Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A man, who allegedly punched and threw a Somali national into the sea to the cheers of a crowd of onlookers at Mgarr harbour days ago, was denied bail upon his arraignment on Thursday. Source: Hiiraan Online
  2. A Somali woman whose father and brother were murdered by the Islamist militant group Al Shabab faces deportation from Denmark. Source: Hiiraan Online
  3. A senior member of al-Shabab on Wednesday surrendered to government forces in Garbaharey, a town located in Southern Somalia, an official confirmed on Thursday. Source: Hiiraan Online
  4. Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble today (29, July) met the UK Prime Minister Boris Johnson in the margins of the Global Education Summit held in London. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga billaabatay magaalada Kismaayo oo lagu doortay afartii senator ee ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, ayada oo Jubaland ay noqotay maamulkii ugu horreyey ee meesha ka saaray shaki kasta oo ku saabsan in dalka ay doorsho ka dhici weyso. Doorashada Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftin Xasan Baasto, Ilyaas Bedel Gaboose iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, ayaa wax badan ka tusmeyneysa awoodda madaxweyne goboleedyada iyo saameynta musharaxiinta madaxweyne. Ha la dagaalin madaxweyne goboleedkaaga Casharka ugu koowaad ee aan doorashada ka baran ayaa ah in haddii aad tahay xubin ka tirsan Aqalka Sare, oo aad dooneyso in dib laguu soo doorto, aysan kuu furneyn waddo aad kula dagaasho madaxweyne goboleedka deegaan doorashadaada. Laba ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee waqtigoodu dhammaaday ayaa kuraastaada ku waayey dagaal ay la galeen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo inay la safteen Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa waayey kuraastooda kadib markii laga saaray liiskii uu 27-kii bishan soo gudbiyey Axmed Madoobe. Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow ayaa waxaa kuraastooda u tartamay mudaneyaal cusub. Kursiga uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Xaashi Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay. Axmed Xaashi Maxamuud ayaa xiligii uu taagnaa khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland la saftay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo si weyn ay isku hayeen Axmed Madoobe, taasi oo keentay inuu daaqadda ka baxo. Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow), waxaana kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed. Faadumo ayaa ka mid aheyd xubnihii sida weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo ee dagaalka la galay Axmed Madoobe, taasi oo ay heshay natiijadeeda. Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka, in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa, marka laga reebo kuraasta Somaliland, oo ayagu soo xulaan odayaasha dhaqanka. Sidaas darteed, senator kasta oo rajo ka leh in dib loo soo doorto, ama siyaasi kasta oo kursi Aqalka Sare ah raadinaya, ma lahan ikhtiyaar ay kaga horyimaadaan madaxweyne goboleedka deegaan doorashadooda. Saameynta musharaxiinta madaxweyne Casharka labaad ee aan ka baranay doorashadii Aqalka Sare ee Kismaayo ayaa ah, inay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda. Inkasta oo ay tartameen xubno raadinaya inay noqdaan Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya. Laba ka mid ah Senetarrada oo kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xubno firfircoon ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyneihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha 2021. Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jubada Hoose, ayaa sidoo kale lagu warramay inay saaxiib dhow yihiin madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale xog ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijineysa Cabbdirisaaq Maxamed Cusmaan uusan aragti ahaa ka fogeyn xisbiga UPD. Arrintan ayaa ka dhiggan in xubnaha Afarta ah ee shalay soo baxay ay aasaas u yihiin codadka uu Xasan Sheekh ku tashanayo doorashada la qorsheeyay October, inkasta oo afar cod aysan waxba goyn, oo boqolaal cod ay tahay inuu diyaarsado Xasan Sheekh. Qeybta hore ee tartanka doorashada u dhaxeysa musharraxiinta miisaanka culus ayaa waxaa lagu kala garan doonaa soo awoodda soo saarista xildhibaannada labada aqal ee ka tirsan taageerayaashooda, halka musharraxiinta aan rajada badan lahayn ay sugi doonaan xodxodashada xildhibaannada soo baxa, taa oo aan u muuqan in ay wax ka baddaleyso miisaanka doorashada. Doorashada Kismaayo ka dhacday ayaa sidoo kale muujineysa sida ay isugu dhow yihiin Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha Jubaland uu ugu abaal-gudayo madaxweynihii hore ee dalka, dagaalkii uu u galay markii uu cadaadiska xooggan kala kulmayey Villa Somalia. The post Laba cashar oo muhiim ah oo aan ka baranay doorashadii Aqalka Sare ee Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Aadan Kulane oo dhowaan uu xilka ka qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Fahad Yaasiin uu Cabdullaahi Aadan Kulane oo hore u ahaa madaxii shaqaalaha NISA u magacaabay kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee hay’addaasi. Ra’iisul Wasaare ayaa qoraal xafiiskiisa kasoo baxay 23-kii July oo uu xilka uga qaaday Kulane ku yiri “”Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.” Magacaabista xilka cusub ee Kulane, ayaa weli kusii haynaysa hay’adda NISA, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow Fahad ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin wax Kulane u diidaya inuu xil kale qabto. “Kulane qalad uu galay ayaa xil looga qaaday, mana jirto meel ay ku qoran tahay in xil kale uusan qaban. Imisa wasiir ayaa horey xilal looga qaaday, oo haddana mar kale wasiiro ama ku xigeeno loo magacaabay?,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online. Fahad ayaa xilka agaasimaha madaxa shaqaalaha NISA ee laga qaaday Kulane u magacaabay Cabaas Yacquub. The post Xog: FAHAD YAASIIN oo xil cusub u magacaabay Kulane appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gudiga doorashada heer federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland, taasi oo lagu doortay Afar kamid ah Senator-da maamulkaas ee Aqalka Sare. Guddoomiye Maxamed Cirro oo la hadlay VOA-da ayaa bogaadiyey hanaankii ay u dhacday doorashadaas, isagoona ku tilmaamay “doorasho cajiib ah oo waqti kooban ku qabsoomtay”. “Meesha dadaal badan ayaa ka muuqday, guddoonka iyo xubnaha baarlamaanka ee doorashada qabanayay aad bey isku abaabuleen, markaa tartanku wuu wanaagsanaa, waxaana cajiib aheyd ugu yaraan in waqti intaa le’eg ay howsha ku qabsoomto farsamo ahaan, sida amaanka loo sugay iyo sida howshu u agaasineed wax qiimo badan ayey aheyd,” ayuu yiri Guddoomiye Ciro “Doorashada Kismaayo waxay ibo-fur u aheyd doorashada wadanka oo ognahay xaalkeeda sida uu ahaa iyo halka uu taagna. Waa guul dadka Soomaaliyeed ay hore ugu tallaabsadeen dowlad-nimadooda, waana hadimo aan ka bad-baadnay ayey jawaab u tahay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada ka dhacday Kismaayo ay tahay billowga doorashooyinka Aqalka Sare, isagoona faray in dowlad goboleedyada kale ay deg deg u qabtaan doorashada. “Doorashadii wey noo dhacday weyna dhameystirmatay, waa waajib hadda saaran (dowlad goboleedyada) in deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha Aqalka Sare, waana waajib anagana na saaran.” Guddoomiye Ciro ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dhawaan magaalooyin kale ka billaabmi doonto doorashada Aqalka Sare, isagoona meesha ka saaray walaaca laga qabo dib u dhac ballaaran oo ku yimaada doorashada kuraasta kale ee Aqalka Sare. The post Guddiga doorashada heer federal oo war kasoo saaray doorashadii KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
  8. London (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay soo dhaweeyay doorashada maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee lagu soo doortay afar ka mida Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya. Doorashada Kismaayo ka dhacday shalay ayaa waxaa kusoo baxay Afar Senator oo kala ah; Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiin Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Jubbaland ku ammaanay inay qabteen doorashada kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Sare. Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajeynayo in doorashadan ay bilow u noqoto doorasho si hufan uga qabsoomta dalka. Rooble ayaa yiri “Madaxweynaha iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland waxaan ku ammaanayaa inay maanta qabteen doorashada kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya. Hambalyo sidoo kale Senatorada la doortay, oo aan rajeynayo in doorashadoodu bilow u noqoto doorasho si hufan uga qabsoonta dalka.” Jubaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreyey ee meesha ka saaray shaki kasta oo ku saabsan in dalka ay doorsho ka dhici weyso. The post Muxuu R/W ROOBLE ka yiri doorashadii KISMAAYO? appeared first on Caasimada Online.
  9. Tunis (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha xilka ka dagaya ee dalka Tunisia Hichem Mechichi ayaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada habeenimadii Axadda kahor inta uusan aqbalin inuu iska casilo xilkiisa sida ay ilo wareedyo ku dhow u sheegeyn Middle East Eye. Nooca dhaawaca ah ee soo gaaray ayaa ah mid aan la xaqiijin karin maadaama aan weli Ra’isul Wasaaraha la weeraray lagu arkin fagaaraha. Middle East Eye ayaa fahamsan in dhaawaca soo gaaray 47 jirkaan uu yahay mid aad u weyn sida laga soo xigtay illo xog-ogaal u ah arrintaan. “Dhaawac ayaa kasoo gaaray wajiga, waana sababta uusan uga soo muuqan dadka hortooda ” ayuu yiri mid ka mid ah ilo wareedyada. Mechichi ayaa looga yeeray xarunta madaxtooyada maalintii Axadda halkaasoo madaxweyne Kais Saied uu shaqada kaga ceyriyay, wuxuuna sidoo kale madaxweynaha ku dhawaaqay shaqo ka joojinta Baarlamaanka, isaga oo la wareegay awoodda fulinta kadib maalin ay socdeen banaanbaxyo dowladda looga soo horjeeday. Ilo wareedyo ku dhow Ra’iisul Wasaaraha ayaa Middle East Eye u cadeeyay in taliyayaasha nabad-sugidda ee ku weheliyay qasriga aysan qeyb ka aheyn qorshaha weerarka, halka ciidanka Militariga ay qeyb ka ahaayeen qorshaha lagu soo weeraray Ra’iisul Wasaaraha. Rached Ghannouchi oo ah afhayeenka Baarlamaanka ahna hogaamiyaha xisbiga qunyar socodka islaamiyiinta ee Ennahda ayaa diiday dalab loo soo gudbiyey oo ahaa inuu yimaado madaxtooyada, wuxuuna arrintaas sabab uga dhigay inuu hadda kasoo baxay Isbitaalka looga daweynayey cudurka Covid-19. Sida laga soo xigtay ilaha, Mechichi oo ahaa shakhsiga uu madaxweyne Saied u doortay xilka Ra’isulwasaaraha ayaa mar kale Axaddii laga codsaday inuu xilka ka dago. Wuxuu ilaa waqtigaas si isdaba joog ah u diiday inuu iscasilo kadib khilaaf ka dhashay magacaabista afar wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa. Ilo wareedyo ayaa sheegay in markii Mechichi uu diiday inuu xilka iska casilo la garaacay. Middle East Eye waxay sii fahamsan tahay inay “dad aan reer Tunisia ahayn” ku sugnaayeen qasriga waqtigaas. Middle East Eye waxay fahansan tahay in shaqsiyaadka goobta joogay ay ahaayeen saraakiil dhanka Ammaanka ah oo kasoo jeedo dalka Masar kuwaas oo la talinaayay madaxweyne Saied ka hor afgambiga sidoo kalana waxay saraakiishaan ahaayeen kuwo ka dambeeyo hagidda sida uu u dhacay qorshahaan. Ma cadda doorka ay ka ciyaareen su’aalo weydiinta Ra’isulwasaare Mechichi. “Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el- Sisi wuxuu usoo bandhigay madaxweynaha dalka Tunisia Saied inuu siiyo dhammaan taageeradii uu ugu baahnaa afgambiga, Saiedna wuu qaatay,” ayuu yiri mid ka mid ah ilahaasi. “Milatariga iyo saraakiisha ammaanka ee Masar waxaa loo diray dalka Tunisia iyagoo taageero buuxda ka helaya amiirka dhaxalka leh ee Abu Dhabi Mohammed bin Zayed” ayuu yiri mid kamid ah illo wareedyada. Kadib weerarka loo geystay Ra’isulwasaare Mechichi waxaa lagu waramayaa inuu gacmaha kor u taagay uuna ogolaaday inuu is casilo. Taliyayaashiisa amniga ayaa sidoo kale ogolaaday wareegtada kasoo baxday madaxweynaha. Ra’isulwasaare Mechichi ayaa markii dambe wuxuu ku noqday gurigiisa halkaas oo uu ka beeniyay warar ay qortay warbaahinta maxaliga ah oo sheegaya inuu xabsi guri ku jiro. Ra’isul Wasaaraha xilka ka degay ayaa soo saaray bayaan Isniintii kaas oo uu ku sheegay in uusan “sinnaba u noqon karin caqabad ama qof qayb ka qaata inay sii kororto xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Tunisia”. “Waxaan ku wareejinayaa masuuliyadda qofka uu u wakiisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda inuu hogaamiyo Xukuumadda, anigoo guul u rajeynaya dhammaan xubnaha cusub ee Dowladda imaaneysa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Ra’isulwasaaraha xilka ka degay Middle East Eye ayaa sheegtay inay la xiriirtay madaxweynaha dalka Tunisia iyo Ra’isulwasaare Mechichi si wax looga waydiiyo sida ay wax u dhaceyn balse waxay sheegtay inay wax jawaab ah ka weysay labada dhinacba. The post Sidee laba dowladood oo carbeed uga shaqeeyeen afgambiga dalka TUNISIA? appeared first on Caasimada Online.
  10. Wararka ugu danbeeyay ee Dagaal Culus oo ka socda Itoobiya+Xaalada oo cirka isku shareeray Dagaal culus ayaa lagasoo sheegayaa gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya wararkii ugu dambeyay ee halkaa naga soo gaarayana waxaa ay sheegayaan in dagaalkii ka qarxay gobolka Tigray bishii Nuveember uu ku sii fidayo gobalka Amxaarada. Ciidamada federaalka iyo sidoo kale ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ku lug lahaa la dagaalanka fallaagada Tigreega ee TPLF, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka soo jeeda deegaanka Amxaarada. Wararka ku saabsan dagaallada sii xoogaysanaya ayaa imaanaya iyadoo dowladdu ay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii hore hase yeeshee aan dhag jalaq loo siinin.Dhammaan dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu sii hurinayo colaadda. Xiisadda ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii xoogaga TPLF ay dib uqabsadeen inta badan deegaanno ka tirsan gobalka Tigray kadib duullaankii ciidanka dowladdu ku qaadeen bishii Juun. Maamullada dalka ka jira ayaa wada abaabul ay ku doonayaan inay ku biiraan dagaalka, iyadoo isu soo baxyo lagu qabtay dalka oo dhan si dadka loogu dhiirigaliyo inay is qoraan oo ay ka qayb qaataan dagaallka ka dhanka ah TPLF. Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digaya inuu gabaabsi noqon doono gargaar cunto oo loogu tala galay 400,000 oo qof oo ku nool xaalad macluul ah kuwaas oo ku sugan gobalka Tigray. Dhamaan wadooyinka soo gala gobalka Tigray ee ka yimaada gobalka Amxaarada oo dhaca galbeedka dalka Itoobiya ayaa go’an sida ay sheegtay hay’adda WFP. Waddada kaliya ee ka timaadda gobalka Canfarta oo xuduud la leh gobalka Tigray ayaan la galin karin kadib markii toddobaadkii la soo dhaafay weerar lagu qaaday kolonyo gawaari ah oo ay leedahay WFP . Warbaahinta dolwadda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo xulufadoodu ay cagta mariyeen xooggaga mucaaradka ah dagaalladii dhacay toddobaadkii la soo dhaafay hase yeeshee ma jirto cid madax bannaan oo warkaas xaqiijinaysa. Qaar ka tirsan gawaaridda sidda mucaawinada ee WFP, oo ku sugan gobalka Canfrta ayaa u dhaqaaqay dhanka gobalka Tigray xili Qaramada Midoobey ay ku baaqday in dib loo soo celiyo adeegyadii aas-aasiga ahaa sida Korontada Jabhadda Tigreega ayaa loogu baaqay heshiis xabad joojin ah balse waxay ku xireen shuruudo ay kamid yihiin in gebi ahaanba laga saaro gobalka ciidamada Eratariya oo ka barbar dagaalamayay ciidamada Itoobiya tan iyo bishii Nufeember. TPLF waxay ahayd xisbigii xukumayay gobalka Tigreega halkaa oo ciidamada federaalku ka saareen bishii Nufeembar waxay dawlada Itoobiya u aqoonsatay urur argagixiso. Balse jabhaddu waxay sheegaysaa inay yihiin dawlad-goboleedka sharciga ah ee Tigray. Waxay isku khilaafeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed isbadalkiisii siyaasadeed, in kasta oo qabsashadii TPLF ee xarumihii militariga federaalka ee Tigray ay horseed u ahayd duulaankii. Qaran News
  11. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ilaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan, sida uu sarkaal ka tirsan dowladda Sudan u sheegay wakaaladda wararka AFP. Tani ayaa ah mowjaddii ugu danbeysay ee dadka isaga cararaya colaadda ka socota gobollada Tigray iyo Amhara ee dalka Itoobiya, kuwaas oo kasii daray toddobaadyadii tagay. Horraantii toddobaadkan ayaa waxaa xadka ka gudbay ilaa 3 kun oo qaxooti Ethiopian ah, taasi oo tirada qaxootiga reer Ethiopia ee ku sugan Sudan ka dhigeysa ku dhowaan 60,000 oo qof. Sarkaalkan u hadlay dowladda Sudan ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo da’ay xuduudka ay sababeen in wabiga mara xadka kala qeybiya labada dal uu fataho halkaasina ay saddex qof oo Ethiopian oo isku dayayay in ay u gudbaan dhanka Sudan ku qarriqmeen. Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo 400,000 oo qofna uu ku riixay gaajo. AFP + VOA The post Barakac ka socda gobollada Amhara iyo Tigray ee Ethiopia iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  12. Shirweynihii horumarinta waxbarashada Puntland ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Garowe ayaa xog-isweydaarsi, doodo, lafagur iyo falanqeyn dheer kadib laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr iyo toban qodob oo kala ah. 1. Maalgelinta Waxbarashada. Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la asaaso Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada Puntland (Puntland Education Fund), kaas oo si guud qayb uga noqonaya maalgelinta waxbarashada, gaar ahaan taageeraya imtixaamaadka, hubinta tayeynta, kabidda macallimiinta ka howlgala waxbarashada dhulka fog, xeebaha iyo reer guuraaga iyo maalgelinta deeqaha ardayda ugu dhibcaha sareysa. Sidoo kale shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la kordhiyo lana joogteeyo miisaaniyadda dowladda ee wasaaradda waxbarashada. Waxaa la soo jeediyay in cilmi baaris lagu sameeyo qaabka ugu habboon ee lacagta waalidku ku bixiyo waxbarashada ubadka looga faa’iidaysan karo gaar ahaan xaga sare u qaadidda tayada waxbarashada isla markaana ay maalgelinta waalidku uga muuqan lahayd miisaaniyadda guud ee waxbarashada Puntland. Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ee caawiya waxbarashada Puntland ay si toos ah u siiyaan kaalmada caalamiga ah dowladda Puntland. Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in maalgelinta waxbarasho ee beesha caalamku ugu deeqdo waxbarashada Puntland lagu saleeyo miro-dhalka maalgelinta (Value of money), sidoo kale dib loo eego mashaariicda qaarkood sida barnaamijka kabka macalimiinta ee Bangiga Adduunka. 2. Qaab Dhismeedka Nidaamka Waxbarashada Puntland. Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in waaxyaha wasaaradda lagu darayo laba waaxood oo cusub oo kala ah: (1) Waaxda Dugsiyada Sare ee Farsamada iyo Xirfadaha iyo (2) iyo Waaxda Adeegga Caafimaadka iyo Quudinta Dugsiyada, labadaas waaxoodna loo diyaariyo manaajijtooda, habraacyada iyo kaadirka ka howlgali lahaa. 3. Magaca Wasaaradda Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ayadoo ahmiyad gaar ah la siinayo barbaarinta iyo xanaanada ubadka in magaca Wasaaradda loo badelo “Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta”. 4. Tacliinta Sare Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la dhiso Komishinka Tacliinta Sare ee Puntland. Wuxuu Komishinku asagoo la tashanaya Jaamacadaha iyo macaahidda sare xal u doonayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor yaala tacliinta sare ee Puntland iyo sidoo kale sidii waxbarashada Sare ee dalka loogu jiheyn lahaa xirfad, wax soo saar iyo cilmi baaris. Shirweynaha ayaa soo jeediyay in dhammaan jaamacaduhu bixiyaan hal (1) sanno oo ah u diyaargarowga ardayga waxbarashada sare. 5. Waxbarashada Dugsiyada Sare Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ladardar geliyo dugsiyada sare ee farsamada iyo machadyada farsamada gacanta iyo xirfadaha, si waxbarashadu u noqoto mid ka jawaabaysa baahiyaha bulshada ee dhaqan, dhaqaale iyo wax soo saar. Sidoo kale shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ay iska kaashadaan dowladda Puntland, maal-gashadayaasha gaar ah iyo deeq biyeyaasha dhiirigelinta iyo hirgelinta waxbarashada farsamada iyo xirfadaha. Waxaana shirweynaha lagu ho’aamiyay in gobol kasta laga dhiso hal dugsi sare oo jiif ah (Boarding). 6. Tayeynta Tababarkaiyo Horumarinta Macalimiinta Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in diyaarinta macallimiintu marto saddex heer oo kala ah tababar, shahaado siin iyo ruqsad macallimnimo siin. Dowladda ayaa loo soo jeediyay in ay muhiimadda 1aad siiso meelaynta macallimiinta. Sidoo kale shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in xarumaha tababarka macalimiinta gaa-gaaban lagu baahiyo gobolada Puntland iyo in la kordhiyo tirada gabdhaha macalimiinta ee dugsiyada hoose /dhexe, lana siiyo qoondo gaar ah. 7. Warbarashada Gaarka loo Leeyahay Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ayadoo laga jawaabayo baahiyaha isa soo taraya ee loo qabo adeegyada asaasiga la dhiirigeliyo hirgelinta waxbarashada gaarka loo leeyahay, gaar ahaan dugsiyada bixiya Sayniska, Teknoloojiyadda, injineerinka iyo Xisaabta (STEM) iyo luuqadaha. Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey in dowladda Puntland, maal-gashadayaasha gaar ah iyo deeq biyeyaasha caalamigu iska kaashadaan dhiirigelinta iyo hirgelinta waxbarashada gaarka loo leeyahay. 8. Isticmaalka Teknoloojiyadda Waxbarashada iyo Hal Abuurka. Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ayadoo lala jaanqaadayo isbeddelka xowliga ku socda ee Adduunka casriga, lagana jawaabayo baahiyaha la xariira buugta, maktabadda isla markaana lagu xisaabtamayo caabuqa COVID-19 in sare loo qaado. – Waxbarashada elektarooniga (e-learning) dhaammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada iyo shahaado bixinta. – Qalabaynta dugsiyada elektarooniga. Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in lagu dhiirigeliyo shirkadaha waaweyn gaar ahaan kuwa isgaarsiinta inay door lixaad leh ka qaataan waxbarashada elektarooniga iyo hal abuurka. 9. Doorka Warbaahinta ee Waxbarashada Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay si kor loogu qaado wacyiga bulshada iyo duruufaha la xariira in warbaahinta Puntland, gaar ahaan kuwo dowliga ah ay bulshada ku wacyi geliyaan ahmiyada waxbarashada, isla markaana baahiyaan barnaamijyo waxbarasho, doodo iyo falanqeyn, si kor loogu qaado wacyiga guud ee bulshada. 10. Waxbarashada Dugsiyada Quraanka Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo xaaladaha ka jira dugsiyada Quraanka, gaar ahaan kuwa bixiya waxbarashada isku dhafka ah, loona qabto xeeldheerayaal matalaya wasaaradaha caddaaladda, waxbarashada, caafimaadka iyo bulshada rayidka. Sidoo kale shirweynuhu wuxuu go’aamiyay in la dhaqan geliyo shuruucda dowladda ee ku aadan horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dugsiyada Quraanka Kariimka. 11. Afka, Dhaqanka iyo Wadaniyadda Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay ayadoo laga duulayo burburka ku socda afka hooyo iyo dhaqanka in sare loo qaado barashada afka Soomaaliga iyo horumarintiisa, sidoo kale la xoojiyo wadaniyadda iyo taariikhda Soomaaliya/Puntland. Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in maadada Wadaniyadda (Civic) iyo Taariikhda lagu dhigo heerarka kala duwan ee waxbarashada. Sidoo kale waxaa la soo jeediyay in cayaaraha iyo jirdhiska ay qeyb muhiima ka noqdaan waxbarshada dugsiyada 12. Waxbarashada Gabdhaha Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la dhiirigeliyo waxbarashada gabdhaha, ayadoo la siinayo deeqo waxbarasho, wacyi gelin isla markaana loo abuurayo bay’ad ku haboon waxbarashada gabdhaha ee dugsiyada. 13. Waxbarashada ubadka reer guuraaga, barakacyaasha iyo kuwa ku nool dhulka fog ee xeebaha Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la siiyo mudnaanta kowaad, isla markaana loo sameeyo qareemid dhinaca tababarka, haynta macalimiinta, agabka iyo quudinta ah, sidoo kale loo diyaariyo siyaasadaha, istiraatiijiyadaha iyo manhajka ee ku aadan waxbarashada. 14. Kordhinta saacadaha waxbarshada Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la kordhiyo saacadaha waxbarashada dugsiyada. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay shirweynihii horumarinta waxbarashada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  13. Administrator Samantha Power will travel to Sudan and Ethiopia July 31–August 4 to strengthen the U.S. Government’s partnership with Sudan’s transitional leaders and citizens, explore how to expand USAID’s support for Sudan’s transition to a civilian-led democracy, and continue to press the Government of Ethiopia to allow full and unhindered humanitarian access to prevent famine in Ethiopia’s Tigray region. Samantha Power, the Administrator of the United States Agency for International Development. In Khartoum, Administrator Power will deliver a speech on Sudan, highlighting its promising yet fragile transition, and celebrating the essential role of civil society, independent media, and the courageous Sudanese people who marched for freedom. She will meet Sudanese Prime Minister Abdalla Hamdok, Chairman of Sudan’s Sovereign Council Lieutenant General Abdel Fattah al-Burhan, and other officials in the transitional government. The Administrator will meet Ethiopian refugees in Sudan who recently fled the conflict and atrocities in the Tigray region, and travel to Darfur to assess USAID humanitarian programs to assist people displaced by conflict, as well as meet with Darfuri youth and community leaders. While in Addis Ababa, Administrator Power will meet with humanitarian assistance partners and observe how USAID-provided food is stored and prepared for delivery throughout Ethiopia, including to the Tigray region, to feed families who need it most. The Administrator’s itinerary also includes meetings with Ethiopian government officials to press for unimpeded humanitarian access to prevent famine in Tigray and meet urgent needs in other conflict-affected regions of the country. Source: USAID The post USAID Administrator Samantha Power Travels to Sudan, Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU (Xinhua) -- Fifteen al-Shabab militants were on Thursday morning killed while dozens sustained injuries after the Somali National Army (SNA) conducted a special operation at Afcad area near Bulaburte town in Hiiraan region of central Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday saldhiga Booliska degmada jowhar Dhamme Maxamed Siyaad Cali canjeex. Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Jowhar loogu magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka booliska . Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista taliyeyaasha, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha cusub. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo xilka qaadis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  16. Just as one maritime security challenge in Somalia seemed all but resolved, another one gained momentum. Source: Hiiraan Online
  17. London (HOL) - Somalia's Prime Minister Mohamed Hussein Roble met with his UK counterpart, Boris Johnson, in London on Thursday during the Global Education Summit. Source: Hiiraan Online
  18. Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya. Ciidamada federaalka iyo sidoo kale ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ku lug lahaa la dagaalanka fallaagada Tigreega ee TPLF, sida uu warbaahinta sheegay sarkaal ka soo jeeda degaanka Amxaarada. Wararka ku saabsan dagaallada sii xoogaysanaya, ayaa imaanaya, iyadoo dowladdu ay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii hore, hase yeeshee aan dhag jalaq loo siinin.Dhammaan dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu sii hurinayo colaadda. Xiisadda ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii xoogaga TPLF ay dib uqabsadeen inta badan deegaanno ka tirsan gobalka Tigray kadib duullaankii ciidanka dowladdu ku qaadeen bishii Juun. PUNTLAND POST The post Dagaal ka socda Gobolka Amxaarada dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Afarta Senetor ee ugu horreeyey xubnaha Aqalka sare ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, ayada oo doorashadoodu ay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda. Inkasta oo ay tartameen Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya. Laba ka mid ah Senetarrada oo kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xubno firfircoon ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyneihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha 2021. Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale lagu warramay inay saaxiib dhow yihiin madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale xog ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijineysa Cabbdirisaaq Maxamed Cusmaan uusan aragti ahaa ka fogeyn xisbiga UPD. Arrintan ayaa ka dhiggan in xubnaha Afarta ah ee maanta soo baxay ay aasaas u yihiin codadka uu Xasan Sheekh ku tashanayo doorashada la qorsheeyay October, inkasta oo afar cod aysan waxba goyn, oo boqolaal cod ay tahay inuu diyaarsado Xasan Sheekh. Qeybta hore ee tartanka doorashada u dhaxeysa musharraxiinta miisaanka culus ayaa waxaa lagu kala garan doonaa soo awoodda soo saarista xildhibaannada labada aqal ee ka tirsan taageerayaashooda, halka musharraxiinta aan rajada badan lahayn ay sugi doonaan xodxodashada xildhibaannada soo baxa, taa oo aan u muuqan in ay wax ka baddaleyso miisaanka doorashada. Doorashada maanta ayaa sidoo kale muujineysa sida ay isugu dhow yihiin Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha Jubaland uu ugu abaal-gudayo madaxweynihii hore ee dalka, dagaalkii uu u galay markii uu cadaadiska xooggan kala kulmayey Villa Somalia. The post Yaa doorashada madaxweyne ku tashanaya codadka afarta Senator ee maanta la doortay? appeared first on Caasimada Online.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay Boris Johnson ka wada hadleen amniga Soomaaliya iyo gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka. “Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray. Wuxuuna sii raaciyay “Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna.” PUNTLAND POST The post Rooble oo la kulmay Boris Johnson appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafkii adkaa ee mudada badan ka dhex aloosna dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa horseeday in laba ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ay lumiyaan kuraastooda. Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa si rasmi ah maanta u waayey kuraastooda kadib markii laga waayey liiskii uu 27-kii bishaan soo gudbiyey Axmed Madoobe, ee maanta Kismaayo lagu doortay Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow oo ayagu ku kala fadhiyay kuraasta kala ah; UH0033 iyo UH019 ayaa waxaa kuraastooda u tartamay mudaneyaal cusub oo maanta Kismaayo lagu doortay. Kursiga UH0033 ayaa waxa ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Axmed Xaashi Maxamuud, waxaana maanta ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay. Axmed Xaashi Maxamuud ayaa xiligii uu taagnaa khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland la saftay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo si weyn isku hayeen Axmed Madoobe, taasi oo keentay inuu daaqadda ka baxo. Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow) oo ayaduna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay kursiga tirsigiisu yahay UH019, waxaana maanta kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed. Faadumo ayaa ka mid aheyd xubnihii sida weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo ee dagaalka la galay Axmed Madoobe, taasi oo maanta ay heshay natiijadeeda. Sida ay ogaatay Caasimaa Online, Axmed Madoobe ayaa liiska musharaxiinta uga reebay Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow) kadib markii ay kala saftaan Farmaajo xiligii uu ka dhaxeeyay khilaafkii adkaa ee mudada badan taagna. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale kuraasta Aqalka Sare ku abaal-mariyey mudaneyaal si weyn uga garab siiyay dagaalkii adkaa ee uu la galay madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo qaarkood ay isku beel yihiin madaxweynaha. Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa, marka laga reebo kuraasta Somaliland, oo ayagu soo xulaan odayaasha dhaqanka. The post Laba Senator oo kuraastoodii ku lumiyey khilaafkii Axmed Madoobe iyo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  22. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa magacii laga baddelay waxaana loo bixiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Caruurta. Magac baddelida wasaaraddda ayaa ka mid ahaa qodobo ka soo baxay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Garowe. Shirka waxaa maalmihii uu socday ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, goleyaasha dowladda, mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada heerarkooda kala duwan, hay’addaha taageera Waxbarashada Puntland, lataliyeyaal iyo khuburo waxbarasho, qurbojoogta, ganacsatada, waalidiin, ardey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Den oo soo xiray shirka horumarinta waxbarashada Puntland ayaa bogaadiyay shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyaha waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda Puntland ka go’antahay in ay il-gaar ah ku hayso waxbarashada oo ah adeegyada dowliga. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo magacii laga baddelay appeared first on Puntland Post.