Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. North Carolina Representative Madison Cawthorn is drawing ire for violent responses to a social media post featuring Minnesota Representative Ilhan Omar that said she supports “terror”. Source: Hiiraan Online
  2. Somalia this year was hit by a double punch: a second wave of coronavirus and political turmoil over elections that threatened to spark armed conflict. But while political tensions cooled, the impact on the economy is ongoing, as Mohamed Sheikh Nor reports from Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  3. Two low-income families are suing Habitat for Humanity of Greater Vancouver for allegedly breaching oral contracts promising them a path to home ownership. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - Former Ghanian President John Dramani Mahama has announced that he will not serve as the African Union's Special Representative to Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Former Ghanaian President John Mahama has quit his role as African Union’s High Representative to Somalia, more than a week after Mogadishu rejected his deployment, citing bias. In a letter to the AU Commission Chairperson Moussa Faki Mahamat, Mr Mahama indicated he will no longer be taking up the job, citing trust issues raised by the President of Somalia, Mohamed Farmaajo. A statement posted on his website said the former Ghanaian leader feels “the high political importance of the proposed assignment requires that the High Representative enjoy the unalloyed support and cooperation of all political stakeholders.” An aide said Mahama, who was the Ghanaian President between 2012 and 2017, had readily accepted the nomination to help mediate the political impasse in Somalia, but now feels it is no longer tenable as Somalia has questioned his alliance with Kenya, with which Mogadishu has a diplomatic tiff. “Mr Mahama, whose appointment as the AU envoy has been roundly welcomed by the Council of Presidential Candidates of Somalia, and the Coalition of Somalia’s Federal Member States, further cautioned in his letter to the AU Chairperson, Moussa Faki Mahamat, that the lack of support by the Federal Government could jeopardise the whole process and undermine the hopes that the entire world has in bringing peace to the esteemed land of Somalia,” Mahama’s Special Aide, Joyce Bawah Mogtari said in a statement on Thursday. Delayed elections Mr Mahama had been appointed on May 8 to help Somalia’s political leaders reached settlement and arrange the much-delayed elections. But Somalia rejected him is for having “extensive links” with Kenya. Mogadishu on Sunday wrote to the African Union Chairperson Mahamat notifying him that Somalia will no longer support Mr Mahama in his new role. Mr Mohamed Abdirazak, Somalia’s Foreign and International Cooperation Minister, said the former Ghanaian leader is closely associated with the leadership in Kenya. That means the man cannot be trusted to be impartial and deliver an acceptable solution, he added. “It is indeed surprising that a candidate with extensive link [sic] with Kenya’s leadership has been chosen by the AU to facilitate talks on a political impasse partly engineered by those the Kenyan leadership has supported,” he claimed in a letter dated May 9. “Given the politically sensitive nature of the task of a high representative in any case, I am certain you will appreciate the importance of any candidate for such a post to be seen as impartial and without any links to the region.” Somalia argued that the AU had been late, citing a truce reached between leaders to have Prime Minister Hussein Roble mediate a political solution. The meeting is expected to kick off on Thursday night for the next few days where President Farmaajo and leaders of the five federal states will debate modalities of holding an indirect election. Mr Roble’s role was installed following a deal brokered by Qatar. The post Ghana ex-president Mahama quits as African Union Envoy to Somalia appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ee lagu sameeyay shaqo joojin iyo mushaar ka xayirid, kadib markii uu gobalka ka billowday cadaadis la saarayo shaqaalaha ka aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in 70 qof ay marayaan dadka shaqada laga eryay, kuwaasoo ka tirsanaa dowladda Hoose, waxeyna dhamaantood yihiin shaqaalaha rayidka ah ama waa kuwa aan ka tirsaneyn qeybaha amaanka. Dowladda Hoose ee Xamar weli kama aysan hadlin go’aankaan shaqada looga eryayo shaqaalaha gobolka, hase yeeshee waxaa sababta lagu sheegay in la beegsanayo dhamaan dadka ka aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasada uu maamulka gobalka ku shaqeeyo. Sidoo kale waxaa la beegsanayaa shaqsiyaadka ay damiinka ka yihiin siyaasiinta mucaaradka noqday iyo odayaasha dhaqanka ee taageera siyaasiinta mucaaradka ah. Cabashooyin badan oo ay sameeyeen dadka shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa mira dhalin waxaana qaarkood ay ka baqayaan in ay la hadlaan warbaahinta si aan loo sii beegsan. Caasimada Online ayaa 7-dii bishan weerisay in Maamulka Gobalka Banaadir uu shaqo joojin ku sameeyay 21 qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Gobalka Banaadir. Badanaa dadkaas shaqada laga ceyriyay ayaa waxaa keenay Axmed Iimaan iyo Ibraahim Dheere oo laba guddoomiye ku-xigeen oo dhinaca maaliyada ah ka soo noqday gobalka Banaadir, islamarkaana hadda la shaqeeyaa Xasan Cali Kheyre oo ay qaraabo yihiin. Sidoo kale waxaa qeyb kale oo dadkaas kamid ah shaqaaleysiiyay Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Senator Dhageey iyo Mustaf Dhuxulow, kuwaasoo hadda la sheegay in ay mucaarad ku yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa ka horimaneysa heshiiskii Ra’iisul Wasaare Roobe iyo Mucaaradka ee dhigayey inaan la beegsan dadka ka aragtida duwan dowladda. The post Beegsiga ka socda xarunta Gobolka Banaadir oo kordhay appeared first on Caasimada Online.
  7. Muxuu isu casilay Ergeygii Midowga Afrika u soo magacwaday Khilaafka Arimaha Doorashada Somalia ka taagan?+Waa kuma John Mahama? XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,John Dramani Mahama Ergaygii ururka Midowga Afrika u magacaabay Soomaaliya ee dhexdhexaadinta khilaafkaadka siyaasadeed oo ah madaxweynihii hore ee Ghana, John Dramani Mahama, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Soomaaliya. Warsaxaafadeed ay ku saxeexantahay kaaliyaha gaarka ah ee John Dramani Mahama, oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee uu ku leeyahay internet-ka iyo weliba Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in warqad uu u qoray gudoomiyaha Midowga Afrika uu madaxweynaha hore kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika “Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”. Warsaxaafadeedkaas ayaa iyada oo arinta la sii faahfaahinayo lagu yidhi “Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa ergeyga Midowga Afrika ay si buuxda u soo dhaweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyo golaha madaxweyneyaashaa dawlad goboleedyadu, ayaa sidoo kale warqadda uu u diray gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, kaga deyriyey in taageero la’aanta dhanka Dawladda Federaalku khatar gelin karto gebi ahaan ba hanaanka oo ay wiiqi karto rajada dunida oo dhami ka qabto in nabad lagu soo dabbaalo dalka Soomaaliya ee sharafta leh”. Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay aqbasho ergaygaa gaarka ah ee uu Midowga Afrika u magacaabay. Warqad wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya u dirtay gudoomiyaha Midowga Afrika, ayey ku wargalisay in aanay aqbalayn oo aanay ku taageeri doonin Mahama hawshaa ururku u igmaday. Sida ay qoreen wargeysyo uu ka mid yahay Daily Nation oo ka soo baxa Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sheegay in madaxweynahaa hore ee Ghana gacansaar la leeyahay madaxda Kenya, walow aanu caddaynin nooca uu yahay xidhiidhkaasi. Waa kuma John Mahama? XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,John Dramani Mahama John Dramani Mahama wuxuu waddanka Ghana xukumayay intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2017-kii. Wuxuu dhashay 29-kii bishii November ee sanadkii 1958-kii, da;diisuna waa 62 sano. Kahor inta uusan madaxweyne noqonin, wuxuu ahaa wasiirka wafraafinta kaddibna wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenka Ghana. Xilka madaxweynaha wuxuu qabtay kaddib markii uu geeriyooday madaxweynihii ka horreeyay isaga, John Evans Atta-Mills, oo dhintay bishii July ee sanadkii 2012-kii. Isagana waxaa xilka lagala wareegay sanadkii 2017-kii. Mr Mahama wuxuu shaqooyinkiisa xirfadda ah markii ugu horreysay ku billaabay macallinnimo, wuxuuna ardayda bari jiray maaddada taariikhda. Arrimo xiiso leh oo ku saabsan ergayga ay ‘Soomaaliya diidday’ ee Midowga Afrika Dowladda Jabuuti oo ka jawaabtay eedayntii dowladda Soomaaliya Waddanka Ghana wuxuu ka tagay sanadkii 1981-kii. Sanadkii 1988-kii ayuu shahaadada aqoonta cilmi nafsiga ka qaatay jaamacad ku taalla magaalada Moscow ee dalka Ruushka. Markii uu ku laabtay dalkiisa wuxuu markii ugu horreysay ka shaqo billaabay safaaradda Japan. Sanadkii Sanadkii 1996-dii ayaase loo doortay inuu xubin ka noqdo baarlamaanka waddanka Ghana, sidaasna waxaa ku billowday waayadiisa siyaasadda. Sanadkii 2016-kii isagoo mar kale damacsan in loo doorto xilka madaxweynaha ayaa looga guuleystay doorashada. Waxaa haddana looga adkaaday doorashadii madaxtinnimada ee sanadkii 2020-kii ka dhacday Ghana. Qaran News
  8. ODOROSKA NATIIJADA DOORASHADA WAKIILADA Waxa Qoray: Cali Gurey Doorashadii hore ee 2005tii 82ka kursi ee wakiilada waxay sadexda xisbi u kala heleen sidan: UDUB 33 kursi KULMIYE 28 kursi UCID. 21 kursi Isugeyn. 82 kursi Doorashadan lafteeda ayaa laga yaabaa in wax badani aanay iska bedeli doonin marka aynu eegno odoroskan oo ah qiyaas shakhsi. Doorashadan qiyaastii sadexda xisbi waxa ay u kala heli karaan 82ka kursi sidan: Kulmiye. 34 kursi Waddani 29 kursi Ucid. 19 kursi FAAHFAAHINTA LIXDA GOBOL-DOORASHO AWDAL 13 KURSI Kulmiye 6 Waddani. 4 Ucid. 3 MAROODIJEEX 20 KURSI Kulmiye 9 Waddani. 7 Ucid. 4 SAAXIL 10 KURSI Kulmiye 4 Waddani. 3 Ucid. 3 TOGDHEER-15 KURSI Kulmiye. 5 Waddani. 7 Ucid. 3 SOOL. 12 KURSI Kulmiye 5 Waddani. 4 Ucid. 3 SANAAG. 12 KURSI Kulmiye 5 Waddani. 4 Ucid. 3 والله يعلم و نحن لا نعلم Qaran News
  9. Isbarbardhigga awoodda militari ee Israa’iil iyo Xamaas Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Qasa ayaa sii socda wali inkastoo ay sii xoogeysaneyso rajada laga qabo xabad joojin. Labada dhinac ayaa muddo 11 maalmood ah isweydaarsanaya duqeymo iyo gantaallo khasaare ka geystay dhan walba, inkastoo ay badan yihiin dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarrada lala beegsaday Qasa. Marka isbarbar dhig guud la sameeyo Israa’iil iyo Xamaas waxay heystaan hub iyo awood militari oo aan isu qalmin. Senator-ka Mareykanka ee lagu magacaabo, Bernie Sanders, ayaa isu diyaarinaya in uu Aqalka Sare hor keeno Hindise Sharciyeed Israa’iil ka hor istaagaya Hub ay Mareykanka uga soo iibsan rabtay lacag dhan $735m (£520m), kaas oo xukuumadda Tel Aviv ay dooneysay inay kuwii xoojiso cududdeeda. Awoodda militari ee Israa’iil Qiimeyntii dalalka ugu awoodda badan caalamka uu sanadkan 2021-ka sameeyay wargeyska ka faallooda awoodda ciidamada caalamka ee Global Fire Power, waxay Israa’iil ka gashay kaalinta 20-aad,. Diiwaankan wuxuu ka kooban yahay 140 waddan. Tirada guud ee Shacabka Israa’iil wuxuu Wargeysku ku qiyaasay 3,643,700 oo qof, kuwaasoo 3,024,271 ka mid ah ay diyaar u noqon karaan haddii looga baahdo adeegga militariga. Waxaa kale oo xusid mudan in sharciga Israa’iil uu dadka Yuhuudda ah khasab uga dhigayo in ay soo maraan ciidannimada. Tirada ciidamada Israa’iil Militariga Israa’iil guud ahaan wuxuu ka kooban yahay 643,000 oo askari. 170,000 oo ka mid ah waa ciidan shaqeeya hadda. 465,000 waa ciidan keyd ah oo xareysan. 8,000 waa booliska sida militariga u tababaran. Awoodda cirka Tirada guud ee diyaaradaha militariga Israa’iil waa 595 diyaaradood. 241 waa diyaaradaha dagaalka. 23 waa diyaarado ay shaqadooda ku kooban tahay inay weerarro fuliyaan. 15 diyaaradood waxay qaadaan saanadda. 154 diyaaradood waxaa lagu fuliyaa tababarrada. 23 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah. 128 ka mid ah waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “helicopter”. 48 ka mid ah waxay u qoondeysan yihiin fulinta weerarrada. 11 waa diyaaradaha waaweyn ee kuwa kale jiida. Awoodda dhulka Militariga Israaliil waxay haystaan: 1,650 taangi. 7,500 oo gawaarida gaashaaman ah. 650 madaafiicda iskood isu rida ah. 300 oo madaafiicda goobta ah Iyo 100 fadhi oo qalabka gantaallada lagu tuuro ah. Dhinaca badda, Israa’iil waxay heysataa 65 markab oo isugu jira kuwa waaweyn ee diyaaradaha qaada, kuwa biyaha hoostooda quusa iyo kuwa kormeerka xeebaha sameeya. Miisaaniyadda ku baxda gaashaandhigga Israa’iil waa lacag gaareysa $16,600,000,000 oo doolar. Awoodda iyo hubka Xamaas Ma jiro liis Falastiin ay ku jirto oo qiyaasaya awoodda militari ee falastiiniyiinta laakiin cududda la dagaallameysa Israa’iil waa ururka Xamaas oo fariisinkiisa ugu weyn uu yahay Marinka Qasa. Xamaas iyo Islamic Jihad – inkastoo ay yihiin kuwo ka awood yar Israa’iil – haddana waxay heystaan hub ku filan inay ku weeraraan Israa’iil. Durbaba waxay isku dayeen isticmaalka xeelado kala duwan. Qalabka difaaca Israa’iil wuxuu dhulka soo dhigay drone – ay suuragal tahay inay hubeysneyd – taasoo isku dayeysay in ay Qasa uga tallowdo dhinaca Israa’iil. Laakiin hubka kaas aad uga awoodda badan ugana saameynta badan ee ay Falastiiniyiintu heystaan waa madaafiicda goobaha dagaalka loo adeegsado oo noocyo kala duwan leh. Waxaa kuwaas laga tuuri karaa dhulka iyadoo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ciidamada ee isla dhulka. Qaar ka mid ah gantaalladaas iyo kuwo kale (oo lagu riday qalabka lidka taangiyada oo la adeegsaday maalmihii lasoo dhaafay), ayaa la aaminsan yahay in Falastiiniyiinta loo gudbiyay iyadoo loo sii marinayo dhuumo dhulka hoostiisa ah oo ku hoos yaalla gacanka Siinaay ee dalka Masar. Hase yeeshee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa gudaha Qasa ku sameysta hubka iyagoo ku farsameeya warshado la qariyay oo ku yaalla meelo ka mid ah Marinka Qasa laftiisa. Khubaro reer Israa’iil ah iyo kuwo caalami aha waxay rumeysan yihiin in seynisyahanno u dhashay Iiraan ay gacan weyn ka geystaan dhismaha warshadahaas lagu sameeyo hubka. Suuragal ma aha in la qiyaaso tirada qantaallada u keydsan ururka Xamaas. Waxaase hubaal ah in ay heystaan hub faro badan oo tiiradoodu ay meelo kala duwan gaareyso. Sida cad, militariga Israa’iil waxay heystaan qiyaastooda u gaarka ah oo aysan dooneynin inay warbaahinta la wadaagaan. Afhayeennadoodu waxay sheegaan oo kaliya in Xamaas ay dagaalka noocan ah iyo tuurista gantaallada sii wadi karaan “Waqti dheer”. Gantaallada ay Falastiiniyiintu tuuraan ilaa hadda kama muuqato inay yihiin kuwo cusub marka la eego sida ay u naqshadeysan yihiin. Balse qiimeynta guud ee lagu sameeyo waxay qeexeysaa inay kordhiyeen awooddooda iyo qaraxyada ay sababi karaan. Walow magacyada iyo naqshdaha gantaallada qaar ay jahwareer keeni karaan, Xamaas waxay soo hindistay gantaallo badan oo kuwa riddada gaaban ah sida midka loo yaqaanno Qassam (oo gaari kara ilaa 10km oo u dhiganta 6 meyl) iyo mid la yiraahdo Quds 101 (oo tiiradiisu ay gaareyso ilaa 16km); kuwaasoo lagu sii xoojiyo qalabka Grad (oo gaarsiinaya ilaa 55km); iyo Seji 55 (oo gaarsiinaya ilaa 55km). Xamaas iyo ururrada Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa waxay heystaan Gantaallo masaafo kala duwan gaara Qalabkan waxaa la aaminsan yahay in ay iyagu soo hindiseen islamarkaana u adeegsadaan inay ku fogeeyaan gantaallada riddada gaaban leh oo lagu sii kordhinayo dab dheeri ah. Laakiin Xamaas waxay sidoo kale adeegsataa gantaallo nooca riddada dheer ah, sida M-75 (oo gaari kara ilaa 75km); Fajr (oo gaaraya ilaa 100km); R-160 (oo gaaraya ilaa 120km); iyo xoogaa M-320s ah oo gaaraya masaafe dhan 200km. Sidaas darteed way caddahay in Xamaas ay heysato hub lagu garaaci karo magaalooyinka Qudus iyo Tel Aviv labadaba, iyo in ay halis galin karaan guud ahaan marinta xeebta oo ay daggan yihiin tirada ugu badan ee shacabka reer Israa’iil ayna ku yaallaan kaabeyaasha ugu muhiimsan. Qaran News
  10. Beirut (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan Charbel Wehbe ayaa is-casilay Arbacadii, kadib markii uu sheegay hadal ka carreysiiyey Saudi Arabia, xilli Beirut oo ay dhaqaale xumo hayso, ay iska ilaalineyo khilaaf diblomaasi oo ay la yeelato dalkan ku yaalla Khaliijka ee hodanka ah. Wehbe ayaa Isniintii dood ka baxday taleefishinka ka sheegay, in soo bixitaanka Daacish ee gobolka ay ka shaqeeyeen dalalka Khaliijka, taasi oo dhalisay in safiirrada Lubnaan ee dhowr dal loo yeero. Hoggaamiyayaasha Lubnaan ayaa kadib isku dayey inay qaboojiyaan xiisadda, waxaana Wehbe oo 67 jir ah uu bayaan kooban oo uu soo saaray kadib kulan uu la qaatay madaaxweyne Michel Aoun ku sheegay inuu codsaday “in xilka laga qaado”. Saacado kadib, Aoun ayaa wasiirka difaacay Zeina Akar u magacaabay inay beddesho Wehbe, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada. Xiriirka dalalka Khaliijka iyo Lubnaan ayaa u qaboobay sababo la xiriirka saameynta siyaasadeed ee kordheysa ee kooxda Shiicada ah ee Xizbullah ay ku leedahay dalkaas, hase yeeshee Beirut ayaa taageero maaliyadeed oo cusub ka raadineysa xulufadeedii hore. Lubnaan oo sanaddii tagtay ku guul-darreysatay inay iska bixiso deymaheeda, ayaa wajaheysa saboolnimo aan horey loo arag, mana damaanad qaadi karto adeeg koronto oo dhaafsiisan bisha June. Doodda muranka dhalisa oo taleefishinka Al-Xurra ku dhex-martay isaga iyo nin Sacuudiyaan ah, ayuu Wehbe isaga baxay, isaga oo sheegay in aanu“aflagaadeyn karin Badawi.” Wehbe ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan si rasmi ah u hayey kaliya toddoba maalmood. Kahor wuxuu 282 xilkan hayey isaga oo qeyb ka ah dowlad xil-gaarsiin ah taasi oo inteeda badan is-casishay kadib qaraxii bishii August 2020 ka dhacay dekedda Beirut. AFP + VOA The post Lubnaan: Wasiir is-casilay kadib markuu kashifay arrin ka carreysiisay dalalka Khaliijka appeared first on Caasimada Online.
  11. Former President John Dramani Mahama has in a letter to the Chairperson of the African Union Commission withdrawn his acceptance of the continental body’s appointment as its High Representative for Somalia. While thanking the AU for the confidence reposed in him, Mr. Mahama noted that, “the high political importance of the proposed assignment requires that the High Representative enjoy the unalloyed support and co-operation of all political stakeholders.” President Mahama whose appointment as the AU envoy has been roundly welcomed by the Council of Presidential Candidates of Somalia, and the Coalition of Somalia’s Federal Member States, further cautioned in his letter to the AU Chairperson, Moussa Faki Mahamat, that the lack of support by the Federal Government could jeopardize the whole process and undermine the hopes that the entire world has in bringing peace to the esteemed land of Somalia. The former Ghanaian President who continues to receive requests from various international bodies and groups and is widely respected for his commitment to democratic consolidation, peace building and development used the opportunity to reaffirm his commitment to the African Union’s vision of an integrated, prosperous and peaceful Africa, that includes Somalia. Source: John Mahama The post John Mahama withdraws acceptance as African Union Envoy to Somalia appeared first on Puntland Post.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa caawa kulan ku yeeshay hotel Dècalè ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo faahfaahin ka bixiyay kulanka ayaa sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo casho Ra’iisul Wasaare Rooble u sameeyay madaxda ku sugan Muqdisho ee ka qey-bgalaysa shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya. Macallimow waxa uu sheegay in madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle la filayo in ay Muqdisho soo gaaraan maalinta Jamcaha, marka la isu yimaado ka dibna uu furmi doono shirka oo Khamiistii baaqday arrimo uusan caddeyn. Wuxuu tilmaamay inta uusan shirku furmin ka hor in Ra’iisul Wasaare Rooble kulamo gooni gooni ah la qaadan doono madaxda ka qeyb-galaysa shirka. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujiyay shirka Muqdisho iyo natiijada ka soo bixi doonta. PUNTLAND POST The post Rooble iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Mahama ayaa iska diiday xilkii dhawaan midawga Afrika ugu soo magacabay Soomaaliya. Mahama ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyaha midawga Afrika Musa Faki Mohamed xilka uu u igmaday balse waxa yu sheegay in ay jirto cabasho ka timid dhinacyada kalan duwan ee isku heysto siyaasadda Soomaaliya. John Mahama ayaa sidoo kale shegay in ay muhiim tahay si loo shaqeeyo in la helo taagera dhinacyada oo dhameys tiran, isagoo xusay in diidmada dowladda Soomaaliya ay shaki kelineyso waxa dunida ka filayo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u diiday Ergayga midawga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya John Mahama, iyadoo dowladda ay ku eedeysay in uu xiriiro ganacsi la leeyahay dalka Kenya oo Soomaaliya ay xurguf kala dhaxeyso . Midawga Musharixiinta iyo Saamileyda kale ee Soomaaliya ayaa horay u soo dhaweyay magaacabista ergayga cusub ee midawga Afrika u soo wakiishay Soomaaliya si uu u kala dhax galo dhinacyada isku heysta siyaasadda Soomaaliya . GoobJoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah u sameeyay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Xubnahan oo Muqdisho ku sugan ayaa soo gaaray saacadihii lasoo dhaafay, waxaana weli imaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Puntland. Kulanka cashada ahaa ee Ra’iisul Wasaaruhu u sameeyay madaxdan, ayaa imaanaya iyadoo la filayo in uu Muqdisho si rasmi ah uga furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka. Kulankan ayaa caawa ka dhacay Hotelka Decale oo u dhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maadaama uu Xalane degay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay berri Muqdisho soo gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo HirShabeelle oo haatan ku maqan deegaanadooda. Maalinka Sabtida ee 22-ka bishan ayaa lagu wadaa in shirku uu ka furmo teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane, maadaama ay berri tahay Jimco, isla markaana aysan weli Muqdisho soo gaarin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo HirShabeelle. Khamiistii maanta ee 20-kii May ayey balantu aheyd in shirkaasi uu ka furmo magaalada Muqdisho, balse xukuumadda ayaa sheegtay in dib u dhacaan uu ku yimid arrimo farsamo. Daawo Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo faahfaahiyey kulankii caawa The post Daawo: Xukuumadda oo war kasoo saartay kulan uu Rooble la yeeshay madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  15. Garowe (PP News Desk) — Horseed, a Puntland-based political association led by former Puntland President Abdirahman Farole, had accused Mideeye, a rival political association, of spreading unsubstantiated allegations against Puntland Government. Axmed Siciid Aw Nuur, a member of Mideeye, yesterday criticised Kaah, the political association led by Puntland President Said Abdullahi Deni, for using public resources for campaigning. Puntland State government has allocated US$ 90,000 for nine political associations to cover campaign expenses ahead of local pilot elections to be conducted at Qardho, Eyl and Ufayn. “Horseed has governed Puntland and introduced the democratisation process. It will oversee the government’s handling of the democratisation process” reads Horseed’s statement. Horseed’s remit does not place it above other political associations to oversee the democratisation process nor has it ever become a political party ever to govern Puntland. Neither the Transitional Puntland Electoral Commission nor Puntland State government has commented on Horseed’s claim. Horseed said it was committed to the Puntland’s transition to a multiparty system twenty two years after Somalia’s first autonomous administration was formed in Garowe after a grand consultative conference. © Puntland Post, 2021 The post Horseed and Mideeye Lock Horns Over Financing Puntland Democratisation Process appeared first on Puntland Post.
  16. Accra (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya. Mahama ayaa warqaddiisa ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Go’aanka uu qaatay Mahama ayaa yimid kadib markii dowladda federaalka ay kasoo horjeesatay magacaabistiisa ayada oo sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergeyga Midowga Afrika. Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu ku sheegay in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya. Mahama ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu taageero aragtida Midowga Afrika ee ku aadan Afrika oo is-dhexgasha, barwaaqo iyo nabad ah, oo Soomaaliya-na ay ku jirto. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in inkasta oo Midowga Afrika uu u diyaarsanaa inuusan ka laaban magacaabista Mahama, haddana Mahama uu garowsaday inuusan Soomaaliya ka shaqeyn karin, ayada oo aysan aqbalsaneyn dowladda federaalka. Ma cadda, tallaabada xigta ee uu Midowga Afrika qaadi doono, waxaana suurta-gal ah inuu sugo shirka ka furmaya Muqdisho, oo haddii heshiis lagu gaaro aanu soo magacaabin ergey kale. The post Mahama oo ka laabtay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen uga digay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay lumiyaan fursadda muhiimka ah ee shirka Muqdisho ka furmaya. Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.” “Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.” Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay soo dhoweyneyso ballanqaadka dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah. “Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyada inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Shirka lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, oo uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib u dhacay, ayada oo weli madaxweynayaasha HirShabelle iyo Puntland ay ka maqan yihiin magaalada caasimadda ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay u badan tahay in shirka uu furmo maalinta Sabtida oo ay taariikhud tahay 22-ka bisha May, lana filayo in madaxda maqan ay berri soo gaaraan caasimadda. Qoraalka beesha caalamka ayaa waxaa wadajir usoo saary: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo soo saartay digniin ku socota madaxda Soomaalida kahor shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Kaysar Maxamed Wasiir ku xigeenkii hore ee Qorsheynta Somaliland ayaa qoray:- “Aniga oo Xisbiga KULMIYE ka tirsan, haddii aan Dalka joogi lahaa maalinta Doorashada waxaan Codkayga siin lahaa Murashax Barkhad Batuun” Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Asalaamu Calaykum. Ma aha oo keliya inuu yahay Muwaadin Somalilander ah oo Hargeysa ku dhashay, ku dhaqmay oo ku dhismay, balse Barkhad waxa uu Tusaale iyo Higsi ifiya u yahay Boqolaal kun oo Dhalinyaro ah oo bahda laga saaray oo loo sheegay inaanay han yeelan karin, madaxa kor u qaadi karin oo aanay higsan karin yoolal sare, Barkhad waxa uu rejo geliyay bulsho Takoor xaqdarro ah lagu hayay kumanaan sanadood, taasoo sababtay in ay dhiirran waayaan dhalinyarada muwaadiniinta ah ee ka soo jeeda Beelaha la hayb sooco. Saddexda Xisbi Qaran iyaga oo fahamsan in Quruxda iyo Qabka Somaliland uu ku jiro in la helo Gole Baarlamaan oo Beelaha Somaliland oo dhami ay ka dhex muuqdaan, ayay go’aansadeen in Muwaadin Barkhad Batuun aan laga garab sharrixin cid kale oo deegaankiisa ka soo jeeda, si uu u helo Codka Beeshiisa oo middaysan iyo codadka kale ee uu heli karaba. Foolxumo aad u weyn ayay Ummada reer Somaliland ku ahayd in Beelaha la hayb soocaa aanay Xubin keliya ku lahayn Golaha Wakiilada Somaliland. Waxa kale oo Foolxumo weyn inagu ahayd in Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa oo ka koobnaa 25 Xubnood aanu ku jirin xubin keliya oo Beeshaas ka soo jeedaa, inaga oo weliba ogosoon in Caasimada Hargeysa ay tahay meesha ugu balaadhan ee ay beeshaasi degto, sidoo kale ma jiro Badhasaab keliya oo ay Beeshaasi ku leedahay Dalka. Si aynu usoo noolayno Sharaftii Ummada Somaliland, isla markaasna u dhisano Baarlamaan Qurux badan oo Ummada reer Somaliland oo dhan wada metela, waxaan ugu baaqayaa Muwaadiniinta Gobolka Maroodi-jeex inay Codkooda iyo Cududooda ku soo saaraan Muwaadin Barkhad Jaamac Batuun oo horseed u noqon doona kumanaan dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah iyo weliba dhalinyarada ka soo jeeda Beelaha la hayb sooco oo Barkhad u noqon doono Tusaale ay ku daydaan, isla markaasna ay fahmi doonaan in Dalku uu Dalkoodii yahay, xaqna u leeyihiin gaadhista Yool kasta oo ay doonaan inay gaadhaan. Ugu danbayn haddii Nasiibku ii saamixi lahaa inaan Dalka joogo maalinta Doorashada, waxaan codkayga siin lahaa Barkhad Jaamac aniga oon u eegin Xisbiga uu ku jiro iyo Qabiilka uu ka soo jeedo midna, balse u eegaya inaynu helno Somaliland Qurux badan oo dadkeedu siman yahay. Source
  19. ODOROSKA NATIIJADA DOORASHADA WAKIILADA Waxa Qoray: Cali Gurey Doorashadii hore ee 2005tii 82ka kursi ee wakiilada waxay sadexda xisbi u kala heleen sidan: UDUB 33 kursi KULMIYE 28 kursi UCID. 21 kursi Isugeyn. 82 kursi Doorashadan lafteeda ayaa laga yaabaa in wax badani aanay iska bedeli doonin marka aynu eegno odoroskan oo ah qiyaas shakhsi. Doorashadan qiyaastii sadexda xisbi waxa ay u kala heli karaan 82ka kursi sidan: Kulmiye. 34 kursi Waddani 29 kursi Ucid. 19 kursi FAAHFAAHINTA LIXDA GOBOL-DOORASHO AWDAL 13 KURSI Kulmiye 6 Waddani. 4 Ucid. 3 MAROODIJEEX 20 KURSI Kulmiye 9 Waddani. 7 Ucid. 4 SAAXIL 10 KURSI Kulmiye 4 Waddani. 3 Ucid. 3 TOGDHEER-15 KURSI Kulmiye. 5 Waddani. 7 Ucid. 3 SOOL. 12 KURSI Kulmiye 5 Waddani. 4 Ucid. 3 SANAAG. 12 KURSI Kulmiye 5 Waddani. 4 Ucid. 3 والله يعلم و نحن لا نعلم Source