Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA, Cabdulqaadir Cali Xirsi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dhaqaalihii hay’addaas ay si sharci-darro ah u ula wareegtay wasaaradda Maaliyadda Puntland. Sidoo kale, wuxu wasaaradaha hawlaha guud, Qorshaynta iyo Maaliyadda in ay la wareegeen shaqadii ay u xil-saarnayd hay’adda waddooyinka PHA. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Puntland ku eedeeyay in ay joojisay dhammaan adeegyadii hay’addu ku dabooli jirtay Shidaakka, Korontada iyo biyaha islamarkaana hay’adda laga jartay korontadii. Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka horyimid qoraalka guddoomiye Cabdulqaadir Cali wuxuuna sheegay in isagu mas’uul ka yahay wada-shaqayn la’aanta hay’addaaas iyo wasaaradaha dowladda. “Eng. Abdulqadir isaga ha la weydiiyo PHA, isagaa cid walba ka sheegtay kana dhex saaray nidaamka dowliga ah iyo wada-shaqayntii kala dhaxaysay hay’adaha dowladda.Waxaan marag ka ahay in Xukuumadda Puntland ay ka go’nayd kicinta hay’ada iyo inay garwadeen ka noqoto mashaariicda hormarinta waddooyinka Puntland” ayuu yiri Xayir. Halkaan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Puntland: Hay’adda wadooyinka oo eedayn culus u jeedisay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda appeared first on Puntland Post.
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in caawa qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla magaalada ay ku geeriyoodeen dad u badan rayid, kuwo kale ay ku dhaawacmeen. Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka ugu yaraan shan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxaana haatan dhaawacyada dadkaas lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Kismaayo. Qaraxaas ayaa noociisa lagu sheegay miino lagu sii diyaariyey gudaha Maqaayada uu ka dhacay oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali, halkaas oo dad badan ay ku caweynayeen. Sida aan xogta ku helnay Maqaayada waxaa iska leh sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Jubbaland, kaas oo dadka nala hadlay magaciisa noogu soo koobeen Mafoofe. Maqaayada qaraxu ka dhacay waxay ku taallaa xaafad lagu magacaabo Qoryooley oo ka tirsan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland ay durba tageen halka uu qaraxa ka dhacay, waxayna haatan xaafadaas ka wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan kuwii ka dambeeyey qaraxaas Maqaayada gudaheeda lagu sii diyaariyey. The post Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qarax ka dhacay Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee kashiftay in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay. “Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida. “Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara. Bishii tegtay, Filsan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay in warbixinta guddiga loo diray xeer-ilaaliyaha guud, islamarkaana ay u taallo saraakiisha hay’adaha fulinta inay go’aan ka gaaraan xaddiga dambiyada iyo cidda mas’uulka ka ah. Waxa ay intaas ku dartay inay rumeysan tahay in saraakiisha sharci-fulinta “ay sameynayaan intii karaankooda ah” laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dhaqso leh horey ugu sii socon doonto. Filsan kama jawaabin codsi loo diray maanta oo ku saabsanaa inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso is-casilaaddeeda. Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub. AFP + VOA The post Wasiir Soomaali ah oo iska casishay xukuumadda Abiy Ahmed kadib sir ay kashiftay appeared first on Caasimada Online.
  4. Galmudug ayaa sheegtay in hoggaanka Ahlusunna ay abaabul iyo kicin dagaal oo looga soo horjeedo maamulka Galmudug ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Guud ee Booliiska Galmudug ayaa lagu sheegay in Macallin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ay 12-bishan deegaan Huurshe u yimaadeen siyaaro, hase ahaatee markii dambe ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Galmudug. Taliska Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale saraakiisha ciidamada ee raacay Ahlusunna ayay ugu baaqeen in ay 24 saac gudahood dib ugu soo laabtaan xeryohooda, ciddii diidana tallaabo laga qaadi doono. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in Ahlusunna ay wado abaabul dagaal appeared first on Puntland Post.
  5. Ethiopia's women's minister, the first federal official to acknowledge rape had taken place during the Tigray war, announced her resignation Monday, without specifying a reason. Source: Hiiraan Online
  6. Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyihii Boolsika degmada Xudun ee gobolka Sool, Cismaan Maxamuud Saalax ayaa maanta ku geeriyooday iska hor-imaad ka dhacay degmadaas, sida uu xaqiijiyey maayirka degmada Xudun. Maxamed Jaamac Xirsi, maayirka degmada Xudun ee gobolka Sool oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in Taliyaha uu ku baxay iska hor-imaadkaas oo u dhaxeeyay ciidamada iyo kooxo soo weeraray saldhiga booliska Xudun. “Howl-gal laga galayay degmada ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii saldhiga booliska, waxaan tacsi u direyna ehelladii uu ka geeriyooday iyo dhamaan dadka reer Xudun, tacsi baa uga direynaa falkaas dhacay ee foolxumada lahaa,” ayuu yiri. “Waxaa ku dhaawacmay nin askari ah oo saarna gaadiidkii nooga yimid Laascaanood, meel xun ayey xabadu kaga tiiley inkasta oo uu iska ladnaa, waxaana ku celinay Laascaanood.” Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka kooxda uu daba socday gaari khamri ah oo ay gacanta kusoo dhigeen iyo raggii waday, oo ay ku xireen saldhiga booliska Xudun. Maayir ayaa cabasho xoogan ka muujiyey ciidamo yari iyo mukhadaraadka oo uu sheegay inay faro ba’an ku hayaan deegaanadaas, isagoona ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay kala qeyb qaatan sugida amaanka. The post SOMALILAND oo taliye sare looga dilay DAGAAL culus appeared first on Caasimada Online.
  7. Macallinka kooxda Kubbadda Cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare ayaa u mahadceliyay tababarihii hore kooxda Raadsan Cabdiwali Maxamed Maxamuud ( Cabdi Joon) sida wanaagsan uu u dhisay kooxda Raadsan oo ka mid ah kooxaha kubbadda cagta horyaalka Soomaaliya. “Ma aheyn shaqo fudud sida uu Tababare Cabdi Joon u dhisay kooxda Raadsan, runtii waa wax aad looga mahadceliyo laguna amaano” ayuu Goobjoog Sports u sheegay macallinka Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare Sidoo kale Macallin Farayare wuxuu bogaadiyay da’daalka maamulka sare ee kooxda kubbadda cagta Raadsan, isagoo qiray in ay is badal ka sameeyeen horomarka naadiga Raadsan. “Runtii waxaan qirayaa in da’daal sare lagu bixiyay horomarka ay gaartay kooxda Raadsan, maanta Raadsan waxay ka mid tahay kooxaha tayada wanaagsan ee kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay macallinka kooxda kubbadda cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare. Tababare Maxamed Cabdulle Farayare wuxuu sheegay in sababta uu u qabtay shaqada kooxda Raadsan ay tahay in aqoontiisa uu ku biiriyo iyo in uu wax ku daro, halkii ay naadiga keeneen macallintii soo maamulay Raadsan ee kala ahaa Cabdi Weli Maxamed (Cabdi Joon) iyo Axmed Cabdiraxmaan Cumar (Gidaamow). Daawo Macallin Farayare Oo Amaanay Cabdi Joon Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Tababare Maxamed Cabdulle Farayare “Horomar Weyn Ayaan Ka Geysan Doonaan Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. Maamul goboleedka Galnudug ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ay Ahlu-sunno ka wado degaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Taliska Guud ee Booliiska Galmudug oo war-saxaafadeedkan soo saaray ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan Deegaanka Huurshe. Taliska ayaa sidoo uga goodiyay saraakiisha ku hawlan inay garabsiiyaan Ahlusunno in wajihi doonan tallaaboyin sharciga waafaqsan, waxaana la faray saraakiisha Ciidamada ee Huurshe jirta in ay xeryohooda dib ugu soo laabtaan oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyadoo qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay in aysan gacan siinin abaabulkaasi. Ugu dambeyn Taliska Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamey Xananbuure in ay colaadaasi ku badalaan nabad iyo wada xaajood. GOOBJOOG NEWS. #ILASOCO Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa soo faro-gelisay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayo ay maanta soo gaareen magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Generaal Muhoozi oo uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa la geeyay madaxtooyada, ayada oo uu la kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxay Muhoozi iyo Saraakiisha ku wehlinayay safarkiisa kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xili uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha. Ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro hoos u dhigista khilaafka labada mas’uul iyo arrimaha amaanka. Si kastaba, Wafdigan ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha Ugand uu sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, haddii aan xal loo helin khilaafka madaxda sare ee dalka, taasi oo wax u dhimeysa howl-galada amaanka. Museveni oo xiligaas la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is-jiid-jiidka weli ka jira qabsoomida doorash ooyinka dalka. Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego ciidamada waddamada ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika. The post Sawirro: General Muhoozi oo Villa Somalia kula kulmay Farmaajo iyo Rooble, xilli la faro-geliyey khilaafkooda appeared first on Caasimada Online.
  10. Taliyihii Ciidanka Booliiska S/land ee Degmada Xuddun oo Hawlgal lagu dilay Taliyihii saldhiga booliska ee degmadda xudun ee gobolka Sool Sadex-Xidigle Cismaan Maxamuud Saalax ayaa hadda ku geeriyoodey hawlgal ay Ciidanka booliska ee degmaddaasi ku qab-qabanayeen Gaadiid sida khamri Dablay watey. Iska hor imaad dhexmaray Ciidanka booliska ee degmada xudun iyo rag watay gaadiid uu saarna khamrigu ayaa sababay dhimashada taliyaha sidoo kalana waxa hawlgalkaasi ku dhawacmay mid ka mid ah Ciidanka booliska ee degmada xudun . Maayirka degmada xudun Maxamed Jaamac xirsi ayaa dhimashada taliyihii Ciidanka booliska ee degmada xudun u xaqiijiyey warbaahinta Qaran News
  11. Taliyaha ciidamada lugta Uganda oo maanta booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulamo gaargaar ah la yeeshay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble. Gen.Muhorzi Kainerugaba ayaa warar ay heshay Goobjoog News sheegayaan inuu Farmaajo kala hadlay Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo ra’isul wasaaraha, oo ay tahay in la fogaado, isaga oo dalbaday in la xasiliyo siyaasadda guud ahaan, lana sugo amniga doorashada iyo dardargelinteeda. Lt. Gen. Muhorzi oo dalkiisa Soomaaliya ka joogaan ciidamada ayaa ra’isul wasaare Maxamed Rooble oo hadda hoggaamiyaha doorashada kala hadlay guud ahaan amniga iyo hawlgalada dalka ka socda, amniga doorashada iyo arrimo kale . Waa mas’uulkii ugu horeeyey ee ajnabi ah ee iska xilsaara xalinta Khilaafka labada mas’uul. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  12. Wararka ka imaanaya degmada Xuddun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Cabtooy hubaysan. Dagaalka oo ka dhacay inta u dhexaysa Xuddun iyo Awrboogays oo ka wada-tirsan Gobolka Sool ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isu’gu jira. Inta la xaqiijiyay waxa dagaalkaas ku dhintay Taliyihii ciidamada Somaliland ee degmada Xuddun waxaana ku dhaawacmay in ka badan lix ruux oo kale. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Somaliland oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  13. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba. Gen. Muhorzi Kainerugaba oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulan gaar ah yeeshay kadib markii uu ku qaabilay xafiiskiisa. Ra’iisul wasaaraha ayaa Gen. Kainerugaba uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. PUNTLAND POST The post Rooble oo qaabilay Taliyaha ciidanka Lugta Uganda appeared first on Puntland Post.
  14. Xisbiga Dimuqraadiga bidixda dhexe ee dalka Jarmalka ayaa si dirqi ah ugu guuleystay doorashooyinkii federaalka ee ka dhacay dalkaasi, iyagoo ka adkaaday xisbiga Chancellor Angela Merkel ee xilka ka sii degaya, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah. Xisbiga Dimoqraadiga ee SPD ayaa xaqiijiyay in ay heleen codad gaaraya 26% , halka xisbiga muxaafidka ah ee talada haya uu helay 24.1%. kaalinta sadexaad waxaa galay Xisbiga The Greens oo isna helay 14.8% ,waana natiijadii ugu wanaagsaneyd taariikhda ee ay helaan xisbigaasi ama ay gaaraan. Inkastoo aysan jirin xisbi sheegan kara aqlabiyad ama in uu helay 50%,haddana,waxaa suurtagal ah in fursad la siiyo xisbiga ku guuleystay doorashooyinka ama in la abuuro isbaheysi si loo dhiso dowlad muddo afar sano ah matasha shacabka dalka Jarmalka. PUNTLAND POST The post Xisbiga Angela Merkel oo looga guulaystay doorashada Jarmalka appeared first on Puntland Post.
  15. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo taliyaha ciidamada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba. Kulanka ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha dalka ku wehlinayay wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xil Cabdullahi Maxamed Nuur. Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho, ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya”. Source: goobjoog.com
  16. Dadkan ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Sudan ku taallo ay muddo dheer, ka diidaneyd u cusbooneysiinta baasabooradooda. Dadka ayaa sheegay in dowladda sudan ay dhowr jeer xirtay iyagoo loo heysto aqoonsi la’aan. Cabdi salaad geeddi oo Goobjoog la soo xiriiray ayaa sheegay in Safaaradda Cabashadooda ay wax ka qaban weysay. Safaaradda ayeey ku eedeyeen in ay muddo ka badan shan bil ay iskaga daba wareejineysay cusbooneysiinta baasabooradooda. Waxa ay sidoo kale sheegen in dowladda Sudan ay dhowr jeer xabsiga u taxaabtay kadib markii uu ka dhacay Aqoonsigooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi uu bixiyey ninkii isku qarxiyey Koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Ceel Gaabta eemagaalada Muqdisho, kaasi oo uu kaga hadlay qorshaha uu naftiisa ku dilay. Wareysiga uu bixiyey naftii haligahaan ayuu ku sheegay in lagu magacaabo Maxamed Amiin Xaaji Xubbi loona garan ogaa (Carafaat). Ninkaan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, islamarkaana uu ka dhashay Beesha Shabeelle, gaar ahaan Reer Geedow. Ninkaan oo ahaa 20 jir ayaa markii hore ka tirsanaa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab ee ka dagaalamo Gobolka Shabeelada Hoose ka hor inta uusan ku biirin qeybta is-qarxinta, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyey. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay la beegsatay kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda, iyadoo sheegtay inay ku dishay 16 qof oo ka tirsan Dowladda. Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa isna dhankiisa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen, ku dhawaad 9 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee 25 Bishaan ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya. Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan weeraro ka dhici kara magaala madaxda kuwaasoo loo diray shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah. Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qarxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya. Qaraxyadaan ayaa sidoo kale ku soo aaday iyada oo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday dalkuna uu isku diyaarinayo doorasho. The post Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo beesha ninkii isku qarxiyey isgoyska Ceel Gaabta appeared first on Caasimada Online.
  18. Yaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalka Jarmalka? Olaf Scholz Jarmalka ayaa Isniinta maanta ah galay xaalad siyaasadeed aan hubanti laheyn ka dib markii xisbiga Social Democrats uu si dirqi ah ugu guleystay doorashadii guud ee baarlamaaniga dalkaasi, hase yeeshee waxa uu wajahayaa xisbiga muxaafidka ee ay hoggaamiso Angela Markel oo helay natiijo aad ugu dhow. Dalkan oo 16 kii sano ee ay hoggaamineysay Markel haystay xasillooni ayaa toddobaadyada iyo bilaha soo socda waxa uu galayaa xaalad adag, iyadoo xidbiga SPD ee uu hoggaamiyo wasiirka maaliyadda Olaf Scholz iyo hogaamiyaha xisbiga conservatives-ka Armin Laschet ay ku loollami doonaan in ay helaan axsaab ay dowlad la dhistaan. Natiijooyinka hordhaca ah ayaa sheegaya in xisbiga bidixda dhexe ee SPD uu helay 25.7 boqolkiiba, halka xisbiga midigta dhexe ee CDU-CSU ee Markel uu helay natiijadii ugu hooseysay oo ah 24.1 boqolkiiba. Hoggaamiyaha SPD Olaf Scholz ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu xukuumad isbaheysi ah lasoo dhiso xisbiyada Greens iyo Liberals-ka FPD, isaga oo yiri, in Jarmalka ay go’aansadeen in kadib 16 sano oo xukun ah ay xisbiga Merkel ka dhigaan mucaarad. Dalkan ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa sanadka danbe qaban doona xilka madaxweynenimo ee kooxda G7 ee ay ku mideysan yihiin dalalka hodanka ah, iyadoo uu u baahnaan doono dowlad awood leh dejinta ajandayaasha caalamiga ah. Qaran News
  19. Cuntadee ayay Soomaalidu caalamka ugu faantaa marka ay Itoobiya ku faanto Canjeelada? Musalsalka BBC-da ee lagu soo bandhigo sheekooyinka ay soo qoraan wariyeyaasha reer Afrika, ayuu Ismaaciil Caynaashe uga hadlayaa muhiimadda uu leeyahay raashinka ay karsadaan dadka laga qixiyay dalkooda. Muddo aan saas usii fogeyn, maqribnimo Jimce ah oo uu roob ka da’ayay London, ayaa koox saaxiibbadeey ah kusoo dhaweeyay guriga aan dagganahay, si ay iila wadaagaan cunto Soomaali aan diyaarinayay muddo saacado ah. Waxaa ku jiray noocyo badan oo ka mid ah raashinka ay Soomaalida jecel yihiin, sida bariis iyo hilib, kuwaasoo aan ku kariyay dhirta carafta ee ay ku jiraan heyl, xawaaji iyo dhagayare. Waxyaabahan waxay raashinka si rasmi ah uga dhigayaan cunto Soomaali – oo waxyaabo badan ka kooban aadna u macaan. Baariska waxaan la keenay hilib – gaar ahaan nooca hilib geel – oo ah mid si tartiib ah muddo saacado ah loogu huuriyay geedo caraf kulul oo ay ka mid yihiin basal iyo toon. Waxaa kale oo aan miiska soo dhigay cunto Soomaalidu aad u isticmaalaan oo ah baasto suugo looga dhigay hilib shiidan – waana raashin kasoo aasaasmay markii ay Soomaaliya ku jirtay gumeysigii Talyaaniga. Balse Soomaalida waxay ka baddashay in in ku darsato hilibka lo’da, ariga ama geela, annagoo ku carfinna geedo aan si gaar ah u naqaanno, kuwo kalena ku kululeyna, sida basbaaska. Cunto Soomaaliga waxaa laga heli karaa makhaayadaha Soomaalida iyo guryaha Soomaalida qurbo joogta ah Raashinka Soomaalidana wali ma dhammeystirna haddii aan lasoo raacinin moos iyo basbaas shigni. Shigniga waxaa laga sameeyaa basbaaska cagaaran oo lagu kariyay yaanyo, raqay iyo kabsar caleen. Mar walba waan jeclaan jiray inaan kariyo iyo inaan cuno raashinka ay caanka ku yihiin Soomaalida. Sannadihii aan barashada cunto karinta waday waxaan ku qaatay jikada anigoo daawanaya dumarka qoyskeenna oo diyaarinaya cunto aad cajiib u ah. Balse bilihii ugu dambeeyay, oo aan ku xayirnaa London, saraffadiina loo joojiyay cudurka Covid-19 awgiis, waxaan ogaaday in raashinka aan karsanayay uu aad ugu ekaaday cunto Soomaaligii la yaqaannay. Spaghetti oo la Soomaaliyeeyay Hadal-heynta cunto Soomaaliga waxay kusoo aadday xilli sanadkan uu ku asteysan yahay taariikh weyn – maadaama 2021-ka uu ku beegan yahay 30 guuradii kasoo wareegtay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo billaabashada dagaalka sokeeye. Marka aan sameeyo cunto Soomaaliga, anigoo jarjaraya basal badan ama isticmaalaya alwaaxa hibilka lagu jarjaro, ama xitaa aan cabayo shaah Soomaali – oo ka sameysan caano, caleen iyo geedo kulkulul – maskaxdeyda waxaa dib ugu soo dhaca maalmihii aan qoyskeyga kula noolaa magaalada Hargeysa, oo ah caasimadda meesha hadda loo yaqaanno Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Qoyskeyga waxay sida qoysas badan oo Soomaali ah ugu khasbanaadeen inay ka cararaan gurigooda ayna qaxooti ku noqdaan Itoobiya, ka hor inta aysan nolol cusub ka billaabin waddanka UK. Qaddarinta dhaqankaaga Hadda markaan daawado musiibada ka dhaceysay Afghanistan, waxaan soo xasuustaa xanuunka ay leedahay in gurigaaga lagaa qixiyo. Waxaad waayi kartaa waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin luuqaddaada, laakiin raashinka – waxyaabaha lagu daro, nooca cuntada iyo magacyadeeda way kula soconayaan. Waxay noqoneysaa hab aad ku qaddariso dhaqankaaga – iyo hab aad sidoo kale ku muujiso jacaylka aad u qabto saaxiibbadaada cusub ee aad ku baratay waddanka aad timid. Si ka duwan cuntooyinka dalalka kale ee Bariga Afrika, sida raashinka Eritrea ama Itoobiya, aad bay u yar yihiin dadka yaqaanna cunto Soomaaliga. Laakiin raashinka Soomaalida waxaa laga yaabaa inuu mar dhow soo caan baxo, taasoo looga mahad celinayo cunto karisada Mareykanka daggan ee lagu magacaabo Xaawo Xasan iyo buuggeeda raashin karinta sharraxaya. Buuggaas wuxuu toos ku ifinayaa qaar ka mid ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee ay leeyihiin dalalka Bariga Afrika, oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Waxaa kale sii kordhaya kanaallo Youtube ah ama Instagram ah oo lagu sii daayo cashirro ku saabsan sida loo kariyo cunto Soomaaliga. Xaawo Xasan waxay ka mid tahay qurbo joogta soo caan bixisa cunto Soomaaliga Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, karinta cuntada Soomaalida waxay inta badan keentaa xasuus farxadeed oo qoyska dhexdiisa ah. Balse waxay sidoo kale igu abuurtaa walwal marka aan ka fikiro sida aan loo aqoonin cuntada Soomaalida – haddase waxaa la joogaa waqtigii ugu fiicnaa ee raashinka Soomaalida uu heli lahaa aqoonsiga uu mudan yahay. Cuntada Soomaalida marka la sameynayo, wax walba waxa uu ka billowdaa xawaash, oo ah geedo la isku dardaray oo isugu jira miraha xawaajiga, kabsarta, filfil, qorfe, heyl, dhagoyare iyo huruud. Qaran News
  20. Ujeedada qoraalkaan waa qiimeynta dhexdhexaadinta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Karie usbuucyadaan ka dhex waday Madaxweynaha DF ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo R/W Xukuumadda Xilgaarsiinta DF, ahna Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Qaranka, Inj. Maxamed Xussein Rooble. Sida lala wada socdo, maalmahaan baraha bulshada waxaa qabsaday hadal haynta Madaxweyne Qorqor oo ilaa maalintii Taliyihii hore Fahad Yaasin Xaaji Daahir shaqada laga joojiyay, kaddibna la yiri waa is casilay, ku mashquulsanaa dhexdhexaadinta Farmaajo + Fahad Yaasin iyo R/W Rooble. Dad badan waxay is weydiinayaan mudnaanta gaarka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ku muteystay inuu dhexdhexaadiyo labada mas’uul, mudnaantaaso aysan laheyn madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabelle ama mas’uulin kale iyo Beesha Caalamka. Muddo dheer waxaa la ogaa in Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madoobe iyo Golaha Midowga Musharrixiinta ka soo horjeedeen siyaasadda Farmaajo halka Madaxweyne Qoorqoor, Laftagareen, iyo Guudlaawe taagersanaayeen siyaasadda Farmaajo iyo Fahad. Madaxweyne Sicid Deni, Axmed Madoobe, iyo Guudlaawe waa ka gaabsadeen inay dhexdhexaadiyaan Farmaajo iyo Rooble. Si gaar ah, Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madobe waxay caddeeyeen in Farmaajo gardaran yahay, kuna dhawaaqeen in Farmaajo joojiyo qaska iyo carqalada si R/W Rooble u gudo xilkiisa hoggaaminta xukuumadda xilgaarsiinta, loona dhammeystiro doorashada muddo dhaafka ah. Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor diiday inuu taagero mowqifka Sicid Deni iyo Axmed Madobe qaateen, taaso soo dedejin laheyd xakameynta qaska Farmaajo, isla markaana dardargelin laheyd dhammeystirka doorashada iyo caddaalad marinta kiiska sarkaalad Ikram Tahliil Faarax ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugidda, sarkaaladdaaso nolol iyo geeri lagu la’yahay, lana tuhunsan yahay saraakiil uu madax u yahay Fahad Yaasin Xaaji Daahir ay mas’uul ka yihiin afduubkeeda iyo khaarijinteeda (kidnapping and assassination). Haddii khilaaf dhexmaray Farmaajo iyo Rooble, muxuu yahay heerka ku kalsoonaanta dhexdhexadnimada Qoorqoor oo ay R/W Rooble ay isku beel yihiin, hase yeeshe aysan isu laab furneyn, iyo Farmaajo iyo Fahad Yaasin ay kala dhexeyso abaal gudid, nafti hurid, laab furnaan, iyo daacadnimo? Dad badan waxay qabaan in ujeedada dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor ay tahay jaahwareerin, waqti lumis iyo waqti dheereyn, beddelka dulucda khilaafka, abuuritaanka riwaayado been ah, taaso ah xeeladaha Farmaajo iyo Fahad ku gaaraan ujeedooyinkooda gurracan ee siyaasadda. Taagerayaasha R/W Rooble iyo dad badan oo dhexdhexaad ah waxay qabaan in dhexdhexaadinta tooxsiga ah, jujuubka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ay abuurtay khilaaf iyo kala eed sheegasho ballaaran oo dad badan saameysay, faafinta sheekooyin iyo warbixinno been ah, marin habaabin bareer ah, talooyin lagu hor istaagayo baaris sharciga waafaqsan ee kiiska Ikram Tahlil Faarax si runta iyo cadaaladda loo gaaro, iyo kala aamin bax iyo is cadowsi. Inkastoo Madaxweyne Qoorqoor hadlin, haddana wasiirro la shaqeeya waxay warbaahinta ka sheegeen in dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor guuldarro ku dhammaatay, sababtana dusha laga saaray Farmaajo. Haseyeeshe, Madaxtooyada iyo taagerayaasha Farmaajo iyo Fahad Yaasin waxay warbaahinta iyo baraha bulshada ka sheegayaan in dhexdhexaadinta Qoorqoor aysan dhammaan, taaso u eg marin habaabin iyo waqti gadasho lagu abuurayo colaad sokeeye iyo dib u dhaca doorashada muddo dhaafka ah. Madaxweyne Qoorqoor wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka hagraday inuu u sheego aragtida dhexdhexaantiisa iyo sababaha fashilkiisa. Aamusnaanta Madaxweyne Qoorqoor waxay sare u qaaday saluugga iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka qabo Madaxdooda. Inta Madaxweyne Qoorqoor ku jiray dhexdhexaadinta waxaa dalka ka dhacay qaraxyo iyo ismiidaaminno dad badan ku dhinteen, ku dhaawacmeen, hanti badanna ku burburtay, dhibaatooyinkaasoo Al Shabab sheegteen, haseyeeshe loo aaneynayo qaska Farmaajo iyo Fahad wadaan oo shaqadii hay’adaha maamulka iyo nabadgelyada curyaamiyay. Waxaa la isweydiinaya qiimaha iyo culeyska Madaxweyne Qoorqoor siiyay ama siinayo qoraalka Fahad Yaasin ugu soo jawaabay R/W Rooble markuu weydistay warbixin ku saabsan kiiska Ikram Tahlil Faarax, iyo warqadaha Farmaajo ku baabi’iyay go’aankii sharciga ahaa ee R/W Rooble shaqada uga joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasin, kuna amray Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida inay baaraan waxna ka qabtaan kiiska Ikram Tahlil Faarax oo la la’yahay geeri iyo nolol, fulinta amarkaaso ilaa maanta Farmaajo iyo Fahad hortaagan yihiin, warqaddii Farmaajo ku magacaabay Fahad Yaasin jagada laTaliyaha nabadgelyada Madaxweynaha taaso sharci darro ah, laguna xadgudbay R/W Rooble, iyo warqaddii Farmaajo ku sheegay inuu ku dhimayo ama awood ugala soo noqonayo R/W Rooble, kuwaasoo dhammaantood ka soo horjeeda dastuurka, ilaalinta cadaaladda, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo. Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqday inaan la hor is taagin baarista kiiska Ikram Tahlil, isla markaana la carqalateyn, la wiiqin guulaha R/W Rooble ka soo hooyay hirgelinta doorashada daahday, lana taagero dhammeystirkeeda. Waxaa kaloo la isweydiinaya in Madaxweyne Qoorqoor maanka ku hayay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka isku raacay 27 Maajo 2021 iyo isbeddelka siyaasadeed, maamul, iyo nabadgelyo ee uu xambaarsanaa marka uu dhexdhexaadinayay Farmaajo+Fahad iyo Rooble. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu dhaliyay shaki weyn oo ah in Farmaajo ahaan karo Madaxweyne ama mas’uul qaran Fahad Yaasin la’aantiisa. Sidaaso kale, dhexdhexaadinta afduubka ah waxay dhalisay shakiga ah in Madaxweyne Qoorqoor gudan karo xilkiisa Madaxweynaha Galmudug Farmaajo iyo Fahad Yaasin la’aantooda? Dadka Reer Galmudug waxay ku cabanayeen muxuu Madaxweyne Qoorqoor u dayacay danaha dowlad goboleedka Galmudug, uguna mashquulsan yahay difaaca iyo daboolka xadgudubyada dowladda federaalka oo muddo dheer caqab ku ah nabadda, midnimada, iyo horumarka Galmudug. Aqlabiyadda Reer Galmudug waxay jecel yihiin in Madaxweyne Qoorqoor mudnaanta siiyo arrimaha ay ka mid yihiin: 1- Dhammeystirka doorashada Aqalka Sare iyo diyaargarowga iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacbiga oo ku dhacda jawi nabad ah, xor iyo xalaal ah; 2- Wax ka qabashada halista Al Shabab ku hayaan Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhusamareb iyo deegannada kale ee Galmudug kaddib markii Al Shabab ay dedeg dib u qabsadeen deegammo laga xoreeyay; 3- Wax ka qabashada colaadda dabadheeratay ee ka dhex taagaan beelaha walaalaha ah ee reer Galmudug; 4- Ka heshiinta iyo daawoobidda cabashooyinka iyo uur xumida laga dhaxlay dagaalkii Ahlu Sunna iyo Wal Jamaaca lagu muquuniyay oo ciilqabkiisa dul hoganayo deegaanka Galgudud. Waxaan rajeynaya in qoraalkaan isu soo dhoweeyo dareenka reer Galmudug, isla markaana Galmudug ka badbaadiyo dhibaatooyinka dowladda federaalka lugaha kula jirto kaddib markii ay ku xadgudubtay ilaalinta dastuurka kmg. Danta iyo sumcadda wanaagsan ee Galmudug waxay ku jirta la safashada R/W Rooble sida ku cad dastuurka kmg iyo heshiiska 27 Maajo 2021 si loo helo dowlad sharciyad heysata oo hanata hoggaaminta dalka. Dr. Maxamud M. Culusow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Maxay tahay mudnaanta gaarka ah ee Qoorqoor ku dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Rooble? appeared first on Caasimada Online.