-
Content Count
211,311 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan ku sameeyay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. “Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddi ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loona xiksaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan daahsoon” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June, . Hooyada dhashay Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa dhankeeda waxba kama jiraan ku tilmaantay warkaas iyadoo sheegtay in Gabadheeda Ikraan ay ku maqan tahay gacanta Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay in guddi baaritaan loo saaro kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Puntland Post.
-
Waxaan weli soo afjarmin hadal-haynta Qoxooti reer Afgaanistaan ah oo la sheegay in Maraykanku doonayo inuu si ku meel-gaadh ah u keeno Somaliland. Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee AFP ayaa Toddobaadkii hore baahisay in Dawladda Somaliland ka aqbashay Maraykanka inuu si ku meel-gaadh ah dalkeeda u soo dejiyo kumanaan ka mid ah Dadka reer Afgaanistaan ee ka qaxaya dalkooda, ka dib markii ay xoog awoodda dalkaa kula wareegeen Kooxda Daalibaan oo laga cabsi qabo inay dhibaatayso Dadka badhkood. Xilligaa Wakaaladda Wararka ee AFP waxay soo xiganaysay Xubin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo aan Magaciisa la sheegin, laakiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii Warkaasi soo baxay ka dib, beeniyey inuu jiro heshiis dhex maray Maraykanka ama Maalgashade matalaya Maraykanka, heshiiskaas kaasi oo ogolaanaya in dalka la keeno Qoxootiga reer Afgaanistaan ah. Hase-ahaatee, Wargeyska Wall Street Journal, ayaa daabacay War-bixin sheegaysa in Cidda heshiiska la gashay Somaliland isla-markaana doonaysa inay soo daabusho Qoxootiga Afgaanistaan tahay Nin Maalgashade ah oo lagu Magacaabo Zach Van Meter, kaas oo ah Muwaadin Maraykan ah oo ka soo jeeda deegaanka Naples, Fla ee dalka Maraykanka. Ninka ayaa markii hore Telefoon arrintan kagala hadlay Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good, waxaanu waydiiyey su’aalo ku saabsan in Somaliland ay marti-gelinayso Qoxootiga Afgaanistaan laga soo qaadayo, sida uu Wargeyska u sheegay Bashiir Good. Wargeyska Wall Street Journal, ayaa War-bixinta uu arrinta ka qoray ku sheegay in heshiiska AFP sheegtay in Somaliland ku ogolaatay Qoxootiga reer Afgaanistaan uu saxeexay Sii haya Xilka Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland “25-kii August, sii hayaha Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa heshiis hordhac ah la saxeexday hay’adaha samofalka ee la shaqeeya Mr. Van Meter, isagoo oggolaaday in si ku -meel -gaadh ah loo dejiyo (Somaliland) illaa 10,000 oo qof oo reer Afgaanistaan ??ah..” ayuu qoray Wargeyska Wall Street Journal. Joornaalka ayaa sidoo kale sheegay in qorshuhu yahay in Dadkan Qoxootiga ah laga soo daad-gureeyo Berbera. Zach Van Meter ayaa ah Maalgashade iyo Qandaraasle Dawladda Maraykanka la shaqaysta, kaasi oo door ku lahaa in illaa 5 Kun Qof oo reer Afgaanistaan ah Toddobaadyadii laga soo daad-gureeyo Magaalada Kaabul ee Caasimadda Dalka Afgaanistaan, sida uu sheegay Wargeyska qoray War-bixintani. Xidhiidh aanu la samaynay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, Wargeyska Geeska Afrika uma suurto-gelin inuu helo, si aanu wax uga waydiino warkan sheegaya inuu saxeexay heshiis dhigaya in Qoxooti reer Afgaanistaan ah la keeno Somaliland. Wasiir ku-xigeenka uu Wargeysku sheegay inuu heshiiskan u saxeexay Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa Maanta Madaxweyne Biixi u Magacaabay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka. Source
-
Wakiilka cusub Ee Somaliland U Fadhiisanaya Addis Ababa Maxamed Cawad Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay “Mudane Madaxwayne waan kaaga mahad naqayaa mudadii aan hayey xilka Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga, sharaf bay ii ahayd inaan ka mid noqdo golahaagii wasiiradda ee u horeeyey, Wasaaraddani waxa ay laf dhabar u tahay korriinka dhaqaale ee dalka kalsooni badana waan ku qabaa shaqaalaha joogaa inay garab istaagi doonaan wasiirka cusub. Markale mudane Madaxwayne waxaan ka mahad naqayaa Ka mid ahaanshaha Golaha Wasiirradda runtii waxa ay ii ahayd fursad iyo khibrad aan ugu adeeggo shacabka. Anigoo kaslooni ku qaba soo jeedintaada waxaan sidoo kale kaaga mahad naqayaa inaad ii magacawday xilka danjire /Safiir oo aan ku matali doono qarankeena caasimad lagu jaan-gooyo siyaasadda wadamada Africa (AU). mundane Madaxwayne kaalsoonidda aad i siisay Waa mid aan ugu adeegi doono qarankeena iyo siyaasadaada hogaamineed.” Source
-
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dadka reer Afgaanistaan ay soo wajaheyso xaalado dhanka bini’aadanimada ah oo ay sababeen cunto yari, taasoo ka dhigeysa in saddexdii qofba mid ka mid ah uu dareemayo gaajo. Ramiz Alakbarov, oo ah isku -duwaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Afghanista ayaa Arbacadii sheegay in Xaaladda Afgaanistaan marka laga eego dhinaca bani’aadamnimada ay tahay mid aad u kacsan,wuxuuna intaa ku daray in in ka badan kala bar carruurta dalka ay durba la halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen cunto Maalmihii u dambeeyay qiimaha raashinka ee Afgaanistaan ayaa kordhay ilaa boqolkiiba 50, halka batroolka uu kordhay ilaa 75 boqolkiiba,waxaana sidoo kale joogsaday gargaarkii caalamiga ahaa ee ka imaan jiray dibadda. Dhanka kale, diyaarad ay leedahay Qatar Airways ayaa soo caga -dhigatay Kabul ,taas oo sidday koox u howlgasha in mar kale uu garoonku shaqeeyo ,fursadna loo helo dib u bilaabidda howlaha gargaarka. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo ka digtay xaalado bini’aadanimo oo wajaheysa Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Qoryooleey (Caasimada Online) – Laamaha Amniga Degmada Qoryooleey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgal ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen Nin Hilibka Waraabaha ku dhex iibinayay Gudaha Suuqa degmadaas si qarsoodi ah, iyaga oo ku dhex qariyay Hilbka Xoolaha. Qabashada Ninkaan ayaa timid kaddib markii Ciidamo howlgallo ka waday Degmada Qoryooley uu ka dul dhacay Ninkaan oo magaciisa ay qariyeen Hay’adaha Amniga sabab la xiriirta baaristiisa oo aan soo dhammaan. “Ciidanka oo howlgal wado ayaa qabtay jawaanno (Loorar) lagu soo riday Hilibka Waraabaha oo duurka lagu soo gowracay, hay’adaha ammaanka waxa ay gacanta ku hayaan Ninkii waday oo wajahaya Baaris guud” ayuu yiri Cali Maxamed Aadan Taliyaha Booliiska Degmada Qoryooley. Ninka lagu qabtay isagoo iibinayo Hilibka Waraabaha ayaa laamaha Amniga u sheegay in ka ganacsiga Hilibka Waraabaha qoryooley uu mooday in ay bannaan tahay sidaasna uu mar kasta uga ganacsan jiray. Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Qoryooley waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanka in ay wadaan baaris dheeraad ah si ay wax uga qabtaan in suuqyada Hilibka lagu iibiyo la geeyo Waraabaha. Dadweynaha kunool degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u hadal haayay Hilibka Waraabaha oo lagu iibinayay Kawaanka degmada, iyaga oo shaki weyn muujiyay. Sheekh Umul oo ka tirsan Culumada Soomaalida ee ku nool wadanka Kenya ayaa horey u sheegay in cunista Hilibka Waraabaha uu yahay mid bannaan inkastoo ay arrintaas si weyn uga hor imaadeyn guud ahaan culumada Soomaalida. The post Laamaha amniga oo qabtay nin iibinayey hilib waraabe appeared first on Caasimada Online.
-
Kudhaa (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa aroornimadii saaka weerar culus ku qaaday saldhigga ciidanka Daraawiishta Maamul Goboleedka Jubbaland ee ku leeyihiin Jazeeradda Kudhaa ee hoostagta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii saaka ay ku qaaday Kudhaa ay ka gaartay guul weyn kadib markii ay gacanta ku dhigtay saldhigyada Cidamada Daraawiishta Jubbaland ee Jaziiraddaas. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in markii Xerada ay qabsadeen ay qaadatay Hub & agab ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Daraawiishta ee saldhigga joogay, halka ay gubeen Gaadiidkii yaallay xerada ay weerarka ku qaaday. Kooxda Al-Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha dhimashada oo ay gaarsiiyeen ciidamada Maamulka Jubbaland, mana aysan soo bandhigin caddeymo muujinayo inay qabsadeyn saldhigga Kudhaa ee ciidamad Jubbaland. Caasimadda Online oo la hadashay dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka ay isku adeegsanayeen ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Jubaland, inkastoo aysan xaqiijin inay Al-Shabaab la wareegtay saldhigga. Dhanka kale, Maamul Goboleedka Jubbaland illaa haatan kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab ee la xiriirta in ay gacanta ku dhigeen Saldhiggoodii Jaziirada Kudhaa Degmada Badhaadhe ee Gobolka Gobolka Jubada Hoose. The post Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay Jaziirada Kudhaa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata inuu dagaal ganacsi ka dhax billowday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish. Dagaalka ganacsi ee labadaan masuul ayaa soo ifbaxay Arbacadii markii saacado gudahood ay soo saareen laba amar oo iska soo horjeeda, kuwaas oo aysan dad badan fahmin xiriirka ka dhaxeeya. Wasaaradda Waxbarashada ayaa Arbacadii soo saartay in ay bixin doonto warqadaha badalashada ardayda ka baxaya Iskuul ee galaya mid kale, iyadoo ka jawaabeysa cabasho ka timid ardayda, waalidiinta iyo maamullada Iskuullada. Sidoo kale Wasaaradda ayaa hore u sheegtay in ay dib usoo ceshaneyso maamulka 24 Iskuul oo danguud ah oo la hoos geeyay maamulka Gobalka Banaadir, kadib markii maamulka Gobalka uu bixin waayay mushaarka macallimiinta. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka jawaabaya go’aanadaas ayaa isagana isla Arbacadii ammar duldhigay Isbitaalada Jaziira iyo Yardimeli, iyadoo lagu amray in muddo 7 maalmood ku wareejiyaan maamulka Isbitaalka. Labadaan Isbitaal waxay hoos tagaan Hay’adda Manhal oo ay saami ku yihiin Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab iyo shaqsiyaad Turkish ah. Sidoo kale xogaha qaar ayaa sheegaya in wasiirka Waxbarashada uu hantida ugu badan ee Hay’adda Manhal leeyahay, waana sababta uu gobalka Banaadir u beegsaday labadaas Isbitaal. Waxaa hadda socda dadaalo lagu dhameynayo xiisada u dhaxeysa labadaan xarumood ee Wasaaradda iyo Gobalka Banaadir. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa miisaaniyad gaar ah ku qaata Waxbarashada Gobalka Banaadir inkastoo aan mushaar la siinin Macallimiinta ka shaqeeya Iskuulada la hoos geeyay Gobalka bilaha qaarkood. The post Wasiirkee leh Isbitaallada Jaziira iyo Yardimeli, maxayse isku hayaan Cumar Filish? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ku gacan seertay warka kasoo yeeray hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ee ah in kooxda Al-Shabaab ay dileen gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax, oo la la’aa tan iyo 26-kii June. Hooyo Qaali ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin warka kasoo baxay NISA, oo ay gabadheeda ku tuhmeyso hay’adda sirdoonka qaranka, gaar ahaan taliye Fahad Yaasiin. “Wax ka jira ma lahan, waa been aan sal iyo raad toona laheyn. Gabadhii laga qaaday guri ku ag yaalla xarunta NISA, ayagaiina bad-qabaan, ayadiina waa la qaaday la leeyahay, wax ka jira ma lahan. Shabaab beri ayuu ka yahay arrintaas,” ayey tiri. “Shabaab waa ay ka hadli doonaan wayna beenin doonnaa, horeyna way uga hadleen. Wax ka jira ma lahan, hadda ay rabaan inay gabadheeda dilaan ama horey ayey u dileen. Bidix iyo midig meel uma dhaafto Fahad Yaasiin.” Hooyo Qaali Guhaad ayaa sheegtay inaysan Soomaaliya cadaalad ka jirin. “Gabadheeda sidee ayey ku tagtay Dhoobley, ma diyaarad ayaa qaaday, side halkaas ku tagtay. Shabaab berri ayey ka yihiin, horeyna website-yadooda ayey ugu soo qoreen, wax shaqo ah kuma lahan” ayey tiri hooyo Qaali. Hooyo Qaali, oo la weydiiyey sida ay ku ogaatay in Al-Shabaab aysan ku lug laheyn arrintan, ayaa sheegtay inay xiriiro la sameeyeen dad ehel la ah gabadha oo ku jira kooxdan. “Gabadheyda dafo ma dafin, gaarigii qaaday waa gaariga Kulane Jiis, darawalka Kulane Jiis ayaa qaaday, Kulane Jiis iyo Fahad Yaasiin ayaana loo geeyey gabadhaas, dadka caqliga saaxiibka u ahna waa ogyihiin,” ayey tiri. Hoos ka dhageyso wareysiga hooyo Qaali https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/09/Hooyo-Qaali.mp3 The post Wareysi: Hooyo Qaali oo ka hadashay warka NISA ee ah in Shabaab ay dileen Ikraan appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Qadar ayaa Khamiistii sheegtay inay kala shaqayneyso Taalibaan sidii si dhaqso ah dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo xiritaankiisa ay keeni karto caqabado waaweyn oo istiraatiiji ah iyo kuwo bani’aadamnimo. Garoonka Hamid Karzai ayaa xiran tan iyo markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka, waxaana diyaarad ka timid dalka khaliijka ee Qadar ay ahayd diyaaraddii ugu horraysay oo soo caga -dhigata caasimadda Afghanistan Arbacadii tan iyo markii daadgureyn xowliga aheyd la soo afjaray. Diyaarad ka timid Doha ayaa ka degtay Kabul Khamiistii, iyadoo sidday khubaro baaritaan ku sameyn doona dhinacyada amniga iyo howlaha ku saabsan garoonka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow arrintan. Sarkaal ka tirsan waaxda duulista rayidka ee Afghanistan ayaa u sheegay Al-Jazeera oo laga leeyahay Qadar in Kabul ay bilaabi doonto howlaha garoonka diyaaradaha dhawaan, wuxuuna intaas ku daray in duulimaadyada gudaha ay billaabanayaan maanta oo Jimce ah. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Arrimaha Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada waddan ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Labada wasiir waxa ay sidoo kale isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan. PUNTLAND POST The post Wada-hadalo dhexmaray Soomaaliya iyo Cumaan appeared first on Puntland Post.
-
Panshir (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa la sheegay inuu dhexmaraya xoogagga Taalibaan iyo maleeshiyaadka iska caabinta dooxada Panshir ee dalka Afqaanistaan. Taalibaanku waxay sheegeen inay la wareegeen deegaanno khasaaro culusna gaarsiiyeen kooxda iskaaabinta ee NRF Balse kooxda NRF ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan marinada laga gala dooxada, Taalibaanna ay ka dileen boqolaal dagaalamayaal ah. Panshir waa gobolka kaligaa ee aan wali gacanta u gelin Taalibaan, waxaana la rumeysan yahay in boqolaal dagaalamayaal ah ay halkaasi ku sugan yihiin. Kooxaha iskacaabinta waxaa ku jira madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afqaanistaan Amrullah Saalax, ciidammo horay uga tirsanaa milatariga Afqaanistaan iyo mleleeshiyaad maxalii ah oo u hoggaaminaya hogaamiya qabali ah Axmed Mascuud. Taalibaan ayaa horay u sheegtay inay wadahdal kula wareegi doonto dooxdani, balse waxay sidoo kale sheegtay inaysan meesha ka saari doonin suuragalnimada inay sidoo kale xoog kula wareeegaan. The post Dagaal u dhaxeeya kooxda Taalibaan iyo koox kale oo ka qarxay dalka Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
-
Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markale qaaday tallaabo loo arko karo inay Somaliland u aqoonsan-tahay dal madax-banaan, kadib markii uu dhawaan soo saaray liis uu ku xusay dalalka uu dib ugu ogolaaday inay u safraan dalkiisa. Imaaraadka ayaa dib u bilowday 30-ka bishii hore August, 2021 bixinta fiisooyinka dadka dalalka kale ku nool ee raba inay u safraan ama u dalxiis tagaan dalkaas, waxaan kasoo muuqday liiskaas Somaliland iyo Soomaaliya oo labo dal loo kala saaray, iyo dalal kale oo aad u badan. Wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee magaceeda loo soo gaabiyo WAM, ayaa baahisay in shuruudaha laga rabo dadka u safraya Imaaraadka Carabta, ay kamid tahay in hore u qaateen tallaalka difaaca u ah ee cudurka Covid-19 ee ay aqoonsan tahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. “Waxay qeyb ka tahay tani Istaraatiijiyadda dalka Imaaraadka Carabta ee ah in la abuuro dheelli-tirka caafimaadka dadweynaha iyo taageerada dedaallada qaran ee lagu gaarayo soo kabasho waarta iyo koboc dhaqaale.” Sidoo kale waa in ay sitaan dadkaasi Waraaqaha caddaynaya inay qaateen talaalkaasi, iyagoo iska diwaan-gelin doona garoomada diyaaradaha Imaaraadka Carabta si loo hubiyo xaaladdooda caafimaad iyo waraaqaha aqoonsiga ee sheegaya inay tallaalan yihiin. Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee dowladda Imaaraadka ay sidii dal madax-banaan ula dhaqanto Somaliland oo ayadu ku dooda inaysan qeyb ka aheyn Soomaaliya, midaasi oo bahdil iyo xad-gudub ku ah dowladda federaalka Soomaaliya. The post IMAARAADKA oo qaaday tallaabo wax u dhimeysa madax-banaanida Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
WASIIRKA CUSUB EE BEDELAY SHEEKH KHALIIL MALAHA WAA DHAGAX KELIYA UU DOONAYO MADAXWAYNE BIIXI IN LABA SHIMBIROOD UU KU WADA DILO Enough is enough. Ugu dambaystii 11 sanadood ka dib ayaa xilkii laga qaaday Sh. Khaliil. Muddadaasi dheer kooxdiisa adag ayaa loo mari la’aa oo kursiga ku ilaashanaysay, isaguna runtii nin macquul ah buu ahaa. Wasiirka lagu bedelay sida la ii sheegay waxay isku ardaa yihiin C/maalik Coldoon oo hadda xabsiga ku jira. Dhinaca aragtidiisa diiniga ahina sida la leeyahay way ka duwan tahay ta kooxda Khaliil uu ka tirsanaa haba jirto in ay isku Wahaabiyiin yihiin oo aanay wax badan ku kala duwanayn xaga Dugsi Fikradeedka (School of thought) eh. Hadana waa laba kooxood oo aan midna mid bixinin tartanna ka dhexeeyo. Markii Masar ay Akhwaaanku doorashada ku adkaadeen ee Maxamed Mursi uu Madaxwaynaha noqday, sanad ka dib way kala leexdeen iyaga iyo kooxdii kale ee Islamiga ahayd ee Salafiyiintu. Afgembigii Akhwaankana Salafiyiintu raali bay ka ahaayeen hadii aanay qaybba ka ahayn. Xagga Khaliijka waa Pro-Doha iyo Pro-Riyaad. Waa sida shaarac Hargeysa Taala eh. Hadii ay sidaa tahay marka aan sadarada dhexdooda akhriyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddu waa dhagax keliya oo Madaxwayne Biixi uu doonayo in uu ku wada dilo laba shimirood. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey inay bixiyeen deyn badan oo lagu lahaa gobolka, taasi oo ay bixinteeda uu qeyb weyn lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalana ah duqa magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay munaasib loo qabtay sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii uu Filish yimid gobolka Banaadir, ayaa sheegay in deyntaas badankeeda la bixiyey, taasi oo muddo badan ku qorneyd gobolka. “Gobolkaan deyn badan ayaa lagu lahaa oo dhaqaale badan oo guddoomiyaha ka horeeyay oo culeys ah oo dhib ah oo meesha ugu yimid ayaa la bixiyey. Guddoomiyaha wax weyn buu ka qabtay deyn aad u weyn oo lagu lahaa gobolka, maalinba qaar buu la daala dhacayey,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in wax badan laga qabtay dhanka amaanka iyo horumarinta gobolka, tan iyo markii uu yimid guddoomiye Cumar Filish, isagoona meesha ka saaray eedeymo la xiriira fadhiidnimo oo lala xiriiriyey maamulka. Xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu qabtay munaasibad lagu xusaayay Sanad-guuradii 2-aad ee marka uu xilka Guddoonka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho uu la wareegay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Munaasabadaan oo ay ka qeyb-galeen Marti-sharaf kala gedisan oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Madaxda Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada, waxaana inta badan lagu soo bandhigay waxqabadka labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir. The post Maxay tahay deynta lagu lahaa gobolka Banaadir ee la bixiyey 2-dii sano ee tagtay? appeared first on Caasimada Online.
-
Haweenay Xil Xasaasiya ka haysay Sirdoonka Somalia oo la dilay+Cida dishay,Sida loo dilay & Sababta Ikraan Tahliil oo muddo ka badan laba bilood la weysanaa xilli ay ku sugneyd magaalada Muqdisho, ayaa war hadda soo baxay wuxuu sheegayaa in la dilay. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa war ay goor dhoweyd soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaan ay ku hayeen kiiska Ikraan ay ku ogaadeen in “ay dileen kooxda Al-Shabaab” Markii Ikraan la waayay dabayaaqaadi bishii June ayaa waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliya qabsaday qeylo dhaan ku saabsan gabadh ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, taas oo la waayay. Ikraan Tahliil Faarax ayaa sidoo soo noqotay agaasimaha xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay Cabdiraxmaan Yariisoow oo lagu dilay qarax. Haddaba si sharraxaad badan loo helo waxaan eegeynaa afar arrimood oo ku saabsan gabadhaas ay hadal heynta xooggan ka taagan tahay. Waa Tuma Ikraan? Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay. Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga. Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas. Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe. Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd. Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska. 2-Sida lagu “afduubay” Inta badan wararka la isla dhex marayo waxay sheegayeen in Ikraan la afduubtay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda afduubatay, marka laga soo tago eedeymaha. Gabadhan hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay in gabadheeda iyadoo joogta guri u dhow xarunta nabad sugidda lasoo wacay kaddibna gaari lagu kaxeeyay. Guriga ay ku sugneyd wuxuu ku yaallay agagaarka xarunta Nabad sugidda, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo. Qaali Maxamuud oo waddanka Turkiga uga timid si ay gabadheeda u raadiso ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabatay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda ka codsatay in laga caawiyo sidii ay gabadheeda dib ugu heli lahayd. “Aniga in sida ugu dhaqsiyaha badan wax la iila qabto ayaan rabaa, oo gabadheyda meesha ay ku jirto laga soo bixiyo. Gabadheyda meel dheer ma jirto, ma dhoofin, baasaboorkeeda aniga ayaa haayo, waddankaan ayay ku jirtaa, magaalada Muqdisho ayaa meel laga galiyay, ha la ii soo bixiyo,” ayay tidhi Qaali Maxamuud oo ah gabadha maqan hooyadeed. Sidoo kale nabadoonno kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay gabadha ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo helo Ikraan Tahliil. 3- Gaarigii lagu “afduubay” Ikraan Hooyadeed ayaa shaaca ka qaadday in ay jiraan dad ay ku tuhunsan yihiin gabadheeda, inkastoo aysan si cad u sheegin magaca cidda ay gabadha ku maleynayaan. Waxay intaas ku dartay in la garanayo gaarigii lagu qaaday Ikraan markii ugu dambeysay ee ay ka baxday guriga. “Waxaa la ii sheegay in maalintii ay bisha June ahayd 26, abaare 8:03 ay iyadoo laptop wadata guriga ka baxday. Gaari la yaqaanno ayay racaday sida aan xogta ku heyno markii aan aragnay kaamirooyinka CCTV-ga,” ayay tidhi gabadha hooyadeed. Laakiin xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in uu xarun ka mid ah xarumaha hay’adda nabad sugidda kusoo arkay gaari baraha bulshada lagu sheegay inuu ahaa kii gabadha lagu qaaday, wuxuuna sheegashadaas ku qeexay eed aan sal iyo raad toona lahayn. “Waxaa baraha bulshada ku jira baabuur, baabuurkaasna waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay ee la tusay, xarumaha nabad sugidda mid ka mid ah ayaa la iiga yeeray, kaamiradi ayaan fiirinnay, baaburki ayaa la daba galay, waxaana yeeshay shakhsi hay’adda ka tirsan. Haddii hay’adda wax lagu tuhmaayo sawirkaasba ma aysan soo saarteen,” ayuu yidhi. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in ay ku jiraan howsha la xiriirta raadinta gabadha, wuxuuna warbaahinta u sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay qeyb ka yihiin dadaalkaas. “Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed in ciddii xog ka heysa ay nala soo wadaagaan, ayna ila soo xiriiraan aniga oo ah adeerkeed, ahna xildhibaankeeda,” ayuu yidhi. Wuxuu xildhibaanka ka digay dadka eedeymaha ku saabsan sida ay Ikraan u maqan tahay ku faafinaya baraha bulshada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar uu ku wargalinayo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya inay muddo bil ah (oo ku eg 02/10/2021) kusoo diiwaan-galiyaan dhammaan heshiisyada la xiriira dhulka iyo guryaha ee ay galeen. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo ujeedkiisu ahaa “Diiwaan-gelinta heshiisyada hantida la kireeyay ee dhulalka iyo guryaha dowladda”, ayaa waxa looga hortagaya wax is-daba-marin iyo in si gaar ah loogu faa’iideysto heshiisyada. “Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hogaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beekhaansan uguna waxtarka fiican,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Xafiiska oo ka taxaddaraya in si khaldan loo maamulo ama dano gaar ah looga faa’iideysto hantida ummadda, sidoo kalana iyadoo la tixraacayo Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS, Qodobka 1aad (1) xarafka (J) iyo Qodobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019) iyo Qodobka 8aad ee Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud (Sharci Lr. 34 ee 14/04/1972).” Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa hay’addaha Dowladda ku wargeliyay 3 qoddob oo la xiriira amarka diiwaan-gelinta heshiisyadaas, kuwaasi oo kala ah; Muddo hal bil gudaheeda ah oo ku eg 02/10/2021 lagu soo diiwaan-geliyo dhamaan heshiisyada la xiriira maamulka hantida ummadda, gaar ahaan dhulalka iyo guryaha. In dhamaan hay’addaha Dowladda ay arrinkan u qaataan in lagu saxayo nidaamka Dowliga ah sidoo kalana lagu ilaaliyo hantida umadda. In dhamaan ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heshiisyada dhulalka iyo guryaha la xiriira la galay hay’adaha Dowladda ay hay’adaha ka dalbadaan in ay ka wadaagaan/siiyaan nuqullada heshiisyada ka diiwaan-gashan Xafiiska Hantidhawrka Guud si hawsha dhex-maray muwaadinka/qofka iyo hay’ada ay u noqoto mid xalaal ah oo waafaqsan sharciga. “Xafiiska Hantidhawrka waxaa uu hay’adaha Dowladda kula talinayaa in ay u hogaansamaan dhamaan shuruucda dalka, sidoo kalana ay heshiisyada ku soo diiwaan-geliyaan muddada sare ku cayiman, iyadoo howl-wadeenada iyo mas’uuliyiinta hay’adaha ay imaan karaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hantidhawrka shaaciyey in sharci-darro loo aqoonsan doono heshiisyada aan laga soo diiwaan-gelin xafiiska, maadama uu baaris ku sameyn, islamarkaana uu ka qaadi doono tallaabada sharciga ee ku haboon. Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xili uu dhawaan buuq badan ka dhashay heshiis lagu bixiyey dhul kamid ah Tiyaatarka Qaranka, kaasi oo loo maray sifo sharci darro, sida uu hore u shaaciyey Xafiiska Hantidhawrka. The post Hant-dhowrka Qaranka oo soo saaray amar 3 qodob ah oo ku socda hay’adaha DF appeared first on Caasimada Online.
-
Anchored at the deepwater port of Berbera, an Ethiopian-flagged ship offloads its cargo of sugar and rice coming from India in what officials hope is a sign of a fresh era of trade in the self-declared east African state of Somaliland. Thanks to a $442m investment from the Dubai-based ports operator DP World, Berbera is shaping up to regain its centuries-old trade lustre, setting up a battle of ports over a maritime thoroughfare traversed by about a third of ships worldwide. The revamped port of Berbera now offers an alternative to Djibouti as a gateway to lucrative trade routes through the Suez Canal. Berbera was once the capital of the British Somaliland protectorate. For centuries, until a civil war destroyed much of its facilities three decades ago, it was a hub of maritime trade between the Horn of Africa, the Arabian peninsula, and India thanks to its key location on the Gulf of Aden opposite Yemen. Now, “we are getting another chance to become an international business centre,” said Berbera’s mayor, Abdishakur Mohamed Hassan. Outside his office, rows of camels and herds of goats are heading to the dock, destined for the port of Jeddah in Saudi Arabia. “There will be a healthy competition between the neighbouring ports,” he added. Berbera’s terminal, which opened in June, can handle the world’s largest ships. Its container capacity increased from 150,000 20ft containers (TEU) to 500,000 TEU annually, and work is already under way for an expansion to handle up to 2m TEU a year. The main aim of the port is to serve Ethiopia, Africa’s second most populous country, which needs “multiple gateways”, according to Supachai Wattanaveerachai, chief executive of DP World’s port of Berbera. Eritrea broke away from Ethiopia in 1993, leaving the latter landlocked and reliant on neighbouring Djibouti for port access. Djibouti had remained “almost entirely free of competition” in the region, according to the World Bank which in a report said almost 95 per cent of Ethiopian cargo passed through it. The remainder goes through Port Sudan, in Sudan, and Mombasa, in Kenya. Berbera’s resurgence could mark a return to its role as a pivotal port in the late 19th century © Mustafa Saeed/AFP/Getty Images A 2021 global container port performance index by the World Bank and IHS Markit rated Djibouti as the most efficient port in Africa, measured by minutes per container move. The former French colony has capitalised on its infrastructure and privileged location on the strait of Bab-el-Mandeb, with nearly 1m TEU passing through its ports each year. But the competition has intensified, with DP World now in Somaliland and going head to head with Djibouti. “Ethiopia destined cargo does predominantly move through Djibouti port, however there are future alternatives within the area,” said Carl Lorenz, managing director for eastern Africa at container shipping group Maersk. Those options include Berbera and the much-delayed new port in the Kenyan town of Lamu, close to Somalia, which partly opened in May. Sultan Ahmed bin Sulayem, DP World’s chair, said Berbera would be a viable and efficient option for trade in the region, especially for Ethiopian transit cargo. “We believe that developing the Berbera corridor into one of the major trade and logistics corridors will unlock huge economic benefits for Ethiopia,” he said. Those ambitions have not been welcomed by neighbours, according to Berbera’s mayor, Hassan. “Djibouti is 100 per cent not happy with the investment DP World made in our port,” he said. Three years ago, Djibouti seized the container port of Doraleh from DP World. Djibouti argues the company’s goal was to take control of the country’s coastline and that the port was not operated to its full potential. DP World counters Djibouti acted illegally and won several international arbitration cases. Djiboutian officials have played down any rivalry. Ilyas Moussa Dawaleh, Djibouti’s finance minister, said Berbera would compete “in a way”. Another senior Djiboutian official said their country was in “pole position” as it was closer to the Suez Canal, adding that Djibouti was already a linchpin of global commerce. Djibouti has been rated as the most efficient port in Africa measured by minutes per container move © Yasuyoshi Chiba/AFP/Getty Images Although a road corridor from Berbera to Wajaale, on the Somaliland-Ethiopia border, is due to be completed by 2022, Somaliland requires infrastructure development for which it could not directly receive multilateral financing because it is not an internationally recognised country. And unlike Djibouti, where China has invested heavily, it has relations with Taiwan. But much depends on the political situation in Ethiopia, the regional giant that is the main customer for the competing ports. Over the past decade, Ethiopia went through an Asian-style economic miracle, growing at a whopping average of 9.4 per cent a year. Then the pandemic struck and an unending civil war started. Said Hassan Abdullahi, general manager of Somaliland Ports Authority, said Addis Ababa had already missed the deadline for acquiring a stake in the port of Berbera and worries about the war continuing. In July, fighting spread from Tigray to the region of Afar, a transit point between Ethiopia and Djibouti. “If the war goes on there will be no trade,” he said. “We are building all this infrastructure for Ethiopia. It could be a problem for Somaliland and for Djibouti.” Newotime Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey warkii ay caawa Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ku sheegtay in Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay. Haddaba hoos ka aqriso qoraallo ay soo saareen. Qoraalka Mahad Salaad Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah. R/W Maxamed Xuseen Rooble waxaan kula talinayaa in uu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, dalkana in uu ka baxo aan loo oggolaanin si Maxkamad loo soo taago! Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay. Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin facebook lagu soo daabacay. Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa 1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil. 2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda. 3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo. 4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya. Allaha u naxariisto Ikraam, ehelkeedana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Waan la damqaneynaa ehelka Ikraan. The post Falcelin ka dhalatay warkii NISA ee dilka Ikraan Tahliil iyo su’aalo la isweydiinayo appeared first on Caasimada Online.
-
A Turkish military aircraft carrying the first batch of Somali female police commandos to complete special training in Turkey landed at Aden Adde International Airport in the capital Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online