Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Wasiir Jamaal ayaa shaaca ka qaaday inay laba qodob isku hayaan isaga iyo hoggaanka sare ee Puntland, kuwaas oo salka ku haya arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii uu wanaagsanaa xiriirkoodu ay kaliya kala hadli jireen inuu siiyo arrimo mashariiic ah iyo sidoo kale dad shaqaaleysiinta dad ay ehel dhow yihiin. Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in xayiraadaha lagu sameeyey ay sidoo kale keeneen kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee haatan u dhexeysa isaga iyo Saciid Deni. “Madaxda Puntland waxa aan isku qabanay dhaqaalaha & siyaasad kala duwanaanta, wax gaar ah iskuma heyno balse keliya waxa ay igala soo xiriirayeen intii aan isku fiicneen mashaariic in aan siiyo & u shaqo gelinta dad ehel dhaw ay yihiin, Siyaasadda hadda dhaceysa oo keliya ay ka eegayaan doorashada hadda dhaceyso” ayuu yiri wasiir Jamaal. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inuu haatan doonayo u tartamo ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, wuxuuna farriin u diray odayaal kale ee ay is hayaan. “Qof ahaan waxa aan doonayaa in aan dib ugu soo laabto xubinta Beesheyda balse waxaa jirto gacmo-gacmeen badan, Odoyaasha aan is heyno waxa aan leeyahay yaan isku soo degdegin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya. Hadalkiisa ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay kolonyo uu watay lagu xanibay duleedka Garoowe, balse mar dambe oo laga soo reebay ilaaladii uu watay uu galay magaaladaas. The post Jamaal oo sheegay laba arrin oo ay isku hayaan Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  2. Click here to read more about this article Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka, Waxuuna ka dhageystay warbixin ku aadan waxa uga qabsoomay doorashooyinka dalka ka socda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga kula dardaarmay inay dardar-geliyaan kaalinta uga aadan qabsoomida doorashada, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. “Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda uu guddigu ugu fadhiyo hannaanka hufnaanta doorashada, maadaama ay iyagu yihiin kuwii kala saari lahaa wax walboo khilaaf ka dhasha doorashada, bulshaduna uga fadhido in ay caddaalad u wada sameeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka uu xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo saaray kulankaas. Guddigaan oo kaalintiisu tahay inuu xaliyo Khilaafaadka ka dhasha doorashada ka socota dalka ayaa horay u korjoogteeyey doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba, Garowe, Dhuusamareeb iyo Jowhar. 28-ka bishan waxaa teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo guddiga xalinta khilaafaadka laga doonayo inuu xaliyo wixii cabasho ah ee ka yimaada doorashada 11-kaas kursi ee gobollada waqooyi. The post Guddi warbixin u gudbiyey R/Wasaare Rooble + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  4. I should start by saying that I am doing very well, and that I’m back in parliamentary leadership, this time in the backbench but as a senior ranking member of the House. Source: Hiiraan Online
  5. The United Nations and European Union have called for pragmatic actions to strengthen resilient agri-food systems in Somalia, saying urgent actions are needed to address the challenges and the negative impacts associated with malnutrition in Somalia, which has some of the highest rates of malnutrition globally. Source: Hiiraan Online
  6. Wararka ka imaanaya Gobolka Lamu ee waddanka Kenya, ayaa sheegaya in halkaas qarax culus lagula eegtay ciidamo ka tirsan Kenya. Qaraxa oo lagu tilmaamay miino dhulka la sii geliyay ,ayaa qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexaysa degaannada Kayunga iyo Shangani ee Gobolka Lamu. Wararku waxay sheegayan, in qaraxaas ay ku dhinteen in ka badan 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, balse dowladda Kenya weli kama hadlin dhacdadaas. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo qarax ku laayay askar ka tirsan Ciidanka Kenya ee Gobolka Lamu appeared first on Puntland Post.
  7. Learning Turkish is becoming popular in the world, and foreign students in Turkey are seeking to polish their skills, on their own and with a little help from Turkey. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo xalay su’aalo lagu weydiiyay kulan ka qabsoomay caasimadda Garoowe ayaa ka hadlay khilaafka isaga iyo madaxda Puntland. Wasiir Jamaal ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya isaga iyo mas’uuliyiinta dowladda Puntland uu yahay mid ku salaysan arrima dhaqaale iyo siyaasad oo keliya. Wasiirka ayaa tilmaamay in mar kasta mas’uuliyiinta Puntland ay kala hadlaan mashaariic ku kooban dana shakhsiyeed, balse aysan kala hadlin wax la xiriira danaha iyo horumarinta Puntland. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Wasiir Jamaal: Aniga iyo madaxda Puntland laba qodob baan isku-haynaa appeared first on Puntland Post.
  9. Militariga Sudan ayaa sheegay in ay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal. Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay in ay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer. Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay dhacdadaas. Waxa uu sheegay in ay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay. Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa in uu ka hadlo dhacdadan. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay xiisad ka dhex jirta Sudan iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis), kaas oo maalmihii dambe ku xanuunsanayey gudaha caasimada. Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda TV-ga Universal oo uu la shaqeynayey. “Allaha unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho,” ayaa lagu yiri wr qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Telefishinka caalamiga ah ee Universal. Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay ku jiray mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ,halkaas oo lagu la tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun deg deg ah oo ku soo booday, xilli uu ku sugnaa xaafadiisa. Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyey qeybaha kala duwan ee Fanka Soomaaliyeed iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe. Wasiirka ayaa u tacsiyeeyey qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka waxaana uu Alle uga baryey in Jannadii Farowdsa aheyd ka waraabiyo. AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah, isla-markaana ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed. The post Majaajiliistihii caanka ahaa ee Ajakis oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
  11. Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.” Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga. Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin. PUNTLAND POST The post Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo dib u dhac uu ku yimid appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa mar kale qaaday tallaabo carqalad ku ah doorashooyinka dalka, kadib markuu caawa fiidkii xarunta afisyooni uu ka kaxaystay 8 oday dhaqameed oo katirsan 46ka oday ee soo xulaya 11 senetor ee Aqalka Sare kumatalaya Soomaaliland. Xog ay GOOBJOOG NEWS ka heshay ilo wareedyo gudaha Villa Somalia ah aya tilmaamysa in sideeda Oday oo cawa ka tagay Afisyooni ay lakulmeen Farmaajo iyo Fahad yasiin iyagoo kala hadlay Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi. Waxayna taasi sababtay in Guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi(Soomaaliland) uu sheego in dib udhac uu ku yimid habraacii doorashada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo 27 september oo berri ah loo balansana in ay musharixiinta jeediyaan khudbaha. Ra’iisul wasaare Rooble oo uxilsaaran qabshada doorashooyinka dalka si gaar ah tan gobolada Waqooyi ayaa loo arka in arinkan uu ku noqon doono caqabad hor leh, kadib markii in muddo ah uu Rooble ku hawlana Xalinta Khilaafkii ka dhax aloolsana siyaasiyiinta Gobolada waqooyi. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa u yeertay 8 ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku jira Ergada soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo Farmaajo loogu geeyay Madaxtooyada oo haatan uu shir kula leeyahay. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo sheegay in 8-da Oday dhaqameedka ee Madaxtooyada la geeyay ay ka mid yihiin kuwa ugu saameynta badan xubnaha Gobolada Waqooyi ee maanta lagu xareeyay teendhada Afisyooni, waxuuna qorshuhu ahaa in maalinta Talaadada ah ay soo doortaan Senatarada Aqalka Sare ee Somaliland. Ergooyinka doorashada ka qeyb qaadanaya ayaa maanta la xareeyey, balse tallaabadan uu caawa Farmaajo qaaday ayaa loo arkaa mid durba carqalad cusub noqotay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato. Markii laga soo tago in guddigu musharaxiinta ku wargeliyey in dib u dhac uu ku yimid jadwalka oo berri ay baaqatay hadal jeedintii loo balansanaa, hadana guddigu waqti kale ma cayimin oo wuxuu qoraalkaan ku sheegay in dib laga soo sheegi doono goorta ay bilaabaneyso hadal jeedinta Musharaxiinta. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga. The post DEG DEG: Doorashadii oo dib u dhacday iyo shir xasaasi ah Villa Somalia uga socda Farmaajo iyo … appeared first on Caasimada Online.
  14. Guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi(Soomaaliland) ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in dib udhac uu ku yimid habraacii doorashada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo 27 september oo berri ah loo balansana in ay musharixiinta jeediyaan khudbaha. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu” ayaa lagu yiri bayaankan oo kaso baxay gudiga. GOObJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta magaalada Garoowe kula kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka ay walaac ka qabaan khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. James Swan ayaa sheegay in beesha caalamka ay rumeysan tahay in khilaafka madaxda Soomaalida uu halis ku yahay hanaanka doorashooyinka dalka ka socda. “Waxaan kala hadalnay Deni dedejinta wejiga xiga ee doorashooyinka, oo ah doorashada Golaha Shacabka. Waxaan la wadaagnay walaaca beesha caalamka ay ka qabto halisaha ay khilaafyada taagan ee u dhaxeeya madaxda qaranka kusoo rogi karaan hanaankan,” ayuu yiri James Swan oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe. Waxa uu sheegay in wafdigii uu hoggaaminayey iyo madaxweyne Deni ay isku raaceen in madaxda Soomaalida ay sii wadaan inay wada-shaqeeyaan, si ku dhisan midnimo qaran, ayna ka guuleystaan khilaafyadooda. “Waxaan dhammaan ku boorineynaa inay horey u socdaan, si ay uga dhabeeyaan ballan-qaadyadooda ah inay qabanayaan doorashooyin qaran oo la isku haleyn karo, kuna dhacwa waqtigooda, si waafaqsan heshiiska 27-ka May,” ayuu yiri James Swan. Hadalka James Swan ayaa imanaya ayada oo ay burbureen wada-hadallo u socday Farmaajo iyo Rooble, oo ay dhex-dhexaadinayeen guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Wada-hadalladaas ayaa u burburay kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in taliyaha NISA iyo wasiirka amniga laga dhigo xubno isaga daacad u ah, islamarkaana xilalka laga qaado taliye Bashiir Goobe iyo wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur. Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya inaan la baarin kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’adda NISA. The post James Swan oo ka digay halis kasoo socota khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  16. Warsaxafadeed 26/09/2021 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysa Xadhiga Siyaasiyiinta iyo Weriyaha Xidhan. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysaa inay siidayso siyaasiyiinta iyo wariyaha xidhan. Waxa 28/08/2021, laxidhay Xoghaye ku Xigeenki Warfaafinta Xisbiga UCID ee Gobolka Awdal, Saleebaan Cawaale Good, kasoo laxidhay kadib marki uu warbaahinta dhaliil u mariyey Badhasaabka Gobolka Awdal. 9/09/2021, ayaa xoghaye kuxigeenka Maxkamadda lakeenay waxaana loo jaray 45 cisho oo xabsi ku hayn ah. waxaanu hada kuxidhan yahay xabsiga weyn ee Boorama. Waxa sidoo kale 16/09/2021, laxidhay Gudoomiye ku xigeenki Gobolka Moroodijeex ee Xisbiga Wadani, Wali Cabdi Jaamac, kadib markii uu warbaahinta ka dhaliilay madax waynaha Jamuuriyadda Somaliland, Muddane Muuse Biixi Cabdi. Dhanka kale waxa 23/09/2021, laxidhay Maxamed Cabdi Cumar, oo ku magacdheer (Wadiil) kasoo ah wariye ka howlgala -SBC TV. Xadhiga wariyahani waxa uu yimid kadib markii uu warbixin ka diyaariyay Laydhka cusbitaalka degmadda Kalabaydh oo cabasho ka jirtay. Xaruntu waxay aad uga walaacsantahay, xadhiga macnodarada ah ee siibadanaya. Xadhiga siyaasiyiinta iyo wariyuhu waxa uu siweyn uga hor imanaya mabaadiida Dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Dastuurka Somaliland Qodobka 25 (1) waxa uu dhigayaa “Qofna xoriyadisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn” Sidoo kale Qodobka 32 (1) waxa ku cad oo uu leeyahay “Muwaadin kasta waxa u xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaabkale. Xaruntu waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badanle usiidayso siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo wariyaha xidhan, isla markana dhowrto oo ixtiraamto sharciga iyo Dastuurka dalka. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Hargeysa Somaliland hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
  17. I’ve been mercilessly pilloried in the past when I’ve suggested the Somali state is nonsense on stilts that should be unwound, or dismembered. I understand the patriotic jingoism and the pain my Somali brethren must feel when I utter this bitter truth. I would see red too, and curse the speaker. But facts are stubborn things. Undeniable. Source: Hiiraan Online
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii u horeysay ka hadlay warar sheegaya in ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca uu qorshenayo duulaan uu dib ugula wareegayso magaalada Dhuusamareeb oo ay hore gacanta ugu haysay. Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax welwel ah oo maamulka Galmudug uu ka qabo duulaan uga yimaada dhanka Ahlu-Sunna. “Maamulkeena dhibaato uma arko in Ahlu-Sunna ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, kuna sameystaan siyaaro, taasi oo qeyb ka ah dabacsanaanta ay muujineyso dowlad goboleedka Galmudug,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan Saraakiil Ahlu-Sunna ka tirsan oo ku sugan Galgaduud, kuna howlan yihiin arrimo la xiriira siyaarada Sheekh caan ah, islamarkaana meesha ka saaray in uu jiro duulaan iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah maamulkooda. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili ay soo baxayaan warar la xiriira in Ahlusunna ay ku howlan tahay ururinta hub iyo ciidamo, gaar ahaan deegaano ka tirsan Galgaduud. Ahlusunna ayaa dhawaan maamulka Galmudug ku eedeysay inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab oo ayagu ay kal hore ka xoreeyen deegaanadaas, lamana oga in arrintaas ay daba socoto dar-darta cusub ee ay wadaan. The post GALMUDUG oo war kasoo saartay duulaan la sheegay in uu kasoo socdo Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay dar-dar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi. Kulanka ayaa sidoo kala looga hadlay bixinta dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada gobolada Waqooyi oo muddo badan uu curyaamiyey muran hor leh. Waxaa ka qeyb-galay kulankaas Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada woqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen oo ka warbixiyey kulankaas ayaa sheegay in la isla qaatay in la dadajiyo bixinta dhaqaalaha doorashadaas. “Diiwaan-gelinta waxay noo soo gaba-gabowi doonta caawa, berrina waxaa noo bilaabmi doona khudbad jeedintii musharaxiinta, saddexda cisho ee ku xigana doorashada ayaa noo dhici doonta, meel fiican ayey wax noo marayaan,” ayuu sidoo kale yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi ee Somaliland. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi. Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland. The post R/W Rooble ‘oo billaabaya’ bixinta dhaqaale ku baxaya… appeared first on Caasimada Online.
  20. Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi Soomaaliland ka guddoomay Shahaadada murashaxnimo ee Aqalka Sare. Cabdi xaashi ayaa ku tartamaya kursiga kowaad ee 11 sanator oo Soomaaliland kuleedahy aqalka sare, hase ahaate waxa xusid mudan inaysan cidina kula tartamayn. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  21. Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa goordhaweyd soo galay magaalada Gaowe, kadib markii Puntland tuulada Sin-ujiif kaga reebtay gaadiid ciidan oo la socday. Wasiirka Jamaal muddo saacad ah xanibnaa ayaa gaadiidka ciidanka reebay markii ay wadahadleen Taliye ku xgeenka ciidanka Booliska Puntland Gen. Caydiid Axmed Nuur oo isku deegaan ka soo wada jeedaan. Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa hadda waxaa amnigiisa la wareegay ciidamo ka tirsan Booliska Puntland. Waxaa xusid mudan in ciidamada laga reebay Wasiir Jamaal ay yihiin kuwo ka tirsan Puntland oo markii hore ka kaxeeyay Garowe. Puntland ayaa intii Wasiir Jamaal ku xanibnaa Sin-ujiif soo saartay go’aan ay musharaxiinta u tartamaya doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaga mamnuucday in ay isticmaalaan gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah. Go’aanka Puntland ayaa dadka qaarkii u arkaan mid siyaasadeysan oo loola dan’ lahaa Wasiir Jamaal oo Puntland ku jooga olole uu ku doonayo in uu mar labaad ka mid noqdo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir Jamaal oo soo galay Garowe, kadib markii laga reebay ilaalo uu watay appeared first on Puntland Post.
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa goordhoweyd gudaha u galay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii laga reebay ilaaladii la socotay. Wasiir Jamaal ayaa watay kolonyo ciidamo ah oo galbinayay, taasi oo keentay in muddo ku dhow saacad ku xanibnaado duleedka magaalada Garoowe, sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online. Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar deg deg ah oo gebi ahaanba lagu joojinayo in musharaxiinta Golaha Shacabka aysan isticmaali karin gaadiid gaashaman iyo ciidan ilaalo intaba. “Iyadoo laga duulayo waajibaadka joogtada ah ee adkeynta amniga Dowladda Puntland, lana tixgalinayo xaalada ololaha qabsoomida doorashada Golaha Shacabka ee heer federal iyo doorashooyinka dowladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, waxay Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Puntland ku wargelinaysa musharaxiinta inaysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah toona,” ayaa lagu yiri waraaq wargelin amar ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Puntland. “Qofkii sababo gaar ah uga maarmi waaya ilaala wuxuu lasoo xiriiriya Taliyaha Booliska Puntland. Haddaba waxaa dhamaan la farayaa laamaha amniga fulinta awaamiirtan iyo gudashada waajibaadkooda.” Amarka Musharaxiinta ay Puntland uga maamnuucayso ilaalada iyo gaadiidka gaashaman ayaa imanaya un kadib markii Wasiir Jamaal lagu xanibay duleedka Garoowe. Maamulka Puntland ayaa kal hore ku eedeyay Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka in uu abaabulayey kacdoon bulsho, kadib markii ay si weyn u faafeen warar sheegaya in la kala ceyriyay dad kusoo dhaweynayay garoonka Garoowe. The post Wasiir Jamaal oo laga reebay ilaaladiisa iyo amar culus oo kasoo baxay Puntland appeared first on Caasimada Online.
  23. PRESS RELEASE UNGA 2021: The World has the Resources to End Hunger, African Development Bank Head tells UN Food Systems Summit The welfare of the 70% of Africa’s population working in agriculture and agribusiness is a barometer of the state of the continent’s health ABIDJAN, Ivory Coast, September 26, 2021/ — “The world has the resources to end hunger,” African Development Bank President Dr. Akinwumi A. Adesina (www.AfDB.org) said in a message on the first day of the United Nations Food Systems Summit. Convened by UN Secretary General António Guterres, the event is billed by its organisers as “a historic opportunity to empower all people to leverage the power of food systems to drive our recovery from the COVID-19 pandemic and get us back on track to achieve all 17 Sustainable Development Goals (SDGs) by 2030.” The summit brings together thousands of youths, food producers, members of civil society, researchers, the private sector, women and indigenous people, all of whom are participating both physically and virtually in the summit. It is taking place on the sidelines of the 76th UN General Assembly in New York. In his opening address, Guterres said the participants represented “energy, ideas and the willingness to create new partnerships,” and was a time to celebrate the dignity of those who produce and create the world’s food. Decrying the 246 million people in Africa who go to bed daily without food and the continent’s 59 million stunted children as “morally and socially unacceptable,” Adesina said that delivering food security for Africa at greater scale called for prioritising technologies, climate and financing. “The $33 billion per year required to free the world of hunger, is just 0.12% of $27 trillion that the world has deployed as stimulus to address the Covid-19 pandemic. I am confident that zero hunger can be achieved in Africa by 2030,“ Adesina said. The African Development Bank’s Feed Africa Strategy, through its Technologies for African Agricultural Transformation program – widely known as TAAT – has provided 11 million farmers across 29 African countries with proven agricultural technologies for food security. Food production has expanded by 12 million metric tons while saving $814 million worth of food imports. “We are well on our way to achieving our target of reaching 40 million farmers with modern and climate-resilient technologies in the next five years,” the African Development Bank chief added. At a meeting on food security in Africa organized by the Bank and the International Fund for Agricultural Development (IFAD) earlier this year, 19 African heads of state called for the establishment of a facility for financing food security and nutrition in Africa. “The Facility for Financing Food Security and Nutrition in Africa should be capitalized with at least $ 1 billion per year,” Adesina said. The welfare of the 70% of Africa’s population working in agriculture and agribusiness is a barometer of the state of the continent’s health. “If they aren’t doing well, then Africa isn’t doing well,” Rwandan president Paul Kagame said in a message at the official opening. The many other heads of state and government who spoke on Thursday included, Prime Minister Mario Draghi of Italy, President Felix Antoine Tshisekedi of the Democratic Republic of Congo, Prime Minister Sheikh Hasina of Bangladesh and Prime Minister Jacinda Arden of New Zealand. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  24. GAROWE (HOL) - Allow Prime minister Mohamed Hussein Roble to spearhead the implementation of the electoral process including key election security arrangements in accordance with 27 May poll agreement, Puntland leader, Saed Abdullahi Deni told outgoing president Mohamed Abdullahi Farmaajo. Source: Hiiraan Online