Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qarax gilgilay Muqdisho oo khasaare weyn geystay+Taliyihii lala beegsaday oo ka badbaadey Farxaan Qaroole Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo lagu weerayay taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole” oo isagu ka badbaaday qaraxaas. Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wakaalada wararka ee SONNA. Bilooyinkii ugu dembeeyay waxaa Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada ismiidaaminta ah oo ay dadku isku soo xiraan, kuwaas oo lala beegsanayay bartilmaameedyo kala duwan. Qaraxyadaas ayaa waxay sababeen iney dad badan ku dhintaan kuwa kalana ay ku dhaawacmaan. Soomaaliya waxaa kusoo badnaan jiray qaraxyada loo adeegsado gawaarida iyo miinooyinka. Qaran News
  2. (SLT-Haiti)-Dowladda Haiti ayaa Jimcihii ka codsatay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay in ay u soo diraan ciidamo ka caawiya sugidda ammaanka goobaha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha iyo dekadaha, kaddib shirqoolki lagu dilay madaxweynihi dalkaasi Jovenel Moise. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in madaxweynihi dalkaasi ay habeenkii Arbacad dileen rag hubeysan oo lagu sheegay in ay yihiin calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah. Dilka madaxweyne Moise ayaa laga cabsi qabaa in dalkaasi oo markii horeba fakhri la ciirciirayay in ay xaaladda hadda uu ku suganyaha ka sii darto, gaar ahaan qalalaaso siyaasadeed, gaajo, budhcadda qowleysatada ah iyo faafista cudurka COVID-19. Wasiirka doorashooyinka Mathias Pierre ayaa sheegay in ra’isulwasaaraha kumeelgaarka ah ee Haiti Claude Joseph uu u gudbiyay codsiga ciidamo amniga ka caawiya, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo ay khadka telefoonka ku wada hadleen Arbacadi, sidoo kale Khamiistii ayay Haiti ciidamo weydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kooxda dishay madaxweynihi Haiti ayaa la sheegay in 16 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil horay uga soo mid noqday militariga Colombia iyo 2 nin oo Mareykan ah, basle asal ahaan kasoo jeeda Haiti. 17 ka mid ah ragaasi ayaa la qabtay, saddex waa la dilay qaar kalana wali waa lagu raad joogaa. Reuters. Source
  3. (SLT-Eastren Cape)-Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo KwaNobuhle Township ee gobolka Eastren Cape ayaa sheegaya in halkaasi Xalay saqdii dhexe ay ka bilaameen rabshado xooggan oo ay daba socdeen boob loo geystay dukaamo ganacsi oo ay halkaasi ku lahayeen Muwaadiniin Soomaali ah. Rabshadaha iyo boobka dhacay ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah ganacsatada ajaaniibta ah ee kasoo jeeda dalka Itoobiya uu toogasho ku dilay mid ka mid ah dadka deegaankaas oo la sheegay inuu ahaa ganacsade, inkastoo aanan la sheegin sababta uu u dilay. Waxaa sidoo kale la sheegay in labo ka mid ah ajaaniibta ganacsiyada ku leh dalkaasi lagu dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku yaalla deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape. Rabshadaha iyo boobka Xalay ka dhacay deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape ayaa lagu boobay ilaa 7 Tukaan oo la sheegay in sadax ka mid ah lahayeen muwaadiniin Soomaali ah, halka afarta kalana ay lahayeen Itobiyaan, waxaana la sheegay boobka kadib in lagu gubay goobahii ganacsiga. Dalka Koofur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka, dhaca iyo boobka lagu beegsado goobaha ganacsiga ee ay dalkaasi ku leeyihiin dadka ajaaniibta ah oo ay ugu horeyaan muwaadiniinta Soomaali ah. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Qaroole oo marayey waddadaasi. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay qaraxaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay in taliyaha uu ka bad-baaday qaraxa. Sidoo kale taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro khasaare xoog-leh oo ka dhashay qaraxaas, kaas oo leh dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba. “Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo,” ayaa lagu yiri warka kaso baxay talis Booliska. Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayo muraayadaha baabuurka uu qaraxu haleelay oo daadsan iyo burbur gaaray dhismaha ku yaal halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah. Weli xaaladda isgoyska Banaadir ayaa cakiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo baaritaano ka wada halkaasi. Si kastaba, qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii lala beegsaday taliye Farxaan Qaroole + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Garbaaharey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, Xasan Sheekh Cilmi oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka uu hayo, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kalena doorasho loogu qabto magaaladaasi. Xasan Sheekh Cilmi ayaa tilmaamay ayaa tilmaamay inuu xilka wareejin doono kadib marka uu la kulmo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacadaha soo socdo ku wajahay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya. “Maayarka la badalayo aniga weeye, si ay u sahlanaato qabsoomidda Doorashooyinka ee heshiisyada nuucyada badan laga gaaray waxa aan diyaar u ahay in aan wareejiyo xilka Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Garbahaarey. Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in uusan dooneyn inay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, isaga dartiis, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Garbahaarey. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu u tanaasulay dalka iyo dadka, si looga gudbo khilaafka muddada dheer ragaadiyey doorashooyinka Soomaaliya. “Wax dad qancin ah kama raadinayo in aan xilka wareejiyo, ujeedada aan ku qancay ayaa ah in Doorashada xiligeeda ay ku dhacdo, maadaama aan fiiriyay dhibaatooyinka dalka uu ku jiro waxa aan go’aansaday in aan tanaasulo” ayuu raaciyey uddoomiyuhu. Heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee saldhigga u ah doorashooyinka dalka ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe uu soo magacaabo maamulka Garbahaarey, sidoo kalena la geeyo Boolis AMISOM, si magaaladaasi loogu qabatay doorashada kuraasta taal halkaas. Si kastaba ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo haatan ku sugan Kismaayo ayaa maanta tegaya magaaladaasi, si loo dhammeystiro heshiiska doorashooyinka, wuxuuna sidoo kale u kuur-geli doonaa xaaladda magaaladaasi, maadaama lagu qabanayo doorasho. The post Guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo la kulanka Roble kadib xilka wareejinayo appeared first on Caasimada Online.
  6. Kadib markii todobaadki la soo dhaafay dowalladda Itoobiya ay shaaciysay in albaabada loolaabi doono inta badan safaaradaha ay ku leedahay caalamka, ayaa waxaa durba su’aallo ka yimaadeen heerka hoos u dhac dhaqaalle ee dalka Itoobiya iyo Doorka uu xukunka Abiy ku leeyahay bur burka dhaqaalaha. Hadaba Goobjoog News waxa ay kula wadaageysa tan iyo markii la doortay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Dhibaatooyinkii dhaqaale ee uu galay dalkaas iyo colaadaha daba dheeraday ee xukunkiisa faraha kula jiro. 2 April 2018 Markii Abiy Ahmed loo doortay in uu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, waxa uu durba la soo baxay siyaasad iyo dhaqdhaqaaq ka duwan Itoobiyadii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn. Shacabka iyo siyaasiyiinta Itobiya ayaa si weyn u soo dhaweyay Abiy, xilli Itoobiya ay u muuqatay mid dhabbaha Nabadda, Horumarka iyo Dhaqaalaha cagta saartay. Waxa uu hantay billado iyo Hab maamus aney helin hogaamiyaashi isaga ka horeyay oo ku caan baxay caburin, Dagaallo iyo tiktaatooriyad. Olalihiisi ugu horeyay waxa uu ka bilaabay gudaha dalka, waxa uu dhammaan mar qura cirib tiray nidaamkii ku dhisnaa awoodda, isagoo maamullo ay ka mid yihiin maamulka deegaanka Soomaalida oo ay dhibaato badan ka taagneyd xaliyay. Waxa uu Abiy heshiis la galay dowladda ay ood-wadaagga yihiin ee Eritrea oo in ka badan 20 sano ay dirir kala dhaxeysay dalkiisa, Caalamka ayaana u arkay da’yar Isbaddala siyaasadeed horseedayo, waxaana lagu abaal mariyay biladda Nabadda Adduunka ee Nobel Peace Prize sanadkii 2019. Balse Intaa oo dhan waxa uu ku qarinaya dhab ahaanshaha siyaasaddiisa Dagaalka, Naceybka Tigray, Ciribtirka Siyasaadda Jabhadda TPLF iyo Dhisidda Oroma Awood badan ee Abiy Ahmed Ali. Dhamaadkii 2019 waxaa uu bilaabay dhaqan gelinta siyaadiisa hadoodilan, Isagoo ficiladiisa siyaasadeed ay dhulka la galeen dhaqaalihii dalka Itoobiya. Fanaanka caanka ee qowmiyadda Oramia Hachalu Hundessa ayaa la dilay June 29, 2020, xilli uu saarna masrax uu ka qaadayay heeso. Dilka Hundessa ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo sababay dhimashada in kabadan 200 qof, Abiy ayaa xilligaas sheegay in dilka fanaanka ay ka dambeyeen dowlado shisheeye. Waxaa uuna Abiy lumiyay taagerayaal badan oo ka soo jeeda qowmiyadda uu siyaasadda ku matallo, waxa uuna tan iyo xilligaas uu wajahay dalka bur bur dhaqaalle, iyadoo dhaqaalaha dalka Itoobiya uu u qeyb samay kuwa Abiy dagaal uu ku galo iyo kuwa lagu difaaco. Isku-dhacyo dhanka qowmiyadaha ah oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac oo sida uu sheegay Abiy lagu majo xaabinayey maamulkiisa. Dagaalada qowmiyadaha ayaa dowladda Itoobiya waxa ay ku waysay lacago kuwaas oo ay deeq ahaan uga heshay caalamka. Dhamaadkii 2020 dagaalkii dowladda ay la gashay qowmiyadda Tigrayga kadib markii ay diideen mudda kororsi uu sameystay Abiy Ahmed, ayaa sare u sii qaaday hoos u dhaca dhaqaalaha ee dalka, kadib markii ay Abiy iyo xulafadiisa u adeegsadeen dhaqaalaha dagaalka. Xisbiga TPLF ay garwadeenka ka yihiin Tigrayga ayaa dib u soo laba kacleyay todobaadyadii la soo dhaafay kadib markii uu Abiy dhamaadkii sanadkii tagay awood ciidan kaga saaray saaxadda siyaasadda. Deeq bixiyayaasha iyo dowladaha taagera dalka Itoobiya ayaa hadda intooda badan joojiyay lacagihi ay ku maal gelinayeen dalka, sababa la xiriira colaadaha salka ku haayo xukun jaceylka Abiy. Mareykanka waxa uu horay u sheegay in uu xayiraado ay ka mid yihiin cunaqabateyn dhaqaalle iyo mid taageero ku soo rogayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo xulafadiisa. Qaramada midoobay oo todobaadkaan xaaladda dagaalada Itoobiya fadhi ka yeelatay waxa ay sheegtay in ay in kabadan 400,000 qof ay gaajo wajahayaan. Abiy Ahmed iyo Dowladdiisa ayaa hadda faro ku heyn siyaasadda gudaha iyo tan dibadda oo ay cadaadisyo kala kulmeyso TPLF iyo dowladaha deriska oo ay ugu horeyaan Masar iyo Sudan. Bartamihi isbuucan ra’iisul wasaaraha waxa uu baarlamaanka u sheegay in uu diyaarinayo 1 milyan oo ciidan kuwaas oo difaaca. Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa ku gacan seeray codsiga Itoobiya ee bilawga qorsha biya xireenka ay dooneyso in ay dhisato. Wasiirka waraabka Masar ayaa Maxamed Cabdel Aty ayaa sheegay in Isniintii ay soo gaartay fariin ka timid Itoobiya oo dalkiisa lagu wargelinayo in Abiy uu bilaabay buuxinta keydka biya xireenka, kaas oo ay Masar ku gacan seyrtay . Maamulka Faraacinta ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ay u gudbiyeen baaqoodii ugu dambeyay ee fara gelinta Abiy, xilli ay xuseen in jawaab ay bixinayaan. Isku dhacyada qowmiyadaha, Dagaalada Qabiileed ee huwan shaarka dowladda iyo siyaasadda aan fadhin ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sumad u noqotay Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan qaaradda Afrika. Safaaradaha la xirayo: Itoobiya waxa ay qorsheyneysa in bilooyinka soo socda ay xirto inta badan safaaaradaha ay ku leedahay dunida, kadib markii ay soo wajahday dhaqaallo yari. Safaaradaha la xirayo ayaa yimid xilli ay gabaabsi sii marayaan dhaqaalaha ay dowladda Itoobiya heli jirtay sanadkii. Goobjoog News WQ/ Abdirahman Sabriye Source: goobjoog.com
  7. Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa goordhaweyd ka badbaaday qarax lala eegtay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari lagu weeraray kolonyo gaadiida ah oo taliyahu la socday, kuwaas oo marayay meel u dhow Isbitaalka Banaadir. Qaraxa waxaa ka dhashay khasaare isugu dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ilaalada Farxaan Qaroole. Faahfaahin dib kala soco. PUNTLAND POST The post Farxaan Qoroole oo qarax ka badbaaday appeared first on Puntland Post.
  8. Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Doodisho ayaa war ka soo saaray qarax goordhaw magaalada Muqdisho lagula eegtay kolanyo uuu la socday taliyaha booliiska gobalka Banaadir Farxaan Qaroole. :Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud.” Ayuu yiri Afhayeenka Doodisho ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku daray in taliyaha gobalka uu nabad qabo qaraxana uu ka badbaaday. “Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo.” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Doodisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Tababarihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya soona hogaamiyay Kooxaha Elman iyo Dekedda iminka ah Madaxda farsamada kooxda kubbadda cagta Elman Yuusuf Cali (Yuu-Cali) ayaa ku guulaystay abaal marinta shaqsiga ugu Wanaagsan Isboortiga Soomaaliya,waxayna xafldan ka dhacday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. “Ku guualysiga abaal marinta waxay kor u qaadaysaa in aan hormariyo xirfada macalinimo,waxaan u mahadcelinayaa Somalinightawards, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa saaxiibadii qeyb ka tahay in gaar heerkan” ajuus Goobjoog Sports u sheegay madaxa farsamada kooxda Kubabdda Cagta Elman Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) Daawo Abaal Marinta Uu Ku Guulaystay Macallin Yuu-Cali Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Yuu-Cali Yuu-Cali Oo Sheegay In Uu Ku Daysado Macallin Zidane W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii saddexaad dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka oo billowday labo maalin ka hor ayaa geystay khasaare isugu jiri dhimashio iyo dhaawac, waxaana xoogiisa uu ka socdaa buuraha Calmiskaad iyo Galgala. Saraakiil ka tirsan Puntland oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dhul ballaaran ka qabsadeen Daacish, sidoo kalena ay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh. Wararka ayaa intaasi kusii saraya in haatan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa PSF-ta Puntland lagu daad gureeyey deegaanada uu dagaalku ka socdo, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshan dagaalladaasi, iyaga oo bilaabaya inay isaga barakacaan goobaha ay ku dagaalamaan Puntland iyo Daacish. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo ku aadan dagaalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland. Muddooyinkii u dambeeyey waxaa Puntland ay xoojisay howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Baro. Arrimahan waxa ay kusoo aadayaaan, iyada oo Puntland dhowaan kooxo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ay toogasho ku fulisay, kadib xukun dil ah oo lagu ridday. The post Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo Gal-gala appeared first on Caasimada Online.
  11. Wararka naga soo gaarayo degmada hodan ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xoogan ka dhacay inta u dhaxeyso isgoysyada Banaadir iyo Zoobe. Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay kolanyo ciidan ah oo uu la socday Taliyaha booliiska gobalka banaadir Farxaan Maxamud, Farxaan Qaroole. Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda taliyaha ayaa ka bad baaday qaraxa lala eegtay. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa . Wixii faahfahin warkaan ku saabsan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filaya in uu maanta gaaro magaalada garbahaarrey ee gobalke Gedo. Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey. Waxaa dhammaan aad loo adkeyay ammaanka magaalada, xilli shalay gelinkii dambe magaalada ay gaareen wafdi horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaraha . Saaka ayaa magaalada laga dareemaya diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha, oo saacadaha soo socda gaari doona magaalada garbahaarrey. Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxaxmuud ayaa sheegay in ay wal-wal xooggan ka qaban in doorashooyinka dalka ay waqtigooda ku qabsoomaan. Xasan Sheikh oo waregsi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in jadwallo horay loo dejiyay ay fashilmeen kanna ay ka walwalsan yihiin in sida loo qorsheyay uu ku qabsoomi waayo. “Wax badan in aan ku mashquulno wixii shalay dhacay ma ahan cashar ka barashey noogu filan tahay, horay in aan u soconan rabna, jadwalka hadda la sameeyay in uu dhaqan galaa rabnaa, oon dib looga dhicin, kan hadda la sameeyay labada bilood ee hadda la dhigay inaaney dib uga dhicinaan rabnaa, oo sida loo dejiyay loo qabto, taasanaa walwal ka qabna in ay dib uga sii dhici doonto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud. Madaxweynihi 8-aad ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka uu muujiyay in dadaal xooggan uu ku bixinayo in dalka ay doorasho ka dhacdo. “Maxamed Xuseen Rooble aad iyo aad uu u dadaalay, horayna waa u soo dadaalay hadana weli dadaalkiisi wuu muuqdaa, dalka kama bixin wuu jooga, afar iyo labaatan saac wuu shaqeynooya guddiyadi doorashada waa uu magacabay wixii dhiniciisa ku xirna wuu qabtay. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheikh. Madaxweyne xasan sheikh ayaa sidoo kale sheegay in ay weli jiraan tabashooyin ay qabaan midawga musharixiinta oo aan laga xallin. ” Midawga Musharixiinta annaga tabashooyin badanaa qabna laakiin tabashada midaa ka asal ah dalkaan waa iney dooraha ka dhacda. mabda’a koow aan heshiiska ku nahay waxa waaye dalkaan in ay doorasho ka dhacdo, waxaan u soo halganay oo u qeylineynay oo naloo dili gaaray waa in ay doorasho dhacdo, welina waan ku taaganahay”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Mogadishu (HOL) - The Banadir region's deputy governor for security and politics, Ali Yare Ali, has welcomed the execution of 18 Alshabab members in Puntland earlier this week. The nearly two dozen men were convicted of being behind a spate of killings and bombings in Galkayo since 2008. Source: Hiiraan Online
  15. There are many reasons why Somali people struggle with mental health. There's the social isolation due to immigration; there's trauma from escaping a civil war. But the impact of these traumas on our community's mental health is still a conversation that needs to be had. Source: Hiiraan Online
  16. Hafsa Abdi Ahmed and Jackson Njogu Wanjiru had been charged with five counts of assault, abduction, conspiring to commit a felony, disabling and stealing from Hafsa Source: Hiiraan Online
  17. A roadside bomb explosion killed two civilians on board a passenger minibus and injured several others in Somalia’s central Mudug region, an official said on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. The Biden administration has extended a programme that allows Yemenis already in the United States to stay in the country without fear of deportation, saying the ongoing conflict and humanitarian crisis in Yemen make it unsafe for them to return. Source: Hiiraan Online
  19. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Dabageed ayaa ugu dambeyn Beledweyn uga sii gudbay degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, halkaas oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyey. Yuusuf Dabageed oo hoggaaminayo wafdi ay qeyb ka yihiin xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaaray magaalada Buulo-Burte. U jeeda socdaalka madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa la xiriira xarig jarka xerada taliska qeybta 27-aad oo laga furi doono gudaha degmadaasi. Sidoo kale Dabageed ayaa kulamo ku aadan xaaladda Buulo-Burte la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan halkaasi. Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle sidoo kale inta uu ku sugan yahay halkaasi, waxa uu kormeeri doono xarumaha ciidamada iyo meelaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Safarka Dabageed ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib, markii ay kasii dartay xiisada ka taagan Beledweyne ee u dhexeysa HirShabelle iyo Janaraalka gadoodsan ee Xuud. Generalka oo dhowaan gudaha u galay magaalada ayaa maleeshiyaadkiisa iyo ciidanka ammaanka waxay isku rasaaseeyeen gudaha degmada Beledweyne. HirShabelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hoggaanka maamulkaasi iyo fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar. The post Yuusuf Dabageed oo u sii gudbay Buulo-Burte + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  20. Network upgrades and expansions in developing regions are very much in the news again – this time through a Millicom announcement involving some of its key Latin American markets and through plans from Hormuud Telecom in Somalia to bring 4G coverage to rural areas. Source: Hiiraan Online
  21. The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) said it has scaled up intensive aerial control operations against numerous immature desert locust swarms in northwest Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - An advisor to President Farmajo was turned away from Kismayo on Thursday by Jubaland officials, forcing his plane to make a u-turn to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  23. 16-kii January ee sannadkan 2021, xukuumadda Puntland ayaa go’aamisay in mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada 20% lagu bixiyo Shilin Soomaali, si loo socod-siiyo isticmaalka Shilinka. Dowladda ayaa sidoo kale hirgelisay xarumo kooban oo qaabilsan sarrifka lacagta, halkaas oo dadka looga sarrifo Shilin Soomaaliga, si loo soo celiyo kalsoonida lagu qabo Shilinka. Haddaba, Tallaabadaas oo mudda lix bilood ah shaqaysay ayaa haatan caqabad ku timid, kadib markii xarumihii qaabilsanaa sarrifka ay si cad u diideen qabashada Shilin Soomaaliga. Arrintan ayaa saamayn ba’an ku yeelatay shaqaalaha kala duwan iyo ciidamada Puntland oo 20% mushaharka ku qaata Shilin Soomaali, kuwaas oo hadda aan haysan cid u sarrifta lacagta. “ waxa nala dhahay: dowladda ha ceebaynina ee wixiina guryaha dhigta (Shilinka), hadaad sarrif u waydeen” ayuu yiri qof shaqaale ah oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto. Waxa xusid mudan, in lacagta shilin Soomaaligu aysan haatan ka shaqayn gudaha Puntland, iyadoo aysan wax isbeddel ah keenin dhammaan go’aannadii dowladdu ku wajahday socod-siinta Shilinka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Caqabad soo wajahday mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay khasaare kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xilligaas la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay waddadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa, balse waxay waxyeelo soo saartay askar kamid ah ilaaladiisa. Sidoo kale waxaa jira waxyeelo soo gaartay dad badan oo shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Faah faahinta kala soco: Caasimada.net The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo taliye sare oo ka bad-baaday appeared first on Caasimada Online.