Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Afaafka hore ee masjidka Quba ee ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Nederlands ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxaa isugu baxay dad Soomaali ah oo haween u badan, kana careysnaa iimaamkii masjidka Quba Shiikh Suldaan Gasle oo xalay xubno maamulka kala tirsan ay ku wargeliyeen in saaka 9-ka subaxnimo ay ugu egtahay howshii imaam-nimada ee uu masjidku hayay. Khilaaf muddo soo jiitamayay ayaa u dhexeeyay Guddoomiyaha maamulka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee maamulka masaajidka oo isku dhinac ah, iyada oo ay socotay waanwaan ay wadeen 2 guddi oo fadhigoodu kala yahay Amsterdam & Tilburg. Shiikh Suldaan ayaa Axadii goob fagaare ah kula hadlay jaaliyadaha Soomaalida, isaga oo khilaafka kala dhexeeya xubnaha kale ku sifeeyey inuu salka ku hayo ku takrifal dhaqaalihii masaajidka, uuna isagu hortaagnaa hantida masjidka oo si shaqsi ah loo isticmaalayay, inkastoo ay taasi beeniyeen xubnaha kale ee la eedeynayo, waxayna ka dalbadeen Shiikh Suldaan haddii uu hayo wax cadeymo ah oo kaabaya eedeymihiisa in ay soo dhoweynayaan. Dadka saaka isugu soo baxay bannnaanka masjidka, ayaa mar keliya ka war-helay ciidamo tiro badan oo boolis ah iyo baabuurtoodii oo goobta soo gaaray, waxaana la is weydiinayay cidda booliska u yeertay. Qaar ka mid ah dadkii goobta isugu soo baxay ayaa wareysi la la yeeshay waxay nasiib darro ku tilmaameen in Shiikha oo dacwada diinta muddo ka shaqeynayay, kaalin weynna ku lahaa dhismaha & habsami u socodka howlaha masaajidka in maanta si aan munaasib ahayn uu masjidka kaga baxo. Waxaa la arkayay markii boolisku ay goobta soo gaareen Guuleed Wayrax & Shiikh Ibraahin [Abuu-khadiija] oo ah xubnaha Shiikha kula qoran maamulka, oo ay boolisku waraysanayaan. Dad badan ayaa si weyn uga carooday in khilaafka u dhexeeya guddiga masjidka gaaro ilaa heer ciidamo boolis ah ay masaajidka yimaadaan. Shiikh Suldaan ayaa dadkii masaajida bannaankiisa dhoobnaa u soo baxay, isaga oo sheegay in la guddoonsaday inuu isagu shaqada ka tago, ayna ku haraan xubnaha kale. Dadweynihii goobta ku sugnaa qaar ka mid ahaa ayaa Shiikha u sheegay inuusan bixin, ayna garab taagan yihiin, balse Shiikhha ayaa go’aankiisa ku adkeystay. Shiikh Suldaan ayaa agabkii uu lahaa kala soo baxay masjidka, isaga oo dadkii bannaanka ku sugayay na u mahad-celiyay. Maalinimada Axadda ee fooda nagu soo haysa ayaa loo madlaa in la dhageysto natiijada guddi dhexdhexaadin ah oo arrintan muddo ku sii jiray, inkastoo Shiikhu qaadacay guddigaasi markii uu uu ku eedeeyey in xubno ka tirsan guddiga ay isaga si shaqsi ah tahdiid ugu sameeyeen. Hoos ka daawo dhacdadan The post Ciidamo gaaray Masjidka Soomaalida Amsterdam iyo iimaamkii masjidka oo xilkii laga wareejiyay (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  2. Haweenaydii ugu horeysay Somalida ee Ka mid noqotay Barlaamaanka Norway+Waxaa ku qasbay inay ku biirto siyaasadda Norway Gabadh Soomaaliyad ah ayaa noqotay qofkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee loo doorto xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Norway. Haweenaydan oo lagu magacaabo Marayn Cabdi Xuseen, ayaa sheegtay in ay siyaasadda u gashay duruufo haysta bulshada ay ka dhalatay iyo guud ahaanba shacabka dalkaas oo ay rumaysan tahay in ay wax ka qaban karto hadda, oo ay ku guulaysatay in ay ka mid noqoto baarlamaanka oo ah madasha lagu gorfeeyo siyaasadda dalkaas. Balse Marayn waxay tilmaamtay in dadka soo doortay aysan ahayn Soomaali oo kaliya. Waxayna intaa ku dartay in Xisbiga ay ka tirsan tahay ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas ay aad u tageereen. Sidoo kale waxay sheegtay in dadka soo galootiga ah ay dalka Norway kala kulmaan dhibaatooyin isugu jira cunsuriyad, sinaan la’aan iyo arrimaha sharciga kuwaas oo sida ay sheegtay ka mid ah waxyaabaha ku riixay in siyaasadda soo gasho. Xisbiga Hanti-wadaagga oo ay ka tirsantahay Maryam, ayaa ah mid ka shaqeeya inta badan arrimaha sinaanta iyo bay’ada. MARYA CABDI “Runa ahaantii waxaa igu dhaliyay baahi aan arkay in bulshadeena u qabto sinaanta iyo in waddankaan aan ku noolnahay aan ka muuqano,” ayay tiri Maryam Cabdi Xuseen, oo BBC-da u warrantay. Mar wax laga waydiyay xildhibaanad Maryam, maadama ay tahay haweenay Muslimad ah oo Xijaaban in mararka qaar ay la kulmi karto caqabad iyo waxa ay filanayso, waxay ku jawaabtay “in aysan hadda jirin wax sharciyan hor istaagaya xijaabkeeda iyo diinteeda” maadama sida ay tilmaantay in dalkaas Norway cid walba lagu qiimeeyo waxyaabaha sida gaarka ah ay u leedahay. Dad badan oo Soomaali ah oo isugu jira siyaasiin aqoonyahanno iyo dad kale oo isticmaala baraha bulshada ayaa Maryam ugu hambalyeeyay guusha ay gaartay. Waxaa ka mid ah siyaasiinta hambalyada u diray Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali khayre, oo muddo badan ku noolaa dalka Norway oo ay hadda Maryam ka mid noqtay baarlamaankiisa. Waxaan Hambalyo u diriyaa Maryan Cabdi Xuseen @Hawatako oo caawa noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee kamid noqda baarlamaanka dalka Norway. pic.twitter.com/LdDnvrWAEH — Hassan Ali Khaire (@HassanAKhaire) September 13, 2021 Qaran News
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Muddo ku dhow toddobaad ayaa waxaa warkiisa la la’yahay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye ka faalooda siyaasadda Geeska Africa. Waxaa la sheegay in laga afduubtay bartamaha caasimadda Nairobi ee Kenya, welina ma cadda cidda afduubatay, laakiin waxaa la tuhmayaa in laamaha ammaanka ee dowladda Kenya uu gacanta ugu jiro, sida uu VOA-da u sheegay Axmed Qoloosh Maxamed oo ah xildhibaan laga soo doortay galbeedka Wajeer ee dalka Kenya. Xildhibaan Axmed ayaa sheegay in meesha laga afduubtay Prof. Cabdiwahaab ay tahay meel ammaankeeda uu aad u adag yahay isla markaasna ay kaliya arrintaan camal ka sameyn karaan ciidamada Dowladda. “ Markaa fiiriso meesha laga afduubay, saacadda la afduubay uma maleeneyno nin aysan dowladda ogeyn inuu usoo bareeri karo oo saacadaas halkaas ka wadan karo, xattaa haddii dowladda aysan ku lug laheyn waajib ayaa ka saaran ninkii Cabdiwahaab afduubay inay keenaan, maxaa yeelay meesha laga afduubay waxaa ku xiran kaamirooyinka qarsan ee CCTV “ ayuu yiri Xildhibaan Axmed. Xildhibaan ayaa sheegay inay la xiriireen laamaha amniga isla markaasna ay rumeysan yahay in Prof. Cabdiwahaab uu nool yahay oo aysan dowladda Kenya ku dhiiran karin inay disho maadaama uu sheegay ay aragtay sida dadka uga fanceliyeen. “ Waxaan la xiriirnay madaxweynaha Kenya, waxaana u sheegnay inaan anaga rumeysan yahay in Cabdiwahaab uu dowladda u xiran yahay, haddii Cabdiwahaab dambi lagu hayo maxkamad halasoo taago, haddii kale waa inuu helo xuriyaddiisa” ayuu yiri Xildhibaan Axmed. Wuxuu sheegay in arrintaan dhawaan la hor geyn doono aqalka Sare ee dalka Kenya, isagoo xusay in Aqalka hoose oo uu isaga kamid yahay uu hadda ku jiro fasax illaa laga gaaro 22 bishaan September. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Axmed oo dhameystiran https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/09/26bb1d00-5048-4c03-8cf8-8cf7fc2e86a4_48k.mp3 The post Yaa lagu tuhmayaa ‘afduubka’ Professor Cabdiwahaab? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo soo noqday Duqii hore ee Muqdisho iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa ku tilmaamay tallaabada Madaxweyne Farmaajo inay tahay fal dambiyeed lagu dhaawacayo habsami u socodka Cadaaladda ee Kiiska Ikraan. Muunhaab ayaa sheegay inaysan jirin cid faragelin ku sameyn karta Kiiska Ikraan oo yaalla Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Muungaab oo dhowaan Jaamacad ku taal dalka Suudaan ka diyaariyay PhD Cilmiga Qaanuunka Dambiyadda ayaa sheegay in aanay jirin meel Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo Kiiska Ikraan. Wuxuu ugu baaqay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka inuusan u hoggaansamin guddiga uu magacaabay madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Muungaab soo dhigay bartiisa Facebook Alle ha u naxariisto Ikraan Tahliil Faarax, waxaan tacsi u dirayaa Ehelkeeda, Asxaabteeda iyo dhammaam umadda Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan Allah naga wada siiyo. Sharci ahaan, marxuumad: Ikraan waxay ahayd sarkaalad ka tirsan Ciidanka Hay’adda NISA, sidaas daraateed, Qaadista Dacwada kiiskeeda waxay u gaar tahay (Ikhtisaas u leh) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 2-aad ee XHCCQS. Xeerilaaliyaha Guud ee CQS wuxuu u dhigmaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii la xiriira Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 1-aad ee Isla Xeerka HCCQS. Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa si rasmi ah u furtay Gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil 07/09/2021, kadib markuu Qareenka Qoyska Dhibanah ha ow u gudbiyay Cabasho lidi ku ah 3 ka mida mas’uuliyiintii sare ee hay’adda NISA. Gal-Dacwadeedkiina sidaas ayuu uga hor furmay Maxkamaddii gaarka u lahayd kiiska. Intaas kadib, ma jirto cid faragelin karta kiiska maxkamadda yaalla oo aan isla Maxkamadda CQS ahayn, sidaas daraateed Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo waa Sharci darro waana is hortaag qaawan oo uu ku sameeyay Caddaaladda iyo habsami u socodka Dacwadda. Tallaabada Farmaajo waa fal dembiyeed maadaama lagu dhaawacayo habsami u socodka Caddaalada ee Kiiska Ikraam Tahliil. Ma jirto meel uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo kiiska Ikraan, waana inuu faraha kala baxaa, una hoggaansamin Guddiga Villa Somaliya laga soo magacaabay ee sharci darrada ah, haddii kale wuxuu qeyb ka noqonayaa fal dembiyeedka lagu hor istaagayo cadaaladda. Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida waxaa saaran mas’uuliyad Qaran iyo mid akhlaaqi ah, waana inay dhaqaajiyaan kiiska Ikraan Tahliil, iyaga oo kaliya ku dhaqmaya sharciga ee aan eegaynin dano gaara. The post Muungaab oo fal dambiyeed ku tilmaamay tallaabadii uu qaaday Farmaajo (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya. Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale ayaa ka dhacay Muqdisho. Madaxweynaha iyo xubnaha beesha caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada. Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka argagaxisada sidii beesha caalamku gacan uga geysan lahayd howlahaas lasoo xusay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo kulan gaar ah la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  6. After two decades of repressive dictatorial regime ousted with bloody popular uprising in 1991, the Somali people has been longing for a visionary and competent leader – a “founding father”- passionately committed to establish a democratic state governed by the rule of law and not by the whims of powerholders. The impartial administration of the rule of law for equal justice is the only way to attain a sustainable peace, stability, and development in Somalia. The misfortune of experiencing self-serving, corrupt, incompetent, and divisive leaders has continually frustrated the Somali people’s aspirations for better future. Nevertheless, the struggle and hope for getting the right leader persist despite the current bleak prospect. In the last four years, Somalia suffered the misfortune of being ruled by a ruthless and remorseless predatory group, controlled by usurper Mohamed Abdullahi Farmajo whose presidential mandate ended seven (7) months ago, hell-bent to exploit the fragile situation Somalia is in for personal gains. Farmajo has sanctioned all kinds of criminal activities – assassinations, arbitrary detentions, intimidations, patronage, fraud elections, and corruption – for instilling fear for control and loyalty. The predatory group backed by Ethiopia, Eritrea, and the Emirate of Qatar has subverted the implementation of the democratic system of governance and embarked on building an autocratic system of governance. Immediately after his election on February 8, 2017, Farmajo has veered off from the right path of honoring his constitutional obligations for unity and respect of the rule of law and started violating openly and systematically the fundamental principles of the constitution, particularly the separation of state powers between the legislative, executive, and independent judiciary for transparency, accountability, and efficiency, and the power sharing between the federal and state governments. As a result, indisputably, the situation of Somalia has dramatically worsened. Early on, many independent experts voiced their concerns about the wrong and dangerous direction the country has taken. Unfortunately, the voices of reason and goodwill felt on deaf ears. The report of the AU-UN Independent Commission issued on May 20, 2021 bared the political, economic, and security failures Somalia suffered under Farmajo. Therefore, the commission recommended the extension of the African Union Forces (AMISOM) mandate till 2027. A preliminary agreement on the extension has been signed with AU. For months, the parents of 5,500 youths illegally recruited and sent to Eritrea for fishy purpose in 2019, and the mother of Ikram Tahlil, a cybersecurity specialist, member of the National Intelligence Service Agency (NISA) last seen riding in NISA car on June 26, 2021 to meet Fahad Yassin and his deputies, have been asking Farmajo and Fahad Yassin information about the fate of their children dead or alive. Because of unwarranted secrecy, no one else in the federal government has had reliable information about both cases. Unfortunately, as it has become the norm, both leaders never bothered to respond to the distressed parents and to the Somali people as required by their duties. This inhuman behavior has angered the public. On September 2, hours after VOA broadcasted investigative report on the case of Ikram Tahlil, a message posted on NISA Facebook page, later relayed by the federal government media, claimed that Ikram Tahlil was killed by the terrorist group Al Shabab, without shred of evidence. Categorically, Al Shabab denied responsibility. The public angrily rejected NISA’s unsubstantiated claim. Based on credible evidence, the family of Ikram repeatedly declared that Fahad Yassin and three other officials are responsible of their “missing” daughter. The case, which has shaken public conscience, symbolizes long list of victims believed to be killed mysteriously by NISA assassins with no follow up investigation, report, and accountability. It was absolutely wrong the participation of usurper Farmajo and his camarilla in the Somali politics after May 1, 2021 when the Somali National Salvation Army forced him to rescind the illegal two year term extension announced on April 12, 2012 because the rescindment signified repudiation of his leadership anymore. The mutiny of the Somali National Salvation Army, triggered by widespread denunciations of the Somali people and the International Community against the illegal term extension, saved Somalia from bloodshed and destructions. The banning of Farmajo and his Camarilla from participating in the Somali politics is the only way to avert the dreadful prospect of post elections’ unmanageable disaster. The international partners of Somalia have the primary responsibility of issuing a joint statement decreeing the exclusion of Farmajo and his camarilla from the political process to spare Somalia from turmoil and total collapse. On April 30, 2021, the New York Times published an article under the headline: “The Bureaucrat from Buffalo who Pushed Somalia to the Brink.” The article affirmed what the Somali people discovered after the first year of Farmajo’s presidency, which is “his failure to transfer the democratic values he learned during the three decades he lived in America to his native country, Somalia, when he was elected president.” He relishes the friendship and advices of the authoritarian leaders over the democratic supporters. Sadly, today the overwhelming majority of the Somali people regrets Farmajo’s election in 2017 as president for the irreparable harm he has done to Somalia. Anyone who had basic knowledge about government and was familiar with the general situation of Somalia could have easily detected the hollowness and impracticality of the surreal promises and statements Farmajo was making to win election. Many are still sad for why they failed to see his Machiavellianism and meanness. It’s my guess that the intense political desire to change President Hassan Sheikh Mohamud for different reasons among them to dispel the specter of clan dominance has suppressed the necessity to scrutinize the leadership qualities of candidate Farmajo. After election, Farmajo didn’t waste time to reveal his true aim of power grab with the help of foreign powers for personal gains. Thus, it is folly to expect that while usurper Farmajo and his Camarilla are in the corridors of power, the elections under way will usher in a peaceful political transfer of power that could revive the destroyed hope of rebuilding the Somali State. The prediction is that the federal elections rigged three years ago will plunge Somalia into unmanageable disaster that will thwart the future feasibility of the Somali State. Farmajo’s scheme of rigging the elections in the federal member states between 2017 and 2020, the federal elections in 2020/2021, and the weaknesses of the federal election rules have dimmed public confidence in election outcomes and lent weight to the criticisms and blames unfairly associated with indirect elections. Direct and Indirect elections without enforceable rules are subject to manipulations. It’s tragic and inexcusable the behavior of James Swan, head of UN Mission for Somalia (UNSOM), Madeira, Head of AMISOM, diplomats of US, UK, and EU, officials of the World Bank and IMF to close their eyes on the stalemate, abuses, and corruption that continued for four years under their watch. They wittingly chose to aid and abet the wrongdoing of Farmajo government to the detriment of Somali citizens. They let the Somali people down. Caretaker Prime Minister (PM) Mohamed Hussein Roble appointed on September 17, 2020 has been nonfeasance for seven months because he kept himself back from fulfilling his constitutional responsibilities as head of the federal government. That changed on May 1, 2021 when the Somali National Salvation Army forced Farmajo to repeal the unlawful two year term extension and return to 17 September 2020 electoral agreement. That marked the resumption of the Caretaker Government period under article 103 of the provisional constitution, which prescribes that “the Prime Minister and the Council of Ministers shall continue to serve in a caretaker capacity to carry out routine duties.” The Caretaker government is the only legitimate authority which runs the country during the election period. The President and the federal parliament whose terms ended, cease to exist and operate. Articles 60, 90 (o), 91, and 103 stipulate no term extension of federal president and parliament. No law can amend the constitutional provisions. The public, the leaders of the federal member states, the opposition forces, and the international community have expressed full support to PM Roble first to guard against further wrangling and second to fulfill his overall responsibilities as head of the caretaker government. Unfortunately, Farmajo represents an obstacle to the working of PM Roble and the National Consultative Council. It’s absolutely necessary to rein him in before Somalia descends into abysmal chaos. It’s worth remembering the words of Chinua Achebe who said, ‘there is nothing basically wrong with the Nigerian character.…The Nigerian problem is the unwillingness or inability of its leaders to rise to the responsibility, to the challenge of personal example which are the hallmarks of true leadership.” PM Roble should rise to his responsibility with courage, determination, and competence, and the International Partners should support unambiguously the Caretaker Government and the National Consultative Council in fulfilling their tasks. Dr. Mohamud Uluso – Is Former governor of Central Bank of Somalia. – He can be reached at Mohamuduluso@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post Elections with Farmajo in the corridors of power will plunge Somalia into unmanageable disaster appeared first on Caasimada Online.
  7. Cabdoow Dalkan Dadkii Lahaa Ma Joogaan Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan oo xaqii ku helay magaaladda hargaysa Bishan September 3deedii oo ku beegnayd maalin Jimce ah, oo ah maalinta ugu khayrka badan todobaadka, muslimiintu meel kasta ka oogaan salaadda jimce oo ah mid waajib ah in la tago oo aan laga baaqan ayaa ay naftu daysay, waxaana ay taasi astaan u ahayd wanaaggii Cumar isagoo ah saaxiib qaaliya oo aan ku tilmaami karo inuu ahaa (my soul mate) aan la heli karin isagoo kale. Waxaanu lahayn dood wadaag iyo siyaasad sheekaysi wadaag oo marka aan Somaliland u tago fasax ayaan la soo hadli jiray cawayskii aniga oo qaybta hore ku soo qaadan jiray cawayskayga hotel Maan-Soor, ka dibna inta aanu seexan ayaan la soo hadli jiray kuna odhan jiray ma cid baa kula joogta, waxaanu iigu hal celin jiray mayee ii kaalay aan sheekaysanee halkaas ayaan ugu tagi jiray isaga oo fadhiya fadhigga gurigiisa oo galbeed kaga beegnaa Hotel Maan-Soor, gurigaasi oo ah mid aad loo qurxiyay oo aan ku dangiigsan jiray kuraasta balbalaadhan ee fadhigga ku teedsan mid ka mid ah. Halkaas oo salaan ka dib aanu isla qaadaa dhiggi jiray siyaasadda Somaliland, Somaliya iyo tan adduunka oo aanan halna isla diidi jirin, Cumar waxa uu ahaa qofka kaliya ee aanu laba indhood wax ku wada aragno dhanka siyaasadda, taas oo ah ta aan diiradda ku saarayo maqaalkan. Dhanka kale, ee noloshana waxaa uu ahaa qof aad u naxariis badan oo dulqaad badan oo dhanka wanaagsan wax ka eegga, mar walbana ku odhanaya “haaye walaal” waa sidaa iyo sidaa, isagoo dhanka togan qaadanaya mar kasta, oo aad is odhanyso waxa uu ahaa qofkii ugu dulqaadka badnaa ee aan arko! Waxaanay dhan wax badan ka wadaagi jireen hooyadday Aamina Caabi oo sidiisa ahayd oo wax kasta oo nolosha ka soo waajaha dhanka dulqaadka iyo xaraggadda ka qaadan jirtay, waana astaan aan la heli karin oo Eebbe ku manaystay in yar uun uunkiisa taas baanan ku hubaa Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan. Cafiskii Cumar waxa uu ahaa mid aan loo wada sinayn. Eebbe waxa uu siiyay astaan kale oo wanaagsan oo qof haddii uu xumeeyo waxa uu kaga falcelin jiray cafis aan shurruud ku xidhnayn, oo waxa uu ku odhanayaa “iska daa waxba ma laha e” waxaan ku hubaa taaso oo uu marar badan yidhi isagoo qofkaa ama qofafkaasi xumeeyeen “Yaan waxba loo raacin”, taasina waa astaan dhanka diinta ku wanaagsan isla markaana ah gobanimo qofeed oo aanay dadku wada hanan Karin. Taasna waan ku hubay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan oo waxaanan u soo jooggay cafisyo badan oo bixiyay oo aan ciddina si dhayal ah mar iyo marar badan iskaga tagi karin shay ay xaq u lahayd ama uga tanaasuli karin. Dhanka siyaasadda iyo camalkeed, waxa uu soo qabtay labo jaggo oo Jabuuti Iyo Ethiopia oo uu ka soo noqday wakiil somaliland u fadhiya waxa kale oo uu wax badan ku lahaa imaatinkii shirkadda Total ee berbera saldhigga ka samaysatay, xilliggii uu wakiilka ahaa. Intaas uun maaha ee Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan, waxa uu ahaa siyaasi rug cadaaya oo aanu sheeko wadaag ku ahayn siyaasadda adduunka iyo ta gabidhaclaysa ee Somaliland ee aan salka iyo baarka toona lahayn ee hadba qof meesha uu rabo u toocsado. Waxa kale oo uu Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan ahaa qoraa oo waxa uu qoray buug uu ku uriyay dhacdooyin iyo xikmaddo soomaaliyeed oo la idhaa “Murti Iyo Mahadhooyin” oo la soo daabacay lana soo bandhigay, halkaasna waxa uu ka soo galay inuu Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan ahaa dadka safka hore kaga jira bulshadda oo qoraal iyo dhigaalba uga tagay, waana astaan kale oo wanaagsan inaad wax akhrido waliba qorto waana dhigaal uu uga tagay dadka reer Somaliland iyo kuwa soomaliyeed oo aynaan ka sheeganayn afka iyo suugaanta, laakiin siyaasaddu inoo kala soocan tahay. Dhanka cibaadadda waxa uu ahaa Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan qof ku wanaagsan oo marar badan ayaanu salad jameeco ku wada tukanay, isagoo waliba mararka qaarkood xanuunsanayay haddana marnaba adduun iyo caadaddii kama baajin inuu Alle ku xidhnaado taasna waan ku hubaa oo waa astaan kale oo adduun iyo aakhiraba qofka anfacdda marka uu adduunka ka galbadana waa taa u ah dhigaalka ee aan marnaba ka habaabayn. Siyaasadda waxa uu ahaa dadka faro ku tiriska ah ee leh faham siyaasadeedd waliba ta caalamigga ah ee adduunku ku dhaqmo maanta oo in yari uun ka leedahay soomaalidda guud ahaan, ha ahaadeen somaliland dadkeedda ama qowmiyadda soomaaliyeed guud ahaanteedba. Waxaanu marar badan ka sheekaysanay siyaasad iyo caadkeed waliba waxa uu marar ii soo diray warbixino anfac u leh dalka Somaliland haddii cid dhago u leh la helo, waxaanan aad ugu talax tagnay dhanka aqoonsi la’aanta Somaliland oo uu ka bixiyay faallooyin dhaadheer oo badiba ciddi ma dhagaysan. Waxaan ku xigsiin mid kale oo aan kaga sheekayn doono sheekooyin layaab leh oo uu lahaa iyo sida uu faham sare ugu lahaa qaabka dublamaasiyadda oo aan uga marag kacay sida uu xariif ugu ahaa waxaanan ku soo afmeerayaa duco aan Alle uga baryayo inuu Xaajiga ku manaysto darajo sare oo ah Jannatul fardowsa. Eebe ha uga dhigo hoygiisii dhabta ahaa ee aan laga gaboobayn lagana faqriyayn. AAMIIN AAMIIN AAAMIN. Qore: Cabdi Muxumed Cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
  8. Jowhar (HOL) - Hirshabelle's parliament elected 3 of its federal senators in Jowhar on Tuesday in what is being hailed as the most competitive Upper House race thus far. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo sidoo kale ka mid ah Murashaxiinta Muacaaradka ayaa ah siyaasiga kaliya ee aan ilaa hadda ka hadlin kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’ada sirdoonka Soomaaliya. Su’aalo badan ayaa ka dhashay sababta uu ugu aamusay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kiiska Ikaan Tahliil oo hadda ah waxa ugu weyn ee dhaxyaala hogaamiyaasha Soomaalida, sidoo kalane ah warka ugu weyn ee maalmahaan ka jira Soomaaliya. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in sababta uu Kheyre uga aamusay kiiska Ikraan ay tahay hal qodob, oo ah qaladaad kiiskan la mid ah oo ka dhacay xukuumadiisa. Kheyrre intii uu joogay xafiiska waxaa la dhiibay Qalbi Dhagax, waxaana la weeraray dad shacab ah oo ku sugnaa Baydhaba kadibna la xasuuqay. Waxaa sidoo kale jira weerarkii culimada Ahlu-Sunna, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, weerarkii Cabdiqaybdiid, iyo kuwa kale oo ka dhan ahaa shacab iyo siyaasiyiin. Waxyaabaha sidoo kale dalka ka dhacay ee Kheyre ku qasbay in uu ka aamuso waxaa kamid ah carruurta Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea oo illaa iyo hadda uusan ka hadal, maadaama isaga oo xukunka haya la qaaday. Kheyre ayaa waxaa haysta laba darran mid dooro; Haddii uu kiiskan soo hadal qaado, waxaa durba ka hor-imaneysa su’aal ah; ka waran xadgudubyadii aad adiga gaysatay? Markii haddii uu ka hadlo wuu ceeboobaya, haddana uu ka aamusan yahayna wuu ceebeysan yahay, marka meel u roon ma jirto. Xasan Cali Kheyre oo ah Murashax Madaxweyne ayaa xukuumadii uu hogaaminayay waxay dhax dabaalanaysaa eedeymo iyo fadeexado la xiriiro dambiyo waa weyn oo isugu jiro dil, afduub iyo weeraro uu dhiig ku daatay, sidaas oo ay tahay waxaa damac uga jiro in uu Soomaaliya ka noqdo Madaxweynaha badalaya Farmaajo. The post Xog: KHEYRE oo hal sabab uga aamusan kiiska IKRAAN appeared first on Caasimada Online.
  10. Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeyay doorashada kursiga labaad ee Aqalka sare BJFS. Guddiga doorashada Baarlamanka Hirshabele ayaa shaaciyey natiijada kursigii labaad ee ka mid ah kuraasta aqalka sare ee laga soo doorto Hirshabelle kaasoo ay ku tartameen labada Musharax ee kala ah Senator Maxamed Cusmaan Dhega-Juun iyo Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) Nuur Max’ed Geeddi (Canjeex) oo helay codad gaaraya (70) ayaa ka guuleystay musharaxii la tartamayey ee Maxamed Cusmaan Dhega-Juun kaasoo isna helay(27) Musaraxa laga guuleystay ee Dhega-juun ayaa Senator-kii afarti sano ee la soo dhaafay kursiga ku fadhiyay balse aan nasiib u yeelan in uu dib u soo noqdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo galabta ka dhacay Bar Control oo ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ay ku leeyihiin afaafka hore ee xerada Jeneraal Gordon ee Muqdisho, taas oo ku taalla meel u dhaw xarunta Xalane. Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in 11-qof ay ku geeriyoodeen qaraxaas, kuwaas oo u badan askar militeriga ka tirsaneyd, halka dhaawacyo badana ay jiraan, in kastoo hey’adaha ammaanka ee doladda Soomaaliya aysan weli khasaaraha ka soo saarin faahfaahin rasmi ah. Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab oo soo xiganeysa xubno ka tirsan hoggaanka kooxda ayaa baahisay in 11 askari oo ku sugnaa xero Nacnac uu isku qarxiyey qof ay soo direen, sidoo kale 16 qof oo kale ayey sheegeen in lagu dhaawacay qaraxaas. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray qaraxaas ka dhacay degmada Wadajir waxa uu ku yiri, “Waxaan cambaareynayaa qaraxii maanta argagixisada Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan. Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina Samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.” Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u mudoobaan la dagaalanka argagixisada. “Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa sida argagixisada Alshabaab ay ugu oon qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Rooble. Qaraxa ayaa imanaya toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus. Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga. Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September. The post Tirada dhimashada qaraxii Muqdisho oo la shaaciyey iyo Rooble oo war ka soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga digay farmaajo, inuu faragaliyo kiiska Ikraan tahliilm War qoraal ah oo kaso baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka digayaa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil” Sidoo kale qoraalkan oo lagu baahiyay warbaahinta Dawladda aya lagu faray Ciidamada qalabka sida in ay ka fogaadaan waz kasta oo dhaawacaya kalsoonida shacabka “Ra’iisul Wasaaruhu wax uu farayaa Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed”. Source: goobjoog.com
  13. Nairobi (Commentary) — The International Crisis Group, a Brussels-based organization, claims that it prevents wars and shapes peace. It’s an example of hubris that has come to define the Western World. I have read its latest report on Somalia and come away with the impression that ICG is an organization that trains Western undergraduates to spread lies about the Third World, to pontificate on issues they are hardly versed in. ICG peddles disinformation-filled reports on Africa. It is an organization that Western secret services uses as a front, but since they’ve opposing agendas they take turns at demonizing African countries. That Brussels is its headquarters says a lot about the racist undertones of its reports. It uses divide and rule tactics to emphasize ethnic differences. The goal is to justify the colonial history of Europe of which Belgian genocide in what is Congo and the assassination of Patrice Lumumba are two stark examples. Whose views count — the academics who dedicated many years of scholarly research to study countries or the less experienced ICG analysts? Matt Bryden and Rashid Abdi — both at the disinformation factory known as Sahan — worked at ICG. Aimé Césaire: “A civilization that uses its principles for trickery and deceit is a dying civilization” ICG reminds me of Aimé Césaire, who summed up what European colonialism means. “ A civilization that uses its principles for trickery and deceit is a dying civilization” wrote Césaire in Discourse on Colonialism. Several years ago, an ICG analyst asked me which “ethnicity I belong to”. I understand now better why anthropology is the most discredited subject in the Western academia. A whole legion of young university graduates from Europe are being brainwashed into thinking that the tribe, ethnicity or the clan is all that matters in African politics. One wonders why some countries and foundations fund the disinformation and demonization campaign against Africa by an organization based in Belgium? Its disinformation-filled reports serve the purpose to attack the integrity of African nations. The International Crisis Group is a disreputable entity masquerading as a think tank. It promotes war profiteering through the pen and keyboard. By Mulugeta Adematu The post The International Crisis Group: Promotors of War Profiteering appeared first on Puntland Post.
  14. After two decades of repressive dictatorial regime ousted with bloody popular uprising in 1991, the Somali people has been longing for a visionary and competent leader – a “founding father”- passionately committed to establish a democratic state governed by the rule of law and not by the whims of powerholders. The impartial administration of the rule of law for equal justice is the only way to attain a sustainable peace, stability, and development in Somalia. The misfortune of experiencing self-serving, corrupt, incompetent, and divisive leaders has continually frustrated the Somali people’s aspirations for better future. Nevertheless, the struggle and hope for getting the right leader persist despite the current bleak prospect. Source: Hiiraan Online
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga jawaabay wareegto ka soo baxday xafiiska Farmaajo Rooble ayaa ka digay in la qaado talaabbo lagu carqaladeynayo Cadaalad u helidda Kiiska Ikraan laguna sumcad dilayo Ciidamada Qalabka sida. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Rooble Source: goobjoog.com
  16. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhweyd war-saxaafedeed uu soo saaray ku sheegay in ay sharci darro tahay galdacwadeed maxkamad horyaalla oo loo magacaabo guddi baaris. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan sax ahayn hay’ad xubno ka tirsan oo dacwad loo haysto ay kamid noqdaan baarayaasha kiiska loo hayso. Rooble ayaa faray taliyayaasha ciidamada qalabka sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed . PUNTLAND POST The post Rooble oo ka horyimid guddigii uu Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan appeared first on Puntland Post.
  17. We’ve all heard the quote that is often attributed to Mark Twain “a lie can travel halfway around the world while the truth is putting on its shoes”. In Somali, a similar saying translates to “Once unleashed, a truth can never catch up with a lie”. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, xilli xalay uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Rooble uu guddi u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada qaranka oo dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed . “Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la socdaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaas oo waafaqsan qodobka 34-aad ee dastuurka dalka oo qof kasta xaq u siinaya inuu dacwadii sharciga waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu aaminsan yahay sida uu dastuurku qabo in hey’adaha Garsoorka dalka ay ka madax-banaanyihiin laamaha fulinta iyo sharci dejinta ee dowladda. “Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in aysan kaalin uga banaaneyn hey’adaha fulinta kuna sameyn karin wax faro-gelin ah kiiska Ikraan Tahliil Faarax,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale Rooble isagoo ku jawaabaya guddigii uu xalay magacaabay Farmaajo ayuu qoraalkiisa ku yiri, “Gal-dacwadeed maxkamad hor-yaalla in loo magacaabo guddi baaris waa arrin baal marsan dastuurka iyo shuruucda dalka, saxna ma ahan in hey’ad xubno ka tirsan oo dacwo loo heysto ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska, taas oo liddi ku ah cadaalad u helidda qoyska Ikraan Tahliil.” Rooble aya xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ee gacanta ku haya gal-dacwadeedka Ikraan mar kale faray inay deg degjiyaan, si qoyska gabadhaas ay u helaan cadaalad ka madax banaan faro-gelin hey’ad fulineed. Hoos ka akhriso The post Rooble oo digniin culus kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
  19. ST. PAUL, Minn. — The leader of an Illinois anti-government militia group who authorities say masterminded the 2017 bombing of a Minnesota mosque was sentenced Monday to 53 years in prison for an attack that terrified the mosque's community. Source: Hiiraan Online
  20. (ERGO) – Rukia Sheikh Yussuf is cooking an extra meal a day for her six children after receiving a distribution of food aid from a local Somali NGO in Wadajir IDP camp in southern Somalia’s drought-hit Gedo region. Source: Hiiraan Online
  21. Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystay kursiga 1-aad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle oo ka socota magaalada Jowhar, ee xarunta maamulkaas. Senator Muuse Suudi ayaa ka uuleystay Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo wareega labaad ay isugu soo hareen, kadib markii seddaxdii musharax ee kale ay ku hareen wareegii koowaad. Muuse Suudi ayaa helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu ka helay 43 cod. Xubnaha wareegii koowaad ku haray waxaa kamid ah Cabdullahi Sheekh Xasan oo la sheegay inuu ahaa musharaxii ay wadatay Villa Somalia, waxuuna helay 15-cod oo kaliya, taasi oo muujisay sida reer HirShabeelle ay isaga diideen Villa Somalia. Kursigaan ayaa horay loo sii saadaalinayey inuu yahay kan ugu loolanka adag, 8-da kursi ee lagu soo dooranayo Jowhar, waxaana dadaal xooggan ay Villa Somalia ku bixisay sidii looga adkaan lahaa Muuse Suudi. Xaaji Muuse Suudi ayaa kusigaan ku soo fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale afarta sano ee soo socota ayuu golaha Aqalka Sare ku meteli doonaa dowlad goboleedka HirShabeelle. Dhanka kale Senator Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) ayaa noqday Senatorka labaad ee laga soo doortay HirShabeelle, waxuuna ku soo baxay 78-cod, halka Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax ay noqotay Senatorka seddaxaad ee lagu doortay Jowhar, sidoo kale waa gabadhii u horeysay oo HirShabeelle ka soo gasha Aqalka Sare ee dalka. Sidoo kale berri waxaa lagu wadaa in Jowhar ay ka dhacdo doorashada seddax kursi oo kale, halka maalinka xiga la dooranayo labada kursi ee u dambeysa, hadii jadwalkaas uu hir-galo. HirShabeelle waxay noqoneysaa dowlad goboleedka seddaxaad ee soo dhameystira doorashada xubnaha uu ku leeyahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. The post Muuse Suudi iyo xubno kale oo lagu doortay JOWHAR appeared first on Caasimada Online.
  22. Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed ordered an investigation into the death an intelligence agent, amid mounting public anger and a widening rift with the nation’s prime minister over her case. Source: Hiiraan Online
  23. Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeyay doorashada kursiga koowaad ee Aqalka sare BJFS. Kursigaan oo ay kuwada tartameen musharixiin gaareysa illa Afar musharax, ayaa waxaa ay kala ahaayeen: Muuse Suudi Axmed Daaci C/llaahi Sh. xasan Dr Cadaay Wareegga koowaad ee tartanka ayaa waxaa Musharixiinta ay kala heleen codad dhan Muuse Suudi 51 cod Axmed Daaci 28 cod C/llaahi Sh. xasan 15 cod Dr Cadaay 2 cod. Intaas ka gadaal tartanka ayaa loo gudbay wareegga Labaad ee tartanka oo ay u soo baxeen Musharixiinta kala Ah Muuse Suudi iyo Axmed Daaci. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa markii ay soo dhamaatay tirinta codadka wareeggi labaad ku dhawaaqay natiijada. Muuse Suudi Yalaxoow ayaana markale loo doortay in uu noqdo Senator ka tirsan Senatorada Aqalka sare, isagoo helay 55 cod, halka Musharax Daaci oo la tartamayay uu helay 45 cod. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muuse Suudi Yalaxow ayaa mar labaad loo doortay xubin ka mid ah xubnaha Hirshabeelle ku matal Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Muuse Suudi oo tartan adag la galay afar musharax ayaa wareegii labaad 55 cod kaga guuleystay Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo helay 44 cod. Muuse Suudi ayaa noqday xildhibaankii ugu horraysay Aqalka Sare ee caawa lagu doorto magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Muuse Suudi oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii ugu tunka waynaa Muqdisho, ayaa hadda ka mid ah xubnaha ugu mayalka adag mucaaradka. PUNTLAND POST The post Muuse Suudi oo kursigiisii difaacday appeared first on Puntland Post.
  25. Violent attacks on humanitarian workers operating in Somalia decreased in the first six months to June 30, or second quarter (Q2), compared to a similar period last year, the United Nations humanitarian agency said Tuesday. Source: Hiiraan Online