-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - Police in Galkayo town say they thwarted a suicide bomb attack on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
I read your article yesterday on Foreign Policy with keen eyes and interest. While whining from public officials does not deserve response from any sensible citizen of the Republic of Somalia, Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa ka hadashay hadal dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku saabsanaa colaadda Israa’iil iyo Falastiin. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Erdogan u adeegsaday ereyo ka dhan ah dadka Yuhuudda, isla markaana ay si xooggan u cambaareynayaan hadalladaas foosha xun. Madaxweyne Erdogan wuxuu Israa’iil ku tilmaamay ‘dal dilaa ah’ xilli uu Isniintii ka hadlay dagaalka Israa’iil iyo Falastiin. Wuxuu sheegay in go’aanka uu Mareykanka ku shaaciyay in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil ay sare u qaadi karto damaca Israa’iil ay dhiig badan ku daadin karto. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay gaareen heshiis ay Qatar ka shaqeysay oo ay si siman ugu wadaagayaan dakhliga kasoo xarooda shidaalka iyo gaaska laga soo saaro dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay muranka gelisay. Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxiixo Doha, sida uu sheegay. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadal heshiiskan la sheegay, hase yeeshee waxay horey u beenisay in madaxweyne Farmaajo uu kulan ku saabsan arrinta badda Doha kula yeelanayo Uhuru Kenyatta. Waxay sidoo kale sheegtay in kiiska badda iyo xiriirka lasoo celiyey ee Kenya aysan isku xirneyn. Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee Eni, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xirmooyin ku yaalla dhulka muranka ay gelisay Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee Total, taasi oo ayada oo ay wehliso Eni ay leeyihiin 25% xirmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-badeedka ay muranka gelisay Kenya. Xirmooyinka shidaal ee Eni ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sanadkii tegay, hase yeeshee ka laabatay qorshahaas ayada oo aan shaacin sababta. Qatar ayaa laba toddobaad kahor ku guuleysatay inay dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, diblomaasi Qatari ah oo ku usgan Nairobi, islamarkaana codsaday inaan la magacaabin, ayaa The Star u sheegay in Qatar aysan sidaas u sameyn si ay u ilaashato danaheeda shidaalka ee dhul-badeedka. “Waa run in Qatar Petroleum ay 2019-kii iibsatay saddex xirmo oo shidaal laga sahminayo kuna yaalla badweyne Indian Ocean, kana tirsan Kenya. Si kastaba, xirmooyinkaas kama mid ahan dhul-badeedka ay ku loolamayaan kenya iyo Sooomaaliya,” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay xiriir ganacsi la leedahay labada dal, islamarkaana khilaaf kasta oo dhex-mara aanu u wanaagsaneyn. The post Warbaahinta dalka Kenya oo werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay KIISKA BADDA ka gaareen heshiis ah 50:50 appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay si weyn ugu dalaal degtay xuska 18-ka May oo ah markii la aas-aasay maamulkaasi, muddo hadda laga joogo 30-sano, waxaana tan markaas ay xukuumadda Hargeysa raadineysaa Ictiraaf gooni ah. Madaxweyne Muuse Biixi oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad dabaal-deg ah oo lagu qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey caqabadda hortaagan inay aqoonsi hesho Somaliland, wuxuuna shaaca ka qaaday inay tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay kasoo horjeedo horumarkooda, sida uu hadalka u dhigay. Biixi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dowladda kaliya ee kasoo horjeedo qaranimadooda marka la eego dhammaan dowladaha ka jira caalamka. “Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Somaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Muuse Biixi. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka xukuumad ah ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii ay Somaliland ku heli laheyd ictiraaf gooni ah, isla-markaana ay waqti iyo dhaqaalaba ku bixin doonaan jiritaan iyo sidoo kale madax banaanida ‘qaranimada’ Somaliland. “Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu markale yiri madaxweynaha Somaliland. Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dooneyso inay dowladaha caalamka iyo kuwa gobolka ay kula noolaato nabad iyo xasilooni, si loo wada ilaaliyo darisnimada iyo wax wada qeybsiga ee ka dhexeeya dhammaan dowladaha caalamka. Si kastaba, Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, welina ma helin aqoonsi gooni ah, waxaana soo maray dhowr madaxweyneyaal oo dadaal ku bixiyey qaddiyada Somaliland, balse ma jirto wax natiijo oo kasoo baxay damacaas iyo dadaalka ay Somaliland ku dooneyso madax banaanideeda. The post Yaa hortaagan aqoonsiga Somaliland, 30 sano kadib? appeared first on Caasimada Online.
-
Munaasibada xuska 30-aad ee 18-ka May oo si Mug & Miisaanle looga Xusay Gobollada Sool & Awdal Munaasibada 30 guurada xuska maalinta Qaran ee 18-ka May ayaa laga xusay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana ka qayb galay maamulka gobolka Sool, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Xuska munaasibadan waxaa hadalo ka jeediyay, odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo sulaadiinta gobolkaasi, waxaanay bulshada ku waaniyeen inay ilaashadaan xasiloonida, iyo wada jirka maaddama Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ay sodon sano jirsatay. Sidoo kale waxaa ay xuseen in Somaliland uu ka tisqaaday horumar dhinacyo badan taabanaya, waaanay bulshada ugu hanbalyeeyeen xuska munaasibada 18-ka May. Taliyaha aaga bari ee ciidanka Qaranka Somaliland sarreeyo guuto Cali Barre Xuseen iyo taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed Cabdillaahi Cabdi, ayaa iyaguna waxaa ay ku boggaadiyeen gud ahaan ciidamada kala duwan ee gobolkaasi xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, waxaanay ku ammaaneen ciidanka sida ay markasta hegaanka ugu yihiin ilaalinta nabada iyo difaaca Qaranka Somaliland. Guddoomiyaha gobolka Sool, mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa bulshada ku nool gobolka Sool iyo degmada Laascaanood u diray hanbalyo la xidhiidha xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, iyaga oo ugu baaqay in ay si wada jira uga wada shaqeeyaan horumarka Somaliland. Geesta kalena xuska soddon guurada Qaran ee 18-ka May ayaa laga xusay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, iyada oo xuska maalintan ay bulshadaasi kala qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Isu duwaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee gobolka Awdal Marwo Farduus Sheekh Siciid iyo guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka ee NOW, ee gobolkaasi Marwo Safiya Hufane ayaa shacabka gobolka Awdal ku boggaadiyay isla markaana ku ammaanay sida ay u weyneeyeen xuska munaasibada 18-ka may. Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo duqa degmada Borama ayaa bulshaweynta gobolka Awdal ayaa ku boggaadiyay sida maalinta Qaranimada Somaliland ee 30 jirsatay ay u xuseen. Dhanka kale wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde ayaa sheegay in Somaliland muddada sodonka sano ah ay gaadhay horumar la taaban karo, taasi oo ay saldhig u tahay nabadgelyadu, isaga oo intaas raaciyay in Somaliland ay ku naalooneyso horumar iyo doorashooyin ku dhaca si xor iyo xallaal ah. Qaran News
-
Fooqa 2aad ee ugu dheer Dalka Shiinaha oo ka kooban 70 Dabaq oo keligii gariiray+Dawlada Shiinaha oo garan la’ sababta Dhismaha SEG Plaza ee magaalada Shenzhen wuxuu kusoo xigaa 100-ka dabaq ee ugu dheer dalka Shiinaha Guri aad u dheer oo 70 biyaano ah ayaa dadkii ku sugnaa laga daad-gureeyay kaddib markii uu billaabay inuu gariiro, arrintaas ayaana cabsi xoog leh ku dhalisay dadkii dukaameysanayay oo isu buurtay inay naftooda la baxsadaan. Dhismahan ayaa ku yaalla magaalada Shenzhen ee koonfurta dalka Shiinaha. Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa sheegay in aysan wali garaneynin sababta keentay in gurigaas oo dhirirkiisu yahay 300m (980ft) uu gilgisho gelinkii dambe ee maanta oo Talaado ah. Ma jirin wax dhul gariir ah oo la soo tebiyay xilligaas. Waxaa hadda socda baaritaan ay khubaradu ku doonayaan inay ku ogaadaan sababta. Dhismahan oo jira 20 sano ayaa saldhig u ah suuq qalabka korontada ku shaqeeya lagu iibiyo iyo xafiisyo. Wuxuu dhex qotomaa faras magaalaha Shenzhen, oo ah magaalo ilbaxsan oo ay ku nool yihiin in ka badan 12 milyan oo ruux. Waxay magaaladan caan ku tahay suuqyada qalabka korontada iyo warshadaha tiknoolojiyadda. People in Shenzhen reported to have fled the 73-story SEG Plaza after the building tilted on its foundations. No earthquake recorded in the area https://t.co/OV0g4Luz5O — Austin Ramzy (@austinramzy) May 18, 2021 Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa lagu arkayaa boqollaal qof oo ka cararaya goobta uu ku yaallo dhismahaas wax yar kaddib markii la qeylo dhaamiyay. Wargeyska Global Times ee kasoo baxa Shiinaha ayaa tebiyay in maamulka degmada Tutian ee ay magaalada Shenzhen ka tirsan tahay heleen xog ku saabsan gariirka dhismaha SEG Plaza, macluumaadkaasna ay ka heleen shaqaalaha dabaqa gudihiisa ku sugnaa saacaddu markii ay ku beegneyd 12:31 waqtiga maxalliga ah (05:31 GMT). Markii la gaaray 14:00, qof walba oo gudaha dhismaha ku jiray waa laga saaray, sida uu tabiyay wargeyska. Bayaan ay goor dambe soo saareen ayay maamulka dowladda maxalliga ah ku sheegeen in baaritaanno hordhac ah lagu ogaaday “in aysan jirin wax dillaacyo ama tarar ah oo guriga uu leeyahay” sidoo kalena uusan ka muuqanin dhaawac “qeybaha darbiga bannaanka”. Dhismaha SEG Plaza oo la dhameystiray sanadkii 2000 waa dabaqa 104-aad ee ugu dheer dalka Shiinaha, liiska dabaqyada ugu dhaadheer caalamkana wuxuu uga jiraa 212, sida laga soo xigtay golaha xog aruurinta dhismayaasha caalamka, oo macluumaadkooda ku soo bandhiga dhinaca online-ka. Shenzhen waxaa ku yaalla dabaqa 4-aad ee ugu dheer caalamka Shenzhen oo ah magaalo isku xirta Hong Kong iyo dhul-weynaha Shiinaha, waa meel astaan u ah cilmiga teknoolojiyadda iyo hindisaha cusub ee waddankaas. Ganacsiyada waaweyn ee xarumahooda dhexe ay magaaladaas ku yaallaan waxaa ka mid ah shirkadaha Tencent iyo Huawei. Dabaqa Afaraad ee ugu dheer caalamka, oo lagu magacaabo Ping An Finance Centre, dhirirkiisuna yahay 599m ayaa ku yaalla magaaladaas. Shiinaha ayaa aad loogu yaqaannaa in ay dhismeyaasha ku dumaan. Bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay, hoteel loo isticmaalayay xarun lagu karantiilo dadka uu ku dhacay fayraska corona oo ku yaalla magaalada Quanzhou ayaa dumay, waxaana ku dhintay 29 ruux. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay weerarada a Yahuudda ku hayaan Falastiin waxay ku sheegtay in dhacdooyinkaas ay yihiin casharo ay wax ka baran karaa umadda Islaamka. Al-Shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay, in marka kowoaad, ay dhacdooyinkaas muujinayaan in ruuxda jihaadka ay weli ku nooshahay xididdada shacabka dhulka barakeysan ee Falastiin. Waxay tiri, in marka labaad, ay dhacdooyinkaas muujinayaan heerka uu gaarsiisan yahay cadaawadda ay Yahuudda iyo Kirishtanka u hayaan umadda Muslimiinta ah. “Halka ay Yahuudda xasuuq ku hayaan haweenka iyo caruurta aan is-difaaci karin, dalalka Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Faransiiska waxay sii wadaan inay taageeraan dambiyada dagaalka Israel,” ayaa lagu yiri qoraalka. Marka saddexaad, ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab, dagaalka Qudus ka socday tan iyo bishii Ramadan wuxuu ceeb iyo dhabarjab ku yahay kuwii ku baaqayey in la caadiyeeyo xiriirka Israel, sida hoggaamiyayaasha Carbeed. Imaaraadka Carabta, Bahrian iyo Sudan ayaa sanadkii tegay caadiyeeyey xiriirka Israel. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dunida oo dhan ay hadda garowsatay in hindisaha loogu yeeray nabadda ee u dhaxeeya Yahuuda, Kirishtanka iyo Muslimiinta, oo ay ula jeedo dalalka Carbeed, aysan macquul aheyn inuu shaqeeyo, islamarkaana ay guul-darreysteen kuwii isku dayayey in umadda Muslimiinta ah ay u dhiibaan cadowgooda, sida lagu qoray bayaanka. Bayaan Al-Shabaab ayaa intaas ku daray, in marka afaraad, ay u mahad-celinayaan dhammaan Muslimiinta is-garab taagga u muujiyey walaalahooda ku sugan dhulka barakeysan. “Waxaan ugu dambeyn ugu baaqeynaa wiilashada Umadda inay bartilmaameedsadaan danaha Yahuudda iyo Gaalada ee dunida oo idil, ayna taageeraan walaalahooda caburinta lagu hayo ee Gaza iyo dhulalaka kale ee la haysto ee Falastiin,” ayey tiri Al-Shabaab. The post Shabaab oo 4 qodob kasoo saartay weerarada Yahuudda ee GAZA, dalbatay hal mid appeared first on Caasimada Online.
-
Guud ahaan Somaliland midnimadii 1960kii waxa ay ka dhaxashay burbur,xasuuq iyo dib u dhac balaadhan. Sawirkani waa muuqaalka guud ee Hargeisa caasimada Somaliland oo ay burburisay xukumadii Somalia 1988kii. Sawirkan hoos yaalaana waa dib u dhiskii isla Hargeisa hada oo ka soo kabatay burburkaasi iyada oo aan caawimo dibadeed aan la helin Kuwa maan gaabka ah ee ku hadaaqa maxaa la qabsaday 30kii sano ee ay Somaliland jirtay ha ogaadaan in dib u dhiska sidaasi u balaadhan ee dalka oo dhan laga hir galiyay ayna ku iman bilaash ee ay saamaxday amniga iyo dawladnimada qori isu dhiibka ahayd ee ka hana qaaday gayiga Somaliland Qarannews Qaran News
-
Asmara (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhallinyaro Soomaali ah oo ka badan 10 qof ay xoog uga soo baxsadeen xeradii tababarka ee dalka Eritrea kadib markii ay ka gadoodeen muddo dheer oo ay halkaas joogaan. Dhalinyarada soo baxsatay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku geeriyoodeen jidka intii ay safarka soo haayeen halka qaar kalane ay ku dhinteen rabshado ay kala kulmeen Qowmiyadda Canfarta, iyadoo tiro kooban ay safar dhulka ah ku soo gaareen dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in dhallinyaradaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya balse ay jiraan iskaashi ay sameeyeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu baadi goobayo dhalinyaradaan. Sida aan kasoo xiganay dad ehel la eh, qaar kamid ah dhalinyaradaan oo soo galay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo waceen dad ku xiran Villa Somalia oo lacag badan u ballan-qaaday si aysan warbaahinta uga hadal, uguna yimaadaan dowladda. Waxay sidoo kale sheegeen in loo hanjabay markii ay diideen yaboohyadii loo sameeyey, welina ay hadda ku jiraan baxsad ayna raadinayaan xubno kamid ah sirdoonka Itoobiya. Villa Somalia ayaa dadaal kasta u mareysa in dhallinyaradaas aysan warbaahinta ka hadal, taasi oo haddii ay dhacdo banaanka keeni doonto sirtii sanado badan la qarinayey ee ku gadaaman dhallinyarada askar ahaanta loo geeyey Asmara. Waalidiin badan ayaa maalmahan Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego carruurta kaga maqan dalka Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday in shaqo ilaalo ah loo gaynayo Qatar. The post Xog: Qaar ka mid ah dhallinyaradii askar ahaanta loogu qaaday Eritrea oo soo baxsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu rajo uga muujiyey in shirweynaha loo balansan yahay 20-ka bishan uu noqdo mid mira dhala, waa hadii uu noqdo mid loo dhanyahay, sida uu u dhigay qoraalkiisa. Sheekh Shariif oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebookga ayaa yiri, “Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada.” Sidoo kale madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in kalsooni heerkeedu sareeyo uu ku qabo in dadaalada socda ay yihiin kuwo xal loogu heli karo khilaafka doorashooyinka dalka. Isagoo soo jeediyey in fursad la siiyo ra’iisul wasaaraha. “Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu Sheekh Shariif qoraalkiisa ku yiri. The post Sheekh Shariif war kasoo saaray shirka 20-ka May iyo kalsoonida uu ku qabo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in caawa uu ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen ilaa seddax qof oo la socotay mooto Bajaaj. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxaas uu ka dhacay dhabarka dembe ee Hotel Ambas oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo. Sida aan xogta ku heleyno qaraxa ayaa dhacay xilli ay mootadu mareysay wado aad u cariiri ah oo marta dhabarka dambe ee hotelkan, waxaana war ka soo baxay Afhayeenka booliska Soomaaliya lagu sheegay in qaraxa ay wateen ragga ku dhintay ee saarnaa mootada. “3 naftood-halige, oo qaraxsiday ayaa qorsheeynayay inay is qarxiyaan, ayeey ka hortageen Ciidanka Boliiska Magaalada Gaalkacyo, Xaafada Wadajir agagaarka Hotel AMBAS dhanka Galmudug. Argagaixisada oo dhamaan goobta lagu dilay,” ayuu ku yiri qoraalkaan uu soo saaray Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali. Hey’adaha ammaanka koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in qof kale aysan waxyeello ka soo gaarin qaraxaas, isla markaana la aaminsan yahay in nooca qaraxaas uu ahaa jaakado qarxa oo ay wateen ragga ku dhintay ee saarnaa mooto Bajaajta. The post DEG DEG: Rag qorsheynayey inay is-miidaamiyaan oo lagu laayey Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirka wada-tashiga doorashada ee la filayo in maalinta Khamiista uu ka furmo magaalada Muqdisho. Jubbaland ayaa soo dhaweysay shirkaas oo uu hore u iclaamiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, si xal looga gaaro khilaafka soo noq-noqday ee hanaanka doorashada dalka. Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland, Xersi Jaamac Gaani ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay waxyaabah kasoo bixi doona shirkaas oo uu si weyn usoo dhaweeyay. Waxa uu carabka ku adkeeyay in ra’iisal wasaare Rooble looga baahan yahay inuu cadeeyo in umadda Soomaaliyeed uu dhex u yahay, islamarkaana uu ka madax-banaan yahay dhinacyada iska soo horjeeda. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay dadaal badan gelin doonaan sidii Soomaaliya wadada saxda ah ugu soo noqon laheyd, una qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah. Jubbaland ayaa kamid ah maamulada sida adag uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, hase yeeshe xiligan taageero balaadhan u muujinaya ra’iisal wasaaraha oo loo igmaday arrimaha doorashooyinka. Madaxda Jubbaland ayaa kal hore soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Rooble oo qabsoomaya maalinta Khamiista ee toddobaadkan, waxayna u badan tahay in is-faham guud laga gaaro qoddobadii hore loogu kala dhaqaaqay. The post Mowqifka Jubaland ee shirka 20-ka May ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday shirkad diyaaradeed oo ka diiwaan gashan Kenya, kaddib markii ay tagtay Somaliland. – Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan Hey’adda Duulista Soomaaliyeed (SCAA). Diyaaraddan oo lagu magacaabo Astral ayaa Hargeysa gaysay agab loogu talo galay doorashada Somaliland. Kenya oo dhawaan xayirtay duulimaadyada Soomaaliya ayaa fasax gaar ah siisay laba diyaaradood oo Somaliland u sida agab doorasho. Source
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “gacmaha dhiig ku sito” sababo la xidhiidha taageeradiisa dagaalka Israa’iil ay ku qaadeyo Marinka Gaza. Hadalka Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishinka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga daawaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad bishii January. “Waxaad gacmahaaga dhiigga leh ku qoreysa taariikh. Waad nagu qasabtay inaan sidan dhahno, sababtoo ah intan ka badan kama aamusi karno arrintan,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan. Madaxweyne Erdogan ayaa taageero xooggan kaga kasbaday Bariga Dhexe u ololeyntiisa qadiyadda Falastiin, 18-kii sano ee uu xukumayey Turkey. Waxa uu toddobaadkii tegay ku eedeeyey Israel Inay qaadeyso “argagixasanimo”, wuxuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza. “Maanta waxaan aragnay saxeexa Biden ee hubka laga iibinayo Israa’iil,” ayuu yidhi Erdogan isaga oo tixraacaya warbixino ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in Maamulka Biden uu ansixiyey hub loo daadgureeyo Israa’iil. “Dhulka Falastiin wuxuu la ciir-ciirayaa cadaadis, rafaad iyo dhiig, si la mid ah dhul badan oo ku nabad-waayey burburkii Cusmaaniyiinta, adigana middaas ayaa taageereysaa,” ayuu Erdogan ku yidhi Biden. Waxa uu sidoo kale ku dhalleeceeyey Austria inay sare u qaaday calanka Israel toddobaadkii tegay ayada oo u muujineysa “is-garab tag.” “Waxaan ku cambaareynayaa Austria inay sare u qaadeen alanka dowladda argagixisada ah,” ayuu yidhi Erdogan. Erdogan ayaa wada olole diblomaasi ah oo uu doonayo in cunaqabateyno iyo ciqaabo kale lagu saaro Israa’iil oo tan iyo 10-kii May duqeyn ka wadda Gaza, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan ku dhowaad 60 carruur ah. Source
-
Somalia’s president says entrenched elites are blocking the path toward universal suffrage and insisting on an indirect electoral system that maintains their power. Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, commonly known by his nickname of Farmajo, attends the special assembly for abandoning the two-year extension of his presidential term at Villa Hargeisa in Mogadishu on May 1. AFP VIA GETTY IMAGES To avoid a power vacuum after my four-year mandate as Somalia’s president ended on Feb. 8, Somalia’s House of the People passed legislation in 2020 to ensure that the political transfer of power rightfully happens only through elections. This means that the current elected officials have to remain in office until they are reelected or replaced through the electoral process. Somalia’s elections have been delayed not because I wish to cling to power, as some have falsely argued, but because of a political impasse that has led to a division between Somalia’s federal government and some of its member states on the way forward. At the core of the disagreement is a conflict between my government’s goal of universal suffrage through direct elections and those who insist on an indirect election model that empowers elites and denies ordinary citizens a vote. It is time for the international community to ask: Why must a select few clan elders and leaders of the federal member states hold the Somali people hostage every four years? And why must the private interests of this small elite silence the voices of the millions of people they claim to represent? In Somalia since 2012, all presidents, including myself, have been elected to a four-year term. But given that it is essential that the country’s future leadership be determined through an inclusive democratic process, the 2021 elections were delayed to fulfill this requirement. In the last two elections, Somali clan elders played a major role in selecting the political representatives for entire communities under a strict clan power-sharing formula. These clan elders represented, and still do, the five major Somali clans that share governance powers within Somali society. Since all previous elections were indirect and concentrated enormous political power and influence in the hands of 135 clan elders, I was keen to prepare an improved model for elections rather than maintain the status quo. The fact that there were sequential peaceful transfers of power in Somalia in the past, despite the delays in all previous elections, is a testament to the increasing political maturity of our fragile state. At the core of the disagreement is a conflict between my government’s goal of universal suffrage through direct elections and those who insist on an indirect election model that empowers elites and denies ordinary citizens a vote. In Somalia, our federal model also necessitates a strong partnership between the federal government and the five federal member states, namely Puntland, Jubaland, South West, Galmudug, and Hirshabelle. These federal member states play a key role in the national electoral process. Given that Somalia is a representative democracy, the federal member states are vital constituencies for political representatives in both the House of the People and Senate, with the latter solely representing their interests at the federal government level. From the beginning of my tenure starting February 2017, my government opened the political space for dialogue in advance of any electoral process to all the federal member states, which are the main election stakeholders. In fact, it was always our clear ambition to transition Somalia from indirect elections to full universal suffrage within my four-year term, and it seemed possible after we reached an agreement with the federal member states in June 2018. This was not immediately possible, however, because all five federal member states reneged on the agreement. Instead, they opted for a renegotiated election model, because they opposed the multiparty system based on proportional representation that returned power to the people and excluded the established monopoly of clan elders. With much regret and dismay on the part of the main stakeholders, including federal lawmakers who wanted multiparty elections, an indirect election was negotiated and agreed to on Sept. 17, 2020, as the way to preserve and build on our national democratic traditions and aspirations. In all post-conflict and fragile recovering states, state-building processes are constantly negotiated and shaped by dialogue and compromise. Trust is also in short supply. Understanding this all too well, I accepted the September 2020 agreement, which was finalized by a panel of technical experts representing the federal government and its member states. It was a dramatic shift from the goal of universal suffrage to return to a clan-based model simply to accommodate the continuously shifting views and needs of the federal member states. This agreement and its implementation processes provided a clear road map and reasonable schedule to meet the election timeline. This process broke down as soon as Puntland and Jubaland leaders returned from their trip to the United Arab Emirates and Kenya—two countries which Somalia did not enjoy strong bilateral relations with—in late November 2020. Then, last month, the Somali House of the People, in line with its constitutional mandate, decided that the only way to remedy this paralyzing situation and to preserve Somalia’s nascent democracy was to return to the aspiration of universal suffrage within no more than two years. This period was necessary to effectively prepare the elections. This was a perfect opportunity to end the clan model’s monopoly over Somalia’s political future. Sadly, despite the independence of the lawmakers, this action was framed as an illegal term extension on the part of the federal government by the opposition and some of Somalia’s key international partners, including the United Nations, the European Union, the United Kingdom, and the United States, to name but a few. In fact, this was a perfect opportunity to end the clan model’s monopoly over Somalia’s political future. Following the majority vote of the House of the People, I signed the universal suffrage bill, which stipulated that the elections must be held within a two-year period. Despite misguided and highly politicized national and international uproar, this was genuinely the only way to break the political stalemate and respond to the Somali people’s aspirations to shape their own political destiny. Yet again, the federal government compromised after the outbreak of violence instigated by members of the opposition. Furthermore, in line with our commitment to compromise and the need to preserve national unity and protect the security of our citizens, we returned to Parliament and I personally requested the House of the People to revert to indirect elections, which it unanimously voted for on May 1. By the end of this month, we will, once again, return to the table to finalize the agreement to implement the indirect elections. The process will be led by Prime Minister Mohamed Hussein Roble, and we will ensure that it is as inclusive as could be within the limitations of an indirect election and that it happens at the earliest possible opportunity. Unfortunately, the political fragility of Somalia at present defies the established practical and healthy democratic tradition of majority rule, due to demands for total unanimity. Securing electoral consensus in Somalia means convincing absolutely all stakeholders, all the time, and on all issues. This is what makes Somalia’s extremely unique and inclusive governance incredibly challenging. Indirect elections are clearly not ideal or sustainable. They also do not represent the genuine will of the people. Nevertheless, after a difficult negotiation process, they are all Somalia has now. As a lifelong believer in the values of democracy who has proudly worked in public service in the United States and Somalia, I strongly believe in expanding the political space to create a truly thriving, durable, and inclusive democratic politics in Somalia. Many of the remaining challenges of Somalia’s state-building processes stem from exclusionary elite demands centered on patriarchal clan identity. This does not serve the Somali people’s democratic or developmental interests for the long term. Indirect elections are not ideal or sustainable. They do not represent the genuine will of the people. Nevertheless, after a difficult negotiation process, they are all Somalia has now. The recent regrettable political violence in Somalia was opportunistically presented as a measure of last resort by those instigating it, but there is no shortcut to a democratic transition in Somalia. Somalia still faces major state-building and developmental challenges. It is evident that the top-down state-building process is not delivering universal suffrage for the people. In the future, more bottom-up approaches must be encouraged and supported. However, we are determined that our democratic transitions will always be Somali-owned and Somali-led. To that end, we will, and must always, strive for universal suffrage while implementing the current indirect elections so Somalia escapes the painful recurrent fragility trap in the short term and all of its people can elect their leaders in the long term. Mohamed Abdullahi Mohamed is the president of the Federal Republic of Somalia. Twitter: @M_Farmaajo Source: Foreignpolicy.com The post Don’t Blame Me for Delaying Somalia’s Elections appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Warfaafinta dowlad gobaleedka Puntland ayaa shaacisey guddi sare oo ka shaqeynaya diiwaan gelinta iyo aqoonsiga wariyayaasha ku sugan deegaanada dowlad gobaleedka Puntland. Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa isugu jira xubna ka socda dowladda iyo Bulshada Rayidka oo ay ku jiraan saxaafadda waxaa ayna ka shaqaynayaan aqoonsiga weriyaasha iyo howlahooda kale. Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga Source: goobjoog.com
-
Astaan kale oo Somaliland leedahay, ayaa ku baxday gacanta ciidanka bishii April ee sannadkan 2021. Hore, askar ka tirsan ciidanka qaranka, ayaa dhagax ku dilay geedkii muunadda u ahaa buurta Daalo (Mooli). Mar kale, askar ka tirsan bileyska, ayaa sida taliyihii watay sheegay, toddoba xabbadood ku du dilay libaax rabbaayad ahaa, oo si farsamo xumo ah uga fakaday halkii lagu hayey. Waa maragmadoon in ciidanku nafta dadka badbaadinayeen, bal se waa tallaabo kale oo bannaanka keentay, qorshe xumo jirta oo salka ku haysa in aan hore looga tabaabushaysan, ka la’ badbaadinta dadka iyo libaaxaa rabbaayadda ahaa ee aan duurjoogga ahayn. Xalka keliya ee la guddoontay ayaa noqday in dil toogasho ah lagu fuliyo. Waa dhaawac kale, oo soo gaadhay qalbiya dadka u ololeeya badbaadada deegaanka iyo duur-joogta naadirka ah ee Somaliland ku nool. Dadkaa oo aan ka mid ahay, waxa aanu ka soo kabanaynay jugtii iyo xanuunkii na gaadhay, bishii Julaay ee sannadkii 2020, markii askartu dhagaxa ku dishay mooligii Daalo. Muu ahayn libaax ka yimi Libaax-qawdhama, Gacanlibaax ama meel kale oo Somaliland ka mid ah ama ka baxsan, ee waxa uu ahaa libaax rabbaayad ah oo ka baxsaday meeshii lagu hayey. Waxa uu ahaa libaax ku koray gacanta dadka, oo waa la quudin jiray tan iyo markii uu dhashay. Muu ahayn mid ugaadhsada oo dibada cunto u doonta ama dadka hilibkooda ku mamay, ee waxa uu ahaa mid arkayey dad u shaqaynaya oo u adeegaya intii uu noolaa ba. Waa wax Ilaahay qoray oo cidi na may baajin karayn’e, libaxaa waxa khaarajiyey ciidanka birmadka ee booliska Somaliland ka tirsan. Ciidanku amar la siiyey ayey fuliyeen oo canaan ma laha, waxa se canaantu dulsaaran tahay sida hawsha loo maareeyey. Haddii ay dileen ba, in ay qoryaha la dulfadhiistaan oo ay shirjaraa’id ku dul qabtaan may qummanayn. Maydkiisa na in ay gubaan, iya na waa laga qurux badnaa, oo waxay ahayd in lagu wareejiyo Cali Maxamed Warancadde ama haragga ha ka saaro, oo siyaabo badan loo isticmaalo, xusuus na u noqon lahayd, maadaama oo uu tacab badani ka galay korintiisa ama ba ha aaso maydkiisa. In kasta oo nolosha dadka iyo badqabkoodu wax kasta ka horreeyo, oo libaaxa baxsaday halis iyo cabsi ba gelin karo bulshada, sida dhacday ee uu gabadh waxyeellada u geystay, hadda na aad ayaan uga naxay sidii libaaxa loo dilay. Weydiimo badan, ayaa dulhoganaya dilkiisa iyo sidii la yeeli lahaa ba markii uu baxsaday iyo meesha lagu hayey ba. Waxa meesha ka soo baxday, in aanu jirin qorshe wax badbaadin ah, dil mooyaane. Waa diyaargaraw laga rabo in uu sameeyo Cali Warancadde, oo sheegay in uu lix iyo labaatan sano libaaxyada dhaqayey. Hore ayaa loo yidhi: “Nin habari dhashay, hal ma seegi weydo.” Cali tacab weyn ayuu muujiyey, oo libaaxyadii waddankeena ka dagabar go’ay ee ka guuray, ayuu is u xilqaamay in uu sameeyo meel loogu soo hagaago. Mar haddii uu go’aansaday in uu dhaqo libaax, oo ah xayawaan halis ah, ku na dhex dhaqo magaalo (Hargeysa), waxa fuulaya xil culus oo ku arooraya sidii uu dadka iyo libaxaa u ka la badbaadin lahaa. Tusaale ahaan, in meesha lagu haynayaa ay yeelato dhawr deyr oo ka la danbeeya. Haddii uu libaax is ku dayo in uu baxsado, oo uu meesha jeelka ah ee lagu xareeyo uu dibada uga baxo, in uu jiro deyr dheer oo adag oo aanu ka gudbi karin. Haddii ba ay dhacdo oo uu libaax baxsado, in Cali uu diyaar u yahay qoriga laga rido suuxisada xayawaanka duurjoogta ah loogu talagalay, ee lagu gano lagu na suuxiyo marka la qabanayo. Haddii uu Cali qorigaa hayo, oo uu libaax dibadda u cararo, waxa fududaan lahayd in libaaxaa nolol lagu soo celiyo. Waxay ahayd markii labaad ee libaax ka baxsado Beerta Libaaxyada ee Cali Warancadde ee Hargeysa, is la markaa na uu waxyeelo geysto, muxuu ka bartay dhacdadaa hore iyo in aanay mar danbe soo noqon? Muxuu libaaxyada ugu rari waayey meel magaalada ka baxsan, si haddii uu baxsado libaax ay xitaa waxyeladiisu u yaraato? Mar na ma ku fekeray in uu gacanta dawladda ku wareejiyo? In kasta oo uu tacab badni ka galay xannaanaynta libaaxyada. Weydiimahaa iyo kuwo kale oo badani ba, Cali, way horyaallaan. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somalilan, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa warbaahinta u sheegtay in sharcigu u ogol yahay in ay la wareegaan libaaxyada Warancadde. Kollay ba wax si dhib yar loo la wareegayaa ma jirto, oo waa in si waafiya looga arrinsadaa tacabkii muddada soo taxnaa ee Cali ka galay libaaxyada. Waasiirku, ma ahayn in ay la soo booddo la wareegista ee waxa mudnayd, in ay hore u qiimeeyaan ammaanka goobta lagu hayo libaaxyada iyo in ay habboon tahay in magaalo lagu dhex hayo xayawaan halis ah. In kasta dalalku ka la shacri duwan yihiin, marka laga tago goobaha qaran ee xayawaanka, waddamo ka la duwan waxa ka jira goobo xayawaanka halista ah lagu hayo, oo gaar loo leeyahay. Arrinta muhiimka ahi waxa weeyaan, sida xil weyn la isaga saarayo adkaynta ammaanka goobaha, ujeeddada loo dhaqayo, in goobtu ku habboon tahay iyo sida loo gudanayo masuuliyada quudinta. Ugu danbayn, waxa mudan in la Ilaaliyo deegaanka, oo noloshu ku xidhan tahay. Waxa kale oo laga ma maarmaan ah in la Ilaaliyo xayawaanka duurjoogta ee waddanka ka badargo’aya. Cid kasta oo waxyeello ku haysa na, waa in tallaabada ku habboon oo sharci ah laga qaado. Si aanay mar danbe u dhicin, oo aan libaax rabbaayad ah loo toogan, waa in qaran ahaan la diyaariyo dad u tabaran sida loo qabto libaaxa ama duurjoogta kale ee halista ah; kuwa rabbaayadda ah iyo kuwa aan ahayn ba. Haddii ay jiraan na waa in la xoojiyo. Sida oo kale, waa in mar kasta la la tashado khuburada deegaanka iyo duurjoogta. Si looga badbaado in si quracan wax loo maareeyo. WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare” cabdiheersare01@hotmail.com Qaran News
-
The recent torrential rains across Somalia have affected around 166,000 people, the United Nations humanitarian agency said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa faallo uu ku qoray wargeyska Foreign Policy isaga difaacay eedaha loo jeediyo ee la xiriira xukun jaceylka, isaga oo sidoo kalena weerar ku qaaday mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland. “Doorashooyinka Soomaaliya dib uguma dhicin sababo la xiriira inaan doonayo inaan xukunka ku dhegenaado, sida dadka qaar ay si been ah ugu doodaan, balse waxaa dib u dhigay is-mari waa siyaasadeed oo keenay inay kala qeybsamaan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah oo ku aadan, habka horey loogu dhaqaaqi karo,” ayuu yiri Farmaajo. Waxa uu sheegay in xudunta khilaafka ay tahay in dowladdiisa ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah iyo kuwa “doonaya doorasho aan toos aheyn oo awoodda siisa siyaasiyiinta una diida shacabka caadiga ah codkooda.” “Waxaa la gaaray xilligii ay beesha caalamka is-weydiin laheyd: Maxay shacabka Soomaaliyeed ay afar sano oo kasta ay mar la-haystayaal ugu noqdaan odayaal qabaa’il oo kooban iyo madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri. Farmaajo ayaa sheegay in bishii June 2018 ay dowladdiisa iyo maamul goboleedyada isku raaceen doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee taasi ay dhici weysay kadib markii dhammaan shanta dowlad goboleed ay ka baxeen heshiiska, ayaga oo kasoo horjeeda in awoodda la siiyo shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaas ku daray in isaga oo aad uga niyad jabsan taas, dib loo galay wada-xaajood, islamarkaana la isku raacay hanaan doorasho oo aan toos aheyn 17-kii September 2020, taasi oo uu aqbalay. “Hanaankan wuxuu burburay waxyar un kadib markii hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland ay bishii November 2020 kasoo laabteen safarro ay ku kala tageen Imaaraadka Carabta iyo Kenya – oo ah laba dal oo Soomaaliya aysan xiriir xooggan la lehyn,” ayuu yiri Farmaajo. Wuxuu sheegay in is-mari waa dheer kadib baarlamanka uu meel mariyey sharci ah in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto laba sano gudahood, taasi oo isaga uu saxiixay. Hase yeeshee, buu yiri, taasi waxaa ka dhalatay carro xooggan oo ay sameeyeen mucaaradka iyo xubno ka mid ah beesha caalamka, taasi oo mar kale dowladdiisa ku qasabtay inay tanaasusho, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu ku eedeeyey mucaaradka inay huriyeen rabshadihii ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay go’aanka baarlamanka. Wuxuu rabshadahaas ku qeexay fursad ay ka faa’iideysanayeen kuwa huriyey. Waxa uu ugu dambeyn sheegay in mar kale bishan la isku dayi doono in la isku raaco heshiis lagu fuliyo hanaan doorasho oo aan toos aheyn, ayada oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayna xaqiijin doonaan inuu noqdo hanaan loo dhan yahay oo doorasho ku hoggaamiya fursadda ugu horreysa uguna macquulsan. The post Farmaajo oo qoray faallo xasaasi ah oo uu isku difaacay kuna weeraray mucaaradka, Jubaland iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban Wasiiro iyo Saraakiil Amni u magacaabay baarista dil dhowaan loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Badbaado Qaran, guddigaas oo isla maanta la kulmay eheladda marxuumka. Guddiga loo xilsaaray barista kiiskan waxa ka mid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Xirsi Aadan iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole. Mas’uuliyiintan ayaa si degan u dhageystay cabashada ehellada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe, iyagoo ehelada ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Islaam-nimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan. Wahadal dheer, is dhageysi iyo is qancin kadib waxaa Warbaahinta la hadlay Cabdulaahi Khaliif Cali oo kamid ah Waxgaradka Marxuumka iyo Saalax Sheikh Maxamed Ciroobe oo ah Marxuumka adeerkiis, waxa ayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno cidii wiilkoodii sida arxanka daran u dilay isaga oo xiran tuutihii uu Qarankiisa ugu adeegayey. Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Al-Cadaalada ayaa u tacsiyeeyay eheladda waxaa ayna ka marag kaceen in arintan ay ceeb ku tahay Qaranimadda marka laga yimaado tiiraanyada qoyska sidaas daraadeedna ay waajib qaran tahay in la helo kuwii ka danbeeyay. Meydka Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqow oo ka mid ahaa askartii ciidamada dowladda ee ku biiray ciidanka bad-baado qaran ee kasoo horjeeday muddo kororsiga ayaa Axaddii laga helay agagaarka Iskuul Buluusiya ee Muqdisho. Marxuumka oo si arxan darro ah loo dilay ayaa waxaa meydkiisa lasoo dhigay, isaga oo xiran dharka ciidanka god qashin ah oo ku yaalla agagaarka Iskuul Buluusiya. Qaar ka mid ah ehellada marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muqtaar (Maxamed Deeqow) ayaa sheegay inay waayeen wiilkooda, kadibna loo soo sheegay in meydkiisa uu yaallo nawaaxiga xerada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Deeqow ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida, gaar ahaan Unuga Duufaan, waxaana wararka ay sheegayaa in dhawaan looga yeeray taliska hay’adda NISA, si uu dib ugu laabto shaqadiisa, maadaama xal laga gaaray xiisadii ka taagneyd Muqdisho. Dilka qarsoodiga ah ee loo geystay Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe ayaa ciidamadii ka tirsanaa Badbaado Qaran ku abuurtay cabsi weyn kadib markii ay soo baxday shaki ku aadan in si gaar gaar ah loo ugaarsan doono saraakiishii ka tirsanaa ciidamadas. Ciidankaan Badbaado Qaran oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in uu billowday beegsiga ragii mucaaradka u dagaalamay iyo kala shaki weyn, taasoo keeni karta uu jabo heshiiskii Rooble iyo Mucaaradka. Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa Axaddii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in uu baaro dadkii ka dambeeyay dilka Askariga maadaama uu qaatay masuuliyadda amniga dalka. Muuse Suudi waxa uu sheegay in Rooble uu mas’uul ka yahay dhib kasta oo gaara ciidanka mucaaradka, maadaama isaga uu heshiis la galay. The post Rooble oo qaaday tallaabo la xiriirta dilka askarigii ka tirsanaa ciidanka Badbaado Qaran appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Youth are Africa’s best asset; invest in them – African Development Bank President Adesina Adesina was speaking at a virtual roundtable at which he presented a novel concept for youth entrepreneurship investment banks PARIS, France, May 18, 2021/ — Africa’s underinvested youth are in need of urgent attention and youth entrepreneurship investment banks must become the focus of global support, the African Development Bank (www.AfDB.org) head Dr. Akinwumi A. Adesina said Monday in a discussion on scaling up financing for the continent’s youth. Adesina was speaking at a virtual roundtable at which he presented a novel concept for youth entrepreneurship investment banks. The roundtable, organized by the African Development Bank, came a day ahead of the Summit on Financing African Economies convened by President Emmanuel Macron. Spanish Foreign Minister Arancha González Laya, Jean-Michel Severino, CEO of Investisseurs et Partenaires; Ashish J. Thakkar, CEO of Mara Phones; Yana Kakar Global Managing Partner Emeritus at Dalberg Advisors; Yvonne Otieno, CEO, Miyonga Fresh Greens, and other representatives of the private sector joined in the meeting. Otieno urged the world to believe in the youth and to put their hands in their pockets. “Take a risk on us. You will never regret it,” she said in a moving presentation in which she described her career trajectory which began in a bookshop, progressed through journalism, to starting her own business growing French beans on 1.5 acres of land. “Failure is only a weakness if you don’t learn from it,” said Otieno. With lack of access to finance a serious bottleneck, the proposed youth entrepreneurship investment banks would coordinate financial and non-financial actors and partners to more effectively support youth entrepreneurs. “We must support the youth to go beyond looking for jobs. We must unleash the entrepreneurial drive and capacities of the youth to create jobs, Adesina said. “We must grow, finance and support large scale successes of youth -led businesses in Africa.” Speaking immediately after Dr. Adesina’s opening remarks, Spanish Foreign Minister Arancha González Laya expressed strong support for the initiative. “Spain welcomes the African Development Bank’s youth entrepreneurship investment initiative, geared towards unlocking entrepreneurship and promoting the growth of businesses of the youth.” she said. Thakkar, chair of the African Development Bank’s Presidential Youth Committee, advised that the youth investment banks would need to be scalable and self-sustaining. He said it was very important to create the right incentive structures for governments to encourage the private sector to play a key role. Research suggests that Africa needs to create 18 to 30 million jobs annually through 2030, and Ladi Balogun, CEO of First City Monument Bank Group, reiterated the urgency of this challenge. He said time was of the essence in terms of mounting a response as well as accelerating decision-making processes for the extension of financing to entrepreneurs. He also advised working through local money managers to achieve scale. “We have a ticking time bomb on our hands,” Balogun said. Participants also commended the African Development Bank for taking a lead role in the effort to support youth entrepreneurs, as well as calling on the Bank to play a number of roles. Yana Kakar said the African Development Bank has an important knowledge transfer role to play. She added that the Bank has much to share about what is needed in tech-enabled segments versus what might be needed to enable entrepreneurs in more production-oriented segments. The African Development Bank has demonstrated its strong commitment to the youth of Africa through its Jobs for Youth in Africa Strategy to help create 25 million direct and indirect jobs, and empower 50 million youth by 2025. The institution has also set up a $40 million trust fund in partnership with several European countries to advance youth entrepreneurship and innovation. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Hambalyo u diray Shacabka reer Somaliland oo maanta u dabaal-dagaya Xuska sanadguurada 30aad ee Maalinta Xoriyada 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday madax-banaanida ay ka go’day Soomaaliya. Halkan ka Akhri Qoraal Rasmiya oo uu baahiyey Shariif Sheekh Axmed:- Qaran News