in ay dhexdhexaadiso Somaliland iyo Somalia kana qayb gasho dadaalka wada hadalka labada dhinac ee hore u socon waayay. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu arrintaasi kaga dareen celiyay in uu soo dhawaynayo cid kasta oo ku soo biiraysa dadaallada caalamiga ah ee lagu dhexdhexaadinayo Hargeysa iyo Muqdisho balse hadda ay ka dhur sugayaan qalalaasaha siyaasadda ee Somalia ka socda. Dhinaca kale dawladda Qadar ayaa la sheegay in ay dalbatay in shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airweys duullimaadyo toos ah ka bilawdo Hargeysa taas oo hadda ay kaliya Ethiopia Airline duulimaadyo ka samayso. Weftiga dawladda Qadar ayaa si lama filaan ah dib ugu soo celiyay xidhiidhkii diblamaasiyadeed ee dawladda Kenya iyo Somalia ee sanadkii hore xumaaday. BREAKING: QATAR OFFERED TO MEDIATE SOMALILAND – SOMALIA TALKS AND DIRECT FLIGHT OF QATAR AIRWAYS TO SOMALILAND Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo weli ay socoto dhageyso dacwadda dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay sii deysay 2 ka mid ah askartii lagu soo eedeeyey dilka marxuum C/raxmaan Dhagajuun. Labada askari ee lasii daayey ayaa kala ah Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi iyo Xasan Abuukar Maxamuud (Buuqsane) oo ka mid ahaa 7 askari ee loo xiray dhacdadaasi. Sii deynta raggan ayaa timid, kadib markii xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada uu shaaciyey inuu eeda kala noqotay labadaasi oo askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha saldhigga Booliiska degmada Waabari Maxamed Cabduqaadir oo loo yaqaano (Mooshin). Sidoo kale waxay maxkamaddu sheegtay in labadaasi askari aysan qeyb ka aheyn ciidamadii ridday rasaasta lagu furay, laguna dilay Marxuumka. Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysatay warbixinta guddi gaarka ahaa ee loo saaray, sida uu dhacay dilka Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun). Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa xilli habeen ah, gaar ahaan 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay maxkamadda ciidamada go’aan rasmi ah ka soo saarto dilka guddoomiyihii Hodan. The post Labo ka mid ah askartii loo heystay dilkii Dhagajuun oo lasii daayey appeared first on Caasimada Online.
  10. (SLT-Nairobi)-Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa xayiraadii ka qaaday qalashada iyo iibinta hilibka dameeraha oo ay dowladda saartay bishii February ee sannadkii hore. Dacwad uu soo gudbiyay mid ka mid ah kawaannada dameeraha, ayay maxkamaddu xukuntay in dowladda ayna si ku filan u difaacin kiiskeeda. Xukunka ayaa ka dhigan in afarta kawaan ee dameeraha ee hore cashuur loogu siiyay inay ka shaqeeyaan Kenya ay hadda dib u bilaabi karaan ganacsigooda. Tani waxay daba socotaa codsi guuleystey oo ay soo saartay shirkadda ‘Br Bryanant Slaughterhouse’, oo sheegatay in amarka dowladda uu ku xadgudbay xuquuqdeeda. Sannadkii la soo dhaafay, Kenya waxay mamnuucday gawraca iyo dhoofinta dameeraha iyo wax soo saarkooda si loo ilaaliyo dameeraheeda gudaha ku nool. Dowlada ayaa kadib weydiisatay mulkiileyaasha kawaannada inay u baddalaan goobahooda goobo lagu qalo xoolaha kale sida ariga iyo lo’da. Tirada dameeraha Kenya ayaa lagu qiysaasy 1.8 milyan ilaa 1.2 milyan intii u dhaxeysay 2009 iyo 2019, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee dowladda ee la daabacay 2020. Waddanka Bariga Afrika wuxuu sharciyeeyay ka ganacsiga hilibka dameeraha iyadoo 2012 uu dalku daboolayey baahida sii kordheysa ee Shiinaha uga imanaysay. Sidaa darteed, qiimaha dameerka qaangaarka ah ayaa afar lab ka badan inta Kenya, sida laga soo xigtay Shabakadda Afrika ee Daryeelka Xayawaanka. Brooke East Africa, oo ah koox u ololeysa dameeraha, ayaa ku qiyaastay in kawaanku gawraco ugu yaraan 1,000 dameer maalintii. Dalalka Uganda, Tanzania, Botswana, Niger, Burkina Faso, Mali iyo Senegal ayaa mamnuucay in dameeraha loo dhoofiyo dalka Shiinaha. Baahi aad u weyn ayaa jirta oo loo qabo maqaarka dameeraha kolka la joogo dalka Shiinaha. Marka maqaarka la kariyo, waxa uu soo saaraan maaddao lagama maarmaan u ah wax soo saarka Shiinaha “ejiao” – taas oo ah mid ka mid ah cuntooyinka caanka ah ee caafimaadka, dhanka kalena ah daawo dhaqameed Dad badan oo ku dhaqan dhulka miyiga ah ayaa dameeraha u isticmaala in ay u soo dhaamiyaan biyaha iyo xaabada. Source
  11. Warbaahinta Mustaqbal Radio ayaa gudbisay cabasho ka dhan agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo agaasime ku xigeenka Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed. Sida ku cad warqad ay aragtay Goobjoog News, asbaabta cabashada waa in 27/04/2021-kii ay Haramcad gashay gudaha warbaahinta iyada oo qalabna Computer iyo Kaamirooyin qaadatay isla markaana geysatay jirdil, idaacadda waxaa ay intaas ku dartay iney heyso caddeymo arrintaas la xiriira. Mustabqal waxaa ay ka dalbatay xafiiska xeer ilaalinta in uu baaris ku sameeyo cabashadan isla markaana uu gungaarka u gudbiyo maxkamad ku awood leh. Qareenka idaacadda Daahir Carab oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey iney gudbiyeen dacwadda ayna la taalo xeer ilaalinta, lana filayo in dhowaan ay jawaab helaan. Dhanka kale, Cabdalla Muumin oo ah xogheyaha guud ee ururka u dooda saxafiyiinta ee SJS isla arrinkan dacwadda ah kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “ Waa tallaabo muhiim oo geesinnimo leh in weriyeyaasha sharciga u dacwo tagaan, oo aaney cabsan, waxay muujineysaa in aaney jirin cid sharciga ka sareysa, waxaan ku dhiirigelineyaa in weriyeyasha kale iyo idaacadaha ay sdaasi sameeyaam, oo ay ku deydaan, si aaney cidna uga baxsan ciqaabta”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in arrinta badda ay ka madax-bannaan tahay soo celinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay soo if-baxeen warar sheegaya Soomaaliya dib ula soo noqoneyso kiiskeeda. “Muranka badda waxaa soo gaba-gabeeynaya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda kaddib dhageysigii soo dhammaaday 15 illaa 18-kii march ee sannadkan, waxaana sugeynaa xukun caddaalad ah” ayuu Mahdi Guled ku soo qoray bartiisa Twitterka, isagoo sii raaciyay “Arrinta badda gooni ayay ka tahay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal”. Mahdi Guuled ayaa sidoo ah u qeybsanaha dowladda Soomaaliya ee arrinta dacawadda badda, isagoo hoggaaminayay wafdigii Soomaaliya ee ka qeybgalay dhageysiga dacwaddaas labadii jeer ee ugu dambeysay. Kenya ayaa dhowr jeer oo hore dalbatay in wadahadal uu hormuud ka yahay Midowga Africa lagu dhammaayo muranka badda, hase yeeshee Soomaaliya ayaa sheegtay in kaliya ay ku kalsoontahay go’aanka maxkamadda ICJ, Isla markaana ay Soomaaliya dooneyso in loo sameeyo xad rasmi ah oo u dhexeeya labada Waddan. Khamiistii ayaa Soomaaliya ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xidhiidhka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Kenya, kaddib markii ay dhex-dhexaadisay dowladda Qadar oo wafdi uu hoggaaminayay Dr. Muthlaq bin Majed Al-Qahtani u soo dirtay labada dal, isagoo la kulmay Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Soomaaliya ayaa xidhiidhka u jartay Kenya 15-kii December 2020, iyadoo ku eedeysay Nairobi inay faragalin ku heyso arrimaheeda gudaha. Source
  13. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Moussa Faki Mohamat ayaa Soomaaliya u soo magacaabay ergay gaarka ah oo ka shaqeyn doona dhex-dhexaadinta khilaafka arrimaha doorashooyinka. Moussa Faki ayaa madaxwaynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaar ah ee dhexdhexaadinta arimaha khilaafaadka ee ka taagan Soomaaliya. “Madaxweyne Mahama waxuu kala shaqeyn doonaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan tanaasul la wada aqbali karo oo ku wajahan xal loo dhan-yahay oo ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya, waqtiga ugu gaaban, uguna macquulsan .Isaga oo fulinaya waajibaadkiisa, wakiilka sare waxaa taageeri doona AMISOM, si loo xaqiijiyo in dadaallada dhex-dhexaadinta iyo howlgalka taageeridda nabadda ay u wada shaqeeyaan si habsami leh.” ayuu ydhri Gudoomiyaha Midowga Afrika. Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa hadalkiisa intaa ku daray in muhiim ay tahay doorasho dimuqraadi ah oo Soomaaliya ka dhacda taasoo leh sharciyad iyo waajibaad dastuuri ah isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ergaygan cusub uu door muuqda ka qaato xalinta khilaafka jira si loo ilaaliyo xasiloonida gobolka oo dhan. “Tani waa inay dhalisaa dowlad si dimoqraadi ah loo soo doorto oo leh sharciyad iyo wajibaad dastuuri ah, si loo xalliyo inta ka hadhsan arrimaha siyaasadda iyo dastuuriga ah ee halista ku ah xasilloonida dalka iyo gobolka oo idil.” Source
  14. MOGADISHU (HOL) - Somalia has maintained the maritime case with Kenya will be determined by the International Court of Justice (ICJ) allaying reports that the two countries had resolved to an out of court settlement. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (HOL) - Somalia has maintained the maritime case with Kenya will be determined by the International Court of Justice (ICJ), allaying reports that the two countries had resolved to an out-of-court settlement. Source: Hiiraan Online
  16. New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’ay dabayaaqada sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii. Antonio Guterres ayaa boggaadiyey dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee ay wado Qatar, isaga oo tilmaamay inay tallaabadan xoojineyso diblumaasiyadda & horumarka siyaasadda. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey inay muhiim tahay in la dhameystiro heshiiskan, si looga mira-dhaliyo is afgaradka billowga ah. “Waxa aan soo dhaweynayaa kaalinta dowladda Qadar ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya, waa tallaab habboon oo xoojineysa diblumaasiyadda & horumarka siyaasadda, waxa dhiman waa in la dhammeystiraa, si looga gungaaro is afgaradka bilawga ah,” ayuu yiri. Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa u dhexeeyey khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska badda ee horyaalla maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ. Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhowaaqday inay dib usoo celisay xiriirka labada dowladood, kaas oo horey u go’ay dabayaaqada sanadkii hore 2020-kii, kadib markii ay dowladdu ku eedeysay Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya. The post QM oo boggaadisay doorka Qatar ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (Commentary) — Thirty years ago the Somali state collapsed. The North — Somaliland — unilaterally seceded from Somalia in May 1991. The state failure was partly the justification for secession. In this week’s edition The Economist makes the case for recognising Somaliland as a sovereign country. The argument that Somalis need two separate countries has never been popular at the African Union whose charter puts premium on the national sovereignty of member states. The case for breaking up Somalia into two countries is unconvincing. Africa is witnessing the tragic situation in South Sudan, where identity politics has torn apart the social fabric. Several months ago Somaliland President Muse Bihi Abdi said that Somaliland embraced parliamentary democracy too early because the supporters of the opposition party, Waddani, characterised the party’s defeat as a win for a clan. His honesty is a remarkable example of candour that animates politics in the North. The North forged ahead after state collapse; a civil war that lasted two years had affected Somaliland during 1990s, but in 2001, the former Somaliland President Mohammed Ibrahim Egal had put Somaliland on the path of parliamentary democracy. State-building enabled political elites to conduct three presidential elections since 2003, remembered for peaceful transfer of power. The University College London report on 2017 Somaliland presidential elections underscored the absence of institutions capable of shepherding Somaliland into a sovereign state. Somaliland is “over-reliant on a customary system to solve problems, and with representative electoral institutions not yet fully capable of supporting the transition to a stronger nation-state” the report stated. Creating new countries in Africa out of existing countries has resulted in catastrophic political fallouts. Eritrea-Ethiopia war and South Sudan civil war come to mind. Persuading Somaliland to accept that Mogadishu rules Hargeisa is a tall order given the fact that Mogadishu’s influential political leaders managed to organise clan militias against the Federal Government of Somalia over controversial mandate extension. Neither South Somalia nor the North Somalia can stand as a separate sovereign state. A return to trusteeship is far more plausible than a hasty break-up of Somalia into two states for homogeneous Somalis, as proposed a British magazine that campaigns against the Scottish independence. Ali Hussein Dajin The post Without Union Somalia Will Cease to Exist appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxa midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in ergayga wada haddalada Soomaalida loo magacaabay madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama, ninkan ayaa hoggaamin doona wada hadal dhex mara mucaaradka iyo Farmaajo. Mr. Moussa Faki ayaa ugu baaqay kooxadaha Soomaalida iney la shaqeeyaan ergaygiisa si loo gaaro xal wadar ogol, oo raalli laga wada yahay si loo qabto doorasho waqtigeeda ku dhaco. “Guddoomiyaha Guddiga wuxuu ugu baaqayaa daneeneyaasha Soomaaliya inay si hufan uga wada xaajoodaan, oo ay ka hor mariyaan danaha Soomaaliya iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed raadinta xal loo wada dhan yahay oo ku saabsan xiisadda doorashada” ayuu yiyo Faki. Waa Kuma Ergeyga Wadda hadallada: Mahama oo ah ergeyga wada haddalada Soomaaliya waxaa uu dhashay November 29, 1958 Waxaa uu xubin ka yahay xisbiga National Democratic Congress (NDC, Inta u dhaxeysay 1997 ilaa 2009 waxaa uu ahaa wasiir ku xigeenka isgaarsiinta isaga oo isla wasaaradda hoggaamiyey 1998 ilaa 2001Waxaa uu noqday madaxweyne ku-xigeenka Ghana inta u dhaxeysay January 2009 ilaa July 2012, Mahama waxaa uu ahaa madaxweynaha Ghana inta u dhaxeysay 24 July 2012 ilaa 7 January 2017, waa uu jagada qabtay markii uu geeriyoodey madaxweynihii John Evans Fiifi Atta Mills. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World ayaa waxaa ay $1 billion ku bixin doontaa dhismaha jidka dekadda Berbera iyo Itoobiya. DP World oo khamiistii heshiis la gashay wasaaradda gaadiidka Itoobiya ayaa waxaa la isku afgartay in ay shirkadda dhisto Dekad qalalan, Sowmacad, Bakhaarro, meel containerada la dhigo, meelo diirran ama wax lagu qaboojiyo ama xataa meel nadaafad. DP World ayaa hadda waxaa ay waddaa mashruuc lagu casriyeynayo dekadda Berbera oo ku kacaya $442 million , kaas oo ay heshay 30 sano 2017-kii. Shirkadda kale ee Imaaraadka P&O Ports ayaa iyada waxaa ay isla sanadkaas 2017-kii heshay maamulka 30 sano dekadda Boosaaso, waxaa ay ku kaceysaa $336 million. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo ku aadan dib u soo nooleynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in arrin lagu farxo ay tahay dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal oo ah kuwa daris ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo dhex-dhexaadinta iyo dadaallada ay waddo dowladda Qatar. “Waa war faxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya. Waxaan sidoo kale jeclahay inaan soo dhaweeyo dadaallada dhex-dhexaadinta ee Qadar” ayuu yiri. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa xusay inay tani xoojineyso ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. “Si loo xoojiyo ganacsigeenna, una gudagalno geeddi-socodka horumarka waxaa lagama maarmaan ah in dib loo soo nooleeyo xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee aan la leenahay adduunka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhowaaqday inay dib usoo celisay xiriirka labada dowladood, kaas oo horey u go’ay dabayaaqada sanadkii hore 2020-kii, kadib markii ay dowladdu ku eedeysay Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya. The post Muxuu CC Sharmaarke ka yiri dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya? appeared first on Caasimada Online.
  21. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland, Siciid Cismaan Aadan (Fiisigis), ayaa maanta oo Sabtiya xafiisiisa Garoowe ku qaabilay madaxa hay’adda FAO u qaabilsan Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay; hormarinta adeegyada caafimaadka xoolaha iyo mashaariicda ay iska kaashadaan wasaaradda Xannaanada xoolaha Puntland iyo hay’adda FAO. “Waxaan ka wadahadalnay hormarinta adeegyada caafimaadka Xoolaha iyo mashaariicda socda ee ay iska kaashanayaan wasaaradda iyo hay’adda” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu Facebook soo dhigay wasiirka. Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO, waxay kamid tahay hay’adaha Puntland kala shaqeeya mashaariicda kala duwan ee la xiriirta beeraha iyo xoolaha. PUNTLAND POST The post Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo qaabilsay wefdi ka socda hay’adda FAO appeared first on Puntland Post.
  22. In july ist 1960, five days after it cut its colonial ties, the former British Somaliland merged with the one-time Italian Somaliland to form a united Somalia. It was a bad move. The dictatorship of Siad Barre, who took office in 1969, marginalised and massacred Somalilanders. On May 18th 1991, five months after his fall, what was by then simply Somaliland declared independence. It was a statement of intent—and regret. Exiles returned home to rebuild their nation. “Hargeisa had been destroyed to rubble,” recalls Suad Ibrahim Abdi, a campaigner for women’s rights. “There were no buildings, no water. ”What happened next is Somaliland’s founding story. At confabs—under trees or desert stars—clans agreed to share power. Presidential elections followed with regularity. The country is poor but, without much aid, it has developed somewhat. Hargeisa is not the prettiest capital, but it serves a fine camel-milkshake. All of this contrasts with the chaos in Somalia, where foreigners have lavished money and guns.This month Somalilanders will mark 30 years of peace. The country of 4.5m people is winning friends abroad. But its sovereignty remains unrecognised. When discussing it, the West defers to African countries, which defer to Somalia, which is dead against ceding suzerainty. “The big question”, says Ms Abdi, is “fine, we’ve made progress. But where are we going from here?” One answer can be seen in Berbera, on the Gulf of Aden. “We call it our hope,” says Khalifa Ibrahim, an adviser to the mayor, pointing to the expanded port opened in 2018 by dp World. Somaliland hopes that the investment of $442m (the largest in its history) by the Dubai-based port operator will prove catalytic for its economy. Port fees and custom taxes already account for 70-80% of government revenues. Planned alongside the new facility are a free-trade zone, an airport, hotels, an oil terminal and a park for 1,000 lorries. Land values have soared ten-fold. Somaliland sees the port as bringing political benefits, too. “It has upgraded our position in the region,” argues Abdishakur Mohamoud Hassan, the mayor. Ethiopia under Abiy Ahmed, its prime minister, has grown closer to Somalia. His landlocked country depends on the port of Djibouti for most of its imports. The new facility at Berbera, in which Ethiopia has a 19% stake, gives it another option. Berbera also gives the United Arab Emirates (uae) an alternative foothold in the region. After a long dispute, Djibouti seized the dp World facility there in 2018. Somalia’s government in Mogadishu is allied to Turkey and Qatar, which are rivals to the uae, which in March became the first Arab country to send a permanent diplomat to Hargeisa. It has joined others in establishing a presence. Kenya recently announced it will set up a consulate in the capital. In August Taiwan opened its East Africa office there and pledged aid for its fellow sovereignty-challenged country. China tried to block the move. But Somaliland said it would not support the principle that there is only one China, with Taiwan a part of it. “Somaliland showed backbone,” says Allen Chenhwa Lou, the Taiwanese representative. Such diplomatic advances show how far Somaliland has come in 30 years. Yet some locals worry about whether its clan-based political system that established stability is still the right one. “Somalilanders always say that we’re a good model for the continent,” says Guleid Jama of the Human Rights Centre, a local ngo. “But I don’t think we are any more.” The constitution passed in 2001 was meant to loosen the grip of clans on politics. It limits the number of political parties to three, encouraging coalitions. But most voters still invariably vote by clan. It is a system that “makes us less prosperous”, argues Mohamed Fadal of the Social Research & Development Institute, a local think-tank. Jobs and contracts are spread around on the basis of clan, not merit. “You cannot leave a clan behind” is the founding principle of Somaliland’s politics, explains Mohamed Farah of the Academy for Peace and Development, another think-tank. It may be a better model than the winner-takes-all ethnic politics in some countries, but many citizens feel it stunts the development of true democracy. Institutions meant to hold government to account are weak. Judges bow to the executive and rarely prosecute corruption. Parliament is a rubber stamp. On May 31st Somaliland will hold parliamentary elections for the first time for 16 years. Media could be much freer. Foreign journalists are treated with grace and kindness, but local ones can be arrested for upsetting the wrong person. Last year a court ordered a local social-media star to be deported for a post in which he drank tea from a mug with a picture of Somalia’s flag. In the courtyard of the Hargeisa Cultural Centre, young Somalilanders are dancing and making music videos. Jama Musse Jama, the centre’s director, points at them through his office window, noting that 70% of the country is under the age of 30. “Peace is not enough for these young people,” he says. “They need jobs and opportunities.” An estimated 75% do not have a job. Women are neglected, too. Sucaad Odowa spent 24 years in London before returning to Hargeisa. “But I didn’t count on the status of women in my country,” she says, citing how women lack rights to divorce and need the consent of a male relative for caesarean sections. Women’s inequality has led her to run for parliament against the wishes of her clan elders. The 82-member lower house has but a single female mp. Islam is another conservative force. A women’s football tournament was called off last year for apparently transgressing sharia. In the city of Burao a “vice-prevention committee” has closed several female-owned businesses.Some Somalilanders privately admit that the lack of international recognition is a handy excuse for domestic shortcomings. Yet so long as it is unrecognised, it is hard for the government to get aid and loans, and for businesses to sell things abroad. Travelling on a Somaliland passport, which many countries do not recognise, can be a nightmare. Soon Somaliland will have spent longer as a de facto independent country than it did as part of a united Somalia. Most Somalilanders know no other status. And they want their country to write its own story, even if it is not always a fairy tale. Source: The Economist The post Somaliland, an unrecognised state, is winning friends abroad appeared first on Puntland Post.