-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wafdigan waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda Federaalka. Axmed Madoobe oo si kooban saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka golaha amniga oo magaalada ka dhici doona. Dhanka Kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu aad usoo hagaagayo marka loo eego sanadihii u dambeeyay isaga oo ra jeeyay in la gaaro isku filnaansho dhanka ammaanka ah. Madaxda mamul goboleedyada kale ee dalka ayaa iyaguna lagu wadaa iney soo garaan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka golaha amniga qaranka ee 4-ta bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast. Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub. Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka. Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji. Sidoo kale, Madaxdii halkaas isugu timid waxa ay isku afgarteen in la ixtiraamo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka labada qaaradood, isla markaasna laga hortago in dowlado sharci ah lagu rido nidaam aan dastuurka dalalkaas waafaqsaneyn, lagana fogaado faragelinta arrimaha gudaha ee dal kamid ah dalalkan bah-wadaagta ah. Dhanke kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf-Garaad Cumar ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Lithuania Mudane Linas Linkevičius, iyaga oo kala saxiixday heshiis lagu abuurayo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dowladood. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiir Ku Xigeen Arrimaha Dibadda ee Romania oo ay isku afgartay in dib loo yagleelo xirriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood, iyadoona sido kale la isla meel dhigay in ay iska kaashadaan dhinacyada wax soosaarka, tayeynta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina. Madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika iyo Yurub ay yeeshaan kulan sanadle ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsi ee labada qaaradood. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Mudane Maxamed Calinuur Xaaji, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Faqi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane OuattaraMadaxweyne Farmaajo iyo Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane OuattaraMadaxweyne Farmaajo iyo Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan LöfvenMadaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha SipiläMadaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxa Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib ugu Soo laabtay kadib Safar Dhowr Cisho Qaatay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast. Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub. Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka. Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji. Sidoo kale, Madaxdii halkaas isugu timid waxa ay isku afgarteen in la ixtiraamo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka labada qaaradood, isla markaasna laga hortago in dowlado sharci ah lagu rido nidaam aan dastuurka dalalkaas waafaqsaneyn, lagana fogaado faragelinta arrimaha gudaha ee dal kamid ah dalalkan bah-wadaagta ah. Dhanke kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf-Garaad Cumar ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Lithuania Mudane Linas Linkevičius, iyaga oo kala saxiixday heshiis lagu abuurayo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dowladood. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiir Ku Xigeen Arrimaha Dibadda ee Romania oo ay isku afgartay in dib loo yagleelo xirriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood, iyadoona sido kale la isla meel dhigay in ay iska kaashadaan dhinacyada wax soosaarka, tayeynta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina. Madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika iyo Yurub ay yeeshaan kulan sanadle ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsi ee labada qaaradood. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Mudane Maxamed Calinuur Xaaji, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Faqi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyaya Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah. Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka. Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxeynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo, December, 2, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada. Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah. Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka. Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka. Puntlandi.com
-
Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saakay u safray magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir. Madaxweyne Gaas ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo maalinta berrito la filayo inuu ka furmo Muqdisho, maadaama horey heshiiskii ugu dambeeyay uu ahaa in saddexda Decmebre la isugusoo laabto Muqdisho. Faahfaahin dheeri ah goor dhow la socda Puntlandi.co m Garowe.
-
Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u waramay Idaacada BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa markii ugu horaysay qiray in la kor dhiyey khidmada laga qaado doonyaha iyo maciishada kasoo dega dekada magaalada Bosaaso. Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in sababta loo kordhiyey khidmada dekadda ay tahay lagama maarmaan maadama mashaariic muhiima ka socoto, cida mashaariicdaas wadana ay doonayso in wixii ay geliyeen uga soo laabtaan, wuxuuna hakadka ku yimi shaqada dekadda ku eedeyey dad aan ganacsato ahayn oo aan u turayn Dalka. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay la hadli doonaan ganacsatada wax tabanaysa, wuxuuse intaa ku daray inaysan marna la gorgortami doonin dad uu ku tilmaamay sharwadayaal aan ganacsato rasmiya ahayn oo arimahani siyaabo kale uga faaidaysanaaya. Hadalka madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaaya xili ku dhawaad todobaad ay haawanayso dekadda magaalada Bosaaso kadib markii ganacsatada isticmaasha dekadaas ay diideen inay doonyahooda kusoo xiraan inta laga xalinaayo tabashada ay ka qabaan khidmada lagu kor dhiyey maciishada iyo doonyaha. Waxaa xusid mudan in qaar kamida madaxda Dawlada Puntland ay maalmahan dafiraayeen in la kordhiyey khidmadii laga qaadi jirey ganacsiga dekada Bosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo markii ugu horaysay qiray in la kordhiyey khidmada dekadda Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiisha amaanka dalka Kenya ayaa sameeyay istiraatiijiyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee degaannada Bariga dalka Kenya. Saraakiisha ayaa qorshahoodan ku calaamadeeyay degaannada qaar in ay yihiin kuwo halis ah (Red Spots),waxaana ay sheegeen in Dowladda iyo shacabkaba aysan tagi karin degaannadaas marka laga reebo dagaal ku talagal ah. Hay’adaha amaanka ayaa shaaciyay in degaannada kala ah; Lamu,Witu,Garsen,Nyongoro, Maisha, Lango la Simba, iyo Milihoi ay yihiin meelaha ugu halista badan dhinaca amaanka dalka Kenya AL-shabaabna ku xoogganyihiin. Waxaa ay sidoo kale ku dhawaaqeen in Saraakiil Ciidan loo dirayo degaannadaas si ay qiimeyn ugu sameeyaan habka loo wajahayo dagaalka ka dhanka Al-shabaab ee degaannadaas. Taliyaha Booliska Lamu, Gilbert Kitiyo ayaa sheegay in degaannada qaar bil gudaheed ay ka dhaceen shan weerar kuwaas oo lala beegsaday saraakiisha Ciidamada iyo Gaadiidka dadweynaha ee maraya waddooyinka isku xira Gobolka Bariga Kenya. Bishii July 13keedii Al-shabaab ayaa afduubtay Mariam El-Maawy, oo ka mid ahayd Xukuumaddii hore ee Uhuru Kenyatta,waxaa badbaadiyay Ciidanka Kenya hayeeshee intii uu howlgalka socday ayuu dhaawac gaaray waxaana ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Dalka Koofur Afrika. Weerarkaas waxaa kale oo ku dhintay Wiil ay habaryar u ahayd iyo shan ilaaladeeda ahaa,waxaana lagu weeraray degaanka Milihoi oo hadda ka mid ah degaannada la geliyay goobaha halista ah. Todobaadkii la soo dhaafay ayey Al-shabab weerareen Gaadiidka dadweynaha iyo saraakiil galbineysay oo marayay Waddada Lamu iyo Mombasa,waxaa ay dileen qaar ka mid ah Askartii,waxaana dadweynihii ay u qeybiyeen Cajalado jihaadka faraya,warqadaha digniinta ah iyo hanjabaad afka ah. Kulanka Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa lagu soo qaaday in la dhiso Waddada Lamo iyo Garsen,taas oo ay sheegeen in ay dhimi karto qatarta amaanka ah ee ka jirta Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland ayaa Maanta yimid Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya,waxaana lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde. Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u yimid inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo 4-December ka furmi doona Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Muqdisho imaan doona Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada oo iyaguna ka qeyb geli doona Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmi doona 4-December sida uu Qorshuhu yahay. Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe ayaa dhawaan Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo lagu soo afjarayey khilaafkii weynaa ee ka dhex jiray, waxaana lagu heshiiyey qodobo dhawr ah. Madaxweynayaasha kale ayaa la filayaa inay Berri iyo Maalinta xigta imaadaan Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas looga hadli doonaa waxyaabo badan oo ku aadan Amniga Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warbixin cusub oo uu soo saartay joornaalka caanka ah ee “Bloomberg” ayaa lagu sheegay iney suurtogal tahay in 800 milyan oo shaqaale oo dunida daafaheeda ka shaqeeyaa ay weyn doonaan shaqadooda sababta robot iyo aalado smarts ah oo shaqada kala wareegaya marka la gaaro sanadka 2030, waana shan meelood oo meel 1/5 dadka hadda shaqeeya ee adduunka. Daraasad ay dhawaan sameysay qeybta cilmibaarista ee shirkada McKinsey & Co oo Arbacadii shalay la faafiyay ayaa lagu sheegay in dowladaha horumaray iyo kuwa soo koraya ay si weyn u saamayn doonto shaqo la’aantu, gaar ahaan shaqaalaha warshadaham, kuwa raashinka fudud diyaariya iyo shaqaalaha maktabadaha ayaa ah dadka ugu badan ee dhibaatadan ay saameyn doonto si dhakhsiyo ah goobaha shaqada. Daraasad mac’hadka Mckinsey ee caalamiga ah ayaa tilmaantay iyadoo ay jirto in si gaabis ah robot-ka ay u faafayaan; ayaa hadana la filayaa in 400 milyan oo shaqaale ah ay is arkaan iyagoo baagamuundo ah waxayna u baahan doonaan in shaqooyin cusu oo ka duwan xirfadooda ay raadsadaan 13sano ee soo aaddan. Shaqaalahaasi ayaa ay lagama maarmaan tahay iney bartaan xirfado la jaanqaadi kara dabeecadda nolosha iyo xirfadaha suuqa shaqada sida aadka ah loogu baahan yahay. Michael Shwe oo ka mid ah dadkii daraasaddan sameeyay ayaa yiri: “Waxaa lagu khasbanaan doonaa in xirfado cusub la barto xilliga soo aaddan.” Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii November ee 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kuwaa oo galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan. Qaraxyada Bishii November ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii October ee kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay November ay yihiin 8 Qarax oo intooda badan lagu xiray gaadiid raaxo. Bishii November Qaraxyada ugu badan ayaa ka dhacay Degmada Hodan, oo kaalmaha koowaad kaga jirta Degmooyinka ugu amniga xun. Haddaba Qaraxyada bishii November ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kala ahaa: 1-November 2, 2017, Qarax lagu xiray gaari raaxo ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgooys Banaadir iyo Isbitaal Digfeer ee Degmada Hodan, waxaana xiligaa gaariga ka maqnaa ruuxii loogu tallo galay Qaraxa. 2-November 08 2017, Qarax gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Imigration-ka oo ku taala wadada Shaqaalaha Degmada Hodan, waxaana gaarigaasi lahaa Dr Xirsi Dhiblaawe oo ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada Wadnaha, kana howlgali jiray Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad. 3-November,9, 2017, Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa wadada Warshadaha lagula eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidan katirsan Milatariga Somalia oo kusii jeeday Wasaarada Gaashandhiga waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo shacab ah. 4-November,9, 2017, Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari raaxo ayaa duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Waydoow lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM. 5-November 22, 2017, Ciidamo ka tirsan Xasilinta ayaa Qarax miino lagula eegtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgoyska Tarabuunka, waxaana ku dhintay Hal Askari, halka midka kale uu dhaawac soo gaaray. 6-November 24, 2017, Qarax lagu xiray gaari nooca Raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hoteel Amiira Degmada Hodan ee Gobolka Banadir. 7-November 24, 2017, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku tuuray afafka hore ee Amiira Degmada Hodan. 8- November 30, 2017, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Boondheere, gaar ahaan meel ku dhow Isbitaalka Somali Jarmal, waxaana Qaraxa gaariga loogu xiray Laba Wariye oo ka howlgalaayay Xarunta TV-ga Qaranka ee Muqdisho, kuwaa oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Maxamed Weli iyo Daahir Cabdiweli, waxaana Qarxay keliya gaariga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa bilihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kusii kordhaayay Qaraxyada lagu xiro gaadiidka Raaxada, xili Somalia aysan laheyn Taliyayaasha Hay’adaha amaanka NISA iyo Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland helitaanka fursadaha shaqo oo aad u adag ayaa sabab u noqday in dhallinyaro badan ay u tahriibaan wadamada dibadda. Balse taas badalkeeda waxaa jira fursado shaqo oo kooban kuwaasi oo dhallinyaradu kaga baaqsadeen musiibada tahriibka. Hargeisa, waxaa laga hirgaliyey gawaari loo bixiyey magaca Hooyo Ha tahriibin, gawaaridani ayaa waxaa shaqo abuur loogu sameeyay dhallinyarada ku dhaqan Hargeysa si looga hor istaago in ay tahriibaan. Gawaarida Hooyo Ha tahriibin ayaa hadda waxaa si weyn looga isticmaalaa gudaha magaalada Hargeysa waxaa ayna fursad shaqo ay u abuureen dhallinyada ku dhaqan magaaladaasi. Shaafici Axmed Diiriye waxaa uu ka mid yahay dhallinyarada uu gaarigaani uu u noqday shaqo abuur waxaa uuna Goobjoog News uu la wadaagay sida uu u arko isaga oo kaga baaqsaday dhibaatada tahriibka iyo dhaqamo kale oo xun sababna ay u noqon karto shaqo la’aanta. “Maanta gaariga waxaa uu noo noqday shaqo waxaa uu naga baajiyey waxyaabo badan qofkii oo walwala,qofkii oo shaqo la’aan meelaha meereysta qofkii oo inuu tahriibo isku daya waxyaabo badan ayuu naga baajiyey Gaarigaan”. Inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa u tahriiba wadamada dibadda iyaga oo doonaya inay ka helaan shaqooyin ay noloshooda ay ku maareeyaan,maadaama xiligaan ay yartahay fursadaha shaqo ee laga heli karo gudaha dalka. Goobjoog News Source
-
Cabduullahi Maxamed Ducaale oo ka tirsan naafada xoogga dalka ee dagaalkii 77 ayaa sheegay in isaga iyo asxaabtiisa ay dhibaato badan ku heyso Isbitaalka Martiini “Dadka Isbitaalka Martiini jooga aad iyo aad ayey ugu dac-dareysan yihiin naafadii xoogga dalka Soomaaliyeed 77 aad iyo aad ayey isbitaalka ugu dac-dareysan yihiin sababtoo ah dalka gudihiisa wax daryeel ah kama helaan dibaddana wax daryeel ah kama helaan. Cabdullahi waxaa uu sheegaya sida ay u nool yihiin “Sidaas darted iyagana maahan kuwo xoogsan karo oo shaqeysan karo boqolkiiba 20% ayaa shaqeysa labaatankaas wixii ay soo dhiciyaan baa la iskaga noolyahay la islana wadaagaa sidaas darted ayaan meesha ku joognaa” Sidee tahay xaaladooda caafimaad “Waxaa intaasi noo dheeri ah caafimaad darro wax dhaqtar ah malihin, dhaqtar la’aantuna waa dhibaatada ugu weyn caafimaadkii la yaqaanay oo horay dowladdii dhexe ay noo sameyn jirtay, waxaa uu ahaa mid aan wax ganacsi ah aan kaa rabin oo isbitaallo dowladda ah oo aad nalagu daryeelo nalagu soo dhaweeyo ayaa jiri jiray. Cabdullahi waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aaney dawada Isbitaallada iska bixi Karin “Isbitaal maahan ee waa dukaan yar oo ganacsi oo miisaanno ay u saaranyihiin oo uu ku miiso dhiigga dadka iyo hilbahoodaba meeshaas ayaa noo ah caafimaad sidaas darted niman iska bixin karo ma nihin anagu, meesheenaan ayaa iska joognaa wixii ilaahey noo keeno waan cunnaa balse caafimaad darrada iyo daryeel la’aanta waa noo dheeri inta bani’aamka uu rabana waan rabnaa”. Booqashada waxaa uu ka yiri “Wadanka waxaa uu ku jiraa xaalad qaraar sida aad ogtahay nin walbow naftaada ayey taagantahay meel kalo oo ay wax nooga yimaadaan ma jiraan mar mar dibadahaas waxaa nooga yimaada rag naafada ka mida oo wax noo soo tuura oo nasoo xasuusto lkn ma jirto dalka gudahiisa cid nagu xasuusato. Cabduullahi Maxamed Ducaale waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Dowladaha aduunka qofka markuu daqoobo ama ha noqdo ciidan ama shacab waa la daryeelaa laakiin lama haayo dowladdii na daryeeli laheyd ilaahey ha noo keeno”. Goobjoog News Source
-
Iskuullo waxbarasho oo bilaash ah ayaa laga hirgaliyey xeryaha ay degan yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha ee ku sugan gobolka Gedo. Xiish Mahad yare oo ah madaxa waxbarashada hay’adda Hirda ayaa sheegay in waxbarashadan lacag la’aanta ah ay ka faa’ideysan doonaan caruur gaartay da’da waxbarasho ee ku nool xerooyinka barakacyaasha ee gobolka Gedo. Deegaannada Baardheere, Luuq iyo Baladxaawo dadka ku nool ayaa iskuuladaani lacag la’aanta ah ka faa’ideysan doono waxayna gaarayaan ardeyda dhiganeyso ku dhawaad 5 kun oo arday. “Barnaamijkaan waxaa loogu talo galay barakacyaasha maadaama meeshii ay waxbaran jireen oo hore ay waxbarashadii ka joogsatay intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabo badan oo kale, waxaan ugu talo galnay in ilmaha ay meesha ka faa’idestaan, barnaamijkaan waxaa loogu talo galay ilaa iyo 5 kun oo caruur ah oo gobolka Gedo oo dhan ah, waxbarashadan waxaan ugu talo galnay dadka ay ka dhamaadeen xoolihii kana soo barakacay abaarihii si ay u dhan dhansadaan waxbarashada’. Dadka barakacyaasha ah eek u nool xeryaha ku yaallo gobolka Gedo ayaa horay u haysan adeegyada asaasiga ah oo ay ka midka yihiin waxbarashada. Goobjoog News Source
-
Qaar Kamid ah Wasiirada Cusub ee Hir Shabelle oo is Casilay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiiru dowlihii wasaarada arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha maamulkaas. Yuusuf Cali ayaa ku macneeyay sababtuu isaga casilay xilkii loo mgacaabay in uusan ku qanacsaneen xilka wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Hirshabeelle, islamarakaana icasiladiisa uu u gubdiyay madaxweynaha Maamulka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare. Shalay oo jimco aheyd Taariikhdana ay ku beegneed 1/12/2017 waxaa iscasilay Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec oo ahaa Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle kana tirsanaa xubnihii la soo magacaabay 29-kii bishii November ee sanadkaan. 29-kii Bishii November ayaa waxa iscasilay Ismaaciil Maxamad Culusow oo ahaa wasiiru dowlaha cusub ee wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Hir-Shabeelle, kadib markii uu sheegay in aan laga tashanin. Tan iyo Markii la magacaabay Golaha Wasiiradda maamulka Hir-shabelle waxa jirey cabashooyin kasoo yeeray qaar kamid ah beelaha daga Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. PUNTLAND POST The post Qaar Kamid ah Wasiirada Cusub ee Hir Shabelle oo is Casilay appeared first on Puntland Post. -
Save the Children, a humanitarian organisation , reports that 9.5 percent of children under five are severely malnourished in the district of Mataban alone. The number of Somalis at risk of famine has increased more than ten times in the last ten months, the UN reported on Thursday. There were 866,000 people in the ‘Emergency’ phase (IPC Phase 4) in November 2017 – up from 83,000 people in January 2017, the latest humanitarian bulletin reported on Thursday. “[Somalia] continues to face drought conditions spanning over four consecutive poor rainy seasons that severely aggravated the humanitarian crisis,” the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said in its November bulletin. Somalia’s humanitarian crisis is expected to worsen in 2018, as the UN’s latest forecast predicts that 6.6 million people – around 50 percent of Somalia’s total population – will require humanitarian assistance and protection. Half of that number – 3.3 million people, representing a quarter of the total population – are expected to require emergency food, water and medicine supplies. This emergency level is also reflected in the country’s nutrition rate – now at 17.4 percent. The emergency threshold stands at 15 per cent. “Drought and conflict have continued to be the principal drivers of humanitarian needs in Somalia,” said Peter de Clercq, the UN’s humanitarian coordinator for Somalia Somalia has experienced several years of poor rainy seasons, which has made it impossible to grow crops or maintain the country’s extensive livestock population. OCHA has previously blamed the 2015-2016 El Niño phenomenon for the poor rainfall, referring to a shift in global atmospheric pressure that occurs every six – seven years. The Deyr rainy season, lasting from October to December, started late again in 2017 however and is generally performing below average – marking a “fourth failed rainy season”, according to the UN. OCHA added on Thursday that the long-term forecasts for the Gu rainy season, lasting from April to June 2018, were “grim”. The current humanitarian situation in Somalia comes only six years after a drought last hit Somalia, killing 250,000 children in 2011. Source: – The New Arab
-
Somalia and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have set out a detailed work plan on integrating and rehabilitating converts from violent opposition groups. Somali Defector Rehabilitation Program (DRP) said on Friday its priority plans include defector disarmament and community engagement at local level, training and technical support for the DRP. The DRP also plans to include network building, financing and resource mobilization, advocacy and monitoring, establishing proper communication and reporting network, creation of defector rehabilitation database, and outreach. “AMISOM has taken a lot of time to ensure we take advantage of what they have been teaching us,” DRP director Cabdirashiid Ibrahim Maxamed said in a statement issued in Mogadishu at the end of a five-day meeting aimed at countering violent extremism and the processes of reintegrating Al-Shabaab defectors. The DRP works with AMISOM to screen defectors, and is supported by the country’s National Intelligence Service (NISA). During the meeting, participants discussed political reintegration, radicalization processes and approaches, financing and resource mobilization, disarmament processes, profiling and eligibility criteria for DRP. Maxamed had earlier said 2,000 defectors had already been successfully reintegrated into society since the program began in 2011. The program revolves around outreach, reception of the defectors, screening, rehabilitation and reintegration. “You can understand the risk they can cause if not well integrated,” Ibrahim said, in reference to Al-Shabaab ex-combatants and other armed groups. Source: Xunhua net
-
Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya in Madaxtooydda Maamulkaas uu kulan ku dhexmaray Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ku-xigeenkii hogaamiyihii Al-shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow oo dhawaan dowladda isku soo dhiibay. Kulakaan oo qaatay saacado dhowr ah ayaa looga hadlayay sidii weeraro xoogan loogu qaadi lahaa Saldhigyada ay dagaalyahanadda Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada maamulka koonfur Galbeed Soomaliya. Sidoo kale Mukhtaar Roobow ayaa madaxweyne shariif xasan la wadaagay macluumaad laga helay Sirdoon uu ku dhex leeyahay Al-shabaab, kaas oo sheegaya in al-shabaab ay qorsheynayaan dulaan ka dhan ah magaalada Baydhabo. Shariif Xasan ayaa loo bandhigay qorshe ah In Ciidanka la dagaalamaya Al-shabaab Lagu daro Kuwa asiga Daacada u ah, sidoo kalane In ciidamada Ethiopia la geeyo deegaanada ay weerarada kasoo qaadaan al-Shabaab maadaama ay wataan gaadiidka gaashaaman iyo Hubka culus. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa aad usoo dhaweeyay qorshaha Mukhtaar Rooboow ee uusoo jeediyay, waxa uuna arrintaasi fulinteeda ku amray Wasiirka Amniga maamulka iyo Saraakiisha ku magacaaban amniga. PUNTLAND POST The post Kulan Magaaladda Baydhabo Ku Dhex-maray Shariif Xasan iyo Muqtaar Roobow appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa iscasilaad ku dhawaaqay Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha gudahaa maamulka Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi oo xilkaasi loo magacaabay muddo Seddex cisho laga joogo. Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha gudahaa maamulka Yuusuf Cali Cilmi, ayaa sheegay in xilkaasi uu isaga casilay inaanu ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay. Wasiiru Dowlaha iscasilay ayaa noqonaaya kii 3aad oo muddo Seddex cisho gudaheeda isku casilay, waxa uuna mid weliba cadeeyay in sababta is casilaadiisa ay tahay qanaaco la’aan. Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa arbacadii lasoo dhaafay magacaabay Golaha Wasiirada maamulkiisa oo ka koobnaa 57 Wasiir oo aanu ku jirin Wasaaradda Haweenka. Yuusuf Cali Cilmi, ayaa noqonaaya Xubintii Saddexaad oo ka mid ah golaha wasiirada uu magacaabay Hogaamiye Waare oo shaaciyay inuu is casilay. Geesta kale, waxaan iscasilaadani weli ka hadal Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare oo aan weli lagu qancin magacaabidiisa. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa dalkeeda ka eryisay Diblumaasi ka howlgala Safaarada Ethiopia ay ku leedahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Diblumaasigan oo dacwadiisa loo gudbiyay Dowlada Ethiopia ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu waxkama jiraan ka dhigay sharciyada dalka Turkiga iyo kan amaanka. Qoraal ay Wasaarada Arimaha Dibada ee Ethiopia u dirtay Turkiga iyo Safaarada Ethiopia ee Ankara ayaa waxaa loogu yeeray diblumaasiga lagu hayo falalka sharciga ka baxsan. Wasaarada ayaa Diblumaasigaas ku amartay inuu isaga soo baxo Turkiga isla markaana dib ugu soo laabto magaalada Addis Ababa. Diblomaasigan oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu dambiyo ku galay magaalada Ankara kadibna u diiday inuu u hogaansamo amarka Booliska Ankara. Kiisaska lagu heysto Diblumaasigan ayaa waxaa kamid ah in isagoo cabsan uu galay ilaa Seddex shil, isagoo intaa kadib Saraakiisha Booliska Ankara ugu goodiyay inuu xumeyn doono xiriirka labada dal. Sidoo kale, waxaa guddi loo xilsaaray kiiska diblomaasigan waxa ayna Wasaarada Arimaha Dibadda Ethiopia sheegtay in falalka noocan ah aan loo dul qaadan doonin talaabo sharci ahna laga qaadi doono, waa haddii ay rumowdo. Geesta kale, Turkiga ayaa waxaa ka mamnuuc ah in Diblumaasiyiinta martida ku ah dalkaasi ay u socdaalan magaalada iyagoo cabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Shabeellada dhex ayaa tagay degmooyin ka tirsan gobolkaasi si ay u soo arkaan jidgooyooyin ay dhiganayaan maleeshiyaad hubeysan. Socdaalkan ay mas’uuliyiinta gobolka shabeellada dhexe ay ugu amba baxeen degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa u jeedkiisa lagu sheegay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladda ammaan ee ka jirta degmada War-sheekh iyo deegaanka Ceel-macaan. Mas’uuliyiinta halkaasi aaday ayaa waxaa hor-kacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Axmed Makaraan, waxaana ku wehlinaya qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladdaFedaraalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar. Mas’uuliyiintaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa waxay doonayaa ina ka qaadaan jidgooyooyinka yaalla wadada xiriirisa War-sheekh iyo Ceel-macaan. Dadka ku socdaala wadadaan ayaa waxay cabasho ka muujinayeen maalmihii dambe in isbaarooyinkaani ay kala kulmaan dhibaatooyin waa weyn . Maamulka sh/dhexe ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay dadaallo ay ku doonayaan inay isku furan wadooyinka xiriiriya degmooyinka gobolka sh/dhexe, waxayna hoosta ka xariiqeen inay u kuur gali doonaan xaaladda War-sheekh iyo Ceel-macaan, halkaasi oo ay ka soo cusboonaatay jidgooyooyin ay dhiganayaan maleeshiyaad hubeysan. Goobjoog News Source
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas, ayaa ka hadlay duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Buuraaleyda Galgala ee Puntland oo ay ku sugan yihiin Daacish. C/weli Gaas, ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan duqeymaha lagu hayo Daacishta Somalia, waxa uuna tilmaamay inay dhabar jab ku noqon doonto maleeshiyaadka Daacish. C/weli Gaas, waxaa uu sheegay in ay tahay arintaasi guul weyn oo u soo hoyatay maamulka Puntland, waxa uuna xaqiijiyay in Mareykanka ay ka filayaan duqeymo intaa kasii badan. Wuxuu sheegay in duqeymaha ceynkaasi ah ay khasaaro badan u geysan doonto Daacish, maadaama duqeymaha si toosa loola beegsaday goobaha ay ku jiraan Horjoogayaashooda. ‘’Wey sii socon doontaa duqeynta waxaana rajeyneynaa in looga guuleysan doono Kooxda argagixisada ah ee isku uruursanaaya Buuraha’’ Sidoo kale, C/weli Gaas waxa uu tilmaamay in ciidamada Puntland ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Kooxdaasi si looga jilciyo heerka ay iminka gaarsiisan yihiin maadaama ay ku sugan yihiin dhexbartanka Buuraha. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qiray in Puntland ay taageersan tahay duqeymaha ku socda Daacishta ku dhuumaaleysaneysa Buuraaleyda Galgala ee Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Garowe (Puntlandi) Shirkadka CCECC ee laga leeyahay dalka China ayaa soo bandhigtay qaabka ay u dhisi lahayd iyo waqtiga uu bilaabanayo dhismaha wadada laamiga ah ee isku xiridoonta degmooyinka Eyl iyo Dangoryao. Shirkada CCECC Waxa ay degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal ka samaysteen xaruntii ay ku shaqayn lahaayeen shirkadaas, iyaga oo uga gudbay degamda Eyl oo ay Ku socdeen. kulan arintaas lagu Go’aanshay waxaa ka Qayb Galay Senotor Faroole Madaxweeynihii Hore ee Puntland, Islaan Ciis iyo Suldaan Saciid Mahamad garaase Waxaa kaloo kusugnaa Goobta Ing Wadada dhisaya iyo Madaxda Shirkada Shirkada CCECC waxay shaacisay in Markabkii Qalabka u siday uu haatan dekeda Muqdisho taagan Yahay islamarkaana oo asbucan Dekeda Boosaso soo istaagi Doono. Cuqaasha Degaanka iyo Qaybaha bulshada ayaa Cadeeyay inay Garab istaagayaan howlaha wadada eyl ee bilaamaya Saddexda bishaan ayaa la isku raacay inay si rasmi ah dhismaha wadadu u bilaabandoonto, Waxayna wadadu ay ka leexandoontaa Dagmada Dangarayo sida lagu helay Sahankii La Sameeyay.
-
Shalay Jimcihii waxaa magaalada Adis Ababa, xarunta midowga Afrika lagu qabtay kulanka 25aad ee guddiga qaabilsan howl-galka AMISOM ee Soomaaliya, kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen midowga Afrika, waxaa goobta joogay taliyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya sida (Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria and Uganda). Kulanka waxaa looga hadlay ammaanka iyo sidii ilo dhaqaale loogu heli lahaa AMISOM iyo ciidamada xoogga dalka, waxaa kale oo la sheegayaa in Al-shabaab weli yihiin khatar dhanka ammaanka ah, waxaa kale oo looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa sidii ciidamada Soomaalida ay ammaanka kala wareegi lahaayeen AMISOM. Guddiga waxaa uu isku raacay in weerar iyo howlgal ballaaran la qaado iyada oo la soo jeediyay in dhinacyada kala duwan sida Midowga Afrika, AMISOM, T/PCCs iyo UNSOS kulan gaar ah ka yeeshaan khatarta Al-shabaab iyo Lojistikada dagaalka ee loo baahan yahay, waxaa kale oo kulanka looga hadlay in la xoojiyo tababarka la siiyo ciidamada Soomaalida si awood ugu helaan la wareegidda ammaanka. Kulanka dhammaadkiisa waxaa la soo jeediyay in ay muhiim tahay wada-shaqeynta ciidamada Soomaalida iyo midowga Afrika iyo in howl-gallada iyo qorshayaasha laga mideeyo dhinac walba si xitaa marka dambe u fududaato xil wareejinta. Waxaa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabtay shir kale oo ammaanka 4ta December si looga hadlo arrimaha la xiriira sidii ciidamada Soomaalida ay xilka ugala wareegi lahaayeen AMISOM. Goobjoog News Source
-
Shirweynahaan oo ay kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala yimid magaalooyinka Gaalkacyo, Burtinle, Buuhoodle, Laascaanood, Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Baran, waxaana lagaga dooday siyaabaha iyo waddooyinka ugu munaasibsan ee dadkeena loo walaalayn karo, qabyaaladda iyo isnacaybkana looga saari karo, dhismaha gole shaqadaas u taagan, axdiga golaha, qorshaha shaqada iyo xulashada guddiyadii maamul ee golahaas. Dood socotay maalintii khamiista oo dhan ka dib waxaa shirweynuhu isla gaaray arrimahaan soosocda: In dadkeena meel ay dunida kajoogaanba ay haystaan dhibaatooyin kadhashay qabyaaladda iyo dagaallada sokeeye, dhibaatooyinkaasna ay soomaali iyadu aasaas u ahayd, loona baahanyahay inay wax kaqabato; waayo ruqo ninki ilahaa dabada kagataaganyahay ma kacdo. Si arrintaan wax looga qabto inay lagama maarmaantahay inay is-uruursadaan dadka wanaagasan ee xilkaska ah, ayna isukaashadaan walaalaynta bulshada soomaaliyeed iyo tirtirida cuqdadaha iyo kala shakiga dhexyaal. In la dhiso Gole shaqadiisu tahay hirgalin ta barnaamijka walaalaynta iyo qabyaaladdiidka oo ay kujiraan dad xul ah ooqaybaha bulshada kasocda, waxaana loogu wanqalay: golahawalaalayntabulshada&qabyaaladdiidka. Shirweynuhu wuxuu ansixiyey axdiga golaha iyo qorshihiisa shaqo. Waxaa la doortay guddiga joogtada ah ee golaha dhexe iyo shirguddoon koodii. Waxaa kale oo la doortay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha walaalaynta Eng. Maxamed Cali Cabdi (Badwi).Xafladda xiritaanka Shirweynaha oo luguqabtay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika Garowe waxaa kasooqayb galay Madaxweyne kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin C/lahi X. Cumar Camey, wasiirro, isimo, Cuqaal, Culimo, Ganacsato, Bahda waxbarashada, bahda Saxaafadda, suugaan yahano Iyo ergooyinkii gobolada kayimid. UstaadFaarax C/laahi Cumar Gardan ayaa xafladda ku furfuray mahadcelin, soodhaweyn iyo warbixinkooban, kadibna waxaa hadal walaalnimada muslimiinta kahadlaysa soojeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraca Garoowe Sh. Maxamuud XaajiYuusuf . Intaa ka dib Madaxa guddiga qabanqaabada Sh. Axmed C/samad iyo guddoomiyaha fulinta Golaha Walaalaynta Eng. Maxamed Cali ayaa kawarbixiyey ahmiyadda walaalaynta bulshada iyo marxaladihii uu soomaray abaabulka barnaamijkaan. Waxaa kale oo ay wax katilmaameen ujeeddooyinka loo aas’aasay Golaha walaalaynta, ahmiyaddiisa, shaqooyinka uuqabanayo, waddooyinka loo marayo shaqooyinkaas, hababka iyo siyaasadaha la raacayo iyo waliba miraha lagafilanayo. Waxay codsadeen in barnaamijkaan laga wadashaqeeyo, lana taageero maamul iyo dadweynaba waxayna Cadeeyeen In Golahaani Asan Lahayn Cid gooni ah Kana howl galayn Gobol gooni ah waxaana uu u furan yahay dhamaan bulshada Soomaaliyeed qofwalba oo diyaar u ah in uu kaqayb qaato qabyaalad ladirirka waa u furan yahay . Waxaa kalimad muhiim ah soojeediyey Suldaan C/qani Qorane ooyiri: soomaali cid ay la collowdo ayayweyday. Markaasayay iyadu cadow iskadhigatay. Waxaa isna dhankiisa bogaadiyey barnaamijkaan Wasiirka Deegaanka Dr. Cali C/laahi Warsame oo yiri: barnaamijkaan waan soo dhawaynayaa waxaan maqlo waa kii ugumudnaa ee aan maqlo , wuxuuna sigaara farta ugu fiiqay saamaynta jahliga iyo faqrigu ay kuleeyihiin faafitaanka qabyaaladda. Gabagabadii waxaa xafladda soo gunaanaday Madaxweyne Kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin Cumar oo barnaamij kaan soodhaweeyey, kana hadlay ahmiyaddiisa, islamar kaana soo jeediyey talooyin muhiim ah. waxaana uu dhankiisa balan qaaday ka dowlad ahaan in ay kala shaqayn doonaan Golayaasha Ladoortay Sidii ay u gaari lahaayeen Guul.