Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Booliiska Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka bilaabay hawlgal haweenka looga joojinayo xirashada indha-shareerka. Wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa saaka lagu arkayaa gabdho ka tirsan Ciidanka Booliiska Jubaland, kuwaas oo haweenka shareeran ku amraya in ay bixiyaan niqaabka, si wejigooda loo arko. Maamulka Jubaland ayaa hore u mamnuucay in degaannadooda lagu xirto niqaabka haweenka, kaas oo ku tilmaameen mid halis gelin kara Amniga magaalooyinka Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo bilowday hawlgal ka dhan ah Niqaabka Haweenka appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qoraal uu soo saaray uga warbixiyey kulan uu la yeeshay Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka. Taliye Xijaar oo kulankaas shir guddoomiyey ayaa sheegay inay diiradda saareen,dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka qaranka. “Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Amniga doorashooyinka ayaa ah mid ka mid ah qodobada ugu adag ee la xiriira muranka doorashooyinka ayada oo ay jiraan walaacyo la xiriira in ciidamada federaalka loo adeegsado si qaldan xilliga doorashada. Walaacyadan ayaa ka dhashay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu horey dhowr mar ciidamada amniga ugu adeegsaday in loogu awood sheegto doorashooyinkii maamul goboleedyada qaar, sidoo kalena lagu weeraray qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ee ku sugan Muqdisho. Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shalay meesha ka saaray walaaca iyo shakiga ay midowga musharraxiinta mucaaradka ka qabeen sugida amniga doorashooyinka dalka, wuxuuna tilmaamay saraakiisha laamaha amniga ay kulamo gaar gaar ah la qaateen saamileyda siyaasadeed, isla-markaana xilligan uusan jirin shaki ka taagan dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho. “Haddii maanta shir lagu heshiiyo ee la yiraa beri ayaa doorashada bilaabaneysaa wasaaradda amniga iyo guud ahaan aay’adaha amniga waa u diyarsan yahay qorshahooda.” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya. The post Taliyaha booliska oo war kasoo saaray amniga doorashada appeared first on Caasimada Online.
  3. Mareykanka ayaa xayiraado xooggan ku soo rogaya dalka Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray ee weli saameynteeda ay taagan tahay. Xayiraaddan cusub waxay saameyneysaa dhanka dhaqaale iyo taageeradii dhanka amniga ee Mareykanka uu siin jiray Itoobiya. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa shaaca ka qaaday in xayiraado dhanka dal ku galka ahna lagu soo rogay saraakiil ka soo jeedo Itoobiya iyo Eritrea kuwaas oo lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen gobolka Tigray. Mr Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in tallaabo caalami ah la qaado si wax looga qabto dagaalka ka dhacay Tigray. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo xayiraad ku soo rogaya dowladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa lasoo geba-gebeeyey maalintii labaad, ayadoo weli ay jiraan in aad la isgu hayo qodobada qaar ee la xiriira hannaanka doorashooyinka. Sida ay Caasimada Online u sheegen dad ka agdhow shirkaas, qoddobka ugu adag ee doodiisu ay hareysay shirka maanta ayaa ahaa arrinta Somaliland, ayada oo labada dhinac ee isku haya arrinta Somaliland aysan ku qanacsaneyn qoddobkii is-fahamkii shirkii Baydhabo. Is-fahamka Baydhabo ee 16-Febraayo ayaa dhigayay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan ra’iisal wasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiya aqalka sarre, Cabdi Xaashi, wuxuuna is-fahamkaas dhigayay in Mahdi Guuleed uu dib u celiyo 4 xubnood si Cabdi Xaashi uu usoo gudbiyo badalkooda. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay kulan la qaatay xubnaha matala Somaliland, si xal looga gaaro, kaasi oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, hase yeeshee waxaa ka maqnaa Guddoomiye Cabdi Xaashi, oo asaguna hogaaminaya garabka kale oo ah siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland. Arrinta Somaliland ayaa markale dood adag laga galayaa, waana qoddobka xiligaan ugu adag ee horyaala madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho, waxaana xal ka gaarista arrintaan god dheer kusii ridaya mas’uuliyiinta sarre ee isku khilaafsan xubnaha guddiga, kuwaasi oo ay horkacayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi. Waxaa durbaba soo baxaya dhaliil xubnaha uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi u jeedinayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ah inuu la safan yahay Mahdi Guuleed, islamarkaana uu la qabo fikirkii Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee gacanta loogu gelinayay go’aanka gobolada Waqooyi ra’iisal wasaare ku-xigeenka. Is-mari-waaga cusub ee ka dhashay arrinta Somaliland ayaa haddii aan xal kama dambeys ah aysan ka gaarin madaxda shirsan ay caqabad cusub ku noqon karta heshiis si dhaqso leh looga soo saaro shirka, inkasta oo ay socdaan dadaalo ay madaxdu ku rabaan in qoddobkaas laga heshiisayo, ayada oo la qancinayo mas’uuliyiinta isku haya. The post Xog: Qoddobka ugu adag ee illaa hadda hareeyey shirka doorashada appeared first on Caasimada Online.
  5. Hormuud Salaam Foundation’s (HSF) mission is to provide local support for local people. From the start, we have developed a unique model of enabling humanitarian projects through resources of Hormuud Telecommunication and Salaam Somali Bank. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta isbedello ku sameeyay qaar ka mid ah talisyada saldhigyada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kale waxa uu magacaabay Taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir. Ugu horeyn Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay G/Sare Cali-dhuux Cabdi Mahad-Alle, maadaama taliye ku xigeenkii hore ee qeybta booliska gobolka Korneyl Waaweyne uu ka mid ahaa saraakiishii lagu dilay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay saldhigga booliska ee degmada Waaberi. Ilaa sideed saldhig degmo ayey saameysay isku shaandheynta maanta uu sameeyey Taliye Xijaar, waxayna taliyayaasha iyo saldhigyada loo kala magacaabay ay kala yihiin: 1 – Macalin Aadan, Taliyaha Saldhigga Dharkenley 2 – Axmed Bootaan, Taliyaha Saldhigga Wadajir. 3 – Ismaaciil Saciid Jaamac, Taliyaha Saldhigga Waaberi. 4 – Xasan Cabdulle Bashiir, Taliyaha Saldhigga Cabdicasiis. 5 – Yaxye Casuuro Taliyaha, Saldhigga Dayniile 6 – Zakeriye Cabdullahi Taliyaha, Saldhigga Hodan. 7 – Farxaan Maxamed Taliyaha, Saldhigga Bondheere. 8 – Cumar Axmed, Taliye ku-xigeenka Saldhigga Bondheere. 9 – Abuukar Sheekh Aadan, taliye ku-xigeenka Saldhigga Kaxda. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in isbedelkaan lagu sameeyey qaar ka mid ah taliyayaasha saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir uu yimid, kadib markii Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir G/Sare Farxaan Maxmuud Qaroole uu Taliyaha guud Jeneraal Xijaar u gudbiyay warqad uu ku sheegayo in uusan kalsooni badan ku qabin taliyayaashii hore ee saldhigyada, lana magacaabo taliyayaal cusub. The post Taliye Xijaar oo is-beddel ku sameeyey taliska booliska G/Banaadir iyo degmooyinka appeared first on Caasimada Online.
  7. The post Sawirka Maanta “ Madaxweyne Farmaajo oo ka tanaasulay Ka qaybgalka Sawirka maanta” appeared first on . Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku soo dhaweeyey, isla markaana ku bogaadinayo hanaanka uu ku socdo shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalin ka hor Muqdisho uga furmay ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho. “Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa, ayuu Xasan Sheekh ku yiri war-saxaafadeedkiisa. Waxa uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta ku jirto xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago, lagana badbaadiyo burbur hor leh. “Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena,” ayuu yiri. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhameystiran Muqdisho, 23ka Maajo 2021: Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah. Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa. Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah. Dowladnimadeennu waxay maanta ku jirtaa xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena. Qatarta maanta dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku hayay ay sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan yihiin hayadaha fadaraalka ayaa keeni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadowga. Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dalka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Waxaa taagan walwal ah in nidaaamka deyn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo socday uu gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha dalka ee liita hoos usii dhiga. Xiriirka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha dunida aan la leenahay oo dadaal badan lagu bixiyay soo celintiisa ayaa isna qatar ku jira haddii ay daba dheeraato marxaladda adag ee uu dalku ku jiro. Iyada oo maanka lagu hayo xaaladdan, ayaa waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagelinaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hannaanka maamulkeeda si loo wada aqbalo natiijada ka soo baxda. Mar kasta Guul ayaan dadkeenna iyo dalkeennaba u rajeynayaa. The post Xasan Sheekh oo qoraal aysan la wadaagin musharaxiinta kasoo saaray shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo dhaweyay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada uga socda Afisyooni. Xasan sheikh ayaa rajo ka muujiyay shirka isagoo sheegay in ay filayaan in natiijo fiican ay ka soo bixi doonto Teendhada. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah. Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa. Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah. Dowladnimadeennu waxay maanta ku jirtaa xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena. Qatarta maanta dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku hayay ay sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan yihiin hayadaha fadaraalka ayaa keeni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadowga. Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dalka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Waxaa taagan walwal ah in nidaaamka deyn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo socday uu gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha dalka ee liita hoos usii dhiga. Xiriirka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha dunida aan la leenahay oo dadaal badan lagu bixiyay soo celintiisa ayaa isna qatar ku jira haddii ay daba dheeraato marxaladda adag ee uu dalku ku jiro. Iyada oo maanka lagu hayo xaaladdan, ayaa waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagelinaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hannaanka maamulkeeda si loo wada aqbalo natiijada ka soo baxda. Mar kasta Guul ayaan dadkeenna iyo dalkeennaba u rajeynayaa. Dhaamaad Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Dheikh Maxamuud ayaa bogaadiyay Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Dalka, isagoo kula dardaarmay inay guul ka gaaraan Shirka. Xasan Sheikh wuxuu sheegay in Umada Soomaaliyeed ay taariikhbu leeyihiin inay Markhaati ka boqdaan Wadahadal walba oo wanaagsan looga hadlayo. Hoos ka akhriso awarsaxaafadeedka Xasan Sheikh The post Xasan Sheikh oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Shirka Wadatashiga Doorashada appeared first on . Source
  11. Shirkii Arimaha Foorashada ee Maanta ayaa dib loo balamay beri oo isniin ah iyadoo la sheegay in ajandayaashii maanta looga dooday si wanaagsan. Qodobada maanta laga wadahadlay waxaa kamid ahaa Hirshabeele oo muran ka taagan yahay Gobolka Hiiraan, waxaa kaloo laga wada hadlay Arimaha Ergada Soomaaliland io iyana wali muran ka taagan yahay. Qodobka Deegaanada Doorashadu ka dhacayso ayaa wali la isku hayaa in Hal Magaalo laga dhigo iyo Laba Magaalo loo daayo. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku adkaysanayaa in Deegaan Doorashadu ay noqoto hal Magaalo. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii maanta oo kusoo idlaadey sidii loo qorsheeyey appeared first on . Source
  12. Soomaaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay sheegato Jaamacadaha Soomaaliland, Liis ay soo saartay Wasaarada Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa waxaa ku jira Jaamacada ku yaal Soomaaliland. Wasaarada ayaa Liiskaan ku tilmaantay Liiska Jaamacadaha ay Dowlada Federaalku aqoonsantahay. Wasaarada Tacliinta Sare ee Soomaaliland waxay Liiskaan ku tilmaameen Sheegasho Jaamacado ku yaala Wadamo kale oo ay Muqdisho Sheeganayso. Soomaaliland oo iyagu isu haysta inay yihiin Wadan Madaxbanaan ayaa badanaa ka carooda Kolka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ula maacaamilaan Soomaaliland si lamia Maamulada kale ee Dalka . Puntlandi.com Muqdisho The post Soomaaliland oo ka carootay Liiska Jaamacadaha Soomaaliya appeared first on . Source
  13. Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo rogtay amar hor leh oo ku saabsan Xajka sanadkan 2021-ka. Waxay sheegtay in 60,000 oo qof oo keliya loo oggolaan doono inay ka qeyb galaan Xajka sanadkan. Dadka doonaya inay xajiyaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da. Si aan wax badan uga ogaanno shuruudaha Xajka sanadkan ee ay soo rogtay boqortooyada Sacuudiga Source
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay tallaabo ay dhawaan qaaday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, oo ay ku shaacisay liis 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay, kuwaasi oo ay ku jireen jaamacado ku yaala gudaha Somaliland. Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay arrintaas oo ay sheegen inaysan jirin wax ka khuseeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya jaamacadaha Somaliland. Saleebaan Dirir Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland ayaa sheegay in Shan Jaamacadood oo ku yaal degaannada Somaliland ay dowladda Soomaaliya ku dartay Jaamacadaha ay aqoonsan tahay. Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan Soomaaliya qiimeyn ku sameyn karin jaamacado ku yaala Somaliland, islamarkaana ay xukuumada Somaliland la xisaabtameyso jaamacadahee oo cid kale u daba fadhiisaneyn. Waxa uu tallaabadaas ku macneeyay in hadalka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya uu lamid yahay midkii hadalkii ahaa in Hawada ay xukunto dowladda Soomaaliya. Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsan tahay wasaaraddu. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare. “Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka. Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal. The post Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay go’aan kasoo baxay DF appeared first on Caasimada Online.
  15. GAZA CITY, Gaza Strip (AP) - Hundreds of masked Hamas fighters brandishing assault rifles paraded in Gaza City and the group's top leader made his first public appearance on Saturday, in a defiant show of strength after the militants' 11-day war with Israel. Source: Hiiraan Online
  16. The African Union expressed its disappointment by Somalia’s decision to reject the appointment of former Ghanaian president John Mahama as the continental body’s High Representative to the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  17. The family of Somali-American businessman Mohamed Bashir Mohamoud whose body found at a Kerugoya hospital has denied he was involved in fake currency trade. Source: Hiiraan Online
  18. BRITAIN is to send 250 troops to Somalia as the country battles against Al Shabab terrorists. The move, to take place "within the next 12 months:", will represent the first official engagement of the new Army Ranger regiment. Source: Hiiraan Online
  19. Hoos ka daawo The post Daawo Madaxweyne Saciid Deni oo Shacabka la hadlay appeared first on . Source
  20. Mogadishu (HOL) - Somalia's leaders met for the second day in an attempt to find a solution to the nation's debilitating electoral crisis. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal kasoo saaray Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo maanta galay maalintii labaad. Shirka oo uu maanta shir-guddoominayay ra’iisal wasaare Rooble ayaa waxaa laga sameeyay horumar wanaagsan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka, Maxamed Xuseen Rooble. “Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in shirka maanta uu kusoo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan, waxayna falan-qeynta qoddobada dhiman sii socon doonaan ilaa maalinta berri ah. Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirka doorashada ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maqan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sareysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay. The post Xafiiska Rooble oo ka warbixiyey natiijada shirkii maanta ee doorashada appeared first on Caasimada Online.
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee ka socda saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku bogaadiyay barnaamijka diiwan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, halkaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay, hirgelinta hannaanka xisbiyada badan si shacabka Puntland loo gaarsiiyo in ay codkooda wax ku doortaan, waxaana uu ku baaqay in dhammaan laga wada-shaqeeyo taabba-gelinta barnaamijkaas. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa hambalyo u jeediyay dhammaan ardayda Reer Puntland ee Sabtidii shalay u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada ku bogaadiyay habsami u-socodka Imtixaanaadka. Halkaan ka daawo hadalka madaxweynaha oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo bogaadiyay barnaamijka xisbiyada badan ee Puntland appeared first on Puntland Post.