-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Addis ababa)-Xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay Midowga Afrika (AU) eex, maalmo kadib markii ururku uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu dhexdhexaadiye ka noqdo colaadaha ka taagan dalka Itoobiya. Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) Getachew Reda ayaa ku eedeeyay AU inay u eexatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inay “caqli -darro tahay in la filaayo in howlgalkan uu shaqeeyo” Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa hadheeyey rabshado tan iyo bishii November ee sannadkii hore, markii Raysal wasaare Abiy Ahmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray, si ay u afgembiyaan TPLF oo ah xisbiga tallada gobolkaas haya. Abiy Axmed ayaa sheegay in tallaabada uu ciidammada ugu diray gobolkaas ay jawaab u tahay weeraradii lagu qaaday xerooyinka ciidamada dowladda federaalka ku lahaayeen gobolka Tigray. Guulleystaha abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019, wuxuu ballanqaaday guul deg deg ah, laakiin dagaalku wuxuu sii jiitamayey muddo bilo ah, taas oo dhalisay dhibaato bini’aadanimo oo ka dhacday gobolka Tigray, halka fallaagadu ay qabsadeyn qeybo kamid ah gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada. Abiy Ahmed ayaa hore u diiday inuu wadahadal la yeesho hoggaamiyeyaasha Tigrayga, isaga oo ku adkeystay inuu meesha ka saari doono madaxda TPLF. Khamiistii, ururku Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu Obasanjo noqdo wakiilka sare ee Geeska Afrika, isagoo sheegay inay qayb ka tahay “dadaal lagu horumarinayo nabadda, amniga, xasilloonida iyo wadahadalka siyaasadeed”. Laakiin afhayeenka TPLF Getachew ayaa iska fogeeyay qorshahaan, isagoo yidhi: “Aad bay noogu adag tahay inaan ogaano sida dadku ay si macquul ah uga filayaan kaalin wax dhisaya hay’ad uu musuq-maasuqa u bixiyey magaca aad u xun”. “Xallinta xiisadda ugu yaraan waxay u baahan tahay in la qiro jiritaanka, iskaba daaye baaxadda ay le egtahay dhibaatada,” ayuu ku qoray Twitterkiisa afhayeenka TPLF. Dagaalka Itoobiya ayaa caddeeyey inuu yahay mowduuc xasaasi u ah Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Source
-
Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo Garbahaarey (Caasimada Online) – Kadib sanado uu dagaal badan u galay, dartiisna u xayiray in dalka ay doorasho ka dhacdo, madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu hadda luminayo gobolka Gedo ee beeshiisa ay degto. Siyaasiyiinta miisaanka leh ee gobolka Gedo, ayaa mid mid uga siibanaya xerada madaxweyne Farmaajo, ayada oo badankood ay u galayaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ama ay iskood u istaagayaan. Laba toddobaad kahor, Farmaajo wuxuu waayey wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kadib markii uu kasoo waday Beled-Xaawo oo uu keenay Muqdisho dib uga furtay saddex bil kadib. Janan ayaa looga baxay ballamo badan oo dhaqaale uu ugu weyn yahay. Sidoo kale, waxaa Axaddii shir jaraa’id magaalada Garbahaarey ku qabtay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka, oo sheegay in Gedo ay hoos tagto Jubaland, oo Axmed Madoobe uu madaxweyne u yahay. Siyaasiyiinta Gedo ee kasoo horjeestay Farmaajo, waxay ku hadleen luuqad isku mid ah, ayaga oo sababta ay u raacsan yihiin Axmed Madoobe ku sheegay in dagaalka dowladda federaalka iyo Jubaland uu wax badan ku waayey gobolka. Xubnahan ayaa sheegay in muddadii sanadka iyo barka aheyd ee xiisadda ay ka jirtay Gedo, uu gobolka waayey mashaariic badan, oo uu ka heli lahaa ama loo soo marin lahaa maamulka Jubaland. Waxay sababta ku sheegeen in gobolka uu u gacan galay maamul sharci-darro ah oo ay soo magacowday Villa Somalia, sida ay hadalka u dhigeen. Waxaa intaas kasii daran in muddadaas Villa Somalia iyo dowladda federaalka aysan wax dhaqaale ah siin gobolka, taasi oo muujineysa in Farmaajo markii horeba dano shaqsi uu watay, ee aanu gobolka u daneyneyn. Waxaa hadda muuqata in si tartiib ay awoodda maamulka Gedo ugu gacan galeyso Axmed Madoobe, inkasta oo ciidamada taageersan Farmaajo ay weli haystaan qeybo ka mid ah gobolka. Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dhawaan safar taariikhi ah ku tago gobolka, oo muddo badan ka maqan gacanta maamulkiisa. Safarka Axmed Madoobe oo ku aadan ka hor doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo hadda kamid ah siyaasiyiinta taageeran madaxweynaha Jubaland. Macalumuu ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe safar u ku tegi doono Gobolka Gedo, balse wuxuu xaqiijiyey inuu socdo qorshaha safarkiisa. The post Farmaajo oo gobolka Gedo uu gacantiisa kasii baxayo appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia's 10-month civil war has come at a huge human cost, with thousands killed, millions displaced and many in desperate need of assistance. Source: Hiiraan Online
-
Xoogagga Tigrayga ayaa midawga Afrika ku eedeyay in uusan dhaxdhaxaad ka aheyn wadahalada TPLF iyo dowladda Itoobiya. Midawga Afrika ayaa dhawaan madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, u magacaawday in uu garwadeen ka noqdo dhaxdhaxaadinta kooxda iyo xukuumadda Abiy. Getachew Reda, oo ah Afhayeenka kooxda TPLF ayaa sheegay in midawga Afrika uu rabo in uu la safto dowladda Abiy. Obasanjo, ayeey kooxda ku eedeysan in uu xiriir dhaw kala dhaxeeyo dowladda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(ERGO) – Adan Oyow Ibrahim fled with his large family from their farm south of Jowhar when floodwater from the river Shabelle started pouring in on 11 August. Source: Hiiraan Online
-
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa dekedda Berbera ku soo dhowaysay qaxooti Yemeniyiin ah oo ka soo cararay colaadda ka aloosan dalkaas. 177 qof oo qaxooti Yemeniyiin ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Berbera sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Somaliland. Qaxootiga Yemeniyiinta ah oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkooda ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo gaarayay magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera. PUNTLAND POST The post Somaliland oo soo dhowaysay Qaxooti Yemeniyiin ah appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada badda Puntland ee PMPF, ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Calmadow ee Gobollada Bari iyo Sanaag. War ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas oo ka dhan ahaa Nabad-diidka laga fuliyay buuraleyda Calmadow. Degaannada hawlagalkaas ka dhacay waxa kamid ah Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan. Ciidamada difaaca Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka waday buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad halkaas oo ay ku dhuuntan Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo hawlgal ka sameeyay buuraleyda Calmadow appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo gobalka Sool ayaa sheegaya in deegaan lagu magacabo Fiinley oo u dhaxeeyo deeganka Birta dheer iyo degmada Bacoma ay saaka ka jirto xiisad colaadeed. Deegaankan ayaa shalay waxaa kuwada dagaalamay beelo walaalo ah oo wada dega deegaanka, kuwaas oo la sheegay in ay saaka markale laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco deegaanka. Maamulka Puntland ayaa dhankooda wado dadaallo ay xal ugu raadinayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda colaadeed ee ka dhex taagan labada beelood ee wada dagan Tuulada Fiinley. Xaaladda ayaana lagu soo waramaya in ay saaka tahay mid aad u kacsan, dadka qaar ayaana sheegay in laga cabsi qabo in dagaal markale uu ka qarxo deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal ka qarxay Degaano ka tirsan Gobolka Sool+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo duhurnimadii ka dhacay tuulada Finley oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool. Dagaalkan ayaa daba socday iska hor-imaad kooban oo ka dhacay miyiga Ballli-cad oo ku dhow Saax-maygaag halkaas oo laba sahan ku dagaallameen islamarkaana hal qof ku geeriyooday. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku geeriyootay dagaalkii dambe halka in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen. Colaadda labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa todobaadyadii u dambeeyay ka taagnayd tuulada Saax-maygaag oo horay labada dhinac ugu dagaallameen 28-kii bishii tagtay ee Luuliyo. Dad degaankaas dagaalku ka dhacay ku dhow oo xidhiidho kala duwan lala sameeyey ayaa sheegaya in gurmad labada dhinacba ah uu soconayo lagana baqaayo in dagaalku sii xoogaysto. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ay hawlgallo qorshaysan ka fuliyeen halkaas. Ciidamada PMPF ee Puntland ayaa weerarada qorsheysan ka fuliyey deegaanada Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan halkaas oo xudun u ah maleeshiyada kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Wax faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka uu u dhacay howlgalkaan iyo khasaaraha ka dhashay, balse war kasoo baxay Ciidamada Badda ee Maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyey inuu howlgalkaan dhacay isla markaasna uu ka dhan ahaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. “ Ciidamada Badda Puntland ee PMPF waxaa markasta ka go’an u qareemidda shacabkooda, ka jiridda dhulkooda falalka liddiga ku ah horumarka, ka cidhibtiridda Baddooda Burcadda, Jiriifka, Mukhaadaraadka, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka kootarabaanka ah iyo waxkasta oo wadanka dhib ku ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Ciidanka Badda Puntland. Ciidamada PMPF ee Puntland ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan deegaanada Durduri iyo Ceelaayo, halkaas oo la sheegay inay horay u joogi jireen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish. Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay Al-Shabaab iyo Daacish oo ku saabsan sheegashada Maamulka Puntland, waxaana labadaan koox la rumeysan yahay inay awood ballaaran ku leeyihiin dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag. The post Faah-faahin ku saabsan ciidanka Badda Puntland oo maanta fuliyay howlgal culus appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha midawga musharixiinta ayaa kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadlaan xaaladihi ugu dambeyay ee doorashada. Midawga ayaa dib u dhaca isbuucyadi la soo dhaafay doorashada waxa ay ku eedeyn madaxweynaha Waqtigiisu dhamaada Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Musharixiinta ayaa sidoo kale waxa ay sheegen in ay iyaga iyo dowlad gobaleedyada ay u socdaan shirar looga arinsanayo sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka ay ka muujiyeen Habraacyadii ay soo saareen golaha wadatashiga Qaranka. Shirka Midawga ayaa markii uu soo dhamaaday ayaa waxa ay ka soo saareen Afar qodob oo kala ah :- 1: Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyadjabka Bulshada Soomaaliyeed ,isla markaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo. 2: in la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xur iyo xalaal ah oo la isku haleyn karobay ka dhacaan. 3: inay wada-hadallo la leeyihiin Golaha wadatashiga doorashoiyinka sigaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan. 4: in Xukuumadda uu horkacsyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo lamleeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku qaadeen caasimadda Afghaanistaan ee Kabul, ayaa ka hortagay weerar kale oo ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen saraakiisha militariga Mareykanka. Weerarka ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ugu yaraan hal qof oo xiriir la leh urur goboleedka Islaamiga ah ee Afghanistan, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka. Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada weeraro kale, maadaama daadgureynta dadka ay sii dhammaaneyso. Weerar bambaano ah oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul, ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 170 qof oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah. Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas. PUNTLAND POST The post Diyaaradaha Mareykanka oo ka hortagay weerar kale appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — Ahmed Daad Jama, a senior member of Kaah, the ruling political association of Puntland, told supporters in Qardho that pilot local elections planned to take place in October 2021 had been shelved. “Puntland is busy with the federal electoral cycle. It is difficult to run two elections simultaneously. Therefore, the local pilot elections have been postponed indefinitely” said Daad. Daad: “Pilot local government elections have been postponed indefinitely.” Puntland Non-state Actors’ Association has urged Puntland political associations not to support any initiative to postpone pilot local elections. “Postponement of local elections is consequential. Transitional Puntland Electoral Commission has the mandate to publicise any electoral postponement based on the consensus of registered political associations in Puntland” said a political journalist in Garowe. Nine political associations have rejected what they view as a unilateral decision by Kaah, a political association headed by Puntland State President Said Abdullahi Deni. Neither TPEC nor Puntland State Government has commented on Mr Daad’s statement. © Puntland Post, 2021 The post The Ruling Puntland Political Association Postpones Pilot Local Elections appeared first on Puntland Post.
-
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Paakistaan ayaa ka jawaabtay cabashooyin iyo eedeymo culus oo kaga yimid Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo maal mihii ugu dambeeyay Baraaha Bulshada si weyn loogu faafiyay. Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi oo u badnaa Arday wax ka barata Dalka Pakistaan ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ka haysato fiisaha, waxaana ay intaa ku dareen in Safaaraddu ay ka gaabisay howlihii loo baahnaa in ay bulshada u qabato, balse War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in arrinta Fiisaha ee ay ardaydu ka cabanayaan sida ugu dhaqsiyaha badan waxlooga qaban doono, oo ay safaaraddu u taagan tahay sidii Ardayda cabashada keenay u xalin laahyd. Waxaa War-saxaafadeedka kasoo baxaya Safaaradda ayaa Ardayda iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi waxaa loogu sheegay hannaanka la doonayo in ay maraan si ay u helaan Fiisaha. Sidoo kale Qoraalka kasoo baxaya Safaarada ayaa waxaa lagu sheegay in isbeddal uu ku yimid qaabkii loo qaadan jiray Fiisaha, iyadoo Dowaldda Pakistan ay bilowday hannaan cusub oo Online ah, kaaso oo looo baahan yahay in Ardaydu ku baraarugaan, sida Qoraalka Safaaradda lagu sheegay. PUNTLAND POST The post Safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistaan oo Ka Jawaabtay eedeymo loo Jeediyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa maanta Maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug ku wareejiyay 10 gaari oo 8 kamid ah ay yihiin kuwa dagaalka, hal booyad iyo hal gaari amblunce ah. Maamulka Puntland ma cadeynin in gaadiidka iyo hubka saaranba ay yihiin hanti ay laheyd Puntland oo loogu deeqay Galmudug, sidoo kale Galmudug ma cadeynin in hubka iyo gaadiidkaba ay yihiin wax loogu deeqay iyo mid ay Galmudug laheyd oo laga heestay toona. Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur Sanyare waxa uu warbaahinta u sheegay in wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi uu ku wareejiyay gaadiid gaaraya 10 gaari, laakiin ma uusan sheegin in gawaarida ay laheyd Puntland. Ilo wareedyo kala duwan oo ka kala tirsan Puntland, Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka maanta lagu wareejiyay Galmudug ay ahaayeen kuwa muddo sanado ah ku xayirnaa Dekadda magaalada Boosaaso oo ay maamusho Puntland, waxaana loo waday Galmudug. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in gaadiidkaan uu gaarayay ilaa 24 gaari, waxaana bixisay dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo loogu talagalay qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya oo ka howlgasha degaanada Galmudug. Xiliga gaadiidkaan laga dajiyay Dekadda Boosaaso ayaa ku aaday iyadoo ay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyey maamullada Galmudug iyo Puntland ay ka socdeen magaalada Gaalkacyo, waxaana xilligaas labada maamul kala hoggaaminayey Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. Madaxweynihii maamulka Puntland ee xiligaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa amray in gaadiidkaas la xayiro, waxaayna Puntland gaadiidkaas ka isticmaashay 14 gaari, halka 10-kii hartay maanta lagu wareejiyay Galmudug. Xogta ayaa sidoo kale tilmaameysa in maamulka Puntland ay ku deeqeen qoryaha ku xirnaa gaadiidka dagaalka oo ah 8 qori oo dhashiikeyaal ah. Wareejinta gaadiidkaan ayaa timid kadib wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku dhaxmaray Madaxweynayaasha labada maamul. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa dhigiisa Puntland Saciid Deni weydiistay in loo fasaxo qeybtii ka hartay gaadiidkii looga xayiray Dekadda Boosaaso, kadib markii dhowaan maamulkiisa dagaalkii Camaara looga qabsaday gaadiid badan. Maamulka Puntland oo dareensan khasaarihii Galmudug ka soo gaaray dagaalkii degaanka Camaara, sidoo kalena ku dadaalaya in aysan usoo dhawaanin khatarta Al-Shabaab ayaa wareejiyay gaadiidkaan, sidoo kalena ku deeqay hubkii saarnaa. Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa sidoo kale ku heshiiyay in aan la faah-faahin xaqiiqda gaadiidka maanta la wareejiyay, waxaana la sheegay in Galmudug ay balantaas fulisay, iyadoo eegaysa baahiyaha ay gaadiidkaas u qabto iyo hubka la siiyay. Allaha u naxariistee taliyihii qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa soo bilaabay dadaallada ay Galmudug dooneysay inay kula soo wareegto gaadiidkaan. Hase yeeshee waxaa dib u dhigay khilaafaad siyaadeed u dhaxeeyay labada maamul iyo dowladda federaalka, iyadoo ka hor inta aan la xalin qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay Jeneraal Qooje. The post Sawirro: Hubka lagu wareejiyay Galmudug, Puntland miyaa ku deeqday mise waa laga been sheegay? appeared first on Caasimada Online.
-
The events in Afghanistan show that no one can defy gravity, demonstrating that lofty ideals and sophisticated military intervention, however well-intentioned, cannot endure past local reality when it hits. This was shown to be particularly true if a country’s leadership does not understand the notion that preserving their country’s future means relying on themselves and putting their people before politics. What happened in Afghanistan has uncomfortable parallels with Somalia. It is a debate that has taken on new importance, given the role the African Union Mission in Somalia (AMISOM) plays in Somalia’s security. Whilst the observation that there is a danger of Mogadishu’s own potential “Kabul” moment is right, the conclusion that this justifies AMISOM’s continuing stay in Somalia is indeed misleadingly wrong. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho laga billaabay durista bushimaha dumarka, taasi oo dad badan ku noqotay arrin la yaab leh, inkasta oo ay tahay arrin ka jirta dunida horumartay. Haween badan ayaa intii la furay xaruntaas iska xaadiriyey si loogu weyneeyo bishimaha, kuwaasi oo qaarkooda ay sheegen in muddo dheer ku fikirayeen sidii ay u weyneyn lahaayeen bishimahooda. Filsan oo kamid ah haweenka magaalada Muqdisho gudaheeda is-bedelka loogu sameeyay bishimahooda oo la hadashay Shabelle Tv ayaa sheegtay in ay aad u jeceshahay durashada bishimaha. “Weligay waa iska jeclaa in aan durto Alxamudilah waa markii u horeysay ee Soomaaliya laga helo, waa ku qanacsanahay, waxaana jecleystay in aan dibnaha durto dookheyga weeyi aad baa u jeclahay,” ayey tiri. Haweenka ayaa inta badan loogu tiriyaa inay wax uga badalaan jirkooda, si ay kor ugu qaadan quruxdooda, middaasi oo mararka qaar horseeda halis caafimaad. Arrintaan ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn loogu hadal hayey baraha bulshada, ayada oo dadka qaarkood ay ku tilmaameen arrin yaab leh oo aan loo baahneyn, halka qaar kale ay sheegen inay tahay arrin loo baahna oo Soomaaliya kala mid dhigeysa dunida horumartay. Hoos ka daawo warbixinta The post Daawo: Gabdho Muqdisho ka billaabay arrin dad badan ka yaabisay appeared first on Caasimada Online.
-
BELEDWEYNE (HOL) - Former national intelligence director and outgoing MP Abdullahi Sanbalolshe has signalled an end to hostilities in Beletwyene following a take-over of the town by an armed faction last week. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Laascaanood)-Dagaal ka bilaabmay dulleedka birta dheer ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in khasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba ay ka dheceen. Dagaalkan ayaa sababay ka dib markii ay dabley hubaysan ay saaka weerar ku qaadeen tuulo lagu magcaabo Filley oo Boocame koonfur bari kaga beegan, una dhow Fardhidin. Dagaalkan ayaa dhacay iyadoo ay socotey wadahadal labada beelood u dhexeeya, kaas oo la filayey in uu xal laga gaadho sida ay gudiga labada dhinac u dhexaysey ay sheegeen. “Waxaan filayney in uu bilaabmo fadhiga labada beelood oo mar hore dagaal ku dhexmaray halka lagu magcaabo Saaxmeygaag, saaka ayaan ku waaberiisaney in Filley nin lagu diley xoolo waraabsanay, nin la socdeyna la sheegay in dableydii qaateen” sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Maxamuud Faarax Cagaagane oo ka mid ahaa gudigii isu xilqaamay joojinta colaada. Axmed waxa uu intaas ku daray in dableydii weerarka soo qaaday dabley kale ka daba tageen oo illaa haatan uu dagaal ka socdo meel aan ka fogeyn Birta-dheer welina aan wax war ah oo la sheego aanay hayn waxase uu sheegay in khasaare xooglihi jiro. Dad degaankaas ku dhow oo xidhiidho kala duwan lala sameeyey ay sheegayaan in gurmad labada dhinacba ah uu soconayo lagana baqsan yahay in uu sii xoogaysto. Xigasho: Hiiraan Source
-
Hargeisa (HOL) - Somaliland's Ministry of Health has announced that five people have died in recent days in Somaliland as the region struggles to contain the latest outbreak of COVID-19. Source: Hiiraan Online
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dhawaan safar taariikhi ah ku tago Gobolka Gedo oo muddo badan ka maqan gacanta maamulkiisa. Safarka Axmed Madoobe oo ku aadan ka hor doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalumuu) oo hadda kamid ah siyaasiyiinta taageeran madaxweynaha Jubaland. Macalumuu ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe safar u ku tegi doono Gobolka Gedo, balse wuxuu xaqiijiyey inuu socdo qorshaha safarkiisa. Sida laga soo xigtay, Macalimuu horey uga mid ahaa garabka Villa Soomaaliya ee gobolka Gedo, booqashada Axmed Madoobe waxaa ka horeyn doonta socdaalo ay halkaas ku tagi doonan madax uu ku xigeenkiisa kamid yahay. “Axmed Maxamed Islaam ayaa imaanaya gobolka Gedo oo raba in uu gobolkiisii indha-indheeyo. Ciddii diideysa oo iska celin karto markaas ha iska celiso. Laakiin afka waa laga sheegi karaa ma imaanayaa raggaas,” ayuu yiri. “Gobolkaan waxa uu hoostagaa Jubaland, nin diidan iyp nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka iyp Madaxda Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri Cismaan Macallimuu. Dhanka kale, Waxa uu qiray in muddaadii uu guddoomiyaha Gedo uu ahaa in go’doon adag Gobolka galay, dadka ay kala go’go’een iyo culeys kale uu lasoo dersay Shacabka halkaas ku nool balse looga gudbay dedaalka uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray,” ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji. The post Axmed Madobe ‘oo dhowaan booqasho ku tagaya’ Gedo appeared first on Caasimada Online.