-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS ayaa Caasimadda Online u sheegay in uu socdo diyaargarowga fadhigooda berri 1-da May 2021 oo ay ku dhageysanayaan khudbadda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeenkii Talaadada 27-ka April 2021 shaaciyay in uu kala hadlayo Sharciga jiheynta Doorashooyinka & dib usoo celinta wadahadalkii Afisiyooni ee Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir u socday. Waxaa jiro kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada daacadda u ah Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna ka hadlayaan jawabta ay ka bixin karaan haddii laga dalbado inay ka noqdaan go’aankii muddo kordhinta ah oo ay horey usoo saareyn. Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Xildhibaannada dalka ka maqan ka dalbaday in ay degdeg usoo laabtaan kahor 1-da May 2021 si ay qayb uga noqdaan go’aanka codka gacan-taagga ah ee uu Golaha Shacabka ku laalayo Sharciga Jiheynta oo 12-kii April 2021 Villa Hargeysa ku ansixiyay kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya soo jeedisay in waqti dheereysi labo sano ah uu qalinka ku duugo Baarlamaanka balse tallaabadaas waxaa kahor yimid QM, AU, EU, IGAD, Musharixiinta, Siyaasiyiin & dhinacyo kala duwan. Kulankaan oo ah mid indhaha lagu wado waxa uu fure u yahay fadhiga wadahadalka maadaama 28-kii April 21 uu soo baxay shaki ka dhashay in kulanka Golaha Shacabka la horgeynayo Mooshin degdeg ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya balse waxaa arrintaas jiritaankeeda beeniyay Guddoonka Baarlamaanka oo xaanshi uusoo saaray ku muujiyay wax kama jiraanka warkaas. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa go’aan weliba kadib dib ugu laabanayay Golaha Shacabka laga soo bilaabo July 2020 oo xilgaas ku beegan bilawgii shirarkii Dhuusamareeb ee sababta u ahaa in Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ay is afgartaan ilaa bishii September 2020 Muqdisho ku saxiixdaan heshiiska salka u ah arrimaha Doorashooyinka. The post Wararkii ugu dambeeyey kulanka Baarlamaanka ee Berri dhacayo appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR in ay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma sannadka soo socda. Go’aankaas waxa shaaciyay wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi. Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu kaloo sheegay in mas’uuliyiin ka socda dowladda Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka. Dowladda Kenya ayaa bishii Maarso waxa ay Qaramada Midoobay u sheegtay in muddo laba todobaad ah ay kula timaado hannaankii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof. PUNTLAND POST The post Kenya oo sanad kaddib xireysa xeryaha Dadaab iyo Kakuma appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ee ka soo horjeeda muddo kororsiga Hay’adaha Dowladda Federaalka ayaa iska diiday inay ka baxaan Magaalada Muqdisho, sababo ku aaddan illaa iyo inta laga xaqiijinayo furitaanka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka. Ciidankan iyo Ciidamada Dowladda ayaa habeenkii Axadda ku dagaalamay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Ciidamada Haramcad iyo Booliska Gobolka Banaadir ay weerareen hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ciidankan ayaa gurmad ahaan ku yimid aagga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan oo dagaalku uu ka socday, waxaana horkacayay Saraakiil ay ka mid yihiin Faarax Xasan Xaashi (Faarax Jareer) iyo Liibaan Madaxweyne, waxayna ka tirsan yihiin Guutada 7aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Faarax Xasan Xaashi waa Taliyaha Ururka Gurmad ee Guutada 7aad, kuwaa oo ka hawlgala deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose. Guutada 7aad ayaa la rumeysan yahay inay fashilisay hawlgalkii Dowladda Federaalka ku dooneysay in lagu soo qabto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xoogaga Ururka Gurmad ee Guutada 7aad ayaa haatan fariisimo ka sameystay Degmada Hodan, waxayna Saraakiisha horkaceysa si buuxdo uga horyimaadeen inay xeryahooda dib ugu laabtaan, sababo la xiriira shakiga la sheegay inuu soo kordhay. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii sheegay inuu socdo qorshe la doonayo in lagu carqaladeeyo is afgaradka laga gaaray arrinta doorashada, isagoona Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba uga digay inay carqaladeeyaan amaba xilka ka tuuraan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Kama bixi doono fariisimaha aan ka sameysanay magaalada, haddii la rabo inaan ka baxno waa inay madaxda tagtaa Teendhada Afisyooni, oo halkaasina uu shirka wadahadalada ka furmo. Ninka ku fekeraya inaan xeryaha ku laabano, iyadoo aan heshiis la gaarin waa nin riyooday,” ayuu yiri Faarax Jareere. Dhanka kale Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo diidan muddo kororsiga ayaa iska diiday inay baneeyaan goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada. Ciidankan ayaa tan iyo habeenkii Sabtida ku sugan qaybo ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, ka dib markii ay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayen Gobolka Shabellaha Dhexe. Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Saney Cabdulle Gaab ayaa horkacaya ciidamadan. Inkastoo Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ay horumar ka sameeyeen arrimaha taagan ayaa waxaa haddana muuqato in weli uu kala shaki jiro. Tani ayaa imaanaysa, xilli Ra’iisal Wasaare Rooble uu Arbacadii shalay ku baaqay in qoysaskii ka barakacay magaalada ay dib guryahooda ugu soo laabtaan. The post Ciidamada diidan muddo kororsiga oo ka hor-yimid inay Muqdisho ka baxaan appeared first on Caasimada Online.
-
Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in dalka Hindiya loo dirayo sahay qiimaheedu dhan yahay 100-milyan ,si ay qeyb uga noqoto la-tacaalidda dalkaasi uu ugu jiro kororka kiisaska COVIDb 19. Duulimaadyada tagaya dalka Hindiya ee wada Sahayda ayaa lagu wadaa in ay bilowdaan,iyadoo howsha daabulka ay socon doonto illaa todobaadka soo socda. Sahayda gargaarka ee la dirayo waxaa ka mid ah 1,000 haaman oo oksijiin ah, 15 milyan oo afgashi iyo hal milyan oo ah qalabka lagu ogaado baaritaanka degdegga ah. Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu Hindiya caawiyo Ka dib markii Hindiya ay horay gargaar ugu dirtay Mareykanka xilligii uu la halgamaayey xalka cudurka Covid 19. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Hindya u diraya adeeg caafimaad oo lagu qiyaasay 100-milyan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa beeniyey warar sheegaya in Rooble uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah wasiiradiisa. Wararkan, oo aad ugu baahay baraha bulshada saacadihii ugu dambeeyey, ayaa lagu sheegay in Rooble uu doonayo inuu meesho ka saaro wasiirada ku dhow Farmaajo, xilli la tuhunsan yahay inuu khilaaf ka dhaxeeyo labada mas’uul. Hase yeeshee, Macallimuu ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas. “Nin baa galab gaabkii maanta i soo wacay oo ii sheegaya in uu RW Rooble xilka ka qaadayo Wasiir X ,Y,Z . Aad baan ula yaabay waxaan ku iri Wasiiradaa aad ka hadleyso qaarkood baa kulan shaqo hadda kula jira Ra’isul Wasaaraha,” ayuu yiri Macallimuu oo qoraal soo dhigay facebook. Waxa uu intaas ku daray “Isla ninkii odayga ahaa baan I soo wacay Taraawiixda kadib ,wuxuu i leeyahay sheekada haddaan xaqiiqdeeda soo helay, Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiiradii aan galabta kuu sheegay ee X,Y,Z amray in ay deg deg isu casilaan oo waxaan sugayaa Live-kooda.” “Waxaan xaqiiqsaday in beentan hore aaney waxba ka duwaneyn tii galabta. Waxaan is weydiiyay wax aan jirin buunbuuniteeda maxuu ka helayaa ruuxaa mise Shayaadiintii la xirxiray bisha Ramadaan ayaa u soo wareegay Facebook iyo Twitter?” Rooble iyo Farmaajo ayaa aragti ahaa kala fogaaday kadib markii Rooble uu Talaadadii qaatay go’aan uu ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, iyo in dowladda ay weerarto ciidamada diidan muddo kororsiga ee ku sugan magaalada Muqdisho. The post Maxaa ka jira in Rooble uu doonayo inuu xilalka ka qaado wasiiro ku dhow Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The District Commissioner of Barawe Town in the Lower Shabelle region says that he was nearly assassinated on Thursday when Somali military officers shot at his vehicle after he was turned away from his office. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The District Commissioner of Barawe Town in the Lower Shabelle region, Omar Sheikh Abdi, says that he was nearly assassinated on Thursday when Somali military officers shot at his vehicle after he was turned away from his office. Source: Hiiraan Online
-
April 29, 2021 — The Committee to Protect Journalists today expressed alarm at recent actions by Somali security forces who detained and beat journalists and raided a private news outlet, and called on regional and federal authorities to ensure that members of the media can do their jobs without fearing for their safety. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya (AP) — Kenya wants two refugee camps which hosts hundreds of thousands of refugees from war-torn countries closed by June 30 next year, the government said Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in dad gaaraya 79-qof laga helay cudurka Coronavis, kuwaasi oo lagu xaqiijiyey baaritaanadii u dambeeyay ee laga sameeyay deegaanadaas. Covid-19 ayaa markale si weyn ugu soo labo-kacleeyay deegaanada Somaliland, ayada oo laga deyrinayo xawliga faafistiisa, waxaana maalmihii u dambeeyay lasoo warinayaa in dad hor leh cudurkaas ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Boorama. Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu faro ba’an ku hayo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, isagoona sheegay in dadka u geeriyooday ay u badan yihiin waayeel. “Waxaad mooda in usoo kordhayo inta dambe gobol ahaan, gaar ahaan degmada Boorama oo caasimada gobolka ah, xaalada ahaan waxaa joogna waqtigii ugu cuslaa, iyada oo cidna waqtigeeda dhaafeyna haddana dhimashadu wey nagu badan tahay oo uu sabab u yahay Covid-ku, waana dadka waaweyn,” ayuu yiri Dr. Mustafe Muumin Muuse. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka uu soo ritay ee ugu geeriyooday magaalada Boorama cudurkaan ay u badan yihiin dadka waaweyn ee qaba xanuunada gaar ah, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay qaataan tallaalka cudurka oo kal hore la gaarsiiyey Somaliland. Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu faro ba’an ku hayaa Somaliland tan iyo markii uu dalka kusoo labo kacleeyay, waxaana guud ahaan cudurka laga helay 4,267-qof, halka ay u geeriyoodeen 269-qof, ilaa hadda inta la ogyahay. The post Dad badan oo Somaliland ugu geeriyooday COVID-19 appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliska S/land oo dilay Libaax uu lahaa Warancade oo Xalay Hadal-hayntiisu Hargaysa qabsatay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Daba gale ayaa Saaka Warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidanka Boolisku dileen Libaaxii ka Baxsaday Beerta lagu xannaaneeyo ee uu leeyahay Cali Maxamed Warancade. Taliyaha oo sheegay in Ciidanka Boolisku ay tan iyo xalay baadi goob ugu jireen sidii loo qaban lahaa Libaaxan oo dhaawacay ruux haween ah markii uu ka baxsaday Beertii lagu hayay. Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu Shacabka Caasimadda Hargaysa u sheegay in caasimadu nabad tahay isla markaana la soo afjaray hadal hayntii ka dhalatay Habeenkii xalay Libaaxaas baxsadka ahaa. Qaran News
-
For the sake of Somalia’s security, stability and development, it is vital to hold consensus-based elections as soon as possible. The United Kingdom notes President Farmajo’s decision to return to dialogue with Federal Member State leaders based on their 17 September agreement, which is the only route endorsed by the Federal Government of Somalia and all Federal Member States. We commend Prime Minister Roble and the Federal Member State leaders for rejecting a mandate extension. We now call on the President and Federal Member State leaders to engage urgently in talks without preconditions. They should come prepared to make necessary compromises and negotiate in good faith. We are gravely concerned that failure to move quickly towards elections could lead to greater insecurity, in Mogadishu and elsewhere, and have serious humanitarian consequences. Violence in Mogadishu has already displaced tens of thousands. Drought compounds the risks to civilian lives and livelihoods. We call on all security forces in the capital to refrain from violence and maintain calm. It is imperative that the security forces focus their efforts on countering the common enemy of Al Shabaab ensuring that it does not exploit this period of political uncertainty. The post UK statement on Somalia election negotiations appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, ayada oo ballan-qaaday inay ka qeyb qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee xalka lagu raadinayo. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa lagu yiri “Waxaan la soconaa arrimaha ka dhacaya Soomaaliya ee ay sii xumeysa qabasho la’aanta doorashooyinkii Febraayo.” “Ayada oo xubin joogto ah ka ah Golaha Ammaanka ee QM, Russia waxay qorsheyneysa inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee caawimaad dhameystiran lagu siinayo Muqdisho.” Waa markii ugu horreysay ee Ruushku ay ka hadlaan is-mari waaga doorashada Soomaaliya, tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, 7-dii Febraayo 2021. #Zakharova: We are monitoring the developments in #Somalia aggravated by the failure to hold a general election in February. As a permanent member of the #UNSC, #Russia plans to support international efforts & provide comprehensive assistance to #Mogadishu pic.twitter.com/2KDx8ZOBOk — MFA Russia (@mfa_russia) April 29, 2021 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku dayeysay inay ku dhowaato Ruushka, kadib markii reer galbeedka ay Farmaajo ka diideen muddo kororsiga, waxaana 15-kii April Muqdisho ku kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Belel Cusmaan iyo safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovanov. Caasimada Online ayaa 7-dii April qortay xog gaar ah oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM. Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah, islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka. Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah. Si kastaba, xitaa haddii Ruushka iyo Shiinaha ay dowladda ka hor-istaagaan qaraarada golaha ammaanka, waxaa xusid mudan in Mareykanka iyo Yurub ay saari karaan cunqabateyno iskood ah, maadaama dhaqaalaha caalamka oo idil ay inta badan ayaga maamulaan. The post Ruushka oo war naadir ah ka soo saaray qabasho la’aanta doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaad kala socotaa howlgalladii khaaska ahaa ee lagu dilay ama lagu xiray Usaama, Saadaam iyo Qadaafi? Mareykanka ayaa muddo sannado ah hoggaanka u hayay dadaal lagu doonayay in lagu soo xiro ama lagu dilo madaxda kooxo argagixiso ah ama madaxweyneyaal dalalkooda laga afgambiyay oo loo heysto dambiyo kala duwan. Dadka loogu doon doonista badnaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen, Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Qadaafi iyo hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida Usaama bin Laadin. Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa qorshe walba u sameyn jiray sidii ay ugu guuleysan lahaayeen hadafkaas. Qof marka uu noqdo hoggaamiye waddan ama koox waxyaabaha uu fursadda u helo waxaa ka mid ah in la difaaco sharaftiisa oo amnigiisana la sugo. Taas ayaa adkeyneysay in horumar laga gaaro soo qabashadooda ama dilkooda. Haddaba sidee ayay u dhaceen howlgalladii khaaska ahaa ee raggaas ka dhanka ahaa? Howlgalkii lagu fuliyay Usmaama bin Laadin Ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonka ee Mareykanka ayaa howlgal ay ujeeddadiisu ahyad in lagu xiro ama lagu dilo Usaamada bin Laadin. Ninkan oo ahaa hoggaamiyihii hore ee kooxda A-Qaacida ayaa loo heystay dambiyo uu ka mid yahay weerarkii Mareykanka ka dhacay September 11,2001. Howlgalkan oo lagu magacaabay “Neptune Spear” waxaa la qorsheynayay muddo bilooyin ah. Laakiin daqiiqado kooban ayaa lagu fuliyay bishii May ee sanadkii 2011-kii. Koox khaas ah oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ka safray dalka Afghanistan waxayna xilli saq dhexe ah gaareen meel 192km gudaha u ah dalka Pakistan oo uu ku dhuumanayay Usaama bin Laadin. Ciidankan oo watay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) ayaa si deg deg ah u weeraray dhismaha la bartilmaameedsanayay, iyagoo halkaas ku toogtay shan ruux oo uu ku jiray Usaama bin Laadin. Qiyaastii 40 daqiiqo kaddib way ka tageen goobta, iyagoo horay usii qaatay meydka Bin laadin iyo qalab kumbuyuutarro ah oo ay ku jirtay xogta sirdoonka ee kooxda Al-Qaacida iyo howlaha ay fulinayeen. Waxay halkaas uga tageen dad kale oo la dilay, oo ay ka mid ahaayeen haweeney iyo mid ka mid ah carruurtii Bin Laadin. Waxay sidoo kale ka tageen koox ka kooban saddex haween ah iyo 13 carruur ah -11 wiil iyo 2 gabdhood – oo gacmaha laga wada xiray. Howlgalkaas oo dhacay 2-dii bishii May waxaa ciidanka caawiyay iftiinka dayaxa oo si fiican wax loogu arkayay. Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas, Barack Obama ayaa soo bandhigay oggolaanshaha weerarka oo la bixiyay subaxnimadii Jimcada ee 29-kii bishii April. Inta uusan howlgalka bilaabanin labo kooxood oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ayaa shan diyaaradood looga soo qaaday saldhigga Mareykanka ee magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan. Koox kale ka kooban 24 askari oo watay saddex diyaaradood oo helicopter ah ayaa ku diyaarsanaa meel 10 daqiiqo looga socdo garoonka diyaaradaha. Labo diyaaradood oo kale – oo noocoodu yahay Black Hawk – ayaa u duulay deegaanka Abbottabad. Waxaa labada diyaaradood la socday 23 askari, turjumaan iyo hal eey. Kaddib saddex askari ayaa lagu amray inay raadiyaan Bin Laadin. Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in mid ka mid ah diyaaradaha ay dul tagto dhismaha dheer ee uu ku jiray Usaama, kaddibna ay askarta kor uga daataan iyagoo xargo uga dagaya diyaaradda. Ujeeddadu waxay ahayd in howlgalka uu ku dhaco shanqar la’aan iyadoo aan cidna hurdada laga toosinin. Markii ay CIA-da billaabeen howlgalka lagu soo xirayo ama lagu soo dilayo Bin Laadin bishii May 2011, dowladda Mareykanku waxay go’aansatay in aysan Pakistan ku wargelinin goorta ay diyaaradaha qumaatiga u kaca galayaan gudaha Pakistan. Waxay ka cabsanayeen in uu qof xogtaas u gudbiyo Bin Laadin, uuna sidaas ku baxsado. Howlgalkii lagu fuliyay Saadaam Xuseen 13-kii bishii December, 2003 ayay howlgalkan oo lagu magacaabay “Red Down” militariga Mareykanka ka fuliyeen magaalada Ad-Dawr, oo u dhow magaalada Tikrit ee dalka Ciraaq. Waxaa lagu guuleystay in Saadaam Xuseen lasoo xiro isagoo nool. Howlgalka waxaa loogu magac daray filim soo baxay sanadkii 1984-kii. Kaddib markii Saadaam Xuseen xilka looga tuuray dagaalkii Ciraaq, militariga Mareykanku waxay bilaabeen inay raadiyaan madaxweynihii dalka xukumayay iyo saraakiishii sar sare ee maamulka dowladdiisa. Xog ayaa horseedday in loogu tago meel god ah oo u dhow beer ku taalla agagaarka magaalada uu kasoo jeeday ee Tikrit. Ciidankii howlgalka fulinayay oo qorsheynaya in ay bambo ku tuuraan godka ayuu mar qura kasoo baxay Saadaam Xuseen, wuuna is dhiibay, sida uu sheegay Korneyl James Hickey oo hoggaaminayay howlgalkaas. yey Sadaam Xuseen Xogta muhiimka ah ee lagu soo qabtay Saadaam waxaa laga helay nin Baqdaad lagu xiray maalintaas maalintii ka horreysay, sida uu korneylka sheegay. Inkastoo goobtaas horay loo baaray, waxaa suuragal ah in markii hore uusan joogin Saadaam maadaama uu marba meel u baxsanayay. Ma jirin wax telefoonno ama qalab kale oo laga helay goobtii lagu xiray Saadaam Xuseen, taasoo caddeyneysay in uusan wax xiriir ah la lahayn militariga Ciraaq. Laakiin askarta waxay meeshaas ka heleen lacag dhan $750,000 oo kulligeed u sarifneyd $100, labo qori oo AK47 ah iyo boorso yar. Mucamar Qadaafi Markii ay kacdoonnadii carabta ka bilowdeen Tunisia bishii December 2010, Liibiya kuma aysan jirin liiska dalalka loo maleynayay inay saameynta gaari doonto durba. Qadaafi waxaa loo arkayay inuu ahaa nin maamulkiisu istiraatiiji yahay oo ay u dul qaadanayeen shacabkiisa in ka badan inta loo dul qaatay madaxda kale ee carabta. Laakiin ma uusan ahayn hoggaamiye u janjeera dhinaca dalalka reer galbeedka, sida madaxda kale ee carbeed. Markii uu xoogeystay kacdoonkii dalalka carabta, dalka Liibiyana ay soo gaareen, Qadaafi wuxuu ka cararay aqalkii madaxtooyada. Waxaa la sheegay inuu aad u xasuustay sidii adkeyd ee uu ula tacaalay fallaagadii ku kacday 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii. Wuxuu geeridiisa ula kulmay si bah dil ah kaddib markii xoogagga NTC ee kasoo hor jeeday maamulkiisa ay heleen isagoo ku dhuumanaya biyo mareen dhulka hoostiisa ah. Wuxuu halkaas galay si uu uga badbaado duqeymo ay diyaaradaha Nato oo dalkaas faro galin ku sameeyay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo uu watay, isagoo isku doonayay inuu ka cararo magaaladii ugu dambeysay ee uu gacanta ku hayay ee Sirte. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Kenya ayaa shaacisay inay dib u dhigtay xiritaankii xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma oo ay ku jiraan qaxooti ay ka mid yihiin boqolaal kun oo Soomaali ah. Go’aankan ayay ku dhowaaqday Kenya shalay kadib markii ay kulan yeesheen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dunida UNHCR Filippo Grandi. Kenya waxay sheegtay inay xeryahan xiri doonto marka la gaaro bisha 30-ka Juun ee sannadka 2022-ka. Guddi ka socda dawladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabi doona qorshaha lagu dedejinayo xiritaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dawladda Kenya. Dadka qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya. Kenya ayaa sheegtay inay xilligan ku jiraan xeryaha Dadaab iyo Kakuma qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayey dawladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootiga. Hay’adda xuuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhowaysay go’aanka dawladda Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in go’aanka lagu xiray xeryaha qaxootiga uu yahay mid siyaasadeed, oo ay Kenya ku beegsanesyo Soomaalida, xilli ay is-hayaan dowladda federaalka. The post Dowladda Kenya oo dib u dhigtay go’aankii ka dhanka ahaa Soomaalida + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Press Release UK statement on Somalia election negotiations
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Press release 29th April 2021 UK statement on Somalia election negotiations For the sake of Somalia’s security, stability and development, it is vital to hold consensus-based elections as soon as possible. The United Kingdom notes President Farmajo’s decision to return to dialogue with Federal Member State leaders based on their 17 September agreement, which is the only route endorsed by the Federal Government of Somalia and all Federal Member States. We commend Prime Minister Roble and the Federal Member State leaders for rejecting a mandate extension. We now call on the President and Federal Member State leaders to engage urgently in talks without preconditions. They should come prepared to make necessary compromises and negotiate in good faith. We are gravely concerned that failure to move quickly towards elections could lead to greater insecurity, in Mogadishu and elsewhere, and have serious humanitarian consequences. Violence in Mogadishu has already displaced tens of thousands. Drought compounds the risks to civilian lives and livelihoods. We call on all security forces in the capital to refrain from violence and maintain calm. It is imperative that the security forces focus their efforts on countering the common enemy of Al Shabaab ensuring that it does not exploit this period of political uncertainty. Qaran News -
Tan iyo markii la aasaasay Barnaamijka Shaqo-Qaran waxa uu is-bedel wayni ku yimid yididiiladii iyo noloshii dhallinyarada hanka leh. Waxaa soo noolaaday kalsoonidii shakhsiyeed ee aqoonyahanka, markii ay yaqiinsadeen in ay kartidooda iyo aqoontooda ku meel mari karaan, dalkoodana ugu adeegi karaan iyaga oo horseed u noqon kara badhaadhidda ciida ay ku noolyihiin iyo barwaaqawga nolosha dadkooda, iyaga oo adeegsanaya aqoontooda iyo jaaniska laga siiyey hannaanka dawladnimo. Barnaamijka Carbiska Barbaarta aqoonyahanka(Shaqo-Qaran), waxaa markii ugu horraysay hal-abuuray oo daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Barnaamijka Shaqo-Qaran waxa uu tixgelin muuqata siiyaa hablaha aqoonyahanka ah iyo inamada da’doodu ka yartahag 30 jirka. Kootada hablaha loo qoondeeyey saami ah 30%. Halka inamadana loo qoondeeyey saami ah 70%. Mudada kooban ee barnaamijkani abuurnaa waxaa taageerada Alle iyo dedaalka xukuumadda ku sugnaaday guulo dhaxal gal ah oo ay kamidyihiin. 1. Waxaa dufcaddii koowaad ee Shaqo-Qaran ka faaiidaystay wiilal iyo gabdho tiradoodu dhantahay 1349 dhallinyaro ah oo 1203 kamid ahi shaqaale joogto ah ka yihiin Maanta Wasaaradaha iyo hay’adaha madaniga ah ee dawladda. Halka 146 kamid ahi ku biireen ciidamada Qalabka-sida ee Qaranka. Kaas oo ay garbahooda saaranyihiin darajada laba xiddigle, kolkii ay soo dhammaysteen tobabarkii Ciidanka Qalabka-sida, dhammaantoodna laga dhigay taliyaal maamulaaya laamaha kale duwan ee Ciidanka, aqoontooda iyo kartidooda dhallinyaronimana uga faa’iidaynaya qarankooda iyo dadkooda ay u adeegayaan. 2. Sidoo kale dufcaddii 2aad oo ka kooban 732 waxay ku jiraan lix bilood oo Carbis Shaqo-Qaran ah. Iyagoo dhammaantood ka hawlgala wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska. Carbiskan marka ay dhammaystaana ku biiro doona laama dawladda. 3. Sidoo kale, dufcaddii 3aad oo ka kooban 330 dhallinyaro wiilal ah ayaa ku jira kulliyada carbiska ee Shaqo-Qaran ee Dararweyne. Dhammaantoodna waxay ku qaadan doonan saddex bilood oo Carbis ah. Halka ku dhowaad 200 hablo ahina ku qaadanayaan Carbiska Jaamacadaha Lixda gobol. Ugu danbayntii Barnaamijka Shaqo-Qaran saddexdii sano ee uu jiray waxa uu gaadhay guulo la taaban karo. Carbiska Shaqo-Qaran waxa uu yeeshay xarun tobabar oo u gaar ah. Waxa uu yeeshay hoy qaadi kara in kabadan 500 oo qof. Waxaa leeyahay hool weyn oo qaadi kara in ka badan 1500 oo qof. Carbiska Shaqo-Qaran waxaa leeyahay xarun caafimaad, baabuur u adeega iyo gaadiidka biyaha qaada oo dhammaystiran. Dhammaan aasaasiyaadka noloshu waa mid sarraysa inta lagu jiro Carbiska Shaqo-Qaran. Sadam Osman Kaabash Medical Lab Technologist Freelance Jornalist. Qaran News
-
Mid ka mid ah Libaaxyadii ku jiray beerta Libaaxyada ee Cali Warancadde oo fakaday ayaan ilaa hada aan la hayn mrel uu jaan iyo cidhib dhigay. Libaaxani ayaa waxyeelo u gaystay ruux dumar ah oo Oromo ah taasi oo uu dhaawacyo halis ah u gaystay, ciidamada booliska ayaa heegan la galiyay si loo khaarajiyo inta aanu gaysan khasaare kale ilaa hada lama hubo in uu cid kale waxyeelo ugu gaystay iyo in kale waxana caawa cabsi xoogani la soo daristay dadweynaha caasimada iyada oo goobo badan la faaruqiyay iyada oo guryaha lagu xarooday Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir oo la yiraahdo Muuse Cabdi Caraale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisada colaadeed ee ka dhex taagan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo xubnaha mucaaradka ah, kuwaas ciidamo kala taabacsan ay dhawaan ku dagaalameen gudaha magaalada Muqdisho. Muuse Cabdi oo wareysi siiyey warbaahinta kooxda ayaa eedeynta ugu weyn ee wixii dhacay dusha ka saaray madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in wixii kala dhaxeeyey ragga kala ee ka soo hor jeeda uu kaligiis la cararay, balse waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabka laga barakiciyey gurayahooda xilligaan kuleyka ah. Sidoo kale sarkaalkaan ka tirsan Al-Shabaab waxa uu qabaa in labada dhinac ee ku hardamaya Muqdisho uusan midkood wax maslaxo ah u haynin bulshada ku nool magaaladan, isagoo sheegay in garab kasta uu wato danihiisa u gaarka ah. Mar wax laga weydiiyey suurta galnimada inay heshii karaan dhinacyada isku khilaafay doorashada Soomaaliya, maadaama Farmaajo Sabtiga hor tegayo BF waxa uu yiri, “Uma muuqato inay heshii doonaan, sababtoo ah Farmaajo waxa uu aruursanayaa ciidamo uu ka keensanaayo, Galgaduud, Gedo, Bay iyo Hiiraan, waxa uu ciidamadaas u soo uruursanayana waa inuu ku dagaalamo, mucaaradkuna waa fahamsan yahay oo waxay diyaarinayaan qorsheyaal hor leh, waxayna u diyaar garoobayaan dagaal, Farmaajana mujaamalo ayuu ku wadaa, hana u maleynin inay heshii doonaan.” Waxuu intaas ku sii daray, “Dadka reer Muqdisho waa il bax, maaha dad la dheyalsan karo, waxaan leeyahay reer Muqdishow yaan la niyad jebin, dadka doonaya inay soo celiyaan sharaftiina waa taqaanaan.” Sidoo kale sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab waxaa uu sheegay in beesha caalamka aysan si daacad u kala dhex-geli doonin labada dhinac, balse ay hadda wax-wal ka qabaan burburka ay wajahayaan ciidankii ay dhiseen ee kharashka badani uga baxay. Mar wax laga weydiiyey baaqyada ka soo baxa beesha caalamka waxa uu yiri, “Qoladaas markoodii hore waxay dhaqaale xoog leh geliyeen AMISOM, markii ay guul dareysteen oo ay wax ka qaban waayeen weeraradeena, waxay u weecdeen oo dhaqaale xoog leh mar kale geliyeen dhismaha ciidamada Soomaalida, marka hada shisheeyuhu kama murugsana inay Soomaalidu is disho, ee waxaa murug ku haaya beertii ay tabcayeen ee juhdiga badan ay ku buxiyeen inay hadda sii burbureyso, oo ciidankii ay tabceen ay beelahooda kala raacayaan, mida ay ka dhawaajinayaan oo mar kasta ay ka calaacalayana waa taas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. The post Guddoomiyaha Al-Shabaab ee G/Banaadir oo si yaab leh uga hadlay dagaaladii mucaaradka iyo DF appeared first on Caasimada Online.