Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali women on Wednesday welcomed a 50% fee cut for female candidates submitting nomination papers for the country's upcoming upper and lower house elections. Source: Hiiraan Online
  2. Somalia and Kenya on Wednesday discussed the need to deepen bilateral relations between the two East African nations, which recently restored ties after a months-long dispute. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle. Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Guudlaawe iyo beesha Xawaadle. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Rooble ayaa maalmahaan bilaabi doono in uu la kulmo siyaasiyiinta iyo odayaasha Beladweyn,e gaar ahaan kuwa beesha Xawaadle, waxa uuna kala hadli doonaa in la dhameeyo diidmadooda ku aadan maamulka cusub ee HirShabelle. Beesha Xawaadle oo Madaxweyne ka aheyd 4-tii sano ee la soo dhaafay maamulka HirShabeelle ayaa ku doodaysa in mar kasta kursiga Madaxweynaha gaar u noqdo iyaga, halka Abgaal iyo beelaha kalana ay qabaan in loo tartamo kursigaan oo dad gaar ahaan loo xirin. Villa Somalia iyo Rooble ayaa howshaan dardar gelin doona maalmaha soo aadan maadaama ay xog ku heleen in uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Madaxweyne Cali Guudlaawe geyn doono Beladweyne, taasoo haddii ay dhacdo dhaawac ku ah maamulka Farmaajo. Xukuumadda ayaa isku dayeysa ina ka hortagto qorshaha Shariif, si aysan ugu noqon fursad sare u qaadda magaciisa, taasi oo caawin karta ololihiisa doorashada. Rooble ayaa dhowaan diiday qorshe ay wadeyn Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo doonayey in deegaan doorashada lagu soo kobo hal magaalo maamulkiiba, si ay uga baxsadaan in doorasho ay ku kala qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey oo laga diidan yahay. The post Xog: DF oo dhexda u gashay qorshihii Sheekh Shariif ee ku aadanaa Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
  4. Wasiirka Arrimaha gudaha S/land oo l ahadlay Golaha Cusub ee Deegaanka Hargeysa Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibad ay maanta xilka kula kala wareegeen Maayerkii hore ee Caasimada Hargeysa iyo duqa cusub, ayaa kula dardaarmay guud ahaan goleyaasha deegaanka ee dalka ee lagu doortay Doorashadii qabsoontay 31-kii May inay yeeshaan wada-shaqayn maamulkooda iyo xubnaha doortay, sidoo kalena dulqaad iyo dhul-is-dhig ugu shaqeeyaan bulshada. Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in maayirrada iyo goleyaasha laga soo doortay asxaabta kala duwani ay ku shaqeeyaan midnimo iyo isku-arragti, isagoo si gaar ah ula dardaarmay Maayirka iyo xubnaha xilka Caasimada Hargeysa la wareegay. Maayerka iyo ku-xigeenka ayuu si gaar ah ugu waaniyey inay muujiyaan hogaamin hufan iyo maamul debecsan, isagoo duqii hore iyo golihiisiina ku amaanay sidii hagar la’aanta ahayd ee ay Bulshada ugu soo shaqeeyeen. “Hogaaminta furaheeda ugu horeeyaa waa inuu qofka hogaamiyaha ahi leeyahay dulqaad, siyaasaddana waxa la yidhaahdaa adkaysi, waa lagu caayayaa, waa lagu maagayaa, waxbaa lagaa sheegayaa dee dulqaad yeello ileen adigaa soo doontaye”ayuu yidhi isagoo u hoga-tusaaleeyey Golaha cusub waxyaabaha ka dhalanaya masuuliyada xilka. Wasiirku waxa uu ka markhaati kacay waxqabadka Maayerkii hore iyo Golihii deegaanka ee la shaqaynayey, isagoo tilmaaamay in waxqabadkaasi uu yahay mid sida iftiinka cadceeda u muuqda, waxaanu si gaar ah u majeertay qalabka iyo wershadaha ay dawladda hoose yeellatay muddadii uu xilka hayey Maayer Cabdiraxmaan Soltelko. Sidoo kale Wasiir Kaahin, golaha Deegaanka cusub xusuusiyey in doorka Wasaaradda arrimaha gudaha ee la-xisaabtanka Dawladdaha hoose iyo Goleyaasha loo doortay, waxaanu uga digay in aanay xubnaha Golaha iyo guddida fulintu toona ku kicin wax sababi kara inay sharciga ciqaab amma talaabo adag kala kulmaan. “Golaha Deegaanku waxay ku shaqeeyaan Xeer lr. 23 , xeerkaana waxa ku maamula wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda arrimaha guduhuna way la shaqaynaysaa. golahan Deegaanka Hargeysa wuxuu ka duwan yahay 19 gole deegaan ee kale. Maayerka iyo Maayer ku-xigeenka la doortay waa loo tartamay 17 xubnood ee kale way u codeeyeen”Wasiirku waxa uu Maayerka cusub Cabdikariin Axmed Mooge iyo duqii horeba u jeediyey talooyin la xidhiidha adkaynta wada shaqaynta Golaha “Cabdikariin waxaan leeyahay sidii goluhu kuugu codeeyey, golaha isugu wad, cabdiraxmaana waxaan leeyahay Golaha xilbaa kaa saaran”. Geesta kale, Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu Ganacsatada Caasimada iyo guud ahaan dalka ku canaantay bixinta Cashuurta ku waajibtay iyo inay la xisaabtamaan Golaha Deegaanka oo ay ka war hayaan hadba xaaladaha ku gedaaman. Qaran News
  5. Over 500 families living near Jowhar town, Middle Shabelle region, who were affected by recent severe flooding in the area have received emergency food and humanitarian relief in an effort coordinated by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and HirShabelle State authorities. Source: Hiiraan Online
  6. Somalia's opposition politicians and the public have welcomed a deal to hold delayed indirect presidential elections in October, with lawmakers chosen in July and August.  But analysts note unrest and terrorist attacks are still a risk. Source: Hiiraan Online
  7. Top Somali officials and Turkey’s Ambassador to Somalia Mehmet Yilmaz met Wednesday here in Mogadishu to discuss scaled-up cooperation in fisheries and labor affairs. Source: Hiiraan Online
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay ka baxeen magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigray, isaga oo sheegay in sababta ay tahay in magaaladaas aysan hadda kadib aheyn “muhiimadda dagaalka”. “Markii aan galnay Mekelle toddoba ama sideed bil kahor, waxaan u sameynay sababtoo ah waxay aheyd muhiimadda iyo xudunta dagaalka,” ayuu Abiy u sheegay warbaahinta dowladda, oo muuqaalkiisa baahisay Arbacadii. “Waxay aheyd xarunta dowladda. Xarunta kheyraadka la ogyahay iyo kuwa aan la ogeyn. Hase yeeshee waqtigii aan ka baxnay ma jiraan wax muhiim ah oo ay leedahay marka laga reeebo 80,000 oo qof oo shacab ah iyo kuwa shacabka bililiqeysta…waxay lumisay mhiimaddeeda,” ayuu yiri. Hase yeeshee afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa hadallada Abiy ku tilmaamay been, wuxuuna sheegay in ciidamada Ethiopia lagu qasbay inay magaalada ka baxaan. “Xaqiiqda ah inuu sheegay inay ka baxeen Mekelle, waa been cad. Waxaan uga adkaanay cayaartoyda. Waa ay guul-darreysteen,” ayuu Getachew u sheegay Reuters. Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa Talaadadii sheegay in ciidanka federaalka ay dib u geli karaan magaalada Mekelle. “Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Eritrea oo horey loogu eedeeyey inay xadgudubyo ka gaysteen gobolka ay hadda ka baxeen. Hase yeeshee Getachew ayaa sheegay in taasi aysan sax aheyn, isaga oo intaas ku daray in ciidamada Eritrea ay isku urursanayaan qeybaha waqooyi ee Tigray, si ay “naftooda u difaacaan.” Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed. Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka. The post ABIY AHMED oo sabab yaab leh u yeelay qabsashada ciidanka Tigrayga ee Mekelle appeared first on Caasimada Online.
  9. Xukuumadda Puntland ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedaysay in uu lacag ku bixiyay dacaayad ku salaysan difaacidda Al-shabaab. Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Deperani, ayuu ku sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday (Farmaajo) uu lacag ku bixiyay sawir-gacmeed muujinaya arrintaas. Deperani ayaa tilmaamay in sawir-gacmeedkaas looga been-sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii farshaxaniiste Amiir Caamir uu soo saaray sawir loo ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan Al-shabaab ahayn. PUNTLAND POST The post Puntland oo madaxweyne Farmaajo ku eedaysan in uu maal-geliyay dacaayad ku suntan difaaca Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda. Sidoo kale Madaxweynaha oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay bogaadin ku mudan yihiin sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaadanayaan Xuska Toddobaadka Xorriyadda, iyaga oo muujiyey dal iyo dowlad jacayl, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan Qarankooda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- The post Farmaajo oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay beegsaday dadka degan tuulooyin ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle, kuwaasi oo maalmo kahor degaanadooda la sheegay in ay ku soo dhaweeyeen ciidamadii dowladda ee Al-Shabaab ka saaray qeybo kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe. Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in ku dhowaad 5 qof ay Al-Shabaab ka afduubteen degaanada kala ah Warciise, Qoordheere, Wardhagax iyo Dabagaab oo ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle. Sidoo kale Al-shabaab ayaa gubay ugu yaraan saddex guri, kuwaasi oo dab la qabadsiiyay kadib markii ay dadkii daganaa ay ka carareen Al-Shabaab. Dadka la beegsaday ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inay wax ka iibsadeen ciidankii dowladda ee degaanadaas soo galay todobaadyo ka hor balse dib uga laabtay, halka qaarkoodna ay degaanka ku soo dhaweeyeen. Dadka degan degaanada ay Al-Shabaab cadaadiska saareen ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qaarkood guryahoodii ka soo carareen, markii ay naftooda la baxsadeen kadibna guryahooda la gubay. Milateriga Soomaaliya ayaa qabsaday degaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe maalmo kahor waxaana caano iyo biyo ku soo dhaweeyay dadka degaanka, inkastoo ay ciidankii dowladda dib uga baxeen deegaanadii ay qabsadeen. Al-Shabaab oo dib ugu laabtay degaanadaas ayaa billaabay inay dadka degaanka saaraan cadaadis badan islamarkaana ay qaarkood afduubtaan. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabeelle iyo Milateriga Soomaaliya, kaasoo ku aadan xaaladda ay wajahayaan dadkii ku dhaweeyay degaanadii ay maalmo ka hor ka soo laabteen. The post Al-Shabaab oo beegsaday shacab caano iyo biyo ku soo dhoweeyey ciidanka DF appeared first on Caasimada Online.
  12. Tan iyo markii ay soo rogaal celiyeen xooggaga Tigray ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya, waxaa si weyn isha loogu hayaa ragga hogaaminaya jabhaddaas qabsatay caasimadda Mekelle. Waxaan warbixin ku eegi doonnaa afar hogaamiye oo loo arko inay gacan weyn ka geysteen soo rogaal celinta xooggaga Tigray. Debretsion Gebremichael Debretsion Gebremichael Debrestion waa hogaamiyaha xisbiga xoreynta Tigray (TPLF), waxaa laga qabsaday magaalooyiinkiii uu ka taliyayay ee gobolka Tigray, waxayna si lama filaan ah isku seegeen Abiy. Isaga oo markaas uun guursaday oo ilmo yar dhalay, ayaa Debretsion ka tagay waxbarashadiisii jaamacadda Addis Ababa, oo uu ku biiray TPFL si uu uga qayb galo dagaalkii 17 sannadood socday ee ururku kula jiray xukunkii Derg-iga ee hogaamiyihii Maarkisiga ahaa ee Mengistu Haile Mariam. Wuxuu wasiir ka noqday xukuumadda markii talada laga tuuray Derg-gii ee talada ay qabteen isbahaysi xisbiyo TPLF awoodda ugu badan ku lahayd wixii ka horeeyey intaa Abi hogaanka la wareegin 2018. Saaxiibkii oo ay aad iskugu dhaw yihiin jaalna ahaayeen oo la yidhaa Alemayehu Gezahegn ayaa sheegay in markii labadooduba ay tababar milatari ku dhamaysteen dhulka buuraleyda ah ee Tigray, uu ogaaday kartida farsamo ee saaxiibkii oo isna kula taliyey taliskii TPLF in Debretsion lagu daro ururka “farsamada”. Alemayehu waxay la ahayd arin maal gal ah in Debretsion lagu daro ururkaas maadama oo uu ahaa qof maskax badan laakiin afgaaban oo “ciyaal magaalo ah” kuna kacaamay Shire oo haatan ay guul darro wayni ka soo gaadhay hogaamiyaha Tigray maadaama ay ciidamada federaalku ka gacanta ku dhigeen magaaladaas. Sarreeya guud Tadesse Werede Tesfay Waxaa la rumaysan yahay inuu yahay ninka hoggaamiya ciidanka difaaca Tigray. Sanankii 1958 ayuu ku dhashay dhashay magaalada Mekelle ee xarunta Tigray. Muddadii u dhexaysay 2011 illaa 2013 waxa uu ahaa taliyaha ciidamada nabad ilaalinta ewe Qaramada Midoobay ka joogay gobolka Abyie oo ah deegaan shidaalka laga soo saaro oo ay isku haystaan Sudan iyo Koonfurta Sudan. Sarkaalkan 63 jirka ah ayaa xilalkan kala duwan ka soo qabtay ciidamada Itoobiya. Waxa uu kamid ahaa ku dhawaad boqol qof oo ay dowladda Itoobiya amartay in la soo xiro kadib markii uu bilowday dagaalka Tigray. War laga soo xigtay dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in Jenaraal Tsadkan Gebretensae uu kamid ahaa taliyayaashii dejiyay qorshihii ay 4-tii November 2020 TPLF ku weerartay Taliska Waqooyi ee horseeday duulaanka ciidamada Itoobiya. Jenaraal Tsadkan Gebretensae Jenaraal Tsadkan Gebretensae Muddadii u dhexaysay 1991 illaa 2001, waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya. Waxa uu dowr weyn ka qaatay dagaalkii uu dalkiisa Itoobiya la galay Eritrea. Wixii xilligaa ka dambeeyay waxa uu u weekday dhanka gacansiga, isagoo lagu tilmaamo inuu kamid yahay jeneraallada ugu hantida badan Itoobiya. Waraysi uu warbaahinta u janjeera TPLF siiyay bishii May ee sanadkan ayaa waxa uu ku sheegay in ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu diiddan yahay “nidaamka federaalka ee Itoobiya.” Waxa uu sheegay in dagaalka hadda ka socda Tigray uu ahaa mid laga baaqsan karay, balse dad uu ku tilmaamay “kuwo adeegsanaya Abiy” ay huriyeen colaadda. “Tigray waxa ay leedahay illaa toban kun oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran, isla markaana muddo dheer la dagaallami kara cadowgeenna,” ayuu ku sheegay waraysiga uu bixiyay dabayaaqadii May ee sanadkan. Getachew Reda Afahayeenka TPLF Getachew Reda Waa siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasadda gobolka Tigray, haatan waa la taliyaha hoggaamiyihii gobolka Tigray ee gobolka laga qabsaday Debretsion Gebremichael. Getachew Reda wuxuu ku dhashay dalka Itoobiya sanadkii 1974. Sidoo kale, wuxuu xubin firfircoon ka yaha golaha sare ee TPLF. Wuxuu wasiir kasoo noqday dowladdii Hailemariam Desalegn. Getachew wuxuu ka baxay kuliyadda arrimaha sharciga ee jaamacadda Addis Ababa. Wuxuu bare ka noqday jaamacadda Mekelle ee ku taalla caasimadda Tigray. Getachew Reda lama ogeyn halka uu ku sugnaa xilliggii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen gobolka Tigray balse wuxuu soo shaac baxay dhawaan markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen halkaas. Haatan waa afhayeenka TPLF waa nin si weyn warbaahinta uga warbixinayay maalmihii lasoo dhaafay dagaallada iyo dib u qabsashada Tigray. Getachew Reda, ayaa sheegay in TPLF ay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda. Wuxuu u sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada madaxbanaanida dalkooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Maanta oo kale, kow iyo lixdan sano kahor, dadka Soomaaliyeed waxa ay hanteen dalkooda oo xor ah oo madax bannaan iyaga oo isu xilsaaray dhisidda qaran nabad iyo barwaaqo ah oo ku dhisan midnimo, sinnaan iyo cadaallad. “Ka-go’naanshahaas ilaa iyo hadda wuu sii jiraa waxaana dhowaan tusaale u noqday shir-madexeedkii 27kii Maajo ee sida guusha leh ku soo dhammaaday iyo wada shaqeynta joogtada ah ee loogu gogol xaarayo doorashooyinka qaranka,” ayuu yiri James Swan. “Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u dabaal-degayaan Maalinta Madaxbanaanida, ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay mar kale ballan-qaadayaan la shaqeynta dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda mustaqbal nabad ah oo lagusoo dabaalo dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Swan. Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey The post James Swan oo soo saaray farriin ku socota Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  14. Hawlgallo la xiriira xaqiijinta iyo dardar gelinta Amniga, ayaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Ciidanka Booliiska Puntland oo kaashanaya laamaha kale ee Amniga dowladda, ayaa hawlgallo ka bilaabay magaalooyinka ee Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo. Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in hawlgalka lagu xoojinayo Amniga, islamarkaana lagu beegsanayo cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo xasiloonida Puntland. Hawlgalladan ayaa ku soo beegmay, iyadoo horraantii todobaadkan Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo calan-saaray Madaxtooyada Qaranka appeared first on Puntland Post.
  16. In 1941, during the Second World War, the Allied occupies the whole Italian Empire, and Somalia was placed under British Military occupation. In the Peace Treaty of February 10, 1947, Italy renounced all right and title to her territorial possessions in Africa. Source: Hiiraan Online
  17. Ugu yaraan 2 Askari oo ka tirsan Milliteriga Pakistan ayaa lagu dilay rasaas ay ku soo fureen Maleeshiyo aan la aqoonin oo ku sugnaa gudaha xuduudka dalka Afganistan. Ciiddanka Pakistan ee ku sugnaa Bar Milliteri oo ku taalla Gobalka Waqooyiga Waziristaan waxay ka fal-celiyeen Rasaasta looga so furay xuduudka Gobalka Paktika ee dalka Afganistan. Qoraal ka soo baxay Taliska Milliteriga Pakistan waxay ugu baaqeen dhigooda dalka Afganistan in ay maareeyaan Ammaanka ee dhinaca Xuduudkooda. Qoraalka waxaa lag xusay inay Pakistan si xoogan u camaaraynayaan in dalka Afganistan loo adeegsado dhaqdhaqaaqyada Argagixisadda ee ka dhanka ah Pakistan. PUNTLAND POST The post Dowlada Pakistan oo askar looga laayay xuduudka Afganistan appeared first on Puntland Post.
  18. 'I don't like being this tall, it causes too many problems' - meet the 'world's tallest man' who is living in a Wembley care home Source: Hiiraan Online
  19. Somali-American pediatrician Dr. Anisa Ibrhahim, who now directs the Harborview Medical Center Clinic where she and her siblings received care as children, has been honored by the Carnegie Corporation of New York. She is among the 2021 Great Immigrants, Great Americans named today. Source: Hiiraan Online
  20. Aidid Abshir Elmi, 60, an elder in rural Harre village in central Somalia, is worried that his herd of 100 goats and eight camels are not getting enough pasture since their grazing land was fenced off by private developers. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)- Ururka Al-Shabaab ayaa galabta mar kale 8-qof ku toogtay fagaare ku yaalla deegaanka Kuunyabarow ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo ay ku soo eedeeyeen basaasnimo. Nin sheegtay Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka raggaas la dilay ayaa sheegay in dhammaantood ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay oo ah inay u basaasayeen diyaaradaha duqeymaha u geysta kooxda ee dowladda Mareykanka. “Dadka maanta la dilay waxaa kamid ah laba Nin oo mas’uul ka ahaa inta badan duqeymihii ay diyaaradaha Mareykanka sanadihii lasoo dhaafay ka geysanayeen magaalada Kuunyo Barroow iyo hareeraheeda,” sidaas waxaa ku warantay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab. Tan iyo maalinkii Al-Shabaab deegaanada Puntland looga toogtay 21 nin oo kala shaqeyn jiray dilalka qorsheysan, waxay kordhiyeen toogashada dadka ay ku eedeynayaan inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee ka caawiya dhanka ammaanka, sida dowladda Mareykanka oo diyaaradeheedu ay duqeymo la beegsadaan kooxda. Afartii maalmood ee u dambeysay fagaarayaal ku kala yaalla degmooyinka Jilib, Kuunyaarow, Buula-fulaay iyo Saakow oo dhamaantood ka tirsan Koonfurta Soomaaliya ayey ku toogteen 24-qof oo haweeney ay ku jirto. Dhammaan dadkaas waxay kooxdu ku eedeysay inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya. Cabsi xoog leh ayaa la soo warinayaa inay soo wajahday dadka ku nool gobollada ay dalka ka maamulaan Al-Shabaab. 8-da qofood ee maanta lagu toogtay Kuunyo Barrow ayaa lagu kala magacaabi jiray: 1- Calas Cali Cabdulle oo 51 sano jir ah, 2- Cabdi-Waaxid Cabdullaahi Diiriye Carrabey oo 25 sano jir ah, 3- Cabdulqaadir Maxamed Abow, 4- Abuu Cabdinuur Fanaay Abuu Weershe oo 35 sano jir ah, 5- Cumar Cabdiraxmaan Cumar Dooyow oo 36 sano jir ah, 6- Xasan Cabdulqaadir Cumar, Xasan Beeriyow oo 31 sano jir ah, 7-Abuukar Cabdi Cumar Abuukar Baseey oo 31 sano jir ah, 8- Jeylaani Mayow Sheekhunaa oo 41 sano jir ah. The post Magacyada 8 qof oo Al-Shabaab ay maanta toogteen iyo tirada guud ee toddobaadkan oo gaartay 24 appeared first on Caasimada Online.
  22. "We write to demand an end to the unlawful program of lethal strikes outside any recognized battlefield, including through the use of drones," the 113 organizations wrote in a letter to Biden obtained by The Hill ahead of its release Wednesday. Source: Hiiraan Online