Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Khilaaf hor leh ayaa ka dhex qarxay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hay’adda Caymiska Qaranka kaasi oo ku saabsan buuq ka dhashay Lacag culus oo Hay’adda Caymisku ku soo rogtay Ganacsatada gaadiidka kala soo degta Dekedda Berbera iyo shirkad cid gaar ahi leedahay oo Mashruucaasi kooto loogu xidhay. Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Saleebaan Cawed Bukhaari oo arinta Warbaahinta uga waramay Shalay ayaa ku hanjabay in haddii uu dhaboobo warka la sheegayo ee ku saabsan in Wasiirka maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire uu soo saarayo warqad la sheegay inuu ku joojinayo Kootada Hay’adda Caymiska Qaranku ugu xidhay shirkadda AMAANO, uu qaranku halis galayo, islamarkaana ay lumi doonto kala dambayntii hay’adda Qaranka ee kala madax bannaanaanta. Gudoomiye Bukhaari oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Dawlad ayaa la wada yahay,haddii aan la wada shaqayn oo dawladda iyo Hay’addaheedu wada shaqaynin wax dhaqaaqayaa majirayaan, Qaranimaduna Halis ayay galaysaa. Wasiir Maaliyaddu waa wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidku waa Wasiirka Gaadiidka, labaduba waa ogaayeen oo Xog ogaal ayay ka ahaayeen, kamaanu qarin, markaanu waajinaynay waanu sheegnay, waanu ka dhaadhicinay, wasiirka gaadiidkuna warqad ayaabu qoray, intuu nala qaatay yidhi, Isu duwihiisa Gobolka Saaxil ku socodsiiyay, arinta la isla qaatay oo aan hadal laga keenin ayay ahayd”. Isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Wararkaas la sheegayo ee Wasiirka maaliyadda ee la hadal hayo, Wasiirka Maaliyaddu, Wasaaradda Maaliyadda ayuu Wasiir u yahay, Halkan aniga ayaa Gudoomiye ka ah, waa in la isku ixtiraamaa Shaqada, maadaama oo ay sidaasi tahay , laba ha’addood oo kala madax bannaanu ayaanu nahay, Hawshan aanu galnayna laab lakac kumaanu galin eh ee Tashi balaadhan oo masuuliyiinta Qaranka, masuul kasta oo ay khusayso, ka u sareeya haday tahay, la tashigeeda ayaanu kala samaynay, cidlo kamaanu abuurin”. Ugu dambayn waxa uu yidhi “Markaan waxaanu leenahay, warkaasi la sheegayo iyo hadal hayntaasi haddii uu jiro oo uu soo baxo waxa weeyi dawladdii oo kala socota, waana ceeb, filimaayo inuu jiro, oo wasiirka maaliyadu leeyahay Warqad ayaanu soo saarayaa oo waan joojinayaa, dee waxay noqonaysaa in wax waliba meesha ka baxaan, amarkii iyo kala dambayn lunto, ninku warqadda uu doono uu qoro, siday doonto ay u socoto, taasin ceeb keento, wixii dhexdayada aanu ka wada shaqaynayo waa nidaam laakiin awooddaasi cid ayaa iska leh”. Bukhaari oo u hanjabaya Ganacsatada Gaadiidka soo dejisa ee kasoo horjeeda Amarkiisa ayaa waxa uu yidhi “Ma nimanka raba inay lasoo degaan gaadiid wada qanax ah “Duug ah” oo dadka jiidhaya oo aan Biriik lahayn, BBG-ga ayay ka cabanayeen oo ay lahaayeen Badqabka naga daaya, ma waxay rabaan wax kasta intay keenaan oo ay lacag ka qaataan inay magaalada ku sii daayaan, oo uu dadka jiidho oo uu la rogmado, waan in laga tijaabiyaa, in qiimaha ay siinayan la eegaa oo xiitaa ALBAABKU Dhinaca uu ka furmayo la eeggaa, Caymis yar ayay ka cabanayaan”. Foore Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ka warbixiyey iska hor imaad saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir, qeybta xigta degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Afhayeenka ayaa shaaciyey inuu dagaalka u dhexeeyey laba maleeshiyo beleed, isla-markaana ay ku baxeen ciidamada Booliska, kadibna rasaas lagu soo furay, sida uu hadalka u dhigay. Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ugu dambeyn dhulka lagu muransan yahay ee sababay dagaalka ay la wareegeen ciidamada ammaanka, si loo dajiyo xaaladda. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in gurigan ay arrintiisa ku jirto maxkamadda gobolka Banaadir, dhowaana lasoo gabagabeyn doonaa muranka ka dhashay lahaanshihiisa. Dhinaca kale afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijyey dhaawaca taliyaha Haramcad, Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, sidoo kalena ay jiraan khasaare kale oo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa dhismaha lagu dagaalamay. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo saaka shacabka Muqdisho ay ku soo waabariisteen dagaal ka socda qeybo ka mid ah caasimada, gaar ahaan degmada Hodan. Si kastaba dagaalkan ayaa kusoo aadayaa, xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad dhexeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha The post Yaa la wareegay dhulkii lagu dagaalamay ee Banaadir? appeared first on Caasimada Online.
  3. (SLT-Nairobi)-Askarta Eritrea iyo maleeshiyada Tigreega ayaa kufsi, xabsi iyo dil u geystay qaxooti Eritrean ah oo ku sugnaa gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray, sida ay saaka sheegtay hay’ad caalami ah oo ilaalisa xuquuqda ee Human Rights Watch. Warbixinta Human Rights Watch ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro ka dhacay agagaarka laba xero oo ku yaalla Tigray, halkaas oo ciidammada TPLF ay kula dagaallamayeen dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda Eritrea tan iyo bishii November ee sannadkii hore, waxaana dagaalkaas uu ahaa iska horimaad ruxay gobolka Geeska Afrika. Tobannaan kun oo qaxooti Eritrean ah ayaa ku nool gobolka Tigray, oo ah gobol buuraley ah oo sabool ah, ayna ku nool yihiin ilaa 5 milyan oo qof. “Dilalkan foosha xun, kufsiga, iyo dhaca loo geysto qaxootiga Eritrea ee Tigray waa dembiyo dagaal oo cad,” ayay tidhi Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch. Wasiirka Warfaafinta Eritrea kama soo jawaabin xiriir lala sameeyay oo u aaddan eedeeynta xadgudubyadan, laakiin Eritrea ayaa horay u beenisay xasuuqa lagu eedeeyay, waxayna sheegtay in ciidammadoodu aysan beegsan dadka rayidka ah. Afhayeen u hadlay Jabhadda Tigreega ayaa sheegay in ciidamada Tigreega ay mar dhow soo galeen meesha ay ka dhaceen dambiyadan, wuxuuna intaa ku daray in bil ka hor ciidammo badan oo Eritrean ah ay ku sugnaayeen goobaha gaboodfalkan ka dhacay. Ka hor colaadda Tigray, Itoobiya waxay martigelisay ku dhawaad 150,000 oo qaxooti Eritrean ah, kuwaas oo ka soo qaxay saboolnimada iyo xukun kaligi talis ah. Inta badan warbixintu waxay diiradda saartay laba xero ee kala ah Shimelba iyo Hitsats – oo la burburiyay intii dagaalka socday. HRW waxay soo xigatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo sheegtay 7,643 ka mid ah 20,000 oo qaxooti ah oo markaas ku noolaa xeryaha Hitsats iyo Shimelba weli la la’yahay. Source
  4. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda magacaabo xubnaha sare ee Garsoorka dowladda Puntland. Hoos ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabaya Xubnaha sare ee Garsoorka Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Taliyaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax iyo sarkaal kale oo Boolis ah ayaa ku dhaawacmay dagaal dhexmay labo ciidan oo kawada tirsan dowladda oo ka dhacay Muqdisho. Ciidmado ka tirsan Booliska Turkigu tababaro ee Haramacad iyo Milateriga ayaa dagaal la xiriira muran dhul ku dhexmaray agagaarka Isgoyska Banaadir iyo wadooyinka ku hareereysan, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay ilaa 4 qof oo ay jiraan shacab. Dhaawaca soo gaaray Taliyaha Haramacad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax ayaa wararku sheegayaan in uu yahay mid sahlan. Sidoo kale dagaalka waxaa ka dhcay khasaare hantiyeed oo soo gaaray goobo ganacsi, iyadoo uu hakad galay isku socdka gaadiidka iyo dadka. Xaaladda aagagii lagu dagaalmay ayaa haatan ah mid degan, waxaana si caadi ah ku soo noqday isku socdka gaadiidka iyo dadka. Ma ahan markii ugu horreesay oo ciidamo kawada tirsan dowladda ay dhul ku dagaalamaan gudaha Muqdisho, marar badan ayaa dagaalo noocaan ah ka dheceen caasimadda. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Taliyaha Haramacad oo dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Pretoria)-Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay nin Soomaali ah oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha waddankaasi lagu toogtay agagaarka magaalada Pretoria. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Mahad Dheere ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay goobtiisa ganacsi oo lu taallay degmada Malmelodi oo hoostagta Pretoria. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Ganacsadaha Soomaaliga ah oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta iskaga baxsadeen falka kadib. Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidammo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baadhitaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama ayna hadlin dhacdadaasi. Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajaha xaalado aad u adag. Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo weerarada loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika. Source
  7. (SLT- Minnesota)-Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa arbacada maanta ah laashay xukunkii dilka darajada-saddexaad ahaa ee lagu riday Maxamed Nuur, oo ahaa Somali-American ka tirsan booliska Minneapolis, kaasi oo afar sanno ka hor toogtay gabadh soo wacday 911. Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu helay dil kama’ ah oo darajada-labaad ah oo la xidhiidha dhimashadii Justine Ruszczyk Damond ee 15-kii July 2017, xukunkaas oo weli taagan Sarkaalkaas hore ayaa hadda dib loogu xukumi doona dilka kama’ ah oo kaliya, si ka duwan xukunku 12-ka sanno iyo barka ahaa ee lagu riday 2019-kii. Maxamed ayaa hadda waajahaya xukun u dhaxeeya 41 illaa 57 bilood, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay xeer-ilaalinta degmada Hennepin County. Haddii Maxamed lagu rido xukun afar sano oo ah dil kama’a oo darajada labaad ah, wuxuu sharci u yeelan doonaa in lasii daayo, sababtoo ah wuxuu mar hore qaatay laba meelood saddex meel xukunka, sida uu sheegay qareenkiisa racfaanka Peter Wold. Maxamed Nuur ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 30-kii April 2019. “Maanta ayaan la hadlay Maxamed, waa farxad, farxad weyn,” ayuu Wold u sheegay taleefishinka NBC News. Maxkamadda sare ayaa xukmisay in dacwad-oogayaasha aysan caddeyn in Maxamed uu ficilka dilka sameeyey “ayada oo maskaxdiisa ay dulmi ku talo-gashay, oo aan txigelineyn noloshada aadanaha,” taasi oo loo baahan yahay si loo rido xukun dil darajada-saddexaad ah. Dacwad-oogayaasha ayaa ku dooday in Maxamed uu buuxiyey qeexitaankaas, sababtoo ah toogashadii uu ku dilay Damond, waxay sidoo kale dhaawici kartay sarkaal boolis ah oo la socday ama qof meesha marayey. Si kastaba, maxkamadda sare ayaa xukuntay inay caddeyd Maxamed Nuur uu beegsanayey kaliya haweeneyda uu dilay. Gabadha la dilay ee Damond ayaa wacday 911, xilli habeen saq-dhexe ah, ayada oo aaminsan inay maqashay haweeney ay deris yihiin oo lasoo weeraray. Markii ay Damond usoo baxday bannaaka si ay ula hadasho Maxamed iyo sarkaal la socday oo lagu magacaabo Matthew Harrity ayey cabsi gelisay. Maxamed oo argagaxay ayaa kadib toogtay Damond. Source
  8. (SLT-Kabul)-Ku-simaha Raysal wasaare ku-xigeenka Afghanistan, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa ka soo muuqday cajalad fiidiyow ah si uu u beeniyo wararka sheegaya inuu ku dhaawacmay isku dhac dhex maray isaga iyo koox ka soo horjeeda ee Taliban. Aasaasaha Taalibaan ayaan muddo dhowr maalmood ah la arag. Waxaana jiray warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay hoggaamiyeyaasha Taliban, oo uu ku lug lahaa Baradar iyo koox iska soo horjeedda oo daacad u ah shabakadda awoodda badan ee Haqqani. Laakiin wareysiga cusub ayuu Baradar ku beeniyay wararka ku saabsan isku dhaca gudaha ee la sheegay. “Maya, tani run ma aha; waan fiicanahay waana caafimaad qabaa,” ayuu yidhi Baradar markii la weydiiyay bal in la dhaawacay iyo in kale. Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya in is maandhaafka hoggaanka Taalibaan uu soo taagnaa tan iyo markii Baradar laga waayay fagaareyaasha maalmihii la soo dhaafay. “Waxaan ka maqnaa Kabul, mana aanan helin internet ii fududeyn lahaa in aan ganafka ku dhufto wararka been abuurka ah,” ayuu raaciyay. Muuqaalka gaaban oo lagu baahiyay Twitter-ka xafiiska siyaasadda Taliban ee Doxa ayaa muujinayay isaga oo fadhiya kursi u dhow wareyaha telefishinka dowladda, oo sida muuqata ka akhrinaya warqad. “Waa Alle mahadiis ah in aan leenahay xidhiidh wanaagsan oo ah is xushmeyn. Xidhiidhkeena xitaa waa ka wanaagsan yahay midka ka dhexeeya qoysaska,” ayuu yidhi. Baradar ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Taalibaan oo si toos ah ula xidhiidhay madaxweyne Mareykan ah, ka dib markii uu wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Donald Trump, sannadkii 2020-kii. Intaas ka hor, wuxuu saxeexay heshiiskii Doxa ee ku saabsanaa ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, isagoo wakiil ka ah Taalibaan. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) lagu wareejiyay maamulka Miisaaniyadda ee Hay’adda ay ku laheyd Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu u hoggaansamay amarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee ah in Bahsiir Goobe uu yahay agaasimaha saxda ah ee hay’’adda, sidaas darteedna ay isaga u gacan geliyaan maamulka miisaaniyadda NISA. Miisaaniyadda loo gacan geliyey Bashiir Goobe ayaa u ku dhiira gelisay go’aankii uu shalay qaatay ee uu ku magacaabay Taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac). “Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15.09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ayuu Bashiir Goobe ku yiri warqad uu soo saaray. Arrintan ayaa dhinac u ridi karta loolanka ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo oo isna agaasimaha NISA u magacaabay Yaasiin Farey, oo ahaa taliyihii hore ee NISA ee gobolka Banaadir. Waxay sidoo kale keeni kartaa in laga baaqsado iska hor-imaad ku saleysan cidda maamuleysa hay’adda iyo xarunta NISA. Xarunta Habar Khadiijo ayaa waxaa hadda haysta ciidamada Waran ee taaageersan Rooble, hase yeeshee ciidamada Duufaan oo taageersan Farmaajo ayaa jooga aagga xarunta, taasi oo diiday in Bashiir Goobe uu xarunta tago. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiday in ciidankaas awood loo adeegsado, si aanu dhiig u daadan, hase yeeshee hadda oo dhaqaalihii NISA uu gacanta ku hayo, waxay keeni kartaa in ciidankaas iyo hoggaankooda ay tartiib u kala siibtaan. The post Miisaaniyadda NISA oo lagu wareejiyey Bashiir Goobe appeared first on Caasimada Online.
  10. MOGADISHU (HOL) - Fighting broke out between Somali National Army and Haram’ad paramilitary forces in Mogadishu Wednesday morning amid reports of casualties on both sides. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s transition to democracy cannot happen in an environment where freedom of expression and media freedom are disregarded and abused at will by the political class, a local media watchdog has warned amid the horn of African nation is in preparation to hold presidential elections in October. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal haatan ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dagaalka oo ah mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidaamo boolis ah iyo kuwa milatari oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cali Yare oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi. Sidoo kale Cali Yare ayaa meesha ka saaray in dagaalkan uu salka ku hayo arimo la xiriira siyaasad ama xiisada ka taagan Muqdisho. “Waxaa jira is-rasaaseeyn muran dhul la xariirta. Kuma lug lahan wax siyaasad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir. Taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, saraakiil kale iyo askar ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta lagu dagaalamay, iyada oo ay dhaawacmeen illaa saddex qof oo rayid ah. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya ciidamada ku dagaalamay aaga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyey DAGAAL saaka ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  13. Turkey conveyed condolences to Somalia over Tuesday’s deadly terror attack in the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  14. Ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa dagaal uu ku dhaxmaraya Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Iska hor imaadkan ayaa u dhaxeeya Ciidanka Harmacad iyo kuwa Militiriga , waxana dagaalkan uu saameyn ku yeeshay adeegyadii ka jiray isgoysyada Banaadir iyo Soobe Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhashay , dhul ku yaalla dhabarka dambe ee Masjidka Cabdullaahi Ciise ee Banaadir. Askar ka tirsan Dowladda Federaalka ee dagaalka uu dhaxmaray ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhawaacmeen. Taliye ku xigeenka ciidanka ah ee Harmacad Cabdixamiid Abdullaahi Fanax ayaa la xaqiijinayaa inuu ka mid yahay saraakiil ku dhaawacmay dagaalkan , waxa sidoo kale jira dad kale oo shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalkan. Wixii ku soo kordha halkaan kala soco. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo jeediyay in faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil madaxweynaha muddo xileedkiiska uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, xili uu khilaaf hor leh ka dhashay kiiskaas. Cabdiwali Gaas oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa qaba in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’addaha garsoorka iyo maxkamadda ku shaqada leh, islamarkaana xilligaan xooga la saaro habsami u socodka hanaanka doorashada dalka. “Is-qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waa in loo daaya hay’adaha shaqadoodu tahay ee cadaaladda, xeer-ilaaliyaha iyo maxkamadda ciidamada, waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u isticmaalayo arrintaan,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas. “Waxay noqoneysa labadoodaba arrintaasi (waraaqaha iska hor-imaanaya ee Farmaajo iyo Rooble) in ay dhib ku keento mustaqbalkooda siyaasadeed. Labadoodaba eedeysanayaal ayey noqonayaan. Waxaa kula talinayaa Ra’iisul Wasaaraha in uu u jeesto qabashada doorashada.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha guushiisa iyo guul-daradiisa siyaasadeed ay halbeeg u noqoneyso qaabka ay u dhacdo doorashada, hase yeeshe aan lagu cabiri doonin kiiska Ikraan oo uu dalbaday in uu faraha kala baxo, una daayo hay’addaha shaqada ku leh. “Kiiska Ikraan meel la’aan ma dhici doono, aduunka oo dhan ayaa ku soo jeeda, Soomaalida oo dhan ayaa ku soo jeeda, markaa waxaa loo baahan yahay in aan lagu mashquulin arrintaan hay’addaha ku shaqada leh loo daayo.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilligaan uu dalka u baahan yahay cadaadis caalami ah si hoos loogu dhigo xiisadaha ka aloosan gudaha, islamarkaana ay dib ugu joogsan lahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha, sida uu sheegay. The post Farmaajo iyo Rooble oo laga dalbaday inay faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
  16. As the foreign policy community continues to reflect on United States’ withdrawal from Afghanistan and grapple with the failure of decades-long efforts to support political stability in the country, broad areas of consensus have emerged from the diversity of perspectives on what went wrong. Nearly universally, policymakers and analysts agree that part of the problem was the delusion that the deeply corrupt government in Kabul was a viable authority or an attractive alternative to the Taliban. Source: Hiiraan Online
  17. Mas’uuliyiinta degmada Garoowe, oo ay weheliyaan saraakiisha Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe ku burburiyay shan boqol iyo afar dhalo oo khamri ah. Khamrigan ayaa lagu qabtay hawlgal Booliisku ka sameeyay tuulada Kalabayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 60km dhanka koonfureed kaga beegan Garoowe. Saraakiisha ayaa sheegay in Khamrigan oo lagu siday gaari Maarked ah ay ku soo wargeliyeen bulshada ku nool Kalabayr, kadibna sidaas Booliisku ku soo qabteen. Shakhsigii gaariga waday oo Booliiska ka cararay ayaan weli gacanta lagu dhigin, sida ay sheegeen saraakiishaas. PUNTLAND POST The post Khamri badan oo lagu burburiyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa naqdiyey hadal jeedin uu dhawaan sameeyay Cabdullaahi Sanbaloolshe, Agaasimihii hore ee NISA, kaasi oo ku saabsanaa siyaasadda iyo damiirka. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in siyaasadda aysan u sameyn siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran uu yimaaddo, halka taasi badalkeed uu qabo Sanbaloolshe oo dhawaan sheegay in Siyaasaddu moral laheyn. Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad oo dhameystiran: Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaan daawaday oo ka hadlay siyaasadda iyo damiirka ama aan si kale dhahee Anshaxa Siyaasadda. Mowduuc aad u muhiim ah ayuu soo qaaday waana uga mahadcelinayaa inkasta oo aan ku kala ra’yi duwan nahay. Maaddaama uu yir siyaasaddu moral ma laha, waxay ila noqotay in aan aragtidaas oo keliya lagu sii deyn dhallinyarada. Waxay ila noqotay in mid kale la dhinac dhigo si ay u noqoto dood furan oo keenta in ay culuumta iyo taariikhda siyaasadda dunida ay wax uga baaraan. Waxaan u dhihi lahaa sidan: Siyaasadda ka hor ayuu siyaasigu ahaa qof qaangaar ah oo ugu yaraan dad la macaamilay. Siyaasiyiinta qaarkoodna siyaasadda ka hor ayay lahaayeen khibrad shaqo, qaar kalena waxaa u wehlisay mid maamul oo isugu jirta dejin istaraatijiyad, maamul miisaaniyad iyo maareynta Shaqaale iyo wax soo saar ama adeeg. Kuwan dambe waxay hore u qaateen go’aammo saameynaya nolosha iyo horumarka dad ay iyagu mas’uul u yihiin. Sidaa darteed siyaasaddu uma sameyso siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran ayuu yimaadaa. Awoodda ay siineyso iyo xaaladaha adag ee ay dhex taageyso awgood, siyaasaddu waa ay saameyn kartaa damiirka midka aan wax u kala soocneyn, kaan aqoon xudduudaha lama dhaafaanka ah iyo kan aan ku dhiirran karin in uu maya yiraahdo. Siyaasiga fekeraya, wax isku falaya, dhaarta xusuusan, og in uu xafiiska ka tegi doono, siyaasaddu waa ay imtixaantaa damiirkiisa, su’aalo adag oo badan ayay ku furtaa maskaxdiisa laakiin saameyn kale kuma laha. The post Yuusuf Garaad Cumar oo naqdiyey hadal kasoo yeeray Cabdullaahi Sanbaloolshe appeared first on Caasimada Online.
  19. Somali novelist Nadifa Mohamed and South African author Damon Galgut are among the six shortlisted authors for the 2021 Booker Prize - a top literary award. Source: Hiiraan Online
  20. Roob xooggan oo khasaare gaystay ayaa xalay ka da’ay tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari. Khasaaraha Roobku gaystay ayaa lagu sheegay mid hantiyeed, kadib markii uu dumiyay gurya kala duwan oo ku yaal tuulada Xiriiro, gaar ahaanna ka samaysnaa jiingado iyo cariishyo. Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale Roobku burburiyay gooba ganacsi oo ku yaalla tuuladaas Xiriiro, balse xog dhammaystiran lagama helin khasaaraha dhabta ah. Roobabka dayrta ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari, halkaas oo uu meelaha qaarkood ka gaystay khasaare kooban. PUNTLAND POST The post Roob khasaare gaystay oo ka da’ay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.