-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
To avoid a power vacuum after my four-year mandate as Somalia’s president ended on Feb. 8, Somalia’s House of the People passed legislation in 2020 to ensure that the political transfer of power rightfully happens only through elections. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, oo dhawaan loo igmaday ra’iisal wasaare Rooble. Rooble iyo Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada-hadlay u diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ra’iisal wasaaraha iclaamiyay inuu magaalada Muqdisho ka furmayo 20-ka bisha May ee 2021-ka. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa markale taageero balaadhan u muujiyey ra’iisal wasaaraha oo la wareegay arrimaha doorashada iyo amnigeeda, iyagoona balan qaaday garab-siinta geeddi socodka doorashooyin dalka. Waxaa ra’iisal wasaaraha ku wehlinayay kulanka Wakiillada Beesha Caalamka xubno ka tirsan xukuumadiisa xil-gaarsiinta. Ma aha markii u horeysay ee ra’iisal wasaaraha kulan la qaato Wakiillada Beesha Caalamka tan iyo markii lagu wareejiyay doorashada, hase yeeshe waxa uu kulankaan kusoo aadaya xili ay hal maalin inaga xigto qabsoomida shir-weynaha doorashada ee uu hore u iclaamiyay. The post Wakiilada beesha caalamka oo qodob muhiim ah maanta kala hadlay Rooble + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan hambalyo ugu diray reer Somaliland oo maanta u dabaal dagaya 18-ka May oo ah maalintii ay ku dhawaaqeen madax-banaanida ay ka go’een Soomaaliya ee aan weli aqoonsiga helin. Sheekh Shariif ayaa reer Somaliland ku bogaadiyey nabada iyo xasiloonida siyaasadeed ee ay dhidibaha u taageen mudada 30-ka sanno ah. “Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadeynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen,” ayuu yiri. Waxa uu hoosta ka xariiqay in qadiyadda Somaliland iyo xaalkeeda uu yahay arrin masiiriya, islamarkaana ay muhiim u tahay dib u yagleelida dowladnimo lagu wada kalsoon yahay oo Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala fariisto hogaanka Somaliland oo matalaya bulshadooda, si looga qanciyo 30 sanno ka hor dhibaatadii gaartay, iyada oo laga garaabayo arrintaas. “Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan.” “Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen mudadaas 30ka sanaa Soomaalida inteeda kale, iyagoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa.” Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyntiina si weyn ugu amaanay Somaliland hanaanka doorashooyinka qof iyo cod oo ka hirgelay deeganadeeda, ayada oo shacabku doortan cisa qabaneysa hogaankooda. Si kastaba, Somaliland ayaa maanta u dabaal-degaysa sanad-guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay xiligii ay ku dhawaaqeen madax-banaanida ay ku doodaan, waxayna sanadahaas dunida ka baadi-goobeysa aqoonsi caalami ah. The post Sheekh Shariif oo si lama filaan ah uga hadlay xuska 18-ka May ee Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Shacbiga Somaliland ku Hambalyeeyey 30 Guuradda ka Soo Wareegtay Madax-Bannaanida Qarannimada JSL Ee 18-May. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacbiga Somaliland, dal iyo dibedba ku hambalyeynayaa 30 guurada ka soo wareegtay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May oo ah markii aynu la soo noqonay xornimadii innaga halowday 1960-kii. Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la dareen ah shacbigiisa Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa ciidammada qalabka sida ee Alle ka sakow suurageliyey in qarankani soddon jirsado kuna tallaabsado nabadgelyo taam ah oo ay majeertaan Dunida inteeda kale, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mida u dirayaa shacbiga qiimaha badan ee barbar-taagan qaranka Somaliland isla markaana marwalba heeganka u ah ilaalinta iyo jiritaanka dalkooda. Sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay 18-ka May 1991kii oo ah maalintii shirweynihii kowaad ee waxgaradka JSL, isugu yimaadeen magaalada Burco ee ay u dhammaayeen madaxda dhaqan ee beelaha ku dhaqan Somaliland, kuna go’aamiyeen in lagu dhawaaqo inay Jamhuuriyadda Somaliland gaar isu taagto, isla markaana noqoto qaran ka madax-bannaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaalida. Iyadoo Qarankan loo soo maray halgan dheer oo naf iyo maal badani ku baaba’een, ka dibna aynu ku guulaysanay in aynu la soo noqonno xorriyaddeennii, Horraantii 1991 kii, maantana aynu joogno 30 Sanno oo aynu ku tallaabsanay guullo kala duwan oo la gaadhay horumar weyn, nabadgelyo cago-adag ku taagan, barwaaqo iyo badhaadhe qaranku ku naalloonayo. Waxa inoo suurto gashay in aynu u debbaal-degno soddonkaa sanno ka dib midhihii aynu beeranay, iyadoo ay inoo hirgaleen wax badan oo aan ka dhicin Geeska Afrika iyo caalamka intiisa badan, maragna ay inooga yihiin cid kasta oo samaha jecel. Mar labaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiga Somaliland iyo noocyada kala duwan ee ciidamada sooma-jeestayaasha ee ku kala sugan xuduudaha dalka heegankana ugu jira inay cadowga ka hiraan soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JS Qaran News
-
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan), ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo gaari kasta oo ciidan leeyahay, haddii uu soo maro bar-kantarool. “Askari kasta oo bar-kantarool jooga, waa in uu baaritaanka ku bilaabo gaari kasta oo ciidan leeyahay, haddii uu weynyahay iyo haddii uu yaryahay” ayuu yiri Taliyaha. Amarkan ayaa ka dambeeyay, kadib markii saaka gaari ciidamada Puntland leeyihiin lagu qabtay khamri fara badan, oo laga soo buuxiyay kartoonada Saliidda lagu iibiyo. Khamrigan iyo gaarigii siday waxa lagu qabtay kantaroolka magaalada Boosaaso, kadib markii ay ka carareen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo watay khamrigaas. Hoos ka daawo muuqaalka Taliyaha PUNTLAND POST The post Taliye Xuseen: waa in baaritaan lagu sameeyo gaari kasta oo ciidamada Puntland leeyihiin appeared first on Puntland Post.
-
Maraykanka oo xabbad joojin ku baaqay hubna ka iibinaya Israel Joe Biden Inkasta oo Maraykanku mar labaad horjoogsaday bayaan Golaha Ammaanku soo saari lahaa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo ay colaadi ku dhex maraysay Qasa Israel iyo ururada Falastiiniyiinta ah. Biden ayaa ku wargeliyey ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda. Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqalka Cad Biden “wuxuu ku tirtirsiyey Israel in ay intii suurto gal ah ku dedaasho in ay ilaaliso rayidka aan waxba geysan”. Warbixintu waxay intaa ku dartay in Biden “sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin oo uu kala hadlay in Maraykanka, Masar iyo dalal kale ay ka wada shaqaynayaan sidii yoolkaa loo gaadhi lahaa”. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana uu Biden ansixiyey heshiis Israel lagaga iibinayo hub oo qiimihiisu dhan yahay 735 milyan oo doolar. Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha. Maraykanka ayaa mar kii saddexaad diiday qorshe Golaha Ammaanku ku doonayey inuu ku soo saaro bayaan Israel ka dalbanaya in ay joojiso weerarka milatari waxaanu taa badalkeeda ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay “dedaalkiisa diblomaasiyadeed” Af-hayeenka Aqalka Cad ayaa warfidiyeenka u sheegtay in “qorshahayagu haatan waxaa weeye in wadahadallada aan muuqani ay yihiin talaabada ugu wax ku oolsan ee aanu qaadan karno”‘ Waa sidee xaaladdu haatan? Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa weli wada duqaynta ay ku hayaan Qasa todobaadkii labaad. Militariga Israa’iil ayaa waxay sheegeen in ay bartilmaameedsadeen goobo ay sheegeen in ay argagixiso ku dhuumanaysay. Kooxda Xamaas ayaa dhankooda madaafiic ku garaacay magaalooyinka Beersheba iyo Ashkelon. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa waxay sheegeen in Axaddii ay aheyd maalinkii ugu dhimashada badnayd ee magaaladaasi soo marta. Waxaa duqeymada Israa’iil ku dhintay 42 qof sida ay saraakiisha Flaastiiniyiinta sheegeen. Dad burburka laga soo saarayo Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan degdeg ah isugu yimid ayaa waxaa madaxda ka qeyb gashay ka soo baxaya baaqyo ku aadan sidii loo jooji lahaa colaadda. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Qasa in dagalka la joojiyo. Mr Guterres oo ka hadlayay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo in colaadda la joojyo. Antonio Guterres ayaa ka dalbaday labada dhinac ee ay dirirta ka dhaxeyso in dagaalka soo afjaro. Waxaa uu sidoo kale farta ku fiiqay in dagaalka iminka socda ay dhibaato badan ka dhalanayso islamarkana ay tahay in nabadda lagu dadaalo. “Colaaddii ugu dambeysay waxaa uun ka dhalanaya dhimasho, burbur waxayna sii fogeynaysaa oo kali ah rajadii laga qabay in wadajir iyo nabad lagu wada noolaado, waa qasab in dagaalka la joojiyo, waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo jooojiyo, waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyada in ay u dheg raariciyaan baaqan, Qaramada Midoobey waxay ka codsanaysaa dhammaan dhinacyada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xabadda u joojiyaan,” ayuu yiri Mr Guterres Danjiraha Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey, Zhang Jun ayaa dhankiisa sheegay in waxa Qaramada Midoobey imika looga fadhiyo ay tahay in xabadda la joojiyo. Waxaa uu intaa ku daray Mr Jun in sidoo kale loo baahan yahay in xal waara laga gaaro arrinta ku saabsan in Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ay noqdaan labada dal oo daris ah oo isku bar-bar nool. Wasiirka arrimaha dibadda ee Flaastiiniyiinta, Riyad al-Maliki, oo khudbad u jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay dambiyo dagaal geysanayso. Duqaynta ku socota Qasa Waxaa uu sidoo kale ku baaqay in Israa’iil lagala xisaabtamo tacadiyada uu sheegay in ay kula kaceyso dadka Falastiiniyiinta. Dhanka kale xilli uu dagaalka labada dhinac sii xoogeysanayo ayaa hadana waxaa la sheegayaa in ay sii xumaanayso xaalada noolaleed ee dadka magaalada Qaza. Ku xigeenka isu-duwaha Qaramada Midoobey u qaabilsan geedi socodka nabadda, Lynn Hastings, ayaa BBC-da u sheegtay in magaalada Qaza uu gabaabsi yahay gaaska taasi oo saameyn ku yeelan karta isbataalada iyo xarumaha kale. Madaxwaynaha dalka Masar Abdel -Fattah el -Sisi ayaa sheegay in dalkiisa uu geyn doono waxayabaha looga baahan yahay magaalada Qaza. Gawaarida gurmadka degdeg ah ayay dowladda Masar u dirtay magaalada Qaza si ay halkaasi uga soo daabulaan dhaawacyada una geeyaan dalka Masar. Dhanka kale dowladda Urdun ayaa bangi dhiig u furtay dadka reer Qaza halkaasi oo ay dadka dhiigooda ku tabarucayaan. Qaran News
-
Bill Gates oo iska casilay Microsoft markii Eedo faraxumayn ah oo lagu soo oogay Bill Gates Microsoft ayaa biloowday baaritaanka eedo xidhiidh galmo ah oo 20 sano ka hor dhacay oo lagu eedeeyey Bill Gates oo ka mid ah aasaaseyaasha shirkaddaas wax yar uun ka hor intii aanu iska casilin xubinnimada gudida maamulka shirkaddaas sannadkii hore. Shirkaddan weyn ee dhanka tiknoolajiyada ayaa bilowday baaritaankan markii ay soo baxeen warar ku saabsan walaac ka jiray hab dhaqankiisa. Shirkaddu waxay sheegtay in ay baaritaankaa u qabatay shirkad sharci oo ay siinayso taageero shaqaalaha cabashada soo gudbiyey. Afhayeen u hadlay Gates ayaa beeniyey in go’aanka uu isku casilay wax xidhiidh ah la leeyahay baadhitaanka. Warka baadhitaanka ayaa soo baxay markii ay Bill iyo Melinda Gates shaaciyeen go’aankooda ah in ay is furayaan 27 sano oo ay is qabeen ka dib. Isniiniin ayaa afhayeenka Microsoft sheegay in cabashooyinkaas shirkadda ay soo gaadheen dabayaaqadii 2019 markaa oo Gates “doonayey inuu xidhiidh xodxodasho ah la bilaabo” haweenay ka mid ahayd shaqaalaha shirkadda ee sanadkii 2000. “gudi ayaa eegaysa cabashada waxaana kaalinaya shirkad sharci oo madaxbanaan si looga gun gaaro baaritaanka” ayuu yidhi. “inta baaritaanku socday Microsoft waxay taageero ballaadhan siisay shaqaalaha cabashada soo gudbiyey” ayuu yidhi Baaritaanka wali go’aan lagama soo saarin markii Gates iska casilayey gudida maamulka shirkadda oo lama dhamaystirin. Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda LinkedIn bishii Maarij ee sannadkii hore ayaa Gates ku sheegay inuu go’aankaa gaadhay si uu wakhti ugu helo hay’adiisa samofalka ee Bill & Melinda Gates Foundation. Waxaanu go’aankaasi soo baxay saddex bilood ka dib markii la doortya. Markaa wuxuu qoray “dhanka Microsoft, iska casilaadda gudida maamulki sinaba ugama dhigna inaan ka tagay shirkadda. Microsoft waxay weligeed ahaan doontaa mid muhiimad ku leh noloshayda shaqo…. Waxaan rajo intii hore ka badna ka qabaa horumarka shirkadu samayayo iyo sida uu u sii socon doonaa inuu dunida wax tari doono” Hase yeshee wargeyska Wall Street Journal ayaa Axadii ku waramay in gudida maamulka Microsoft go’aan ku gaadhay in Gates xidhiidhka uu la yeeshay haweenay shaqaalaha ka mid ahi aanu ahayn mid haboon oo ay tahay inuu is casilo. Afkayeenka u hadashay Gates ayaa qirtay in xidhiidhkaasi jiray markii wargeysku weydiiyey laakiin waxay beenisay in arrintaasi sinaba xidhiidh ula leedahay go’aanka uu isku casilay. “waa xidhiidh labaatan sao ka hor ahaa oo si fiican u dhamaaday” ayay tidhi “goaanka Bill kaga baxaya gudida maamulku wax xidhiid ah lama laha arinta. Runtii wuxuu hore u sheegay inuu danaynayo inuu wakhti badan u helo hawlihiisa gargaarka ah ee uu dhawr sano ka hor bilaabay” Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa BBC-da u sheegtay in ay taageersantahay warbixintaa. Bill iyo Melinda Gates waxay shaaciyeen go’aankooda ay iskuf urayaan horaantii bishan. Qoysku waxay ku bixiyeen balaayiin doolar kaga bixiyeen hawlaha gargaarka ee dunida waxaanay ballan qaadeen in ay ka sii wada shaqayn doonaan hay’adda marka ay kala tagaan. Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warantay in labadu ku heshiiyeen siday u qaybsanayaan hantida ka hor intii aanay shaacinin kala taggooga Gates oo haatan 65 jir ahi waa ninka afraad ee dunida ugu hantida badan sida uu sheegay wargeyska Forbes oo waxa hantidiiu tahay 124 bilyan oo doolar. Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Microsoft oo haatan ah shirkada ugu weyn ee samaysa software-ka sanadihii 1970 aadkii waxaanu shirkadda ka shaqaynayey tan iyo 2008. Hantida qoyskaas ayaa la rumaysan yahay in ay ka mid yihiin guryo malaayiin doolar ah oo ku yaal gobollada Washington. Florida iyo Wyoming. Halka ay se haatan degan yihiin oo ah guri ku yaal haro oo ku yaal Medina, Washington ayaa lagu sheegay in qiimihiisu dhan yahay 127 milyan oo doolar. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “gacmaha dhiig ku sito” sababo la xiriira taageeradiisa dagaalka Israel ay ku qaadeyo Marinka Gaza. Hadalka Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishinka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga fiirsaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad bishii Janaayo. “Waxaad gacmahaaga dhiigga leh ku qoreysa taariikh. Waad nagu qasabtay inaan sidan dhahno, sababtoo ah intan ka badan kama aamusi karno arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Madaxweyne Erdogan ayaa taageero xooggan kaga kasbaday Bariga Dhexe u ololeyntiisa qadiyadda Falastiin, 18-kii sano ee uu xukumayey Turkey. Waxa uu toddobaadkii tegay ku eedeeyey Israel Inay qaadeyso “argagixasanimo”, wuxuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza. “Maanta waxaan aragnay saxiixa Biden ee hubka laga iibinayo Israel,” ayuu yiri Erdogan isaga oo tixraacaya warbixino ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in Maamulka Biden uu ansixiyey hub loo daadgureeyo Israel. “Dhulka Falastiin wuxuu la ciir-ciirayaa cadaadis, rafaad iyo dhiig, si la mid ah dhul badan oo ku nabad-waayey burburkii Cusmaaniyiinta, adigana middaas ayaa taageereysaa,” ayuu Erdogan ku yiri Biden. Waxa uu sidoo kale ku dhalleeceeyey Austria inay sare u qaaday calanka Israel toddobaadkii tegay ayada oo u muujineysa “is-garab tag.” “Waxaan ku cambaareynayaa Austria inay sare u qaadeen alanka dowladda argagixisada ah,” ayuu yiri Erdogan. Erdogan ayaa wada olole diblomaasi ah oo uu doonayo in cunaqabateyno iyo ciqaabo kale lagu saaro Israel oo tan iyo 10-kii May duqeyn ka wadda Gaza, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan ku dhowaad 60 caruur ah. AFP + VOA The post Madaxweyne Erdogan: Biden gacmaha ayuu dhiig ku sitaa appeared first on Caasimada Online.
-
Dooxada Bixin Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa mamnuucay in loo dalxiis tego dooxada Bixin, oo ka tirsan caasimadda Garoowe, islamarkaana dhanka waqooyi kaga beegan magaalada. Saraakiisha Booliiska Nugaal, ayaa laga soo xigtay in dadweynaha laga mamnuucay dooxada Bixin, kadib markii qashin badan lagu daadiyay, taas oo waxyeello gaarsiisay bilicda iyo nadaafadda dooxadaas. Sidoo kale, Booliiska ayaa mamnuucay in lagu dabaasho dhammaan ceelasha ku yaal togaga Garoowe, kadib markii todobaadkan ilaa saddex qof ay ku dhinteen ceelka Afdhurwaayaale ee duleedka caasimada. Togaga ku xeeran magaalada Garoowe waxa u dabaal-taga dad weyne kala duwan oo u badan dhalinyarada da’ yarta ah. PUNTLAND POST The post Garoowe: Dooxada Bixin oo laga mamnuucay dalxiiska appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar jidgal ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, xilli ay marayeen deegaanka Warmaxan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka oo ay fuliyeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khsaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkan ku dishay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sidoo kalena ay qabsatay saanad, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan degan, waxaana ciidamada dowladda ee la weeraray lagu soo warramayaa inay sii wateen socdaalkooda. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada isaga kala gooshayaan gobollada dalka. The post Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay SH/ HOOSE appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi “Timacade” ayaa shaaciyey Gudi lagu magacaabo Gudiga Saxaafada Puntland oo lagsoo kala xulay Ururada iyo Wasaaradaha qaarkood, Ururada lagsoo xulay waxaa kamid ah Ururada Saxaafada iyo kuwa Bulshada. Gudigaan oo ka kooban 7 Xubnood lama sheegin shaqada rasmiga ah ee ay qabanayaan ama loo xilsaaray. Gudiga Sare ee Saxaafada Puntland waxay kala yihiin Maxamed Ciise Cismaan, Maxamed Nuur Shire, Fartuun Cali Liig, Daahir Cabdulqaadir Axmed, Siciid Axmed Faarax, Cabdiqani Maxamed Cali Cabdirisaq Max’ed Faarax. Hoos ka eeg Wareegtada ay Wasaarada Waxbarashadu ku magacawday Gudiga The post Wasaarada Warfaafinta Puntland oo Magacawday Gudiga Saxaafada appeared first on . Source
-
Hargeisa (HOL) - The self-declared republic of Somaliland celebrates 30 years of independence from Somalia on Tuesday, as officials make preparations for festivities in Hargeisa and other cities. Source: Hiiraan Online
-
Trailblazing female marine pilot beats the tide in Djibouti
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
DJIBOUTI (HOL) - Sea transport has for many years been a reserve of men with few women getting the opportunity, especially in most African countries. But for Fatouma Ali Ahmed, women can equally steer ships just as men can do. Source: Hiiraan Online -
Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde), ayaa maanta oo Taalado ah shaaciyay guddiga sare ee warbaahinta Puntland. Dikreeto uu soo saaray wasiir Tima-cadde, ayuu ku shaaciyay xubnaha guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo ka kooban 7 xubnood. Magacyada xubnahan ayaa kala ah Maxamed Ciise Cismaan, Maxamed Nuur Shire, Fartuun Cali Liig, Daahir Cabdulqaadir Axmed, Siciid Axmed Faarax, Cabdiqani Maxamed Cali iyo Cabdirisaq Max’ed Faarax. Xubnahan ayaa laga soo kala xulay ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP, wasaaradda Warfaafinta, Ururada bulshada Rayidka PUNSAA, Wasaaradda Waxbarashada iyo Qareennada madaxa-bannaan. PUNTLAND POST The post Guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacbiga Somaliland, dal iyo dibedba ku hambalyeynayaa 30 guurada ka soo wareegtay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May oo ah markii aynu la soo noqonay xornimadii innaga halowday 1960-kii. Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la dareen ah shacbigiisa Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa ciidammada qalabka sida ee Alle ka sakow suurageliyey in qarankani soddon jirsado kuna tallaabsado nabadgelyo taam ah oo ay majeertaan Dunida inteeda kale, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mida u dirayaa shacbiga qiimaha badan ee barbar-taagan qaranka Somaliland isla markaana marwalba heeganka u ah ilaalinta iyo jiritaanka dalkooda. Sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay 18-ka May 1991kii oo ah maalintii shirweynihii kowaad ee waxgaradka JSL, isugu yimaadeen magaalada Burco ee ay u dhammaayeen madaxda dhaqan ee beelaha ku dhaqan Somaliland, kuna go’aamiyeen in lagu dhawaaqo inay Jamhuuriyadda Somaliland gaar isu taagto, isla markaana noqoto qaran ka madax-bannaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaalida. Iyadoo Qarankan loo soo maray halgan dheer oo naf iyo maal badani ku baaba’een, ka dibna aynu ku guulaysanay in aynu la soo noqonno xorriyaddeennii, Horraantii 1991 kii, maantana aynu joogno 30 Sanno oo aynu ku tallaabsanay guullo kala duwan oo la gaadhay horumar weyn, nabadgelyo cago-adag ku taagan, barwaaqo iyo badhaadhe qaranku ku naalloonayo. Waxa inoo suurto gashay in aynu u debbaal-degno soddonkaa sanno ka dib midhihii aynu beeranay, iyadoo ay inoo hirgaleen wax badan oo aan ka dhicin Geeska Afrika iyo caalamka intiisa badan, maragna ay inooga yihiin cid kasta oo samaha jecel. Mar labaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiga Somaliland iyo noocyada kala duwan ee ciidamada sooma-jeestayaasha ee ku kala sugan xuduudaha dalka heegankana ugu jira inay cadowga ka hiraan soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JS Source
-
Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta Wasaaradda Warfaafinta Puntland, oo tixraacaysa Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, ayaa amar ku bixisay dhammaan Qoraallada Boorarka iyo Magac-bixinta loo beddelo Af-Soomaali. Warqad ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Ciise Cismaan, ayaa lagu amray cid kasta oo boorar dhegsanaysa ama meherad magac ula baxaysa in ay isticmaalan Af-Soomaaliga. Wasaaraddu waxay sheegtay, in Boorarka iyo Magac-bixinta la waafajiyo Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, kaas oo Faafinta Rasmiga ah ku soo baxay 15 December 2020 kadib markii Golayaasha dowladdu ansixiyeen. PUNTLAND POST The post Puntland oo amar ka soo saartay Boorarka iyo Magac-yada lagu qoro Luuqadaha Qalaad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xuska 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale muddo hadda laga joono 30 sano. Guuleed ayaa marka hore boggaadiyey guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyada nabadda, horumarka iyo hannaanka Doorashooyinka ku dhisan qof iyo codka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay in la siiyo ahmiyad gaar ah, iyada oo mudnaanta la siinayo aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul. Madaxweynihii hore ee Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu ka gaabiyey arrimaha Somaliland, gaar ahaan wada-hadalladii socday ee u dhexeeyey labada dhinac. “Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan,” ayuu yiri musharrax Guuleed. Halkan hoose ka aqriso:- Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed marka hore waxaa Bogaadin mudan guulaha ay Somaliland ka gaartay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda iyo isu Tanaasulka. Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo kayimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in lasameeyo wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo. Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan. Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina wada Deeqda. The post Muxuu Cabdikariin Xuseen Guuleed ka yiri 18-ka May? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal loo heystay in ay ka dambeeyen dilka Allaah u naxariistee guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin ciise dhega-juun, oo bilawgii sanadkan ku baxay gacanta ciidamada booliiska Soomaaliyeed. Baaritaanka guddiga dhacdadaan ay xukuumadda u magacawday iyo Dhagesiga gal dacwadeedka eedeysanayaasha oo mudda socday ayeey maxkamadda ku riday xukun isugu jira bixinta magta guddoomiyaha iyo xabsi ciidan . Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sidda ayaa horay u sheegay in dilka Allaah u naxariistee Dhaga-juun uu yahay mid ku dhacay si kas ah , balse markii ay soo gabagabodw dhageysiga gar maqalka eedda eedeysanayaasha iyo qareenada difaayay ayeey maxkamadda ciidamada qalabka sida sheegtay in ay go’aan ka soo saareyso xukunka eedeysanayaasha oo ka koobna 6 Askari oo uu ku jiro Taliyihii saldhigga degmada Hawl-wadaag. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay xukunka raggii lagu eedeyay in ay ka dambeeyen dilkii bilawgii sanadkaan . Gaashaanle Shuceyb Cabdi Taliyihii saldhigga degmada Hawl-wadaag ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah, halka dable boliis Bashiir Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay isna 5 sano oo xabsi ciidan ah, iyadoo sabab looga dhiga taxadar la’aan iyo baxsashadiisa, halka min laba sano oo xabsi ciidan ah lagu xukumay Jamaal Isxaaq Cali , Dhiblaawe Ibrahim Yusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmiye Kaariye Cali. Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa sidoo kale dhamaan eedeysanayaasha ku xukuntay bixinta Magta guddoomiyaha dhintay Cabdixakiin Ciise Cabdiraxmaan Dhaga-juun Source: goobjoog.com
-
Ururka Midowga Afrika ayaa weli ku adkeysanayaa magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ee ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya, kadib diidmadii ka timid dowladda Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyska East African. Midowga Afrika waxa uu rasmi ahaan sheegayaa inuu la-tashiyo ka sameynayo tallaabada xigta ee uu qaadayo, hase yeeshee waxa uu walaac ka muujiyey isku dayga ay Soomaaliya ku qaadaceyso go’aanka uu ururka ku caawinayo, ee markii hore uu codsaday madaxweyne Famaajo. Afhayeen u hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa wargeyska East African u sheegay in xubnaha ururka ay go’aan ka gaadhi doonaan arrinta Jahn Mahama. “Arrimahan oo kale, guddoomiyaha Midowga Afrika kaligiis go’aan kama gaadho. Wuxuu kala tashadaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,” ayuu yidhi afhayeenka oo lagu magacaabo Zenon Mukongo, oo sidoo kale ka tirsan guddiga khubarada ah ee madaxweyne Tshisekedi kala taliya arrimaha Afrika. “Madaxweynaha wuxuu hakiyey kulanka guddiga oo lagu waday inuu dhaco Arbacada. Mowqifka Midowga Afrika wuxuu caddaan doonaa kadib kulankan.” Wargeyska East African ayaa ogaaday in ururka uu taageerayo Mahama, isaga oo rumeysan in isbeddel lagu sameeyo magacaabistiisa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku lug yeelato cidda noqoneysa dhex-dhexaadiyaha. Intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo uu toddobaadkii kaga qeyb-galay caleemo-saarka madaxweyne Museveni, madaxwene Farmaajo ayaa la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxayna ka wada-hadleen muranka ka taagan magacaabista Mahama. Xiisadda magacaabista John Mahama ayaa salka ku haysa dowladda federaalka oo rumeysan inuu xidhiidh la leeyahay Kenya, halka ay sidoo kale gebi-ahaan kasoo horjeedo ergey lasoo diro, ayada oo ku doodeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu qaatay doorka xal u raadinta is-mari waaga siyaasadeed. Hase yeeshee mucaaradka Soomaaliya ayaa rumeysan in tani ay tahay isku-day kale oo uu Farmaajo ku xagal daacinayo xal u raadinta is-mari waaga doorashada, si uu kursiga ugu sii fadhiyo xilli muddo xileedkiisa uu dhammaaday saddex bil kahor. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Marxuum Cabdixakiin C/raxmaan Ciise (Dhagajuun). Maxkamadda ciidamada ayaa maanta oo Tallaado ah ku dhowaaqday xukunka lagu ridday eedeysanayaasha kiiskan oo loo heystay illaa 6 askari oo uu ku jiro taliyihii hore ee sladhigga Booliska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Shuceyb Cabdi Maxamed. Sidoo kale maxkamadeynta raggaan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana horey xeer ilaalinta maxkamadda u sheegtay in dilka Dhagajuun uu ahaa mid si ula kac ah loo geystay, kuna ogaadeen baarista la sameeyay iyo warbixinada guddiga loo saaray dhacdadaasi. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in taliyihii hore ee booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Shceyb Cabdi Maxamed lagu ridday xukun 5-sanno oo xabsi ciidan ah, halka sidoo kale Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi lagu xukumay 5 sano, kaas oo haatan baxsad ah, ayna ku raad joogaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in min labo sano xabsi ciidan ah lagu xukumay eedeysanayaasha kala ah Jamaal Isaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmi Kaariye Cali, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya. Waxa kale oo xabsiga usii dheer in ay bixiyaan magta (Diyada) marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhega-juun, Ibraahim Abuukar Cismaan & Liibaan Xasan Liibaan oo rasaasta lagu furay uu dhaawac kasoo gaaray. Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xilli habeen ah, gaar ahaan 21-kii Janaayo ee sanadkan 2021 lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay dalka Turkiga oo caafimaad loogu qaaday. The post Maxkamadda ciidamada oo go’aan kasoo saartay dilkii marxuum Dhagajuun appeared first on Caasimada Online.
-
Inkasta oo Maraykanka mar labaad horjoogsaday bayaan Golaha Ammaanku soo saari lahaa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo ay colaadi ku dhex maraysay Qasa Israel iyo ururada Falastiiniyiinta ah. Biden ayaa ku wargeliyey Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda. Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqalka Cad Biden “wuxuu ku tirtirsiyey Israel in ay intii suurto gal ah ku dedaasho in ay ilaaliso rayidka aan waxba geysan” Warbixintu waxay intaa ku dartay in Biden “sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin oo uu kala hadlay in Maraykanka, Masar iyo dalal kale ay ka wada shaqaynayaan sidii yoolkaa loo gaadhi lahaa. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana uu Biden ansixiyey heshiis Israel lagaga iibinayo hub oo qiimihiisu dhan yahay 735 milyan oo doolar. Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha. Source
-
Moya Lothian-McLean’s new series provides an important corrective to what we have been told about our history Moya Lothian-McLean: ‘I don’t know my history’ Near the start of Human Resources, a new podcast from Broccoli Productions, the journalist and presenter Moya Lothian-McLean recalls the words of Bob Marley in “Buffalo Soldier”: “If you know your history, you will know where you’re coming from.” But, she says: “I don’t know my history, I don’t know where I’m coming from or where I’m going. Neither do millions of other Brits from all sorts of ethnic backgrounds.” The daughter of a white British mother, and a black Caribbean father who left when she was three and later died, Lothian-McLean says her Jamaican ancestry remains unknown. And while the histories of Britain and the Caribbean are inextricably linked, the British history she learned at school kept that relationship, and the subject of slavery, at arm’s length. Now, at 26, she has questions she would like answered: “Did modern Britain develop alongside slavery, or because of it? Why is slavery taught as black history and not British history? What British institutions and social structures owe their foundations to the slave trade?” Human Resources is her attempt to piece together her own story and the history of Britain that has been glossed over in school syllabuses and yet continues to influence society today. There have been several podcasts lately seeking to highlight and understand Britain’s colonial past. Bonnie Greer’s In Search of Black History, from 2019, was a righteous exposé of the black stories that have been ignored and suppressed by northern European historians, while Afua Hirsch’s We Need to Talk About the British Empire talked to people about their family histories while highlighting the difficult legacy of British imperialism. Lothian-McLean’s series approaches the subject through a series of landmarks, starting with Lady Hawkins’ School, near her home in Herefordshire, and its connection to Sir John Hawkins, a naval commander and England’s first slave trader whose coat of arms featured a bound African slave. The second episode, out this week, starts at Woolsthorpe Manor in Lincolnshire, home of the apple tree that inspired Isaac Newton to formulate his law of universal gravitation. Not so well known is the debt that Newton’s research into tide readings owes to colonialism and data collection in slave ports in places such as French Martinique. Human Resources is an elegantly produced and illuminating series that provides an important corrective to what we have been told about our history. In mixing the personal and political, Lothian-McLean shows why this history remains so vital nearly 200 years after abolition. Also significant is that the series is made by Broccoli, the production company created in response to the clear bias against young and minority talent in podcasting and which masterminded last year’s Equality in Audio pact, in which industry figures and companies pledged to break down barriers and work towards greater representation. Proof that green is good for us all. Source: Financial Times The post Human Resources uncovers Britain’s colonial past through landmarks appeared first on Puntland Post.