Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta ku guuleystay mid kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan guushii uu maanta ka gaaray tartankii doorashada iyo sida ay ku timaaday. Wasiir Dubbe ayaa sheegay inuu kursigaan u galay tartan adag, taas oo keentay inuu guushaan gaaro, isagoo u mahadceliyey dadkii ku taageeray inuu gaaro guushaan. “Waxaan galnay kaambeyn aad u weyn, xilligaan aan idinla hadlaayo laba maalmood iyo laba habeen waan soo jeeday oo ma jiifan, sidaan oo kale ayaa la rabaa in kuraasta loogu tartamo oo la iska dhaafo malxiis,” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo ay ka muuqatay farxad aad u weyn. Wasiir Cusmaan Dubbe oo cadaadis xoog leh kala kulmayey Villa Somalia oo taageero u aheyd musharixii la tartamay ayaa sheegay inuu ogyahay qof kasta oo kala shaqeeyey inuu kursiga helo iyo midkii diidanaa intaba. “Waxaan ballaan qaadayaa in afarta sano ee xilkaan la ii doortay aan Shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaan sidoo kale u adeegi doonaa shacabka gobollada aan ku metelo baarlamaanka,” ayuu yiri Senator Dubbe. Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa doorashadaan uga guuleystay Cabdikariin Maxamed Xasan oo ahaa musharaxii kula tartamay kursiga, kaas oo helay 17-cod, halka Dubbe uu ku soo baxay 28-cod, Cabdikariin waxaa la sheegay inay wadatay Villa Somalia oo maalmahaan dambe aysan isku wanaagsaneyn Cusmaan Abuukar Dubbe. Hoos ka daawo hadal jeedintii Dubbe guushiisa kadib The post Dubbe: Laba maalin iyo laba habeen ma jiifan + Video appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta ku guuleystay mid kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan guushii uu maanta ka gaaray tartankii doorashada iyo sida ay ku timaaday. Wasiir Dubbe ayaa sheegay inuu kursigaan u galay tartan adag, taas oo keentay inuu guushaan gaaro, isagoo u mahadceliyey dadkii ku taageeray inuu gaaro guushaan. “Waxaan galnay kaambeyn aad u weyn, xilligaan aan idinla hadlaayo laba maalmood iyo laba habeen waan soo jeeday oo ma jiifan, sidaan oo kale ayaa la rabaa in kuraasta loogu tartamo oo la iska dhaafo malxiis,” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo ay ka muuqatay farxad aad u weyn. Wasiir Cusmaan Dubbe oo cadaadis xoog leh kala kulmayey Villa Somalia oo taageero u aheyd musharixii la tartamay ayaa sheegay inuu ogyahay qof kasta oo kala shaqeeyey inuu kursiga helo iyo midkii diidanaa intaba. “Waxaan ballaan qaadayaa in afarta sano ee xilkaan la ii doortay aan Shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaan sidoo kale u adeegi doonaa shacabka gobollada aan ku metelo baarlamaanka,” ayuu yiri Senator Dubbe. Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa doorashadaan uga guuleystay Cabdikariin Maxamed Xasan oo ahaa musharaxii kula tartamay kursiga, kaas oo helay 17-cod, halka Dubbe uu ku soo baxay 28-cod, Cabdikariin waxaa la sheegay inay wadatay Villa Somalia oo maalmahaan dambe aysan isku wanaagsaneyn Cusmaan Abuukar Dubbe. Hoos ka daawo hadal jeedintii Dubbe guushiisa kadib The post Dubbe: Laba maalin iyo laba habeen ma jiifan + Video appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta sawiro laga qaaday qaar kamid ah ergada Somaliland ee soo dooraneyso Xildhibaanada Aqalka sare ku metelaya Gobolada Waqooyi Baarlamaanka Soomaaliya. Sawiro laga soo qaaday qaar ka tirsan ergada ayaa muujinaya shaqsiyaad kamida kuwa codeynaya oo soo xirtay dhowr Af-Saab (Face-Mask) kaasoo daboolay inta badan wajiga ilaa madaxa taasoo keentay in fasiraad kala duwan laga bixiyo sababta ku kaliftay. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay falka ay sameeyeen qaar ka tirsan ergada Somaliland inay tahay cabsi ku aadan in goobta ay joogaan ergo aanu kasoo jeedin Somalialnd, sidaasna loo qariyay wajiyadooda si aan loo aqoonsan. Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan kadib ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan deegaanada Somaliland ayna jirto walaac ku aadan in hadii lagu arko ka shaqeynta arrimaha doorashada Soomaaliya xabsiga loo taxaabo. Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inay ka go’day Soomaaliya ayaa dhawaan mar kale shaacisay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada ka socoto Soomaaliya. Sidoo kale, dadka qaar ayaa falkaan ku tilmaamay in ay jiri karaan cabsi dhinaca ammaanka ah oo laga cabsanayo in Al Shabaab ergadan beegsadaan hadii wajiyadooda la aqoonsado. Ururka Al-Shabaab ayaa horey u toogtay qaar ka tirsan ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday, waxayna dhawaan ku hanjabtay inay beegsan doonto cid kasta oo ka qeybgasho doorashada Soomaaliya. The post Sawirro: Maxaa lagu fasiray arrintii yaabka laheyd ee ay sameeyeen ergadii dooratay Senator-ada SOMALILAND? appeared first on Caasimada Online.
  4. MOGADISHU (HOL) - Six out of the 11 senators for Somaliland were today elected in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Maxamuud Dubbe ayaa ku guuleystay doorashadii Aqalka Sare ee kursigii uu maanta ku tartamay, saacado kadib markii lagu soo qaaday dagaal xooggan. Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka adkaaday Cabdikariin Maxamed Xasan, isaga oo helay 28 cod, halka uu Cabdikariin Maxamed Xasan helay 17 cod. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacdihii ugu dambeeyey wadday dagaal culus oo ku xaqiijineyso in Dubbe looga adkaado doorashada Aqalka Sare, kadib markii labada dhinac ay siyaasad ahaan kala jeesteen. Dubbe, oo mar saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, islamarkaana dartiis u aflagaadeeyey dowlado ay ka mid tahay Jabuuti, shacab, siyaasiyiin iyo hooyooyin Soomaaliyeed, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey ka furtay kuna xirtay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay Farmaajo is-hayaan. Sida aan xogta ku helnay, Dubba ayaa dhanka Rooble ugu wareeegay saddex sabab oo kala ah:- 1 – In Rooble uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka, islamarkaana xilliga uu doono uu xilka ka qaadi karo, ama hoos ugu dhigi karo wasiir ku-xigeen. 2 – Inuu garowsaday in awoodda dowladda, gaar ahaan dhaqaalaha uu ka baxay gacanta Farmaajo, oo ra’iisul wasaaraha uu si buuxda hadda u maamulo. 3 – In Rooble uu gacanta ku hayo maamulka doorashada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, sidaas darteedna caqabad ku noqon karo hamigiisa senator, isaga oo ka shaqeyn karay inaan lagu soo darin liiska musharaxiinta. Dubbe ayaa markii uu ku biiray xulufada Rooble wuxuu qaaday tallaabooyin ka dhan ah Farmaajo, isaga oo qoraallada kasoo baxa Villa Somalia ee la xiriira siyaasadaha ay isku hayaan Rooble, ka mamnuucay warbaahinta dowladda, taasi oo aad u bah-dishay Farmaajo. Isaga oo ka aargudanaya ayuu Farmaajo qaaday loolan xooggan oo ka dhan ah Dubbe, wuxuuna dhowr habeen ka hor madaxtooyada kula kulmay odayaal reer Somaliland ah, isaga oo kala hadlay inay kala shaqeeyaan in Dubba looga adkaado doorashada. Madaxtooyada ayaa saacidihii ugu dambeeyey aad u xoojisay, islamarkaana taageero u raadisay Cabdikariin Maxamed Xasan, kuna bixisay dhaqaale sidii uu u guuleysan lahaa, hase yeeshee dadaalladaas ayaa meel cidlo ah ku dhammaaday. Guul-darrada Villa Somalia ee kursiga Dubbe, waxaa uga sii horeeyey kursigii Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo isna ay ku taageertay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, balse looga adkaaday. Prof. Samatar ayaa afartii sano ee uu Farmaajo ahaa madaxweyne, wuxuu si aad ah u dhaliili jiray siyaasadaha Farmaajo ee xoog sheegadka iyo kali-talisnimada, waxaana Villa Somalia ka go’neyd in maanta laga adkaado. Hase yeeshee, dhaqaalihii ay Villada ku bixisay Allabari ayaa goyn waayey codad looga adkaaday, si la mid ah sidii ay wax u tari weysay lacagtii lagu bixiyey in laga guuleysto Dubbe. Sidoo kale, afarta kursi ee kale, ee maanta lagu doortay Afisyoone, ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Xaashi Cabdllaahi, Layla Axmed Ismaaciil, Saalax Axmed Jaamac iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi. Marka laga reebo wasiir Saalax, saddexda Senator ee kale, waa kuwa aan raacsaneyn Villa Somalia. Inkasta oo wasiir Saalax lagu tiriyo dhanka Farmaajo, haddana waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay dhex-dhexaad. Doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Muqdisho iyo maamul goboleedyada waxaa lagu xusuusan doonaa in Villa Somalia ay aad ugu jabtay, waxaana illaa hadda la ogyahya kaliya saddex Senator oo taageersan inay kusoo baxeen. The post Sidee u fashilmay dagaalkii Villa Somalia ay ku qaaday Dubbe iyo Prof. Samatar? appeared first on Caasimada Online.
  6. Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga Lixaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Kursiga Lixaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Bilaal Idiris Cabdilaahi iyo Saynab Axmed Boqore. Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Bilaal Idiris Cabdilaahi oo helay 37 halka Saynab Axmed Boqore ay heshay 8 cod. Waxaa sidaas kursiga Afaraad ee doorahada Aqalka sare ee Somaliland ku soo baxay Bilaal Idiris Cabdilaahi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga Shanaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Kursiga Shanaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Maxamed Maxamuud Cabdi iyo leylo Axmed Ismaaciil. Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cismaan leylo Axmed Ismaaciil, kadib markii uu u tanaasulay musharax Maxamed Maxamuud Cabdi. Waxaa sidaas kursiga Shanaad ee doorahada Aqalka sare ee Somaliland ku soo baxay leylo Axmed Ismaaciil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd soo dhamaatay doorashada Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi, taasi oo ay ku baxeen mas’uuliyiin hore loo sii ogaa iyo kuwa ay loolan adag la gashay Villa Somalia. Kursiga 1-aad: Waxaa loo doortay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland. Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi. Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare. Kursiga 2-aad: Waxaa ku soo baxay oo ku guuleystay Saalax Axmed Jaamac, waxaana tartamay Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibrahim Iidle Suleymaan. Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa Kursiga 2-aad ku helay codad gaaraya 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu helay 12 cod. Kursiga 3-aad: Waxaa loo doortay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxaana kula tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, oo asagu ku haray wareega 1-aad. Wareega labaad ee doorashada oo ay isku soo hareen Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari ayaa waxa uu helay Prof Samatar 25 cod, halka 21 Cod uu helay musharaxa la tartamayey. Kursiga 4-aad: Waxaa loo doortay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, waxaana kula tartamayey Cabdikariin Maxamed Xasan, wuxuuna kaga guuleystay Dubbe 28 cod, halka uu musharaxa kale helay 17 cod. Dubbe ayaa loolan adag kala kulmay Cabdikariin Maxamed Xasan oo ay wadatay Villa Somalia, si looga adkaado doorashada Dubbe oo muddooyinkii dambe ay aragti ahaan sii kala fogaadeen. Kursiga 5-aad: Waxaa ku guuleysatay Leylo Axmed Ismaaciil, waxaana la tartami lahaa Maxamed Maxamuud Cabdi oo markii dambe u tanaasulay Leylo, waxayna cod gacan taag ah ku heshay 30 cod, halka ay 6 kalena ka aamuseen. Kursiga 6-aad: Bilaal Idiris Cabdilaahi ayaa ku guuleystay kursigaas oo asagu horey ugu fadhiyay, wuxuuna helay codad gaaraya 37 cod. Waxaa kula tartamayey Bilaal kursigaan Seynab Axmed Boqore oo ayadu heshay 8 cod oo keli ah. Doorashada maanta ayaa lagu soo afmeeray doorashada Lixdaas Senator, waxaana loo ballamay oo dhiman shan kursi oo kale, kuwaasi oo kamid ah 11-ka Kursi ee gobollada Waqooyi ee ku metala Aqalka Sare. Marka laga reebo wasiir Saalax, lixda Senator ee kale ayaa ka koobnaa kuwa ay dagaal la gashay Villa Somalia sidii looga guuleysan lahaa, balse ay ku fashilantay, kuwaasi oo kala ah Dubbe iyo Prof. Samatar. Iyo kuwa aysan dagaal la gelin balse aan raacsaneyn, oo kala ah, Bilaal, Layla iyo Cabdi Xaashi. Inkasta oo wasiir Saalax lagu tiriyo dhanka Farmaajo, haddana waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay dhex-dhexaad, taasi oo ka dhigan in madaxtooyada ay gacmo maran maanta kala noqotay Afisyoone. Doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Muqdisho iyo maamul goboleedyada waxaa lagu xusuusan doonaa in Villa Somalia ay aad ugu jabtay, waxaana illaa hadda la ogyahya kaliya saddex Senator oo taageersan inay kusoo baxeen. The post Lix Senator oo maanta lagu doortay AFISYOONE – Maxay ka heshay VILLA SOMALIA? appeared first on Caasimada Online.
  9. Jaamac Abokor Dubbe: Xildhibaaan katirsan Baarlamanka Somaliland. Cismaan Abokor Dubbe: Xildhibaaan katirsan Baarlamanka Soomaaliya. Waa laba Xildhibaan oo Walaalo ah Qaran News
  10. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga 3aad ee xildhibaannadda Aqalka Sare ee ka imanaya Somaliland. Kursigan oo tartan adag ay u wada galeen Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Alle-bari ayaa waxaa wareegii labaad ku guuleystay 25 cod Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuikar Dubbe ayaa ku guuleystay kursiga 4aad Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Waqooyi ee Somaliland. Leyla Axmed Ismaaciil ayaa iyaduna ku guuleystay kursiga 5aad, Layla Axmed Ismaaciil waxaa u tanaasulay Maxamed Maxamuud Cabdi. Kursiga 6-aad Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland waxaa ku guuleystay Bilaal Idiris Cabdullaahi oo horay ugu fadhiyay, isagoo wareegii koowaad helay 37 Cod, halka Seynab Axmed Boqore oo la tartamaysay ay heshay 8 cod. Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta qorshuhu ahaa in la doorto lix kursi ayaa la soo gabagabeeyay. PUNTLAND POST The post Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Wasiir Dubbe oo kamid noqday Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  11. My name is Ibrahim Hassan Gagale hailing from Somaliland. I strongly oppose any reunion with Somalia because unity has no value in Africa for seeing the disastrous 30 year-old union. Africa has become the continent of tribalism, tyrannical dictatorships and corruption that lead to constant, endless civil wars that obliterate the future of generations since 1960. So, unions or federal systems are not practical and viable. Source: Hiiraan Online
  12. Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga Afaraad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Kursiga Afaraad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Cabdikarin Maxamed Xasan iyo Cismaan Abuukar Dubbe. Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo helay 28 cod , halka uu Cabdikariin Maxamed Xasan uu helay 17 cod. Hadaba Waa Kuma Cismaan Abuukar Dubbe ? Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee Gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sarena waxa uu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare ee dagmada Hodan, ee magaalada Muqdisho. Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo. Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa suxufi iyo tafatire ka hawl-gala wargeysyada Somaliland. October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma. June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science). September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horreeyey xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la odhan jirey Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaas. Sanadihii uu Professor-ku joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha immigrationka, sidoo kalena wuxu kaaliye ka noqday cilmi-baadhis mug weyn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waaweyn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tira badan yahay ee UK. Isla xiliyadaasna (2003-2005) Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jirey jariirad la odhan jirey Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, waxaanu Internetka iyo wargeysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah ugu soo baxay oo cinwaankoodu ahaa Badweynta Nolosha. September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London) Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow ka’ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii weynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxaanu noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayey hoggaaminta Xisbiga Hanoolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga. December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii. Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sanadihii 2014 iyo 2015. Muddadaas uu ku shaqaynayey khabiirka wuxu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Somaliland iyo ka Federaalka. Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macalin jaamacadeed. Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macalinimo ku tegey jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu muxaadooriyin cilmi oo waaweyn ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University oo ku yaal Muqdisho. Hogaamiye Cismaan wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya Qaladaadkii Siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka Qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Professorku hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool). Professsor Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020 Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo lagu heshiiyey in aan doorashada 2021 lagu gelin Xisbiyo. Prof Osman Abokor wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga Beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan. Waxaanu Professorku ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. My name is Ibrahim Hassan Gagale hailing from Somaliland. I strongly oppose any reunion with Somalia because unity has no value in Africa for seeing the disastrous 30 year-old union. Africa has become the continent of tribalism, tyrannical dictatorships and corruption that lead to constant, endless civil wars that obliterate the future of generations since 1960. So, unions or federal systems are not practical and viable. There are nearly 17 Arab countries (White Arabs) who share Religion, language, culture, tradition, customs and color but they disagree to share union or even federal system. Similarly, Somaliland Republic and Federal Somalia cannot be forced to share union or federal system again if one side does not want it because it is not survivable. No body knows if Greater Somalia (Somaliwein) and Greater Arab will ever become a true dream. Those who argue that a union between Somaliland Republic and Federal Somalia is sacred or inevitable is not true. A union or federal system between countries (two or more) can end or be dissolved at any time if the sides sharing it disagree to continue sharing it like Federal Somalia and Somaliland Republic (1960-1991), Senegal and Gambia (1982-1989), Egypt and Syria (1958-1961) etc. But the unity within a country whose nation shares independence, flag, colonial history and borders is sacred like Somaliland, Djibouti, Somalia, Tanzania, Zambia etc. and it’s territorial and national integrity are inviolable and indivisible. The Somalilanders who are elected in Federal Somalia to the federal parliament and cabinet of Somalia represent Somaliland community in Somalia that elects them. They do not represent Somaliland Republic or its people because they are not elected in Somaliland by Somaliland people. Even though I adamantly oppose any reunion between Somaliland Republic and Federal Somalia, I am personally committed to do whatever I can do for the people of Somalia and help them defeat the current tribal dictatorship of Farmajo to restore democracy and people’s government in Somalia because we share many undeniable things such as Religion, language, culture, tradition, color etc like Arabs and we have common enemy and common interest. Dictatorship is a mental terminal disease for some people who lack faith, conscience and moral values. Their personal ego and tribal interest come before national interest that would promise successful life and future for a country. Dictators usually drive nations to hopelessness and civil wars. Somalia needs no more tribal dictatorship that sets back the clock of progress and brings death and destruction again as Siad Barre did it for 21 years. A dictatorship that embraces or endears the mortal enemy of all Somalis in the Horn of Africa is both dangerous and treasonous. Like many intellectuals, I cannot watch passively another tribal dictatorship developing in Mogadishu that undermines the future of it’s children and destroys the hope of a nation, stealing its bright future again. Allah, SWT, defeats the tyranny, oppression and injustice, He is the Guardian of Muslim nations and supports those who fight and reject tyrants. When people sacrifice their lives to defeat tyranny, they secure better future and freedom for their children and for future generations. I pray for the people of Somalia and wish them victory over the current tyrant. Ibrahim Hassan Gagale ibrahim_hg@yahoo.com Qaran News
  14. Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga Afaraad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Kursiga Afaraad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Cabdikarin Maxamed Xasan iyo Cismaan Abuukar Dubbe. Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo helay 28 cod , halka uu Cabdikariin Maxamed Xasan uu helay 17 cod. Waxaa sidaas kursiga Afaraad ee doorahada Aqalka sare ee Somaliland ku soo baxay Cismaan Abuukar Dubbe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilka ka qaaday Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA Cabdulqaadir Cali Xirsi. Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa maalin ka hor qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dhaqaalihii iyo shaqadii hay’addaas ay si sharci-darro ah ula wareegtay wasaaradda Maaliyadda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa hay’adaas si kumeel gaar ah ugu magacaabay guddoomiye ku xigeenkii Cabdirisaaq Maxmed Xayir oo isagu ka horyimid eedeynta guddoomiyaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday mas’uul eedeyn u jeediyay Wasaaradda Maaliyadda appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd soo dhamaatay doorashada Kursiga Saddexaad ee kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana loo doortay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar. Kursiga 3-aad ayaa waxaa ku tartamayey Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar, Cabdiraxmaan Cismaan Cali iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali oo asagu ku haray wareega 1-aad. Wareega labaad ee doorashada oo ay isku soo hareen Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari ayaa waxa uu helay Prof Samatar 25 cod, halka 21 Cod uu helay musharaxa la tartamayey. Waxaa billaabaneysa goordhow doorashada Kursiga 4aad, kaasi oo ay ku tartami doonaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo Cabdikariim Maxamed Xasan. Sidoo kale waxaa kursiga 2aad oo ay ku tartamayeen Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibrahim Iidle Suleymaan, ku guuleystay Saalax Axmed Jaamac. Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa Kursiga 2aad ku helay codad gaaraya 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu helay 12 cod. Sidoo kale waxaa goor sii horeysay, Kursiga 1aad loo doortay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland. Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi. Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare. The post DEG DEG: Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo loo doortay Senator Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  17. Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga seddaxaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Kursiga seddaxaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Prof Cabdi Ismaaciir Samatar, Prof Maxamed Maxamud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Cali. Doorashada oo leysla dhaafi waayay wareegga Koobaad ayaa waxaa loo gudbay wareegga labaad, markii ay soo dhamaatay tirinta codadka wareegga labaad ayaa lagu dhawaaqay natiijada. Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo helay 24 cod , halka uu Prof Maxamed Maxamuud uu helay 21 cod. Waa Kuma Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Taariikhda Prof. Cabdi Samatar waa 59 jir ku dhashay magaalada Gebiley ee waqooyi galbeed, ee Somaliland. Xagga waxbarashada, cilmiga waxbarashada ayuu ka bartay University of Wisconsin–La Crosse, cilmiga qorshaha magaalooyinka ayaa waxaa uu ka diyaariyey Masterka Jaamacadda Iowa State halka PhD uu ka dhigtay UC Berkeley. Hadda waxaa uu Geography ka dhigaa University of Minnesota, cilmi baarana ka ah University of Pretoria, buugaag badan ayuu qoray waxaa ka “Africa’s First Democrats’. Prof. Samatar waxaa uu caan ku yahay falanqeynta siyaasadda, isaga horay qeyb ka ahaa doorashada, noqdana guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo hufnaanta, maanta waxaa loo doortay Senator baarlamaanka 11-aad. Source: goobjoog.com
  18. Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga seddaxaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Kursiga seddaxaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Prof Cabdi Ismaaciir Samatar, Prof Maxamed Maxamud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Cali. Doorashada oo leysla dhaafi waayay wareegga Koobaad ayaa waxaa loo gudbay wareegga labaad, markii ay soo dhamaatay tirinta codadka wareegga labaad ayaa lagu dhawaaqay natiijada. Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo helay 24 cod , halka uu Prof Maxamed Maxamuud uu helay 21 cod. Waxaa sidaas kursiga Seddaxaad ee doorahada Aqalka sare ee Somaliland ku soo baxay Prof Cabdi Ismaacil Samatar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada xubnaha kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland oo maanta si rasmi ah uga billaabatay xerada teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayaa goordhoweyd lagu doortay Senator-kii labaad. Kursiga 2aad oo ay ku tartamayeen Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibrahim Iidle Suleymaan, ayaa waxaa ku guuleystay Saalax Axmed Jaamac. Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa Kursiga 2aad ku helay codad gaaraya 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu helay 12 cod. Waxaa billaabaneysa goordhow doorashada Kursiga 3aad, kaasi oo ay ku tartamayaa Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waana mid isha lagu wada hayo oo saameyn xooga leh. Sidoo kale waxaa goor sii horeysay, Kursiga 1aad loo doortay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland. Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi. Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare. The post DEG DEG: Senator-kii labaad oo lagu doortay Afisyoone appeared first on Caasimada Online.
  20. Kursiga 1aad ee xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Cabdi Xaashi ayaa helay 44 cod cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Saciid Cumar Xuseen. Dhanka kale Saalax Axmed Jaamac wasiirka Dastuurka XFS ayaa ku guuleystay kursiga 2aad ee xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Somaliland. Saalax ayaa la tartamay Ibraahim IIdle Suleymaan guddoomiyii hore ee Maxkamadda sare ee dalka, wuxuuna kaga guuleystay 29 cod, halka Ibraahim Iidle Suleymaan helay 12 cod. Weli waxaa socota doorashada Aqalka Sare gobolada Waqooyi (Somaliland). PUNTLAND POST The post Cabdi Xaashi iyo wasiirka ka tirsan xukuumadda Rooble oo ka soo baxay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland appeared first on Puntland Post.