-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in caasimadda Garoowe uu dhowaan ka furmi doono shir ku saabsan Bankiyada Islaamiga ah oo heer Soomaaliya oo dhan ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaas oo furmi doona 5-ta bishaan Agoosto ay muujinayso calaamad hormar maadaama shir heer Soomaaliya oo dhan ah uu yahay. Mudane Deni ayaa sheegay in uu doonayo in Garoowe noqoto halka laga hago dhaqaalaha iyo Siyaasadda guud ahaan dalka Soomaaliya. Halkaan ka daawo Hadalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Deni: Waxan rabnaa in Garoowe noqoto xarunta dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday Heshiiska Dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa. Wasaaradaha wax u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Xasan Shire Cabdi iyo Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Cabdiqafaar Xaange. Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah: Juurile- Boosaaso Qardho – Garoowe Garoowe- Brita dheer Garoowe-Falaryaale. Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo 7 Malyan oo Dollar ku dhisaysa jidadka burbursan appeared first on Puntland Post.
-
Kandahar (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Kandahar oo ku yaal koonfurta Afghanistan ayaa gantaal lala beegsaday, xilli ciidamada dowladda ay la halgamayaan sidii ay iskaga caabin lahaayeen weerarada Taliban oo ka socda dhowr magaalo oo waaweyn. Duulimaadyadii ka bixi lahaa Kandahar, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Afghanistan, ayaa la joojiyay ka dib markii saddex gantaal oo ay Taliban rideen ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha maanta oo Axad ah. Madaxa garoonka Massoud Pashtun ayaa sheegay in laba ka mid ah gantaalladaasi ay ku dhaceen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, hadana lagu bilaabay dayactir. Sarkaal kale oo ka tirsan maamulka duulista rayidka ee caasimadda, Kabul ayaa xaqiijiyay weerarka. Wali ma jiraan warar sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, sida ay saraakiishu sheegeen. Zabiullah Mujahid, oo ah afhayeenka Taliban, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, “Madaarka Kandahar annaga ayaa bartilmaameedsannay, maxaa yeelay cadowgu wuxuu u adeegsanayay xarun ahaan si uu noogu qaado weerarro xagga cirka ah”. ‘Xaalad aad u kacsan’ Dagaallada ayaa soo kordhay asbuucyadii la soo dhaafay laga soo bilaabo horraantii bishii May, markaas oo ciidamada shisheeye ee uu horkacayo Mareykanka ay bilaabeen ka bixitaankii ugu dambeeyay ee Afghanistan oo hadda ku dhow dhammaad. Ka dib markii ay qabsadeen dhul ballaaran oo miyi ah kuna darsadeen isgoysyada muhiimka ah, Taalibaan waxay hadda bilaabeen in ay hareereeyaan caasimadaha gobollada. Warbaahinta maxaliga ah ee Kabul, ayaa sheegtay in saddex magaalo oo waaweyn – Lashkar Gah, Kandahar iyo Herat – ay xilligan cadaadis kala kulmaan Taliban. “Talibaan waxay qabsadeen dhul aad u tiro badan oo miyi ah bishii la soo dhaafay haddana waxay magaalooyinka gelinayaan cadaadis aad u badan, ka dibna waxay dib ugu laaban karaan miiska wadahadalka.” Gudaha Lashkar Gah, xaaladdu “aad bay u kacsan tahay” iyadoo uu socdo dagaal culus, halka isgaarsiinta la xiray. “Xalay, waxaan fahansanahay in ciidamada gaarka ah ee Afghanistan lagu soo riday diyaarad helicopter ah si ay isugu dayaan in ay ku weeraraan Taliban. Waxaan fahamsanahay in Mareykanku uu taageerayo weerarada cirka, ciidamada cirka ee Afghanistan-na ay wadaan dadaalo xooggan,” sidaas waxaa ku waramay wariyaha Afganistaan ee Kabul. Ciidamada amniga Afgaanistaan ayaa aad ugu tiirsan weerarada cirka si ay dagaalyahanada dib uga riixaan magaalooyinka xitaa iyagoo halis ugu jira in ay duqeeyaan dadka rayidka ah ee ku nool meelaha dadku ku badan yihiin. Dhanka galbeed, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Herat, dagaalku wuxuu ka socdaa duleedka magaalada habeenimadii. Afhayeenka gobolka Herat Jailani Farhad ayaa sheegay in ku dhawaad 100 dagaalyahan oo Taliban ah lagu dilay weerarada. Labada dhinac ee Taliban iyo ciidamada dowladda ayaa buunbuuniyay sheegashooyinka khasaaraha soo gaaray ciidammadii midba midka kale, waxaana adag in si madax bannaan loo xaqiijiyo. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Afghanistan ay adeegsadeen weerarro cirka ah si ay u difaacaan Herat iyo in Mareykanka uu “si dhow ula socdo” xaaladda gobolka. The post DEG DEG: Taliban oo duqaynaysa garoomada diyaaradaha Afghanistan iyo dagaallo culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa markii u horeeyay shaaciyey inaysan jirin Musharax la siiyey warqada CID-da ee dembi la’aanta. Taliye Xijaar oo u waramayey warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay inay jiraan Musharaxiin Mucaarid ah oo loo diiday in la siiyo waraaqda dembi la’aanta, xili ay soo baxeen warar sheegaya arrintaas. “Cid aan siinay waraaq (dembi la’aanta ee CID-da) horta ha lasoo helo, taasi waxay ku tuseysa inaysan jirin cid la siiyey, cid loo diideyna aysan jirin. CID-da wey tageen dad badan oo musharaxiin ah oo raba inay tartamaan,” ayuu yiri Taliye Xijaar. “Anaga waxa aanu ku shaqeyna nidaam dowli ah, Siyaasiyiin ma nihin, waxaanu rabnaa wax walba oo qabaneyno sida lagu heshiiyey inay ogyihiin Golaha Wada-tashiga Qaranka oo gacanta ku hayaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu helo waraaqda dembi la’aanta ee CID-da, haddii uusan dalka dembi ka gelin, sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Taliyaha ayaa imanaya xili ay maalmihii dambe soo baxayeen warar sheegayey in Musharaxiinta ka tirsan kuwa mucaaridka laga hor-istaagay inay helaan warqada dembi la’aanta ee CID-da. The post Maxaa ka jira in dowladda ay musharaxiinta qaarkood u diiday warqadda CID-da? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaad ka taqaanaa Jeneral Ceydiid oo 25 sano ka hor maanta oo kale la dilay? Maxamed Faarax Ceydiid wuxuu hoggaaminayay dagaalkii Muqdisho looga qabsaday maxamed Siyaad barre iyo midkii ciidamadii Qaramada Midoobeey ee 1993. Waxaa maanta 25 sano laga joogaa markii uu dhintay Allaha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya door weynna ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996. Kumuu ahaa Ceydiid Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Gaalkacyo. Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka. Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952. Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal. Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay. Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay. Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare Ceydiid ayaa xabsiga laga soo daayay sanaddii 1975. Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya sanaddii 1977 ilaa 1978 waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb gashay. Janaraal Maxmed Faarax Ceydiid ayaa waxa uu sidoo kale mar noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Hindiya. Dagaalkii Jabhadaha Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ka qeyb qaatay dumintii dowladda dhexe ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre. Waxaa uu sanadii 1991 noqday hogaamiyiihii jabhaddii USC. Jabhadaasi ayaa cidamadii dowladda kula dagaalamay magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina halkaasi ka saaray. Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Caydiid Dagalkii Cali Mahdi iyo Caydiid Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Bare. Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC. khilaafka ayaa isu rogey dagaal kumanaaan shacab ah ay ku dhinteen kumannaan kale -na ay ku barakaceen. Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid. “Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi. Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi. Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh. Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka Sanddii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka. Dabyaaqadii sanaddii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”. Sanaddii 1993 – waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey. Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan. Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen. Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay. Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay. 3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag. Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib. 50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay. Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo. Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho). Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday. Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimi. Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.” Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”. Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid. Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya . 1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato. Qaran News
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne uu ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub. In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Somaliland. Source: goobjoog.com
-
Tunis (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo “waddada dimoqraadiyadda” kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad. Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa dalka geliyey xaalad deg deg ah oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus iyo maamul xumo, si uu u eryo ra’iisul wasaraaha, u hakiyo baarlamanka, ulana wareego awoodda fulinta. Kooxaha mucaaradka Tunisia, oo uu ugu weyn yahay xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda, ayaa tallaabadan ku macneeyey afgambi. Wada-hadal teleefon oo uu la yeeshay, ayuu Sullivan hoosta uga xariqiay madaxweyne Qays baahida loo qabo “inuu deg deg usoo dhiso dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare karti leh oo xasiliya dhaqaalahaTunisia, kana hortaga faafitaanka cudurka Coronavirus, iyo inuu xaqiijiyo in dib loo soo celiyo baarlamanka la doortay” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Aqalka Cad. Madaxweyne Qays Saciid ayaa horey u difaacay tallaabooyinka uu qaaday oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin xasilloonida dalka. Xiisadda siyaasadeed ee Tunisia ayaa dadka qaar ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin dalal shisheeye, ayada oo si gaar ah farta loogu fiiqay Imaaraadka Carabta. REUTERS + VOA The post Mareykanka oo farriin u diray madaxweyne Qays Saciid kadib ‘afgambigii uu sameeyey’ appeared first on Caasimada Online.
-
Xeer Madaxweyne: 01/08/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021 Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub; Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan Go’aamiyey; In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo isagu yeedhay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Cusub ee S/land+Goorta & Goobta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021 Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub; Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan Go’aamiyey; In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
Wiil uu dhalay Mucamar Al-Qadaafi oo doonaya in uu madaxweyne ka noqdo Libya Saif Islam Saif Al Islam waa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Libya Mucammar Al Qadaafi, wuxuu sheegay in uu doonayo in midnimada iyo isku duubnaanta uu kusoo celiyo Libya. Saif Islam oo 49 jir ah oo wareysi siinayay wargeyska New York Times wuxuu sheegay in maamulka hadda ka jiro Libya uusan wax horumar ah keenin isla markaana dhibaato u horseeday shacabka Libya 10 sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu ka dhawaajiyay suurtagalnimada ah in uu tartami doono doorashada madaxtinimada ee Libya. “Haatan waxaa la joogi xilliggii dalka dhibaateysan dib loogu laaban lahaa…dhaqaale ma lahan..nabadgelyadii faraha ayay ka baxday..nololna ma jirto” Wuxuu sidoo kale sheegay in hataan uu yahay nin xor ah oo qorsheynayo in dib uu ugu laabto siyaasadda Libya. Saif Islam Waa kuma Saif Islam Saif Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska, isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya. Wuxuu hoggaamin jiray ha’yadda lagu magacaabo ha’yadda samafalka iyo horumarinta Qadaafi taas oo wadaxaajood la gashay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo dad ku qafaashay gudaha Philippines. Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay ‘wajiga casriga ah ee Liibiya’ balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneyn in xukunka uu kala wareego aabihii. Saif Al Islaam ayaa la sii daayay sanadkii 2017 tan iyo wixii ka dambeeyay xilligaas lama sheegin halka uu ku nool yahay. Sanadihii u dambeeyay wax war ah lagama heynin xaaladdiisa iyo halka uu ku nool yahay. Waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha uu ka geystay Libya, waxaana ku raad joogtay maxkamadda dambiyada ee caalamiga ah. Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag u dhaliilay dadka doonaya in ay maalin ku taajiraan markii xil loo magacaabo. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay xarig jarka xarunta cusub ee Bankiga Puntland ayaa sheegay in qof kasta oo xil loo magacaabo uu raadinayo in uu maalin gudaheed ku iibsado guri iyo gaari. Siciid Deni ayaa tilmaamay in dad kala duwan oo uu xilal u magacaabay u yimaadeen oo kala hadleen gaari iyo guri in ay helaan taasina aysan suurta gal ahayn sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Deni: qof kasta wuxu rabaa in uu maalin kaliya guri iyo gaari ku iibsado appeared first on Puntland Post.
-
Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ka faalooda Ciyaaraha gudaha iyo dibadda ayaa waraysi uu siiyay Goobjoog Sports wuxuu kaga hadlay arimo badan,Ugu horeyn falanqeeye Cabdullahi Faarax wuxuu ka hadlay tababare Cabdi Joon oo ka tagay kooxda Raadsan oo hogaaminayay shantii bil ee la soo dhaafay. “Tababare Cabdi Joon waa mid ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan kubbadda cagta wuxuu soo maamulayay kooxo badan, balse dhamaan naadiyadii soo hogaamiyay wuxuu gaarsiiyay guulo waaweyn, isagoo soo saaray ciyaartooy Rayo wanaagsan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Dhinaca kale gorfeeyay Cabdullahi Faarax wuxuu hambalyo Guddoomiyaha cusub ee mar labaad loo doortay hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo ,isagoo kula dardaarmay in uu horomariyo dhalinyarada iyo isboortiga Gobolka gedo ee Jubaland. “Mudane Guddoomiye Maxamed Cabdi Nuur waxaan kugu hambalyaynaa guusha aad mar labaad ka gaartay hogaaminta Xiriirka Kubbadda Cagta, runtii waa shaqo adaa waxaan kaa sugaynaa in aad Gobolka gaarsiiso horomar adiga oo kaashanaya bulshada iyo Maamulka Jubaland” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Cabdullahi Faarax Daguur oo si weyn u gorfeeya Ciyaaraha. Dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa tababar ka bilaaway Xulka Da’yarta Kubbadda Cagta Soomaaliya kuwaas oo ka aeyb galaya tartanka Da’yarta Carabta ee ka dhacaya Wadanka Marrocco, waxaana kasoo muuuqday ciyaaryahan Maxamuud Sarqaawi iyo laacibiin kale oo ka soo baxay tartankii Maamul Goboleedyada 2020. “Ciyaarahan Maxamuud Sarqaawi iyo xidigaha kale ee nasiibka u helay Xulka Da’yarta waxaana ka sugaynaa in ay la yimaadaan bandhig sare, isagoo dhalinyarada ku dardaarmay in ay ilaaliyaan aqlaaada” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Daawo Falanqeyee Daguur Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Daguur Cabdulaahi Faarax Daguur ” Ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya Waxay U Baahanyihiin Tababaro Joogta ah” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Dhuusamaraabe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa ka hadlay qabashada doorashooyinka dalka ee 2021, gaar ahaan kuraasta Golaha Aqalka Sare ee taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud. Ugu horreyn guddiga ayaa codsi la xiriira qabashada doorashada Aqalka Sare u diray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), si loo soo xulo kuraasta ay dowlad goboleedka Galmudug ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga doorashada Galmudug ayaa si gaar ah uga codsaday madaxweyne Qoor Qoor inuu soo gudbiyo liiska xubnaha musharraxiinta, si loo guda-galo qabashada doorashada. “Waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa codsi mudane madaxweyne inaad soo gudbiso liiska magacyada xubnaha musharraxiinta (Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya),” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga doorashada Galmudug. Sidoo kale guddiga ayaa xasuusiyey madaxweynaha in haatan lagu guda jiro waqtigii doorashada, loona baahan yahay in si rasmi ah loo guda-galo doorashooyinka dalka. “Mudane madaxweyne, iyada oo lagu guda jiro waqtigii doorashada, mas’uuliyadna tahay in aan gudano howsha qaran ayaa kuugu soo dirnay codsigan,” ayuu lagu sii yiri qoraalka. Dalabkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Jubbaland billowday qabashada doorashada Aqalka Sare, sidoo kalena Koonfur Galbeed ay shaacisay liiska musharraxiinta Aqalka Sare. Si kastaba maamullada harsan ayaa waxaa looga fadhiyaa inay dadajiyaan doorashada, gaar ahaan tan xildhibaanada labada Gole, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashada. The post Guddiga doorashada GALMUDUG oo dalab xasaasi ah u diray Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal iyo duqeyn is barbar socda ay ka dhaceen qeybo ka mid ah koonfurta Mudug, waxaana weerarkan lagu beegsaday Al-Shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu faah faahiyey weerarkaasi, waxaana lagu sheegay in si gaar ah loola bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Qaycad iyo Hareere Dheere. Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen saldhigga la duqeeyey oo ahaa mid ay ‘ku dhuumaaleysanayeen xoogaga Al-Shabaab. “Dagaal iyo duqeyn dhanka cirka ah ayaa ka dhacday saldhig kale oo kooxda Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qeycad iyo Hareere Dheere, iyada oo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey,” ayaa lagu yiri qoraalka. Weerarkan dhanka cirka ah ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyaan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha dalka oo ay howl-gallo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dowlad goboleedka Galmuudg. “Duqeynta saakay ayaa noqoneysa tii saddexaad oo deegaanada koonfurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah. Wasaaradda amniga Galmud warsaxaafadeedkeeda kuma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, marka laga reebo inay cagta mariyeen saldhigii Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. The post Dagaal iyo duqeyn is barbar socda oo ka dhacay koonfurta MUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa ka socda Koonfurta Mudug. Dhinacyada ayaa ku dagaallamaya miyiga degaanka Qaycad oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug kadib markii ay halkaas weerar ku qaadeen ciidamada dowladdu. Weli faahfaahin lagama helin khasaaraha kala gaaray labada dhinac oo muddooyinkii u dambeeyay ku dagaallamayay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug. Wararku waxay sheegayaan in duqayn dhanka cirka ah oo lagu beegsanayo Al-shabaab ay garab socoto dagaalkaas. PUNTLAND POST The post Dagaal culus iyo duqaymo ka socda Koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa madaxweynaha galmudug ka codsaday in uu soo gudbiyo liiska musharixiinta Aqalka sare. War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in waqtiga doorashada uu gabaabsi marayo loona baahan yahay in la qabto doorashada aqalka sare. Hoos ka akhriso guddiga ka soo baxay Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay qabashada doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhanka Koonfur Galbeed. Diiwaan-gelinta musharraxiinta u taagan ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee afarta sano ee soo socota ayaa maanta ka bilaabaneyso gudaha magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka u qaabilsan dowlad goboleedka ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in doorashada shanta kursi ee ugu horreyso Aqalka Sare ee maamulkaasi la qabanayo labada bishan August oo ku beegan maalinta beri ah. Sidoo kale liiska musharraxiinta uu soo gudbiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ah toban musharrax oo afar ka mid ah ay yihiin haween, waxayna kala yihiin:- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan, Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim, Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow, Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso doorashada. Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay. Dhinaca kale maamullada kale ee Galmudug, HirShabelle iyo Puntland ayaa looga fadhiyaa inay guda-galaan qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee ka haray qabashada doorashada 2021-ka oo soo martay marxalado kala duwan. Doorashada Aqalka Sare, kadib ayaa waxaa sidoo kale la bilaabi doonaa tan Golaha Shacabka, waxaana kusii xigi doono sida uu qorshuhu yahay tan madaxweynaha. The post Wararkii ugu dambeeyey doorashada Golaha Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga dowladda Puntland. Bangiga waxaa dhistay dowladda Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay madaxweyne Deni 3-dii March 2020, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada. Warka ayaa sidoo kale xusay in dhismaha xaruntan kharashaadka lagu fuliyay laga helay beekhaaminta dakhliga dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bankiga dowlada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Berbera)-Shirkadda DP WORLD ee Maamuusha Dekedda Berbera ee Somaliland, ayaa doonaysa inay u beddesho Magaalada dekeda leh ee Berbera xarunta Warshadaha, iyo Saadka ee Geeska Afrika isla-markaana laga Daabulo Xamuulka u socda dalka Itoobiya. Sidaa waxa lagu sheegay War-bixin dheer oo Warbaahinta All Africa ka qortay Horumarika ay ku socoto Dekedda Berbera, taasi oo qorshaha DP WORLD ka leedahay inay noqoto Deked Waraabisa Dalalka aan badda lahayn ee Geeska Afrika. Shirkadda DP WORLD oo kaashanaysa dawladda Somaliland, ayaa dhawaan furtay Terminal-ka cusub ee Dekedda Berbera ee Koontiinarada, iyada oo ay weli socdaan hawlo lagu sii ballaadhinayo awoodda terminal-ka. Madaxa Fulinta ee DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, wuxuu sheegay in Dekedda Berera ay udub-dhexaad u tahay kor u qaadida tartanka ganacsiga Adduunka, isagoo intaa ku daray in kaabayaasha dhaqaaluhu ay muhiim u yihiin dib u soo kabashada dhaqaalaha Somaliland iyo Geeska Afrika, ka dib Xanuunkii Dunida sida weyn u saameeyay ee COVID-19. “Wejigii koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera waxay bilaabantay bishii Oktoobar 2018, markii aniga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, aanu u gogol xaadhnay si aanu u bilawno dhismaha. Kaliya laba sano iyo badh ka dib, waxaanu haysannaa hanti casri ah, oo heer caalami ah oo casri ah oo gacan ka geysanaysa hagaajinta waxqabadka iyo wax soo-saarka, si loo daboolo baahida sii kordheysa.” Ayuu yidhi Madaxa fulinta ee DP WORLD, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sharraxay awoodda Terminaalka cusub ee Dekedda Berbera “Terminalka cusub wuxuu ka kooban yahay 400 mitir iyo saddex wiish, wuxuu awood u leeyahay inuu maareeyo maraakiibta sida Koontiinarrada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya, wuxuu kordhinayaa awoodda dekedda oo hadda ah inay sannadkii ka soo degaan 150,000 koontiinar, inuu ka dhigo 500,000 Koontiinar sannadkii.” Madaxa Fulinta ee DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxa kale oo uu sheegay in si loo kordhiyo awoodda dhaqaale ee istaraatiijiga ah ee magaalada Berbera iyo faa iidooyinka ka soo bixi doona, ay Magaalada Berbera leedahay Awooddii ay kula tacaali lahayd korodhka ku imanaya ganacsiga. Wuxuu sidoo kale, waxa in Shirkadda DP World ay si xawli ah u horumarinayso Aagga Dhaqaalaha Berbera, waxaanu sheegay in Aagga dhaqaalaha ee Berbera loo qaabeeyay sida Qaabka sida ka Dekedda Jebel Ali “Waxaa loo qaabeeyey (Aagga Dhaqaalaha Berbera) sida Jebel Ali Free Zone (Jafza), oo ah aaggayaga xorta ah ee Dubai, taasina waxay siin doontaa maalgashadayaasha maxalliga ah iyo kuwa ajaanibta jewi ku habboon oo ah tartan maalgashi iyo ganacsi..” ayuu yidhi Sultan Ahmed Bin Sulayem, isagoo intaa sii raaciyey in Aagga xorta ee dhaqaalaha oo lagu daray awoodda korodhay ee horumarinta dekedda Berbera, ay sidoo kale taageeri doonto Somaliland oo si xawli ah u koraysa iyo Itoobiya oo doonaysa nay xoojiso tartanka dhoofinta ee wax soo-saarkeeda. Source
-
(SLT-Tunisia)-Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imnaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta. Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka lagaga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyi Afrika. “Imaaraadka Carabta waxay qaateen fikradda ah in Guga Carabta uu ka dhashay Tunisia, ayna tahay inuu ku dhinto Tunisia,” ayuu yidhi Rashid Al-Ganushi. Waxa uu intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay halis u arkaan Islaamka dimoqraadiga ah ee xisbigiisa Al-Nahda ay hoggaanka u hayaan. Waxa uu intaas ku daray in Tunisia aysan ka dhici doonin wax la mid ah wixii Masar ka dhacay 2013-kii, markaasi oo millatariga ay xoog kula wareegeen awoodda, ayaga oo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta. “Tunisia ma ahan Masar. Waxaa jira xidhiidh ka duwan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda,” ayuu Al-Ganushi. “Halkan wixii ka dambeeyey kacdoonka, ciidamada waxay ilaaliyeen xoriyadda iyo coddeynta.” Qays Saciid ayaa Axaddii qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii, sidoo kalena hakiyey baarlamanka, taasi oo lagu macneeyey afgambi muuqda. Tunisia ayaa ahaa dalka kaliya ee kacdoonkii Carbeed uu hoggaamiyey dimoqraadiyad, waxaana tan iyo 2011 ka jira nidaam dimoqraadi ah oo shaqeeya. Al-Ganushi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sidoo kale ka werwersan yihiin heshiiska nabadeed ee dalka Libya, kaasi oo hoggaamin kara dowlad dimoqraadi ah. “Aad ayey uga cabsadaan dimoqraadiyadda, waxaana welwelkoodu yahay inay ku baahdo gobolka Carbeed oo dhan,” ayuu yidhi. Source