Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha golaha siyaasiyiinta Somaliland ahna guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo madasha Badbaado qaran Cabdi Xaashi ayaa ka xanaaqsan sida ra’iusl wasaare Maxamed Rooble iyo maamul goboleedyada u gacan bidxeeyeen iyaga oo 5 xubin ka siiyey 15 xubin oo Somaliland guddiyadeeda ah, taasi oo Mahdi Guuleed oo gacanta midi ee Farmaajo siineysa inuu maamulo doorashada kuraasta gobollada waqooyi. Ilo ku dhow guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegaya in guddoomiyaha aan weli la qancin isla maraakana uu laali doono natiijada war-murtiyeedka Khamiista. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa rajo ka qaba kuraasta gobollada waqooyi ee doorashadoodu ka dhaceyso Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’isul wasaare Rooble uu qabo in Xaashi ku filan tahay 5-ta xubin ee la siiyey isaga oo uga digay in wixii dhaca oo arrimahan la xiriira uu dusha saran doono, taasi uu guddoomiye Xaashi u arkay goodis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii balaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Galmudug. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya. Safiirka ayaa ugu danbeyntii balan qaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug isagoo dhinaca kale sheegay in ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib u dhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay safiirka Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maalintii labaad ku sugan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiga weynaha Somaliland, gaar ahaan shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 27-May-1988-kii oo ku beegan berri oo laga joogo 33 sanno guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ee qaybtii bari ay soo galeen magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen ciidan cudud iyo awood badan oo ka tirsanaa xukuumaddii ama taliskii macangegga ahaa ee Siyaad Barre. Waxaanu Madaxweynuhu xusay in Mujaahidiintii SNM ee soo galay gudaha magaalada Burco, naftooda u hureen in ay dhintaan kana hor tagaan ciidan aanay awood ahaan iyo hub ahaan midna aanay isu dhigmin, iyagoo ku tallo-galkoodu ahaa inay u shahiidaan xoraynta dalkooda iyo dadkooda, kana dhiidhiyay gumaadka iyo xasuuqa lagu hayay dadkooda oo xilligaa la xarayn jiray labada duhurnimo, wakhtigaa wixii ka dambeeyana sida xoolaha ay qasab ahayd qofka la qabto in la bireeyo. Isagoo madaxweynuhu dareensan qiimaha maalintaasi iyo maalmaha la midka ahi u leedahay shacbiga Somaliland diwaankana ay ugu jirto in Maalintaasi ay ka mid tahay maalmaha bulshada reer Somaliland ku weyn ee taariikhiga ah, kana mid ah maalmihii halganka dib u xoraynta Somaliland ee mujaahidiintii SNM geerida ugu badheedheen kuna guddoonsadeen dhimasho iyo dhulkooda oo xorooba, maalintan iyo maalmo kale oo la mid ahna ay ka dhasheen suugaan taariikhda gashay oo ay curiyeen hal-abuurka reer Somaliland ah oo maalintaa halganka ku jiray ama goob-joogba u ahaa. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa Mujaahidiinta iyo Shacbiga Somaliland Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 31-kii-May-1988-kii oo laga joogo 33 sanno oo ku beegan guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ay soo galeen magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa oo madaxweynuhu uu u soo hormariyey madaama maalintaasi dalka oo dhan looga dareerayo doorashada wakiilada iyo deegaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu u Ducaynayaa Dhammaan Mujaahidiintii SNM ee ku shahiidday iyo intii ku dhaawacantayba halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreeyey 27-31 MAY 1988-kii oo sababay in gobannimada Somaliland lagu waraabiyey dhiig, una le’deen Geesiyaal, una agoomoobeen ubad badan oo maanta guranaaya midhihii waalidkood u naf waayeen oo maanta sababay in aynu xornimo ugu dabbaal-degno innagoo marayna nidaamka doorashooyinka xisbiyada badan ee Somaliland ka hana qaaday. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL Source
  4. Sana’a (Caasimada Online) – Dagaalyahan ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, kaasi oo baxsad ahaa muddo kadib markii uu magaalada Sanca ee dalka Yeman ku dilay Nin Soomaali ah, kaasi oo ay Soomaalida Sanca aad u raadinayeen. War ka soo baxay Booliska magaalladda Sanca ee dalka Yeman ayaa lagu sheegay in gacanta Booliska uu soo galay gacan-ku-dhiiglihii sida xaq-darada u dilay Allaha U Naxariisto Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Faarax Muuse. Ibraahim Cali oo 36-jir ahaa ayaa waxaa shan xabo oo rasaas ah ku furey gacan-ku-dhiiglaha la qabtay, xili uu kusoo socday goob uu ka shaqeeyo oo ku taala magaalada Sanca, kadib markii uu istaajiyey askarigu oo uu tusay aqoonsigiisa Soomaalinimo. Marxuumka ayaa waxa uu shaqaale ka ahaa Xarunta Jaamacadda Aljazeera ee Sanca, gaar ahaan waaxda Nadaafada, sida ay baahisay warbaahinta gudaha. Askariga la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Khalid Abdibaasid Yaxya Naasir Al-Jayifi ayaa dilka ku fuliyey qori nooca loo yaqaano AK-47, waxayna booliska bilaabeen inay xeer ilaalinta u gudbiyaan kiiskiisa. Kiiska dilka ee la xaqiijiyey in Abdibaasid geystay ayaa waxaa dhawaan lasoo taagi doono Maxkamad hoos tagta Maamulka Xuutiyiinta. Dagaalyahanada Xuutiyiinta ayaa mararka qaar geysta dilal noocaan ah oo kale ah, ayada oo Soomaalidu ay si weyn usoo dhaweysay in maamulka Xuutiyiinta uu gacanta kusoo dhigo gacan-ku-dhiiglaha dilay Ninka Soomaaliga. The post Xuutiyiinta dalka YEMEN oo soo qabtay sarkaalkii ay raadinayeen Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  5. Jilaagii Soomaaliyeed Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugulle ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday magaalada Burco sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee isbitaalka Burco. Marxuum Sooraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay isbitaalka Burco la jiifay xanuunka COVID-19 halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad. Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dadka ku xiriira baraha bulshada ayaa durba ka tacsiyeeyay geerida jilaa Sooraan. Marxuumka ayaa lagu xasuustaa riwaayado ka turjumaya xaalado markaas taagnaa kuwaas oo uu caan ku ahaa. PUNTLAND POST The post Jilaagii Sooraan oo Burco ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  6. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo booqanaya Kenya Faysal Bin Farxaan Al Sacuud, oo ah wasiirka Arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Kenya ku tagay booqasho, sida ay shaacisay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya. “Wasiirka ayaa Nairobi u jooga wadahadallo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal,” ayaa lagu yidhi Bayaan ay wasaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka. Chief Administrative Secretary @ForeignOfficeKE Hon. @AbabuNamwamba this evening at #JKIA received visiting Foreign Minister of the Kingdom of Saudi Arabia, Faisal bin Farhan Al Saud. The Minister is in Kenyan for talks aimed at strengthening bilateral ties. pic.twitter.com/wZDVT8IoR7 — ForeignAffairsKenya (@ForeignOfficeKE) May 25, 2021 Qaran News
  7. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aaden. Shariif Xasan oo sidoo kale madaxweyne ka soo noqday dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya. Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegtay in Axmed Madoobe uu Shariif Xasan ka dhegaystay talooyin la xiriira sidii looga wada shaqayn lahaa dardar galinta howlaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay Shariif Xasan appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Kooxda Taliban ayaa shuruudo adag ku xidhay ka qeybgalka shirka sida weyn loo sugayo, kaas oo Mareykanku doonayo inuu ka dhaco magaalada Istanbul ee waddanka Turkey sida ay VOA xaqiijiyeen sariikiil sare oo ka tirsan Taliban. Shuduudaha Taalibaan waxaan ka mid ah; in muddada uu shirku soconayo ayna ka badnaan saddex maalmood, in ajandaha shirka ayna ku jirin go’aan ka gaadhista arrimaha xaasaasiga ah iyo in wafdiga Taalibaan aysan ku jiri doonin hoggaanka sare ee ururkaas. “Hoggaamiyaheenna ayaa soo jeediyay in kulanka Istabul aanu ka badnaan saddex maalmood” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan oo aan dooneyn in magaciisa la shaaciyo. Hoggaamiye kale oo sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa isna xaqiijiyay warkan markii ay VOA la soo xidhiidhay. Shirkan oo ay si wadajir ah u martigalinayaan Qaramada Midoobay, Turkiga, iyo Qatar ayaa markii ugu horeysay waxaa soo jeediyay Mareykanka bishii April, maalmo kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in ciidamada shisheeye ay ka baxayaan Afghanistan ugu dambeyn bisha September ee sanadkan. Wafti ka socday Taalibaan ayaa ka qaybgalay mid ka mid ah shir nuucan oo kale ah oo ka dhacay magaalada Moscow, laakiin waxay hore diideen ka qaybgalka shirka Turkey, iyagoo sheegay inay ka baaraan dagayaan shirkan iyo qodobo kale oo muhiim ah. Madaxa wadaxaajoodka Taalibaan ee fadhigiisu yahay Qatar, Sheikh Abdul Hakeem, iyo dhowr xubnood oo ka tirsan xafiiska Qatar ee Taalibaan ayaa u safray gobolka, si uu ula tashadaan madaxa kooxdan Sheikh Hibatullah Akhundzada iyo qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha hoggaanka Taalibaan. Hakeem waxaa safarkiisa ku weheliyey Mullah Fazil, Mullah Shireen iyo Mullah Abdul Manan oo ka tirsan kooxda Taalibaan u qaabilsan wadaxaajoodka, waxayna sidoo kale dhammaantood xubno ka yihiin golaha hoggaamintan. Warbaahinta Afghanistan ayaa soo warisay in shirka Taalibaan uu ka dhacay Pakistan, halkaas oo sida ay sheegtay dowladda Afghanistan inta badan hoggaanka Taliban ay ku nool yihiin. Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan arimaha dib u heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khalilzad ayaa wareysi uu dhawaan siiyay shabakadda wararka Jarmalka ee Der Spiegel wuxuu ku xaqiijiyay in inta badan madaxda Taalibaan ay ku nool yihiin Pakistan. “Haddii dadaalkan nabadeed uusan guuleysan, Isla markaana aanu jirin heshiis u dhexeeya Pakistan iyo Afgaanistaan, waxaan dhib soo gaari doonaa Pakistan, waayo iyada ayaa la eedeyn doonaa, maxaa yeelay in badan oo ka mid ah hoggaanka Taliban ayaa ku nool dalkeeda, ”ayuu yidhi Khalilzad. Pakistan ayaa dhinaceeda sheegtay inay kooxda Taaliban ku qalqaalin doonto shirkan, si ay u hirgalaan wadahadallada nabadda ee Afghanistan. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay lw areegeen deegaano dhorw ah oo ka tirsan gobolka Dhexe ee maamulka HirShabelle. Howl-galladan oo uu horkacayey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadu ay kula wareegeen deegaanada War Dhagax, Warciise, Gal Leef, Qoor Dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere. Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, balse dagaal kooban, kadib ay isaga baxeen deegaanadaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan iyo khasaare ku gaarsiiyeen dagaalyahanadii ku sugnaa deegaanadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanada ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, iyadoo laga cabsi qabo inay soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo beryahaan ku sugnaa gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa baabul iyo dhaq dhaqaaqyo milatari ka waday deegaano ka tirsan maamulka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyaga oo weeraro culus kasoo abaabulay deegaanada ay heystaan ee HirShabelle. The post Ciidamada DF oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  10. Kooxda Taliban ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeybgalka shirka sida weyn loo sugayo, kaas oo Mareykanku doonayo inuu ka dhaco magaalada Istanbul ee waddanka Turkey. Shuruudahaas waxa kamid ah in ajandaha shirka aysan ku jirin go’aan ka gaarista arrimaha xaasaasiga ah iyo in wafdiga Taalibaan aysan ku jiri doonin hoggaanka sare ee ururkaas. Shirkan oo ay si wadajir ah u martigalinayaan Qaramada Midoobay, Turkiga, iyo Qatar ayaa markii ugu horeysay waxaa soo jeediyay Mareykanka bishii April, maalmo kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in ciidamada shisheeye ay ka baxayaan Afghanistan. PUNTLAND POST The post Taliban oo shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka Istanbul appeared first on Puntland Post.
  11. Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aanka dowladda Soomaaliya ku diiday ergaygii midawga Afrika dhawaan u soo magacaabay . James Swan oo khudbad dhinacya badan taabaneysa ka hor jeeydiyay shirka golaha Ammaanka qaramada midoobay, kaas oo looga hadlayay xaaladda doorashooyinka iyo bini aadanimada Soomaaliya ayaa sheegay in ay walaac iyo wal wal xoogan ay ka qabaan go’aanka dowladda Soomaaliya ku diiday madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo midawga Afrika u soo wakiishay Soomaaliya . “Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan. Madaxweynaha midawga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi, ayaa John Mahama u soo magacabay in uu kala dhex galo dhinacyada isku haysto siyaasadda Soomaaliya kadib markii madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka codsaday in la soo kala dhex galo isaga iyo midawga Musharixiinta . Xubnaha Midawga musharixiinta ayaa soo dhaweyay John Mahama , iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay ku eedeysay in uu xiriir dhaw la leeyahay Kenya oo ay Soomaaliya is hayaan . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan nawaaxiga Wajeer. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyey guri uu duleedka Wajeer ka dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalkaasi oo lagu magacaabo Nuur Jibriil, kaasi oo xilliga weerarka ka maqnaa guriga. Sarkaalka la weeraray hoygiisa oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in xilligaasi ay isaga iyo askar kale ilaalo ka hayeen isbitaalka (Khorof Harar Hospital), kadibna markii ay maqleen rasaasta ay guriga kusoo laabteen. Nuur Jibriil oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in marka ay yimaadeen guriga ay la kulmeen meydka wiilkiisa oo ay toogasho ku dileen kooxihii fuliyey weerark oo goobta ka baxsaday. “Annaga iyo saraakiisha kale ee NPR, waxaan ilaalo ka haynay Isbitaalka (Khorof Harar Hospital) markii Al-Shabaab ay soo weerareen gurigeyga, waxaan maqalnay dhawaqa rasaasta waxaana durba u dhaqaaqnay goobta. Nasiib darro, markii aan halkaa gaarnay waa goor ay wiilkayga toogteen,” ayuu ka dhawaajiyey Nuur Jibriil. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weerarka, kadib howl-gallo ballaaran ka sameeyey agagaarka degmada Wajeer, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey falkaasi. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyo Bari oo xad laleh Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay Kenya + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khudbad ka jeedinayey kulanka golaha ammaanka ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2021. Swan ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday go’aankii ay dowladda federaalka ah ku diiday ergeygii ka socda Ururka Midowga Afrika ee John Mahama oo dib isaga laabtay. Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay tahay arrin laga welwelo in dowladda Soomaaliya ay iska diiday ergeygii Midoowga Afrika u soo magacaabay arrimaha Soomaaliya, si uu qeyb uga noqdo dadaallada socda ee doorashada. “Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan. Sidoo kale wuxuu farriin u diray hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Teendhada Afisyoone, isaga oo ugu baaqay inay ka dhabeeyaan wada-hadallada socda ee doorashada. James Swan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in madaxda Soomalaiyeed ay heystaan fursad muhiim ah oo dalka looga gudbin kari xaaladda adag ee uu jiro, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah oo ay sii adkeeysay is-faham waaga ka jira doorashooyinka. Si kastaba, John Mahama ayaa iska casilay xilkan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay go’aankeeda, waxayna ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay dowladda Kenya. Hadalkan ayaase ku soo aadayo, iyada oo haatan isku dhowaasho laga sameeyey wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu wadaa in go’aanka beri lagu dhawaaqo, si markaasi loo bilaabo doorashada oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha. The post QM oo walaac xoog-leh ka muujisay go’aankii DF ee diidmada John Mahama appeared first on Caasimada Online.
  14. (SLT-Hargeysa)-12 Xubnood oo ah goob joogayaasha caalamiga ah ee dusha kala socon doona doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ayaa soo gaadhay Somaliland kadib markii ay martiqaad ka heleen Komiishanka doorashooyinka Qaranka. Warsaxaafadeed ay goob joogayaashani soo saareen oo Wakaalladda wararka Solna ay soo turjuntay ayay ku sheegeen inay goob joogayaashan ay maalgeliso dawlada Ingiriiska. Waxay sheegeen in shaqadoodu noqon doonto u kuurgalida habka ololuhu u socdo, hannaanka doorashadu u dhacayso iyo fulinta shuruucda doorashada iyadoo ay goob joogayaasha caalamiga ah ay arrintaas ka saacidayaan kor joogtada Maxaliga ah. Goob joogayaasha caalamiga ah waxaa kale oo ay sheegeen inay dusha kala socon doonaan Maalinta doorashada iyo tirinta codadka Waxaa kale oo ay intaas ku dareen in goob joogayaashani ay ka kala socdaan dalalka Uk, Masar, Ethiopia, France, Jarmalka, New Zealand, Koonfur Africa, Maraykanka iyo Zambia. Michael Walls oo ah madaxa goob joogayaasha caalamiga ayaa sheegay in doorashadani ay ahmiyad weyn u leedahay dimuquraadiyada Somaliland maadaama la qabanayo doorashada Wakiillada oo lagu gelayo Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxaanu xusay in doorashadan ay ku lamaan tahay ta golayaasha deegaanka. Professor Michael Walls oo ka socda waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL, ahna madaxa Kor-joogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi isaga oo daba socda kulan wada shaqayneed oo ay la yeesheen Guddida Doorashooyinka Qaranka: “Doorasho kastaa waa muhiim, doorashooyinka imika dhacayaa iyada oo ah markii labaad ee ay Somaliland qabato doorashooyinka golaha wakiillada, waxa ay noqon doonaan Gole Wakiillo oo ku soo baxay codka dadwaynaha. Isku darista labada doorasho ee deegaanka iyo golaha wakiilladu waxa ay sii kordhinaysaa muhiimadda codka ee bulshada reer Somaliland. Kormeerayaal ahaan, kaalintayadu maaha keliya ololaha, maalinta codaynta iyo natiijada oo keliya, laakiin waxa kale oo noo muhiim ah xeerarka doorashooyinka iyo sida loo fulinayo” Madaxa goob joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliland ayaa intaas ku daray in afar bilood kadib ay soo saari doonaan warbixintooda. Source
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar lagu dilay dad shacab ahaa ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Garasle oo hoostaga magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo warramayaa in dadka lagu dilay oo gaarayey illaa saddex qof ay ahaayeen dad isku qoys ah. Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay dadkaasi ugu tageen gurigooda, kadibna ay dileen. Sida ay ogaatay Caasimada Online dadka la dilay ayaa kala ahaa labo wiil oo walalale ah iyo sidoo kale gabar ay Abti u ahaayeen, kuwaas oo meydadkooda la geeyey Balanballe. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug. Falkan ayaa walaac xoogan waxaa ka muujiyey dadka deegaanka, iyadoo lagu soo warramayo inay haatan socdaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey. Sidoo kale waxaa weerarkan lala xiriirinayaa inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano dhowr ah ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii duleedka Balanballe uu ka dhacay dagaal beeleed khasaare geystay oo dhex-maray maleeshiyaad ku wada sugan halkaasi. The post Weerar lagu dilay dad isku qoys ahaa oo ka dhacay gobolka GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
  16. (SLT-Doha)-Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ahna ku-xigeenka Raysal Wasaaraha dalka Qatar ayaa maalmahan booqasho ku jooga caasimada Sudan ee Khartoum, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan Ethiopia iyo Sudan. Al-Thani ayaa kulan la qaatay raysal wasaaraha Sudan, Dr. Cabdalla Xamduuk, ayada oo qaabilaadaasi ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Sudan. raysal wasaaraha Sudan ayaa Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ka guddoomay dhambaal qoraal ah oo uu usoo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani. Waxaa lagaga hadlay kulankaan xidhiidhka labada dal, taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha, ayada oo labada dhinac isla qaateen in Qatar dhex-dhexaadiso Sudan iyo Ethiopia. Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Jaasim Al-Thani ayaa shaaciyey inay Qatar dhex-dhexaadin doonto Sudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Saami-qeybsiga biyaha ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD. “Ma doonayo wax kasta oo dhibaataynayo dadka Sudan, Ammaankooda ama Noloshooda. Waxaa kale oo aan bogaadinaynaa qaabka ay Sudan ku waajahayso arrimahaasi ee Caaqilnimada iyo qaabka Diplomaasiyadeed ee deggan” ayuu yidhi Ku-xigeenka RW Qatar. Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa rejo fiican ka muujiyey xalinta Xiisadahaasi, ayada oo loo mari doono wada-xaajood iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia, sida uu sheegay. Dhex-dhexaadinta Qatar ay ka bilaabeyso Ethiopia iyo Sudan ayaa imaneysa xili ay dowladda Imaaraadka Carabta ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan labada dal. Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Tallada dalka Sudan ayaa dhawaan sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaalla deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Qatar ayaa ayadu laftigeeda daneyneysa sidii deegaan Maalgelin uga samaysan laheyd gudaha Sudan, taasi oo ay hore isugu fahmi waayeen dowladda Imaaraadka oo muran kooban soo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha dalka Sudan. Source
  17. (SLT-Yemen)-Hadal ka soo baxay Saldhiga Boliska ee May 22 ee Galbeedka magaalada Sanca ee dalka Yeman ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Gacan-ku-dhiiglihii sida xaq-darada u dilay Allaha U Naxariisto Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Faarax Muuse oo 36-jir ahaa. Gacan-ku-dhiiglaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Khaalid C/Baasid Yaxya Naasir Al-Jayifi waa 32-jir, kaasi oo la xaqiijiyey inuu Marxuumka ku dhufatay 5 xabbo oo rasaasta Qoriga Ak 47 ee uu Gacan-ku-dhiigluhu sitay. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Maamulka Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa Magaalada Sanca ay dilka nin Soomaaliga kadib ay gawaadhi lagu xidhay Samaacado waa weyn ku naadinayeen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsad ahaa. Booliska Xuutiyiinta ayaa waxaa ugu dambayntii ku guuleysteen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha, kaasi oo dhawaan la soo taagi doono Maxkamad hoos tagta Maamulka Xuutiyiinta. Denbiilaha dilka geystay ayaa waxaa la sheegay inuu Muwaadinka Soomaalida istaajiyey, xilli uu ku sii jeeday Xarunta Jaamacadda Aljazeera ee Sanca oo uu ka ahaa Shaqaalaha Nadaafadda. Marxuumka ayaana la toogtay, kadib markii uu Dableygu weydiiyey Jinsiyadiisa, kaasi oo Marxuumka toogtay markii uu caddeeyey inuu yahay Muwaadin Soomaali ah. Source
  18. (SLT-Mali)-Millateriga dalka Mali ayaa shaaciyay in meesha laga saray xilalkii ay hayeen madaxweynaha kumeel gaadhka ah ee Bah Ndaw iyo ra’iisal wasaaraha dallkaasi Moctar Ouane. Labada hoggaamiye ayaa lagu hayay saldhig millateri oo ku yaalla dulleedka magaalada Bamako tan iyo markii la xidhay Isniintii. Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, madaxweyne ku-xigeenka dowladda ku meel gaadhka ah ayaa madaxdaasi ku eedeeyay inay ku fashilmeen hoggaaminta isla markaana ay doonayaan inay carqaladeeyaan dowladnimada. Ururka dalalka galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS, ayaa cambaareeyay xadhigga hoggaamiyaashaasi, waxayna sheegeen in ay wefti u diri doonaan dalkaasi Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Mali ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo madaxweyne Bah Ndaw iyo Raysal Wasaare Moctar Ouane, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in labadoodaba ay xidheen millatariga. Qoraal Twitter-ka lasoo dhigay (oo ku qoran luuqadda Faransiiska) ayay diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay sidoo kale ku codsadeen in xasilooni laga sameeyo waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika. Xadhigga mas’uuliyiinta ayaa yimid saacado kaddib markii isku shaandheyn lagu sameeyay dowladda, taasoo sababtay in xilalka laga baddalo labo sarkaal oo ka tirsan xubnaha sar sare ee millatariga ee ka qeyb qaatay afgambigii sanadkii hore. Lataliyaha sare ee madaxweyne ku xiigeenka dalkaasi ee Baba Cise oo ka hadlay telefiishanka qaranka ayaa sheegay in doorashada ay qabsoomi doonto sanadka soo socda. Maxaa sababay dhibaatada? Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa sheegay in aanana ;lagalal tashanin isku shaandheynta golaha wasiirada, taas oo uu ku sheegayo in isaga loo magacaabi lahaa madaxweyne ku xigeen. Kadib afgembigii sanadkii hore hogaamiyahan milatariga ah ayaa doonayay in uu hogaamiyo dowladdan ku meel gaaraka ah ee qabanqaabinayso doorasho inay dalkaasi ugu dhacdo muddo 18 bilood islamarkaasina xukunka dib loogu celiyo rayidka. Ururka ECOWAS ee heshiiskaasi marki hore gadhwadeen ka ahaa ayaa weli wuxuu ku doodaya in xukunka shacabka lagu soo celiyo. Balse Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa ah ninka ugu awoodda badan dalkan aan xasiloonida lahayn eek u yaala galbeedka afrika. Maxaa xiggi doona? Wefdi ka socda ururka ECOWAS aayaa la filaya in maanta ay gaadhan Bamako. Maadama Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, uu heshiiskii ururka wada saxeexdeen ka baxay oo uu hada xilka awood kula la wareegay, ma cadda talaabada ay qaadi doonnan. Laakiin Faransiiska, oo hore u gumeystay dalkan, ayaa ku hanjabay cunaqabateynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah kuwa ka dambeyay afgembiga, iyadoo madaxweynaha Emmanuel Macron uu ku tilmaamay arrintan”inqilaab inqilaab dhexdiisa ka dacay”, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters. Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa dadka ugu baaqay inay howlahooda maalinle ay wataan islamarkaana balanqaaday in milatariga uu horumar ka sameyn doono arrintan. Source
  19. New York (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay qasab tahay in shirka wadatashiga ee Muqdisho ka socda uu dhaliyo heshiis horseedi kara in dalka doorasho looga qabto waqtiga ugu gaaban ee ugu macquulsan. “Heshiis la’aan, iyo daacadnimada iyo niyad-wanaagga lagu fulinayo, guulihii la gaaray sanadihii tegay waa ay lumi doonaan, taasi oo keeni karta amni iyo xasillooni darro dheeraad ah,” ayuu ka digay James Swan oo ka hadlay kulan uu Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya. Isaga oo ka hadlayey is-mari waaga siyaasadeed iyo muddo kororsigii laga laabtay ee horseeday in lagu dagaalamo Muqdisho, ayuu James Swan yiri “Soomaaliya qarka ayey kasoo laabatay marxaladdii ugu xumeyd.” James Swan ayaa ku cadaadiyey hoggaamiyeyaasha ku shirsan Muqdisho inay raadiyaan tanaasul, kana shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ayada oo la eegayo danta shacabka Soomaaliyeed. “Haddii aan la gaarin heshiis, horumar laga sameeyo ahmiyadaha qaranka waa ay wiiqmi doonaan, ama kasii daran’e waa ay baabi’i doonaan, sida amniga dhaqaalaha iyo waaxyaha horumarka,” ayuu ka digay Swan. Shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho ayaa la filayaa in maanta lasoo geba-gebeeyo, ayada oo wararka ay sheegayaan in heshiis laga gaaray. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo isna ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee doorashada ku saabsanaa, laguna dhowaaqi doono maanta. The post Swan oo madaxda ku shirsan Muqdisho uga digay waxa dhici kara haddii aysan heshiin appeared first on Caasimada Online.
  20. Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ka fuliyay Gobolka Wajeer ee Waqooyi bari Kenya. Al-shabaab ayaa weerartay guriga sarkaal ka tirsan dowladda Kenya, sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas. Sarkaalka ayaa la sheegay wakhtiga weerarku dhacay in uu guriga ka maqnaa, waxaase ku dhintay wiil uu dhalay oo halkaas joogay. Sarkaalkaas ka tirsan Ciidanka Kenya ee Gobolka Wajeer laguna magacaabo Nuur Jibriil ayaa tilmaamay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarii dhacay, ayna ku raad joogaan xubnaha hubeysan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  21. Waxaa maalintiisi Shanaad socda shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo. Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd. Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay dhankeeda shirka Afisyooni, iyadoo la sheegay in qodobo ay ka mid yihiin cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland la isku afgartay. Berri ayaa lagu wadaa in magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka Goobjoog News Source: goobjoog.com