Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) The United Nations urges all Somali leaders to participate in good faith in implementing the September 17 agreement. Source: Hiiraan Online
  2. MOGADISHU (HOL) - Efforts to mitigate the impact of floods in Somalia got a boost Wednesday thanks to a partnership between FAO and the French Government which will leverage technology to respond to perennial floods. Source: Hiiraan Online
  3. Shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo lagu waday inuu maanta oo Khamiis ah ka furmo Muqdsho ayaa dib u dhacay, iyadoo qaar kamid ah madaxda dowladd goboleedyadu aysan weli soo gaarin Muqdisho. Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in shirku uu dib u dhacay ilaa maalinta Sabtida ee todobaadka dambe, kadib markii qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galaysa aysan weli iman Muqdisho. Madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay iyo maanta soo gaaray Muqdisho, halka madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle ay weli ka maqan yihiin Muqdisho. Shirka Muqdisho oo ka dhici doona Teendhada Afisyoone waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo xubno matalaya Midowga Musharaxiinta ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan shirka Muqdisho ka furmaya horraanta todobaadka dambe. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Shirkii arrimaha doorashada ee lagu waday in uu maanta oo khamiis ah ka furmo Muqdisho, ayaa u dhacay sabtida kadib markii aanay wada imaanin madaxda maamul gobaleedyada . Illa iyo hadda madaxda soo gaartay caasimadda waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, halka saacadaha soo socda la filayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu soo gaaro magaalada Muqdisho. Dhanka kale waxaan la ogeyn imaanshiyaha madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabeelle, oo khalalaaso ay ka dhaceen deeganadiisa , taas oo dad badan ay ku nafwaayeen. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  5. Beesha Caalamka ayaa sheegtay in shirka Muqdisho ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya. War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay dhamaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay sameeyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember. Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyay ballanqaadka dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ee ka-qaybgalka shirka si shuruud la’aan ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayay Beesha Caalamku ku bogaadisay qabashada shirka Muqdisho, waxayna u rajeysay in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka hadashay shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo shirka wada-tashiga ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay taageero buuxdo siineyso ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isugu leh qaban-qaabada shirkaasi iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed ee ka qeyb-galeyso, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwa miro-dhal ah. “Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxay heystaan taageerada Qaramada Midoobay ee ku aadan guuleysiga shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa looga dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay si daacadnimo ah uga qeyb-galaan shirka, si heshiis dhab ah looga gaaro doorashooyinka. “Waxaan ku dhiiro-gelinay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay si daacadnimo leh uga qeyb-galaan shirka Muqdisho ka dhacaya, si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay. Ugu dambeyn xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay tanaasul muujiyaan, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan lagu jiro, si ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya horey ugu sii socoto. “Tanaasul iyo is-afgarad ayaa loo baahanyahay, si Soomaaliya ay horey ugu sii socoto, uguna faa’iideystaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta QM. Bayaankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka furmo shirka doorashooyinka ee dowladda iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu waday inuu maanta si rasmi ah u bilowdo, balse uu ku yimid dib u dhac ay sababeen arimo farsamo. The post QM oo soo bandhigtay laba arrin oo uu ku guuleysan karo shirka ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
  8. Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu mamnuuc ka yihiin siyaasadda, xukuumadiisuna ay arrintaas fulinayso. “Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi. Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkan ka jeediyay shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland oo looga hadlayay diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka bishan May 2021. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa sheegay in ay hawlgeliyeen 11,000 askari oo ammaankooda sugaya 2,800 goobood oo ay ka dhacayaan doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka Somaliland. Hoos ka daawo Muuse Biixi oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi: Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada waa ka mamnuuc siyaasadda appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare. “Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka. Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Simad, Muqdisho, Benaadir, Hormuud iyo Jamhuuriya. Sidoo kale Jaamacada ay soo bandhigtay waxaa ku jira Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal. Liiska cusub ee ay ku shaacineyso wasaaraddu jaamacadaha ay aqoonsatay ayaa imanaya xili ay xalay digniin u dirtay labaatameeyo jamaacadood oo ku yaala dalka. Ogeysiis xalay kasoo baxay Gudigga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray in ka badan 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lagu war-geliyey inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda. Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray oo aysan imaan, sida ku cad qoraalka guddiga. “Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe,” ayaa lagu yiri qoraalkaas. Liiska uu xalay soo saaray guddigu waxaa ku xusan magacyada 21 jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo lagu war-geliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii aysan la soo xariirin guddiga inta u dhaxeysa 19-ka bishan May ilaa 5-ta bisha dambe ee June. Hoos ka akhriso Liiska Jaamacadaha 41-ka ah ee ay wasaaradu aqoonsatay iyo kuwa kale ee 21-ka ah ee loo digay. The post DF oo shaacisay magacyada 41 Jaamacad oo ay aqoonsan tahay appeared first on Caasimada Online.
  10. Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire. Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala ah. 1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye ) 2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin ) 3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin) 4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin) 5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin ) 6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin) 7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin) 8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin) 9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin). Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Puntland oo guddi u magacowday aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore appeared first on Puntland Post.
  11. Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka guud ee shabakada caalamiga ah ee Qarannews, waxa ay hambalyo meher u dirayaan Samad Maxamed Cartan iyo Safa Farxaan Adan Haybe oo maanta meher qaali ahi uu uga dhacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Waxa aanu duco iyo hambalyo aan la soo koobi karin aanu hawada u marinaynaa lamaanaha iyo labada qoys ee ay ka soo kala jeedaanba Qaran News
  12. Madaxweyne-xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday Kornayl Abdisemed Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland General Cabdisamad Cali Shire ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay. Alle ha u naxariistee General Cabdisamad ayaa ka mid ahaa ciidamada xoogga dalka, isagoo xilal dhowr ahna ka soo qabtay dowladdii Kacaanka. Wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland intii u dhexeysay 2009-2014, isagoo ka mid ahaa aas-aaseyaasheedii. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka mid ahaa madaxdii ka tacsiyeeysay geeridiisa. Farmaajo ayaa in Marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo kan dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland. Cabdisamad Cali Shire ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Xilligii Dowladdii dhexe, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Qaran News
  13. Kenya:Ganacsade Soomaaliya oo da’ yar oo la la’yahay Raq & Ruux? Ganacsade Bashiir Maxamuud Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa labo maalmood kahor duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay. Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu heynin nolol iyo geeri. Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya. Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah. Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa BBC-da u sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale. “Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi. Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka. Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas. Qareenka ayaa BBC-da u sheegay in la qariyay wax walba oo lagu ogaan karay sida ay wax u dhaceen, balse ay ka war sugayaan lana shaqeynayaan dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka. “Warqad ayaan u qornay, jawaab ayaan ka sugeynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi. Wuxuu Bashiir ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u fiican una dedaal badan, isla markaana uu ku guda jiray howlaha dhismaha, isagoo mashaariic waaweyn ka heystay dowladda Kenya. Bashiir ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay dalka, sida uu sheega Qaran News
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa labo maalmood kahor duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay. Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu heynin nolol iyo geeri. Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya. Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah. Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale. “Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi. Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka. Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas. Qareenka ayaa sheegay in la qariyay wax walba oo lagu ogaan karay sida ay wax u dhaceen, balse ay ka war sugayaan lana shaqeynayaan dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka. “Warqad ayaan u qornay, jawaab ayaan ka sugeynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi. Wuxuu Bashiir ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u fiican una dedaal badan, isla markaana uu ku guda jiray howlaha dhismaha, isagoo mashaariic waaweyn ka heystay dowladda Kenya. Bashiir ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay dalka, sida uu sheegay qareenkiisa. ISHA: BBC The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu la’yahay magaalada Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland Cabdi Samad Cali Shire ayaa waxaa uu xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Cali Shire oo waxaa uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenka Puntland wixii ka horeeyey 2014-kii xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Waxaa tacsi u diray marxuumka, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah, madax hore iyo qaar maamul gobleedyada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Lafta-gareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyoon ka tirsan dowladda dhexe. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Genaraal Cabdisamad Cali Shire. Farmaajo ayaa sheegay in marxuumka uu kaalin mug-leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale dhismaha dowlad goboleedka Puntland. “Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Sidoo kale wuxuu u duceeyey marxuumka, isaga Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. “Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo,” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu. AUN Genaral Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka. Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan The post Farmaajo oo war kasoo saaray geerida ku timid General Cabdisamad Cali appeared first on Caasimada Online.
  18. Marxuum, Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo saaka ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa qoraal tacsi ah oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Marxuum Cabdisamad Cali Shire la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay”. “Marxuumku waxa uu ahaa Janaraal Soomaaliyeed oo kamid ahaa ciidanka xoogga dalka, waxa uu mas’uuliyado badan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa haldooradii bud-dhigga u ahaa dhismihii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hadda oo tii Alle utimi waxa uu ka mid ahaa Guddiga Dib u Habaynta Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland” ayaa qoraalka tacsida raaciyay. Madaxweynaha Puntland ayaa Marxuum Janaraal Cabdisamad Cali Shire Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo noqday madaxweynihii labaad ee soo gaara caasimada, waxaana kasoo horreeyey madaxweynaha Galmudug. Lafta Gareen ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee uu dhowaanm iclaamiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si looga wada-tasho hannaanka doorashooyinka dalka. Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, sida wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan. Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in iyana Caasimada ay soo gaaraan madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada HirShabelle, Jubbaland iyo Puntland. Sida muuqata dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka shirkan, maadaama inta bada madax goboleedyada dalka ay ka maqan yihiin Muqdisho oo lagu ballamay inuu shirka dhaco. Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimco tahay. Si kastaba, qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo doorashada. The post Madaxweyne goboleedkii labaad oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  20. Dad badan ayaa iweydiiyey fakarkayga ku aadan arinka Soomaaliland. Arin igu cusub maha oo maqaalo badan ayan mawducan ka qoray. Dood cilmiyeedna waxa ay na dhexmartay Professor Iqbal Jazbahi oo ah Hindi South Afrikan ah oo ku takhasusa dawladnimada Soomaaliland. Doodaasi (2007) waxa aan la shir tagay maqaal aan ku daabacay “The Horn of African Journal” oo ciwaankiisu ahaa “Local and Global Norms: Somaliland’s Unilateral Secession,” oo la micno aha “Xeerarka Aduunka: gooni isutaaga Soomaaliland.” Maqaalkaasi waxaan ku xusay qowaaniinta ay dhigteen dawladaha ku midoobay Qaramada Midoobay. Waxa kale oon ku xusay 14 dhibcood uu soo dajiyey Woodrow Wilson oo ahaa madweynhii Mareykanka 1920hii. Dhibcahan 14 ah ayaa sal looga dhiga waxa hada la yidhaa “The right of Nations to Self-dermination,” ama xaquuqada ay qowmiyaduhu u leeyihiin aayo ka taliska.” Qodoba kale ayaa jiraa oo Iyana xoojinaya ilaalinta iyo jiritaanka dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Waa labada qodob ee dhinacyada kala duwan hal qabsi ka dhigtaan. Hadaba sodon sano oo gooni isu tag ah Soomaaliland side loo qiimayn karaa? Soomaaliland waxay dhistay dawladnimo ka daganaansho roon tan Soomaaliya ka jirta; waxay sugtay nabadii iyo kala dambayntii; waxa ay qabatay doorasooyin la odhan karo waa nadiif xor ah (free and fair elections). Intaasi astaamood Soomaaliya South wey ku guul dareysatay. Su’asho ma aha Soomaaliland ma goosatay ama gooni ma isu taagtay, waxa la rabaa in diirada la sooro maxaa ka hortaagan Soomaaliland badeecada siyaasadeed ay 30ka sono raadinayso, taasi oo ah ICTIRAAF? Laba arimood ayaa ka hortaagan: 1 waa qawaaniinta aan soo sheegay ee u dhigan kala go’ ama wada jirka dal mid ahaa rabani in ay kala baxaan ama wada joogaan. Arinka 2aad ee hortaagan Soomaliland ICTIRAAFKiida waa dawlada Fedealka Soomaaliya oo weli sheeganaysa in ay iyadu mulkiile ka tahay Soomaaliland, budhkii madax banaaninda Soomali ee Democratic Republic (oo hada noqotay Federal Somali Republic) weli South Somaliya caganta ugu jiro. Dalal ka gudbay shuruucda aduunka oo helay ICTIRAAF ayaa jira: 1. Bangaladhesh oo Pakistaan ka go’day waxa is garab taagay Hindiya oo xiligaas Ruushka garabka ka haysatay. Culays la saarey Pakistaan ayaa horseeday in Paakistaan raali ka noqot kala baxa Bangaladhish iyo Pakistaan. 2. Eriteria waxa raali ka noqotay Itoobiya xiligii Meles. Arinkaasi waxa kaanay kadib markuu ogaaday in aanu tawaan iyo taag uu Eriteria ku soo celiyo aanu lahayn, 3. Koonfurta Suudaan waxa u ololeeyey kiniisadaha Mareykanka oo siyaasad ahaan gaca saar la leh Xisbiga Jamuuriga. Kiniisadaha ayaa taageerada ay siiyaan Jamhuuriga ku xujeeyey in Koonfur Suudaan laga jaro Suudaan. Ficiliyan, sodon sano (30) oo Koonfurta Soomaaliya dil iyo dibin daabyo ka socotay ayey Soomaaliland heshay waxa la odhan karo maamul wanaag, xasilooni, nabad lagu naaloodo, iyo doorashoyin dhidibada u aasay nidaamka dowlada furan (liberal democratic system). Su’ashu waxay tahay baadi goobkii bedaacada siyaasadeed ee ICTIRAAF layidhaa Soomaaliland ma ku dhowdahay in ay soo afjarto? Dacaska siyaasadeed ay Soomaaliya gashay ma u horseedi karaa in dalaka tunka weyn mid ka mid kafaalo qaato arinta Soomaaliland kana furdaamiyo xeerarka ilaa hadeer xakameeyey Soomaaliland? Dad baa qaba in saansaanta helida ICTIRAAKU aanay fogeyn. Waxa cuskanayaan sida madaxweynaha Soomaaliland loogu soo dhaweeyo fagaarayaasha siyaada ee Africa iyo Aasiya. Maamuustii uu MW Biixi ka helay xiligii caleema saarkii MW Ismaaciil Cumar Geeli ayan inaba la hilmaami karin. Intaasi waxa dheer arinta heshiiska DP ee ku aadan Dakada Berbera iyo xaflada Sanad guurada May loogu qabtay Guriga Ummada ee magaalada Kardif oo ku taal dalka Ingiriiska. Dad badan oo reer-galbeedka siyaasadeeda gacantu ku hayaa ayaa haad suuban u muujinaya Soomaaliland. Foosha Soomaaliland in ay dhali doont iyo in kale xili aan fogeyn ayaa la kala ogaan doonaa. W/Q Aqoonyahan Faysal Rooble Source
  21. Midowga Yurub ayaa ka hadlay 13 Baabuur oo ay ugu deeqeen dhawaan Hay’adaha Amniga iyo kuwa Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Warmurtiyeed la soo baxay Midowga Yurub oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu Gaadiidkaas Somaliland u soo mariyey UNDP. Waxa ay caddeeyeen in lix baabuur loogu talo galay in Ciidanka Boolisku ka hawlgalaan lix gobol,halka baabuurta soo hadhayna la siiyey Hay’adaha Garsoorka. Safiirku Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nicolas Berlanga, ayaa sheegay EU-da ay ka go’an tahay inay taageeraan Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana 13kaas Gaadhi ay u asteeyeen in lagaga shaqeeyo Ammaanka doorashada iyo la socodka iyo qabanqaabada Doorashooyinka. Wasiir ku–xigeenka Arrimaha Gudaha Naasir Caydiid Maxamed, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub waxaanu sheegay inay Gaadiidkaas lagaga shaqeyn doono sugida Nabadgelyada Doorashada. Source
  22. A Kenyan national who had travelled to India for treatment was found murdered near the Indira Gandhi International airport (IGI), which serves as the international aviation hub of the Indian capital of New Delhi. Source: Hiiraan Online