-
Content Count
211,234 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Seychelles ayaa sheegtay in ay sii daysay shan nin oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haystay danbiyo la xiriira Burcad-badeednimo. Maxkamadda Sare ee Seychelles, ayaa sheegtay in aysan jirin wax caddayn oo muujinaya in Raggaas ay Burcad-badeed ahaayeen, sidaas darteedna xabsiga looga sii daayay. Saraakiil ka tirsan dowladda Seychelles, ayaa laga soo xigtay in ragga la sii daayay lagu celin doono dalkoodii Soomaaliya. Waxa xusid mudan, in weli aan la shaacin magacyada ragga la sii daayay, islamarkaana aan faahfaahin intaas ka badan laga bixin xogtooda. PUNTLAND POST The post Dowladda Seychelles oo sii daysay rag Soomaaliyeed oo Burcad-badeednimo loo haystay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Haiti)-Taliyaha booliska Haiti ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise. Sarkaal hore uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yidhahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xidhayo. Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xidhaan madaxweyne ovenel Moise. Hase yeeshee maalmo ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio u sheegay in qorshihii uu is baddalay sidaa darteed ay khaarajiyaan madaxweynaha. Mr Badio waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti. Waxaa lagu soo eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaadhida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila. Hadalka Janaraalka ayaa imanaya iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque uu sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahii Haiti. Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay. Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse. Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti. Laakiin waxaa ku jiray koox yar oo iyaga ka mid ah oo aqoon buuxda u leh howlgalka, ayuu u sheegay idaacadda Colombia. 28-ka nin ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska ee dilay Mr Moïse, marka laga reebo laba ka mid ah waxay ahaayeen reer Kolombiya halka labada kale ay dhalasha Mareykan ah, asalkoodu yahay Haiti. Source
-
In the wake of the recent Somaliland elections, we spoke to Sheffield-based Somalilanders. The election has since seen a coalition formed by the leading opposition parties. We explore the journey towards these delayed elections and ask what next, for Somaliland. Qaran News
-
(SLT-Jigjiga)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed ayaa waraysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan. Mar wasiirka wax laga weydiiyay hadallada la isla dhexmaraya ee sheegaya in ciidan ka socda dowlad deegaanka la gayn doono waqooyiga Itoobiya oo ay la dagaalami doonan TPLF ayaa wuxuu kaga jawaabay: “Ciidamada la yidhi waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayna xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay.” “Waxaan rabaa in dadka deegaanka aan u sheego in ciidamadaan ay yihiin kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida, waa xoogagii difaacayay deegaanka, waxayna kaalin ku leeyihiin difaacidda qaranka Itoobiya, tusaale ahaan waxay ka qayb qaateen dagaalkii Eriteria iyo Itoobiya. Ciidamada Dowlad Deegaanka waxay sidoo kale ahaayeen kuwii la dagaalamayay Al-shabab ee xuduuda Soomaaliya galay.” Ayuu raaciyay. Source
-
Mogadishu (HOL) - The Somali Prime Minister, Mohamed Hussein Roble, welcomed the FEIT Federal Electoral Commission (FEIT) election schedule for the election of Somalia's Parliament. Source: Hiiraan Online
-
Fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa saaka oo Sabti ah dib u furmaya, kadib mudda saddex maalmood ah oo xildhibaannadu fasax ku maqnaayeen. Ajandaha Fadhigan ayaa lagu sheegay ka doodista Hindise-xeereedka dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo Madaxweynaha Puntland u soo gudbiyey Baarlamanka. Hindise-sharciyeedkan dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland waxa akhriska labaad mariyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee golaha. Mudanayaasha ayaa la filaya in ay dood kadib ansixiyaan Xeerkan oo muhiim u ah dhawrista goobaha Taariikhiga ah. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dib uga soo laabtay fasax saddex Cisho ah appeared first on Puntland Post.
-
Two Lewiston men who came to that city as Somali refugees were sentenced in federal court Friday for their respective roles as interpreters in a health care fraud scheme that bilked MaineCare out of more than $1.8 million through a Lewiston office providing mental health and substance abuse counseling services. Source: Hiiraan Online
-
Port-au-Prince (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Colombiya ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise. Sarkaal horay uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yirahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xirayo. Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xiraan madaxweyne ovenel Moise. Hase yeeshee maalmo ka dib ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio u sheegay in qorshihii uu is baddalay sidaa darteed ay khaarajiyaan madaxweynaha. Mr Badio waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti. Waxaa lagu soo eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaarida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila. Hadalka Janaraalka ayaa imanaya iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque uu sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahii Haiti. Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay. Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse. Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti. Laakiin waxaa ku jiray koox yar oo iyaga ka mid ah oo aqoon buuxda u leh howlgalka, ayuu u sheegay idaacadda Colombia. 28-ka nin ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska ee dilay Mr Moïse, marka laga reebo laba ka mid ah waxay ahaayeen reer Kolombiya halka labada kale ay dhalasha Mareykan ah, asalkoodu yahay Haiti. Isha: BBC The post Yaa bixiyey amarka DILKA madaxweynihii dalka Haiti? appeared first on Caasimada Online.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howl-galkan oo uu horkacayey ku simaha taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa waxaa si gaara looga fuliyey deegaanka Caliyoow Boorow ee gobolkaasi, halkaas ay ku sugnaayeen Xoogaga kooxda Al-Shabaab. Ku simaha taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku khaarijiyeen xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Nuux Dhagool. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka lacag uruurinta, sida uu hadalka u dhigay. Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa sidoo kale xusay inuu howl-galkooda uu guuleystay, isla-markaana ay sii wadi doonaan, inta laga saaro Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guullaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daraamayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Si kastaba, waxaa gobolkan si weyn ugu xoogan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo culus kasoo abaabula deegaanada ay ka maamulaan Sh/ Hoose. The post Ciidamada Danab oo howl-gal qorsheysan ku dilay Nuux Dhagool appeared first on Caasimada Online.
-
Unrest in South Africa has claimed 212 lives, the government said on Friday, a sharp jump from the 117 deaths announced the previous day. Source: Hiiraan Online
-
Somalia is sending two athletes to compete at the Tokyo Olympics, and they include the country’s first non-runner — female boxer Ramla Ali. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Maamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF ee maamusha gooblka Tigray ee waqooyiga dalkaas. Go’aankan ayaa yimid saacado kadib markii madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya. “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu Mustafa ku yiri qoraalka. Saacado kadib qoraalkaas, ayaa Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed oo waraysi BBC-da, waxa uu sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan. Wasiirka ayaa dhinaca kale beeniyey warar soo baxaya oo sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ka socda maamulka loo qaadayo furimaha hore ee dagaalka, “Ciidamada la yiri waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayno xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay,” ayuu yiri. Haddii ay maamulka Soomaalida uu ku biiro dagaalka, wuxuu noqonayaa maamulkii afaraad ee sidaas sameeya. Saddex ka mid ah maamul goboleedyada kale ooEthiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, kuwaas oo kala ah; maamul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP. “Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. Waxaa horey dagaalka qeyb uga ahaa maamulka Amxaarada, oo ay deris yihiin Tigrayga. Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan billaabay weerar cusub oo la doonayo in ciidamada qowmiyadda Amxaarada looga saaro dhul lagu muransan yahay oo ku yaalla galbeedka iyo koonfurta gobolka Tigray. Ayaga oo ka jawaabaya, ayaa ciidamada iyo maleeshiyada Amxaarada waxay isu abaabuleen si xooggan, waxaana afhayeen u hadlay Gizachew Muluneh uu Arbacadii sheegay in ciidankooda ay difaaca ka baxeen oo ay weerar qaadayaan. The post Maamulka Soomaalida oo shaaciyey go’aan la xiriira ku biirista dagaalka TIGRAY-ga appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye Cirro oo ku Booqday Gurigiisa Ex-xidlhibaan Nacnac oo… Waxa aan maanta Hoygiisa ku booqannay Xildhibaan hore Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ahaa Xildhibaannadii ugu samafalka badnaa ee Jamhuuriyadda Somaliland soo mara isla markaana ku suntan daljacayl iyo waddaniyad. Xildhibaanka Ilaahay waxa aan uga baryaynaa cimri dherer iyo caafimaad taam ah. “Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntlnad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Sarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegay in howl-galkii ugu dambeeyey oo ka dhacay deegaanka Balidhihin lagu dilay xubno Daacish ah, kadib dagaal ka dhacay halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la khaarijiyey ay kooxda Daacish u qaabilsanaayeen miinooyinka iyo duubista muuqaalada, sida uu hadalka u dhigay. Xubnaha la dilay oo labo gaaraya ayaa waxaa ka mid ah nin ka soo jeeda Itoobiya, gaar ahaan qowmiyada Oromada, waxaana magaciisa Puntland ay ku sheegtay Maxamed Siraaj Salmaan, halka kan Soomaaliga lagu magacaabi jiray Luqmaan Maxamed Xaaji. “Waxaan dilnay labo dagaalame oo ka tirsan Daacish mid waxa uu ka soo jeedaa dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada magaciisana waxaa la yiraahdaa Maxamed Siraaj Salmaan halka kan kale uu yahay Soomaali la yiraahdo Luqmaan Maxamed Xaaji,”ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada ammaanka ee aamulka Puntland. Sidoo kale wuuxu intaais ku daray in marka la dilayey xubnahan ay miino ay ku aasayeen xilligaas waddo ay isticmaalaan ciidamada howlgallada wada ee Puntland. Dhinaca kale illaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo la xiriira howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Puntland. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Puntland ay sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay ka wado dhulka buuraleyda gobolka Bari ee maamulkaasi. The post Saraakiil ajaaniib Daacish ah oo lagu dilay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Brussels (Caasimada Online) – Shirkadaha waxay shaqaalahooda Muslimiinta ah ka mamnuuci karaan inay xirtaan qamaarka, xaaladaha qaar, waxaa sidaas Khamiistii xukmisay Maxkamadda sare ee Midowga Yurub. Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib markii laba gabar oo Muslimiin ah oo ku nool Jarmalka laga joojiyey shaqada kadib markii ay billaabeen xirashada qamaarka. “Mamnuucista xirashada astaan kasta oo muujineysa siyaasad, aragti ama diin ee goobaha shaqada, waxaa cidda loo shaqeynayo ay cudurdaar uga dhigan kartaa baahida loo qabo argtida muuqaalka qofka ee ay doonayaan macaamiisha, si looga hortago muran dadweyne,” ayey xukmisay Maxkamadda. Labada gabdhood ee kiiska keenay ayaa waxay mid ka shaqeyneysay xarun lagu hayo caruurta oo ku taalla magaalada Hamburg, halka midda kale ay qasnaji ka aheyd dukaanka dawooyinka ee Mueller ee isla magaaladaas. Labada gabdood ayaa markii ay shaqada billaabayeen xiran jirin qamaarka, hase yeeshee waxay sidaas go’aansadeen sanado kadib markii ay kasoo laabteen fasax waalidnimo oo ay qaateen. Waxaa hay’adihii ay u shaqeynayeen ay u sheegeen inaan la ogoleyn qamaarka, waxaana kadib laga joojiyey shaqada, ayaga oo loo sheegay inay qamaarka iska soo dhigaan ama ay raadsadaan shaqooyin kale. Arrinta xijaabka ayaa sanado badan muran ka dhalineysay Yurub. Xukun soo baxay 2017, ayey maxkamadda Midowga Yurub ah oo ku taalla Luxembourg waxay ku sheegtay in shirkadaha ay shaqada ka joojin karaan shaqaalaha xirta xijaabka iyo astaamaha kale ee diimeed, marxaladaha qaar. The post Maxkamadda Sare ee Yurub oo gaartay go’aan ka dhan ah gabdhaha Muslimiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Booliska S/land oo Qabtay Maandooriye Lagu soo dhex Qariyey Khudaar Saldhiga ciidanka booliska ee degmada Axmed Dhagax ayaa gacanta kusoo dhigay tiro maandooriyaha xishiishadda ah oo la soo gelinayay dalka. Taliyaha saldhiga ciidanka booliska ee degmada Axmed dhagax iyo saraakiil kale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ay ku soo dhigeen 35 xabbo oo ah maandooriyaha xashiishadda loo yaqaan kaasi oo lasoo geliyey magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanaa ay tilmaameen in falkaasi ay u soo xidheen lix eedaysane isla markaana ay ku dabo jiraan eedaysnayaal kale oo baxsad ah. Saraakiisha ciidanka boolisku waxay intaas ku dareen in eedasanayaasha la hayaa ay isugu jiraan kuwii dibadda ka keenay maandooriyaha iyo kuwii sii iibinayay. Saraakiisha ciidanka Booliska Somaliland waxay sheegeen in maandooriyahan xashiishadda lagu soo dhex qariyay markii dalka la keenayay khudaarta baradhada iyo basasha halka qaar kalena lagusoo qariyay maryaha ganacsiga. Waxaana ay tilmaameen inay maandooriyahan ay ku dabo jireen muddo laba cisho ah, ugu dambaynna ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan maandooriyahaasi xashiishadda iyo ciddii ku lug lahayd. Gebo gebadii waxay sheegeen inay ku dabo jiraan eedaysanayaasha baxsadka ah ee iyaguna ku lug lahaa falkan, iyagoo sheegay in sharciga horgeyn doonaan cidkasta oo ku lug lahayd falkan maandooriyaha lagu soo gelinayo Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo jadwalka hannaanka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Jadwalkaan waxaa xalay soo saaray guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT. “Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraalkan uu soo saaray. Ra’iisul Wasaaraha oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada dalka. Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn.” Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka oo Muqdisho ay ku gaareen isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada. Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada ee haatan socota. The post Rooble oo war ka soo saaray jadwalka cusub ee uu soo saaray guddiga doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Buuhoodle waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay tartan dhanka gabayada ah oo muddo labo maalmood ah halkaas ka socday. Tartanka oo ay soo qaban-qaabiyeen dhaliyaro lagu magacaabo Qaryadaada Quruxso waxaa ka qeybgalay boqolaal qof oo qaarkood ay ka yimaadeen degaannada kale ee Soomaalida, waxayna u jeedada loo qabtay ahayd in la soo bandhigo jiil cusub oo noqda abwaano. Goobta tartanka lagu qabtay waxaa lagu soo bandhigay sawirada qaar kamid ah dadkii ugu magaca dheeraaa suugaanta Soomaalida ee ka soo jeeday deegaanka Buuhoodle. Ilaa 30 qof ayaa tartamay, waxaana kala saarayay oo garsoorayaal ka ahaa tartanka abwaano Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Jaamac Kadiye, Yuusuf Suusle iyo Cali Food Xasan. Tartanka waxaa kaalinta kowaad ka galay Cabdullaahi Faarax Odawaa, halka kaalinta labaad uu galay Khadar Maxamed Cismaan, kaalinta saddexaadna waxaa galay Cabdirashiid Axmed Yuusuf, guuleystayaasha oo loo aqoonsaday abwaano ayaa la guddoonsiiyay abaalmarino lacageed. Tartanka gabayada Buuhoodle oo markii ugu horreysay la qabtay ayaa la sheegay in uu noqon doono mid sanad walba la qabto. PUNTLAND POST The post Tartan gabayada ah oo lagu soo gabagabeeyay Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
-
1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-Somalia 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Business man. 3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN 4.Yusuf Mohame Handulle – USAID 5.Abiwahab Farah Ahmed – Student 6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman 7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman 8.Abdi Osman Dubad – Ganacsade 9.Mohamed Musa Mohamed – Islamic Relief 10.Mohamoud Bacadle – Civil servent 11.Daud SH. Ibrahim 12.Farah Ismail Awale – Student 13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader 14.Dayib Abdi Burale – Trader 15.Husein Omar Husein – Trader 16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U 17.Musa Abdi Gaas – Businessman 18. Abdi Barre Osman – Graduate. 19. Barre Osman Abdi – Trader 20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader 21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr. 22.Ali Mohamed Abdi – Student 23.Abdi Mohamed Abdi – Technician 24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman 25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman 26.Ibrahim Hassan Ege – Technician 27.Abdi Muhumed Daud – Businessman 28.Jama Mohamed Abdi – Trader 29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman 30.Rashid Mohamed Osman 31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader 32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent 33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader 35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Wuxuu ahaa Businessman 36.Hussein Osman Jama – Student 37.Khadar Mohamed Ahmed – Student 38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student 39.Hassan Nur Hersi – Student 40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader 41.Hassan Guure Abdi – Trader 42.Khadar nuur Jama – Trader 43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader 44.Mohamed Osman Jama – Trader 45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman. 46.Matan Abdi Habashi – Student 47.Fuad Abdillahi Ibrahim. Wuxuu ahaa civil Servant 48.Hussein Ali Aden – Businessman 49.Saeed Nur Musa – Businesman 50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman 51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student 52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv 53.Jama Aden (barosin) – Civil servent 54.Hussein Kheyre Abdi – shicib 55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader 56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader Qarannews Qaran News
-
Qaran News