-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Midowga Musharrixiinta ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaaminayay xubnaha Midowga Musharrixiinta ee la kulan Ra’iisul Wasaare Rooble. Xisbiga Himilo Qaran ee hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in xubnaha Midowga Musharrixiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka, maareynra kala aragti duwanaanta siyaasadeed iyo kiiska Ikran Tahlil. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan maanta kulan mira dhal ah la yeelannay Raysalwasaare Rooble. Waxaan ka wadahadalnay sidii uu kiiska Ikraan Tahliil ku heli lahaa caddaalad, looguna simi lahaa hay’adaha garsoorka, in la dardar la geliyo arrimaha doorashooyinka iyo in la qaboojiyo xasaradda”. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa weli ka hadlin kulanka uu la qaatay Midowga Musharrixiinta oo ku soo aaday xili xasaasiya. PUNTLAND POST The post Maxay ka wadahadleen Rooble iyo mucaaradka? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane ee shisheeyaha ay degan yihiin ee magaalada Muqdisho. Sida aan xogta ku helnay, qaraxa ayaa ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan inta u dhaxeeysa bar kontorool oo laga galo Xalane iyo xerada Jeneraal Gordon. Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa lala beegsaday maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose, balse weli ma cadda nooca uu ahaa qaraxa, inkasta oo warar horudhac ah ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin. Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay qareaxa, balse weli ma cadda tirada rasmiga ah. Qaraxa ayaa imanaya toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus. Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga. Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September. The post DEG DEG: Qarax ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wararkaas, oo shalay aad ugu baahay baraha bulshada, sidoo kalena ay weriyeen warbaahinta qaar, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Geelle “loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.” Hase yeeshee waxaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. “Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan oo ah inuusan ka tegin dalka xagaagan oo dhan,” ayuu ku daray. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yiri. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad. Isha: VOA The post Maxaa ka jira inuu xanuunsan yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa tacsi ugu tagay salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, dhalinyarada iyo siyaasiyiinta deegaanka uu ka soo jeedo suldaan cumar suldaan maxamed oo ku geeryooday dalka Turkey-ga. Gudoomiye ciro ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid suldaankii guud ee beelaha ARAB, waxaanu ilaahay uga baryay in uu janooyinkiisa ugu deeqo, samir iyo iimaana uu saadiq ka siiyo. Source
-
PRESS RELEASE Ethiopia: Multiple reports of alleged human rights violations in Tigray Reports also suggest that people of Tigrayan ethnicity have been detained by law enforcement officials on ethnic grounds, mostly in Addis Ababa NEW YORK, United States of America, September 14, 2021/ — UN human rights chief, Michelle Bachelet on Monday deplored “multiple and severe reports of alleged gross violations of human rights, humanitarian and refugee law” committed by all parties to the conflict in Tigray. In an update to the UN Human Rights Council (OHCHR) on the situation in the northernmost regional state in Ethiopia, Ms. Bachelet said the conflict has “continued unabated,” and “risks spilling over to the whole Horn of Africa”. In the last few months, “mass detentions, killings, systematic looting, and sexual violence” have created “an atmosphere of fear and an erosion of living conditions that resulted in the forced displacement of the Tigrayan civilian population. Civilian suffering is widespread, and impunity is pervasive, she said. Joint investigation The UN High Commissioner for Human Rights also informed the Council on progress made in the joint investigation by the OHCHR and the Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) following the conclusion of the fieldwork phase of the report. The full range of information collected is currently being analysed, but Ms. Bachelet said it was already clear that cases documented comprise multiple allegations of human rights violations. These included attacks on civilians, extrajudicial killings, torture, and enforced disappearances. Sexual and gender-based violence has also included gang rapes, sexualised torture and ethnically targeted sexual violence. Violations by all parties According to Ms. Bachelet, Government forces and their allies continue to be implicated in allegations of human rights violations. Reports also suggest that people of Tigrayan ethnicity have been detained by law enforcement officials on ethnic grounds, mostly in Addis Ababa. She noted that incitement to hatred and discrimination were also documented targeting people of Tigrayan ethnicity, as well as attacks on journalists and the suspension of media outlets’ licenses and shutdowns of Internet and telecommunications in Tigray. Ms. Bachelet added that Tigrayan forces have also allegedly been responsible for attacks on civilians, including indiscriminate killings resulting in nearly 76,500 people displaced in Afar and an estimated 200,000 in Amhara. More than 200 individuals have reportedly been killed in the most recent clashes in these regions, and 88 individuals, including children, have been injured, she said. There have also been reports of the recruitment of children into the conflict by Tigrayan forces, which is prohibited under international law. Avoid national division Ms Bachelet urged the Government of Ethiopia to accept the recommendations of the joint investigation report that will be issued on 1 November 2021 and to give human rights and humanitarian actors unhindered access. She called for all parties to immediately end hostilities and negotiate a lasting ceasefire to “avoid the risk that Ethiopia will be torn apart”. WHO airlift The largest single shipment of humanitarian cargo to date has been airlifted to Ethiopia by the World Health Organization (WHO), the UN agency said on Monday. 85 metric tons of life-saving medical supplies were flown by a charter flight from WHO’s Logistics Hub based in Dubai to in Addis Ababa on Friday. The supplies, including essential medicines, trauma and emergency surgery kits, infusions, consumables, equipment, and cholera kits, are enough to address the urgent needs of more than 150 000 people. “This delivery will help bolster our efforts to provide relief to hundreds of thousands of families who are grappling with a difficult humanitarian situation,” said Dr Boureima Hama Sambo, WHO Representative in Ethiopia. Currently, nearly 2.5 million people are in need of health assistance from WHO and partners. The shipment to Ethiopia wrapped up a historic week for the WHO Dubai Logistics Hub. Four times the weekly average has been dispatched with over 450 metric tons of medical supplies valued at more than $ 4.3 million in support of cholera outbreak response in Nigeria, critical shortages of medicines in Afghanistan, and trauma and surgical supplies to Syria and Yemen. SOURCE UN News Qaran News
-
Basaasad Maraykan ah oo shaacisay in Soomaaliya ka khatar badan Afghanistaan Shir amniga Maraykanka looga hadlayay oo Isniintii ka dhacay magaalada Washington, ayaa xilli ay khudbad jeedinaysay basaaska ugu sareeya dalkaas ayaa waxa ay sheegtay in Afgaanistaan aysan hadda ahayn meesha hanjabaadaha ugu badan ee argagixisada caalamiga ah ee ku wajahan dalka lagu maleego, sida ay baahisay warbaahinta CNN. Xilli qaar ka mid ah dadka wax dhaleeceeya ay ku doodayaan in Afghanistaan ay hoy u noqon karto ururada argagixisada sida ISIS iyo al -Qaacida si ay dib isugu urursadaan kadib bixitaankii Mareykanka. “Hanjabaadaha argagaxisada ee ka imanaya Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq – gaar ahaan ISIS – ayaa ka khatar badan kuwa laga yaabo inay ka yimaadan Afgaanistaan,” Ayey tiri Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka Avril Haines xilli ay ka hadlaysay shir -sannadeedka Sirdoonka iyo Amniga. “Marka la eego Maraykanka, halista hadda ka imaanaysa kooxaha argagaxisada, ma mudnaan siineyno liiska ugu sarreeya Afghanistan,” ayay raacisay. “Meelaha la rabo inaan eegno waa Yemen, Soomaaliya, Suuriya iyo Ciraaq oo ay joogaan kooxda ISIS, halkaas ayeyna halista ugu weyn nooga imaanaysaa. Qaran News
-
War cusub oo laga soo saaray Xaalada Caafimaad ee M/weyne Geelle oo Cusbitaal la dhigay Qoraal uu bartiisa twitter-ka ku baahiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf, ayaa wuxuu ku beeniyay wararka sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay liidato. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan wararka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa. Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha lagu samaynayo baaritaan caafimaad “sababtuna ay tahay nasasho la’aan maadaama uusan dalka ka bixin xagaagii oo dhan.” “Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jiro walwal gaar ah oo la qabo” Ayuu wasiirka raaciyay. President Ismail Omar Guelleh is fine . All informations circulating about his health situation is far from the reality . His is having a few days off and undergoing medical check up due to lack of rest for he did not leave the country during the whole summer — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 14, 2021 Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay waxa la isla dhex qaadayay warar sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu ay liidato oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Paris. Qaran News
-
PRESS RELEASE UN Launches the First Regional Online Portal to Bring Together all African Countries with Data and Evidence on Sustainable Development This is the first platform to serve as a one-stop-shop repository that captures high-quality data and evidence on the 2030 Agenda and the SDGs from all the African countries ADDIS ABABA, Ethiopia, September 14, 2021/ — Measuring and evaluating progress on the Sustainable Development Goals in Africa became much easier as a group of regional UN entities launched the first online data portal that brings together statistical data harvested across all countries on the continent. Today, 17 regional UN entities, under the Africa Regional Collaborative Platform (RCP), unveiled the Africa UN Data for Development Platform. This is the first platform to serve as a one-stop-shop repository that captures high-quality data and evidence on the 2030 Agenda and the SDGs from all the African countries. It is also the first of its kind to raise the profile of statistical progress toward the African Union vision – Agenda 2063. “With barely nine years left to achieve the SDGs, making use of common and harmonized data is essential to accelerate progress. The launch of this new platform marks a milestone in actions towards the Agenda 2030 and the African Union 2063 Agenda. Reliable and collective data will allow all actors to make the best possible evidence-based policy action to accelerate the SDGs, strengthen collaboration, avoid unnecessary duplication and make sure that we can address gaps, really leaving no one behind,” said Assistant Secretary-General Ahunna Eziakonwa, Director of the Regional Bureau for Africa at the UN Development Programme, who also serves as Vice-Chair of the Africa RCP, at the virtual launch event. The new data portal looks into the 17 Sustainable Development Goals and breaks them down into their 169 targets and 231 indicators, allowing everyone to track progress at the granular level. It is open to all users, including policymakers, planners, programme managers, development partners, private sector organizations, civil society groups, academic institutions, researchers, students, media outlets and many others. According to the statisticians at the UN Economic Commission for Africa (ECA), among the 169 targets set out in the SDGs, only 30 percent of them are quantifiable. For the rest of the unquantifiable targets, the online platform goes ahead to propose target values by using a pragmatic and ambitious approach. It identifies the region’s outstanding countries and sets their average rate of change as the region’s target rate. “Presenting comprehensive, practical data sets will especially help us, government civil servants, to monitor progress, make sound decisions, and evaluate outcomes and impacts. This data platform is a long-awaited online tool for us to carry out in-depth analyses and progress assessments at the target and indicator levels, and link them with our national development plans,” said Dr. Saulos Chilima, Vice President of Malawi. The new data engine also gives users the ability to classify the statistics by various dimensions, such as the eight regional economic communities recognized by the African Union, least developed countries, landlocked developing nations, and oil-producing, mineral-rich states. Additionally, it repackages the data by key thematic issues. For example, users can categorize SDG indicators by agriculture, energy and health, allowing them to not only analyze the specific progress at the country level but also examine the convergence, similarities and differences among a variety of subregional blocs and topics. “Africa is a continent with great potential and clear aspirations as articulated in the Africa Union’s Agenda 2063. The transformation requires quality, timely and disaggregated data to guide targeted investments and ensure that the desired returns in its human capital development, environmental sustainability, economic transformation and prosperity for all,” stated Oliver Chinganya, Director of the ECA Africa Centre for Statistics. Building on the existing infrastructure developed by ECA, the Africa UN data portal consolidates statistics from platforms and technological tools available at UN entities. Without reinventing the wheel, the UN regional group, also known as Opportunity/Issue-based Coalition (OIBC) 1, came up with a new way of bringing data to users, strengthening the “whole-of-UN” approach to provide one common space where everyone can easily find critical evidence. “The aim is to reduce the burden on countries in terms of responding to data needs and avoid repeated data requests from various organizations. This portal brings fragmented data from member states into one place, and this information can also be used by UN agencies and other partners,” said Dr. Bannet Ndyanabangi, Regional Director ad interim of UNFPA East and Southern Africa, and OIBC 1 co-convener. The data portal is expected to be used in progress reports on the SDGs and other sustainable development documents. It can also be used to prepare speeches and presentations for senior leadership of governments and institutions as well as to stimulate policy conversations, for instance, for voluntary national reviews and other policy discussions around sustainable development agendas, particularly to facilitate deep analyses. The portal can also be cited by media outlets, research institutions, and other organizations to conduct further studies. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News
-
Dhakhtarkii ka caawiyay Sirdoonka Maraykanku Guriguu uu deganaa Cusama Bin Laden ee lagu dilay Dr Afridi ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in ay billowdo dhageysiga racfaan la doonayo in xabsiga looga sii daayo dhakhtar ku eedeysan in Mareykanka uu ka caawiyay in uu dilo hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusama Bin Laden. Maxkamadda sare Peshawar ayaa maanta dhageysan doonto dacwadda Shakil Afridi, waana markii ugu horreysay oo dacwaddaasi lagu dhageysan doono meel caadi ah oo dadka u furan. Dhakhtarkaasi ayaanan waligii si rasmi ah dacwad loogu soo oogin doorkii uu ku lahaa hawlgalkii sanadkii 2011-kii lagu bartilmaameedsaday Bin Laden oo ahaa ninka aadka uu Mareykanka u doondoodnayay. Dr Afridi ayaa waligii ku doodayay in loo diiday in uu helo caddaalad. Xarigiisa ayaa waxaa ka dhashay muran weyn kaa oo sababay in Mareykanku uu kaalmadii dhaqaale ka jaro dalkaasi Pakistan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2016 xilli uu ku jiray olalaha doorashada ballan qaaday in Dr Afridi la soo dayn doono laba daqiiqo gudahood haddii isaga la doorto, haseyeeshee taasi ayaanan wali dhicin. Muddo 10 sano ah ayuu Bin laden dhuumaaleysanayay In kastoo dhakhtarkaasi gudaha Mareykanka looga aqoonsan yahay halyay geesi ah, dadka reer Pakistan intooda badan waxay u arkaan khaa’in waji gebax ku riday dalkiisa. Ciidamada Mareykanka ayay u suurtagashay in ay yimaadaan gudaha dalka Pakistan oo ay dilaan Cusama Bin Laden oo waliba ay meydkiisa qaataan iyaga oo aan wax dhibaato ah arrintaasi kala kulmin. Waxaa dilka Bin Laden ka dhashay su’aal ah milatariga dalkaasi Pakistan miyuu wax ka ogaa joogitaanka Bin Laden ee gudaha dalkaasi Pakistan. Muxuu yahay Shakil Afridi? Dr Afridi ayaa ah dhakhtar ka hawlgali jiray degmada uu qabaa’ilka maamulo ee Khaybar, waxa uuna ahaa madaxa adeegyada caafimaad ee mas’uulka ka ahaa mashruucyo tallaal oo Mareykanka uu maalgeliyay. Maadaama uu ahaa shaqaale dowladeed, waxa uu billaabay mashruuc dadka looga tallaalayo cudurka cagaarshowga. Meelaha uu mashruucaasi ka fulinayay waxaa ka mid ah magaalada ay ciidamadu deggan yihiin ee Abbottabad, halkaasi oo markii dambe ay caddaatay in Bin Laden uu ku noolaa oo ay ciidamadu ka war qabeen. Qorshaha mukhaabaraadka Mareykanka ayaa ahaa in ay baaraan hidasidha mid ka mid ah carruurta ku nool gudaha magaalada Abbottabad si baaritaankaasi loogu ogaado in ay ehel la yihiin Bin Laden iyo in kale. Waxaa la rumeysan yahay in mid ka mid ah hawlwadeennada la shaqeeya Dr Afridi uu booqday guriga uu deganaa Bin Laden oo uu cannug ka soo qaaday dhiig balse lama xaqiijin karayo in dhiigaasi uu sahlay in mukhaabaraadka Mareykanka ay ogaadaan in Cusama uu halkaasi ku nool yahay iyo in kale. Dr Afridi ayaa xabsiga la dhigay 23-kii May 2011, waa muddo 20 maalmood ah ka dib markii la dilay Bin Laden. Waxaa la rumeysan yahay in xilligaasi uu ku jiray da’da afartameeyada. Wax badan lagama oga nolashiisa gaarka ah balse waxaa la ogyahay in uu ka soo jeedo qoys ladan isla markaana uu ka soo qalin jebiyay mac’hadka caafimaadka ee Kheybar sanadkii 1990. Qoyskiisa ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii Dr Afridi la xiray, waxayna ka baqayeen in kooxaha mintidiinta ahi ay soo weeraraan. Xaaskiisa ayaa intii aysan dhuuman ahayd maamulaha iskool ay leedahay dowladda. Dr Afridi ayaa xilligaasi haystay laba wiil iyo gabar, kuwaasi oo hadda ah qaan gaar. Bishii Janaayo ee sandkii 2012, saraakiisha Mareykanka ayaa shaaciyay in Dr Afridi uu la shaqeynayay mukhaabaraadka Mareykanka. Balse lama xaqiijin karayo waxa uu ka ogaa shaqada uu u hayay sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Sida lagu sheegay baaritaan ay sameysay dowladda Pakistan, Dr Afridi waxba kama uusan ogayn cidda uu bartilmaameedku ahaa markii uu billaabayay shaqada CIA-da. Ciidammada Pakistan iyo shacab ku sugan gurigii lagu dilay Bin laden 2011-kii Maxaa lagu haystaa? Inkastoo markii hore lagu soo eedeeyay khiyaano qaran, haddana Dr Afridi ayaa xsaanadkii 2012 lagu xukumay 33 sano oo xabsi ah balse markii dambe ayaa 23 sano lagu soo koobay ka dib racfaan uu ka qaatay xukunkaasi. Dr Afridi ayaa lagu helay dambi ah in uu aasaasay koox islaami ah oo lagu magacaabo Lashkar Al-Islaam oo dalkaasi Pakistan mamnuuc ka ah. Dr Afridi ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu gurmad caafimaad oo deg deg ah u fidiyay dagaalyahannada kooxdaasi isla markaana uu mintidiinta kooxdaasi u ogolaaday in ay shirar ku qabsadaan gudaha cusbital ay dowladda leedahay oo uu isaga madax ka ahaa. Qoyskiisa ayaa dhammaan eedeymahaasi beeniyay waxaa qareennada u doodayay ay sheegeen in lacagta kaliya ee uu siiyay kooxdaasi ay ahayd mid madax furasho ah oo gaareysa 6,375 doolar oo uu naftiisa ku badbaadinayay ka dib markii sanadkii 2008 ay qafaasheen mintidiin ka tirsan kooxdaasi. Sanadkii 2012 ayaa sida la sheegay wuxuu mar la hadlay telefishinka Fox News, wuxuuna u sheegay in ay qafaasheen sirdoonka Pakistan isla markaana ay jirdil ku sameeyeen. Muddo sanad ah ka dib, Dr Afridi waxaa u suurtagashay in waraaq uu gacanta ku soo qoray uu soo gaarsiiyo qareennadiisa, waxa uuna u sheegay in loo diiday caddaalad. Maxaa loogu soo eedeyn waayay in uu Mareykanka ka caawiyay dilka Bin Laden? Arrintaasi ma cadda, balse arrintaasi Bin Laden ayaa ah wajigabax ku noqotay dowladda Pakistan. Inasktoo mas’uuliyiinta reer Pakistan ay aad uga caroodeen waxa ay ku tilmaameen xad gudub lagu sameeyay madax-bannaanidooda, haddana sirdoonka Pakistan ayaa qirtay in aysan waxba ka ogayn in Cusaama Bin Laden oo ahaa hoggaamiyaha Al-Qaacidda uu halkaasi ku noolaa muddo sanado ah. John Brennan oo xilligaasi ahaa madaxa la dagaalanka argagixisada ee Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin in la yirahdo Bin Laden wuxuu halkaa ku noolaa muddo isaga oo aan gacan ka heleyn maamulka dalkaasi, eedeyntaasi oo xukuumadda Islamabad ay beenisay. Balse in Dr Afridi loo maxkamadeeyo in uu gacan siiyay Mareykanka ayaaba sumcad ahaan uga sii dari lahayd dowladda Pakistan. Maxaa hadda loo maxkamadeynayaa? Maxkamadeynta Dr Afridi ayaa loo cuskanayaa sharci gooni u ah deegaannada qabaa’ilka uu ka taliyo ee ku yaal xudduudda dalalka Pakistan iyo Afqaanistaan. Maxkamadaha deegaanadan oo ay qabaa’ilku maamulaan ayaa waxaa guddoominaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowladda waxaana gacan siinaya odeyaal dhaqameedyada qabaa’ilka. Hannaankan maxkamadeed ayaa la sheegayaa in uu aad u baal marsan yahay hannaanka caddaaladda ee dalkaasi. Guriga uu ku noolaa Bin Laden ka hor inta aan la duminin Maxkamadeynta noocaasi ah ayaa ah sida kaliya ee dowladda Pakistan ay ku maxkamadeyn karto Dr Afridi, si looga qariyo shacab weynaha dalkaasi. Balse saandkii hore ayaa la isku daray maamulka degaannada qabaa’ilka maamulo iyo maamulka dowlaiga ah ee gobolka Kheybar, taa oo ka dhigan in dhammaan kiisaskii ay dhageysanayeen maxkamadaha qabaa’ilka loo soo wareejiyo maxkamadaha caadiga ah ee dalkaasi Pakistan. Maxkamadeynta Dr Afridi ee maanta ayaa laga yaabaa in ay horseedo in la dhimo ama la kordhiyo sanaddadii horey loogu xukumay. Tan iyo markii sanadkii hore Dr Afridi laga sii daayay xabsi ku yaal Peshawar lana geeyay mid ku yaal Punjab, waxaa soo baxayay hadal hayn ah in dhakhtarka la sii dayn doono, gaar ahaanna lagu badalan doono Aafia Siddiqui, oo ah nin sida la sheegay Al-Qaacidda la shaqeyn jiray oo hadda u xiran Mareykanka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad ciidamo la duldhigay xarunta taliska ciidanka NISA ee gobalka Banaadir, taasoo loo yaqaano Godka Jilacow, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ciidamadan ka tirsan hay’adda NISA ayaa kuwa loo yaqaan Duufaan, waxayna wataan gaadiidka loo yaqaano Beebaha, ayada oo la sheegay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan xarunta, oo ay haystaan ciidan taageera ra’iisul wasaare Rooble. Ciidanka Duufaan ayaa ah kan kaliya ee ka tirsan NISA ee taabacsan Farmaajo, waxayna u badan yihiin maleeshiyo ku beel ah, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, balse dowladda isu soo dhiibay. Si rasmi ah looma oga sababta ciidankaan maalintii labaad loo duldhigay xarunta Godka Jilacow. Shalay gelinkii dambe ayey ciidamadaan tageen banaanka Godka Jilacow, waxaana muddo xiisad ka taagneed ay ka tageen xalay Maqrabkii. Sidoo kale maanta ayey dib ugu soo laabteen ciidanka Duufaan waxaana Aagga Taalada Daljirka Dahson ka jira xiisad culus iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, oo u dhaxeysa ayaga iyo ciidan kale oo ka tirsan NISA. Ciidanka Waran ee ku sugnaa Godka Jilacow ayaa shalay iyo maanta hortaagan ciidamada Duufaan, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas ka dhaco dagaal u dhaxeeya labada ciidan. Ciidanka Duufaan ayaa raba in ay galaan gudaha Xarunta Godka Jilacow, oo ay qabsadeen waxaana u diidan kuwa Waran oo hore ugu soo diiday Xarunta Habar Khadiijo. Ciidamada Waran, ayaa waxaa hoggaamiya sarkaalka lagu magacaabo Maxamed Xasan, oo ka amar qaata ra’iisul wasaare, kaasi oo xaqiijiyey labada xarun ee NISA, ee kala ah Habar Khadiijo iyo Godka Jilicow. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaan weli agaasimaha cusub ee NISA Bashiir Goobe geyn xarumaha NISA, inkasta oo ay haystaan ciidamo isaga taageersan, waxaana sababta ay tahay ciidanka xarunta ka jooga dibedda ee Duufaan, oo doonaya inay dagaal qarxiyaan haddii uu yimaado agaasimaha cusub. Rooble, oo doonaya inaanu dagaal dhicin, ayaa isku dayaya inuu arrintan ku dhameeyo wada-hadal. The post Ciidamo maalintii labaad isku hor-fadhiya meel u dhow Villa Somalia + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay xubnaha Midawga Musharixiinta. Kulanka Rooble iyo Musharixiinta ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo xubno ka tirsan Siyaasiyiinta Mucaaradka. Rooble ayaa musharixiinta kala hadlay xaaladihii ugy dambeyay ee doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Dawladda Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde. Safiirka Sweden Per Lindgarde oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada. Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa Danjiraha Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Sweden appeared first on Puntland Post.
-
Muxuu wadnuhu ila dakaamayaa, Maxaan la hiin raagayaa, Maxey xubnuhu ila wada xanuunayaan, Aqoon la’aan, Talo la’aan, Ilbaxnimo la’aan Siyaasad la’aan iyo Kalsooni la’aan,ayaa dib u dhigtey Gobalada, Sanaag Togdheer iyo Sool,,,laakiin maanta waa GUUL..Badhasaabka gobolka sanaag Mohamed Elmi Husein. Beelaha gobolka SANAAG…waxa ay soo mareen marxalado kala duwan oo haba yaraatee ilaa dawladdihii ka talin jirey aaney wax qaab dhismeed dowladnimo ka geysan, dib u dhac weynina ka haysto baahiyihii nolosha, laakiin, Allaah Subxaanahu Watcaalaa uu ku muneystey dhul baaxad leh oo bad iyo berri ba leh, balse dhaqashada xoolaha ku garasho wacan yihiin kuna badbaadeen. Ragga aqoonta leh ee hogaamiya caalamku,waa sheegeen, waxeyna saadiliyeen in SOMALILAND, dhalinyaradu,,noqon doonto, iney dalka hogaamiyaan mustaqbalka ..Tusaale gobolka Sanaag, uu u asiibey mudane Muuse Biixi, uuna u magacaabey gobalka Sanaag Badhasaaab Maxamed Cilmi Axmed, waxna ka bedeli karo NABADGELYADA…. PROF..MOHAMED AHMED FARAH MATTAAN [JAAFAA] jaafaa66@gmail.com ANKARA Qaran News
-
Roma (Caasimada Online) – Caro xooggan ayaa ka taagan dalka Talyaaniga kadib markii booliska ay xireen nin Soomaali ah oo toorey ku dhaawacay dhowr qof, magaalada waqooyi ee Rimini. Afar haween ah iyo wiil lix sano jir ah ayaa lagu dhaawacay weerarka, oo dhacay habeennimadii Sabtida. Wiilka yar ayaa lagu warramay inuu xaalad halis ah ku sugan yahay, ayada oo dhaawaca uu ka gaaray qoorta. Tuhmanaha ayaa saarnaa bas isaga oo aan haysan tikit, wuxuuna weeraray laba qof oo ah dadka hubiya tikidhada. Wuxuu kadib ka cararay goobta, isaga oo saddex qof oo kale dhaawacay intii uu baxsadka ahaa. Booliska ayaa goor dambe ku guuleystay inay ka daba-tagaan, oo ay xiraan. Maxaa dhiiri-geliyey weerarka? Dambi-baarayaasha ma rumeysna in sababta ninka ku dhiiri-gelisay weerarka ay tahay argagixisanimo, hase yeeshee waxay la tahay inuu daroogo cabsanaa markii uu weerarka gaysanayey. Soomaaligan ayaa Talyaaniga ka codsaday magan-galyo, wuxuuna sida la sheegay deganaa goob ay maamusho hay’adda Laanqeyrta Cas oo ku taalla magaalada Ramini. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA, tuhmanaha ayaa ku noolaa Yurub tan iyo 2015-kii, waxaana horey sharci looga soo diiday dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Denmark, Sweden, Germany iyo Netherlands. Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la haysto Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Luciana Lamorgese ayaa shalay la kulantay mas’uuliyiinta magaalada Ramini, si ay ugala hadasho dhacdadan. Waxay dambigan ugu yeertay “Dhacdo aad halis u ah.” Weerarka ayaa waxaa ka dhashay caro xooggan, oo ay hurinayaan kooxaha siyaasadda midigta-fog, oo uga faa’iideysanaya inay sii kordhiyaan soo-galooti naceybka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Talyaaniga, ahna hoggaamiyaha xisbiga midigta ee Lega Nord Matteo Salvini ayaa ku cambaareeyey Lamorgese weerarka, wuxuuna ku baaqay xakameyn adag oo lagu soo rogo soo-galootiga. “Wasiir Lamorgese, imisa dhibane oo kale ayey tahay inaan xisaabino kahor inta aysan Italia noqon dal ammaan ah?,” ayuu ku yiri qoraal uu dhigay twitter-ka. Arrimaha socdaalka ayaa Talyaaniga ka ah mowduuc aad u kulul, waxayna tani hurin kartaa naceyb hor leh oo loo qaado muhaajiriinta. The post Caro ka taagan Talyaaniga kadib falkii uu gaystay ninka Soomaaliga ah (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
TACSI MADAXWEYNE: 14/09/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 14/09/2021 dalka Turkiga oo uu muddo u joogay Xaalad Caafimaad. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suldaan dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii bulshada Somaliland, kana soo jeeda saldanad facweyn oo taariikh ma guurto ah ku leh Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Xiisad dagaal ayaa maanta ka aloosan xarunta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka NISA ee magaalada Muqdisho. Xiisaddan ayaa ku salaysan khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo laba taliye u magacabay hay’adda NISA, islamarkaana aan weli xal loo helin murankaas. Wararku waxay sheegayaan in gaadiid dagaal uu buux dhaafiyay albaabka laga ilaaliyo xarunta hay’adda NISA kadib markii uu halkaas ciidamo geeyay taliye Yaasiin Faray oo madaxweyne Farmaajo magacaabay. Cabsi xooggan ayaa laga dareemaya xarunta NISA iyo nawaaxigeeda halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo kala taabacsan dhinacyada ku muransan hoggaanka hay’adda Sirdoonka dalka. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka aloosan xarunta hay’adda NISA ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd shaaciyey magacaabista guddi cusub oo ka shaqeynaya Maareynta iyo La-wareegida Isbitaalada Yardimeli iyo Jaziira ee gobolka Banaadir, xilli weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay isku daygan. Maamulka ayaa hore ugu qabtay muddo toddobaad ah in lagu soo wareejiyo maamullada Isbitaalada Jaziira iyo Yardimeli, ayada oo 8-dii bishaan loogu daray toddobaad kale, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maamulida labadaas Isbitaal. Afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey guddigaas cusub, oo ka kooban siddeed xubnood, kuwaasi oo kala ah; Maxamed Maxamuud Cadow, Saynab Warsame, Mucaawiye Muudeey, Maxamed Cantooba, Cabdulqaadir Dalxa, Cabdullaahi Caraaye, Mukhtaar Dhagacade iyo Saalax Xasan Cumar. “Guddiga sare ku xusan waxaa aad loogu adkeynayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u guddo galaan howlahooda shaqo ee ku xusan wareegtadan. Maamulka labada Isbitaal waxaa la farayaa in si hufan ula shaqeeyaan guddiga la magacaabay si ay u fuliyaan waajibaadka loo xil-saaray si habsami leh,” ayuu yiri. “Waxaa la farayaa maamulada Isbitalaadaas inay wax agab ah ka saari karin xarumahaas, waxaana si gaar ah loo farayaa maamulada degmooyina Warta-nabadda iyo Xamar Jajab inay kor-joogteyan hubiyaana inay hirgeliyeen amarka ku aadan ilaalinta hantida dadweynaha ee taalla labada Isbitaal.” Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labadaan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal. Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato. “Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas.” Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka The post Gobolka Banaadir oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah Yardimeli iyo Jaziira + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, ehalada, Bahda dhaqanka, asxaabta & Shacbiga reer SL geerida AHU Sul Cumar Sul Maxamed Suld Faarax oo xaqii u yimid, Marxuum Sul Cumar waxa uu ahaa addoon dhowrsoon, cibaado badan, afgaaban oo haybaddii Saldanadda huwan, dhamaanteen samir & iimaan pic.twitter.com/rACoZ3o4nM — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 14, 2021 Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha KMG Mudane Cabdiqaadir Jirde ayaa tacsi ugu tagay qoyska iyo ehelka uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Qaran News
-
Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Saacid Xuseen Cabdi , sidoo kalane ah Guddoomiyaha isboortiga Degamda Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa Goobjoog kala hadlay arrimo badan oo ku aadan horomarka iyo is badalka ka jira Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha dalka. “Hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka ayaa ii magacaabay in aan hogaamiyo shaqada culus ee tartamada Minifootboolka, runtii mudadii aan hayay xilkaa waxaan gaarnay guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Saacid Xuseen Cabdi. Dhinaca kale Guddoomiye Saacid Xuseen wuxuu guul weyn ku tilmaamay ka qeybgalka tartankii Kubadcag yaraha Qaarada Afrika ee bishii July 2021 ku qabsoomay dalka Nigeria, isagoo u mahadceliyay wafdigii ka socday Soomaaliya ee tagay magaalada Ibadan ee dalka Nigeria. “Soomaaliya waxay u aheyd sharaf iyo guul ka qeybgalka tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka, balse hadafkuuna waan in gaarnaa kaalamaha hore ee tartanka Kubadcag yaraha Caalamka iyo Qaarada Afrika” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Saacid Xuseen Cabdi. Inkastoo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha oo soo jiray tan iyo 2015 , hadana doorashadii September 2020 lagu doortay maamulka cusub , waxay is badal weyn ku sameeyeen hannaanka shaqo ee Xiriirka, waxayna taas kor u qaaday in hogaanka cusub ay la yimaadaan waxqabad ka duwan kuwii hore. “Doorashadii September 2020 waxay Soomaaliya u aheyd fursad weyn , sababtoo ah jiritaanka iyo horomarka Xiririka Kubadcag yaraha hada ayuu ka duwanyahay shantii sanno la soo dhaafay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye Saacid Xuseen Cabdi. Guddoomiyaha tartmada Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya, sidoo kalane ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Warta Nabada Mudane Saacid Xuseen Cabdi wuxuu balan-qaaday in ay qaban doonaan tartamada Kubadcag yaraha Degmooyinka iyo kan Gobolada Soomaaliya. “Yeelkeena waa in aan qabanaa bilaha soo socda tartamada Kubadcag yaraha degmooyinka iyo kan Gobolada , waxayna u jeedada tahay in la helo ciyaartooy xirfada wanaagsan oo matasha Xulka Kubadcag yaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka Mudane Saacid Xuseen Cabdi. Daawo Guddoomiye Saacid Waraysi Uu Siiyay Goobjoog Sports Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com