-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (Commentary) — For far too long the 4.5 power-sharing system has retained an explanatory appeal for political analysts preoccupied with making sense of the Somali political turmoil. Unveiled in 2000 at Djibouti-sponsored Somali Reconciliation Confrence, the power-sharing formula divides Somalis into four major clans and an alliance of clans known as Others. Since 1960 the presidency has rotated between two clans — Darod and Mogadishu Clan. Professor Ahmed Ismail Samatar described this uncodified arrangement as duopoly. This theory works if one pays attention to clan identities of Somalia’s successive presidents. It loses its analytical power if one concentrates on the nature of election outcomes since 2004. Neither the incumbent President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed nor his predecessor Hassan Sheikh Mohamud was a favourite candidate in 2017 and 2012 respectively. Two Somali clans make consequential decisions under the 4.5 power-sharing system. Arithmetically, each Presidential candidate has a 20% chance to win the Somali Presidency, assuming that only five candidates from the five Somali clans are contesting the Somali Presidency. The duopoly argument loses sight of substantive political power embedded in Federal Member States. Mogadishu Clan and Darod political classes control four Federal Member States — two for each clan. Banadir, the seat of the capital is a Mogadishu Clan sphere of inclusive due the irremediable dispossessions after the collapse of the state in 1991. Some Darod and Mogadishu Clan politicians have struck an informal political deal: keep the capital city in Mogadishu and keep the federal system. Puntland, the originator of post-1991 federal system, argues the federal system is the middle path between secessionist impulses and the centralism tendancies. The argument runs thus: centralisim puts the periphery at disadvantage, empowers dictatorship and results in state collapse; unilateral secession violates territorial and the political unity of Somalia. Under the current federal system only three clans wield political power — Darod, Mogadishu Clan, and Digil & Mirifle. Dir and the Fifth Clan (aka Others) do not control a Federal Member State but have a total of 40% voting power during the presidential election. Voting power does not necessarily equate to substantive political power in the absence of a federated stronghold to fall back on. Under pressure to sideline the Presidency: Will Prime Minister Roble remember that Mogadishu and Somalia aren’t interchangeable? The 4.5 power-sharing system pales into insignificance given the seemingly enduring 2/5 (two-fifth) element in Somali politics where political classes from only two clans — Darod and Mogadishu Clan — make consequential political decisions. How does a 40% voting power trump 60% voting power? The answer could be found in the distinctive political outlooks represented by the political power vested in the capital and the primacy of the federal system. When the former Somalia Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke, in a tweet, proposed sidelining the Somali Presidency during electoral talks, he seeks to deepen the 2/5 supremacy and expects Prime Mohamed Hussein Roble to fall for the gimmick. Forming an alliance against the incumbent Somalia President is proving difficult. He represents a strong state school of thought against the fiefdom-based political supremacy inspired by post-1990 warlordism in Somalia. There is no guarantee that the three other Somali clans — Dir, the Fifth Clan, and Digil & Mirifle — will back a temporary political alliance of two social groups at the expense of 60% of the population, a quantification based on the voting rights under the 4.5 power-sharing system. Roble is under pressure to maintain the political inequalities that relegate the Fifth Clans to the status of figureheads in the Somali political firmament. Giving in to the pressure will not only be a betrayal but also a repeat of the political miscalculation committed by United Somali Congress in 1991. A government based in Mogadishu is vulnerable to the whims of local politicians who can mobilize militias. This is the lesson from the recent clashes in the capital over the controversial mandate extension for federal institutions. Clan militias operating alongside security forces in Mogadishu bode the end of Somalia as we know it; its break-up into cantons ruled by born-again warlords. Politically marginalised Somali social groups are seeking ways to end their status of playing second fiddle to the two dominant clans in Somali politics. A lot depends on how they respond to the unholy political alliance symbolized by the 2/5 arrangement. © Puntland Post, 2021 The post The 2/5 Element in Somali Politics appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Somaliland ayaa goordhoweyd soo saaray digniin la xiriirta Libaax ka baxsaday Beer lagu xanaaneyn jiray, kaasi oo dhaawac ka geystay gudaha magaalada Hargeysa. Ciidanka ayaa bulshada Somaliland, gaar ahaan dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa uga digay inay ka feejignaadan halista Libaaxaas, islamarkaana ay soo wargeliyaan laamaha amaanka si dib loogu celiyo Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu markii hore kasoo fakaday. “Wargelin: Ciidanka Booliska Somaliland waxay ku wargalinayaan Bulshada somaliland gaar ahaan Caasimada in uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadii ku Xaraysnaa Beerta Xayawaanka Ee Waran Cade. Hadaba waxaanu bulshada uga digaynaa in ay ka feejignadaan Libaxaasi Baxsadka ah isla markaana cidii aragtaa ay la soo socdsiiso Ciidamada Booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka. Libaaxa baxsadka ah ayaa dhaawac ugu geystay xaafada New Hargeysa labo qof oo shacab ah, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online. Ciidamada booliska Somaliland ayaa weli baadi-goob balaaran ugu jira sidii Libaaxaas gacanta loogu soo dhigi lahaa, ayada oo cabsi hor leh soo food saartay shacabka magaalada Hargeysa. Libaaxa baxsadka ah ayaa waxa uu kamid ahaa Libaaxyo ku xareysnaa Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu leeyahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde. The post Libaax baxsad ah oo laba qof ku dhaawacay Hargeysa iyo digniin laga soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Fiqi: Teendhada Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo!
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aal ka keenay qaabka ay madaxda dalka ugu laabanayaan wada-hadaladii teendhada Afisyooni. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali karin in sidii hore loogu noqdo teendhada, maadama uu ku doodayo in hogaanka shirkaas uu ka madax-banaanado “cid dan gaar ah la leh doorashada”. Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in talada doorashada iyo shirka teendhada Afisyooni ay musharaxiinta u taagan tartanka doorashada ay u jirsadaan in is le’eg. Inkasta oo uu carabaabin Fiqi cida uu ka digayo inay qabato hogaanka shirka Afisyooni, ayaa haddana waxaa la fahamsan yahay inuu kasoo horjeedo in madaxweynaha waqtigiisu dhamaado uu door hogaamineed ku yeesho wada-hadalada lagu wado inay dib u bilowdaan ee doorashada. Farmaajo ayaa dhowr jeer lagu eedeyay inuu bur-buriyay shirar ay iskugu imaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kaasi oo uu ugu dambeeyay midkii ka dhacay teendhada Afisyooni, oo ay dowladda shaacisay inuu fashilmay, ayada oo qoddobada qaar is-afgarad horudhac ah laga gaaray. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi Taladii dalku waxay la mid noqotay miino gacanta ugu jirta cunug yar oo kale, kaasoo si joogto ah ugu cayaaraya, Marka uu doonana korkeeda garaacaya. Cunuga yari aqoontiisa iyo caqligiisuba ma siinayaan in uu garto waxa uu ku cayaarayo ama garaacayo in ay naftiisa iyo inta ka ag-dhowba ay galaafanayso. Qarniga 21aad, dal 30 sano dagaallo ku jiray, dawladnimadiisu ay kabkab tahay, nidaamkiisa siyaasadda lagu qeybsado qabiil iyo 4.5, ninka leh taladii ayaan xoogayaa, wixii iga horyimaadana waa xasuuqayaa waxba kama duwana cunugaas yar ee halista gacmaha ugu jirta aan ka war-hayn. Talada doorashada iyo teendhadii Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo, hogaanka shirkaas waa in uu qabtaa cid aan doorashada dan gaar ka lahayn, musharixiintuna masaafo is le’eg ay u jirsadaan!. The post Fiqi: Teendhada Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo! appeared first on Caasimada Online. -
A leading Algerian opposition activist has been detained and is to appear before prosecutors on Thursday, his lawyer said, weeks ahead of elections he and other opponents have pledged to boycott. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhawaan usoo direysa dalka Soomaaliya ergey gaar ah, kaasi oo qeyb ka noqonaya dadaallada miiska wada-hadalka la iskugu keenayo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo saamileyda siyaasadda, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xog-ogaal ah. Sida ay Caasimada Online kasoo xigatay ilo diblomaasiyadeed, ergeyga cusub ee Qatar usoo direyso Soomaaliya, ayaa lagu magacaaba Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, waana ninkii hogaaminayay wada-hadalladii uu Mareykanka la galay Taliban. Ergeyga cusub, oo lasoo magacaabayo billowga toddobaadka cusub, ayaa waxa uu kulmo kala duwan la qaadan doona dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka. Qatar oo inta badan lagu eedeyo inay xiriir hoose la leedahay madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa waxa la fahamsan yahay inay tallaabadan ku muujineyso inay dhex-dhexaad uga tahay xiisada dalka. Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada Qatar ay qaaday ay ka dhigan tahay inay hagaajiso sumcaddeeda Soomaaliya, ayna rumeysan tahay in maalmihii Farmaajo ee xukunka Soomaaliya ay gebo-gebo yihiin, si ay ula macaamisho cid kasta oo xukunka ka beddesha. Todobaadkii hore un bay aheyd, markii wasaaradda arrimaha dibada ee Qatar qoraal ku beenisay eedeymo la xiriiriyey “inay lacago boorso lagu qaado soo mariso taliyaha Nabad-Sugidda, Fahad Yaasin”. Qoraalkaas ayaa waxay Qatar ku sheegtay inay jirto lacag dhan $20 Milyan oo sanadkii tegay ay ku taageertay miisaaniyada dowladda, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya. “Qatar waxay door wax dhisid ah ka ciyaarta Soomaaliya, taasi oo aan uga gol leenahay in aan ku caawino madax-banaanida, degenaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya. Dadaalada Qatar iyo mowqifkeedu wuxuu lamid yahay midka QM iyo saaxiibada kale ee Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Qatar. Dowladda Qatar oo la rumaysnaa inay aheyd maalgeliyaha dowladda Farmaajo tan iyo 2017, iyadoo bixisay kharashka howlgallada ciidan iyo siyaasadeed, ayaa hadda doonaysa inay beesha caalamka iyo mucaaradka u muujiso inaysan taageero gaar ah u haynin Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday. The post Xog: Qatar oo ergey gaar ah usoo direysa Muqdisho una muuqata inay iska fogeyneyso DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir, kadib dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ahaa oo ra’iisal wasaare Rooble ku wehlinayay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo HirShabeelle, oo ayagu dhawaan ka horyimid muddo kororsigii uu Golaha Shacabka u meel-mariyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Waxaa looga hadlay kulankaan sidii ganacsatada uga qeyb qaadan laheyd kaalinteeda ku aadan xoojinta xasiloonida caasimadda iyo caawinta dadkii ku barakacay rabshadihii dhacay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha. Ganacsatida Muqdisho ayaa loo arkaa awood ballaaran oo saameyn ku yeelan karta loolanka magaalada, haddii ay taageeraan musharaxiinta iyo haddii kaleba. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa hore ugu baaqay ganacsatada inay joojiyeen canshuurta ay siiyan Farmaajo, “Ganacsatadeena waxaan ugu baaqayaa in aysan Farmaajo Canshuur iska siin maadaama uu Sharcidaro ku joogo Villa Soomaaliya”. Kulankaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya kulamo uu saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo lagu dejinayo xiisada ka taagan magaalada, oo soo qaboweysay tan iyo markii lagu dhawaaqay in dib loogu laabanayo heshiiskii doorasho ee 17-kii September. The post Sawirro: Rooble, Qoor iyo Guudlaawe oo kulan la qaatay ganacsatada Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Muqdisho uu ka dhaco dagaal uu dhiig ku daato oo laga baaqsan karay, wuxuuna tilmaamay in waxyaabaha la isku haayo ay tahay arrin siyaasadeed, taas bedelkeedana ay muhiim tahay in la helo xal siyaasadeed iyo in laga heshiiyo doorashooyinka. Sheekh Shariif ayaa soo dhaweeyay go’aannadii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dowlad goboleedyada, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee arimaha doorashooyinka iyo sidoo kale dadaalada xal looga gaarayo iska hor-imaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho. Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay xildhibaanada Golaha shacabka in aysan mar kale qaadin tallaabo khaldan oo dhibaato hor leh abuuri karta, wuxuuna ku eedeeyay in ay sabab u ahaayeen gacanka hadalkii Muqdisho. PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhacdooyinkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha dagmada Balli-dhiig Cali Faarax Cali ayaa ka warramay roobabkii gu’aga oo ku cartay degmada Balli-dhiig. Guddoomiye Cali Faarax Cali ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinka hoos yimaada degmada Balli-dhiig uu ka da’ay roobkii gu’gu, iyada oo aanay jirin wax khasaare ah abaartiina uu Alle ka soo jabiyay bulshada ku nool degmada Balli-dhiig. Dagmada Balli-dhiig oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxa ay ka mid ahayd deegaanadii abaartu sida weyn u saamaysay, iyada oo ay saamayn xun ku yeelatay dadka iyo xoolahaba. Source
-
Sacuudi Carabiya oo qaadaysa Talaabo ka cadhaysiinaysa Dawlada Turkiga Mohammed Bin Salman Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa inay xirto sideed iskuul oo Turkish ah, marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, waxaa sidaas Arbacadii werisay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, go’aankan oo la filayo inuu ka carreysiiyo Ankara oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirka Riyadh. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Wasaaradda Waxbarashada Turkey ku wargeliyey in sideedda iskuul ay qasab tahay in la xiro marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, sida ay sheegtay Anadolu. Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in sideedda iskuul ay dhigtaan arday gaareysa 2,256. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey oo ay arrintan wax ka weydiisay wakaaladda wararka AFP, ma bixin wax jawaab ah. Bishii tagtay, Wasaaradda Waxbarashada Turkey ayaa sheegtay inay dalka Sacuudiga ka jiraan 26 Iskuul oo Turkish ah. Xiritaanka sideed ka mid ah iskuullada ayaa sare usii qaadi karta xiisadda labada dal. Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey sanadihii tegay, gaar ahaan kadib dilkii 2018 qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo dhaliila boqortooyada. Bilihii dhowaa, ayaa si kastaba, Turkey waxay yaboohday inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya dalalka Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar. Qaran News
-
Dawladda UK oo war cusub ka soo saaray Qalalaasaha siyaasadeed ee ka Aloosan Somalia Dowladda UK ayaa ku baaqday in ammaanka, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya dartood, ay muhiim tahay in la qabto doorashooyin ku dhisan heshiis, sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan. War-saxaafadeed kasoo baxay safaaraddeeda Muqdisho, ayey UK sidoo kale ku ammaantay go’aanka ay qaateen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee ay ku diideen muddo kororsiga hay’adaha dowladda. “Waxaan iminka ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada inay deg deg u wada-hadlaan ayada oo aan shuruudo lagu xirin. Waa inay yimaadaan ayaga oo diyaar u ah inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah, kuna wada xaajoodaan niyad wanaag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Muqdisho. UK ayaa intaas ku dartay inay aad uga walaacsan tahay in haddii lagu guul-darreysto in deg deg loogu dhaqaaqo doorashooyin, ay taasi hoggaamin karto amni la’aan weyn oo ka dhacda Muqdisho iyo meelo kale, taasi oo yeelan kartaa cawaaqib xun oo bani’aadannimo. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan ciidamada amniga ee caasimadda inay ka reebtoonaadaan rabshadaha ayna joogteen xasilloonida. Waa muhiim in ciidamada amniga ay dadaalladooda saaraan ka hor-tagga cadowga guud ee al-Shabaab ayna xaqiijiyaan inaysan ka faa’iideysan hubanti la’aantan siyaasadeed,” ayey tiri UK. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed returned to Somalia on Thursday and held a press conference where he spoke critically about the political situation in the country and the latest developments in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Ingiriiska ayaa ku baaqday in sida ugu dhakhsaha badan Soomaaliya looga qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, si loo xaqiijiyo ammaanka, xasilloonida dalka. Qoraal ka soo baxay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, ayaa lagu ammaanay go’aanka ay qaateen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee ay ku diideen muddo kororsiga hay’adaha dowladda. “Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada in ay deg deg u wada-hadlaan iyadoo oo aan shuruudo lagu xirin. Waa inay yimaadaan ayaga oo diyaar u ah inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah, kuna wada xaajoodaan niyad wanaag,” ayaa lagu yiri Qoraalka UK ayaa intaas ku dartay inay aad uga walaacsan tahay in haddii lagu guul-darreysto in deg deg loogu dhaqaaqo doorashooyin, ay taasi hoggaamin karto amni la’aan weyn oo ka dhacda Muqdisho iyo meelo kale, taasi oo yeelan kartaa cawaaqib xun oo bani’aadannimo. PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo ku baaqday in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kulankii 32-aad ee Gudidga Isku xirka dalalka Ciidamada iyo Booliska ku tabaruca Amisom ee loo yaqaan (T/PCCs) oo 28-kii bishan lagu qabtay hab online ah, ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira xaaladda Soomaaliya ee iminka iyo xiisadda ka dhalatay muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka. Kulanka oo uu guddoominayey madaxa arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa waxaa ka qeyb-galay wakiilo ka socday dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda. Qoraal kasoo baxay kulanka ayaa mar kale ku celiyey cambaareyntii Midowga Afrika ee ku aadaneyd go’aankii halka dhinac ah, ee ay 12-kii iyo 13-kii April qaateen Golaha Shacabka Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo ay muddo kororsi laba sano ah ku sameysteen. Kulanka ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyey in heshiiska 17-ka September, uu yahay waddada wada-xaajoodka hanaanka doorashada Soomaaliya. “Dalalka T/PCCs waxay isku raaceen in Amisom ay qaado tallaabooyin looga hortagayo rabshado ka dhaca Muqdisho iyo meelaha ka baxsan, ayada oo sidoo kalena la ilaalinayo lana sugayo goobaha Amisom,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen. Kulanka ayaa tusmeeyey in xaaladda Soomaaliya ee iminka ay tahay mid welwel leh oo sii xumaaneysa, waxayna ku cel-celiyeen baaqyada ku aadan in la qaado tallaabooyin lagu xoojinayo kalsoonida iyo is-aaminadda iyo in la billaabo wada-hadallo lagu gaaro heshiis. Waxay soo dhoweeyeen hadalkii Farmaajo ee ahaa inuu Aqalka Hoose ku celinayo qaraarkii 12-kii April ee muddo kororsiga, si dib loogu laabto heshiiska 17-ka September. Ka qeyb-galayaasha kulanka ayaa ugu dambeyn ka codsaday Amisom inay ka fogaato inay lugaha la gasho siyaasadaha Soomaaliya, ayna dhex-dhexaad ka ahaato dhinacyada isku haya siyaasadda, si ay u fududeyso in Muqdisho laga dhigo aag ka caagan militariga. The post Dalalka Amisom oo go’aan ka soo saaray muddo kororsiga iyo amar la siiyey ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa si weyn usoo dhaweysay go’aanadii u dambeeyay ee madaxda Soomaalida iskugu raacday in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September, ayada oo meesha laga saarayo muddo kororsigii uu meel mariyey Golaha Shacabka. UK ayaa sheegtay “in dib loogu laabto wada-hadal ay meesha ka saareyso qalaalase iyo xaalad abuur amni,” waxayna walaac xoogan ka muujisay in dhinacyada is-haya ay ku guul-dareystaan in si dhaqso leh ugu dhaqaaqi waayan doorasho. Qoraalka kasoo baxay dowladda UK ayaa sidoo kale waxaa lagu bogaadiyey go’aankii ay ra’iisal wasaare Rooble go’aankii iyo maamullada taabacsanaa Farmaajo uga horyimaadeen muddo kororsiga uu sameystay. “Nabadgelyada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya darteed, waxaa muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashooyin ku dhisan is-afgarad. Boqortooyada (UK) waxay xuseysaa go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ah “inuu dib ugula laabto wada-hadalka madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DF, isagoo cuskanaya heshiiskoodii 17-kii September, kaas oo ah wadada kaliya ee ay ansixiyeen DF iyo dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah DF.” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaan hadda ugu yeereynaa Madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DF inay si deg-deg ah u wada-hadlaan, weliba wada-hadal shuruud la’aan. Waa inay yimaaddaan iyagoo diyaarsan si ay u sameeyaan tanaasul lagama maarmaan ah oo ay si daacadnimo leh uga gorgortamaan. Sidoo kale waxaa qoraalka Boqortooyadda UK baaq adag loogu diray ciidamada Soomaaliyeed, si ay uga waantooban ka qeyb noqoshada rabshado horseedaya amaan darro, islamarkaana ay xooga saaran dadaalkooda ku aadan la dagaalanka argagixisada. “Waxaan si aad ah uga walaacsanahay in ku guul-darraysiga in dhaqso loogu dhaqaaqo doorashooyinka ay horseedi karto amni darro weyn, gaar ahaan Muqdisho iyo meelo kale, ayna la timaado cawaaqib xumo bani’aadamnimo. Rabshadaha ka socda Muqdisho ayaa horay u barakiciyay tobanaan kun. Abaartu waxay sii kordhineysaa qatarta nolosha dadka rayidka ah iyo nolosha.” “Waxaa lama huraan ah in ciidamada amniga ay xooga saaraan dadaalkooda ku aadan la dagaalanka cadowga guud ee Al Shabaab, si loo hubiyo inaysan ka faa’iideysan mudadan hubanti la’aanta siyaasadeed. Waxaana ugu baaqeynaa ciidamada amaanka caasimada inay ka waantoobaan rabshadaha isla markaana ay ilaaliyaan xasiloonida,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay UK. The post UK oo farrin culus u dirtay Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo ciidanka appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdirashiid Axmed Guuleed oo ka mid ahaa musharrixiinta doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee xisbiga UCID ayaa maanta geeriyooday. Murrashax Cabdirashiid Axmed Guuleed ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Murrashax Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa hore u soo noqday agaasimihii guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshada Somaliland Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka oo maanta dib ugu soo laabtay dalka, ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee ka socday magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii dhawaan dhacay, kuwaasi oo looga soo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Waxa uu soo dhaweeyay go’aankii ay maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed uga soo horjeesteen muddo kororsiga Farmaajo, ee uu taageeray ra’iisal wasare Rooble, taasi oo ku tilmaamay mid waqtigiisa yimid. “Waa in aan maskaxda ku hayno marwalba inaysan suurta-gal aheyn in xaaladu ay sidan sii ahaato, waa xaalad qatar ah oo aan sii fiirsan karin, loona baahan yahay in si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo. Waxaa rajeynayna in baarlamaanka fahmeen wixii laga digaayey inay sax ahaayeen, markaa waxaa leenahay mas’uuliyadiina qaata,” ayuu yiri. “Sida ugu dhaqsaha badan waa in laga wada-shaqeeyo sidii doorasho loo aadi lahaa, ayada oo culeyska laga qaadayo magaalada oo laga wada-shaqeeyo. Soomaaliya maanta dagaal uma baahna ee waxay u baahan tahay dowladnimo la wada leeyahay” Sidoo kale waxa uu si gaar ah uga mahad-celiyay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta doorka uu ka qaatay dejinta xiisada mucaaridka iyo madaxda waqtigoodu dhamaaday, isagoona beesha caalamka ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jirto sidii dalka uu doorasho u aadi lahaa iyo taageerada ay u muujisay go’aamadii u dambeyay ee muddo kororsiga lagu diiday. Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo horseedi kara qalaalase iyo amni darro, islamarkaana ay dalka ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay oo heshiis lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay. The post Daawo: Shariif oo ka hadlay dagaalladii Muqdisho kadib markii uu dalka kusoo laabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Idaacada VOA ayaa maanta baahiday inay geeriyootay Fanaanada Caanka ah Luul Jaylaani, Balse Warbaahinta Puntlandi.com waxay xaqiijinaysaa, In fanaanadu ay nooshahay. Lama oga qaabka ay u heleen VOA warkaan qaldan, Luul Jaylaani Way bad qabtaa, mana xanuunsana, waxayna iminka joogtaa Dalka Maraykanka oo ay ku nooshahay. Luul Jaylaani waxay kamid tahay Fanaaniintii Hore ee Qaranka. Puntlandi.com Minneapolis The post Fanaanada Caanka ah Luul Jaylaani Way nooshahay appeared first on . Source
-
Minneapolis (Caasimada Online) – War aan goor sii horeysay baahinay oo ku saabsanaa inay geeriyootay fanaanadda caanka ah ee Luul Jaylaani ayaa waxaa beeniyey qaar kamid ah ehelada fanaanadda oo ku nool dalka Mareykanka. Warkan oo soo shaac baxay goor dhoweyd ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka iyo warbaahinta Soomaalida, ayaa waxaa laga soo xigtay fanaanadda Sahra Cumar Dhuule, balse waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamaday ehellada fanaanaddaasi oo ka mid ah fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed. Caasimada Online waxay raalli-gelin buuxda ka siineysa aqristayaasha iyo fanaanaddaba qoraalka ay horey u daabacday ee geerida la sheegay inay ku timid fanaanadan oo caan ku ah fanka Banaadiriga. Luul Jaylaani oo ka tirsaneyd hobolladii Qaranka ee Waabari ayaa sanadihii dambe ku nooleyd dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadanka Mareykanka. Fanaanadda ayaa sidoo kale qeyb ka aheyd ruwaayado caan baxay oo la sameeyey bariisamaadkii, isla-markaana ka hadlayey wadaniyada iyo sidoo kale jaceylka. The post Sixitaan: Fanaanadda Luul Jeylaani Cali ma geeriyoon appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Basketball Africa League, Fremantle and Passenger to Produce Landmark Documentary Series The landmark documentary series will follow the stories of the players, coaches and teams from across Africa as they prepare for and compete in the first BAL season DAKAR, Senegal, April 28, 2021/ — The Basketball Africa League (BAL), together with producer and distributor Fremantle, award-winning TRUE DETECTIVE producer Richard Brown and sports marketing company Infront, have teamed up to produce an original documentary series telling the story of the launch and inaugural season of the BAL, a new professional league featuring 12 club teams from across Africa tipping off Sunday, May 16 in Kigali, Rwanda. The series will be directed by up-and-coming South African director Tebogo Malope. The BAL, a partnership between the National Basketball Association (NBA) (www.NBA.com) and the International Basketball Federation (FIBA), marks the NBA’s first collaboration to operate a league outside of North America. The first BAL Finals will be held Sunday, May 30. The landmark documentary series will follow the stories of the players, coaches and teams from across Africa as they prepare for and compete in the first BAL season. This powerful series will spotlight the momentum and ambition behind the pan-African basketball league and the individuals who have worked tirelessly to change the landscape of sports on the continent through this historic initiative. Filming on the series has commenced in several countries. The series has been developed by Malope alongside Executive Producers Brown, Oscar-winning filmmaker Fisher Stevens (TIGER KING, PALMER, THE COVE), and acclaimed Nigerian director/producer Akin Omotoso, who is currently directing THE GREEK FREAK for Disney+, a feature film on the life of reigning back-to-back NBA MVP Giannis Antetokounmpo (born in Greece to Nigerian parents). Anthony Scheinman and Christian Vesper will also serve as Executive Producers on behalf of Infront and Fremantle, respectively. The parties will work together on worldwide distribution plans, with additional information to be shared as it becomes available. Housed at Fremantle and made exclusively in partnership with the BAL, the documentary series forms part of Fremantle’s exclusive multiyear deal with Brown’s production company, Passenger. BAL President, Amadou Gallo Fall: “We are honored to partner with such illustrious producers and visionary filmmakers to tell the story of the Basketball Africa League’s inaugural season. The BAL will have a transformational impact on basketball and sports as a whole in Africa, and this project will capture this historic moment in time for generations to come.” Director, Tebogo Malope: “I’m beyond excited about this project because it places African storytellers at the helm of their own story. To be directing this series with esteemed producers Richard Brown, Fisher Stevens and the BAL encapsulates the very best of what it means to be global, and is a dream come true for me.” Executive Producer, Richard Brown: “I couldn’t have dreamed up a project more exciting and momentous. Even in the early days of filming, the myriad stories that have emerged from the cultures and personalities that compose the Basketball Africa League are utterly compelling. Tebogo is a hugely talented upcoming filmmaker with an irresistible vision for how to tell this story.” Tebogo Malope is a South African director who directed Netflix’s first African Original Series, QUEEN SONO. He is currently completing a feature documentary telling the story of Siya Kolisi, the first Black captain of the South African national rugby team. Malope has also directed many award-winning commercials. Richard Brown was the driving force behind HBO’s globally successful anthology series TRUE DETECTIVE and has served as executive producer on all three seasons of the critically acclaimed, multiple award-winning show. He developed and executive-produced the highly acclaimed Hulu / Sky Italia / Channel 4 limited series CATCH-22, starring George Clooney, Kyle Chandler, Christopher Abbott and Hugh Laurie. Brown is also known for producing the Netflix action-drama OUTLAW KING, directed by David Mackenzie and starring Chris Pine. He is currently in production on Fremantle and Sky’s five-episode series THIS SCEPTRED ISLE, directed by Michael Winterbottom and starring Kenneth Branagh as British Prime Minister Boris Johnson. Fisher Stevens is currently a regular on HBO’s SUCCESSION and recently directed PALMER for Apple, starring Justin Timberlake. He was an executive producer of Netflix’s TIGER KING, director of the Formula E (motor sport series with electric-powered cars) documentary AND WE GO GREEN for Hulu, and BEFORE THE FLOOD for National Geographic, as well as producer of the Oscar-winning documentary THE COVE. Akin Omotoso is an acclaimed Nigerian-born, South Africa-based director who has produced and directed films including the award-winning MAN ON GROUND (Official Selection Toronto and Berlin 2011) and the Array-distributed VAYA (Toronto 2017). Below are the 12 club teams from 12 African countries that will compete in the inaugural BAL season: COUNTRY TEAM Algeria GSP (Groupement Sportif des Pétroliers) (https://bit.ly/3t40qGZ) ** Angola Petro de Luanda (Clube Atlético Petroleos de Luanda) (https://bit.ly/3sUevqJ) * Cameroon FAP (Forces Armées et Police Basketball) (https://bit.ly/3vrrKAU) ** Egypt Zamalek (https://bit.ly/3dYB6Ov)* Madagascar GNBC (https://bit.ly/3xz2s5M) (Gendarmerie Nationale Basketball Club)** Mali AS Police (Association Sportive de la Police Nationale) (https://bit.ly/3nu1h2K) ** Morocco AS Salé (Association Sportive de Salé) (https://bit.ly/32W6res) * Mozambique Ferroviàrio de Maputo (https://bit.ly/3xEmFHp) ** Nigeria Rivers Hoopers (Rivers Hoopers Basketball Club) (https://bit.ly/3vi4x3Y) * Rwanda Patriots BBC (Patriots Basketball Club) (https://bit.ly/3vmwDuX) ** Senegal AS Douanes (Association Sportive des Douanes) (https://bit.ly/3eExwbo)* Tunisia US Monastir (Union Sportive Monastirienne) (https://bit.ly/3tZtv7P) * *Champion from national league that earned representation in the inaugural BAL season **Secured participation in the inaugural BAL season through a BAL qualifying tournament (https://bit.ly/3sXwBrJ) Distributed by APO Group on behalf of National Basketball Association (NBA). Media conatcts: yedoumou@thebal.com Kate.Brackenborough@fremantle.com jamesrickard@tpf-london.com nick.winn@infrontsports.com SOURCE National Basketball Association (NBA) Qaran News
-
(SLT-Dacar-budhuq)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kasoo guryo noqday safar shaqo oo uu ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa kormeer shaqo kusoo maray biriijyada kala duwan ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan midka dooxa weyn ee Dacar-budhuq oo dhismihiisu meel wanaagsan marayo, ahaana biriijka ugu waxyeelada badan xili roobaadka. Madaxweynaha iyo xubno weftigiisa kamid ah, ayaa u kuurgalay habsami-u-socodka Biriijka dooxa Dacar-budhuq, waxana ay halkaas ku arkeen masuuliyiinta hawsha dhismaha gacanta ku haya iyo shaqaalaha oo hawl-maalmeedkooda ku guda jira. Ugu horrayn madaxa mashruuca Berbera corridor, Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey heerka ay marayso guud ahaan waddada Berbera Corridor oo ay wehelinayaan dhismaha Biriijyo waaweyn oo bulshada dhibaato badan ku hayey, waxana uu sheegay inay horumar ballaadhan ka sameeyeen dhismaha waddada iyo biriijyadaba, islamarkaana ay dedaal weyn geliyeen sidii uu biriijka dooxa weyn ee Dacar-budhuq sida ugu dhaqsaha badan ugu dhammaan lahaa, dhawaanna ay dhammaystiri doonaan. Qaar kamid ah Injineerrada ajaanibka ah ee dhismaha biriijka gacanta ku haya oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey inay hawsha dhismaha biriijyadu si habsami leh ugu socoto, dedaal badanna ugu jiraan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer iyo indho-indhayn uu ku sameeyey dhismaha Biriijka weyn ee dooxa Dacar-budhuq kaddib, waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee gacanta ku haya Biriijyada iyo guud ahaanba waddada weyn ee Berbera corridor, isaga oo guul weyn ku tilmaamay in waddadii Berbera Corridor iyo dhismihii Biriijyada isu socodka shacabka muhiimka u ahaaba heer wanaagsan marayaan, waxana uu yidhi,“Waa wax lagu farxo in maanta ay Biriijyadii halkan marayaan oo haddii Alle yidhaahdo sannadkan Aakhirkiisa Biriijyada kuwa ugu waaweyni ay dhammaan doonaan, xisbiga KULMIYE in badan buu ummadda u ballan qaaday inuu waddooyinka wax ka qaban doono kolba taagtiisa iyo ciddii uu la kaashadaba.” Biriijka weyn ee dhismihiisu ka socdo dooxa Dacar-budhuq, ayaa dhererkiisu dhan yahay 105M (Boqol iyo shan mitir), waxana uu kamid yahay biriijyada ugu muhiimsan ee la filayo in dhismihiisa ay ku badbaadi doonaan shacab badani, maadaama ay haatan biyaha dooxaas mara dad badani naftooda ku waayeen. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
(SLT-Riyadh)-Ilo Diplomaasi ayaa waxa ay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in la xidho Dugsiyada Tuurkishka ee ku yaalla gudaha Sacuudiga marka la gaadho dabayaaqada sannadkan 2021-ka. Ilaa 8 Dugsiyada Turkiga (Turkish Schools) oo xidhiidh la leh Wasaradda Tacliinta Qaranka ayaa waxay ka hawl-galaan Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Goballo kale, kuwaasi oo qorshuhu yahay in albaabada loo laabo dhammaadka sannadkan. Wasaaradda Tacliinta Scuudiga waxa ay qoraalka go’aankaasi si toos ah ugu gudbiyeen Dugsiyada ku yaalla Goblladda W/Galbeed Tabuuk, Riyadh, Taa’if iyo Jeddah. Saraakiil Sacuudiyaan ayaa waxay kaloo booqdeen Dugsiyada Turkishka ee ku yaalla Goballadda Dammaam iyo Abha, si ay Maamulayaasha Dugsiyadaasi ugu wargeliyaan Go’aankaasi. Dugsiyada Turkishka ee ka furan Goballadda Maka iyo Madiina ayaa waxaa iyagana saamayn doona Go’aankaasi. Wasaaradda Tacliinta Sacuudiga waxay kaloo sheegtay in Dugsiyada Turkishka la xidhi doono marka uu dhammaado sannad-dugsiyadeedka haatan socda. Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in 2,256 Arday oo dhigta Dugsiyadaasi oo aan si fiican u aqoonin Luqadda Carabiga ayaa la sheegay inay dhibaato kala kulmi doonaan haddii ay Tacliintooda ku sii wataan Manhajka la xidhiidha Wasaaradda Tacliinta ee Sacuudiga. Source