-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah doortay xubnihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Kursiga u horreeya waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday. Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare, wuxuuna difaacday kursigan oo uu horay ugu fadhiyay. Fartaag ayaa helay 71 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibaan. Sidoo kale, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa noqday musharraxa kusoo baxay kursiga saddexaad ee golaha Aqalka Sare ee maanta la qabtay doorashodooda. Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa helay 59 cod, waxaana uu ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, oo iyaduna heshay 12 cod. Waxaa xumaaday hal cod. Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey. PUNTLAND POST The post Xubnihii u horreeyay Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta Kismaayo lagu doortay appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii labaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag 2: Axmed Maxamed Jaamac. Musharax Axmed Maxamed Jaamac ayaa ka hor inta aan la galin bixinta codadka sheegay in uu ka tanaasulay xilka senatornimada. Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in musharax Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu ku guuleystay Kursiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Delta variant has reached 26 countries with case fatality rates among the world’s highest As the third wave of the coronavirus pandemic sweeps across Africa, the continent has become the most vulnerable region hit by the more transmissible Delta variant of the disease due to lack of vaccines and health facilities. Covax, the global vaccine partnership, hopes to get 520 million doses to Africa by the end of this year and another 850m by the end of March 2022. But that will be far too late for the immediate crisis (AC Dispatches 21/05/21, Pressure mounts on rich countries and big pharma to act on global vaccine inequity). The African Union and Covax are to take delivery of over 20m doses from Johnson & Johnson and Pfizer BionTech from the United States. France, Denmark, Norway and Sweden are adding hundreds of thousands more. But the total is well short of the requirements of a continent of 1.3 billion people. Ghana, Morocco and South Africa are making progress with their vaccination programmes after a slow start. The Delta variant has reached 26 countries in Africa and case fatality rates are among the world’s highest. According to the Africa Center for Strategic Studies in Washington DC, Namibia, where just 1.2% of the population is vaccinated, is recording one death for every 22 cases compared with Britain, where over 50% of people are vaccinated and one death is recorded for every 750 cases. Each week 6,500 people are dying of coronavirus in Africa: that means some 150,000 lives could be lost over the next two months when epidemiologists expect infections to peak in those countries reporting cases of the Delta variant. That will almost equal the 160,000 lives lost across the continent since the first recorded case of Covid-19 in Nigeria in March 2020 (AC Dispatches 21/05/21, Pressure mounts on rich countries and big pharma to act on global vaccine inequity). So far, 80% of the recorded deaths have been in six countries: Namibia, South Africa, Tunisia, Uganda, Zambia and Zimbabwe. Case numbers in all countries with the Delta variant are rising but some officials in South Africa suggest the third wave of infections may have peaked there.Proliferating mutations are another concern: in Tanzania, where until recently the government declined to impose anti-pandemic restrictions, at least 34 mutations have been recorded. The ferocity of the third wave of the pandemic in Africa has prompted calls for more investment in vaccine production in Africa. Currently there are plants in seven countries: Egypt, Kenya, Morocco, Rwanda and South Africa (AC Vol 62 No 10, Fatigue may be fatal). Zimbabwe telecoms magnate Strive Masiyiwa, who is leading the AU team to speed up vaccine distribution, last week called on the top pharma companies to step up plans to build production in Africa. Masiyiwa wants the plants to go beyond the ‘fill and finish’ model under which Western companies would still control the core production processes at their plants in Europe and the US. Source: Africa Confidential 2021 The post Vaccine demand spirals as third wave hits home appeared first on Puntland Post.
-
Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid. Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol. Haddaba, Waa Kuma Goboose? Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig. Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho. Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe. Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii ugu horeyay ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Ilyaas Baddal Gaboose. 2: Maxamed Axmed Sayid Musharax Ilyaas Baddal Gaboose ayaa noqday senatorkii ugu horeyay ee la doortay kadib markii uu ku guulesytay codad dhan 55 , halka Maxamed Axmed Sayid uu helay dhankiisa 17 cod. Guddoomiyaha baarlamaanka Jubballand ayaa ku dhawaaqay natiijada, Ilyaas gaboose ayaana ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, waxaana doorashada goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartmaya illaa sagaal musharrax oo mid ka mid ah ay tahay gabar, kuwaas oo ku loolamaya afar ka mid ah sideeda Senator ee ay Jubbaland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo. Guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey in musharrax Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare. Ilyaas Bedal Gabboose ayaa horey u soo noqday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Doorashadan waxaa goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo sidoo kale kan xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Sanatorkii ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee 2021 oo lagu doortay Kismaayo + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelka maamulka Jubbaland saaka oo khamiis ah ka bilaabatay doorashada Aqalka sare ee dalka. Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland oo muddooyinkii u dambeyay ku jiray diyaar garowga doorashada ayaa saaka bilaabay doorashada. Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa goordhaw soo gabagabeyay dhageysiga khudbadaha musharixiinta Aqalka sare ka soo galaya Jubbaland. Goordhaw ayaa lagu wadaa in ay bilabaato bixinta codadka musharixiinta, xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku jira diyaar garowga bixinta codadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac intaba. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay guri ku yaalla gudaha magaaladaasi, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad isku qoys ahaa. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhimatay Hooyada reerka, sidoo kalena ay dhaawacmeen wiil ay dhashay iyo sidoo kale Seygeeda. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray dadkaasi shacabka ah, islamarkaana ahaa isku qoys. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka oo gurmad u fidiyey qoyska ay waxyeelada kasoo gaartay miinada kula qarxday gurigooda. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee ka howl-gala degmada Ceelwaaq. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana sidoo kale dadka ay dhaawacyada soo gaareen la geeyey goobaha caafimaadka ee magaaladaasi. Ceelwaaq ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo inta badan howl-gallo ballaaran ka sameeya gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta dalka. The post Qoys degganaa magaalada Ceelwaaq oo gurigooda lagu qarxiyey + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa hadda Hoolka Daawa ee ku dhex taal xarunta madaxtooyada Jubbaland ka bilaabatay hadaljeedinta musharaxiinta aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah. Munaasabadda ayaa waxaa Goobjoog ka ah xildhibaannada Jubbaland iyo hey’ado kale oo maxali iyo caalami ah, oo ay ka mid yihiin guddiyada doorashada labada heer, guddiga xalinta khilaafaadka iyo qaar kale. Akhriso: Musharaxiinta: Source: goobjoog.com
-
The UK has pledged more counter-terrorism and military support for Kenya in a new five-year Defence Cooperation Agreement (DCA). Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Laascaanood)-Maayarka Laascaanood ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inuu muddo gaaban ku bur-burro garroonka Kubbadda cagta ee Cabdi Bille Cabdi oo ay waxyeello soo gaadhsiiyeen daylo xoogan oo maalmahan ka dhacayay magaaladda Laascaanood. Waxaanu ku dhaliilay shirkadii la siiyay qandaraaskii dib u dhiska iyo dayactirka garroonkaasi in ay hagratay, isla markaana ay musuq maasuqday dhismahaasi oo aanay si daacad ah ugu hagar bixin. Maadaama oo muddo sideed bilood ah laga joogo xiligii lagala wareegay ama ay dhamasytirtay shirkadii garroonkaasi dib u dhiska iyo dayactirka ku samaysay garroonka Kubbadda cagta Laascaanood. Maayar C/raxiin Cali Ismaaciil, oo maanta soo kormeeray garroonka Cabdi Bille Cabdi ee magaaladda Laascaanood oo ay waxyeelo ka soo gaadhay Dabaylaha Xaggaaga oo maalmihii u danbeeyay si xoog leh uga dhacayay magaaladaasi. Duqa degmadda Laascaanood waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mida golaha deegaanka ee Laascaanood iyo isku-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool, waxaanu sheegay maayarku in garroonkaasi dib u dhis iyo dayactir ay ku samaysay xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaasoo ay ku baxday lacag aad u badan. Maayarka ayaa si gaara tusaale ugu soo qaatay qaybta VIP da ee garroonkaasi oo ay waxyeeladda ugu weyni soo gaadhay, iyadoo qaybtaasi oo keliya lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Isagoona qayrul-masuulnimo weyn iyo dulmi ku eedeeyay in shirkadii garroonkaasi dhistay ay ku kacday. Waxaanu yidhi, “Qaybtan VIP-da ee aan imika joogno waxaa lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Sideed bilood ayaana laga joogaa markii lagala wareegay shirkadii garroonkan dhistay. Waynu arkaynaa halkaa qayrul-masuulnimo weyn baa ka dhacday, dulmi baana ka dhacay”. “Waxaanu leenahay shirkadaha wax dhisaa, marka koowaad waa in aad ILLAAHAY SWT kaga baqdaan masuuliyadaa la idiin dhiibay. Waxaad wax u dhisaysaan waa dalkiinii, waana dadkiinii. Shirkadaha dhismuhu waa in qandaraasyadda ay qaadanayaan ay ka daayaan musuq maasuqa”ayuu yidhi maayarka Laascaanood. Geesta kale maayarku waxa uu sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan si deg deg ah wax uga qabanayaan waxyeeladda soo gaadhay garroonka Cabdi Bille Cabdi, isla markaana ay la kaashan doonaan wasaaradda ciyaaraha Somaliland. Waxaanu yidhi, “Anagu ka dawlad hoose dhibaatadan ku dhacday garroonka ee ay dabayshu keentay, wax alla wixii garroonkan soo gaadhay, iyo wixii kale ee dayactir ah ee uu u baahan yahay ba, in aanu qaybta ugu weyn ka qaadano. Anaga ayaana dabooli doona, anagoo la kaashanayna wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Waxaanu balan qaadaynaa in aanu si deg deg ah u dhisi doono”. Source
-
enya and the United Kingdom (UK) have signed a five-year Defence Cooperation Agreement (DCA) to tackle shared threats across East Africa. Source: Hiiraan Online
-
In her lifetime, Sonoma County’s Shugri Salh has encountered many different worlds. Source: Hiiraan Online
-
Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa noqday maamulkii u horreeyay oo qabanaya doorashada xubnaha Aqalka saree e Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland, ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Kismaayo ku dooranaya xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas Jubaland. Qaban-qaabadii u dambaysay ee doorashada Aqalka sare, ayaa saaka ka socota Kismaayo, xilli amniga magaalada si weyn loo adkeeyay. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maalin ka hor magacaabay xubnaha u tarmaya doorashada Aqalka sare, iyadoo maaamullada kale ee dalku aysan dhankooda weli magacaabin xubnaha Aqalka sare. PUNTLAND POST The post Jubaland oo maanta qabanaysa doorashada Aqalka sare ee dalka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Laascaanood)- 5 qof ayaa illaa hada la sheegayaa in ay ku dhinteen halka tiro 10 ku dhow ay dhaawacmeen ka dib markii laba beelood dagaal ku dhex maray meel u dhow ceelka Sanga-jebiye oo ka tirsan degaanka Boocame ee gobolka Sool. Xiisadan ayaa sida la sheegay inay ka bilaabmay degaamayn dhul cusub. Si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee goobta ka dhacay iyadoo aanay jirin isgaadhsiin goobta ka shaqaynaysa. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa war cusub ka soo saartay ciidamadeeda ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xilligii bixitaankooda ee ay horay u shaacisay Qaramada Midoobay. Taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadanka Kenya Gen. Robert Kibochi oo wareysi siiyey Telefishinka dalkaasi ee KBC ayaa shaaca ka qaaday in haatan ciidamadooda aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay sii caawinayaan Ciidamada Xoogga dalka. Kibochi ayaa sababta ku sheegay in weli Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darro, ayna sii wadayaan ciidamadooda howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii ay ka howl-galayeen Soomaaliya ciidamada Kenya ay guullo waa weyn gaareen, isla-markaana haddii ay ka baxayaan ay khasaarayaan guulihii ay horey u gaareen, sida uu hadalka u dhigay taliyaha guud ee ciidamada wadanka Kenya. “Waxaan guulo ku gaarnay howlgalkeena Soomaaliya kama bixi karno in xaalladu deggan tahay maahane hadii kale guulihii aan gaarnay waa ay khasaarayaan” ayuu yiri taliyuhu. Dhinaca kale wuxuu hadalkan kusoo aadayaa, iyada oo Ururka Midowga Yurub (EU) iyo la-howl-galayaashooda caalamiga ah ay in ka badan kala bar dhimeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab. Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeeyey qiyaano ay sameysay dowladda Kenya oo la sheegay qaar kamid ah ciidamadeeda ay si qarsoodi ah ugala baxdaygudaha Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Ururka Midowga Yurub. Si kastaba Golaha ammnka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii March ee 2020-kii, meel-mariyay qaraar ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM uga baxayaan Soomaaliya bisha Decembar 2021, iyaga oo shaaciyey in amniga ay la wareegayaan ciidanka Xoogga dalka. The post KENYA oo war lama filaan ah kasoo saartay ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Sharci-dejiyayaasha ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga iyo maamulka Biden ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf salka ku haya Soomaaliya, iyo sharciyadda uu maamulka weerar uga fulin karo Soomaaliya. Xubnahan, oo aad uga horyimid duqeymihii ugu dambeeyey ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa ku dooday in ficillada maamulka Biden ay wiiqayaan ballan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa inuu beddeli doono ruqsadaha dagaalka ee waqtigoodu dhacay. Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, oo Soomaaliya ku beegsata kooxda Al-Qacida bah-wadaagta la ah ee Al-Shabaab, ayaa weerarkii ugu dambeeyey ugu cudur daaratay adeegsiga ruqsadda AUMF oo lasoo saaray 2001-dii, taasi oo lagu weerari karo kooxaha ka dambeeyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2001. Dimoqraadiga oo mar kasta ku dooda in ruqsadda 2001 aan lagu dabaqi karin weeraro dhacaya 20 sano kadib, ayaa sheegay in maamulka Biden uusan haysan ogolaansho uu ku weeraro Soomaaliya. “Waxa kooxda Biden ay sameynayaan ayaa la mid ah wixii aan ku aragnay saddexdii maamul ee ka horreeyey, hase yeeshee, aniga ahaan ilama waafaqsana ujeedooyinka Congress-ka,” waxaa sidaas yiri Senator Ben Cardin oo laga soo doorto gobolka Maryland, sidoo kalena xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka. “Waxay ila tahay in madaxweyne Biden ay tahay inuu soo codsado ruqsad cusub oo uu ku adeegsado awood militari, islamarkaana uu aqoonsado ruqasadda 2001 ay tahay in la baabi’iyo,” ayuu ku daray. Senator Tim Kaine oo laga soo doorto gobolka Virginia, oo Aqalka Cad kala shaqeynayey in la beddelo ruqsadda 2001 ee AUMF, lana soo saaro mid la jaanqaadi karta halista argagixiso ee xilliga, ayaa maamulka Biden ku booriyey inuu Congress-ka si deg deg ah ugu wargeliyo “ujeedooyinkiisa ka hortagga argagixisada iyo halisaha iminka.” “Ma helin wax akhbaaraad ah oo soo jeedinaya in weeraradan ay lagama maarmaan u yihiin badbaadinta shaqaalaha Mareykanka, waxaana jeclaan lahaa inaan fahmo, haddii aysan sidaas jirin, waxa loo fulinayo,” ayuu yiri Kane. Senator Chris Murphy oo isna laga soo doorto gobolka Connecticut ayaa yiri “Haddii aad weerareyso Soomaaliya, u imow congress-ka, oo hel ogolaansho. Haddii aad dooneyso inaad ku lug yeelato dagaallada Soomaaliya ee shanta sano ee soo socda, noo imow oo noo sharax sababta ay lagama maarmaan u tahay, oo naga hel ogolaansho.” “Tani waa tusaale qaldan oo halis ah oo uu dejinayo maamulka,” ayuu yiri Murphy oo sidoo kale xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka. Maamulka Biden ayaa Jimcihii lasoo dhaafay Soomaaliya ka fuliyey weerarkii labaad ee toddobaad gudihiisa ah kadib lix bilood oo uusan wax weerar ah ka fulin dalka. Labada weerar ayaa waxaa ansixiyey Jeneral Stephen Townsend, oo ah madaxda taliska ciidamada AFRICOM. Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ayaa taageeray oo bogaadiyey duqeymaha uu fuliyey maamulka Biden. Jamhuuriga ayaa mar kasta u ololeeya in la ballaariyo awoodaha dagaalka ee madaxweynaha. “Uma maleynayo in madaxweynaha uu baahan yahay sharci uu meel-mariyo Congress-ka si uu beegsado argagixiso halis kusoo rogeysa Mareykanka, meesha ay doonaan dunida ha ka joogaan’e,” waxaa sidaas yiri Senator Marco Rubio oo laga soo doorto Florida, ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka. The post Muxuu yahay khilaafka la xiriira Soomaaliya ee ka dhex qarxay dowlada Mareykanka? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli wada ka aargudashada saraakiishii hoggaamineysay ciidankii ka horyimid damaciisii muddo kororsiga, kuwaas oo gudaha u soo galay caasimadda. Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu dhawaan soo saaray dikreeto uu ku dalacsiiyey 174-sarkaal oo ka tirsan militeriga Soomaaliya, kuwaas oo sida la sheegay ah intii ku qanacsaneed in Farmaajo mudada kororsado. Hase yeeshee waxaa liiskaan laga dhowray oo aan la dalacsiin dhammaan saraakiishii ciidanka xoogga dalka ee ka soo muuqatay halgankii loogu magac daray ‘Badbaado Qaran’ kaas oo looga hor tegay mudo kororsi laba sano ahaa oo qaar ka mid ah xildhibaanadii waqtigu ka dhamaaday ay 12-kii bishii Abriil u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo. Dalacsiintani waxay u muuqataa in Farmaajo uu uga aar gudanayo saraakiishii awooda ciidan uga hor timid mudo kororsigiisa. Caasimada Online ayaa heshay warqad shan bog ah oo ka soo baxday xafiiska Farmaajo, taas oo ay ku qoran yihiin magacyada 174 sarkaal oo la dalacsiiyey, waxaana dikreetadaan lagu faray Taliyaha Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage in dalacsiintaan lagu abaalmariyey saraakiisha liiskaan ku xusan uu dhaqan geliyo. Tallaabadaan waxay burisay heshiiskii ay horay u gaareen saraakiishii iyo siyaasiyiintii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo dhigayey in ciidanka aan loo kala eexan oo aan laga aar gudan ciidanka iyo saraakiisha Badbaado Qaran ee ka hor yimid damacii Farmaajo ee mudo kororsiga. Ciidanka ay hoggaamiyaan saraakiisha laga reebay dalacsiintaan waa kuwa Al-Shabaab kula dagaalama gobollada ku hareereysan caasimadda Muqdisho ee Shabeellooyinka. Hoos ka eeg liiska 174-ka sarkaal ee Farmaajo dalacsiiyey The post Aqriso Magacyada: Farmaajo oo dallacsiiyey 174 sarkaal balse ka reebay ciidankii… appeared first on Caasimada Online.