Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in sanadkan shaqaalaha Puntlalnd la tirakoobay lana diyaariyay qorshe kor loogu qaadayo xirfadooda iyo mushaarkoodka. “Sanadka waxay shaqaalaha Puntland munaasabadda 1-dq May ugu soo aaday iyadoo la tirakoobay shaqaalaha, lana diyaariyay qorshaha kor u qaadista xirfadooda iyo kordhinta mushaarkooda” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynahe Deni ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu hambalyo la xiriirta munaasabadda 1-da May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyay shaqaalaha ku jira furimaha hore ee ka shaqeeya amniga iyo la dagaalanka Covid-19. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Waxaan diyaarinay qorshe shaqaalaha kor loogu qaadayo xirfadooda iyo mushaarkooda appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada)- Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa muuqaal tallo iyo tusaaleyn ah oo ku socotay mucaaradka iyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday si adag ula hadlay, isagoona labada dhinac ka codsaday in dalka iyo dadka loo turo wax walbana lagu dhameeyo wada hadal iyo tanaasul maadaama koox walba ay hami ka leeyihiin inay dalka hoggaamiyaan. Tarsan ayaa si adag ula hadlay mucaaradka isagoona ku eedeeyay in aysan danta dalka iyo dadka u tureyn ee ay danahooda kaliya eeganayaan, wuxuuna carabka ku dhuftay in dalal shisheeye ay qorshaha siyaasadeed iyo xasilooni daro in dalka la geliyo ay doonayaan dalalkaasi oo uu tilmaamay in maslaxadooda ay ku jirto xasilooni darada Somalia. Sidoo kale, Safiirka Somalia ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu fiiriyo danta dalka, dalka iyo marxalada adag ee shacabka ku jiraan, dagaalna uusan xal u arag ee uu muujiyo tanaasul iyo wada hadal in wax walba lagu dhameeyo. “Madaxweyne, waxaan ku leeyahay afartii sano waa dhamaatay, adigoo karaamo leh xilka ka tag, waqti baa haysataa adigoo sharaf leh waxaan kaa rajeynayaa berito, markaad baarlamaanta tagtid inaad iska dhiibto xilka, oo tiraahdo Soomaaliyeed waa soo shaqeeyay, waxaan rabay wadanka inaan dhiso, aragtideeda lahaa, laakiin dad baa i diiday, sidaas ayaa ugu tegay” ayuu yiri Tarsan oo haddii la isku dayo in ciidan la isu adeegsado sharaf xumo ay tahay. Hadalka Tarsan oo aad u dheeraa ayaa waxaa micnahiisa uu kusoo koobay in tanaasulka uusan aheyn jab siyaasadeed, isagoona si adag ula taliyay Farmaajo in taariikhdiisa uusan kusoo gabagabeyn dagaal in xukunka lagu qabsado, isagoona tusaale usoo qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee geeriyooday Nuur Cadde iyo C/qaasim Salaad oo si sharaf leh siyaasadda xusto.  The post Tarsan “Madaxweyne Farmaajo afartaada sano waa dhamaatay beri adigoo sharaf leh xilka iska dhiib”: Daawo appeared first on Caasimada Online.
  3. Kismaayo (Wararka PP) — Qaar ka mid ah murrashixiinta Soomaaliyeed ayaa shirar kula leh Muqdisho beelaha ka soo jeeda Jubaland qaarkood. Shirarkan oo aan la sii shaacinin, waxay diiradda saarayaan siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan Jubaland haddii isbeddel dhaco. Xildhibaanno uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in murrashaxiinta looga baahan yahay inay caddeeyaan mowqifkooda Jubaland. Waxaa Muqdisho ka socda shirar ay ka qeybgaleen odayaal lagu tilmaamay reer Jubaland lagagana arrinsanayo sida loo soo xuli karo xildhibaanno iyo Senatarro haddii wadahadallada doorashooyinku burburaan mar kale. Inkastoo Sheekh Shariif Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka qeybgaleen xafladdii lagu caleemo-saaray Axmed Maxamed Islaam 2019kii, ma cadda inay taageersan yihiin laalidda go’aanka Dowladda Federaalku ugu aqoonsatay maamulka Jubaland mid ku meelgaar ah oo muddo-xileedkiisu dhammaan doono dhowr bilood kaddib sanadkan. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam maamulkiisu waa ku meelgaar, sida dowladda federaalku aamminsan tahay. Mid ka mid ah siyaasiyiinta ku dhowdhow Axmed Madoobe oo aan doonayn in magaciisa la xuso ayaa Puntland Post u sheegay in “Axmed Madoobe og yahay halista siyaasadeed ee ku gadaaman maamulkiisa haddii isbeddel dhaco iyada oo go’aankii dowladda federaalku maamul ku meelgaar ah ugu aqoonsatay Jubaland uu weli jiro.” Waa sababta Jubaland uga soo horjeeddo in Madaxweyne Farmaajo mar labaad ku guuleysto madaxtooyada Soomaaliya, ayuu siyaasigu ku daray. Muranka Gedo Maamulka Jubaland wuxuu ku doodi doonaa in dib loogu noqdo heshiiskii bannaynayay in xildhibaannada iyo Senatarrada Gedo ka sooo jeeda aan lagu soo dooranin Kismaayo. Wuxuu u arkaa qodob xaq u siinaya beelaha kale ee Jubaland inay xildhibaannadooda ku doortaan Muqdisho. Gorfeeyeyaal dhowr ah ayaa qaba inay tahay sababta Axmed Madoobe ugu dadaalay in muddo-xileedka hay’adaha federaalku dhammaado iyada oo aan heshiis dhammaystiran laga gaarin doorashada dadban. “Dowladda federaalka iyo Jubaland maanta waa isku heer; midna waqtiga ayaa ka dhammaaday, midna ku meelgaarnimo ayaa ku suntan” ayuu ku doodayaa Cali Xasan, gorfeeye siyaasadeed oo ku sugan Jubaland. Maxamuud Geeldoon oo muujinaya in dowladda adag uu Madaxweyne Farmaajo ku taamayo unkiddeeda tahay dhalanteed waayo ciidammadii beeluhu weli way jiraan. Welwelka ugu weyn oo haya Axmed Madoobe waa suurtogalnimada inay soo baxdo dowlad cusub oo meeshaas ka sii wadda siyaasaddii go’doominta Jubaland inkastoo Muqdisho maanta ay ku wada sugan yihiin ciidammo beeleedyo iyo ciidammada dowladda. “Go’doominta Jubaland waa olole qarsoon. Siyaasiga ka hor yimaada wuxuu waayayaa codad badan sidaas darteed waa inay ballanqaadyo u sameeyaan beelaha ka soo horjeeda maamulka hadda ka jira Jubaland” ayuu yiri Cali Xasan. Dowladda federaalka ayaa xannibaad duulimaadyada ah ku soo rogtay Kismaayo 2019kii markii doorasho uu maamulka Jubaland maamulay ay halkaas ka dhacday. Axmed Madoobe ayaa doorashada ku guuleystay. © Puntland Post, 2021 The post Shirar Maamulka Jubaland ka Dhan ah oo Muqdisho ka Socda appeared first on Puntland Post.
  4. NAIROBI, Kenya — During his years as an administrator at the Department of Transportation in upstate New York, the Somali refugee turned American citizen took classes in political science, imbibing democratic values he hoped to one day export back to his homeland. Source: Hiiraan Online
  5. Mohamed Abdullahi Mohamed, better known to his people as Farmaajo, was once a popular figure. Residents in Mogadishu, the capital of Somalia, welcomed him to the presidency in 2017 with celebratory gunfire. They saw him as a reformer who would fight corruption. Source: Hiiraan Online
  6. Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday inuu banneeyo xafiiska si loo gaaro heshiis doorasho oo wadar ogol ah. Golaha ayaa sheegay in Madaxweynihii hore uu yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka. haddaba halkan hoose ka akhriso warmurtiyeedka ay soo saareen golaha Midowga Musharixiinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. New York (Caasimada Online) – Wargeyska New York Times ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray sababta uu madaxweyne Farmaajo isaga dhiibay baasaboorka Mareykanka, inuu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, iyo dhacdo ku saabsan Jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo, oo tusaale u ah sida uu xukunka u jecel yahay. Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii August 2019 ka tanaasulsay muwaadannimadiisa Mareykanka, isaga oo aan shaacin wax sabab ah, hase yeeshee New York Times ayaa warbixin uu maanta qoray ku sheegay inay ugu wacan tahay hal sabab. “Markii Farmaajo uu iska dhiibay baasaboorka Mareykanka, waxaa jiray baaritaan ay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) ku haysay maaliyaddiisa (lacagihiisa), sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah oo arrintan xog ogaal u ah, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan oo ku saabsan madaxweyne dal,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times. IRS ayaa awood u leh inay baarto lacagaha iyo dhaqaalaha muwaadniinta Mareykanka, haddii lagu tuhmo qaladaad, meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Isaga oo ka tanaasulaya dhalashadiisa Mareykanka, Farmaajo wuxuu ka baxay xeendaabkii ay ku baari kartay IRS. New York Times ayaa sheegtay in markii arrintan wax laga weydiiyey xafiiska Farmaajo aysan wax jawaab ka bixin baaritaanka IRS. New York Times ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday arrin aan horey loo ogeyn oo ah in Farmaajo uu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada. “Mr. Maxamed wuxuu Mareykanka yimid 1985-kii isaga oo ah diblomaasi curdun ah oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya. Markii dalkiisa uu dagaallada galay wuxuu go’aansaday inuu iska sii joogo. Qof saaxiib la ah qoyskiisa ayaa sheegay inuu marka hore magan-galyo ka codsaday Canada oo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalhiis, wuxuuna kadib qaatay baasaboorka Canada,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times. Illaa iyo hadda ma jiro diiwaan shaacsan oo muujinaya in Farmaajo uu ka tanaasulay baasaboorka Canada. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Farmaajo oo markaas un guursaday uu dib ugu soo guuray Mareykanka horraantii sagaashamaadkii, uuna degay magaalada Buffalo. Warbixinta New York Times ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday dhacdo ku saabsan nolosha Farmaajo oo ka dhacday magaalada Buffalo ee gobolka New York, oo tusaale u noqon karta hanaankiisa siyaasadeed ee hadda meesha halista ah istaajiyey Soomaaliya. “Dhowr ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya,” ayaa lagu yiri warbixinta. Xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka, oo codsaday inaan magacyooda la shaacin si uusan u xumaan xiriirka ay la leeyihiin qoyska Farmaajo, ayaa intaas ku daray in murankaas uu horseeday in jaaliyadda ay u kala jabot laba garab, Sheekada ku saabsan arrintan Jaaliyadda ayaa horey marar badan waxaa loogu soo qoray baraha bulshada, hase yeeshee warbixinta New York Times ayaa ah markii ugu horreysay oo ay warbaahin sumcad leh ay arrintan kashifto. Halkan ka aqriso warbixinta New York Times The post New York Times oo qoray warbixin xasasaasi ah oo kashiftay saddex sir oo u qarsanaa Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa diginin culus u diray guddoonka Golaha Shacabka, sidoo kalena dalbaday in Farmaajo uu faraha kala baxo hanaanka doorashooyinka qaranka. Hoos ka aqriso qoraalka Golaha. War-saxaafadeed Golaha Midowga Murashixiinta wuxuu uga digayaa guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday in ay qaadaan tillaabo lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka, sidii ay 12 kii Abriil 2021, iyaga iyo tiro kooban oo xildhibaano ah u qateen go’aan sharci darro ah oo dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Goluhu wuxuu caddaynayaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo uu yahay caqabadda ugu wayn ee hortaagan heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka, sidaas darteed wuxuu Goluhu ku baaqayaa in uu faraha kala baxo hawlaha doorashooyinka, isla markaana banneeyo xafiiska uu sida sharci darrada ah ku degan yahay ee Villa Somalia. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Raysal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta in uu si buuxda ula wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka. Tillaabadani waxay sahlaysaa dib u midaynta iyo kalsooni dhiska ciidanka qalabka sida ee ku kala qaybsamay diidmada muddo kordhinta sharci darrida ah. Waxay kaloo xoojinaysaa kalsooni lagu qabi karo hufnaanta doorashooyinka, maadaama uu Raysalwasaaruhu murashax u ahayn xilka madaxtinimada dalka. Goluhu wuxuu dawlad goboleedyada xubanaha ka ah dawladda federaalka ugu baaqayaa in ay Xukuumaddu ku garab siiyaan hoggaaminta amniga iyo doorashooyinka dalka, si dalka looga samata bixiyo qalalaase amni iyo doorasho la boobo. The post Midowga Murashaxiinta oo digniin culus soo saaray ka hor kulanka BF ee Sabtida appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farnaajo ayaa la filaya in berri uu hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka. Xildhibanaada ayaa caawa loo diray fariin ku aadan in ay soo xaadoraan kulanka oo Ajendahiisu yahay Khudbad uu Farmaajo Xildhibaanada Waqtigooda dastuuriga ah dhamaaday U jeedinayo. Fariinta xildhibaanada loo diray ayaa u dhigneyd sidan : M.ne Xil Beri oo Sabti ah oo ay Tar 1da MAY, waxaa jira Kulan Gaar ah. Agendaha 1. Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS Saacadu waa 09:00 subaxnimo”. Farmaajo ayaa la filaya berri in uu xildhibaanada kala hadlo arrimaha doorashooyinka , kadib Cadaadis uga yimid Xubnaha Musharixiinta iyo Saamileyda siyaadadda Soomaaliya, Sigoo Xildhibaanada la wadaagi doona in uu dib ugu noqonayo Heshiiskii doorasho ee 17 September . Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay baaqday shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo toddobaad kasta la qaban jiray maalinta khamiista ah, waxaana baaqashadiisa ka soo baxaya warar kala duwan, xilli ay xaalad cakiran ay ka jirto magaalada Muqdisho. Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa Caasimada Online u sheegay in shirka uusan shalay qabsoomin, balse aysan ogeyn sababta rasmiga. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in baaqashada shirka loo maleynayo in ay saameyn weyn ku yeelatay khilaafka doorashada dalka. Xogta tilmaameysa in aysan shalay soo xaadirin wasiirada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen, halka sidoo kale aysan xaadir ku noqon qadka ZOOM-KA oo mararka qaar la isugu imaan jiray. Lama oga sababta rasmiga ah balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo ka dhashay doorka ra’iisul wasaaraha ee muranka doorashada dalka. Xubno badan oo ka mid golaha wasiirada ayaa la sheegay inay yihiin kuwa raacsan madaxweyne Farmaajo. Xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu shalay ku mashquulsanaa xal u helidda arrimaha gobolka Banaadir, taasina ay shirka baajisay. Dhanka kale, afhayeenka ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa xalay beeniyey warar sheegayey in Rooble uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah wasiiradiisa. Wararkan, oo aad ugu baahay baraha bulshada saacadihii ugu dambeeyey, ayaa lagu sheegay in Rooble uu doonayo inuu meesho ka saaro wasiirada ku dhow Farmaajo, xilli la tuhunsan yahay inuu khilaaf ka dhaxeeyo labada mas’uul. Rooble iyo Farmaajo ayaa aragti ahaa kala fogaaday kadib markii Rooble uu Talaadadii qaatay go’aan uu ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, iyo in dowladda ay weerarto ciidamada diidan muddo kororsiga ee ku sugan magaalada Muqdisho. Go’aanka Rooble ayaa soo geba-gebeeyey damacii Farmaajo ee muddo kororsiga iyo in awood ciidan lagu dayo ciidamada diidan muddo kororsiga ee Muqdisho ku sugan, taasi oo si weyn uga carreysiisay madaxweyne Farmaajo, sida aan xogta ku helnay. The post Xog: Maxaa baajiyey shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee Khamiistii? appeared first on Caasimada Online.
  11. African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE African Development Bank, IFAD and partners redouble efforts to stop hunger in Africa and strengthen food security The number of people living with hunger across the African continent increased from 214 million to 246 million between 2015 and 2020 ABIDJAN, Ivory Coast, April 29, 2021/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) and the International Fund for Agricultural Development (IFAD), in partnership with the Forum for Agricultural Research in Africa (FARA) and the CGIAR System Organization, today pledged to work closely with African leaders to address rising hunger on the continent and shore up adequate financing to transform and modernize Africa’s food production. The impact of climate change, rising fragility and conflict, and locust invasions in East and Southern Africa is taking a toll on the continent. A two-day high-level dialogue will focus on modernizing food production, making African agriculture more business oriented, and strengthening agriculture value chains. Finding solutions will require strong backing from governments, development partners and the private sector. The virtual event brought together government officials, heads of multilateral development banks, development partners, regional organizations, research institutions, business leaders, private sector operators, investment agencies, participants from academia, civil society organizations and experts from across Africa and beyond. The dialogue is an opportunity to share achievements and lessons from across the African continent and accelerate agricultural transformation. Across the continent, hunger poses an even greater risk than Covid-19. The number of people living with hunger increased from 214 million to 246 million between 2015 and 2020. Agricultural and agro-business related activities could provide employment opportunities for millions of young Africans, who account for 70% of the population. Transforming commitments into action, the parties are expected to announce new financing to support food transformation and the creation of jobs in Africa’s agro-industry. “Getting new and appropriate technologies into the hands of African farmers is a key part of addressing Africa’s agriculture and food security needs. Unless we show strong collective resolve and turn ambition into reality, we will be confronted with enormous food shortages on the continent,” African Development Bank President Dr. Akinwumi A. Adesina said. “Rapid population growth, urbanization and ongoing climate change will make this certain. The consequences of not acting would be devastating.” “Africa has the potential to feed itself and feed the world,” said IFAD President Gilbert F. Houngbo. “If we commit today to increasing investments in modernizing agriculture, providing skills, finance and better access to food value chains, agriculture has the potential to become a thriving and successful sector that creates jobs and provides livelihoods for small-scale farmers and rural populations – in particular, for millions of young Africans joining the job market.” Enhanced productivity, integrated value chains and economies of scale are at the heart of Africa’s food security challenge. The food security summit will showcase the African Development Bank’s highly successful Technologies for African Agricultural Technologies (TAAT) and other development partner success stories. The virtual dialogues will include heads of state of 18 African countries; Agnès Kalibata, Special Envoy of the UN Secretary-General for the 2021 Food System Summit; Tony Blair, Executive Chairman of the Institute for Global Change; and the heads of the Food and Agriculture Organization, the Islamic Development Bank Group, Afreximbank, and the Arab Bank for Economic Development in Africa, among others. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Media Contact: African Development Bank Amba Mpoke-Bigg Email: a.mpoke-bigg@afdb.org IFAD Antonia Paradela Email: a.paradelatorices@ifad.org FARA Benjamin Abugri babugri@faraafrica.org CGIAR Valerie Poire Email: v.poire@cgiar.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  12. Mr. President, On Saturday, you have an opportunity; it may be the last. Redeem it with the same zeal that you had when you took power. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi Shafaana ayaa sheegay inuu ka bad-baaday isku dey dil oo la doonayey in lagu khaarajiyo, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda. Guddoomiye Shafaana oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay in rasaastaas lagu furay maanta ay ku geeriyoodeen qof rayid ah iyo mid kamid ahaa ilaaladiisa oo ka tirsanaa nabad-sugidda NISA, sidoo kalena uu khasaaro ba’an kasoo gaaray gaarigiisa. Waxa uu sheegay in rasaasta ay ku fureen ciidamada Millateriga ee ku sugan kantaroolka Baraawe, taasi oo ku tilmaamay inuu ahaa isku-dey dil oo uusan garaneyn sababta keentay beegsigiisa, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa xabado la igu soo shubay ilaa 40 xabadood, ilaahayna waa iga bad-baadshay, dhacadaadaas ayaa maanta i qabsatay anigoo kusii socda xarunta shaqadeydeeda oo ilaahay iga bad-baadshay, waxaana meesha joogey taliyihii ciidamada millateriga qeybteeda Baraawe,” ayuu yiri Guddoomiye Shafaana. Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada Millateriga ee Baraawe, Cabdiraxmaan Jimcaale oo ay idaacada VOA-da la hadashay ayaa sheegay in si ku talo-gal ah loogu furin rasaasta, balse ay jirtay warbixin gaari qarax ah oo la sheegay inuu kujiro degmada Baraawe. “Ku talo-gal uma weerarin sida runta ah waxaan raadineynay oo difaac ugu jirnay gaari qaraxa ah oo noocasa, guddoomiye maanu weerarin awal hore ayaa wareeri laheyn, degmadiisa iyo ilaalintiisa intaas oo sanadood ku jirnay, sidaasay wax u dhaceen oo qaraxaas magaalada ku jira ayaa howlihiisa ku jirnay,” ayuu yiri. Xaalada degmada Baraawe ayaa dagan kadib tacshiirada lagu furay gudoomiyaha degmada oo xiisad xoogan ka dhalatay, waxaana socda dadaalo lagu dejinayo dhacdadaas oo uu Shafaana ku doodayo inay aheyd isku-dey dil. The post Guddoomiye degmo oo ‘ka bad-baaday’ rasaas ay ku fureen ciidamada militariga appeared first on Caasimada Online.
  14. The Somali National Army (SNA) said its Danab special forces foiled an attempted attack on Friday by al-Shabab during a sting operation in the Lower Shabelle region in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Xog-culus: Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo dhibsaday warar ku saabsan hubka ay soo iibsadeen oo la kashifay Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Puntland kuwaas oo si dhaw ula shaqeeya madaxweynaha maamulkas Saciid Cabdullahi Deni ayaa wada qorshe cusub kadib markii la ogaaday iney hub farabadan iibsadeen. Saddex kamid ah kuwa sida gaarka ah ugu qaabilsan dhinaca Hubka iyo rasaasta madaxtooyada Puntland ayaa dhaqaale badan ku bixinaya in aan la ogaan hub faraa badan oo ay iibsadeen kaas oo faafintiisa ay si weyn dhibsadeen. Xasan Shire Abgaal (Wasiirka Maaliyada), Xasan Cabdullahi Deni oo la dhashay Saciid Deni iyo Cali-Siciid Cabdulqaadir Jaamac (Saciid-Faadi) Mareeya Dekadda Garacad ayaa lacag badan u ballan qaaday in warbaahinta lagu qoray Wararka arimaha Hubka iyagoo warbaahino dhowr u ballan qaaday lacag hadii ay warar fiican oo lagu dabooli karo Arimahaas ka faafiyaan Puntland. Xasan Shire Abgaal, iyo Saciid Faadi ayaa lacag badan u ballan qaaday dhowr website oo wax ka qoray Arimaha Hubka, xidhiidhka Imiraadka iyo wada shaqaynta Xukuumada Deni & kooxaha mucaaradka Muqdisho gaar ahaan DamulJadiid. Shaqsiyadkan ayaa sidoo kale doonaya in warbaahinta ay baahiso inuusan jirin xidhiidh gooni ah oo kala dhaxeeya Puntland iyo dawladda Imaaradka Carabta. Dhanka kale waxaa jira in ay la aamusiyey dhamaan warbaahinada gudaha Puntland ku yaala ee sheega ama qora warar sax ah oo la xidhiidha dhaliilaha maamulka Puntland. Dhowr wariye, xarumo warbaahineed, iyo Baraha bulshada ayaa lagu xidhay magaalada Garoowe sababo la xidhiidha warar ay faafiyeen oo madxtooyada Puntland ay dhibsatay. Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowaan Baarlamaanka Puntland markuu warbixinta safarkiisii Muqdisho siinaayey u diiday warbaahinta iyo saxaafadda madax banaan inay tabiyaan dooda baarlamaanka. Madaxweynaha Puntland oo in muddo ah ku noolaa waddamada Khaliijka waxaa ka muuqda dhaqanka laga yaqaan dalalkaas Sida ficilada amar ku taagleynta, cabbudhinta, cagajugleynta, iyo in shaqsiyaadka kaliya ee la aaminsanyahay yihiin ehelka iyo qaraabada dhow ee madaxweynaha Puntland. Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) - A special envoy from Qatar is expected to visit Somalia next week, according to government sources. Source: Hiiraan Online
  17. Ergay gaar ah oo ka socda dalka Qatar ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe booqasho ku yimaado Soomaaliya. Ergaygan gaarka ah ayaa lagu magacaabaa Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani waxaana uu ku magacaaban yahay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada. Ergaygan ayaa imanaya magaalada Muqdishu, mana cadda muddada uu joogi doono. Ilo lagu kalsoon yahay oo codsaday inaan magacooda la shaacin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan ayaa u sheegay VOA in ergaygan uu kasoo qaybqaatay dhexdhexaadintii Taliban iyo Maraykanka. Qatar waxay xiriir dhow la leedahay dawladda Soomaaliya. Diyaaradda Qatar Airways waxay ka mid tagay diyaaradaha tirada yar ee caalamiga ah ee tooska u yimaada Soomaaliya. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Ergey ka socda dalka Qatar oo ku wajahan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Kaalinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka qaadan karo xallinta xiisadaha dalka ka taagan ayaa loo arkaa rajada keliya ee laga leeyahay in dalka laga badbaadiyo colaad. Waxaana Rooble ku soo jeeda indhaha shacabka, siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka oo dhammaantood isaga u arka furaha guusha nabadda iyo xasilloonida. Dadka siyaasadda odorosa ayaa aaminsan in tan ay ka dhigan tahay fursaddii ugu dambeysay oo gebagebo u ah fursado xiriir ah oo uu Rooble hore u soo dayacay. Waa fursad uu si la mid ah sidii fududeyd ee uu siyaasadda ku soo galay ugaga mid noqon karo dadka faro-ku-tiriska ah ee raadadka taariikheed ee wanaagga ku suntan ka taga. Waase haddii uu garto awooddiisa siyaasadeed, kuna baraarugo filashada ballaaran ee shacabka rajobeelka ku dhaw ay xaggiisa ka qabaan. Waxa ugu muhiimsan ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble maanta ku maalgashan karo dhaxal siyaasadeedkiisa wax-ku-oolka ah waa in uu la yimaadaa ka-go’naan iyo dhiirrasho aan labalabays lahayn oo uu ku qaato kaalin hoggaamineed oo siyaasadda iyo amniga dalka ah, si loo dhiso kalsoonidii ku burburtay damacii muddo-kororsiga ee ay madaxtooyadu ku dhaqaaqday. Isku-soo-dhawaashaha hadda kala dhexeeya musharraxiinta iyo qaybaha bulshada oo yididdiilo nabadeed abuuray wuxuu ku sii jiri karaa in uu Ra’iisul Wasaaruhu isku muujiyo hoggaamiye u taagan xasilloonida, diyaarna u ah inuu qaato xuquuq walba oo uu dastuurku u siinayo samatabixinta dalka. W/Q: Abdiaziz Golfyare The post Fursaddii ugu dambeysay oo hortaalla R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
  19. PRESS RELEASE How to start online trading Dany Mawas explains key financial instruments that are great options for beginner traders to get started with LONDON, United Kingdom, April 28, 2021/ — Online trading is increasing in popularity as more people seek additional and convenient income options. To assist beginners kick off their trading journeys, Dany Mawas, Regional Director at INFINOX (www.INFINOX.com) – a globally recognised CFD and FX trading broker which operates in Africa – explains key financial instruments that are great options for beginner traders to get started with. Mawas says that while the market presents a vast array of earning potential, all beginner traders need to first understand the differences between FX and CFD trading, and that there are several factors to determine before deciding on their preferred trading instrument. FX Trading “FX is the abbreviated term for forex, and is the instrument for trading international currencies,” he says. “With markets reacting to daily geopolitical and economic affairs, the forex market is ideal for speculating on world events and taking advantage of trade opportunities.” Mawas points out that the forex market is exceptionally popular with traders and is the largest market in the world with more than $5trn traded everyday. This, he says, creates a hugely liquid market and makes it easy to enter and exit at the price you want to, therefore increasing trade opportunities for all types of trader. Additionally, forex instruments also provide a significant amount of leverage, and volatility, thus making it one of the most accessible instruments to trade. CFD Trading CFD or ‘Contract for Difference’ is a financial instrument used to make a profit on the price change of an asset without having to own it. As such, the trader doesn’t need to buy a particular stock or commodity to make a profit in the future. Instead, the contract between a buyer and a seller provides traders with the ability to trade on margin without owning an asset outright. The value and movements of a contract do follow the underlying asset, but note that it is not directly pinned to the price, which is why you might see slight differences between brokers. A CFD is a broad asset class, with traders able to buy and sell CFDs in the following: CFD Equities: These allow traders to trade the share prices of some of the world’s largest companies and most popular brands using smaller margin amounts. Furthermore, they allow traders to access global stock markets and take advantage of rising and falling share prices. CFD Indices: Indices are one of the most popular instruments to trade, and allow traders to buy and sell the value of the entire stock market in a single trade. They’re a great asset to speculate on world events as well as diversifying an investment portfolio. CFD Commodities: The world revolves around commodities and CFD commodity trading allows traders to speculate on the price of assets such as precious metals, energies or agriculture. As global events shape demand and supply, speculators will look to take advantage of trade opportunities or use them as a tool to manage their risk. CFD Futures: Futures contracts are standardised contracts with a fixed quantity, price and delivery location that serve as a legal agreement to purchase an asset at a fixed price in the future. Most commonly, futures contracts are used for trading commodities such as soybean, cocoa and crude oil, amongst others. They’re another great way to get exposure to popular markets. Factors to consider when choosing a trading instrument Mawas says beginner traders need to consider several factors before investing in their chosen instrument, including liquidity, volatility, low transaction costs and availability of information. “Liquidity refers to the ease in which traders can buy and sell their chosen instrument, with high levels of liquidity seen as easier to trade,” he explains. “The volatility of an instrument refers to its continuous rise and fall, with a highly volatile instrument favouring traders – owing to its higher risk and greater profit possibilities.” Mawas adds that traders should look for an instrument that features low transaction costs as this will allow them to generate greater returns. “One must, however, be aware that their preferred broker may charge a minimal trading fee depending on the instrument chosen.” “The best financial instrument to trade depends on several factors, and for beginners, their budgets should dictate the type of instruments they trade,” he says. “Traders should also choose a broker that not only offers them support by being easily contactable with a local presence, but also offers learning resources.” Another viable way to learn and kickstart your trading journey is via online community apps, such as IX Social. Here, traders can share knowledge, trades and experiences with like-minded people. Users are put in the driving seat with the latest news, community trending topics, top traders of the day and the latest prices all in one place. “Its easy-to-use functionality, coupled with an auto-copy feature allows you to automatically copy the top traders and receive the same results. This makes it the ideal platform for beginner traders to learn and grow,” concludes Mawas. Distributed by APO Group on behalf of INFINOX Capital. Access Multimedia Content SOURCE INFINOX Capital Qaran News
  20. Jilib Marka (Caasimadda Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ka fuliyey deegaanka Jilib Marka oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose. Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu diyaarinayey saldhig ay halkaas ku lahaayeen Kooxda Al-Shabaab. Gaariga la burburiyey ayaa waxaa lagu sheegay noociisa inuu ahaa Saruf, waxayna wararka sheegayaan in la doonayo in lasoo geliyo Magaalada Muqdisho inkastoo aan la ogeyn bartilmaameedkiisa saxda ah. Howlgalkaan ayaa wuxuu dhacay aroortii hore ee saaka, waxaana ujeedka howlgalkaan lagu sheegay inuu ahaa burburinta fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jilib Marka. Taliska Ciidamada ayaa xusay inay ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan fariisimo cusub oo ay horey ugu sugneyd kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo howlgalkii laga sameeyey Jilib Marka. The post Sawiro: Ciidamada Danab oo burburiyey Gaari siday waxyaabaha qarxa appeared first on Caasimada Online.
  21. Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa war ka soo saaray hawlgal qorshaysan ay saaka ka fuliyeen degaanka Jilib-marka ee gobolka Shabeellada hoose. Taliska Danab ayaa shaaciyay in hawlgalkaas lagu gubay gaari qaraxyo siday kaas oo Al-shabaab doonayeen in ay hawlgalo ku fuliyaan islamarkaana ku dhibaateeyaan dad shacab ah. Gaariga la gubay oo noociisu ahaa SURF ayay Al-shabaab doonayeen in ay geliyaan gudaha magaalada Muqdisho kadibna qaraxyo ku fuliyaan sida ay sheegeen saraakiisha Danab waxay sheegtay sidoo kale in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Jilib-marka halkaas oo gebi ahaanba Al-shabaab isaga baxeen. PUNTLAND POST The post Danab oo hawlgal qorshaysan ku gubay gaari qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.
  22. Mogadishu (HOL) - NUSOJ held a webinar on Thursday to commemorate World Press Freedom Day in Somalia and to increase awareness of the plight of reporters in Somalia. Source: Hiiraan Online