-
Content Count
212,986 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa caawa kulanka ay ku yeesheen aalada internet-ka waxay uga wada hadleen dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka guddiga doorashada Somaliland. Qoraal oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wada hadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka”. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka guddiga maamulka doorashada gobollada Woqooyi ee Somaliland, iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha guddoonka guddiga maamulka doorashooyinka Somaliland” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta baabi’yay guddoonkii guddiga doorashada gobollada Waqooyi ee lagu muransanaa, wuxuuna ku amray in ay si deg deg ah isaga dhexdoortaan hoggaan cusub. PUNTLAND POST The post Golaha Wadatashiga Qaran oo ka shiray khilaafka doorashada gobollada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Onine) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar culus oo ka dhan ah gawaarida xamuulka qaada ee ka shaqeeya Dekadda Muqdisho, kadib markii gaadiidkaas uu sababay saxmad iyo jaam ka dhashay jidadka magaalada. Gawaarida xamuulka kasoo qaada Dekadda Muqdisho ayaa lagu amray inay Dekadda kasoo bixi karaan laga bilaabo markii ay saacadu gaarto 10:00 Habeenimo ilaa 4:00 Habeenimo sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale mamnuucay inay gawaarida xamuulka ah soo qaadaan rar ka badan inta loogu talagalay, taas oo sababta inay ku rogmadaan gudaha magaalada, isla markaasna ay ka dhalatay dhibaato naf iyo maalba leh. Sidoo kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in la amrayo ciidamada ku sugan Isgoysyada Taleex, Tarabuunka iyo Marinaayo ee magaalada Muqdisho inay soo deyn karaan kaliya Gaadiidka xamuulka ee sida tooska ah u galaya dekadda ee aan baakinka ama fariisinka ka dhiganeyn wadooyinka u dhow dekadda. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray ciidamada Ammaanka inay hubiyaan dhaqan gelinta amarkaan loogu talagalay in lagu yareeyo saxmadda ka jirta jidadka Muqdisho oo ay sabab u yihiin gawaarida xamuulka qaada ee laga soo fasaxo Dekadda ama soo gelaya. Dhowr jeer oo hore ayaa laga soo saaray Gobolka Banaadir amaro kuwaan la mid ah mana aysan dhaqan gelin, haddana lama saadaalin karo sida uu ku hirgeli karo amarka cusub ee kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir. Hoos ka daawo Afhayeenka The post Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray go’aan adag oo ka dhan ah… appeared first on Caasimada Online.
-
Camaara (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo galabta shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin ka bixiyey gulufka dagaal ee ka socda koonfurta gobolkaas, kaas oo hoggaamintiisa ay Taliyaha ku wehliyaan wasiirka amniga Galmudug, Jeneraal Saadaq Joon iyo saraakiil kale. Taliye Biixi ayaa wacad ku maray in hadalkiisa kan xiga uu ka jeedin doono gudaha degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo weligeed aan ka bixin gacanta Al-Shabaab intii ay jireen. Waxa uu sheegay in hadda si buuxda ay ula wareegeen deegaanada ku hareereysan Camaara oo xarun istaraatiiji ah u aheyd kooxda, isla markaana ay ciidamadu u gudbeen deegaano hor leh oo lagu tuhmaayo inay ku sugan yihiin Al-Shabaab. “Meesha aan inkala hadlayo waa gudaha Camaara oo si toos ah aan u qabsanay shalay, qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere oo hadalkeyga kan ku xiga aan ka jeedi doono, markii ay dadkeenu afkeena ka maqlaan waxaan xoreyeynaa Xarardheere runtii aad ayey u farxaan,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Taliyaha ayaa aad u amaanay ciidamada ku jira dagaalka, sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanadaas ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan Al-Shabaab. “Si qorshaha lagu xoreynayo Xarardheere uu u fulo, waxaan qorsheeyey in cadawga meel kasta laga soo galo, waxaa looga soo wajahan yahay Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, waxay dagaalo uga socdaan gobollada Bay iyo Bakool, shacabka iyo ciidankana waxaan u rajeynayaa guul, si gaar ah shacabka deegaanadaan Wisil ilaa Camaara oo si joogto ah noo gacan siinaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi. Hoos ka Daawo The post Jeneraal Biixi oo shaaca ka qaaday magaalada xigta oo ay weerarayaan (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa dhalinyarada dowladda federaalka ay tobabarka ciidan u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed. Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadkan markale diirada saaray ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka geysay Eritrea, ayada oo lagu wareystay dhalinyaro kale oo kasoo baxsaday dalkaas, kuwaasi oo ka waramay xaalado bini’aadanimo oo aad u xun oo ku qabsaday xeryihii lagu tobabarayey ee ay ku jireen. Dhalinyarada kasoo baxsatay xeryaha lagu tobabaray ee Eritrea ayaa qaarkood waxay sheegen inay qaban jireen shaqo ka baxsan midka ciidanimo oo aad u adag, halka kuwa kalena ku dhinteen shaqaaqo dhex-martay ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Eritrea. “Waxaa dhacday maalin in meel lagu arkay rag Eritrean ah oo meel qodaya, waxaa la yiri qaar kamid ah dhalinyaradii Soomaalida ah ayaa dhintay oo halkaan ku aasayaan,” ayuu yiri Mid kamid ah dhalinyarada lagu wareystay barnaamijka Galka Baarista. “Meel aan ku tobabaran jirnay ayaa nin Eritrean ah oo macalimiinta kamid ahaa ayaa isku dal-dalay, kadib ayey ciidamada Eritrean-ka ay ku shamuumeen.” Sidoo kale waxay dhalinyarada lagu wareystay barnaamijkan ay xuseen in markii hore ee la qaadayay loo sheegay in la geynayo Qatar, balse laga dejiyay caasimada dalka Eritrea, sida ay hore u sheegen dhalinyaro kal hore kasoo baxsaday xeryihii lagu tobabaray. Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa idaacada VOA-da ayaa sidoo kale shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in dhallinyaradaas dib loo soo celiyo, xili muddooyinkii dambe ay sare u kacday xiisada ka dhalatay arrinkaas. Xogta uu helay Galka Baarista ayaa sheegaysa in madaxda sarre ee dowladda federaalka ay qorsheynayaan in dhalinyarada hadda ku sugan dalka Eritrea ay dib ugu soo celiso dalka toddobaadyo gudahood, ayada oo ay xusid mudan tahay in aan wax jawaab ah laga heynin muddo labo billood ah guddi uu Ra’iisul wasaare Rooble u xil saaray arrinta ciidamadaas. Ciidamada ay dowladda kasoo celinayso Eritrea ayaa ka howl-gali doona maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sida ay Galka Baarista u sheegen labo sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la qariyay shaqsiyadooda, maadama aan loo ogoleyn inay la hadlaan warbaahinta. Hoos ka dhageyso barnaamijka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/08/galka.mp3 The post Galka Baarista oo shaaciyey XOG cusub oo laga helay askartii la geeyay Eritrea iyo qorshe ay bilowday DF appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Addis Ababa)-Sarkaal u dhashay waddanka Sudan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta gobolka Kassala ay ka heleen maydka ku dhawaad 50 qof webiga u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, oo sida muuqata ka cararayay dagaalka gobolka Tigray, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaas lagu furay. Qaar kale oo ka mid ah dadkan ayaa gacmaha ka xidhnaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal arkay maydadkan. Sarkaalkan ayaa sheegay Isniintii in loo baahan yahay baaritaan dambi baaris ah, si loo ogaado sababaha dhimashada dadkan, waxaana sarkaakan uu codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan warbixintan loo fasixin warbaahinta. Laba shaqaale caafimaad oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan bulshada ku nool xadka Sudan ee Hamdayet ayaa xaqiijiyay inay arkeen maydadka laga helay Webiga Setit, oo Itoobiya looga yaqaan Tekeze. Wabigan wuxuu dhex maraa qaar ka mid ah meelaha ugu dhibka badan ee sagaalkii bilood ee colaadda Tigray, halkaas oo qowmiyadda Tigreegu ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda xadgudubyo intii ay dagaal kula jireen ciidamada Tigrayga. Tewodros Tefera, oo ah dhakhtar qalliin oo ka cararay magaalada Humera ee Tigreega u dhow, kuna sii jeeday Suudaan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in laba ka mid ah meydadkan oo la helay Isniintii uu midkood ahaa nin gacmaha laga xidhay, halka kan kalena ay aheyd haweeney uu dhaawac kaga yaallay feedhaha, isagoo intaa ku daray in qaxooti kale ay aaseen ugu yaraan 10 mayd oo kale. Waxa uu sheegay Tewodros in kalluumeysatada webiga Humera ay maydadkan ka soo heleen sagxadda hoose ee webiga, isla markaana ay rumeysanyihiin inay jiraan maydad intaas ka badan oo ku jira biyaha hoose ee Webiga. In kasta oo ay adkayd in la aqoonsado meydadka, hadana dhaqtarkan ayaa sheegay in mid ka mid ah gacantiisa uu ku xardhanaa magac Tigrinya oo ah magac guud oo luuqadda Tigreega ah. Dhakhtar kale oo ka shaqeeya Hamdayet oo arkay meydadka ayaa u sheegay AP in qaarkood ay leeyihiin calaamado wajiga ah oo muujinaya inay yihiin qowmiyadda Tigreega. Bogga Twitter-ka ee ay dowladda Itoobiya Isniintii ku tilmaamay warbixinta meydadkan olole been abuur ah oo ay faafinayaan dadka ka dhex shaqeeya ciidamada Tigrayga. Source
-
Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee shalay gudaha u galay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay horjooge Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka afduubyada Ajaanibta. Horjoogahaan Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka ajaanibta ayaa waxaa looga cararay Magaalada Camaara oo Al-Shabaab ay shalay isaga baxeen markii ay ciidamada Dowladda oo ay kor ka taageerayaan diyaaradaha Mareykanka aad ugu soo dhawaadeen. Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Jabriil Saciid Cali Saciid ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii uu hoggaaminayey Jeneraal Saadaq Joon iyo saraakiisha ciidamada dowlada. Jabriil ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inuu ka dambeeyey afduubka ajaanibta arrimaha samafalka u yimaada Soomaaliya oo uu u gacan gelin jiray kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo qaarkood lagu soo daayey madax furasho halka qaar kalana weli lagu la’yahay nolol iyo geeri. Shabakadda Caasimada Online, Jabriil iyo nin kale oo la socday oo saarnaa gaari ayaa lagu qabtay gudaha Magaalada Camaara, waxaana ninkaan markii ugu war dambeysay lagu ogaa Magaalada Xarardheere oo saldhig u aheyd. Jabril ayaa loo heystay inuu ka danbeeyeyy afduubka laba Saraakiil oo Faransiis oo sanadkii 2009 lagala baxay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, xilli ay dowladii kumeel gaarka ahayd u tababari lahaayeen ilaalada Madaxtooyada. Weli Xog faahfaahsan lagama heli qaabkii ay Ciidamada Dowladda ugu suurta gashay inay gacanta ku dhigaan horjoogahaan. Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo garab ka helayo diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayen muddooyinkii ugu dambeeyey. Ciidamada huwanta ah ayaa waxay kaabiga ku hayaan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaa inay hadda bilaabeen inay isaga baxaan magaalada maadaama ay kusoo wajan yihiin ciidamada Dowladda. The post Horjoogihii Al-Shabaab u gacan geliyey Faransiiska laga afduubtay Hotel Saxafi oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE 3 August 2021 Applications for Chevening Scholarships now open for Somalis to apply Applications for Chevening Scholarships to study in the UK are open between 3 August and 2 November 2021, with applications to be submitted here Chevening Scholarships offer full financial support for scholars to study for any eligible master’s degree at any UK university, and are awarded to individuals who can demonstrate that they have the commitment and skills required to create positive change. Since the programme was created in 1983, over 50,000 professionals have had the opportunity to develop in the UK through Chevening. There are more than 1,500 scholarships on offer globally for the 2022/2023 academic year, demonstrating the UK’s ongoing commitment towards developing the leaders of tomorrow. British Ambassador to Somalia, Kate Foster, said: “I’m pleased to announce this year’s opening of 2021/22 Chevening Scholarship. This is a brilliant opportunity and I want to encourage as many Somalis as possible to compete for this life changing experience. Seeing Somali talent being developed through this scholarship is extremely fulfilling. “Since 2016, the Chevening Scholarship programme has so far benefitted 41 Somalis some of whom are now working at senior levels in government, private sector and international organisations.” In September, 11 Somali scholars will depart the country to undertake their chevening award for a one-year Master’s Degree programme in various universities across the UK. Many past scholars such as Somalia’s Deputy Prime Minister Mahdi Mohammed Guled and Chief Justice Bashe Yusuf Ahmed are now playing leading roles in Somali public life. Head of Scholarships at the UK Foreign Commonwealth and Development Office (FCDO), Naomi Rayner, said: “As the world continues to tackle major global issues such as Covid-19 and climate change, international cooperation is more essential than ever. Chevening seeks to build an international community of people who are committed to working together to drive positive change. We do this by bringing together incredible people from around the world and supporting them, through education, to achieve their goals.” The UK is committed to supporting the Somalia education system by empowering Somalia’s future leaders. The Chevening Scholarship is one of the ways we deepen the strong ties between the UK and Somalia. Qaran News
-
Kooxda Kubbadda Cagta Heegan Sports Club ayaa soo bandhigtay tababarihii hore kooxaha Raadsan,Horseed,Elman iyo Dekedda Cabdiweli Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo ka mid ah tababaryaasha ugu wanaagsan kubbadda cagta gudaha ,wuxuuna sanadiii lasoo dhaafay soo saaray ciyaartooy tayo wanaagsan oo qeyb ka ah Xulka Qaranka iyo kooxaha kala duwan ee kubbadda cagta ,waxaana si weyn naadiga ugu soo dhaweeyay Maamulka,Ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda ,iyagoo sheegay in ay u rajaynayaan mustaqbal wanaagsan iyo guulo waaweyn sanadaha soo aadan. “Soo dhawaaw Macallin Cabdi Joon, Heegan farxad ayay u tahay in ay ku hesho adag oo kale, waxaan kuu rajayanyaa guulo wacan iyo in aad kooxda gaarsiiso guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan Sports Club mudane Cabdiraxmaan Mursal. Cabdi Joon oo horay ugu soo dheelay Xulka Qaranka iyo naadiga Elman ayaa ka mid ahaa ciyaartooydii tayada wanaagsaneyd ee kubbadda cagta, waxaan lixdii sanno ee la soo dhaafay oo guulo waaweyn gaarsiiyay kooxihii uu soo maamulayay, wuxuuna u qaaday tartamada kala duwan ee gudaha, balse wuxuu rajaynaa in kooxda Heegan u qaado horyaalka oo ugu danbeesay sanad ciyaareedka 2014. “Waan ku faraxsanahay in aan ku biiro kooxda Heegan , waxaan u mahadcelinaynaa maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen, waxaan rajaynayaa in aan kooxda la gaaro guulo waaweyn sanadaha soo aadan ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababaraha kooxda Heegan mudane Cabdiweli Maxamed Maxamuud. Sidoo Kale Aqriso Wararka Ku Saabsan Cabdi Joon Cabdullahi Faarax Daguur “ Tababare Cabdi Joon Wuxuu U Qalmaa Hogaaminta Xulka Qaranka Soomaaliya” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Anakara (Caasimada Online) – Dhulka ku teedsan Xeebta koonfureed ee Turkiga ayaa gubanaya. Kaymaha ku yaalla buuralayda degmada Manavgat ee Antalya, qiiqa ayaa hawada isku shareeray. “Mar kasta oo dab kaynta la xakameeyo, mid kale ayaa bilaabanaya,” ayuu laga soo xigtay guddiga gurmadka deg dega ah. Holaca iyo qiiqa ayaa baabi’inaya dhulbeereedyada, waxaa soo ifbaxaya haraadigii dhirta gubatay iyo qalfoofka geedaha. Tani, dad badani waxa ay rumaysan yihiin in ay tahay tusaalihii ugu dambeeyay ee muujinaya heerka ay gaartay xaallada cimilada oo ka sii daraysa, Turkigu diyaar ma u yahay ?. waa su’aal kale! Lixdii maalmood ee la soo dhaafay, 132 oo goobood oo ku yaalla koonfurta iyo qeybaha kale ee Turkiga, waxaa ka kacay dab waxaana ku dhimatay siddeed qof si lamid ah gubtay ugu yaraan 118,789 hektar oo dhul ah, sida uu qabo machadka Macluumaadka Dabka ee Yurub. In kasta oo muranku aad u badan yahay, hadana qaar badan oo ka mid ah shacabka Turkigu ayaa rumaysan in dabku ka dhashay “no siyaasadeed” – aragti ayna dhiirragalinayaan siyaasiyiin badan – laguna soo beegay bilo abaar ba’an iyo heerkul aad u daran ka jiro Turkey. Antalya, oo ah goob dalxiis ayaa heerkulkeedu caadiyan ahaan jiray xilligaan oo kale 30C (95 Fahrenheit) balse toddobaadkan ayaa heerkulku gaaray 40C. Bishii July 20 -keedii, Turkiga ayaa diiwaangeliyay heerkulkii ugu sareeyay abid 49.1 (120.38 Fahrenheit) gaar ahaan gobolka koonfur -bari. Dabka ayaa baabi’iyay kaymaha u dhow xeebaha ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha deegaanka iyo kuwa reer Yurub, sida Bodrum iyo Marmaris, iyada oo ay dadku ku cararayaan baabuurta, doomo yaryar iyo mararka qaarkood doonyaha raaxada. Iyada oo heerkulku sii kordhayo hadana waa jira kaymo badan dabku ka kacay kuwaas oo ku yaalla koonfurta Yurub, sida Giriigga, Spain iyo Talyaaniga. Manavgat ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dabku saameeyay wadanka Turkiga, waxaana saraakiisha Turkigu la halgamayaan in ay si dhaqso leh u xakameeyaan dabka. “Goobtaan oo dhami shalay way fiicnayd,” ayuu yiri Mustafa oo deggan tuulada Sirtkoy, isagoo farta ku fiiqaya dhagxaan madoobaatay oo ah gurigii saaxiibkiisa. “Dabka ayaa kacay saaka 5 -tii subaxnimo tanina waa gubatay. 6 -dii subaxnimo, dabku wuu dhammaaday, laakiin 9 -kii subaxnimo ayay dabayshu mar kale soo celisay sidaan ayaa dabku u baabi’yay dhulkaan. ” Qaar ayaa ku dhaleeceeyay dowladda Turkiga sida ay u maareysay musiibada, gaar ahaan, iyada oo ay ugu wacan tahay in aysan diyaarin dab -damiska ee dalka. Taa baddalkeeda, laakiin dabinta dabka waxaa kala qayb galay Ukraine, Russia, Azerbaijan iyo Iran si ay u caawiyaan, Midowga Yurubna wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay caawinta Turkey. Khabiir ku takhasusay cilmiga dabka oo la yiraahdo Ismail Bekker ayaa sheegay in si looga soo kabsado dabka, ay muhiim tahay in dhulka Kaymaha ah la geeyo qalabka dab damiska oo ku filan balse aysan xal ahayn in dib loo beero kaymaha dabku baabi’iyay. “Waxaan u baahannahay inaan kaymaha ku darno qorshaynta magaalooyinka maaddaama masiibadani muujisay in dababka kaynta ay hadda gaaray heer ay khatar oo keeni karata in uu saameeyo magaalooyinka,” ayuu yir. “Marka cimiladu is -beddesho, way sii kululaan doontaa oo dabkuna wuu kori doonaa.” The post Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Turkiga iyo quus iyo su’aalo taagan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
GALKAYO (HOL) - Forces loyal to former Banaadir regional police boss Sadaq John have reportedly captured a senior al-Shabaab commander after fierce fighting in central Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray digniin ku saabsan doorashada Soomaaliya. Guddoomiye Shuute ayaa ciidamada qalabka sida ee kala duwan uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan inay farageliyaan doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya. Guddoomiye Shuute waxaa uu ku amray Xeer ilaalinta maxkamadda inay dacwad kasoo gudbiyaan askarigii ama sarkaalkii farageliya Arrimaha doorashooyinka ee xilligaan ka socda dalka. Shuute ayaa sheegay in askarigi ama sarkaalkii lagu helo inuu faragelin ku sameeyey doorashada Soomaaliya lagu ciqaabi doono in gebi ahaanba laga saaro liiska Dowladda Soomaaliya. “ Meel kasta oo Ciidan uu joogo waan tegi doonaa, waxaana farayaa xafiiska Xeer ilaalinta in uu galdacwadeed kasoo gudbiyo ciidamada dhexdooda oo ka dhan ah shaqsiyaadka, iyada oo ciidamada ka tirsan ku milmay siyaasadda, waxaana qofkii lagu helo uu noqon doonaa mid aan u qalmin in uu ciidamada kasii mid ahaado ayuu yiri” Guddoomiye Shuute. Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa daba socda xilli Xubnaha musharixiinta Madaxweynaha ay dhowr jeer sheegeen in Madaxda joogta Villa Soomaaliya ay Ciidamada u adeegsadeen in lagu boobo doorashada. Lama ogo waxa ay faragelinta ciidamada ee doorashada Soomaaliya ka badali doonto hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida inkastoo dhawaan lagu heshiiyey inay amniga doorashada sugan ciidamo isku dhaf ah iyo kuwa AMISOM. Soomaaliya ayaa gashay xaalad doorasho, waxaana la doortay illaa 9 xildhibaan oo aqalka sare ah oo kasoo kala galay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana doorashada Soomaaliya ka socoto mas’uul ka ah Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wareejiyey mas’uuliyadaas. The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo soo saartay digniin ku saabsan doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd shaaciyey in laga laabtay guddoonkii ay soo doorteen labada garab ee guddiga doorashada Somaliland, kadib kulan uu maanta la qaatay labada garab ee guddigaas. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in xafiisku uu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maalmihii u dambeeyay u kala jabay labo garab. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxa uu sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.” Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, islamarkaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada.” Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha kulamo wada-jir ah la qaatay hogaamiyeyaasha labada garab ee u kala jabeen guddiga doorashada kuraasta Somaliland, kuwaasi oo fashil kusoo dhamaaday, kadib markii uu Cabdi Xaashi ku gacan seyray dalab uu kusoo jeediyay Rooble in uu si toos ah ula wareego hogaanka doorashada gobolada Waqooyi. The post R/W ROOBLE oo ka laabtay gudoonkii ay doorteen labada garab ee guddiga G/Waqooyi appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdirisaaq Khaliif ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Somaliland, Waxa uu heley 42 cod, halka Yaasiir Faratoon oo la tartamayay uu heley 39 cod. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda Mudane Cabdirisaaq Khaliif. Taariikhda Cabdirisaaq Khaliif Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas. Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii bartay isaga o u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda. Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa. Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska. Halka mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland. Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani. Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani. Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani. Waxaana uu sannadkan xildhibaannadii cusbaa ee golaha wakiillada uga soo baxay gobolka Sool, isaga oo haatanna u tartamaya Guddoonka Aqalkaas. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo war ka soo saaray muranka guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Falanqeeyaasha kala ah Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo iyo Cabdullahi Faarax Daguur oo ka faalooda ciyaaraha gudaha ayaa bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha ee SOMFA,iyagoo soo jeediyay in Xiriirka Kubad Cagyaraha iyo Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya ay kawada shaqeeyaan horomarintan iyo guulaha kubbadda cagta gudaha iyo dibadda. “Xiriirka Kubad Cagyaraha oo guul gaara, waa Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo horomar gaara, labada xiriir waa mataano waxaan loo baahan yahay in ay is taageeraan oo ay kawada shaqeeyaan horomarinta kubbadda cagta gudaha iyo dibadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo. Xiriirka Kubad Cagyaraha waxaa Soomaaliya la aas aasay sanadii 2015, wuxuuna hoos tagaa Xiriirka Kubad Cagyaraha Caalamka iyo kan qaarada Afrika, halka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo dhisanyahay tan 1951 wuxuuna ka mid yahay Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA, kan Qaarada Afrika ee CAF iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Qaarada Afrika ee CECAFA, waxayna labada Xiriir Soomaaliya ku matalaan dhacdooyin ciyaareed iyo shirar caalami ah oo ka dhaca dalalka caalamka. “Da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Kubad Cagyaraha waa mid ku dayasho mudan, waxayn fursad weyn siiyeen ciyaartyooydii hore dalka oo qeyb ka ah horomarka iyo guulaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha, waxaan ka sugaynaa intaas iyo ka badann “ ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Gudoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa goor hore sidan u sheegay Goobjoog Sports “Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Xiriirka Kubad Cagyaraha waa labo xiriir oo mataano ah ma jiraan wax khilaaf oo ka dhaxeeya labad dhinac ,balse SOMFA waxay diyaar u tahay in ay xaliso wixii dhibaatooyinka jira, waxayna diyaar u tahay wadahadal iyo horomarin”. Daawo Falanqeynta Kismaayo iyo Daguur Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Waa Lawada Lee Yahay” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com