Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A minibus traveling outside Mogadishu, Somalia was blown up, killing at least 15 people and wounding four others. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) –Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii xilalka u kala badalay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya kadib dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay. Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, halka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Oomaar ayaa qoraal uu habeenkii Isniinta soo dhigay bartiisa facebook ku diiday xilka cusub ee loo magacaabay. Haddaba Caasimada Online oo dabagal ku sameysay sababta ka dambeysay xil wareejintii lagu sameeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ogaatay inay arrintaas timid kadib markii isaga iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ay isku fahmi waayeen dalab lasoo hor dhigay. Farmaajo ayaa amray Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Oomaar inuu qoro warqad siyaasiyiinta mucaaradka looga mamnuucayo inay ka dhoofaan kana soo dagaan Garoonka Aadan Cadde International, warqadaasna uu u diro Maareeyaha Garoonka. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Wasiir Oomaar ayaa dalabka Farmaajo iska diiday isagoo taas sabab u dhigay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana ay beesha Caalamka isha ku heyso xaaladaha dalka, sidoo kalana uusan u bareeri karin in caburin noocaan ah dalka la geliyo. Khikaafkaas oo weli taagan ayaa Wasiir Oomaar ugu dhoofay dalka Sacuudi Carabiya arrimo dhanka qoyskiisa ah, waxaana Axaddii soo baxday in xilkii laga wareejiyey, loona beddelay xil kale. Wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa weli shaqadiisa cusub si rasmi ah u billaabin, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku dhaqaaqo amaradii uu diday Oomaar, marka uu xilka si rasmi ah ula wareego. Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada soo hayay muddo afar sano, wuxuuna xilkaas hayay illaa xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Farmaajo oo shalay baarlamanka uu siiyey muddo kordhin laba sano ah, ayaa laga cabsi qabaa inuu qaado talloobooyin cawaaqib xun reeba oo lala beegsanayo mucaaradka. The post Xog: Arrinta uu diiday wasiir Oomaar ee keentay in loo wareejiyo wasaarad kale appeared first on Caasimada Online.
  3. Dhaqdhaqaaqyo ciidan & xiisad Dagaal oo laga dareemayo qeybo ka mida Muqdisho+Ciidamo is-horfadhiya & Sababta Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa hadda ka socda madaxtooyada Soomaaliya. Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh iyo cabsi dagaal, waana taas arrinta uu Qoor Qoor kala hadlayo Ra’iisul wasaare Rooble. Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) ayaa xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan xaafadda Shiikole ee degmada Deyniile, waxuuna wataa ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal. Sidoo kale qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaksii iyo Baar-ubax oo aad ugu dhaw isgoyska Shiirkole ayaa caawa lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad. Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon, waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu amro weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato. Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase aan la fududeysan karin oo ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon. S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka. Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay. Qaran News
  4. Xukuumadda Somaliland oo War-murtiyeed kasoo saartay Xiisada & Qaska Siyaasadeed ee ka aloosan Somalia Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka xun tahay qaska Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyad la’aanta ka jirta dalka la dariska ah ee Soomaaliya. Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Waxa kaloo Xukuumadda Somaliland bayaamisay in is-mari-waagga Siyaasadeed ee Soomaaliya uu caddeyn u yahay kali-talisnimada Hoggaanka Farmaajo oo halis ku ah Ammaanka Mandaqadda oo dhan, oo Soomaaliya ka ridi karta dagaalo sokeeye ooh or-leh oo ay ku baro-kici karaan kumanaan qof oo ku soo qulquli kara dalalka jaarka ee ay Somaliland ka mid tahay. Waxa kaloo Xukuumadda Somaliland ay intaas ku dartay in shacbiga Muqdisho ay isku-darsameen kalitalisnimada iyo xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee Dawladda Famaajo iyo dhibaatada kooxda Al-shabaab. Xukuumadda Somaliland waxa ay ku ammaantay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay go’aankii ahaa in Soomaaliya ay sii saarnaato cunoqabatayntii hubka, waxana ay Somaliland ugu baaqday beesha caalamka inay si dhow ula socdaan in aan wax hub ah laga soo iibin Soomaaliya. War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL, waxa lagu sheegay in tan iyo markii Somaliland ay la soo noqotay madax-bannaanideeda ay noqotay xiddigta dimuqraadiyada iyo xasiloonida, isla markaana ay ka qabsoomeen Somaliland doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxa mar kale ay Jamhuuriyadda Somaliland u dareeraysaa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka 31 Bisha May ee Sannadkan. Xukuumadda JSL waxa ay ku boorrisay beesha caalamka inay toos ula soo xidhiidhaan Somaliland oo ay wax ka bartaan waayo-aragnimadeeda ku wajahan la-dagaalanka Argagixisada, dhismaha Qaranimada hoosta laga soo bilaabay iyo qabashada Doorashooyinka Xorta iyo Xalaasha ah. Qaran News
  5. Saraakiil & Ciidan kasoo Goostay Maamul-goboleedka Puntland oo isu soo dhiibay S/land Taliyaha ciidanka qaranka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool ayaa qaabilay saraakiil iyo ciidan ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Sareeye guuto Cali Bare Xuseen oo u waramaayay Warbaahinta ayaa sheegay in iyo saraakiishaas iyo ciidankaas kas oo goostay maamulka Puntland ee Soomaaliya tiradoodu gaadhayso tobaneeyo, kuwaas oo sitay saanadoodii milatari. Cali Bare Xuseen Taliyaha ciiidanka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay un ciidankaas ay ku qaabileen degaanka Goojo-cadde ee gobolka Sool, waxaanuu taliye Cali Bare ciidankaas ku soo dhaweeyay dalkooda hooyo, waxaanuu intaas ku daray in ciidankaas la marin doono nidaamka u yaala ciidanka qaranka Somaliland. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa looga jawaabay dhaleeceyntii iyo soo jeedinadii caalamiga ahaa ee ka dhashay mudo kororsigii uu meel mariyey Aqalka Hoose ee baaralamaanka mudo xileedkiisu ka dhamaaday. “Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah jawaabtaan ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda. Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda. Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka. Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed. Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal. Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood. In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa. a taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda. Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya. The post DF Somalia oo jawaab kulul ka bixisay canaantii beesha caalamka ee mudo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
  7. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii u horraysay jawaab rasmiya ka bixisay walaaca Beesha Caalamku ka muujisay mudda kordhinta Aqalka hoose ee Baarlamanku u sameeyay hay’adaha dowladda. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in wakiilada Beesha Caalamku ay marin-habaabin ku sameeyeen sharciyadda ay soo saareen hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo dimoqraadiyadda dalka. War-saxaafadeedka waxa sidoo kale lagu sheegay, in hadallada ka soo yeeraya wakiilada Caalamka ay wax u dhimayaan madax-bannaanida Soomaaliya, islamarkaana dhiirri-gelinayaan ururada Argagixisada ee ku sugan gudaha dalka. Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhammaystiran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda. Dadka Soomaaliyeed waxay u oo manaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda. Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka. Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed. Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal. Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood. In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda. Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Beesha Caalamku dhiirri-gelinayso Argagixisada gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kuwa ammaanka ah, dagaalamayaasha ururka Daacish ayaa amray in la xiro goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Daacish ayaa beegsaday shirkadaha daawooyinka keena dalka ee saldhigoodu yahay Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay in ay dul dhigeen kumanaan dollar oo lacag baad ah oo lagu qasbay inay bixiyaan. Shirkadaha ayaa sheegay in aysan awoodin bixinta lacagahaas waxaana lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan, haddii aysan bixin lacgtaas. Mid kamid ah shirkadahaas oo ka dhaga adeegtay islamarkaana ganacsigeeda furtay ayaa dhismihii ay daganeyd lagu xiray qarax miino, kaas oo sababay dhaawaca qof shacab waxa uuna falkaan dhacay todobaadkii hore. Milkiilayaasha shirkadaha la xiray qaarkood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo canshuur ka qaadata ay daawaneyso dhibka haysta, islamarkaana aysan soo faro-gelin arrintan oo aysan sugin amnigooda Wali hay’adaha amaanka kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in Daacish ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan ganacsatada Soomaaliyeed. Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale lacag ka qaado ganacsatada, islamarkaana aysan ogoleyn inay lacag kale siiyaan Daacish oo uu dagaal kala dhaxeeyo. The post Xog: Daacish oo albaabada isugu dhufatay shirkado ku yaalla suuqa Bakaaraha appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu Sabtida soo socota hortago mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo safarkiisi Muqdisho. Farriin kooban oo xalay loo diray xildhibaannada Baarlamanka, ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha, waxaana wararku sheegayaan in uu warbixin ka siin doono safarkii Muqdisho. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Golaha u jeediyo khudbad ku saabsan fashilka ku yimid dadaalladii ku jihaysnaa xallinta muranka doorashooyinka iyo sidoo kale shirkii natiijo laa’aanta ku dhammaaday ee Muqdisho. Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Sabtida hortagaya Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (HOL) - Somalia's Federal Government said that it was "deeply dismayed" on Wednesday to see statements from international partners that it says "misconstrues" the extension legislation as "unlawful term extensions". Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)- Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa hadda ka socda madaxtooyada Soomaaliya. Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh iyo cabsi dagaal, waana taas arrinta uu Qoor Qoor kala hadlayo Ra’iisul wasaare Rooble. Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) ayaa xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan xaafadda Shiikole ee degmada Deyniile, waxuuna wataa ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal. Sidoo kale qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaksii iyo Baar-ubax oo aad ugu dhaw isgoyska Shiirkole ayaa caawa lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad. Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon, waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu amro weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato. Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase aan la fududeysan karin oo ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon. S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka. Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay. The post Xiisad caawa laga dareemayo Muqdisho iyo shir u socda Rooble iyo Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
  12. As an outside observer on the tumultuous events surrounding the Somali elections, I cannot help but remember a time I was served my favourite meal and without thinking about where I have eaten more than I could swallow. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online)- Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) uu xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Saadaq Joon oo wata ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal ayaa deegaansaday xaafadda Shiirkole, halkaas oo deegaan ahaan ay ku badan yihiin reerkiisa. Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon. Sidoo kale ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa lagu arkayaa qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaaksii iyo Baar-ubax. Waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda dowladda federaalku amraan weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato. Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon. S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka. Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay. The post Xog: Saadaq Joon oo Muqdisho ka degay xaafad ay ku badan tahay beeshiisa appeared first on Caasimada Online.
  14. Taliyaha La shaaciyey in Xilka laga qaadey laakiin wali sheeganaya inuu yahay Taliyaha Bileyska Gobolka Banaadir Saadiq Joon iyo Ciidan isugu jira Bileys iyo Malatari ayaa waxay caawa u hoyanayaan Xarunta Masuuliyiinta Ciidamada Qalabka Sida ee Shiirkolo Officale. Ma cada sababta uu Ciidamada isugu geeyay Xaruntaas, oo u dhow Xarunta uu Degan yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida. Warar kale io waxaa jira iyana sheegaya in Ciidamo ka Amar qaata Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ay Sare u qaadeen Amaanka Musharixiinta Madaxweynaha. Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa ka jira in Ciidan uu Saadiq Joon wato ay degeen Shiirkolo Ofisaale appeared first on . Source
  15. Click there to read more about this article Qaran News
  16. Mogadishu (PP News Desk) — The International Community has issued a communique on the mandate extension of the federal instituons. The African Union Mission in Somalia (AMISOM), Canada, Denmark, European Union (EU), Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, United Kingdom, United States, and the United Nations reiterated their position on 17 September Electoral Model as the viable political path to hold indirect elections in Somalia. The International Community offered to act as a mediator. Several countries have expressed reservations about a communique questioning the legitimacy of the Somali Federal Parliament to reach a decision to end the political uncertainty in Somalia following the breakdown of the electoral talks. “The communique is a variation on the EU statement that described the mandate extension as destabilisation for Somalia’s neighbours” said Mohamud Issa, a journalist in Mogadishu. Meanwhile, Abdirahman Abdishskur, a Somali Presidential Candidate, called for uprising in Mogadishu against the Federal Government. “I am no longer a Presidential Candidate” he said. The offer of the International Community to act as a mediator is unlikely to be accepted by the Federal Government. A transitional government is not in charge in Somalia” added Issa. © Puntland Post, 2021 The post The International Community Urges Somali Stakeholders to Return to Electoral Talks appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ugu saameynta badan ayaa ka hadlay xaaladda uu hadda dalku ku jiro, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay sameysatay muddo kordhin laba sano ah. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dalka uu hadda galay waji hoggaamiye kooxeednimo, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu jabinayo sharciga iyo xeerarka ku yaalla Soomaaliya. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Dowladda Eretariya ku eedeeyey inay ka shaqeeneyso khalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrintaan ay keeni karto in dalku uu ku laabto sidii uu ahaan jiray 20 sano ka hor. Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa si cad u sheegay in ay dhamaatay rajadii laga lahaa in doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu Muqdisho kasoo fuqsaday boorarkii musharaxnimadiisa, kadib markii uu ogaaday in aysan muuqan ififaalo muujinaya doorasho. Waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Maamul Goboleeedyada taageeray sharcigii ay meel mariyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu saxixay xalay. Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay go’aankii ay Golaha Shacabka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu kordhiyeen dowladda Soomaaliya. Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay saxiixay sharciga gaarka ah ee muddada loogu kordhiyay hey’adaha dowladda federaalka. Hoos ka Daawo The post Daawo: CC Shakuur oo ku dhowaaqay inay dhamaatay musharaxnimadiisa appeared first on Caasimada Online.
  18. Komishanka doorashooyinka Somaliland, waxa ay maanta u qaybiyeen 3 xisbi qaran calaamadahii ama astaantii musharraxiinta golaha wakiiladda iyo deeganka. Musharraxiinta wakiiladu waa 60 calamadood. Oo xisbigiiba 20 astamood leeyahay. 20 astaamod ayuu dhamaan 6 gobol u qaybinaya misharraxiintiisa uga sharaxan gobol kasta. Halka deeganku ka yahay number UCID 1 KULMIYE 2 WADDANI 3 UCID. KULMIYE WADDANI 101 201 301 102 202 302 103 203 303 104 204 304 105 205 305 106 206 306 107 207 307 108 208 308 109 209 309 110 210 310 111 211 311 112 212 312 113 213 313 114 214 314 115 215 315 116 216 316 117 217 317 Sidaas ayay gobolada kalena ahaanaysa. Xigasho: Yasin Calase Source
  19. Taliyaha ciidanka qaranka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool ayaa qaabilay saraakiil iyo ciidan ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Sareeye guuto Cali Bare Xuseen oo u waramaayay warbaahinta dawlada ayaa sheegay in iyo saraakiishaas iyo ciidankaas kas oo goostay maamulka Puntland ee Soomaaliya tiradoodu gaadhayso tobaneeyo, kuwaas oo sitay saanadoodii milatari. Cali Bare Xuseen Taliyaha ciiidanka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay un ciidankaas ay ku qaabileen degaanka Goojo-cadde ee gobolka Sool, waxaa waxaanuu taliye Cali Bare wuxuu ciidankaas ku soo dhaweeyay dalkooda hooyo ee Somaliland, waxaanuu intaas ku daray in ciidankaas la marin doono nidaamka u yaala ciidanka qaranka Somaliland. Source
  20. HARGEISA (HOL) - The breakaway region of Somaliland has warned against instability in Somalia and the region following the extension of President Mohamed Farmaajo’s term echoing similar concerns by the international community. Source: Hiiraan Online
  21. HARGEISA (HOL) - The breakaway region of Somaliland has warned against instability in Somalia and the region following the extension of President Mohamed Farmaajo’s term echoing similar concerns by the international community. Source: Hiiraan Online
  22. At least 15 people were killed and several wounded on Wednesday when a minibus carrying civilians hit a landmine in southern Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online