-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Laascaanood (Wararka PP) — Bil gudaheed waxay dabley aan la garanayn ku dileen Laascaanood madaxii guddiga doorashooyinka ee Sool iyo xubin ka tirsan golaha degaanka degmada. Dilalkan qorsheysani waxay cabsi badan u keeneen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka iyo xisbiyada Somaliland ee ku sugan Laascaanood. “Maamulka gobolku awood uma laha inuu ilaaliyo mas’uul kasta” ayuu yiri ganacsade ku sugan Laascaanood oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. Wuxuu intaas ku daray in dilayaashu heleen hab ay cabsi ugu abuuraan dadka la shaqeeya maamulka Somaliland. “Xubno ka mid ah golaha degaanka Laascaanood ayaa Duqa Magaalada Cabdiraxiim Cali Qase ka codsaday inuu u helo ciidan ilaaliya iyaga 24 saac. Wuxuu u sheegay inuusan awoodin inuu u helo askar ilaalisa siyaasiyiinta xisbiyada iyo shaqaalaha gobolka” ayuu ganacsaduhu u sheegay Puntland Post. Lama hayo cid sheegatay dilalka dhacay ilaa hadda. Cali Cantar, xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa telefishinka Saab u sheegay in Laascaanood noqotay kawaanka siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada gobolka ka soo jeeda. © Puntland Post, 2021 The post Madaxda Gobolka Sool oo Cabsi ay soo Foodsaartay appeared first on Puntland Post.
-
Bishii Novemebr 17, sanadkii 1962, Wakhti yar ka dib markii uu dayuuradiisa ka soo degay, isagoo ka soo laabtay safar debedda ah uu ku maqnaa ayaa madaxweynihii dalka Kongo ee caanka ahaa ee la doortay Mr.Lumumba la qabtay oo la xidhay, waxaana hawlgalka fuliyay ciidamo gadooday oo daacad u ahaa keligii taliyihii Mabuto Zeko Zeko. Waxa uu ahaa wakhti adag oo Madaxweyne Lumumba ka soo horjeestay dawladda Belgimka ee gumaysan jiray iyo weliba danihii Maraykanka iyo Ingiriisku ku lahayaen dalkiisa oo hodan ku aha macdanta kala duwan oo ay ka mid tahay Yuraniyamka qaaliga ah. Madaxweyne lamuba ayaa xidhiidh dhow la yeeshay Ruushka oo loolan adag kula jiray Maraykanka iyo Yurubta galbeed.. Muddo ka dibna waxa dilay ciidanka xidhay ka dib markii ay ciqaabeen. Sanadkii 2010 ayay islaanta Daphne Park oo ka tirsanayd sirdoonka Ingiriiska ay si cad u qiratay inay iyadu hogaaminaysay dilka Lumba iyadoo wakhtigaasi ku jirtay maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay, dhakhaatiirtuna u sheegen inay muddo yar ka dib ay u dhimanayso xanuunka haya awgeed. Daphne ayaa ahayd qunusulka iyo xoghayaha koowaad ee Ingiriiska u joogay caasimadda dalkaasi ee Kinishaasa. Islaanta Daphne ayaa intaasi ku dartay in sababta loo dilay ay ahayd iyagoo ka cabsi qabay xidhiidhka uu la yeeshay Ruushka iyo isaga weliba gacanta u geliyay godadkii macdanta Yuraaniyamka dawladii Sofiyeetka (Ruushka). Waxaana ay intaasi ku dartay in gobolka ay ku badan tahay macadantu ay cabsi weyn ka qabeen inuu Ruushku la wareego. Haddii taasi dhacdona dhamaan danaha dalalka Maraykanka , Ingiriiska iyo Belgimka ayaa ka soo xidhmayay. Dophne waxa ay wakhtigaasi qarka u saarayd geerida iyadoo u dhimatay xanuunka ay jiiftay markii ay warkaasi bixisay bil ka dib. Madaxda dunida sadexaad waxa ku dhaca dilal iyo xadhig haddii ay ka hor yimaadaan danaha Yurub iyo Maraykanka. Waxa kale oo Iyana caado ah in sirdoon kasta saacadaha geeridiisa uu sheego shaqooyinka ugu halista badnaa iyo madaxdii uu khaarjiyay. (Prep. Haybe) Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka dowladnimo wanaagsantahay, kala badh dalalka Afrika, dhamaan dalalka Jaamacadda Carabta marka laga reebo waddanka Tunusia oo Somaliland isku heer yihiin dhinaca dowlad wanaaga. “Somaliland waxay ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo adduunyada ku yaala oo ay ku jiraan labo kuwa awooda leh ah, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay kala badh dalalka Afrika, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay ururka Jaamacadda Carabta dhamaan, marka laga reebo Tunusia oo inala heer ah” ayuu yidhi wasiir Toorno. Inkasta oo aanu wasiir Toorno sheegin meesha uu ka keenay xogtan iyo cida soo saartay, hadana Somaliland waxa lagu tilmaama dimuquraadiyadda ugu fiican ee ka jirta Bariga Afrika sida ay qoreen wargaysyada The economist iyo The elephant. Dhinaca kale warbixin uu sanadkii 2017 soo saaray Aqalka Xoriyada Maraykanka (Freedom house) ayaa lagu sheegay in xaqa shacabka Somaliland ka helaan xukuumadooda uu ka badan yahay xaqa ay waddamada kale ee Geeska Afrika shacabkoodu ka helaan xukuumadahooda. Source
-
(SLT-Kabul)-Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa booqday caasimadda Afghanistan ee Kabul, wuxuuna la kulmay Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ah ku -simaha Raysal Wasaaraha xukuumadda cusub ee Daalibaan. Wuxuu sidoo kale la kulmay madaxweynihii hore Hamid Karzai iyo Abdullah Abdullah, oo ah madaxa Golaha Dib -u -heshiisiinta Qaranka maadaama uu ku dhiirri gelinayey dhinacyada iyo kooxaha Afgaanistaan inay galaan dib -u -heshiisiin qaran. Waa booqashadii ugu horeysay ee uu mas’uul heerkiisu gaadhsiisan yahay Wasiir Arrimo Dibadeed ku tago magaalada Kabul tan iyo markii millatariga Mareykanka uu ka baxay Afghanistan. Al Thani ayaa la kulmay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda cusub, oo ay ku jiraan wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ku -xigeenkiisa. Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta iyo dadaallada ay Qadar hadda ku bixinayso taageeridda dadka Afgaanistaan. Daalibaan ayaa baahisay sawirrada kulanka Al Thani ee Akhund, halka sawirrada isaga iyo Karzai hore ay ku baahinayeen baraha bulshada. Qadar ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dalalka saameynta ugu badan ku leh Taliban, oo la wareegtay Afgaanistaan bishii hore iyadoo ciidammada Mareykanka ay isku diyaarinayeen inay ugu dambeyn ka baxaan dalka 20 sano kadib. Waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay duulimaadkii weynaa ee Mareykanku hogaaminayay ee muwaadiniintiisa, muwaadiniintii reer Galbeedka iyo Afgaanistaan ee caawiyay waddamada reer Galbeedka. Waxay kaloo taageeraysaa tobanaan kun oo reer Afgaanistaan ah oo la daadgureeyay toddobaadyadii u dambeeyay ee ka bixitaankii Mareykanku hoggaaminayey. Ma jiro dal weli si rasmi ah u aqoonsaday dowladda cusub ee Daalibaanm 3 dal oo kaliya ayaa aqoonsaday xilligii xukunkii ugu horreeyay ee kooxda laga bilaabo 1996-2001. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hay’adda nabad sugidda ay shaacisay inay dileen xoogaga kooxda Al-Shabaab. Sheekha oo la hadlay telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday, haddii aan wax laga qaban arrinta Ikraan in gabdho badan oo Soomaaliyeed ay saameyn ku yeela doonto dhacdadaan, ayna soo wejihi doonto cabsi la mid ah waxa ku dhacay Ikraan Tahliil Faarax. “Ikraan Tahliil waxa ay u aheyd Role Model iyo in lagu deydo gabdho fara badan oo soo kacayey, haddii arrinteyda wax laga qaban waayo gabdha fara badan baa oranaya waddadii Ikraan in la’ii mariyo ma rabo, saas darteed dowladba uma shaqeynayo” ayuu yiri Sheekha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan-yahay in si weyn loogu doodo Ikraan, si ay cadaalad u hesho, isla-markaana ay arrinteeda u noqoto mid lama illaawan ah. “Waxaan dooneynaa arrintan in dood adag iyo meel adag la gaarsiiyo in loo dood in laga hadlo in la yiraahdo Ikraan waxay mudatay inay cadaalad hesho waxaan rabnaa inay noqoto darsi iyo mid lama illaawaan ah,” ayuu markale yiri Sheekh Cabdiraxman Shariif. Ugu dambeyn wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaahaan kiiska Ikraan, si looga dhigo mid caalami ah, sida dilka ninkii madowga ahaa ee Mareykanka George Floyd. “Waxaa doonaynaa in kiiska Ikraan Tahliil uu noqdo sida kii George Floyd oo caalamka ruxay,” ayuu sii raaciyey Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisad xoogan oo ka dhalatay arrinta Ikraan ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka. The post Maxaa dhici kara, haddii ay cadaalad weyso Ikraan Tahliil Faarax? appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle ayaa maanta bilaabaya iney dhageystaan musharaxiin u tartami doonta ilaa siddeed kursi oo ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah. Murshaxariinta oo gaaraya ilaa 27 ayaa la sheegayaa in horay u ahaayeen 33, iyada oo lix buuxin waayeen shuruudaha halna uu ka haray, kaas oo ah Muxyudiin Afrax. Lama oga in maanta ay khudbadaha soo dhammaan doonaan iyo in kale, tiro badnida tartamayaasha aqalka sare ayaa ka timid kadib markii madaxweyne Guudlaawe uu sameeyey cadaalad ah in qof walba tartami karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jowhar (Caasimada Online) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa haatan ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Sida uu qorshuhu yahay maanta oo ay tahay 13-ka September ayaa waxaa la dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta isa soo diiwaan-geliyey oo gaaraya illaa 27 musharax. Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle, Axmed Xasan Diini oo ka hadlay diyaar garowga doorashooyinkaas ayaa ugu baaqay xubnaha musharixiinta ah ee isdiiwaan-geliyey inay ilaaliyaan waqtiga loo ballamiyay in ay hortagaan baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu sheegay inay haatan si wanaagsan ay wax ku socdaan, isla-markaana hadal jeedinta, kadib ay guda-geli doonaan qabashada doorashada Aqalka Sare. HirShabelle ayaa doorashada ay qabaneyso waxa ay ka duwan tahay doorashooyinkii ka dhacay maamul goboleedyada kale, waxaana tartanka uu yahay mid furan. Kuraasta qaar sidoo kale waxaa ku tartamaya ugu yaraan 3 xubnood, kuwa ugu badan waa lix xubnood, taas oo muujineysa in HirShabelle aysan kuraasta u xiriin dad gaar ah. Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah, iyada oo doorashadan ay ku xigi doonto mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya. The post Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare? appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay ergeyga cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, ammaanka iyo xoojinta mashaariicda Midowga Yurub ka fuliyo deegaanada Galmudug. “Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg. Qoor Qoor ayaa kulanka uu la yeeshay Ms. Tiina Intelmann si gaar ah xoogan ugu saaray Msmashaariic horumarineed ee uu Ururka Midowga Yurub ka fuliyo Galmudug. Tiina oo dhowaan loo soo magacaabay danjirada Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bedashay Nicalos Berlang oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka. Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahiil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dishay Al-Shabaab. Si kastaba, Qoor Qoor ayaa ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si xal looga gaaro khilaafka dalka. The post Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay ergeyga M/Yurub appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda UK u qaabilsan Somalia Kate Foster, madaxa xafiiska Hargeysa ee dawladda UK Stuart Brown iyo madaxa siyaasadda ee xafiiskaasi Khadar Muxumed. kulanka ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa xeerarka muhiimka ah ee ay labada dhinacba danaynayaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta xafiiska Hargeysa ee dawladda Ingiriiska iyo Golaha Wakiillada Somaliland. Danjireyaasha Dawladda Ingiriiska ayaa ballan qaaday in ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta cilaaqaadka baarlamaanka Somaliland la yeelanayo baarlamaannada iyo dalalka Caalamka. Kulanka waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), lataliyaha xidhiidhka caalamka ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Ibraahim iyo agaasimaha qorshaynta ee Golaha Wakiillada Cabdinaasir Cismaan. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqayn. Qaran News
-
Mariane Ibrahim moved to the US 11 years ago, frustrated that, despite her native France’s long colonial history in Africa, there just wasn’t a market for contemporary artists of the continent’s diaspora. “People were not really open to the idea of diversity and Black artists,” says Ibrahim, who is of Somali heritage. “I needed to prove them wrong.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda Mursal Maxamed Saney ayaa ka hadlay burburka ku yimid wada-hadalladii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare iyo waxa xigi kara. “Horta aan wadahadalno waa aan heshiino, waana soo dhaweyneynaa inay wada hadlaan oo ay is horfariistaan madaxda iyadoo weliba ay dadaal ku bixinayaan mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah, in lagu kala tago arrintaas aad ayay shacabka Soomaaliyeed uga niyad jabeen, waxaa la sugayay in lagu heshiiyo,” ayuu yiri Mursal Saney oo la hadlay BBC Saney ayaa sheegay in mar haddii lagu kala tagay wada-hadallada inay jiraan wax badan oo aad loogu kala aragti duwan yahay. “Waa wax laga xumaado in hal koox oo dowlad isku ah oo wada joogo hal guri oo 500 oo mitir ah ka yar ay hogaanka dalka isku fahmi waayaan, arrintaasi niyad jab weyn ayay keentay,” ayuu yiri agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda. Mursal Saney ayaa sidoo kale hadlay in hadda ay imaan karto faragalin dhanka caalamka ah oo la isugu keenayo Farmaajo iyo Rooble, maadaama dadaalladii Soomaalida oo ay wadeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay fashilmeen. “Waxaan aad u aaminsaanahy oo aan markasta ku cel-celinaa in Soomaalida iyaga xallistaan arrimahooda sababtoo ah ceeb ayay nagu tahay in 30 sannadood iyo ka badan nalagu dhex-jiro balse haddii la heshiin waayo khasab ayay nagu noqonaysaa, marka waxa laga hadlaayo ugu weyn waa doorasho iyo arrimaha cadaaladda marka arrimahan faraha ayay la soo geli doonaan iyadoo intaan laga fool-xun-yahay oo Soomaalida ay ka ihaaneysantahay shacab iyo madaxba ayaa waxaa la isku khasbi doonaa wixii markaas loo arko inay xal tahay ,” ayuu yiri Musrsal. Waxa uu intaas ku daray in haddii ay fashilmaan dadaallada beesha caalamka ay xaaladdu faraha ka bixi karto oo ay isku rogi karto dagaal. “Haddii ay timaaddo in lagu heshiin waayo waxaa inoo muuqda in colaad iyo dhibaato keeni karto, taas waan ka digeynaa in dalkaan loo horseedo colaad iyo dhibaato, dalkaan waxaa la rabaa in doorasho la aado oo sidii horay u dhici jirtayba si nabad ah la isugu wereejiyo xilka xitaa haddii madaxweynaha hadda joogo dib loo soo doorto waaa in dalka uu sii hogaamiyo,” ayuu yiri. The post Arrimaha xiga ee dhici kara kadib fashilka ku yimid wada-hadalkii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Waan ku faraxsanahay in shakhsiyad ku culus qaaraddeenna Afrika uu booqasho gaaban iigu yimaaddo hoygeyga, @ProfPLOLumumba runtii waxa aan ka mid ahay dadyowga sida dhow ugu xidhan aragtiyaha uu baahiyo, JSL waa u milge & maamuus in uu yimaaddo, tacliinta sare-na wax ka taro. pic.twitter.com/uwFdIIdvsi — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 12, 2021 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul ayaa kusoo dhamaatay fashil, haddaba maxaa xal u noqon kara khilaafka Rooble iyo Farmaajo? Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada dhinac ay iskugu soo dhawaan karaan, islamarkaana xal u noqon karta khilaafkooda siyaasadeed in meesha laga saaro tallaabada wasiir xilka looga qaaday. Gaas ayaa qaba in Rooble uu sameeyo isku shaandheyn, iyada oo wasiirka uu wasaarad u quudhsado u dhiibo wasaarad kale, si loo ilaaliyo is-dhinac saarka siyaasadeed ee xiisada kiciyey. “Waxyaabaha yar yar ee la isku hayo waa la toosin karaa. Aniga kuma taliyeen saacaddan in wasiir la baddalo, laakiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu awood u leeyahay in haddii uu shaqada amniga ku aamini waayay Xundubeey u dhiibo wasaarad kale,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas. Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in agaasimaha NISA loo magacaabo qof saddexaad, oo labada dhinac kalsoonidooda siin karaan, maadama xiisada ugu culus ka dhalatay gacan ku haynta booskaas muhiimka ah, oo Rooble sarkaal u magacaabay, halka Farmaajo-na u magacaabay sarkaale uu wato. “Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuna waxay kala magacaabeen labo qof waxaa habboon in la isku afgarto qof saddexaad oo aan labadaas midna ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore. Waxa kale oo la qabaa in labada dhinac ay isla qaatan in marnaba aan laga wada-hadli karin, xal banaanka ahna laga gaari karin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo ah halka ay ka bilaabatay xiisadu. Qodobka uu ka dhashay muranka ugu weyn ayaa ahaa kiiska gabadha ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka qaranka, walina wax xal ah looma helin, waxaana muhiim ah in baaritaan habboon lagu sameeyo sida lagu waayay gabadhaas oo ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugida. Si kastaba, Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wada-hadallada ayaa u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu tuhmayo gacanta hay’adda, iyo habka loo baarayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad. The post GAAS oo soo jeediyey arrin xal u noqon karta loolanka Farmaajo iyo R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Maraykanka oo shaaciyey Cadeymo Qoraala oo Sucuudiga ku xidhiidhinaya weerarradii Sept.9/11 , FBI-da Maraykanka ayaa shaacisay in aanay hadda ka dib ahayn sir in la qarinayo qoraalo muujinaya xidhiidhkii ay ku lahaayeen muwaadiniin Sucuudi ah oo ku noolaa Maraykanka iyo laba ka mid ah dadkii weerarka qaaday 9/11. Ehalada dadkii ku le’day weerarkaas ayaa mudo dheer xukuumadda ku tirtirsiyayey in la shaaciyo qoraaladaas, waxaanay ku doodayeen in saraakiil Sucuudi ahi ay ka warqabeen in weerarkaa la maleegayo hase yeeshee aanay waxba ka qaban sidii looga hortagi lahaa. Hase yeeshee, dukumentiyadaas ayaanay ku jirin wax caddayn ah oo muujina in xukuumadda Sucuudigu wax xidhiidh ah la lahayd weerarkaa 9/11. Shan iyo toban ka mid ah 19-kii afduubay diyaaradaha ayaa ahaa muwaadiniin Sucuudi ah. Ka hor intii aan qoraaladaa laga saarin xeerka sir ahaanshaha ayaa safaaradda Sucuudiga ee Washington soo dhawaysay in la shaaciyo qoraaladaas waxaanay mar kale beenisay in wax xidhiidh ahi ka dhaxeeyey boqortooyada iyo afduubayaasha, waxaanay ku tilmaantay eedaha noocaas ah “been iyo sumcad dilid”. Qoraaladan waxa la shaaciyey labaatan guuradii ka soo wareegtay weerarradii argaxixiso ee ugu ba’anaa ee ka dhaca dhulka Maraykanka oo qiyaastii 3000 oo qof ku dhinteen markii afar diyaaradood la afduubay, waana kuwii ugu horeeyey qoraaladani kuwo kale oo la filayo in la shaaciyo iyagana. Qoraaladan ay haatan faafiysay FBI oo 16 bog ah ayaa aad loo tifaftiray oo meelaha qaarkood la masaxay. Waxa qoraalkani ku salaysan yahay waraysiyo lala yeeshay dad magacyadooda la qariyey, waxanay tilmaamayaan dad door ah oo u dhashay Sucuudiga iyo laba ka mid ah afduubeyaasha Nawaf Al-Xasmi iyo Khalid Al-Mindar. Qayb ka mid ah qoraallada la shaaciyey Afduubeyaasha ayaa iska dhigay in ay arday yihiin oo sidaa ku galay Maraykanka sannadkii 2000. Qoraalada FBI waxay tilmaamayaan in markaa ka dib ay dadkaasi taakulo mug leh oo tas-hiilaadka ah ka heleen nin la yidhaa Cumar Al-Bayuumi oo ay maragyadu sheegeen in uu had iyo goor tegi jiray qunsuliyada Sucuudiga ee Los Angeles in kasta oo markaa sharciga uu dalka ku joogay ahaa ardaynimo. Bayuumi ayaa maragyada FBI sheegeen in uu “maqaam sare ku lahaa” qunsuliyada. “Bayuumi taageeradii uu siiyey Xasim iyo Midar waxa ka mid ahayd inuu turjubaan u ahaa, u qorsheeyey safarkooga iyo lacag ba” ayaa qoraalkaas ku taal. Qoraalka FBI waxa kale uu sheegayaa inuu jiray xidhiidh ay lahaayeen laba ka mid ah afduubeyaasha iyo Fahad Al-Sumayri oo ahaa imaam muxaafid ah oo imaam ka haa masaajidka King Fahad Mosque ee ku yaal Los Angeles. Waxa lagu timaayay inuu ahaa ubucda “aragtida xagjirka ah ee ay qabeen”. Bayuumi iyo Sumayri labaduba waxay Maraykanka ka dhoofeen todobaadyo uun ka hor weerarradii 9/11, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Wakaaladu waxay soo xigatay Jim Kreindler, oo ah qareen u dooday ehelada dadkii ku waxyeeloobay 9/11 oo sheegay in qoraaladaa la shaaciyey “ay marag u yihiin doodii aanu qabnay ee ahayd in xukuumadda Sucuudigu masuuliyad ku lahayd weerarkii 9/11”. Bishii hore ayaa dacwad ay gudbiyeen eheladaasi waxay ku doonayeen in dhawr sarkaal oo sarsare oo Sucuudi ah iyaga oo la dhaariyey su’aalo la weydiiyo. Maamulladii George W Bush, Barack Obama iyo Donald Trump ayaa dhamaantood diiday in ay shaaciyaan qoraaladaa iyaga oo ku sababaynay arimo nabadgelyo awgood. Joe Biden Laakiin Joe Biden ayaa todobaadkii hore amar ku bixiyey in dib loo eego dukumentiyadii baadhitaanka dhacdadaas, waxaanu saraakiisha u sheegay in ay shaaciyaan wixii la shaacin karo mudada lixda bilood ah ee soo socota gudaheeda. Waxa mudaba socday hadal hayn ah in sarkaal Sucuudi ahi ku lug lahaa weerarkaa, marka la eego tirada muwaadiniinta Sucuudiga ah ee ka qayb qaatay weerarradaas iyo in hogaamiyihii Al-Qaacida ee Usaama Bin Laadin ahaa Sucuudi. Hase ahaatee, warbixinta gudidii baadhitaanka 9/11 kuma jirto wax caddayn ah oo xukuumadda Sucuudiga ama saraakiil sarsare oo ka tirsan ah la xidhiidhinaysa dhacdadaas. Maraykanka iyo Sucuudigu waxay ahaayeen xulufo mudo dheer in kasta oo xidhiidhkoodu mararka qaar yara adkaa. Donald Trump ayaa sii xoojiyey xidhiidhkaa laakiin Joe Biden wuxuu Sucuudiga ku tilmaamay dal “faquuqan” marka la eego dilkii foosha xumaa ee lagu khaarijiyey suxufigii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashoqji ee lagu dilay Turkiga. Frank Gardner oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in Biden wixii intaa ka dambaysay debciyey mawqifkiisii ku aadanaa ninka ugu awoodda badan Sucuudiga ee ah dhaxal sugaha Maxamed Bin Salman, taasina ay ka dhalatay xaqiiqada ma dhaafaanka ah ee ah muhiimadda is xulufaysigoodu leedahay. Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka codsaday in laga gudbo khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble. “Madaxweynaha waan la hadlay oo teleefan baan kula hadlay, waxaana ka codsaday in la joojiyo khilaafaadka. Khilaaf looma baahna hadda, sababtoo ah doorashaa la rabaa in la galo, iyadoo khilaaf jirin in la galaana rajeynayaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wareysi siiyay Radio Shabelle ayaa yiri “Waxaan rajeynaynaa in khilaafku joogsado, dadkuna doorasho xalaal ah ay galaan oo xaq ah, ciddii dan u arkaana ay doortaan.” Mar wax laga weydiiyay sida khilaafka taagan looga gudbi karo ayaa waxa uu ku jawaabay “Waxaa looga gudbi karaa in khilaafaadka la’iska daayo, sida sharciga ama dastuurka uu qabana in doorasho la galo.” Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, oo ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga qabsoomi laheyd doorasho daahfuran. “Waxaan ugu baaqayaa shacabka inaanay cid la safaninee, laga codsado ciddii is haysataa, iyadoo heshiis la yahay oo Madaxda Qaranka iyo dadkuba ay heshiis yihiin in doorasho xalaal ah la galoa” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad. Cabdiqaasim Salaad ayaa intaa ku daray “Sidaan horey uga barinay Ilaahay, haddana waan u baryaa ummadda Soomaaliyeed inuu ka qaado culeys kastoo haysta. Dhibka muddada badan soo haystay inuu ka qaadaa Ilaahay uga rajeeyaa, waana u duceeyaa.” The post Madaxweyne Cabdiqaasim oo FARMAAJO u diray farriin la xiriirta khilaafka ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM Amina Mohammed oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA. Amina ayaa taageertay in kiiska gabadhaas la mariyo cadaaladda, taasi oo ah mowqif raacsan kan ra’iisul wasaare Rooble, qoyska gabadha, iyo inta abdan shacabka Soomaaliyeed. “Sareynta sharciga iyo caddaalad helista waa u muhiim in haweenka laga ilaaliyo rabshadaha, waana wax ay xuquuq u leeyihiin dhammaan haweenka,” ayey tiri. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay uga mahad-celiyey QM inay taageertay mowqifkiisa ah in qoyska Ikraan Tahliil Faarax ay helaan caddaalad. Qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri “Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahaliil Faarax, isagoo xusay in aysan habbooneyn in arrintaas la siyaasadeeyo.” Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble ayaa burburay kadib markii Farmaajo uu dalbaday in qoyska Ikraan la siiyo diyo, kiiskana halkaas lagu xiro, halka Rooble uu sheegay inay maxkamadda ciidamada ay baareyso kiiskan, islamarkaana caddaaladda la marinayo. Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada. “Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay beesha caalamka soo saartay. The post QM oo war ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka. Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono in ay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ugu fadhido Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha jira. Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga. PUNTLAND POST The post Jaamacada Carabta oo taageero maaliyadeed u balan-qaaday doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Roble acts unlawfully when he bypasses the Somali Federal Parliament. Mogadishu (Commentary) — The outgoing Somali Federal Parliament raised objections to violations by Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister of Somalia, who fired a Minister and appointed a new Minister. In violation of the parliamentary rules, Roble witnessed the oath taken by the new Minister, who was not endorsed by the Parliament. What are the implications of the power grab by Roble in a country that is gradually recovering from state collapse? Mohamed Osman Jawari, the former Speaker of the Parliament, said that amendments made to the draft constitution stipulate that, until a new parliament takes over, the incumbent parliament will retain its legitimacy. “Otherwise four people will unaccountably rule the country” Jawari added. He foresaw the current political deadlock in which Roble holds the electoral process hostage by making one hasty decision after another. The outgoing Somali Federal Parliament still retains legitimacy. How can the Prime Minister discharge his duties to prepare Somalia for indirect elections if he ignores the legislature and the draft constitution? It is quite discouraging to see the ambivalence of presidential candidates towards a political stand-off over foundations of governance. This is not a time to vacillate. Roble’s goal is to politicise the case of Ikran Tahlil, the “late” intelligence officer. A Prime Minister who briefly authorised a news blackout in the state media against his boss, the President, cannot be trusted to act impartially in electoral matters. Roble, a Swedish citizen, does not seem to understand the traumas Somalis are still undergoing despite efforts to reconstitute the Somali state. What are the roots of his undemocratic tendencies? His actions remind many Somalis of warlords’ reign of terror in Mogadishu. His closeness to the “opposition candidates” runs counter to the principle of impartiality during the electoral season. Roble should not have interpreted the transfer of the President’s duties to oversee the electoral process as a carte blanche to rule Somalia lawlessly. The Federal Parliament of Somalia has a duty to prevent Somalia from falling into the hands of Damuljadid clique. By Adan M. Dawad The post The Legitimacy of the Somali Federal Parliament is Intact appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka waxbarashada sare ee maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay in haweenka dalkaasi ay si caadiya wax u baran karaan oo aysan jirin cid u diidan Wasiirka ayaa tilmaamay ay waajib tahay in fasalladu ay noqdaan kuwa kala saara ragga iyo dumarka, islamarkaana ay haweenku xirtaan lebiska Islaamiga ah. Abdul Baqi Haqqani oo ah wasiirka ayaa ku soo bandhigay siyaasaddan cusub shir jaraa’id oo uu qabtay, maalmo ka dib markii maamuleyaasha cusub ee Afghanistan ay dhiseen xukuumad dhammaan xubneheedu ay rag yihiin. Taalibaan ayaa sheegtay in ay hadda is bedeshay, oo ay ku jirto sida ay ula tacaamuli doonaan haweenka. Laakinse, waxa ay gacan bir ah u adeegsadeen haween maalmihii la soo dhaafay u bannaan baxayay in ay helaan xuquuq siman. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo ka hadashay Waxbarashada Haweenka appeared first on Puntland Post.