-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka (FEIT), isaga oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa. Ugu horreyn guddiga doorashooyinka dalka ee heer federaal ayaa ra’iisul wasaaraha u gudbiyey warbixin ku aadan halka ay marayaan doorashooyinka iyo dardar-gelintooda. Sidoo kale guddiga ayaa Rooble u gudbiyey codsi gaar ah oo la xiriira fududeynta howlaha doorashooyinka ee ka billowday dalka. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay kulankan, waxaana lagu sheegay inuu Rooble ka jawaabayo codsiyada ka yimid guddiga doorashada. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo warbixin ka siiyay Halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Rooble. Kulankan waxaa ka horreeyey shir kale oo uu ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ururada bulshada rayidka, kaas oo looga hadlay doorashooyinka iyo xiisadda ka taagan dalka. Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, waxaana maanta HirShabelel ay qabaneyso kuraas ka mid ah kuwa Aqalka Sare ee yaalla Jowhar. The post Guddiga doorashooyinka oo dalab xasaasi ah u gudbiyey R/Wasaare Rooble + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
JOWHAR (HOL) - HirShabelle state parliament is today electing senators following lengthy delays that have seen the exercise which was set to conclude on July 28 drag for more than one and half months. Source: Hiiraan Online
-
“Cidna looma xidhi karo caymiska gaadiidka bulshadu xaqbay u leeday in ay ka caymisato shirkada kasta oo caymis bixinaysa oo kalsooni qofku ku qabi karo, sida hada warqadan ka muuqata waa afduub cidgaar ah loogu afduubayo bulshada taasina sinaba suurogal uma aha maadaama oo aanu nahay dadkii bulshadu soo dooratay waxa kasta oo aan sharciyan sax ahayn waanu ka hor joogsanaynaa in bulshada lagu dhaqo”. Xildhibaan Cali Qaran ayaa yidhi. Source
-
Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay jirto cabsi ay ka qabaan khatar aragagixso oo uga imaan karto dalal ay ku jirto Somalia, balse waxaan warbixinta lagu sheegay in cabsida koowaad ay tahay kooxda ISIS ee Afgaanistaan. Avril Hanes oo agaasimaha sirdoonka Qaranka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegtay shirka sanadlaha ah ee amniga iyo sirdoonka ee 2021 oo lagu qabtay Washington DC. Agaasimaha oo alaadda fogaan araggga uga qeyb-gashay shirkaasi ayaa sidoo kale shaacisay magacyada dalalkaasi, waxayna kala yihiin Somalia, Yemen, Syria iyo Iraq “Cabsida ugu sareysa ee Argagixisada ee Xilliga ma aha dalka Afganistan, balse waxaan aad u arkaa inay Khatarta ka soo fool leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria, Iraq iyo Kooxda Daacish,” ayey tiri Avril Hanes agaasimaha sirdoonka qaranka dalka Mareykanka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ka dowlad ahaan ay si gaar ah isha ugu hayaan afartaasi dal, si looga looga hortego halista kooxaha argagixisada. Ugu dambeyn Avril Hanes ayaa sheegtay inay si aad ah ula socon doonaan dhaq-dhaqaaqa kooxda Daacish-ta Afgaanistaan, si looga hor istaago ulinta weeraro horleh oo ay geysato. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo horey Daacish ay u sheegatay weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka, ka hor inta aysan ka bixin garoonka Kabul. Si kastaba, Soomaaliya ayaa marka la’eego Mareykanka waxa uu ka fuliyaa howl-gallo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka gudaha dalkeena. The post Mareykanka oo shaaciyey khatar uga imaan karto dalal ay ku jirto Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa toddobaadkaan safar gudaha iyo dibadda ah laga celiyay laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Soomaaliya. Xogta la helayo ayaa sheegeysa in saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho ay kala yihiin Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo ku wajahnaa gobalka Gedo, iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Wadna Qabad oo isagana safar u ahaa dalka dibadiisa. Wadna qabad ayaa la sheegay in uu ku dhoofayay baasaboor shisheeye oo ah dhalashadiisa 2-aad waxayna labada sarkaalba qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dacwada ka gudbiyeen ehellada Ikraan Tahliil Faarax. Si rasmi ah looma oga safarkooda waxa uu salka ku haayo, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya inay baxsad ahaayeen maadaama ay waajahayaan eedo la xadhiidha afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneed hay’adda NISA. Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la baadho saraakiisha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil, ilaa amar dambana ayna Muqdisho ka bixi karin. Raysal Wasaare Rooble ayaa hore u ballan-qaaday in cadaaladda la marin doono kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna diiday qorshe uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo oo ahaa in qoyska Ikraan mag la siiyo, islamarkaana kiiska halkaas lagu xidho, oo aan la baadhin. Source
-
(SLT-Vienna)-Laba Hablood oo Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah dilkaas dhacay. Labada gabdhood ee Soomaalida ah ayaa meydadkooda laga helay Guri ay ka daganaayeen Magaalada Vienna oo da’dooda lagu kala sheegay inay kala aheyd 28-jir iyo 37-jir, kuwaasi oo kamid ahaa Soomaalida kunool Austeria. Dilka loo geystay labada gabdhood ayaa waxaa la tilmaamay in lagu tuhunsanyahay Wiil dhalinyaro oo Soomaali ah oo 28-jir ah, waxaana la sheegay in mid kamid ah gabdhaha uu xidhiidh ka dhexeeyay. Booliska Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria ayaa gacanta ku dhigay wiilka lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilka dhacay, kaasi oo ay haatan ku wadaan baadhitaano kala duwan, isagoona xiligii la qabanayay isticmaalay maandooriye. Qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa waxaa dilal loogu geystaa dad Soomaali ah, halka qaarkood Soomaalida iyagu is dilaan, waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale Magaalooyin ku taalla dalalka Yurub dilal loogu geystay dad Soomaali ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceysa magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Illaa 27 musharax ayaa ku loolamaya doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku tartamaya sideeda kursi ee maamulkaasi uu ku leeyahay Golaha Aqalka Sare. Musharixiinta ayaa xalay kulamadii ugu dambeeyey la qaatay xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada. Guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa dhinaca kale xusay in kaliya maanta la qabanayo doorashada saddex kursi oo ka mid ah sideeda kursi ee taalla magaalada Jowhar. Kuraasta qaar ayaa isha lagu hayaa, kuwaas oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn, waxaana ka mid ah kuraastaas kursiga uu ku fadhiyey Muuse Suudi Yalaxow oo mar labaad doonaya in dib loo doorto, hayeeshee waxaa haatan kula tartamaya Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Xasan Cadow (Daaci) iyo Dr. Xasan Cadaay Cali. Sidoo kale kursiga xiisa leh waaa midka uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo markale isa soo sharraxay, isna waxaa kula tartamaya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Raage Xasan Cusmaan (Xuut) Dhammaan musharixiinta tartameysa ayaa shalay khudbado ka jeediyey xarunta baarlamaanka ee HirShabelle, iyaga oo ka hadlay taariikhdooda iyo waxqabadkooda. Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana musharixiinta ay u tartami doonaan si daah-furan, iyadoo halkii kursi ay u sharraxan yihiin laba ugu badnaana lix. The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare ee ka dhaceysa Jowhar appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa saaka magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada kuraasta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Hoolka weyn ee baarlamaanka Hirshabeelle oo ay hadda ka socoto diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada ayaa Waxaa maanta ku sii qul qulaya xildhibaanada iyo Musharixiinta Maanta doorashada u taagan. Musharixiintan ayaa kor u dhaafaya 25 musharax kuwaas oo u tartamaha 8-kursi oo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Hirshabeelle ku leedahay. Xildhibaanada tartamaya ayaa isugu jira kuwa Afarti sano ee la soo dhaafay kuraasta ku fadhiyay oo doonaya in ay soo noqday iyo Musharixiin Siyaasadda ku cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga doorashooyinka Heer federaal. Rooble ayaa warbixin ku aaddan halka ay marayaan howlaha doorashada ka dhageystay xubnaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal. Guddiga ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha kula dardarmaay sidii loo dar dargelin lahaa howlaha doorashada, iyadoo lagu wado in todobaadka soo socda la guda galo doorashooyinka Aqalka sare ee Xubnaha Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee waxa xalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku geeriyooday Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Sul. Cumar (Suldaanka Guud ee beesha Arab) ayaa la sheegaa in uu ahaa nin dhowrsoon, cibaado badan, afgaaban, oo haybaddii iyo karaamadii Saldanad lagu yaqaanay oo dhan koobsaday. Bahda Somalilandtoday waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska Reer Suldaan, qaraabadii, beesha uu suldaanka u ahaa, iyo guud ahaan Qaranka JSL. Ilaahay jannooyinkiisa ha ku deeqo innaga samir iyo iimaan hay naga siiyo, Aamiin Yaa-Rabbi. Source
-
NAIROBI, Kenya (AP) — The United Nations human rights chief on Monday said a highly awaited joint investigation into abuses in Ethiopia’s Tigray conflict was unable to deploy to the site of one of its deadliest attacks, the alleged massacre of several hundred people in the holy city of Axum. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi, (HOL) - Two Kenyan lawmakers on Monday threatened to take action against Interior Cabinet Secretary (CS) Dr. Fred Matiang'i and Inspector General of Police Hillary Mutyambai if they will not come out clear and explain the abduction of Somalia Scholar Abdiwahab Sheikh Abdisamad. Source: Hiiraan Online
-
Xaafad ka tirsan magaalada Vienna ee waddanka Austria, ayaa laga helay maydka laba gabdhood oo Soomaali ah sida laga soo xigtay Booliiska magaaladaas. Marxuumiinta ayaa magacyadooda lagu sheegay Shukri Axmed Abtidoon iyo Faaduma Maxamed Xirsi, waxaana dilkooda lala xiriiriyay nin Soomaali ah oo midkood qabay. Booliiska Austria ayaa xabsiga dhigay ninka lagu tuhmay dilka gabdhaha, si baaritaan loogu sameeyo, kadibna maxkamad loo hor-geeyo. Eedaysanaha oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa sidoo kale looga shakisanyahay, in uu isticmaalay Khamri ka hor inta uusan dilka gaysan. PUNTLAND POST The post Gabdho Soomaaliyeed oo lagu dilay waddanka Austria appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ee loo xilsaaray doorashooyinka Soomaaliya. Xubnaha Guddiga ayaa Warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Xubnaha Guddiga sida ay ku wadaan howlaha doorashooyinka socda, waxaana uu kula dardaarmay inay dardar geliyaan doorashooyinka dhiman ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya oo loo xilsaaray qabsoomida doorashooyinka dalka ayaa dhowr sheegtay inay qaban doonto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka oo warbixin u gudbiyay Ra’iisul wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Yasmin Warsame still knows how to find the perfect light in every photo, despite having been out of the haute couture scene for several years. Moments before sitting down for an interview in her publicist’s office, she’s posing for a photo. Her lithe frame is perched atop a bare table, dressed in a chic black and white ensemble by Montreal designers Atelier UNTTLD. Without direction, she angles her face – pose, pose, pose – matching the camera’s shutter speed, smouldering into the lens. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Jowhar waxa maanta oo talaado ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle. 27 Musharax ayaa u taagan 8 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaanaXildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ay dooran doonaan qaar kamid ah Musharaxiinta tartameysa. Xildhibaanada ayaa shalay dhegaystay khudbado ay u jeediyeen Musharaxiinta oo ay uga hadleen waxa ay qaban doonaan marka la doorto, waxaan doorashadan loo arkaa mid loollan adag. Kursiga ugu adag ee doorashada waxa ku tartami doona Senatar Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay. PUNTLAND POST The post Doorashada Aqalka sare oo maanta ka dhacaysa Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan kuwa ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa toddobaadkaan safar gudaha iyo dibadda ah laga celiyay laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Soomaaliya. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho ay kala yihiin Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo ku wajahnaa gobalka Gedo, iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Wadna Qabad oo isagana safar u ahaa dalka dibadiisa. Wadna qabad ayaa la sheegay in uu ku dhoofayay baasaboor shisheeye oo ah dhalashadiisa 2-aad waxayna labada sarkaalba qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dacwada ka gudbiyeen ehellada Ikraan Tahliil Faarax. Si rasmi ah looma oga safarkooda waxa uu salka ku haayo, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay baxsad ahaayeen maadaama ay wajahayaan eedo la xariira afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneed hay’adda NISA. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la baaro saraakiisha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil, ilaa amar dambana aysan Muqdisho ka bixi karin. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u ballan-qaaday in cadaaladda la marin doono kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna diiday qorshe uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo oo ahaa in qoyska Ikraan diyo la siiyo, islamarkaana kiiska halkaas lagu xiro, oo aan la baarin. The post Saraakiil ka tirsan NISA oo laga celiyay inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Suldaankii Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar S.Maxamed S.Faarax oo Geeriyooday Illaahay Ha U Naxariisto ee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa Goordhaweyd ku geeriyooday Waddanka Turkiga Oo Uu Baryahanba Xaallad Caafimaad Ugu Maqnnaa Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Ayaa Ahaa Suldaankii Guud Ee Beelaha Arab Kana mid ahaa Bahda Salaadiinta Somaliland ILaahay Ha U Naxariisto Suldaanka,Qoyskiisana Sammir Iyo Imaana Ha ka Siiyo Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aamina Maxamed oo ah xildhibaanka golaha shacabka ku metesha beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegtay in Farmaajo uu cadeystay inuu ku lug leeyahay kiiska Ikraan, kadib markii uu soo magacaabay guddi ay sheegtay inuu ku car-qaladeynayo baaritaanka kiiska gabadhooda. Waxay sheegay in Farmaajo uusan marnaba diyaar u aheyn in kiiska Ikraan uu cadaalad ku dhamaado, taasna ay cadeyn u tahay laba tallaabo oo uu qaaday, kuwaas oo kala ah inuu diiday xilka qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabidda guddigaan cusub. Waxay sheegtay inay la yaabeen markii uu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri Taliyaha NISA ayaa soo magacaabaya xubin ka mid ah guddiga oo wax ka baarta dembiga loo heysto NISA. “Marar badan waxaa lagu celceliyey Madaxweynahaa hor taagan arrinta Ikraan, laakiin caawa waa uu cadeystay, Farmaajo hadii kiiskaan uusan ogeyn oo isaga uusan amrin, maxuu ugu diidan yahay cadaaladda? Ra’iisul wasaaraha waxaan leeyahay waalidka Ikraan iyo umadda Soomaaliyeed adey kugu qanacsan yihiin oo cadaalad noo balan qaaday markii ay Hooyo Qaali ooysay,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed. “Ikraan meel halagu sheego, hadey dhimatay meydkeedii noo keena, hadaan labadaba laheyna dadka aan tuhmeyno ee dacwadooda maxkamadda la geeyey hanaloo maxkamadeeyo,” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Aamino. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegtay in u jeedka uu Farmaajo ka leeyahay guddigaas ay tahay in la baabi’yo kiiska, sida horay looga bartaba dhowr kiis oo guddi loo magacaabay, kadibna aysan waxaba ka soo naasa cadaan. Hoos ka daawo The post Xildhibaan Aamina: Farmaajo wuxuu caddeeyey inuu ku lug leeyahay kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.