-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan looga muujiyey hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Soomaaliya, waxaana madaxda golaha wadatashiga qaranka ee ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada loogu baqay inay sii wadaan kulamadooda inta laga soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashooyinka. Sidoo kale beesha caalamka ayaa Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dolwad goboleedyada ugu baaqday in si aan dib u dhac lahayn ay u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo, balse qoraalkan waxaa lagu xusay in doorashadaasi ay 29-kii bishan oo shalay aheyd ay ka bilaabatay Jubbaland oo afar kursi oo Aqalka Sare ah Kismaayo lagu doortay. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka Saaxiibbada Caalamku waxay soo dhaweynayaan horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqayaan DXDF inay si aan dib u dhac lahayn u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo. Tusaalooyinka horumarka ah ee ugu dambeeyay waxaa ka mid ah: In la isla qaatay kal-tirsi doorasho oo la cusbooneysiiyay. Inta badan guddiyadii maamulka doorashada hadda waa la dhisay waxayna iska dhex doorteen madaxdooda. Guddigii la igmaday ee wasiirada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ku yeeshay magaalada Garbaharrey. Waxaa la qabtay shir hordhac ah ee Guddiga Amniga Doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Danjireyaal Niyadsami (Goodwill Ambassadors) si kor loogu ololeeyo/hormariyo qoondada haweenka ee boqolkiiba30. Doorashada Aqalka Sare ayaa ka billaabatay Jubaland. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qabtay shirar joogto ah iyo wadahadalo. Arrimahaaas dhamaantood waa guulo amaan mudan. Waxaan ku baaqaynaa in shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada ay si dhakhso ah horey ugu socoto isla sidii wadar ogolka ahayd. Arrimaha mudnaanta leh ee degdegga ah waxaa ka mid ah: in diyaargarow dheeraad ah oo faahfaahsan loo galo amniga doorashada, in la kala caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaadda haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada. Wadajir waxaa warsaxaafadeedkaan u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh ayaa war ka soo saaray qaraxii galabta Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa, kuwaas oo dhamasho iyo dhaawacyo culus ay soo gaareen. Ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee lagu dilay qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo. Dhanka kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yir, “Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisadu galabta la beegsadeen dhallinyaro ciyaartoy ah magaalada Kismaayo. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland, anigoo dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan. Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay.” Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta magaalada Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa oo la socotay gaari Bus ah. “Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.” Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo kooxaha caadeystay gumaadka hal doorka dadkeenna. “Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed. Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna qoraal uu ka soo saaray qaraxaas waxa uu ku yiri, “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa. waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyna.” Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shacabka iyo dowlad goboleedka Jubbaland uga tacsiyeeyey dhalinyaradii lagu dilay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Kismaayo. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wacad ku maray in mar aan dheereyn laga guuleysan doono nabadiidka caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxaha Argagixisada ah. “Waxaan Dowladda iyo shacabka Jubbaland uga tacsiyaynayaa qaraxii argagaxisadu maanta kala beegsatay Kooxda Kubadda Cagta magaalada Kismaayo. Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo dhalinyaradii ku geeriyootay, inta dhaawacana Allaha caafimaad degdeg ah siiyo Insha’allah. Kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed waan ka guuleysaneynaa kana sifeyn doonaa deegaanada oo dhan. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacab iyo dowladba in aan meel uga soo wada jeesano cadowga ummadda Soomaaliyeed,” ayuu Qoor Qoor ku yiri qoraal uu soo saaray goordhaweed. Ugu yaraan seddax ka mid ah dhalinyaradii la socotay gaariga xilligii la qarxiyey ayaa ku geeriyootay halkaas, sidoo kale dhaawacyada tiro kale ayaa la gaarsiiyey goobaha caafimaadka. The post Farmaajo, Rooble, Axmed Madoobe iyo XASAN oo ka falceliyey qaraxii cayaartoyda appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goordhaw halkaas uu ka dhacay qarax xooggan. Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari ay saarnaayeen koox ciyaarta kubadda cagta oo ka dhisan Kismaayo. Gaariga qaraxa uu haleelay oo bas ahaa ayaa la sheegay in ay xilligaasi saarnaayen ciyaarcayahanada kooxda kubadda cagta JCCI . Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay in kabadan 5 ciyaaryahan ayaa geeriyootay halka tira intaas ka badan ay dhaawacmeen. Qaraxan ayaa ahaa mid lagu aasay wadada hareeraheeda. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Afghanistan)-Wafti heer sare ah oo ka socda Talibanka ayaa Arbacadii gaadhay dalka Shiinaha halkaasi oo uu wadahadal uga bilaamay. Waftigan oo uu hormuud u yahay hoggaamiyaha dhanka siyaasada ee Talibanka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee China Wang Yi iyo xubno kamid ah dowlada China. Shiinaha ayaa xidhiidhkan tooska ah la sameystay Talibanka, xilli lagu wado in Maraykanka uu gebi ahaan ciidammadiisa kala baxo dalka Afghanistan. Talibanka ayaa bilihii lasoo dhaafay dardar geliyey hawlgaladooda, iyagoo la wareegay gacan ku heynta inta badan wadankaasi Afghanistan. China ayaa dhinaca kale dooneysa inay illaalsato maalgashiga mashaariicda ay ka fulisay Pakistan oo ay jaar yihiin dalka Afghanistan, kooxaha Talibanka gacan saarka laleh ayaa hore weeraro ulla beegsaday mashaariicda China ka wado gobalkaasi. Masharuuca China-Pakistan Economic Corridor (CPEC) ayaa ah mid shiinaha lacag badan geliyey iyagoona doonaya in masharuucaasi ay gaarsiiyaan dalka Afghanistan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxammed, oo ka jawaabay eedaymo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe usoo jeediyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in sababta hadalkiisa keentay wakhtigan ay tahay in la furayo ururadii siyaasada oo uu madaxweynuhu saxeexay sidu uu sheegay. “Faysal waayadanba waanu ogayn in uu hadli doono, xanuunka inta ugu badana waa ururadii oo la furay, ilaa maalintii ururada lagu dhawaaqay ee madaxweynuhu saxeexay waxa la lahaa Faysal muxu yidhi?, wakaa shalay hadlay waxa uu ka cadhaysanyahayna waa ururada” ayuu yidhi wasiir Boos Mirre. Wasiirka oo ka jawaabayay eedaynta guddoomiye Faysal ee ahayd in madaxweyne Biixi uu iibsanayo xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in xildhibaannadu ay yihiin dad caqli leh oo wax kala garanaya, isla markaana xor u ah cida ay taageerayaan. “Xildhibaannada sida uu sheegayay qaarna way u tageen qaarna way noo yimaadeen, xildhibaannadu maaha robot, waa dad maskax leh ,halka uu ka arko wanaaga dalka ayuu siinayaa codkisa, wuxuna kala dooranayaa waa musharixiin ee imika xisbiyo la kala dooran maayo” ayuu yidhi wasiir Boos mirre. “Kuwa isaga u tagay ma lacag buu siiyay anagu dad iib ah ma ogin, hadii lacag la bixinayo golaha deegaannada intaaso degmo ayay heleen kuwaa ma lacag ayaa lagu bixiyay?, lacagna laguma bixin lagumana ollolayn” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Boos Mirre. Wasiirka oo ka jawaabay eedaynta ah in golaha wasiirada Somaliland ay shaqadoodi iloobeen oo ay ku mashquuleen xod xodashada xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka ayaa sheegay in wasiiradu ka tirsanyihiin Kulmiye xaqna u leeyihiin. “Wasiiradu xisbi ayay ka tirsanyihiin xaqna way u leeyihiin in ay wax soo helaan, lakiin doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa la galayaa” ayuu yidhi wasiir Boos Mirre. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Khamiistii hadal uu jeediyay ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu cashuurtii shacabka laga qaaday u isticmaalayo in uu ku iibsado xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka taasi oo uu wasiir Boos Mirre waxba kama jiraan ku til maamay. Source
-
(SLT-Pretoria)-Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay go’aankii Midowga Afrika ku ogolaaday in Israa’iil ay dowlad korjooge ah ka noqoto Midowga Afrika. Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil ee u fadhiya dalka Itoobiya, Chad Aleli Admasu. Qoraalka kasoo baxay Waaxda Iskaashiga caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in go’aankan ay kaligood qaateen Komishinka Midowga Afrika iyagoo aan kalatashan 55 waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika. Hadalka kasoo baxay Koonfur Afrika ayaa waxaa sidoo kale taageeray dowlada Aljeeriya. Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalkii dhibaatada badan kala kulmay Israa’iil oo gacan siin jirtay dowladii cunsuriga ahayd ee Apartheidkii kasoo talin jiray dalkaasi. Source
-
Sheekh Dirir: Hadalka Wanaagsan Anfac Aduunyo & Ajar Aakhiro ayaa lagu hela Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ku baraarujiyey inay ereyo wanaagsan warbaahinta, baraha bulshada ama dadka kula hadlaan, si ay anfac aduunyo iyo ajar aakhiro uga helaan, una noqonayo sadaqo sida Nebigu SCW inoo sheegay. Khudbadii Jimcaha maanta (shalay) oo Sheekh Dirir kaga hadlayey raadka uu leeyahay hadalka wanaagsan ayaa sheegay in qofku haduu qowlkiisa iyo qalbigiisu wanaagsanaado inuu wacnaanayo, oo raadka uu ku yeelanayo nafta iyo camalka, sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay in ereyada wanaagsan raga iyo dumarka wanaagsan ay ku hadlaan. Nebigu NNKH markuu ka hadlayey ereyga wanaagsan waxuu sheegay inay sadaqo tahay, sida xadiis micnahiisu yahay “Kelmada wanaagsan waa sadaqo” wanaag ayaad ku heli hadaad erey wanaagsan warbaahinta, baraha bulshada ama dadka ku tidhaahdo. Dhaqankii Nebiga NNKH ayuu ahaa in erey wanaagsan inuu ku hadlo. Sheekh Dirir ayaa sheegay in kelmada wanaagsan janno lagu helo, halka kelmada xun naar ku geyn karto, sida xadiis saxeex ah Nebigu NNKH inoogu sheegay inaynu ka fiirsano ereyga aynu odhanayno “Qofku erey ayuu ku dhawaaqaa, aanu filayn inuu wanaagsan yahay, balse noqda mid Ilaahay SW raaligeliya, markaasuu janno ku muteystaa. Sidoo kale erey xun ayuu ku dhawaaqa, aanu filayn inuu dhibaato keeno, oo naar ku muteystaa” Mar kale Nebigu NNKH isagoo inoo tilmaamaya muhiimada ereyga wanaagsan leeyahay waxuu xadiis saxeex ah inoogu sheegay “Naar ka baqa, xabad lafteedna ha ahaatee, hadii kale erey wanaagsan.” Ereyga wanaagsan dadka oo dhan ayaa lagula dhaqmayaa. Sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay isagoo la hadlaya Nebiga SCW “Adoomadayda gaadhsii inay kelmada wanaagsan ku hadlaan” mar kale Ilaahay SW waxuu inoo sheegay “Dadka oo dhan wax wanaagsan ku dhaha” qof ehel ah iyo mid fog, saaxiib iyo cadow, ereyga wanaagsan kula macaamil. Ilaahay SW waxuu inna faray inaan waalidkeen hadal wanaagsan kula dhaqanno, siduu aayad inoogu sheegay “Hadii waalidkaa gaboobo, erey xun haku odhan, hana huruufin, balse erey wanaagsan ku dheh oo ka farxiya,” Sidoo kale qofka kuu yimaada hadaad wax u karayso iyo hadii kale erey wanaagsan ku dheh “Hadal wanaagsan iyo deeq ayaa ka wanaagsan sadaqo huruuf la socdo,” Sheekh Dirir ayaa sheegay in ereyga wanaagsan loo baahan yahay inuu qofku xitaa xawayaanka kula dhaqmo. Sida qisadu tilmaamayso, Iyadoo safar lagu jiro ayaa haweenay hasheedii kicnaysa, aragtay Nebiga SCW oo ku soo dhowaaday, marka ayey hashii ku tidhi “kac..kac Ilaahay SW ha ku nacdalee? Markaa ayuu Nebigu NNKH ugu jawaabay “Haddaba neef nacdal dusha ka saaran tahay na raaci maysee, ka tag?, haddaba! Ereygii xumaan ee neefka waxay ka macaashtay inay ku weydo. Xitaa dabeysha waa la diiday in la nacdalo. Nin baa dabeyshu maradii ka qaaday, markaa ayuu nacdalay, ka dib Nebiga NNKH ayaa ku yidhi, “ha nacdalin dabaysha Ilaahay SW ayaa soo diraye,” Qof kastoo wax nacdala, hadii aanu gaal ahayn, isaga ayey ku soo noqotaa nacdashii, ayuu Nebigu NNKH sheegay. Sheekh Dirir ayaa sheegay in kelmada wanaagsan raad ku reebto dadka quluubtooda iyo dareenkooda, taasoo asxaabtii Nebigu NNKH dadka ku hanuunin jireen ereyga wanaagsan. Ragii bilowgu uu Nebigu NNKH Madiina u diray waxa ka mid ahaa Muscab binu cumayr, maalin ayuu Saxaabi reer madiina oon weli islaamin u yimi, oo u hanjabay isagoo waran sitay, ka dib Muscab ayaa yidhi, bal erey keliya iga dhegeyso..hadaad jeclaysato na raac, hadii kale waanu iska tegi. Ka dib wacdi kooban ayuu u jeediyey, oo yidhi xor baad tahay, ama qaado ama diid? Markuu aad u dhegeystay ayuu halkii ku islaamay. Haddana Sacad ibnu mucaad oo suldaan ahaa ayaa u yimi oo u hanjabay, ka dibna Muscab ayaa yidhi, bal I yara dhegeyso, intii oo kale ayuu ku akhriyey, isaguna wuu islaamay. Dadkuu Suldaanka u ahaa ayuu ku noqday una sheegay inay islaamaan, ama uu la dagaalamayo, Sacad, ka dibna way wada islaameen. Sheekh Dirir ayaa sheegay in qoyska uu kala kaxayn karo erey lagu dhawaaqay, sida qisadii saxeexa ku sugnayd, ee Nebi Ibraahim CS, oo isagoo muddo ka maqnaa deegaanka inankiisi Ismaaciil, ayuu berri dambe yimi, waxuu kala kulmay xaaskii inankiisa iyadoon garanayn, wuu wareystay, way calaacashay gabadhii noloshayadu waa mid liidata? Wuu noqday Nebi Ibraahim, oo gabadhii ku yidhi ‘Igu salaam Ismaaciil, oo Albaabka fiyaaradiisa bedel ku dheh! Markii ay fariintii u sheegtay Ismaaciil waxuu ku yidhi ‘Waad furan tahay gabadhiisi? Mar dambe oo Nebi Ibraahim soo noqday ayuu gabadhii dambe wareystay, erey bishaaro ah ayey u sheegtay, waxuu yidhi igu salaam Ismaaciil, una sheeg ‘Albaabka fiyaaradiisa deyso’ markaa ereyada xunxun inay qoysaska iyo reeraha kala eryi karaan ogaada. Ilaahay SW munaafiqiinta waxuu ku gaaleeyey ereyo ay ku dhawaaqeen, intay Nebiga SCW iyo asxaabta wax ka sheegeen, kuna tilmaameen fulaynimmo iyo cir-weynaan? Ayuu nin Saxaabi maqlayey Nebiga SCW u sheegay, markii la weydiiyey sababta ay hadalka ugu hadleen waxay ku jawaabeen ‘waan kaftamaynay’ oo dhab ma ahayn. Ilaahay SW ayaa quraan ku soo dejiyey Nebiga SCW “Waxaad tidhaahdaa ma Ilaahay SW, Rasuulkiisa CSW iyo Aayaadkiisa ayaad ku ciyaarayseen, waxba ha cudur-daaraninna, waad gaalowdeen,” Ereygu waxuu noqon karaa mid qofku ku badbaado ama ku halaagsamo. Nin reer miyi ah ayuu Nebigu SCW soo booqday isagoo xanuunsanaya, oo ku yidhi ‘hebelow iska waran, belaayo majirto, Ilaahay SW dembi-dhaaf ha kaaga dhigo’ ninkii intii kuma joogine waxuu yidhi ‘ waa xumad kulul oo odey weyn heshay, oo qubuuraha geyn doonta’ ereyga adag ayuu ku jawaabay, markaa ayuu Nebigu SCW yidhi ‘haye, haddaba’ sidii ayuu ku dhintay. Qiso kale oo xilliyadii dhexe dhacay, nin Kheyre la odhan jiray, oo ereyga kheyr hal-hays u lahaa, wax kastoo loo sheego kheyr Idam Alle odhan jiray, ayaa maalin dambe caruurtiisi u sheegeen in dameerkoodi la dhacay, ‘kheyr Insha alaah’ ayuu yidhi, haddana laba habeen ka dib ayaa la yidhi, eygii reerka ilaalin jirayna waa la dilay, marka ayuu ku jawaabay ‘kheyr Insha alaah’, habeenkii saddexaad waxa loo sheegay in digaagadii la cunay, sidii oo kale ayuu ku jawaabay ‘kheyr Insha Alaah’ muddo ka dib col baa reerahii deegaankii kheyre ku soo duulay? Iyagoo soo dhegeysanayey reeraha dameer, ey iyo digaagad ka ciyeysay? Reerkii kheyre sidii ayey ku nabadgaleen, hadalkii wanaagsanaa ee kheyr faa’iidadeedii ayuu helay. Sheekh Dirir ayaa sheegay in ereyga wanaagsan uu Ilaahay SW aqbalo, oo xagiisa gaadho, sida quraanka inoogu sheegay “Xagiisa ayuu ereyga wanaagsani gaadhaa, camalka wanaagsana wuu idiinka aqbalaa’. Quraanku waxuu tilmaamay in ereyga wanaagsan xidido, laamo iyo midho laga goosto leeyahay, sida tusaale Ilaahay SW inoogu sheegay quraanka, “Ereyga wanaagsan waxuu la mid yahay geed wanaagsan, oo xidido dhaadheer dhulka ugu jiraan, laamahiisuna sare u kaceen, Ilaahay SW idamkiisana midho laga cuno ayuu soo saarayaa markasta.” Ereyga wanaagsan sida uu geed midho laga cuno u noqdo ayuu sidoo kale ereyga wanaagsannina quluubta dadka u gaadhaa oo saamayn ugu yeeshaa, qanciyaa, oo soo jeediyaa, waa furaha quluubta. Ereyadda fiicfiican ee islaamku inoo dhigay inaan ku dhaqanaa waa muhiim. hadalka wanaagsan anfac aduunyo iyo ajar aakhiro ayaa laga helayo. Marka la kulmo ama la kala tegayo ‘Assalaamu calaykum ayaa la inoo jideeyey, marka caruuska loo yimaado ‘Baarakalaahu, wa baaraka calaykum… booqashada qofka xanuusanaya ‘Belaayo kuma haysato, dhib ma jiro, Insha Alaah, dembi dhaaf Ilaahay SW ha kaaga dhigo..marka dhibaato dhacdo ee dadka qaar qayliyaan quraanku waxuu inna baray inaan nidhaahno ‘Inaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun..marka shey ku cajab geliya aragto, intaad cawryi ama xaasidi lahayd waxaad odhan ‘Maashaalaah.. hadaad Ilaahay SW nimco ka hesho ha dafirine, dheh ‘Alxamdulillah..hadii samo-fal laguu sameeyo, ku dheh ‘Jazaakalaah… Nebigu SCW waxuu yidhi qofka ku yidhaahda Jazaakalaah, qof u samo-falay, ducadii wuu ku xeel-dheeraaday. Sidoo kale ‘shukran.. waad odhan karaa, sidii Nebigu SCW u sheegay “Qofkaan dadka u mahadcelin, Ilaahay SW uma mahadceliyo” hadaad qof khalad ka gasho “Raali ahow..waan kaa raaligelinayaa gefkaa.. waa hadalka in badan dadka loogu taag waayey, laba dawladood is qabsaday , laba qabiil ama laba qof oo isku dhimaya, way qaboojinaysaa. Ilaahay SW dhamaanteen ha inna waafajiyee qowlka wanaagsan ku hadalkiisa, aamiin. Mohamoud Ali Freelance Reporter http://www.funca.info/ Hargeisa- Somaliland Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxii galabta ka dhacay magaalad Kismaayo, kaasi oo haleelay Bus ay saarnayeen ciyaartooyda kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo. Gaariga uu qaraxa haleelay oo gebi ahaanba gubtay, waxaana ilaa hadda loo xaqiijiyey Caasimada Online dhimashada 4 ciyaartooy oo kamid ah dhalinyaradii saarneyd gaarigaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacamtay. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qarax ee haleelay gaariga ay saarnayeen Ciyaartooyda, waxay qaarkood sheegayaan in qaraxa lagu xiray gaariga bus-ka ah, halka kuwa kalena sheegayaan in uu ahaa is-miidaamin. Laamaha amaanka ayaa ilaa hadda wada baarista qaraxaas iyo qaabka uu u dhacay. Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dhalinyaradda ciyaartooyda ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Farmaajo ayaa qaraxaas ku macneeyay mid ka marag kacaya sida argagixisada cadow ugu tahay nolshada dhalinyarada Soomaaliyeed. “Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Marka laga imaado qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ee lagu sheegay in qaraxaas ay ka dambeyso Al-Shabaab, ilaa hadda majiro war kasoo baxay kooxda oo ku aadan qaraxa Kismaayo. The post Wararkii ugu dambeeyay qaraxa cayaartoyda ee Kismaayo iyo tirada dhimashada appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Somalia: Climate change and conflict threaten herders Somalia is ranked as one of the most vulnerable countries to climate change by the ND-GAIN Country Index when it comes to its ability to improve resilience GENEVA, Switzerland, July 28, 2021/ — Conflict and the growing climate crisis are pushing herders in Somalia to abandon their way of life, the International Committee of the Red Cross (ICRC) has warned. Erratic weather patterns, droughts and floods have taken their toll on Somali pastoralists, while conflict, COVID-19 and the recent locust infestations have made matters worse. Stark new footage from the East African nation lays bare the struggles facing herders. Ahmed Mohamud, a herder, said he has lost 50 of his 70 camels while other herders have lost all their livestock. “There’s no food. The ground is dry,” he said. “This country is known for its refugees. If you lose your animals, you sign up as a refugee, that’s what we say. So, there are many people who lost their animals and signed up as refugees.” Dwindling herds have become commonplace as vegetation, a source of food for the animals, becomes harder to find. The recurrent nature of climatic shocks, such as droughts and floods, mean herders have little chance to recover. The instability created by conflict further weakens their ability to adapt and find alternative grazing areas. Mohamed Hassan Gure, another herder, said: “The latest drought, 2021, is the one that destroyed the animals. Before they recovered from the previous drought they were hit by others. Like the locusts. The locusts ate the pastures. “So the animals did not get anything to eat and that is how they died. There was nothing to give them. They didn’t have anything to feed on. We were left with 50 animals. Out of the 50, 30 were killed by the rains. Now 20 are left.” He added: “Only God knows, but we wonder whether our way of life is in danger. If the droughts continue and the animals get fewer, this way of life is in real danger.” The frequency of climate-related crises in Somalia is increasing. More than 30 climate-related hazards, including droughts and floods, have hit the country since 1990 – a threefold increase compared to similar events between 1970 and 1990 (OCHA). The recurrent nature of such events makes recovery difficult for communities. Somalia is ranked as one of the most vulnerable countries to climate change by the ND-GAIN Country Index when it comes to its ability to improve resilience. Three decades of conflict have weakened the country’s institutions and left some 2.9 million people internally displaced. Competition over scarce natural resources can also increase tensions leading to violence. “Somalia is a perfect case of [the] disastrous consequences of the combination between climate change and conflict. And how climate change and conflict are working together to worsen an already disastrous humanitarian situation,” said Abdallah Togola, who heads up ICRC’s economic security program in Somalia. “These extreme weather events due to global warming, climate change, are droughts, floods and cyclones. All these factors now are more frequent, first, and are worse in terms of intensity.” The ICRC has supported more than 11,000 families who were left in a precarious situation following the prolonged dry season in Somalia this year. As part of its support, cash grants totaling nearly CHF 900,000 have been sent to these families to help them cope with the harsh conditions and loss of livelihoods. Distributed by APO Group on behalf of International Committee of the Red Cross (ICRC). SOURCE International Committee of the Red Cross (ICRC) Qaran News
-
Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhintay 9 kalana waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay isgoyska Golol xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo 4 ruux ee dhamashadooda la xaqiijiyay 3 kamid ah waa ciyaartoy ka tirsan kooxda Rugta Gancsiga Jubaland (JCCI) halka ruuxa kalana yahay darawalkii gaari u waday. Kooxda ayaa ku sii jeeday garoonka ciyaaraha Kismaayo ee Waamo oo muddooyinkii dambe dhisme ku socday, galabtana sida la sheegay uu xariga ka jari lahaa madaxweynaha Jubaland. Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullhaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciyaartoyda, waxayna weerarka ku eedeeyeen Al-shabaab, iyagoo ku tilmaamay xasuuq. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan qaraxyada ka dhaca Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Koox Ciyaartoy ah oo qarax lagu laayay appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalad Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax xoogan, kaasi oo oo lala eegtay gaari Bus ah oo ay saarnayeen Ciyaartooy. Ciyaartoyda saarna Buska ayaa waxay ahaayeen kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online. Gaariga uu qaraxu haleelay ayaa gebi ahaanba gubtay, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin. Waxaa goordhoweyd gaaray goobta Qarax uu ku haleelay gaariga Laamaha amaanka iyo kooxaha gurmadka deg deg ah oo ayagu bilaabay samata-bixinta ciyaartooyda. Wixii faah-faahin ah isha ku hay Caasimada Online. The post DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
F.C.Waraabe Waxa uu ka qaylinayaa waxa weeyaan Ururadii ayaa la furayaa….Wasiir Boos Mire Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxammed, oo ka jawaabay eedaymo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe usoo jeediyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in sababta hadalkiisa keentay wakhtigan ay tahay in la furayo ururadii siyaasada oo uu madaxweynuhu saxeexay sidu uu sheegay. “Faysal waayadanba waanu ogayn in uu hadli doono, xanuunka inta ugu badana waa ururadii oo la furay, ilaa maalintii ururada lagu dhawaaqay ee madaxweynuhu saxeexay waxa la lahaa Faysal muxu yidhi?, wakaa shalay hadlay waxa uu ka cadhaysanyahayna waa ururada” ayuu yidhi wasiir Boos Mirre. Wasiirka oo ka jawaabayay eedaynta guddoomiye Faysal ee ahayd in madaxweyne Biixi uu iibsanayo xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in xildhibaannadu ay yihiin dad caqli leh oo wax kala garanaya, isla markaana xor u ah cida ay taageerayaan. “Xildhibaannada sida uu sheegayay qaarna way u tageen qaarna way noo yimaadeen, xildhibaannadu maaha robot, waa dad maskax leh ,halka uu ka arko wanaaga dalka ayuu siinayaa codkisa, wuxuna kala dooranayaa waa musharixiin ee imika xisbiyo la kala dooran maayo” ayuu yidhi wasiir Boos mirre. “Kuwa isaga u tagay ma lacag buu siiyay anagu dad iib ah ma ogin, hadii lacag la bixinayo golaha deegaannada intaaso degmo ayay heleen kuwaa ma lacag ayaa lagu bixiyay?, lacagna laguma bixin lagumana ollolayn” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Boos Mirre. Wasiirka oo ka jawaabay eedaynta ah in golaha wasiirada Somaliland ay shaqadoodi iloobeen oo ay ku mashquuleen xod xodashada xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka ayaa sheegay in wasiiradu ka tirsanyihiin Kulmiye xaqna u leeyihiin. “Wasiiradu xisbi ayay ka tirsanyihiin xaqna way u leeyihiin in ay wax soo helaan, lakiin doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa la galayaa” ayuu yidhi wasiir Boos Mirre. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Khamiistii hadal uu jeediyay ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu cashuurtii shacabka laga qaaday u isticmaalayo in uu ku iibsado xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka taasi oo uu wasiir Boos Mirre waxba kama jiraan ku til maamay. Qaran News
-
Sacuudiga Oo Fasaxay Dalxiiska Iyo Soo Gelidda Dalkiisa! Makkah Al-Mukarramah, Qaran News Hay,adda Dalxiiska Boqortooyada Sacuudiga Oo Ku Dhawaaqday Laga Bilaabo Maalinta Axadda Bisha August 01,2021 = Dul Hajj 22,1442 In Dalka Uu U Fasaxan Yahay Dalxiisayaasha Caalamka Ka Imaanaya Iyo Dadka Haysta Fiisaha Dal Ku Gal Ah Qofka Soo Galaya Waxaa Looga Baahan Yahay 1. Caddayn Inuu Qaatay Labo Tallaalka Caabuqa Karoona Iyo 2. Baaris PCR Oo Caddayn U Ah Inuusan Qabin Cudurka Karoona Feyruska Muddo 72 Saacadood Ka Hor Inta Uu Soo Gelin Dalka Sacuudiga, Loomana Baahna Karantiin Toos Ayuu Magaalada Qofku U Geli Karaa Ali Sheikh Adam Qaran News
-
Jubbaland, ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee bilowda qabashada doorashooyinka xubnaha aqalka sare dowlada federaalka ee dowlad goboleedyada ka imanayo, hayeeshe waxaa la yaab ah in doorashada oo ay codeenayeen Baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo ay doorteen Ragg doornaa oo madaxtooyada Axmed Madoobe laga soo amray doorashadooda. Guddiga doorashada heer dowlad gobboleed ee Jubbaland ee kol hore Axmed Madoobe uu magacaabay ayaa horey u soo kala reebay liiska tirada aqalka sare ee Jubbaland ay leedahay, kaliya afar kursi bay musharixiinta u tartameesay magacyadooda shaaciyeen oo doorashadooda qabteen, maxaa loo dib dhigay kuraasta kale magacaabistooda waa su’aal furan oo jawaabteedu aan wada dooneeno, hayeeshe imika jawaabta suaashaasi yeynaa waqti badan ku bixin. Afarta Xildhibaan ”Senetaro” ee la sheegay inay kuraasta ku guuleesteen mid mooye saddexda kale waa saaxiibada dhaw ee Madaxweyne Axmed Islaan, waana raggii kuraasta ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay, afarta kursi ee Kismaayo tartankeeda lagu qabtay mid walba waxaa musharaxii horey ugu fadhiyay oo Madaxtooyada Kismaayo ay wadatay lagu lamaanshay qof la sheegay inay la tartami doonaan, hubaal se ay aheyd inay ahaayeen boosas buuxiyayaal malxiisinayay galbinta kursiga. Waa macquul inaad la yaaban tahay sida dhaqsiyaha ah ee aan musharixiinta ugu arkay inay kuraasta ka yihiin malxiisayaal ” Malxiis, soomaalida dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa midka/mida, barbar istaago caruuska/sadda habeenka aqal galka, malaha wehel baa looga dhigaa ragg/dumar way wada noqdaan. Cabdulaahi Sheikh Ismacil ”Farataag”, Iftiin Xasan Baasto iyo ilyaas Badal Gaboose ayaa ku soo baxay kuraasta aqalka sare, muuqaalka wuxuu ahaa rag u eg kuwa tartan galayay, se xaqiiqdu waxay aheyd in Madaxtooyada Axmed islaan ay si sandula ugu qasabtay Baarlamaanka wax dooranayay. Labada nin ee hore mid walba wuxuu saaxiib dhaw la yahay Madoobaha Kismaayo, waxayna qeyb ka ahaayeen dhibaatooyin ahli ah oo deegaankaasi ka dhacay, Ilyaas Gaboose oo ninka saddexaad ah isagu horey wuxuu u soo noqday gudoomiyihiin Jubbooyinka ee dowladii Cabdulaahi Yusuf, wuxuuna ehel iyo saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waa macquul inaad is leedahay qoraaga muxuu cinwaan uga dhigtay ” Ragguu Madoobe doortay buu baarlamaanka Jubbalan doortay”, aan ku siiyo dhowr sababood iyo dhacdooyin aan goob joog u aheyn ee quseeyo baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo. Asalkaba sida aan naqaano xubnaha baarlamaan dowlad goboleed ama heer federaal marka la dooranayo waxay matalaan beelo ama qabaail hadba sida aad u garan og tahay, maadaama awood qeybsiga dowladnimo ee waddanka ay sees u tahay qabaa’il ka inay kuraastooda soo xushaan laakiin taa caksigeed xulashadii Baarlamaanka Jubbaland, Axmed Madoobe isaga ayaa lahaa. Si kale aan kuugu sheego Qabiil walba wuxuu faray in kursigooda ay u keenaan saddex qof oo uu isaga kursiga siin doono midkuu doonayo, sidaa buu ku soo xushay Xildhibaano isaga hoostaga. Baarlamaanka Jubbaland ma yeesho kulamo dhameestiran, lama xisaabtamo wasiirada Axmed uu magacaabay, ma keeno ajande iyo qorshe baarlamaani ah oo u gooni ah, xeer hoosaad iyo sharci ay meel mariyeen oo nidaamka jiro ay kula xisaabtamaan ama u dirayaan fulinteeda ma jirto oo waligeedba may dhicin, si qarsoodi ah baa loo codeenayay oo doorashadu ku dhacday hayeeshe taasi waa muuqaalka guud ee cabirka dadka lagu qaldayo, xildhibaanada mid walba si gooni ah baa loogu sheegay inay hebel u codeeyaan, qofkii diidmo sameeyana uu weyn doono xasaanadiisa iyo xubinimadiisa baarlamaaneed. Waxa Kismaayo ka dhacay waa nin doornaa un hala doorto.. W/Q: Fatuma Yasin Omar fatumayasin2019@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post “Ragguu Axmed Madoobe doortay buu baarlamaanka doortay” appeared first on Caasimada Online.
-
Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble today (29, July) met the UK Prime Minister Boris Johnson in the margins of the Global Education Summit held in London. The summit seeks to raise at least $5bn across five years to transform education in the world’s most vulnerable countries including Somalia, giving 175 more million children the chance to learn. During the meeting, Prime Minister Johnson lauded Prime Minister Roble for his leadership in the upcoming elections, and urged the rapid delivery. Mr. Johnson reiterated the UK’s support to a timely and credible elections. The two leaders also discussed the education sector in Somalia. Access to education in Somalia is low. The UK’s Girls’ Education Challenge programme has supported over 100,000 Somali girls access primary school, accelerated basic education and non‐formal course tailored to their needs. We recently announced additional contribution through a $15 million partnership with USAID, which will support a further 40,000 Somali girls. Prime Minister Roble also met the UK Foreign Secretary Dominic Raab, where they discussed Somali elections and regional security. The British Ambassador to Somalia, Kate Foster, said: “I’m very pleased that Prime Minister Roble was able to attend the Global Education summit and meet Prime Minister Johnson. Without access to schooling and effective teaching, many children are at risk of falling behind and dropping out of education permanently. The UK will continue to asupport Prime Minister Roble and the Somali government in their commitment to ensuring Somali children have access to good education.” The two leaders also held discussions on progress towards the upcoming elections slated for October. Somalia is also one of the countries most affected by climate change, despite contributing so little to global emissions. Challenges such as flooding and droughts drive displacement, which in turn generates further climate vulnerability. While in London, Prime Minister Roble also met the UK’s COP26 envoy Dr John Murton and the UK Special Envoy for Famine Prevention and Humanitarian Affairs, Nick Dyer. They discussed the risk humanity faces from climate change and underscored UK support for communities in Somalia affected by climate change The UK has committed over $600million of new UK aid for GPE which will go towards helping the 1.1 billion children across these countries over the next five years. Since its establishment in 2002, GPE has contributed to getting 160 million more children into school including doubling of girls’ enrollment in the countries they work in. The post Somali PM attends Global Education Summit, meets UK Prime Minister Johnson appeared first on Caasimada Online.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.. Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee howl-gala Aaga u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Xubnaha isisoo dhiibay ayaa la sheegay in lagu wareejiyey Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqan celinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug. Saraakiishaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare iyo Mowliid Cumar faarax (Ciro) ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen Al-Shabaab, iyagoo Codsaday in la cafiyo. Sidoo kale saraakiisha soo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-Shabaab looga saarayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan. Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Al-shabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragaan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan. Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka waday deegaano hoostaga maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen. Howlgalka ugu xooggan ayaa wuxuu ka socdaa Gobolka Mudug, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray deegaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen bilooyinkii ugu dambeeyey, waxayna ciidamada Dowladda ku wajahan yihiin Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. The post DF oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa-soo dhiibay appeared first on Caasimada Online.
-
Rag ceel qodayay oo si lama filaan ah u helay dhagax jooga 100 milyan oo Dollar Masuuliyiinta dalka Sri Lanka ayaa sheegay in dalkooda laga helay dhagax qiimo ahaan jooga 100 milyan oo dollar. Dhagaxa ayaa la sheegay in ay heleen shaqaale qodayey ceel ku yaal meel aan ka fogayn gurigooda oo ka tirsan deegaanka Ratnapura. Khuburada ayaa sheegaya in dhagax oo midabkiisu uu yahay buluug lagu qiyaasay in qiimo ahaan uu caalamka ka joogo 100 milyan oo dollar. Dhagaxan oo culayskiisu uu yahay 510 kilogram ayaa lagu magacaabaa “Serendipity Sapphire”. “Ninkii qodayey ceelka ayaa nagu war geliyey dhagaxan ka duwan dhagaxaanta kale. Markii dambe ayaan ogaannay in uu yahay dhagax qaali ah,” ayuu BBC-da u sheegay Gamage, oo ah mulkiilaha dhagaxa. Ninkan ayaa ka gaabsaday inuu sheego magaciisa oo dhammaystiran ama goobta uu ku sugan yahay sababo dhanka ammaanka ah awgood. Gamage, oo ah dadka macdanta qoda, ayaa masuuliyiinta ku war geliyey dhagaxa uu helay, balse muddo sannad ka badan ayay qaadatay in dhagaxa laga nadiifiyo dhoobadii iyo carradii dul saarnayd si loo baaro oo loo xaqiijiyo. Intii uu socday hannaanka nadiifinta, ayaa Gamage waxa uu sheegay in qaar dhagxaanta ka mid ah ay noqdeen nooca qaaliga ah ee sapphire-ka loo yaqaan. Ratnapura, oo macnaheedu yahay magaalada dahabka ah ee luuqada Sinhalese, waxaa loo yaqaan caasimadda macdanta ee dalkaas ku yaal Koonfur-bari Aasiya. Dhagaxyo kale oo qaali ah ayaana horay loo helay. Sri Lanka ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya dhagxaanta kala duwan ee qaaliga ah. Sannadkii hore, wuxuu dalkaasi nus bilyan dollar ka helay iibinta dhagxaanta qaaliga ah iyo dheemanka. “Waligay ma arag dhagax sidaas u weyn hadda ka hor. Waxaa dhagaxaan uu samaysmay qiyaastii 400 oo milyan oo sano ka hor,” ayuu yidhi Dr Gamini Zoysa, oo cilmiga jiyoolajiga ku takhasusay. Baadhitaanka ayaa imaanaya iyadoo waaxda macdan qodista ee Sri Lanka uu soo food saaray khasaaro ba’an oo ka dhashay dhibtaada cudurka safmarka ah ee Covid-19. Qaran News
-
Hargeisa (PP News Desk) — The Chairman of Somaliland opposition party UCID Mr Faisal Ali Warabe has accused Somaliland President l Muse Bihi Abdi of resorting to divisive tactics to secure nomination of the Parliamentary Speaker for his party. “It is deplorable that the government is using the taxpayer’s money to divide the opposition party and strike a deal separately with UCID MPs to ensure that the new speaker comes from the ruling party” said Faisal. UCID Chairman Faisal A. Warabe UCID Chairman alleged that President Bihi had told the International Community that “the two leaders of the opposition parties are related and had formed an alliance against his government. What is more, President Bihi persuaded UCID MPs who are related to him by subclan to vote for his preferred candidate for parliamentary speakership ” added Faisal. UCID and Waddani, two opposition parties, have collectively won the largest number of parliamentary seats and local government councillors during concurrent parliamentary and local government elections held one month ago. © Puntland Post, 2021 The post UCID Chairman Accuses Somaliland President of Underhanded Tactics appeared first on Puntland Post.
-
Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo Muqdisho (Caasimada Online) – Tartanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sanadkan u dhaco si ka duwan sidii hore, ayada oo ay muuqato inuu isbeddel ku yimid habkii lacagaha loogu bixin jiray coadka xildhibaanada dooranaya madaxweynaha cusub. Doorashooyinkii tan ka horreeyeey, oo ay ugu dambeysay tii lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lacag tobanaan kun oo dollar ah lagu iibsanayey codka xildhibaankiiba. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu min 25 kun oo dollar ku gatay codadka 70-kii xildhibaan, ee uu kaga soo gudbay wareeggii kowoaad ee doorashadii 2017, kahor inta aanu si bilaash ah ku helin codadka xildhibaanadii diidanaa Xasan Sheekh, ee ka dhigay madaxweynaha. Si kastaba, inkasta oo weli la rumeysan yahay inaanay huri doonin in la iibsado codadka xildhibaanada, haddana musharaxiinta madaxweynaha ayaa sanadkan adeegsanaya xeelad ka duwan tii aan baranay sanadihii hore. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Musharaxiinta madaxweynaha ayaa ka shaqeynaya inay xaqiijiyaan in marka horeba ay xildhibaano noqdaan siyaasiyiin ku aragti iyo xeendaab ah, si aysan gadaal dambe lacag ugu bixin iibsashada xildhibaan aan la isku haleyn karin. Arrintan ayaa loo sababeynayaa laba qodob oo kala ah: 1 – Aaminaad la’aanta xildhibaanada: Doorashooyinkii hore, oo ay ugu dambeysay tii 2017, waxaa dhacday in xildhibaano badan aysan codadkooda siin musharaxiin ay lacago ka qaateen, oo ay isku haleynayeen, kuwaas oo ku ballan-furay. Xaqiiqda ah; in codka uu yahay mid sir ah, oo aan marnaba la ogaan karin musharaxa uu xildhibaanka u codeynayo, ayaa fududeyneysa in xildhibaanku uu musharax ama dhowr musharax lacag ka qaato, kadibna codka siiyo midka uu aragti ahaan ama qabiil ahaan taageersan yahay. Arrintan ayaa ku dhacday musharaxiin uu ka mid ah yahay Xasan Sheekh Maxamuud, oo sida la rumneysan yahay isku haleynayey codadka xildhibaano ku dhow laba boqol, balse kusoo dhammaaday dhowr iyo sideetan. 2 – Lacag la’aan xooggan oo haysata musharaxiinta: Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan ayaa badankood wajahaya lacag la’aan xooggan, ayada oo badankood ay ku sugan yihiin xaalad quus ah, oo iska daa inay codad iibsadaan’e, xitaa la xarbinaya inay iska bixiyaan biilasha iyo qarashaadka maalinlaha ah ee xooggan ee ku baxa. Lacag la’aanta ayaa waxaa ugu wacan ayada oo inta badan dalalkii lacagaha siin jiray musharaxiinta, oo ay ugu weyn yihiin kuwa Carabta ay sanadkan albaabada ka xirteen musharaxiinta, oo ilaa iyo hadda ay diidan yihiin inay lacag bixiyaan. Dalalka Carabta ayaa sababta ay albaabka u xirteen lagu sheegay laba qodob oo kala ah; inay weli shaki ka qabaan in dalka doorasho ka dhici karto, iyo in doorashooyinkii hore ay lacago ka qaateen musharaxiin aysan dhab ka aheyn inay xilka madaxweynaha dagaal u galaan. Inkasta oo laga yaabo in lacagaha ay xilli dambe soo fasaxaan, haddana waxay albaab xirashadoodu qasabtay in musharaxiinta ay cayaaraan xeelado kale. Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta madaxweynaha ayaa sanadkan xoogga saaraya inay xaqiijiyaan inay soo baxaan xildhibaano taageersan, oo la isku haleyn karo, si ay uga baaqsadaan inay gadaal dambe lacaga ka bixiyaan iyo in lagu ballan-furo. Xeeladdan ayaa shaqeyn karta, sababtoo ah, xildhibaanada hadda kuraasta ku fadhiya badankood uma baahnaa inay lacago bixiyaan, ayaga oo adeegsanayaa saameynta ay ku leeyihiin madaxda maamul goboleedyada qaarkood. Madaxweyne Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu yahay musharaxa ugu dhaqaalaha roon, maadaama uu lacagtii dowladda iyo qaranka gacanta ku haysto, ayaa sidoo kale ku dadaalaya inuu soo saarto xildhibaano u badan kuwa cusub, xilli la rumeysan yahay in xildhibaanada hadda kursiga ku fadhiya badankood aysan taageersaneyn. Farmaajo ayaa qorshihiisu yahay inuu soo saarto in ka badan boqol xildhibaan oo u badan kuwa kasoo galaya Somaliland, beesha shanaad, beesha uu kasoo jeedo, iyo xildhibaanada laga soo dooranayo Koonfur Galbeed. Soo bixitaanka xildhibaano badan oo cusub, ayaa rajo siineysa Farmaajo, halka soo laabashada xildhibaanada hadda jira badankood ay sii wiiqeyso rajadiisa, islamarkaana xoojineyso suurta-galnimada ah in madaxweyne cusub yimaado. Wax ay ahaataba, xilli la rumeysnaa in codadka xildhibaanada doorashada soo socota uu midkiiba gaari karo boqol kun oo dollar, waxaa hadda muuqata suurta-galnimo ah in doorashadan ay codadka xildhibaanadu noqdaan kuwii ugu qiimaha jabnaa. The post Xeelada doorashada 2021 oo aad uga duwan kuwii hore appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed ay si wadajir ah u soo agaasimeen EISA iyo Goobjoog News ayaa looga hadlay Dhiiragelinta Haweenka Musharaxiinta ah iyo Sare u qaadista ka Qeybgalka Haweenka Doorashada 2021. Ayaa hada socota Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti Sharaf ay ka mid yihiin Ugaas Daahir Dhag-naas oo ka mid ah odayaasha dhaqanka, Ugaas Maxamed Bashiir oo isna ka mid ah odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada BJFS, Muna Xasan Maxamed oo iyado sanadkaan u tartameysa xilka xildhaabino ee Golaha shacabka iyo Murashax xildhibaan Mako oo iyadana ka mid ah musharixiinta sanadkaan baarlamaanka u dartamaya. Odayaasha dhaqanka ayaa bilawga dooda waxa ay sheegen in Haweenka sanadkan ay ku dadaalayaan sidii ay ku soo bixi lahayeen loona ilaalin lahaa qoondadooda. Ugaas Daahir Dhag-naas ayaa sheegay in loo bahan yahay in kuraasta haweenka meel loo dhigo oo aysan cidna ka isku dayin in ay ka dhacdo, isagoo sheegay in odayaasha uu isaga ka mid yahay ay kuraasta gabdhaha ku soo dhaweynayaan. ” Gabdhaha waxaan dhahaya Gabdhaeennow ha is liidinina annaga waan idin soo dhaweyneynaa” ayuu yiri Ugaas Daahir Dhag-naas. Dhanka kale Ugaas Maxamed Bashiir ayaa sheegay in inta badan gabdhaha ay kuraasta ay ka qaataan ragga, isagoo sheegay in gabdhuhu ay ku dhax dulman yihiin ragga qaba iyo ragga ay ka dhalatay. ” Gabdhaha waxa wax ka boobo waa ragga ay u dhaxday iyo kuwa ay ka dhalatay, gabadha ragga ay ka dhalatay waxa ay yiraahdaan kursigeenna cid kale u geyn meysid, kuwa ay u dhaxdana waxa ay yiraahdaan inaga nagama dhalan, halkaas ayeeyna gabadha ku luntay xaqeedii”. Marwo Mako oo sanadkan ka mid ah musharixiinta xildhibaanada ayaa dhankeeda ugu baaqday in ay gabdhaha si sax ah siyaasadda u soo galaan. ” Gabdhuhu waa in ay si sax ah siyaasadda u soo galaan oo ay dhegaha ka fureystaan kuwa dhahaayo reerkaada gabar ma ogola” ayeey tiri Marwa Mako. Dhinaca Kale Muna Xasan ayaa dhankeeda ugu baaqday gabdhaha in ay bixiyaan lacagaha laga rabo oo aysan isku mashquulin qarashkaa nagu badan . ” Haddii aan gabadha aaney awoodin in ay shanta kun ee dolar, waa inay iska joogto gurigeeda, ma ahan in laga doodo shanta kun waayo waxa aan raadineyno ayaa ka weyn” ayeey tiri Muna Xasan. Muna ayaa sidoo kale intaas hadalka intaas hadalkeeda ku sii dartay in gabdhaha ay yihiin gabdho adag maadama ay ragga wax kula tartamayaan. ” Gabdhaha Soomaaliyeed waa gabdho adag, haddiiba ay kursi ka soo doonteen beelaha Soomaaliyeed oo la ogyahay halka ay ka joogto gabdha” Goobjoog News Hoos Ka Daawo Doodda OO Dhameystiran Source: goobjoog.com
-
Somalia is recovering slowly from its long drawn civil war, which is still continuing, albeit, at a lesser intensity. It would appear to have moved to a continuing bickering between politicians, which is completely sidelining the very reason for which the civil war started - the removal of a dictatorship and putting in its place a more balanced governing system to reflect the ages-old pastoral democracy of the Somali nomad. The banking system, the subject of this paper, along with all other aspects of Somali life is also coming back to shape, although it appears it has a long way to go before we can truly speak of a Somali banking system. The regulatory framework of this financial system and /or its absence is the subject of this paper. Source: Hiiraan Online
-
Buulo Burte (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gaaraya 31-ruux lagu dilay howlgal ka dhacay Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan. Gen. Tareedishe waxa uu tilmaamay in ay furteen hub ay wateen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo kala ah 14 qori oo ah AK-47, hal qori oo ah BKM (Qoryaha Siliska leh), ilaa haatan howlgalkana uu ka socdo Degmada Buulo Burte. Taliyaha ayaa intaas ku daray in howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka ujeedkiisu yahay sidii go’doonka looga qaadi lahaa Buulo Burte oo muddo dheer ka xayiran isu socodka Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan. Bartamihii July 2021, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa Degmada Buulo Burte ka dhigay taliska ugu weyn ee qaybta 27-aad CXD si looga qaado duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabay Gobollada Dalka gaar ahaan Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Galgaduud, Mudug, Jubada Hoose, Gedo, Jubada Dhexe, Bay & Bay xili dalka uu galay xaalad Doorasho. Howlgalka ugu xooggan ayaa wuxuu ka socdaa Gobolka Mudug, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray deegaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen bilooyinkii ugu dambeeyey, waxayna ciidamada Dowladda ku wajahan yihiin Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Magaalada Xarardheere oo ah magaalo ganacsi badan leh ayaa waxaa dhowr sano gacanta ku hayo kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay inuu halkaas kasoo galo dhaqaale xoog leh oo ka caawiya dhaq-dhaqaaqyada ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Mudug. Degmadaan waxaa ka jira ganacsi ballaaran oo dhinaca dalagyada beeraha kasoo baxa, xoolaha iyo weliba kalluumeysiga oo ah qeybta ugu weyn ee lacagta adagi kasoo gasho dadka deegaanka. Waxey dagmo noqotay 1972, waxaana ka noqday guddoomiyihii ugu horreeyay Abdi Dheere, magaaladan waa magaalada kaliya ee waxyaabihii danta guud wali ay yihiin dan guud, sidii Isbitaalka, wakaalada Biyaha, Iskuulka degmada, saldhiga booliska, Gurigii martida iyo wax kasta oo dan guud ahaa. The post Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Hiiraan appeared first on Caasimada Online.