Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Al-shabaab ayaa in ka badan 20 hoobiye ku garaacay tuulada Galgala oo ku taalla buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari. Duqeynta oo dhacday wax yar ka hor salaadii maqrib waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan Puntland, sida uu Puntland Post u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan oo codsaday in aan magaciisa la xigan. Tuulada Galgala waxaa ku nool dad tiro yar oo u badan beeraleey iyo ciidamada Puntland oo ku leh saldhigyo ciidan. Puntland iyo Al-shabaab ayaa tan iyo 2010 ku dagaalamayay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari. Agoosto 2014 ayay ahayd markii ugu dambeysay oo ciidamada Puntland magaalada Galgala ka qabsadeen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo hoobiyeyaal ku garaacay tuulada Galgala appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) –Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ka socda Airport Hotel oo ku dhex yaalla Xalane, kaas looga wadahadlayo sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland. Arrinta Somaliland ayaa ka mid ah qodobada ugu adag shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. Khilaaf culus oo u dhaxeeya laba garab oo ay u kala qeyb-sameen siyaasiyiinta gobollada waqooyi ayaa ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ku metelaya Somaliland. Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo guddoomiye Cabdi Xashi ayaa kala hoggaaminaya labada garab oo ay u kala qeyb sameen siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxaana la sheegay inay fashilmeen kulamo ay saacadihii lasoo dhaafay uga wadahadleen khilaafkan. Madaxda dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Rooble oo iyagu maalmahaan ka shiraya xalinta khilaafka doorashooyinka ayaa siyaasiyiinta gobollada waqooyi ka dalbaday inay xal ka soo gaaraan khilaafka u dhaxeeya, isla markaana ay shirka ku soo celiyaan go’aan ay mideysan yihiin. Hase yeeshee Garabka guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa maanta shaaciyey qoraal sheegayey in lagu heshiiyey hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiga, balse ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa beeniyey warkaas. Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa gelinkii dambe ee maanta u yeertay saxaafadda, balse markii ay tegeen hoygiisa oo uu kula hadli lahaa ayuu codsi uga yimid madaxda Puntland iyo Jubbaland, sida aan xogta ku helnay. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Cabdi Xaashi ka codsaday in saxaafadda uusan la hadlin, iyagoo ka digay in hadalkiisu uu arrinta cirka ku sii shareeri karo, waxayna ugu yeereen kulankan caawa u socda. Waxaa sidaas ku baaqday shirkii jaraa’id oo Cabdi Xaashi uu qaban lahaa garabta, waxaana wariyaashii tegay goobta lagu war-geliyey in guddoomiyuhu uu berri hadli doono. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta qaabilay Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxuuna xafiiska Rooble shaaciyey in kulankaas uu ku soo dhamaaday is-afgarad. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi,” ayaa lagu yiri qoraal uu galabta baahiyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble. The post Kulan lagu xalinayo xiisad taagan oo u socda Cabdi Xaashi, Axmed Madoobe iyo Deni appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) –Maalinkii seddaxaad waxaa si caadi ah ku soo dhamaaday shirka madaxda Soomaaliya oo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu shir guddoomiyey. Madaxda ayaa bilaawday ka doodista qodobada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka. Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo faahfaahin ka bixiyey hanaankii uu maanta ku socday shirku ayaa sheegay in si saraaxo leh ay madaxdu uga doodeen qodobadii maanta la soo saaray miiska. “Si loo xaqiijiyo in shirku guuleysto waxa uu ra’iisul wasaaruhu maanta shir gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee ka khuseeya heshiiskan, wadahadalladu waa ay sii socon doonaan,” ayuu yiri. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la tasha doonaa dhamaan saamileyda siyaasadda iyo cid kasta oo shirka wax ku biiri karta, madaxdu waa ay isku soo laaban doonaan berri, laakiin waxa waxaad moodaa in wax kasta ay gaba-gabo yihiin markii la fiiriyo sida saraaxada leh ee madaxdu ay isula soo koobayaan wax kasta.” Hoos ka Daawo The post Daawo: Xukuumadda oo war ka soo saartay shirka Afisyooni oo galay maalinkii 3-aad appeared first on Caasimada Online.
  4. (Bloomberg) -- The U.S. imposed “wide-ranging” economic sanctions against Ethiopia to push the African nation led by a Nobel laureate to end violence in Tigray that has killed thousands of people and displaced hundreds of thousands more. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister, Mohamed Hussein Roble, met with the Speaker of the Upper House Abdi Hashi Abdullahi on Monday to discuss election issues and how Somaliland will be represented in the upcoming polls. Source: Hiiraan Online
  6. Jowhar (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan booliska HirShabeelle iyo xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in lasoo qabtay nin ay ku tilmaameen dilaa shiish badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii Macawiisleyda ee soo wareeray Jowhar. Xubnanaha aan la hadalnay ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamadii amniga ee xafiiska Madaxweynaha dhaawaceen ninkaan oo kahor inta aan la dhaawicin dilay Cali Godad iyo laba kamid ah ilaaladii Madaxweynaha, sidoo kalane dhaawacay Ciise oo ahaa kaaliyaha Madaxweynaha. Wararka waxay sheegayaan in ninka la soo qabtay uu qabo dhaawac kadibna uu awoodi waayay in uu cararo, waxaana hadda lagu dabiibaya Isbitaal ay ka war qabaan masuuliyiinta HirShabeelle. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa la sheegay in uu amray in aan la taaban ninkaas oo ay ku sheegeen dilaa, islamarkaana wixii dhacay lagu dhameyn doono gogal nabadeed. Kooxdii Macawiisleyda aheyd ee soo wareertay Jowhar ayaa la sheegay in ka hor inta aysan soo wareerin in ay soo direen farrimo digniin ah islamarkaana aan la muujinin wax taxadar ah. Dagaalkii dabaayaqadii hore ka dhacay ee ciidamada HirShabeelle iyo macawiisleyda ayaa sababay dhimashada in ka badan 10 qof oo labada dhinac ah iyo dad kale oo shacab ah, wuxuuna ka dhashay sida la sheegay saraakiil ka tirsan macawiisleyda oo la xiray. The post Xog: Ninkii ka dambeeyay dilka kaaliyaashii iyo askartii Guudlaawe oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  7. Waxaa maanta si rasmi ah gobalka Banaadir uga furmay Imtixaanka dugsiga dhexe oo uu qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya . In kabadan 26,000 Arday ah ayaa sanadkaan u fariistay Imtixaanka oo markii ugu horeysay si rasmi ah u qaadayo Agaasinka waxbarashada Gobalka Banaadir kadib markii lagu warejiyay howlaha Imtixiaanka. Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Jaabiri oo daahfuray furitaanka Imtixaanka ayaa sheegay in ay iska kaashadeen Imtixaanka wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka iyo Agaasinka waxbarashada gobalka banaadir . Sanadkaan ayaa sidoo kale markii ugu horeysay waxa Imtixaanka dowladda u fadhiistay ardayda qaba baahiya gaarka ah. Sawirada Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe Source: goobjoog.com
  8. Just who was this man, the slain Mohamud Bashir Mohamed, and who so badly wanted him dead? Source: Hiiraan Online
  9. Amesterdam (Caasimada Online) – Muddooyinkii u dambeeyey waxaa sii xoogeysanayay hadal-haynta khilaaf ka dhextaagnaa maamulka masjidka Quba ee ku yaal Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland. Masjidkan oo dhulka uu ku fadhiyo ay Soomaalidu leedahay, ayaa soo maray marxalado kala duwan, marka loo eego sidii ay howshiisi ku billaabatay iyo adeegyada uu haatan u hayo mushtamacyada muslimiinta, ee ay Soomaaliduna ka mid tahay. Sida ay wararka ku heleyso shabakada Somnieuws.com, khilaafkan oo muddo toddobaadyo ah soo jiitamayay ayaa u dhexeeya maamulka masjidka, waxaanna uu ku billowday markii xubno maamulka ka wada tirsan ay iska saareen liiska KVK. “Markii hore waxaa KVK-ga laga saaray nin C/risaaq la yiraa, kana mid ah maamulka masjidka oo Tilburg degan, halkaas ayuu khilaafku ka curtay ilaa markii dambe isagana laga saaray Sheekh Suldaan oo ka mid ah maamulka sare, xaaladu hadda waxay maraysaa meel aan laga filayn dadkan culimida ah ee haya amaanadii dadka ay u dhiibteen,” ayuu yiri Sheekh Cali oo ka mid ah culimada masaajidka ku xiran, isaga oo intaasi raaciyay in marka loo eego dhumucda khilaafka ay suurtagal tahay in qabiil uusan ka marneyn. “Anigu, khilaafka masjidka wax badan kalama socdo, dhegta un baan ka maqlay, haddana waxaa jirta hal dhibaato oo Soomaali haddaan nahay na haysata, taas oo ah; qof kasta ama “team” kasta oo Soomaali ah marka maamul loo dhiibo waxay u dhaqmaan sida milkiyad in ay u leeyihiin howsha loo dhiibay, dadka kalena ka xigsadaan, mana jirto marjic dadkaasi ay u laabanayaan oo la xisaabtamaya. Tusaale waxaa inoogu filan, ragga masjidka maamula waxay matalaan Soomaali oo dhan, haddana waa dhowr rag ah oo isku xiran, haddii markii hore loo diyaarin lahaa dad waxgarad ah oo laga soo xulo qaybaha kala duwan ee bulshada, oo iyagu yeesha mar walba go’aanka kama dambeysta ah, dadka howsha wada na loo aqoonsado shaqaale, dhibaatadu waa ka nasahnaan lahayd intaan, laakiin nin walba howshii loo dhiibo wuxuu aaminaa in uu cid kasta isaga ka xigo, dhibaatada kalena waxay tahay; shacabkii oo isugu jira dhalinyarada, haweenkii & cid kasta oo Soomaali ah oo aan arrintan ku baraarugsaneyn, haddii shacabku la xisaabtami lahaayeen dadka ay mas’uuliyada u dhiibtaan xal ayaa iman lahaa” Ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi, oo ka mid ah dhalinyarada masaajidka ku taxan, wuxuuna intaasi raaciyay in uu soo jeedinayo in mas’uuliyada masjidka loo dhiibo dhalinyarada. Shabakada Somnieuws waxay xiriir la sameysay qaar ka mid ah maamulka masjidka, si wax looga weydiiyo khilaafkan cusub, iyada oo mas’uulkii lala xiriiray uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo. Khilaafka u dhexeeya maamulka masjidka Quba, wuxuu noqday xaalad walaac badan ku haysa dad badan oo masjidka ku xiran, qeybna ka ah adeegyada islaamiga ah ee masjidka u hayo mushtamacyada islaamka, gaar ahaan Soomaalida. Dhanka kale, waxaa jira dedaalo ay wadaan waxgarad kala duwan, oo ku soo baxay xiisada masjidka, waxaanna dedaaladaasi lagu raadinayaa sidii la loo qaboojin lahaa xiisada, haddii se xiisadu sii socota waxaa suurtagal ah in masjidka ay kala laabtaan kalsoonidii ay ku qabeen dad badan oo Soomaali ah. W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan The post Muxuu salka ku hayaa khilaaf-ka maamulka masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam? appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynuhu waxa Abtiyadii u gaarka ah ee uu ka raacay yaa garanaaya ama igu diidan?. Madaxweyne Biixi hadduu yidhi ” Badownimada Abtiyaday baan ka raacay” wax xun muu odhan, bahashuna cay maaha ee waa dhaqan wanaagsan, Abtiyadii iyo Adeeradiina waa labada qoys ee isku sidkan dhinac kasta oo isku nolol ah, waxa mid uu qabo kan kalena waa lee yahay, waxase Abtiyadii u badnaayeen ee uu ka raacay yaa yaqaan. Abtiyadii wuxuu madaxweynuhu ka raacay waa fanaanimada, habeenkii 18 ee inanka ay Ilmaabtiga ahaayeen uu ku dhuftay heestii Abtigii Fanaan Muuse Ismaaciil Qalinle yaa arkaayay sida uu madaxweynuhu Inanka ula jiibinaayay, maantana fagaaraha Beerta Xorriyada saw hees kagamuu dhufan, taasuu haddaba ka raacay ee yaa ogu diidan. Sidaa waxaa yidhi Guddoomiye Hore Mustafe Shiinne Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah fagaaraha beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa uga daah-furay Ololaha Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee xisbiga Kulmiye oo maalintiisii koowaad ee ka bilaabmay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland. Daah-furka Ololaha ee Hargeysa oo lagu qabtay xarunta Beerta Xorriyadda ee Caasimadda, ayaa waxa Madaxweynaha kala qaybgalay qaar ka mid ah hoggaanka, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, la-taliyeyaal madaxweyne, 37-ka murrashax ee gobolka Maroodi-jeex uga sharraxan goleyaasha wakiillada iyo Deegaanka, masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda iyo marti-sharaf kale. Madaxweynaha oo ay hareero socdaan hoggaanka xisbiga KULMIYE ee wehelinayey, ayaa socod lug ah ku soo galay xarunta Beerta Xorriyadda oo ay ka buuxeen kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee soo buuxdhaafiyey fagaaraha, kuwaas oo sawaxan iyo shucuur jacayl ka muuqato kusoo dhaweeyey, iyagoo lulayey calanka KULMIYE iyo astaamaha murrashaxiinta kala duwan ee xisbiga KULMIYE ka sharraxan. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka, Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ugu horrayn fagaaraha kala hadlay taageerayaasha tirada badan ee xisbiga KULMIYE, ayaa uga mahadnaqay jamaahiirta KULMIYE ee soo bandhigay cuddudooda taageero, isaga oo ku adkeeyey inay maalinta codkana sidaas oo kale isu abaabulaan oo ay ku hubsadaan codka, maadaama murrashaxiinta xisbigu u soo dooray yihiin qaar xul ah oo xilkasnimo lagu soo xulay, lagana Baaraan-degay tayadooda iyo kartidooda shaqo. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa isaguna dhankiisa u mahadnaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee hadh iyo habeenba heeganka la ah taageerada xisbiga iyo murrashaxiintiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in cidkasta oo KULMIYE ka sharraxani ka nasiib badan tahay dhiggeeda axsaabta kale ka tartamaysa, isla markaana ay haystaan waxqabad KULMIYE ku suntan yahay oo ay ku faani karaan, taageerayaashuna ku raacayaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa muujiyey sida uu ka hoggaamiye ahaan ugu faraxsan yahay taageerada Luxdan ee taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisu ka muujinayaan fagaarayaasha kala duwan ee dalka, waxana uu si mug leh ugu mahadnaqay taageerayaashaas kalka furan ee u diyaarka ah garabsiinta xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, isagoo ugu baaqay inay sii wadaan taageeradooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyey fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa, waxa uu bulshada u sharraxay murrashaxiinta xisbiga KULMIYE soo xulay ee dhawaan codayntooda loo dareeri doono, waxana uu sheegay inay xisbi ahaan bulshada u soo dooreen miiddii iyo waxgaradkii dadka, waxanu yidhi, “Murrashaxiinta maanta aannu soo sharraxnay dhammaantood dalka oo dhan, gaar ahaan caasimaddu waa dadkii aynu baadhnay ee xulnay oo ah miidda mujtamaceenna oo aynu ku dooranay in aynu ku aaminno taladeenna, haddii ay Baarlamaan yihiin iyo haddii ay Dawladaha Hoose yihiinba.” Madaxweynuhu waxa uu shacabka Somaliland iyo taageerayaasha KULMIYE ugu baaqay inay codkooda siiyaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE, isaga oo xaqiijiyey in xisbiga ay ka sharraxan yihiin yahay xisbi shirraban oo dalka horumar gaadhsiiyey, immikana ku hawllan yahay hirgelinta himilooyinkii ay aas-aasayaashii KULMIYE dhidibada u taageen,“Ballanteennu waa maalinta codka oo aynu soo saarno xildhibaannada KULMIYE, waayo xisbiyadu waxay ku doodayaan anaa kaa hoggaan wanaagsan iyo anaa talo wanaagsan, KULMIYE waa la tijaabiyey, laba xisbi baa dalka soo xukumay, xisbi UDUB buu ahaa oo Maxamed Ibraahim Cigaal baa aas-aasay, waayo-aragnimadii iyo hoggaamintiisii buu ku meelmaray, ka labaadna waa KULMIYE oo Siilaanyo iyo Fagadhe iyo rag mutacallimiin ah baa aas-aasay, raadkoodii baa muuqda oo aynu wadnaa, raadkii KULMIYE lagu dhisay, mabdi’ii KULMIYE lagu dhisay baa la wadaa oo ah Somaliland oo xor oo ictiraaf hesha oo caalamka gaadha, walaalowda oo hore u marta, taas ayaa KULMIYE laba goor oo hore lagu doortay, maantana lagu dooranayaa oo aan leeyahay shacabka Somaliland ha ugu codeeyaan xildhibaannadooda,” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxaannu Madaxweynuhu hadalkiisa intaa ku daray, “Xisbiyada nala tartamayaa waxay ku tartamayaan waxaannu qaban doonaa iyo waxaannu yeeli doonaa, mooyi waxaad qaban doonto ayaanu leenahay, waa Qaalin layli ah, labada xisbi ee nala tartamaya mid labaatankii sannoba wuu joogay maalina ma guulaysan, xisbiga labaadna waa layli oo lama tijaabin, waxna muu qaban. KULMIYE wuxuu leeyahay hawshii aad noo igmateen ee tobanka sanno taladeeda haynay, tobanna mucaarad ku ahayn ee aannu halgankii ka soo qaadnay, ayaanu hawsheeda wadnaa oo aannu dhammaynaynaa oo xildhibaannaduna halkaa ka qaadayaan, ma odhaynayno waxaannu qaban doonaa ee waxaannu wadnaa horumar, difaac qaran, waxaannu wadnaa dhismaha waddooyin iyo dekedo, waxaannu wadnaa biyo-xidheenno, waxaannu kor u qaadnay tacliinta libin-laab, waxaannu wadnaa shaqo qaran ee sow nala qabanmaysaan shacabow.” Source
  12. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddida anshaxa iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka, ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddida Maxamed Axmed Bulxan. Kulankan oo ahaa kii koowaad ee ay yeeshaan 6-da xubnood ee guddida iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ugu horayn ku bilaabmay xog-waran iyo sidii loo xoojin lahaa hawlaha shaqo ee u baahan in laga wada shaqeeyo, maadaama oo uu dalku galayo marxalad doorasho oo u baahan in wadajirka iyo xasiloonida bulshada la sii xoojiyo. Lagana hortago arrimaha keeni kara khilaafaadka la xidhiidha doorashooyinka. Guddida ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay kulanka ay la yeesheen, waxaanay niyad wanaag ka muujiyeen in Maxkamadda Sare ee dalku diyaar ula tahay hawlaha shaqo ee u baahan in laga taageero guddida. Geestiisa guddoomiyaha ayaa guddida ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiiri-galiyay in ay dhex-dhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada si kalsoonida shacabku u xooganaato, waxaanu ku hambalyeeyay dedaalada ilaa imika ay waddaan. Wa bilaahi tawfiiq. Qaran News
  13. Xisbiga Waddani oo Xilal Cusub ku taxay Kaadiriin ka tirsan Xisbiga LEAVE A COM Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay waxyaabihii kasoo baxay kulankii ay la qaateyn garabka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda xil-garsiinta Mahdi Guuleed. Garabka Cabdi Xaashi ayaa sheegay in kulankaas la isku afgartay illaa 3 qodob sidoo kalana la isku fahmi waayey qodobo kale kadib markii ay sheegeyn inuu diiday Mahdi Guuleed. War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Mahdi Guuleed uu diiday in guddiga doorashooyinka ay labada dhinac usoo dhisaan, si isla eg isla markaasna heshiis buuxda lagu yahay. Sidoo kale waxaa ay soo jeediyeen inay lagama maarmaan tahay in shirka doorashooyinka dalka looga hadlayo uu noqdaa mid muuqaalka midnimada JFS ka muuqdo oo ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka. Qodobada war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu heshiiyey ayaa waxay kala yihiin In siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo isku duuban ay u madax-bannaanaadaan maamulka doorashooyinkooda. In Siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay si wadajir ah u dhistaan Guddiga sare ee Jiheynta Maamulka doorashooyinka (Steering Committee) oo aan ka yareyn 5, kana badnayn 9 Xubnood. In doorashada Xildhibaanada Gobolada waqooyi lagu qabto xerada Ciidanka ee Afisyooni, iyada oo ammaankeeda loo xilsaarayo ciidamo gaar ah oo ka socda Boolislka Soomaaliyeed iyo AM1SOM, goobjoogayaalna ay ka yihiin warbaahinta, Beesha Caalamka iyo daneeyayaasha doorashada 2021. Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in warqaddaan ay tahay mid wax kama jiraan ah, wuxuuna hadalka Mahdu u muuqdaa inuu yahay mid uu kaga soo horjeedo eedeynta loo jeediyey ee ah inuu diidan yahay in dhismaha guddiga doorashooyinka Somaliland loo dhiso qaab heshiis lagu yahay. Halkaan hoose ka akhriso war saxafaadeedka oo dhameystiran The post Garabka Cabdi Xaashi ee xildhibaanada waqooyi oo sheegtay heshiis iyo Mahdi Guuleed oo diiday appeared first on Caasimada Online.
  15. Afar Arrimood oo ku saabsan nolosha ganacsadihii Soomaaliga lagu dilay Kenya Ganacasade Bashiir Maxamed Mayda ganacsadihii Soomaaliga ahaa ee maalmo la la’aa, ayay Booliska magaalada Nairobi ee dalka kenya, weli ku wadaan baaritanno la xiriira sidii loo dilay. Meydkiisa waxaa laga helay meel duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee gobolka Kirinyaga, oo Nairobi u jirta 180km. Qoyska Bashiir Maxamed Gaboobe ayaa sheegay in maydka ay ku yaaleen rasaas iyo nabarro kale oo jirdil ah. Sida ay sheegeen laamaha baaritaanna kenya, baaritaan maanta lagu sameeyay meydka marxuumka ayaa lagu ogaaday in la ceejiyay, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha. Sheekh Maxamed Diini, oo ay saaxibo ahaayeen Bashir Gaboobe, isla markaana ay wax isla soo barteen, ayaa BBC Soomaali u sheegay in Bashiir ay iskala soo baxeen jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, uuna ahaa nin firfircoon oo dadaal badan. Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka, wuxuu madax ka ahaa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, wuxuuna mashaariic waaweyn ka fuliyay Kenya iyo Soomaaliya. Waxaan halkan ku eegeynaa afar arrimood oo ku saabsan nolosha ganacsade Bashiir: Wuxuu ahaa ijineer Bashiir wuxuu shahaadada labaad ee injineernimada ka qaatay jaamacadda Wrights University ee Dayton, dalka Mareykanka. Wuxuu in muddo ah la soo shaqeeyay shirkadda Boeing ee sameysay diyaaradaha. Wuxuu muddo kooban ku noolaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyay shirkadda diyaaradda ee Qatar Airways. Wuxuu iska lahaa shirkad qaabilsan dhismaha Bashiir wuxuu u soo wareegay dalka Kenya, ka dib markii u hirgeliyay shirkad qaabilsan dhismeyaasha iyo naqshadeynta guryaha, wuxuuna ku howlanaa mashaaricyo waaweyn. “Soomaliya iyo Kenya ayuu ku soo laabtay. Tacliintii uu yaqaanay iyo xirfaddii uu ku soo shaqeeyay, ayuu halkaa kasii bilaabay. Wuxuu aasaasay shirkad qaabilsan dhismaha iyo naqshadeynta guryaha, buunddooyinka iyo jidadka. Magaalada Nairobi ayay xafiis ku lahaayeen,” ayuu yiri Diini. Sida uu sheegay, Bashiir Gaboobe, wuxuu dowladda Kenya u sameeyay mashaariic waawayn sida, mid uu ka fuliyay magaalada Kisumu ee galbeedka dalka Kenya. “Mashruucyo badan ayuu Kenya ka fulinayay, intooda badanna waxay ahaayeen qanddaraasyo ay dowladda siisay. Midka magaalada Kisumu ayaa hadda ugu waynaa, wuxuuna gacanta ku hayay oo meel ganacsi oo suuq weyn ah,” ayuu Sheekh Maxamed Diini oo ka mid ah dadkii sida dhaw ula socday xaaladda Bashiir. Mashruuc ayuu ka fuliyay Soomaaliya Bashiir wuxuu ahaa nin dhalinyaro oo firfircoon oo kaalin weyn ka qaatay horumarka Soomaaliya. Shirkad uu isagu leeyahay ayaa dhistay xafiiska ay hadda ku shaqeyso wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya, sida Diini uu tilmaamay. “Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya, xafiiska ay hadda ku shaqeyso oo huteel Jubba u dhaw, shirkaddiisa ayaa dhistay,” ayuu yiri. Wuxuu ahaa nin deeqsi ah Wuxuu sheegay in Bashiir uu ahaa nin hami sare leh oo si weyn dadaal ugu bixinayay caawinta dadka kale, wuuna gacan furnaa. “Wuxuu ahaa nin deeqsi oo gacan furan, haddaad fiiriso CCTV-ga saacadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa, waxaad arkeysaa isaga oo dad ka shaqeynayay hoteelkii uu joogay lacag u qeybinayo, farxadda Ciidda darteed”. Qaran News
  16. (SLT-Addis Ababa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa wargeyska Telegraph ee dalka UK ka soo baxa ku eedeysay inuu ku khaldanaa daabacaadda warbixin sheegeysa in dagaalka Tigray loo adeegsaday hubka kiimikada. Warsaxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku beenisay eedeymahaas, iyadoo tidhi “Itoobiya ma adeegsan mana adeegsan doonto hubkaas la mamnuucay” “Iyadoo dhibbane u ah hubka kiimikada oo lagu weeraray, Itoobiya si xooggan ayay u cambaareyneysaa in hubka kiimikada uu adeegsado qof walba iyo meel walba oo uu ku sugan yahay.” Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in warbixintaas ay sii hurineyso xiisadda. Wargeyska ayaa sheegay in dowladda Itoobiya uu ka codsaday inay ka jawaabto warbixinta kahor inta aan la daabicin. Millatariga Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in tacadiyo badan oo arrimaha bani’aadannimada ah ay ka geysteen gobolka Tigray tan iyo bishii November 2020. Source
  17. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogeysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Waxay sidoo kale xayiraad saareysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas’uul ka yihiin qalalaasaha. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya. Dhinacyada ku lugta leh “ma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed,” ayuu yiri. Redwan Hussein, oo ah madaxa guddi-hoosaad ay dowladda Itoobiya ee u saartay arrimaha Tigray, ayaa sheegay in dowladdu ay goor dhow soo saari doonto bayaan. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan ka jawaabin telfoonada iyo farriimo looga raadinayay inuu warkan ka jawaabo. Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya. Ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria ayaa dagaalka galay si ay u taageeraan dowladda. Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda ay dileen dad rayid ah ayna ku keceen kufsi wadareed. Ethiopia ayaa Jimcihii sheegtay in ay maxkamad soo taagtay askar gaysatay kufsi iyo dil dadka rayid ah, in kastoo diiwaanka maxkamadda aan wali la shaacin. Eritrea iyo Ethiopia ayaa labaduba muddo bilooyin ah waxa ay inkirayeen joogista askarta Eritrea ee gobolka Tigray ka hor intii aysan qiran in ay gobolka ku sugan yihiin islamarkaana ballan qaadin in ay ka bixi doonaan. Blinken ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmada bani’aadamnimada iyo deeqaha kale ee muhiimka ah ee la siiyo Ethiopia. Waxa uu intaas ku daray in ay sii socon doonaan xayiraadaha ballaaran ee kaalmada ee saaran Eritrea. Dowlada Ethiopia ayaa beesha caalamka kala kulmeysay cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay muujiso isla xisaabtan, xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xasuuqa ka socda Tigray. Midowga Yurub ayaa joojiyay kaalmada lacageed ee lagu kabo miisaaniyadda Ethiopia ka dib markii ay soo bexeen warbixino kufsi wadareed, dil wadareed loo geystay dadka rayidka ah, iyo dhac baahsan oo ka dhacay gobolkan ku yaalla waqooyiga. Blinken ayaa sheegay in Mareykanku ugu yeeray dowladda Ethiopia in ay la xisaabtanto dhammaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada xuquuqda iyo tacaddiga, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah, loona hubiyo in la helo marin xaddidaad la’aan loo marsiiyo gargaarka bani’aadamnimada. VOA The post Mareykanka oo ku dhowaaqay xayiraado ka dhan ah Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
  18. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa yeeshay kulan gaara oo looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya. Kulanka oo looga hadlayay doorashada xildhibaannada labada aqal ee gobollada Waqooyi ayaa la sheegay inuu ku soo dhammaaday is-afgarad, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble. Kalanka Rooble iyo Cabdi Xaashi waxaa ka horreeyay kulan ay yeesheen labada garab ee siyaasiyiinta Waqooyi ee kala hoggaamiyaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, kaas oo la isku fahmiyaayay. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa beeniyay qoraal ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada Waqooyi garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi oo lagu sheegay in ay wadahadal arrimaha doorashada ku aadan la yeesheen Mahdi Guuleed. Mahdi Guuleed ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka ku qoray ku yiri “Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn”. Dhanka kale Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa xaqiijiyay qoraal ka soo baxay dhankooda oo lagu sheegay in labada garab ay ku heshiin waayeen guddiyada doorashooyinka. Sidoo kale garabka Cabdi Xaashi waxay sheegeen in lagu heshiiyay saddex qodob oo kala ah; in siyaasiyiinta Waqooyi u madax-bannaanaadaan doorashada, in la dhiso guddi sare oo jiheeya doorshada goboladda Waqooyi iyo in doorashada gobollada Waqooyi lagu qabto Afisyoone amnigeedana ay sugaan AMISOM iyo Boolis Soomaaliyeed, goobjoogna ka noqoto Beesha Caalamka. Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shirka doorashada uu noqdo mid muuqaal midnimo leh oo ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka. PUNTLAND POST The post Rooble iyo Cabdi Xaashi oo ka wadahadlay doorashada xildhibaannada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula leh guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Kulankan oo ah mid ay albaada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan dooda ka taagan soo xulista xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan, kadib uu guddoomiyaha Aqalka Sare qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga warbixin doono kulanka uu haatan la leeyahay Rooble. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan xubnaha gobollada waqooyi ama Somaliland. Kulanka ayaa sidoo kale daba socda warqad kasoo baxday xubnaha garabka Cabdi Xaashi oo lagu sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu weli diidan yahay hab qeybsiga dhismaha doorashada ee xubnaha Somaliland ku metalaya dowladda cusub ee soo socota, inkastoo eedeyntaas uu iska fogeeyey Mahdi Guuleed oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqadda soo baxday. Arrintan ayaa muujineyso khilaaf hor leh oo soo kala dhex-galay labada garab xubnaha gobollada waqooyi ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, waxaana haatan socda dadaallo uu wado ra’iisul wasaaraha oo xal waara looga gaarayo khilaafkaasi. Doodan cusub ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaarayo is mari-waaga ka taagan hanaanka doorashooyinka. Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay marxaladda kala guurka ah, waxaana xiisaddu ay kasii dartay markii uu dhammaaday muddo xileedka dowladda Soomaaliya, iyadoo aanan xal loo helin khilaafka ka taagan doorashada 2021. The post Ra’iisul wasaare Rooble iyo Cabdi Xaashi oo kulan ku leh Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  20. Mareykanka oo xayiraad dhaqaale & mid militari saaraya Ethiopia Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay aheyd ku dhawaaqday in ay cunaqabateyn isugu jirta mid dhaqaale iyo mid millatariba saareyso Ethiopia, sababo la xiriira gabood-fallo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay gobolka ay colaaduhu ka jiraan ee Tigray. War kasoo baxday waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu Mareykanka xiyiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogi doonto saraakiil hore ama kuwo hadda shaqeeya oo ka tirsan dowladaha Itoobiya iyo Eritrea. Saraakiishaasi oo magacyadooda aan la shaacin ayuu Mareykanku sheegay in ay mas’uul ka yihiin qalelaasaha ka dhacay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya. Wuxuu intaas raaciyay in la joogo waqtigii ay bulshada caalamku tallaabo qaadi laheyd. Kumannaan qof ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalka sokeeye ee gobolka Tigray ee Itoobiya, boqolaal kun oo kalana waxaa lagu qasbay in ay guryahdooda ka barakacaan, laga soo billaabo bishi November ee sanadkii hore markaas oo uu dagaalku billowday. Qaran News