Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,926
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbixintii James Swan uu Golaha Ammaanka ka siiyey Arimaha Soomaaliya? James Swan Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta warbixin kooban siinayay Golaha Ammaanka ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya, tan iyo markii ugu dambeysay ee uu golahan la hadlo oo aheyd maalmo ka hor 27-kii bihsii May, xilligaas oo ay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Federaalka ah ay kala saxiixdeen heshiiskii hirgelinta doorashada. Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada. Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada. Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga werwersanyahay. Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda. James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku tahay halis amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiiska QM ee Somaliya ee UNSOM uu diwaan geliyay sanadkan 202-1ka 708 qof oo rayid ah oo rabshadaha Soomaaliya wax ku noqday. Dadkaas ayuu sheegay in 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay. Swan ayaa sidoo kale sheegay in tacdiyada ka dhanka ah dumar ay kordheen, islamarkaana xaaladda bani’aadaminimo ay meel xun mareyso. Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay James Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahdaaftiisa horumarineed. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa barashada bulshada Soomaalida ka taagneyd dood ku saabsan haddii lagu tilmaami karo kufsi, haddii ninka xaaskisa galmo ku qasbo, waxaana doodaas kicisay Fatxiya Cabsiiye oo ka dooda arrimaha la xiriirira dumarka. Fatxiya oo wareysi siisay Talefishin ka howlgala Somaliland ayaa sheegtay in haddii ninka uu xaaskiisa qasbo ama si xoog ah ugu tago loo arki kara kufsi, taasoo ay si weyn uga hor imaadeen bulshadaiyo culumada Soomaalida. Culamada ka hadashay arrintan ayaa waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ku sugan Magaalada Muqdisho, kaasoo sheegay inaan kufsi lagu tilmaami karin haddii ninka uu xaaskiisa si qasab ah ugu tago. Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in gabadha arrintaan ka hadashay aysan ka hadlin dhaqanka islaamka iyo midka Soomaalida, wuxuuna qeexay waxa kufsi lagu tilmaami karo iyo midda aan lagu tilmaami karin. “Dadka ka hadlaya arrinkan kama aysan hadlin dhaqanka Islaamka, laba qof oo is qabta oo xalaal isku ah, kufsi lama yiraahdo maxaa yeelay kufsiga marka la qeexayo, waxaa la yiraahda waa isku qasbid la isku qasbo laba qof oo aan xalaal isku ahayn oo mid ka mid ah uusan raali ahayn,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi. Sheekha ayaa sheegay in ay tahay wax laga xishood islamarkaana aan ku jirin dhaqanka Soomaalida in laga hadlo arrimaha la xiriira sariirta qoyska. “Marka laba qof oo lammaane ah oo si xalaal ah isku qaba wixii dhexmara ma lagu tilmaami karaa kufsi? waa maya, la mana dhihi karo waa kufsi, mana haboona in la hadal hayo arrinkan, sababtoo ah Soomaalideena dhaqankeeda wuxuu yahay in laga xishoodo arrimaha la xirrra sariirta qoyska,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi. Ugu dambeyntii sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in Nabi Muxamed NNKH noloshiisa oo dhan inuu xaasaskiisa ula dhaqmi jiray si qurux badan, wuxuuna sidoo kale sheegay in xaasaskiisa ay mar kasta ku farxi jireen joogitaaniisa iyo naxariistiisa. “Wuxuu Nabi Muxamed NNKHxaasaskiisa ula dhaqmi jiray si aad u qurux badan oo naxariis leh oo nolosha qoyska sida ugu fiican u maareeyay ayuu ahaa, wuxuuna na baray sida ugu wanaagsan ee loo maareeyo arrimaha la xiriira qoyska, Nabi Muxamed NNKHMuslimiinta raacsanna wuxuu shahaado sharaf uu ku siiyay oo qiimahooda, quruxdooda iyo fiicnadoodaba uu uga dhigay inuu yiri waxa idin kugu iimaan badan oo dadka idin kugu akhlaaqsan dadka haweenkooda ugu aqiyaarsan taasi waxay ku tusinaysaa ninba ninka uu uga roonyahay xaaskiisa oo uga dhaqaalayn badanyahay oo uga ixtiraam badanyahay inuu ka qayr badanyahay,” ayuu yiri Sheekh Cabdi. The post Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay haddii ninka xaaskiisa GALMO uu ku qasbo in lagu tilmaami karo kufsi iyo in kale appeared first on Caasimada Online.
  3. London (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda qeybta ka ahaa dagaalkii gobolka Tigray ayaa waxaa soo baxeysay inay ku kaceen kufsi wadareed loo geystay haween badan, kuwaasi oo kasoo jeeda gobolkaas. Sida ay shaacisay hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, kufsiga ay ciidamada kula kaceen haweenka gobolka Tigray ayaa ahaa xeelad cusub oo qeyb ka aheyd istiraatiijiyad lagu argagax galinayo, laguna bahdilayay dhibbaneyaasha iyo qowmiyaddooda. Amnesty ayaa waxay sheegtay inay cadeymo waaweyn u hayso arrintaas, kuwaasi oo muujinaya in xad-gudubyada galmada ay joogto ahaayeen tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee uu dagaalka billowday. “Sida ay u baahsanaayeen falalka waxay muujineysaa in madaxda militariga ay ka war qabeen waxa dhacayay, dhagahana ay ka fureysanayeen madaxda sare ee Itoobiya iyo Eritrea. Qaabka ay xogta isku midka ah u bixinayaan dadka loo geystay tacaddiyada galmada waxay muujineysaa in xad-gudubyada ay qayb ka ahaayeen istiraatiijiyad lagu argagax galinayay, laguna bahdilayay dhibbaneyaasha iyo qowmiyaddooda, labadaba,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty. Sidoo kale waxaa warbixinta Amnesty lagu soo qaatay haween kala duwan oo tacadiyo kufsi ah kala kulmay ciidamada Ethiopi iyo xulafadooda dagaalka Tigray, kuwaasi oo falkaasi lagu kacay qaar kamid ah xili ay la safreyeen caruurtooda. “Shan ka mid ah waxa ay igu kufsadeen carruurteyda hortooda. Bir lagu sifeeyo qoryaha ayay igu gubeen. Qeybo ka mid ah birtaas ayay iga dhex galiyeen ilmo galeenka; taas ayaan xanuun badan kala kulmay. Ka dib waxay iiga tageen waddada,” ayey haweeney kamid ah kuwa lagula kacay tacadiga u sheegtay Amnesty. Amnesty ayaa ugu dambeyntiina ka deyrisay heerka ay gaareen xad-gudubyada dhacay sagaalkii bilood ee uu dagaalka ka socday waqooyiga dalkaas, haba ugu darnaadan kufsi wadareedyada ay ciidamadu u geysanayeen haweenka gobolkaas. The post Arrimo cusub oo argagax leh oo laga soo weriyey Tigray appeared first on Caasimada Online.
  4. Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay hanaankii ay u dhacday doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ka qabsoontay. Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Aadan Dagaal Safiina ayaa sheegay in la qabtay doorashada lix Kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug oo ay ku tartamayeen 12 musharax, kaasi oo ay soo baxeen 6 Senator kadib markii ay tanaasuleen lixda musharax ee kale. Mudane Axmed Aadan Dagaal ayaa xusay in Barlamaanka Galmudug ay ku doorteen xubnaha soo baxay cod gacan tag ah, isla markaana ay doorashadu u dhacday sidii loogu talagalay, isagoo Baarlamaanka Galmudugu uga mahadceliyay sida ay u guteen waajibaadkii loo igmaday. Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Safiina Gudiga oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Guddiga uu Madaxweynaha Galmudug ka codsanayo in uu soo dhameystiro labada kursi ee ka hartay guud ahaan Xildhibaannada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka oo war ka soo saaray Doorashadii ka dhacday Galmudug appeared first on Puntland Post.
  5. Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Wararku waxay sheegayaan in laba Gaari oo nooca dagaalka ah oo ka baxay dhinaca Magaalada kismaayo kuna wajahnaa degaanka Beerxaani qaraxa lala beegsaday, iyadoo mid kamid ah Gaadiidka uu qaraxa qabsaday. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidamada Jubbaland kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo. Ciidamada Qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo an wax khasaaro ah geysan, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ay sheegeen in ay howlgal ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Magalada Kismaayo iyo degaanka Beerxaani. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
  6. Hordhac Waxay ahayd 7:30 aroornimo saacadda magaalada Kabul, dayaaraddii aan lasocdey ayaa soo caga dhigatey dhabaha dayaaradaha ee Hamid Karzai International Airport. Wax yar kadib waxaan soo hor joogsadey sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka oo qaabilsan hubinta basaboorada bixiyana ogolaanshaha dalka lagu soo galo. Waxa uu i weydiiyey cidda aan u shaqeeyo; markii aan u sheegey ayuu haddana i weydiiyey “Qaramada Midoobey Kabul ma badbaadin doontaa?”. Intii aanan su’aashaa ka jawaabin ayaa sarkaal kale oo daaqada tiisa ku xigta fadhiya soo hadley wuxuuna yiri “mala socotaa in xaruntiina Herat maalintii shaley ay duqeeyeen?” Waxaan debedda uga soo baxay dhismaha madaarka, darawalkii wadey gaari nooca aan xabaddu karin (Armored Vehicle) ayaa ii soo qaadey xarunta aanu ka deganahay Kabul. Intii aanu soo soconey wadada ayuu iiga sheekeeyey isbeddelada sida deg-degga ah u dhacaya iyo sida ay dadka Afghanku uga tiiraanyeysan yihiin. Waxaan weydiiyey in Talibanku iman karaan Kabul mar dhow, wuxuu igu yiri, miyaadan ogeyn inay dhex joogaan oo ay hawlgalkooda fulin karaan xiliga ay doonaan. Darawalka oo da’diisa aan ku qiyaasey 55 jir ayaa aad uga walaacsanaa mustaqbalka xaaskiisa, caruurtiisa iyo hooyadiisa oo da’ ah. Wuxuu igu yidhi hadaanu nahay reer Afghanistan waxaad moodaa inaanan nasiib badan lahayn. Xaaladda Cakiran ee Afghansitan Hadalada niyad jabka leh ee ninkaa darawalka ah igu yiri iyo su’aalihii ay i weydiiyeen saraakiisha waaxda socdaalkaba waxay ka tarajumayeen dareenka murugada leh ee dadka dalkan ay dagaaladu ragaadiyeen iyo hubanti la’aanta mustaqbalka malaayiin qof oo dalkani ku dhaqan. Laba cisho ka hor inta aanan Kabul kusoo noqon, xoogagga Talibanku waxay dhawr gantaal ku dhufteen xarun ay Qaramada Midoobey (QM) ku leedahay magaalada Herat, waxaa ku dhintey mid kamid ah ilaaladii xarunta oo Afghanistan u dhashey. Sidoo kale soo noqoshadeyda ayaa kusoo beegantey ayadoo ay dagaal xooggani kasocdaan saddex gobol oo kala ah Qandahaar, Herat iyo Lashkar Gah. Gobolladani saddexda ah ayaa ah kuwa istiraatiji u ah dhanka dakhliga, ganacsiga iyo hoggaaminta dalka ayadoo la xasuusto inay Qandahaar ahayd xarunta dowladdii ay Talibanku lahaayeen 20 sanadood ka hor. Dagaalada ka socda saddexdaa gobol ayaa qayb ka ahaa dadaalka ay xoogagga Talibanku ku doonayaan inay ku hantaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ayadoo la og yahay in kabadan kala bar degmooyinka dalku inay gacanta ugu jiraan Taliban kana dhiseen maamulo ayaga taabacsan. Saddex cisho kadib soo noqoshadeyda waxaa meel aan sidaa uga fogeyn goobta ay deggan yihiin diblomaasiyiinta dalka ku sugan oo loo yaqaano mandaqadda cagaaran (Green Zone) ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu weerarey laguna galey hoyga wasiirka gaashaandhigga Jeneral Bismillah Khan Mohammadi. Jeneraalka ayaa hoyga ka maqnaa hase ahaatee dableydii xoogga ku gashey dhulka aadka loo ilaaliyo waxay hoyga haysteen in kabadan afar saacadood oo rasaas culus iyo qaraxyaba ay ka socdeen. Lix cisho kadib imaanshahayga waxaa bartamaha magaalada Kabul lagu diley agaasimaha warfaafinta ee dowladda fadhigeedu yahay Kabul. Todobaad kadibna waxay Talabanku qabsadeen xarumaha laba gobol oo ay kaabiga ku hayeen dhowr todobaad. Talibanka ayaa la filayaa inay hantaan gobolo badan oo kale ayagoo ka faa’iideysanaya niyad jabka ka muuqda ciidanka dowladda kuwaasoo iskaga cararaya xarumaha ay joogaan hubkooda iyo dharkoodana kaga tegaya saldhigyada ay joogaan. Waxaa la og yahay in dhawr kun oo ka tirsan ciidanka amniga ee waddanka ay u carareer waddamada jaarka ah kadib markii ay ka gudbeen xuduudaha ayagoo nafahooda la ordaya. Isbeddelada xawliga ku socda waxay qeyb ka yihiin riyada xoogagga Talibanku ay ku doonayaan inay ku inqilaabaan dowladda, isla markaana ay ku hantaan hoggaanka dalka. Arintani ayaa ka dambeysey kadib markii maamulka Joe Biden uu bilaabey fulinta heshiis uu Talibanku la galay maamulkii kan ka horeeyey ee hoggaanka u hayey Donald Trump. Khasaaraha Dagaalka Afghanistan Dowladda Maraykanka iyo quwadaha bahwadaagta la ah ee Nato ayaa waddanka Afghanistan kusoo duuley kadib weerarkii September 11, 2011, kadib markii ay Talibanku diideen codsi uga yimi madaxweynihii xiligaa Maraykanka xukumayey, George W. Bush. Kumanaan kun oo ciidan oo u badan Maraykan ayaa waddanka yimi, waxay ka sameysteen saldhigyo waaweyn oo militeri ah. Howlgalka socdey 20ka sannadood ayaa Mareykanka uga baxey dhaqaale lagu qiyaasey 978 bilyan oo doolarka Mareykanka ah. 143.3 bilyan doolar oo ka tirsan lacagtani waxay mareykanku ku bixiyeen mashaariic dib u dhisid ah, in kabadan 88.3 bilyan doolar waxaa lagu bixiyey dhismaha ciidanka dowladda Afghanistan halka 36 bilyan doolar lagu bixiyey mashaariic lagu dhisayo maamul wanaagga, hufnaanta iyo horumarinta dalka. Marka loo soo gudbo dhanka khasaaraha nafeed, Mareykanka waxaa kaga dhintey waddanka Afghanistan tiro lagu qiyaasey 2,300 waxaana kaga dhaawacmey 20,660. Tiradaa ayaa aad uga yar tan laga diley ciidanka iyo bileyska waddanka Afghanistan 20kaa sanadood, waxaana lagu qiyaasey dhimashada ciidanka iyo booliskaba inay kor u dhaafeyso 64,100. Sidoo kale tirada dadka rayidka ah lagu diley Afghanistan 20kaa sanadood ayaa lagu qiyaasey in ku dhow 111,000 qof. Khasaarahaa nafeed iyo mid dhaqaale ee intaa le’eg ayaa dhacay iyada oo rajo wayn ay dadka reer Afghanistan ka qabeen Mareykanka iyo xoogagga Nato in joogitaankooda dalkani uu horseedi doono in dalka uu yeesho dowlad dalka wada hanata oo dadka wada gaadhsiisa adeegyada asaasiga ah. Mareykanku waxay awood u yeesheen inay meesha ka saaraan dowladdii ay Talibanku hogaaminayeen waxayna caleema saareen dowlad uu hogaamiye ka noqdey Xaamid Karzaay kaasoo taageerayaasha Talibanku u arkayeen inuu daba dhilif u ahaa Mareykanka. Intaa wixii ka dambeeyey dalka waxa uu ka bixi waayey qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo joogta ah. Dowladihii kala dameeyey waxay ahaayeen kuwo fadhiid ah, Mareykankuna waxa uu la kaca kufayey weeraro ay kusoo qaadayeen Talibanka oo dib iskugu abaabuley buuraleyda dalka maadaama ay ka go’neyd inay awooddooda dib ula soo noqdaan. Wadahadallada Taliban iyo Mareykanka Marka laga reebo dowladaha Sacuudi Carabiya, Baakistaan iyo Qatar ma jirin aqoonsi kale oo ay Talibanku ka haysteen caalamka, Mareykankuna waxa uu kasoo hor jeedey inuu la hadlo ama wada hadal lagalo Taliban maadaama ay u arkayeen inay xoog ku maquunin karaan. Hase ahaatee maamulkii uu hoggaaminayey Barack Obama ayaa 2010 wada hadal hoose la bilaabey Taliban, wada hadalkaa ayaa ujeedkiisu ahaa in la isweydaarsado maxaabiis labada dhinac ay kala haysteen. Si haddaba wada hadalaasu ay socdaan waxa uu maamulka Obama oggolaadey in Taliban ay xafiis ka furato waddanka Qatar oo ay awalba si qarsoodi ah u joogeen. Yoolkii maamulkii Obama ee ahaa inuu Taliban kula heshiiyo oo dagaalka lasoo af jaro ayaa guul dareystey waxaana halkiisa kasii socdey weerarada ay labada dhinac ay wadeen ayagoo ku dhex dagaalamayey shacabka. Maamulkii Donald Trump ayaa ku dhiiradey inuu si toos ah ula fariisto Taliban waxaana horraantii sannadkii 2020 magaalada Doha lagu saxeexey heshiis waddanka loogaga saarayo dhamaan ciidamada ajnebiga ah oo kakala socda Mareykanka iyo Nato muddo ku siman 14 bilood. Marka heshiiska la saxeexayey waxaa Mareykanka dalka ka joogey 12,000 askari kuwaasoo uu Trump ballan qaadey inuu saarayo. Waxaa kaloo heshiiska ku jirey in Taliban laga qaado cunaqabateynta Mareykanka iyo QM ay saareen; in la joojiyo weerarada ka dhanka ah Mareykanka iyo in la is weydaarsado maxaabiis tiradoodu lagu sheegey lix kun oo ka kala tirsanaa Taliban (shan kun dagaalame) iyo militeriga dowladda Afghanistan (kun askari). Heshiiska oo ay labada dhinac u kala saxeexeen Zalmay Khalilzad oo ah ergeyga Mareykanka u qaabilsan Afghanistan iyo Mullah Abdulghani Baradar oo metalayey Taliban ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mike Pompeo oo xiligaa ahaa xoghayaha arimaha debedda Mareykanka. Tani ayaa guul u aheyd Taliban oo ugu dambeyn ku khasbey Mareykanka iyo Nato inay dalka ka baxaan. Dowladda fadhida Kabul oo ay Mareykanka iyo Nato taageerayeen ayaaney wax door ah ku laheyn heshiiska iyo wada hadaladii ka horeeyey, waxayna dad badan u arkayeen in Mareykanka iyo Nato ay muhimadda siinayaan inay helaan waddo ay dalka kaga baxaan wax kastoo khasaaro ay taasi la timaadaba. Fulinta Heshiiska Taliban iyo Mareykan Maamulka cusub ee Joe Biden ayaa bilaabey fulinta heshiiskaasi waxaana uu ku dhawaaqey in dhamaadka bisha August la saari doono dhamaan ciidanka Mareykanka Afghanistan ka jooga. Dad badan ayaa filayey in Biden uu dib u eegid ku sameyn doono heshiiskaa ama ugu yaraan uu dib u dhigi doono saarista ciidanka Mareykanka. Hase ahaatee Biden waxa uu ku adkeystey fulinta heshiiskaasi. Bishii June ayaa madaxweynaha Afghanistan oo uu wehliyo ninka darajo ahaan asaga ku xiga, Abdallah Abdallah waxa uu Aqalka Cad kula kulmey Joe Biden. Tani waxay qeyb ka ahayd dadaalkii u dambeeyey oo uu Ghani ku doonayey inuu kaga dhaadhiciyo Biden in uu ugu yaraan dib u dhigo la bixidda ciidanka Marekanka; hase ahaatee Biden ayaa u direy fariin loo fasirtey in loo qaadan karey: tani waa mushkiladdiina, ma aha mushkiladeyda (this is your problem, this is not my problem), ciidankayaga way kaga baxayaan waddanka xiligii loo asteeyey. Taa beddelkeeda waxa uu ballan qaadey inuu sii wadi doono taageerada dowladda Afghanistan. Wixii intaa ka dambeeyey waxaa si qarsoodi ah u bilowdey saarista ciidanka Nato iyo Mareykanka oo la sheegey inaaney wax xidhiidh ah la sameyn madaxda ciidanka Afghanistan ka hor inta aaney ka bixin saldhigyadii ay waddanka ka joogeen. Talaabada ay qaadeen Mareykanka iyo Nato ayaa loo arkayey inay bahdilaad u aheyd dowladda madaxweyne Ghani waxayna niyad jab iyo murugo ka dhex dhalisey maamulka dowladda iyo kumanaanka kun ee qof oo shaqaale u badan tarjumaano u ahaa Mareykanka iyo Nato kuwaasoo nafahooda u baqayey. Dhanka kale waxay talaabadani guul u noqotey Taliban oo bilaabey guluf ay awooddeeda ku muujineyso kuna baahineyso xukunkeeda. Waxayna wadahadal ay lagalaan dowladda Ghani ku xireen shuruud ah inuu iska casilo jagada madaxweynenimo. Wixii intaa ka dambeeyey waxay Taliban la wareegeen in kabadan kala bar degmooyinka dalka waxaana ka go’an inay sii wadaan weerarada ilaa ay dagaalka keena xuduudaha Kabul halkaasoo ay doonayaan inay dowladda ku inqilaabaan. Reer galbeedka ayaa ahmiyadda koowaad siiyey ka bixidda dalka iyo inay burburiyaan dhamaan wixii qalab ahaa oo ay adeegsanayeen. Dadka Afghanistan in kastoo aaney jecleyn shisheeyaha haddana waxay talaabooyinka ay qaadeen reer galbeedka u arkayaan mid ayaga dhabarka looga toogtey loona nugleeyey Taliban oo ka go’an inay dhegta dhiigga u daraan cid kastoo lasoo shaqeysey Mareykan iyo Nato madani ama militeri midkuu doonaba ha ahaadee. Mustaqblka waddanka ayaa mugdi ku jira waxaana la saadaalin karaa inay dowladdani dhacdo ama ay daciifto taasoo soo celin karta xukunkii adkaa ee Taliban. Taliban ayaa leh maamul dhismeed u sameysan qaab dowladeed; Mawlawi Hibatullah Akhundzada ayaa ah hogaamiyaha leh awoodda kama dambeysta ah, waxaa kuxiga Mullah Abdulghani Baradar, Mullah Muhammad Yacquub iyo Siraajudiin Xaqaani oo kala qaabilsan arimaha siyaasadda, hoggaanka ciidamada iyo dhaqdhaqaaqa maliishiyaadka. Sidoo kale Taliban waxay leedahay dhisme garsoor oo ka kooban 26 xubnood waxaana madax u ah Mullah Cabdulxakiim. Taliban waxay leeyihiin gole wasiiro oo dusha kala socda hawl maalmeedka ciidamada, sirdoonka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arimaha bulshada. Taliban waxay xafiis siyaasadeed ku leeyihiin magaalada Doha waxaana madax ka ah ku xigeenka madaxa Taliban. Soomaaliya maxay ka baran kartaa Afghanistan? Soomaaliya waxaa ku sugan ciidan ku dhow 20 kun oo askari kuwaasoo ka kala yimi waddamada Afrika kuna shaqeeya howlgal loogu magac darey Howlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Ciidankani ayaa waxay dalka u joogeen inay xasiliyaan, dowladda federaalka ka caawiyaan dhismaha ciidamaha iyo inay ilaaliyaan diblomaasiyiinta ku sugan dalka iyo xarumaha dowladda. Ciidamada AMISOM ayaa dalka yimi kadib markii uu Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ku ansixiyey fadhigii ay yeesheen Bishii February 2007, wixii intaa ka dambeeyeyna waxaa mar wala la cusbooneysiinayey joogitaankooda dalka. Asaaskii AMISOM Abuuritaanka AMISOM ayaa ka dambeeyey kadib markii dowladdii federaalka ee kumeel gaarka ahayd oo uu madaxweyne ka ahaa Alle ha u naxriistee Cabdillaahi Yuusuf Axmed ay codsatey ciidan ka taageera inay gasho caasimadda oo ay markaa xukumayeen xoogaggii maxaakiimta ee midoobey. Dowladihii ka dambeeyey tii uu madaxweyne ka ahaa Cabdillaahi Yuusuf ayaa taageero lagu tababarayo ciidamada booliska iyo militeriga ka heley waddamo badan kuwaasoo dhaqaale ahaan u taageerey ama toosba u tababarey ciidanka. In kastoo dhaqaale iyo waqti badan la geliyey dhismaha ciidanka Soomaliya haddana 14 sanadood kadib AMISOM waxay joogaan Soomaaliya waxayna dowladda Soomaaliya codsanaysaa in la taageero joogitaankooda dalka ayadoo lagu fashilmey dadaaladii ay dowladaha deeqda bixiya ku doonayeen dhisidda, tayada, iyo maamul wanaagga ciidanka. Maxay iskaga mid yihiin Al Shabaab iyo Taliban? Si lamid ah sida Taliban ay xarakada hubeysan ee Al Shabaab (AS) waxay haystaan inta badan dhulka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya halkaasoo ay ka dhiseen maamulo, cashuuro ka qaadaan kuna ridaan xukuno ay kasoo saaraan garsoorkooda. Inkastoo hoggaamiyayaal badan laga diley, maxaabiis badan laga qabtey, saldhigyo badana laga burburiyey xoogagga AS ayaa muujiyey adkeysi waxayna weli laf dhuungashey ku yihiin dowladda oo ay ragaadiyeen musuq, maamul xumo baahdey, qabyaalad, xatooyo iyo danta shakhsiga oo laga sareysiiyo tan qaranka. Dowladaha dhaqaale ahaan taageera oo ay ugu muhimsan yihiin midowyga Yurub, Mareykan iyo qaar kamid ah dowladaha Afrika ayaa khaatiyaan ka taagaan hawlgalka daba dheeraadey oo aan la ogeyn xiliga lasoo af jari karo. Intii u dhaxeysey 2020 ilaa 2021 waxaa dhawr jeer lasoo jeediyey hindisayaal lagu dhimayo ciidamada AMISOM ama in loo muddeeyo waqti dalka lagaga saari karo; hase ahaatee waxay dowladda federaalku ku adkeysanaysey inaaney weli u diyaarsanayn inay hanato amaanka dalka. Maxay iskaga mid yihiin Somaaliya iyo Afghanistan? Haddaba wadciga dalka Somaaliya marka loo eego kan Afghanistan waxaad moodaa inay jiraan meelo badan oo ay iskaga eg yihiin oo ay ugu horeyso fadhiidnimada dowladaha musuqa, eexda iyo xatooyadu ay ragaadiyeen; adkeysiga xoogagga Taliban iyo AS iyo daalka (fatigue) iyo adkeysi la’aanta ka muuqda dowladaha dhaqaalaha iyo loojistikada ka taageera Soomaaliya iyo kuwii ciidanka geeyey Afghanistan kuwaasoo cadaadis kala kulmaya shucuubtooda dhaqaalahoodana uu hoos u dhigey safmarka fayraska Koroona (COVID-19). Inkastoo Soomaaliya ay ku riyooneyso in haddii ay codsato sii joogitaanka AMISOM loo taageeri doono haddana waxay runtu tahay waxa kasocda Afghanistan inay madaxda Soomaalidu u noqon karaa baaq ay hurdada kaga toosaan (wakeup call). Maamulkii Donald Trump ayaa Somaaliya ka saarey khubaradii iyo saraakiishii ka joogey dalka; inkastoo ay u muuqato in dib loogu soo celiyey haddana tani ayaa loo arki karaa mid waqti dheer aan sii jiri Karin. Dowlada dhaqaalaha ka caawiya Somaaliya uma diyaarasana inay taageeraan hawl gal aan dhamaad lahayn ama in ay dhaamiyaan haan gunta ka daloosha. Waxaa la saadaalin karaa arimaha soo socda: 1- Dowladaha dhaqaalaha ka caawiya waxay waqti xaddidan u qaban karaan AMISOM in dalka looga saaro waxaana bilaabmaya saarid wajiyeysan (phased withdrawal) kaasoo socon kara inta u dhaxaysa 18 ilaa 24 bilood. Wixii intaa ka dambeeya dowladaha kamidka ah AMISOM isla markaana jaar la ah Soomaaliya sida Itooobiya, Kenya iyo Jabuuti waxay adkeynayaan xuduudahooda ayagoo xoogga saaraya in aanay halis uga iman dhanka Soomaaliya. 2- Marka la eego ciidamada kala dhantaalan (fragmented) oo ay soo tababareen dowladaha kala duwan kuwaasoo aan loo sameyn qaab isku dubbaridan ama hoggaan mideysan oo anshaxa iyo tayada ka hagaajiya, waxaa hubaal ah inay adkaan doonto in ciidankaasi hantaan awood ay dalka gacanta ku dhigaan. Musuqa, xatooyada iyo qabyaaladda ayaa ku noqonaya kansar aanay ka bogsan Karin. 3- Tani waxaa ka faa’iideysan doona xoogagga AS oo xoojin doona weerarooda isla markaana sameyn doona hawl galo laba qaybood ah oo is barbar socda kuwaasoo ay kula wareegayaan xarumaha dowlad goboleedyada tabarta daran oo aan lahayn ciidan tayeysan iyo hawlgal kale oo ay kusoo gelayaan caasimadda Muqdisho. 4- AS iskuma dayi doonaan iney xarun ka dhigtaan Muqdisho, hase ahaatee waxay cashuur ay dakhli ka sameeyaan ka qaadi doonaan sharikadaha, hay’adaha iyo ganacsatada. Sidoo kale waxay wakiilo sirdoon ah ku dhex yeelan doonaan hay’adaha dowladda. Tani waxay u sahleysaa inay xoojiyaan weerarooda qorsheysan iyo dagaalada ay kusoo qaadaan caasimadda. 5- Ugu dambeyn waxaa dhici karta inay dowladdu ku noqoto halkii ay taagneyd 15 sanadood ka hor taasoo ah inay noqoto dowlad aan lahayn dhul ay maamusho laakin kuraas kuleh kulamada caalamiga ah iyo saafaradaha debedda. Dr. Hussein Hassan Hssn.hassan@icloud.com Dr Hussein Hassan waa khabiir caalami ah oo dhanka bani’aadminimada ah; waxa uu 17kii sanadood ee u dambeeyey kasoo shaqeeyey waddama Yemen, Libya, Afghanistan iyo Somalia. Waxa uu khibrad u leeyahay waddamada ay shaqaaqooyinku ka jiraan. Waxaa uu gorgortan toos ah oo lagu fududeynayey howlgalada bani’aadminimada la galey xoogagga hubeysan ee Yaman iyo Libya. The post Afghanistan cashar noocee ayey Somalia u noqon kartaa? appeared first on Caasimada Online.
  7. President Mohamed Abdullahi Farmaajo was the happiest and the most promising president elect in the nation’s recent history when he won the presidency of Somalia in February 2017. Celebratory gunfire erupted across Mogadishu shortly after Farmaajo was declared the winner. Source: Hiiraan Online
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Nairobi kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay dadaallada ay Xukuumadda ku bixisay hirgelinta arrimaha Doorashooyinka oo haatan ka socda dalka, lana soo doortay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka. RW Roobole ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaa uu kulamo kala duwan ula qaatay, qaar ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. PUNTLAND POST The post Rooble oo Nairobi kula kulmay Cumar Cabdirashiid appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (HOL) - The African Union's peacekeeping mission in Somalia said it would launch a "thorough investigation" into allegations that Ugandan troops in Lower Shabelle killed seven civilians during a military operation earlier this week. Source: Hiiraan Online
  10. Mombasa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in marnaba uu madaxweynaha Kenya kala hadlin kiiska badda, oo yaala maxkamadda caalamiga ah. Arrintan ayaa aheyd mid ka mid ah walaacyada ay shacabka ka qabaan kulanka, ayada oo sidoo kale xubno ku xiran madaxweyne Farmaajo ay wararka faafiyeen, kadib markii labada mas’uul ay isku qabteen safarka Rooble ee Kenya. Rooble ayaa waxa uu sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada. “Halkaan uma imaan in aan wax saxiixo, waxaan u imid inaan dhayo dhaawacyadii gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kala joogto waxay ka mideysan tahay in dhulka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan,” ayuu yiri Rooble. “Maanta iyo berriba igama filaneysaan in heshiis aan ka galo badda oo waxaan sugeynaa jawaabta maxkamadda, saaxiibkey madaxweyne Uhuru isagoo i hor fadhiya ayaan idaas ugu sheegay.” Haddaba, dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in safarka Rooble uu quus geliyay rejadii uu Kenyatta ka qabay in ajendaha kulanka Mombasa ku dhex-maray ra’iisul wasaaraha lagu daro kiiska badda. Casuumadda Kenyatta ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale aheyd mid xukuumadda Nairobi ay ku rabtay in indhaha caalamka u muujiso in Soomaaliya ay ogoshahay in muranka sanadaha badan taagna ee badda lagu xaliyo wada-hadal. Qoraal ay madaxtooyada Kenya kasoo saartay xiligaas kulanka Rooble iyo Kenyatta ayaa waxaa lagu sheegay qeyb kamid ah in madaxweynaha Kenya uu dalbaday si saaxiibtinimo ah xal looga gaaro kiiska badda, ayada oo markii dambe qeybta la xiriirta badda laga jaray qoraalka. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Macalimuu ayaa dhankiisa sheegay in qoraalkaas oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Kenya uu ahaa mid qalad ah oo si dhakhso ah loo saxay. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha wafdigiisa ee kulanka la qaatay Madaxweynaha Kenya iyo xubnaha Dowladiisa waxa uu si cad ugu sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxda Kenya in dacwada la xiriirta badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya jawaabteeda laga sugayo kaliya Maxkamada Caalamiga ee Caddaalada ICG ee ay hortaallo,oo aaney jirin haba yaraatee cid arintaasi gorgortan ka gali karta. Qoraal qalad ah oo lagu dabaacay Facebook Madaxtooyada Kenya dhaqso ayaa loo saxay oo laga garanayo,” ayuu yiri. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in marnaba aysan wax wada-hadal ah ka geli dooni kiiska badda, midaasi oo fashil kusoo afmeertay isku dayo badan oo dowladda Kenya ku dooneysay in kiiskaas laga soo celiyo maxkamadda ICJ. The post R/W Rooble oo meesha ka saaray walaac laga qabay appeared first on Caasimada Online.
  11. New York (Caasimada Online) – Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinayay Golaha Ammaanka QM, ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya. Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada. Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada. Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga werwersanyahay. Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda. James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku tahay halis amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiiska QM ee Somaliya ee UNSOM uu diwaan geliyay sanadkan 2021-ka 708 qof oo rayid ah oo rabshadaha Soomaaliya wax ku noqday. Dadkaas ayuu sheegay in 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay. Swan ayaa sidoo kale sheegay in tacdiyada ka dhanka ah dumar ay kordheen, islamarkaana xaaladda bani’aadaminimo ay meel xun mareyso. Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay James Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahdaaftiisa horumarineed. The post Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Ammaanka QM uu ka yeeshay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  12. (ERGO) – Fadumo Kulow Mohamed briefly returned to her village of Xanlay in southern Somalia’s Middle Shabelle region this month to plant seeds she was given to revive her two-hectare farm that was earlier destroyed by river floods. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharraxiinta laba kursi oo kamid ah sideeda xubnood oo uu maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Qoor Qoor ayaa kal hore ku dhowaaqay liiska lix kamid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex. Kursi kamid ah labadaan kursi ayaa waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa. Haddaba, Maxaa ka dhalan kara haddii midkooda uu kasoo muuqan waayo liiska musharaxiinta? Cali Baashi Faarax Cali oo ah siyaasi kasoo jeeda Galmudug, horeyna uga tirsanaa maamulkii Ahlu-Sunna ee ka talin jiray maamulkaas, ayaa waxa uu sheegay in kursiga ay ku loomayaan Xaaf iyo Qeybdiid uu yahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay in doorashadiisu ku dhacdo hab daah-furan oo nabdoon. Waxa uu sheegay in cawaaqib xumo daran ay ka dhalan doonto haddii labada musharax ee ku loolamaya kursigaas uu midkood kasoo muuqan waayo liiska laga sugayo madaxweyne Qoor Qoor. “Waa in kursigaan dhexda la dhigo oo ay u tartamaan dadka loo xulo oo ay sidaas guushu ku raacdo qofkii calafku u yeesha, waana arrin xal wanaagsan ah,” ayuu yiri Cali Baashi Faarax. Sidoo kale waxa uu ka digay in hanashada kursigaas loo maro waddo khaldan, midaasi oo ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo daran, sida uu sheegay. Si kastaba, waxaa si weyn loo wada sugaya tallaabada uu qaadi doono Qoor Qoor oo gadaal u dhigtay kursiga ay isku hayaan Xaaf iyo Qeybdiid, iyo sida uu ka yeeli doono xifaaltanka u dhaxeeya labada musharax oo laga cabsi qabo in uu sababo xiisad dagaal. The post Loolanka Xaaf iyo Qeybdiid: Arrinta laga cabsida qabo appeared first on Caasimada Online.
  14. (SLT-Tel Aviva)-Israa’iil oo isku dayeysa inay carqaladeyso wada-hadalla u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska Nukliyeerka ayaa madaxa CIA-da Mareykanka u gudbisay warbixin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran, Ebrahim Raisi. Israa’iil ayaa CIA Mareykanka u sheegtay in madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi uu qabo cudur “Khalkhal maskaxda ah,” sidaas darteedna aan lagala hadli karin wax ku saabsan heshiiska nukliyeerka sida ay Maanta qortay Times of Israel. Israa’iil ayaa shalay martiqaad u sameysay madaxa CIA-da Mareykanka William Burns, waxayna ka wada hadleen arrimaha Iran. Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in Israa’iil ay ku dadaaleyso sidii ay u fashilin lahayd isu soo dhawaansho kasta oo dhex mari kara Washington iyo Tehran. Walla News ayaa asaguna weriyay in Burns uu la kulmay raysal wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, madaxa hay’adda sirdoonka ee Mossad David Barnea iyo saraakiil kale oo sirdoon ah. Sidoo kale, Wargeyska Israa’iil Today oo soo xiganayo Channel 12 ayaa qoray in madaxa sirdoonka Mossad David Barnea uu madaxa CIA usoo bandhigay macluumaad muujinaya in Raisi aan la aamini karin, oo uusan awood u lahayn inuu ka gorgortamo heshiis cusub oo nukliyeer ah ama uu ku dhaganaado ballan-qaadyadiisii hore. Sida uu sheegay Channel 12, Barnea ayaa sidoo kale Burns u gudbiyey warbixin uu ku sheegay in madaxweynaha Iran uu yahay mid xagjir ah, naxariis daran, musuq maasuq badan sidoo kalana aan xasilloonayn. “Mossad waxay ku tilmaamtay madaxweynaha Iran inuu yahay qof maskaxda ka jiran (Dhimirka la’),” ayaa lagu yidhi warbixinta uu qoray wargeyska Times of Israa’iil oo soo xiganaya Channel 12. Burns, oo ah diblomaasi xirfadle ah ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo Iran oo horseeday heshiiskii Iran iyo quwadaha waaweyn, ee 2015 la gaaray, balse 2018 uu ka baxay madaxweyne Trump. Source
  15. (SLT-Addis ababa)-Hoggaamiyaha Jabhada Oromada ee OLA, Kumsa Diriba ayaa xaqiijiyey inay isbaheysi la sameysteen ciidamada Tigreyga ee la dagaalamaya dowladda Federaalka ee Abiy Ahmed. Kumsa Diriba oo Arbacadii shalay wareysi siiyey wakaalada AP ayaa sheegay in heshiiska isbaheysiga lagu sameeyey uu dhacay toddobaad kahor isla markaana uu ahaa codsi uga yimid dhinaca Tigreyga. Waxaa ku heshiinay inaan xukunka ka tuurno xukuumada Abiy Ahmed, oo awood ciidan u adeegsano waana luuqada kaliya oo uu fahmi karo Taliska Abiy… ayuu yidhi hogaamiyaha Oromo Liberation Army. Kooxda OLA ayaa bilihii lasoo dhaafay la wareegtay dhul badan oo ku yaalla koonfurta iyo Galbeedka dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada, waana Jabhad ka go’aday OLF. Hogaamiyaha kooxda OLA ayaa sheegay in xogta millatari isdhaafsadaan Tigreyga isla markaana wada sameytaan qorshe duulaan oo ay ku mideysan yihiin, walow uu sheegay in labada ciidan ayna isdhexgelin oo qoloba dhankeeda ka dagaalanto. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hada socdo wadahadalo kale oo la doonayo inay isbaheysiga kusoo biiraan kooxo kale oo hubeysan ee ka jira gudaha dalkaasi Itoobiya. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo culeys weyn xiligan kala kulmaya xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda ayaa todobaadkan ugu baaqay shacabka dagaalami kara inay ka qeyb qaataan dagaalka ka socda Gobalka Tigrey, xilli uu waajahayo kacdoonka kale ee ka jira gudaha qawmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddiga qandaraasyadda qaranka JSL ayaa maanta shaaciyay tartan loo geli doona qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose. Madashii lagu shaacinayay tartanka dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose waxa ka soo qayb-galay guddoomiyaha guddiga qandaasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen, masuuliyiin ka socday maxadkaasi iyo 29 shirkadood oo soo xaraystay inay tartanka ka qayb-galaan. Ugu horrayntiina guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa shaaciyay magacyadda shirkadaha kala duwan ee soo xaraystay qandaraaskan waxaanu yidhi “saaka oo ay bishu tahay 12-ka bishii sideedaad sannadka 2021-ka waxa aynu furanaynaa qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose ee dalka waxa ku tartamaya 29 shirkadood, waxa aanu u ballanqaadaynaa shirkadahaasi in aanu si daah-furan oo cadaaladi ku jirto in aanu u xulan doono shirkadda ku guulaysta haddii alle yidhaa” ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen. Dhankooda waxa iyaguna madasha ka hadlay qaar ka mid ah shirkadihii soo xaraystay qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose ee dalka waxaana ka mid ahaa hadalladoodii “anigu waxa aan ku tartamayaa shirkadda Xaaji Muuse construction company waxa aan Alle ka rajaynayaa in aanu guulaysano waananu ku qanacsanahay wax kasta soo baxa” sidaa waxa yidhi masuul ku hadlaya magaca shirkadda Xaaji Muuse construction company oo ka mid ahayd shirkadihii maanta ka soo qayb-galay tartanka. Halkan hoose ka DAAWO warkan Source
  17. Siyaasi Axmed Siciid Aw-nuur, oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye oo galabta warbaahinta la hadlay, ayaa si adag u cambaareeyay doorashadii Aqalka sare ee shalay ka dhacday magaalada Garoowe. Mudane Axmed Siciid, ayaa sheegay in doorashadii Aqalka sare aysan ku dhicin si caddaalad ah, islamarkaana laga reebay siyaasiyiin doonayay in ay u tartamaan kuraasta Aqalka sare, taas beddelkeedana lagu qoray dad tiro-buuxis ah, si ay ugu camiraan xubnaha madaxweynuhu soo xushay. Madaxweyne Deni, ayuu sidoo kale ku dhaliilay in uu caddaalad-darro ah u maamulay doorashada Aqalka sare, isagoo shaki ka muujiyay sida madaxweynuhu Puntland uga hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah, maadaama uu caddaalad u maamuli waayay doorashada 11 xubnood oo keliya. Ex. Wasiir Axmed Siciid Aw-nuur oo Puntland ka soo qabtay wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka Kalluumeysiga, wuxu sidoo kale ka hadlay doorashada Soomaaliya ee 2021, isagoo sheegay in ay ka liidan doonto doorashadii dhacday 2016, maadaama ay ka muuqato ifafaalo aan fiicnayn. halkan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ex. Wasiir Axmed Siciid Nuur oo si adag u cambaareeyay doorashada Aqalka sare ee Garoowe ka dhacday appeared first on Puntland Post.
  18. Qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa dhaliilay doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka. Daahir Geelle oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ku tilmaamay mid dhibaato u keeni karta nidaamka is doorashada iyo kalsoonida bulshada ee dimuqraaddiyadda. Wuxuu sheegay in ismuquuninta iyo kala adkaanshahu uu dhibaato u keeni karo dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay cabashooyinkii ka dhashay doorashooyinkii tan ka horreeyay ee markii dambe natiijooyinkii ka soo baxay ay galaafteen qaar ka mid ah madaxdii maamulaysay doorashooyinkaas. Daahir Geelle ayaa ugu digay madaxda dowlad goboleedyada in ay doorashada Aqalka Hoose u maamulaan sida tan Aqalka Sare. Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna dhaliilay qaabka ay dowlad goboleedyadu u maamuleen doorashada Aqalka Sare. “Waxaa habboon in aan doorashooyinka la sumcad iyo sharciyad tirin, mar haddii damac shakhsi ah horay loo xaqiijin kari waayey” ayuu Cabiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook. Jubaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhacay doorashooyin la dhaliilay oo ay ku soo baxeen xildhibaano ka mid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Daahir Geelle iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay doorashooyinka Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  19. Tehran (Caasimada Online) – Israel oo isku dayeysa inay carqaladeyso wada-hadalla u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska Nukliyeerka ayaa madaxa CIA-da Mareykanka u gudbisay warbixin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran, Ebrahim Raisi. Israel ayaa CIA Mareykanka u sheegtay in madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi uu qabo cudur “Khalkhal maskaxda ah,” sidaas darteedna aan lagala hadli karin wax ku saabsan heshiiska nukliyeerka sida ay Maanta qortay Times of Israel. Israel ayaa shalay martiqaad u sameysay madaxa CIA-da Mareykanka William Burns, waxayna ka wada hadleen arrimaha Iran. Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in Israel ay ku dadaaleyso sidii ay u fashilin lahayd isu soo dhawaansho kasta oo dhex mari kara Washington iyo Tehran. Walla News ayaa asaguna weriyay in Burns uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett, madaxa hay’adda sirdoonka ee Mossad David Barnea iyo saraakiil kale oo sirdoon ah. Sidoo kale, Wargeyska Israel Today oo soo xiganayo Channel 12 ayaa qoray in madaxa sirdoonka Mossad David Barnea uu madaxa CIA usoo bandhigay macluumaad muujinaya in Raisi aan la aamini karin, oo uusan awood u lahayn inuu ka gorgortamo heshiis cusub oo nukliyeer ah ama uu ku dhaganaado ballan-qaadyadiisii hore. Sida uu sheegay Channel 12, Barnea ayaa sidoo kale Burns u gudbiyey warbixin uu ku sheegay in madaxweynaha Iran uu yahay mid xagjir ah, naxariis daran, musuq maasuq badan sidoo kalana aan xasilloonayn. “Mossad waxay ku tilmaamtay madaxweynaha Iran inuu yahay qof maskaxda ka jiran (Dhimirka la’),” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray wargeyska Times of Israel oo soo xiganaya Channel 12. Burns, oo ah diblomaasi xirfadle ah ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo Iran oo horseeday heshiiskii Iran iyo quwadaha waaweyn, ee 2015 la gaaray, balse 2018 uu ka baxay madaxweyne Trump. The post Israel oo CIA-da u gudbisay arrin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran appeared first on Caasimada Online.
  20. The leader of an armed group that Ethiopia’s government designates a terrorist organisation says his group has struck a military alliance with the Tigray forces now pressing towards the capital. Source: Hiiraan Online
  21. Click here to read more about this article Qaran News
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta lagu doortay Lix Senator oo kamid ah xubnaha maamulkaas ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya. Haddaba, wax ka ogow taariikhda Senator-da maanta la doortay, kuwaasi oo dhamaantood ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen musharaxiintii kula tartamayey kuraastaas. 1- Saciid Siyaad Shirwac – Saciid oo kasoo jeeda beesha Saleebaan, waxaa uu muddo 20 sano ah ku jiray siyaasadda, qeybna uu ka ahaa shirarka dib u heshiisiinta, hadda xisbi kama tirsana, waana wasiirka deegaanka. Sidoo kale waxa uu hore u soo noqday wasiirka maaliyada, wuxuuna ku guuleystay kursigii koowaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, isagoo helay 87 kamid ah codadka xildhibaanada, kadib markii musharaxii la tartamayey Maxamed Daahir Maxamed uu tanaasulay. Waxaa diiday laba xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay. 2- Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) – Yuusuf oo kasoo jeeda beesha Duduble, waxaa uu hore uga tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Waayo-arag. Sidoo kale waxa uu kaalinta hore kaga jiraa siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxa uu ku soo baxay 87 codad, ayada oo mid uu diiday midna uu ka aamusay. Waxaa tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo la tartamayey. 3- Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer – Dhagdheer oo kasoo jeeda beesha Murusade, waxa uu ahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, wuxuuna xiligaan lagu tiriyaa inuu kamid yahay kooxda Waayo-arag. Senator Dhagdheer ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxaa uu ka guuleystayna Nuur Xasan Gutaale. Dhagdheer ayaa waxa uu ku soo baxay 86 cod, waxaa diiday 2, halka uu mid keliya ka aamusay. 4- Zamzam Dahir Maxamuud – Zamzam oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxay hore u aheyd Senator ka tirsan baarlamaanka 10-aad, waxayna ku dhalatay Caabudwaaq 1984-kii. Waxay waxbarasho ilaa heer jaamacad ku qaadatay Muqdisho, ayada oo Master ku sameysay dalka Maleysia, sidoo kale waxay kaalin hor leh ka ciyaarta arrimaha samafal. Zamzam ayaa maanta markale noqotay haweeneydii u horeysay ee maamulka ku metelaysa Aqalka Sare, halka ay October 16, 2016-kii ay sidoo kale noqotay gabadhii ugu horeysay ee Senator loo doorto. Waxay doorashada maanta kasoo hoysay 89 cod, waxayna sidaas ku hanatay kursiga Afaraad ee maamulka Galmudug ee Aqalka Sare. Waa loo tanaasulay. 5- Cabdixakiim Macalin Axmed – Cabdixakiim oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ahaa xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad. Waxa uu ka baxay Jaamacadda Culuumta iyo Tecnolojiyadda ee Yemen, wuxuuna xiligan xoghaye ka ahaa guddiga maamliyadda ee golaha shacabka iyo madaxa guddiga dhaliyarada ee baarlamaanka Afrika. Cabdixakiin ka hor siyaasadda, Koonfurta Suudaan waxaa uu jaaliyadda u ahaa xoghayaha guud muddo 10 sano ah, waana ganacsade, wuxuuna maanta kusoo baxay oo uu helay codadka 86 xildhibaan, halka uu ka aamusay mid keli ah. 6- Duniyo Maxamed Cali – Duniya oo kasoo jeeda beesha Dir, waxay ku dhalatay magaalada Dhuusamareeb 1970-kii, waxayna hadda ka tirsaneyd golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad. Waxay waxbarasho ilaa dugsi sare ku sameysay magaalada Dhuusamareeb, waxayna muddo lasoo shaqeysay madaxdii kala duwanaa ee Galmudug. Sidoo kale waxaa lagu tiriyaa inay ka tirsan tahay kooxda Waayo-arag ee madaxweyne Qoor Qoor, waxayna maanta ku guuleystay kursiga lixaad ee maamulkaas ee Aqalka Sare, kadib markii ay u tanaasushay Qadro Abdullahi Isxaaq. The post Yey yihiin, maxaase ka naqaan lixda Senator ee maanta la doortay appeared first on Caasimada Online.