-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Arusha (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka ku saabsan kulanka la qorsheynayo inuu dhex-maro madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kadib markii uu shalay madaxweynaha Kenya uu shaaciyay inay ka shaqeynayaan wada-hadalka labada dal. Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka la qorsheynayo in la’isugu keeno labada hoggaamiye, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso dadaallo ay wadaan madaxa Geeska Afrika. “Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Danjiruhu. Ilyaas ayaa sidoo kale ku celiyay in weli aanus isbeddalin mowqifka Soomaaliya ee ku aadan in marka hore ay Itoobiya ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland. “Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Ilyaas. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in dhanka Itoobiya ay ka socon la’dahay arrintu, isla markaana aysan daacad ka ahayn wada-hadalka. “Dhamaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinka lagu dhammeeyo way miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya” ayuu sii raaciyay. Ma cadda xilliga uu qabsoomi doono kulanka labada hoggaamoye ee uu xaqiijiyay madaxweyne Ruto, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo foolka fool ah oo ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii uu soo baxay khilaafkooda ku aadan badda.
-
Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni. Ciidankaan ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Axmed Madoobe oo dhawaan dowladda Soomaaliya Waaran soo qabasho ah ay u jartay ayna diyaar u yihiin la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidankaan ayaa isku diyaarinaya dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah deegaanada maamulka Jubbaland. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kordhay Ciidanka kasoo goosanaya maamulka Jubbaland ee ku biiraya ciidanka dhawaan ay geysay dowladda Soomaaliya deegaanka Raaskambooni. Maamulka Jubbaland ayaa horay dowladda Soomaaliya ugu eedeeyay in ay qalqalgalin amni ka waddo deegaanada Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo qoys Soomaali ah ku qabsatay gudaha magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, kadib markii iyaga oo wada dhintay loogu dhex tegay gurigooda. Qoyskan oo ka koobnaa illaa lix qof ayaa dhammaantood geeriyooday, kadib markii ay ku qabatimeen gaas yiilay gurigooda oo ay ka seexdeen isaga oo furan. Wararka ayaa sheegaya in qoyskan la waayey warkooda maalintii Khamiista ahady, kadibna Sabtidii shalay maydadkooda laga helay gurigooda oo ku yaalla caasimada Masar. Mid kamid ah ehellada marxuumiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo tirada koobnaayeen dadka dhintay oo isugu jiray carruur iyo dad waa weyn. “Lixda qof waxa ay kala ahaayeen odey, wiil uu dhalay, gabar uu dhalay iyo inantu laba wiil oo ay dhashay iyo ninkii inanta qabay” ayuu yiri mid kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta. Sababta waxa kuu sheegay inay tahay gaaska oo guriga ku furmay, isla-markaana baaritaannada la sameeyay ay ku ogaadeen. “Geerida waxaa sababtay gaaska oo furan ayay ka seexdeen, dowladda Masar way timid waa la baaray, waxa sababay waxaa la ogaaday inay gaaska tahay oo guriga ku furmay” ayuu mar kale yiri. Booliska Masar ayaa sidoo kale ku howlan dhacdadaan, wuxuuna sii wadaa baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi oo si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta.
-
Sparking inter-clan conflict has been a strategy the outgoing President of Somaliland Administration Muse Bihi Abdi attempted to use to delay presidential elections. He has not expressed commitment to the 1995 Ceerigaabo Agreement. Ceerigaabo (PP Report) — For the past two weeks, Ceerigaabo, the administrative capital of Sanaag, has experienced targeted attacks and looting against a segment of its population. The district had until recently been spared the conflict in Sool and parts of Togdheer, but since the defeat of the incumbent Somaliland President Muse Bihi Abdi in 2024 presidential elections, naked hostility and blatant violence against Harti populations have become commonplace in the administrative capital district of Sanaag. Sparking inter-clan conflict has been a strategy Bihi attempted to use to delay presidential elections, starting with the establishment of Sool, Sanaag and Buuhoodle (SSB) militias in Qorilugud in October 2023. Last week, in the presence of authorities, looters associated with Bibi’s government targeted Harti-owned businesses and killed several people in Ceerigaabo. West Burco Clan traditional leaders in Hargeisa disassociated themselves from acts of violence and looting committed by “our people.” This sentiment helped calm the situation but also highlighted a breakdown of political order in Ceerigaabo. The outgoing Somaliland administration led by Bihi Abdi has neither vowed to protect civilians nor demonstrated any commitment to the 1995 Ceerigaabo Agreement, which was facilitated by the late Somaliland President Mohamed Ibrahim Egal to foster peaceful co-existence and respect for property rights. Elders from Laascaanood deferred to Ceerigaabo authorities, who, as one elder stated last week, “have the responsibility to protect the rights of citizens who are victims of looting and organised political violence.” The Sool, Sanaag, Cayn and Khaatumo (SSCK) administration called on the international community to urge Somaliland authorities in Ceerigaabo to curb organised political violence against people represented by the SSCK interim administration. The SSCK administration is preparing a dossier on the violence and looting in Ceerigaabo to assess the impact of displacement, loss of life and economic harm caused by the politically motivated targeted attacks. © Puntland Post, 2024 The post The outgoing Somaliland President “Fuels Targeted Attacks in Ceerigaabo” appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan ayaa caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifka dowladda Soomaaliya ee Ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Qoraal uu soo saaray danjire Ilyaas Cali Xasan ayuu ku sheegay in aan waxba isbeddelin mowqifka dowladdu ku ilaalinayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. “Mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri danjire Ilyaas Cali Xasan. Dhinaca kale, safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhaweynayso dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. “Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” ayuu sii raaciyay Ilyaas. Safiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhammaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinta lagu dhammeeyo ay miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya. Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii madaxweynaha Kenya sheegay in la kulan siinayo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, si loo yareeyo xiisadda ka jirta gobolka ee ka dhalatay is afgaradkii badda ee Itoobiya iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku celisay in aysan Itoobiya la kulmayn ilaa ay ka laabato is afgaradkii badda appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil, islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug. “Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade. Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug. Hase yeeshee, eedeymaha Puntland ayaa la rumeysan yahay in ay tahay mid ay ka dambeyso siyaasad la isku qabtay oo markii dambe isu bedeshay cadaawad kadib markii Garoowe looga adkaaday dagaalka siyaasadeed. Puntland ayaa hadda sidoo kale la safan Jubaland oo ay is-hayaan dowladda federaalka, waxaana sidoo kale siyaasiyiinta Garoowe ay riixayaan SSC-Khaatumo si ay ugu soo biirto isbahaysigooda, si khilaafka siyaasadeed loogu rogo mid qabiil.
-
Lix qof oo Soomaali ah, oo isku qoys ahaa, ayaa meydkooda laga helay guri ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada Qaahira sida ay xaqiijiyeen Booliska. Wararka qaar ayaa sheegaya in qoyskan u geeriyoodeen gaaska dabka ee guriga ka dib markii naqaska uu ku dhegay. Falkan murugada leh ayaa dhacay maalintii Khamiistii, markii ay xubnaha qoysku neef qabatimeen, taasoo sababtay in ay u dhintaan sunta ka dhalatay gaaska. Booliska dalka Masar ayaa ku qasbanaaday inay guriga jebiyaan si ay u galaan, maadaama uu xirnaa. Dhamaan xubnaha qoysku waxay si lama filaan ah ugu naf waayeen shilkan nasiib darrada ah. Ciidamada ammaanka ayaa hadda wada baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan si ay u xaqiijiyaan sababaha dhabta ah ee keenay geeridan xanuunka leh. Natiijada baaritaanka ayaa la filayaa inay iftiimiso waxyaabaha ku gadaaman falkan murugada leh. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Somali government has drawn a red line in its dealings with Ethiopia, insisting that Addis Ababa's controversial pact with Somaliland must be scrapped before any dialogue can proceed. The January 2024 deal grants Ethiopia a 50-year lease on 20 kilometres of Somaliland's coastline—an arrangement Mogadishu views as a brazen affront to its sovereignty. Source: Hiiraan Online
-
Mucaaradka hubaysan ee dagaalka kula jirta dowladda suuriya oo dhowaan qabsatay magaalada Xalab oo ah tan labaad ee ugu weyn dalkaas, ayay wararku sheegayaan inay gaareen magaalada kale Xama oo ku taalla dhanka koonfureed. Sidoo kale xogaha qaar ayaa tilmaamaya in dagaalyahannadu ay galeen magaalada alepo, taas oo ka dhigan inay isku ballaarinayaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, xilli ciidamada dowladdu ay isaga baxeen meelaha qaar. Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo la hadlay dhiggiisa Imaaraatka, Maxamed Bin Zayid Al Nahyan iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Al-Sudani, ayaa ka codsaday inay ka taageeraan waxa uu ku tilmaamay argagixisada duullaanka ku ah maamulkiisa. Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay dadaal ay ku doonayaan in ay ku ballaariyaan goobaha nabdoon,ayna u oggolaadaan dadka rayidka ah ee ka barakacay gobolka Idlib in ay ku laabtaan guryahooda ku yaalla dhulalka dhawaan ay dowladda ka qabsadeen. Maraykanku oo arrimahan ka hadlay ayaa sheegay in aanu wax lug ah ku lahayn weerarka fallaagada, balse waxa uu tilmaamay in ku tiirsanaanta al-Asad ee Ruushka iyo Iran ay sabab u tahay rabshadaha soo cusboonaaday. Ruushka ayaa asna sheegay in militariga Suuriya ay 24-kii saac ee la soo dhaafay dileen in ka badan 300 oo falaagada kamid ah, ayagoo taageero xagga cirka ah ka helaya Ruushka, balse waxaa jira warar tilmaamaya in duqeymahaas ay dad badan oo rayid ahi ku naf waaayeen. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay si walaac leh u socan doonaan dhacdooyinka Suuriya, waxayna ka digeen dib u soo noqoshada kooxaha argagixisada ee dalkaas, Iran-na waxay xaqiijisay in weerar lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Xalab. Si kastaba ha ahaatee weerarrada kooxaha hubaysan ee dalka Suuriya ayaa bishan aad u xoogaystay, waxayna ciidamada dowladda kala wareegeen dhul ballaaran oo magaalooyin Istiraatiiji ahi ay ku jiraan. Source: goobjoog.com
-
Syrian government forces have withdrawn from the city of Aleppo following an offensive by rebels opposed to the rule of President Bashar al-Assad. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — At dawn, as the sky blushes pink over Nyangambe’s parched fields, Mari Choumumba strides purposefully toward a cement pit humming with life. The air here carries the sour tang of decay, but to her, it is the scent of salvation. Source: Hiiraan Online
-
Somalia joins global initiative to protect submarine cables
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Mustafa Yasin Sheik, Director General of Somalia’s National Communications Authority (NCA), has been appointed to the International Advisory Body for Submarine Cable Resilience. The newly formed body, established by the International Telecommunication Union (ITU) and the International Cable Protection Committee (ICPC), addresses growing challenges to undersea cable infrastructure, which carries more than 99% of international data traffic. Source: Hiiraan Online -
Eritrean residents in Ethiopia's capital have reported widespread arrests among their community, sparking fear among refugees and asylum seekers who fled their homes in search of a better life. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s federal government has formally requested an Interpol Red Notice to arrest Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam, also known as “Madobe.” Source: Hiiraan Online
-
General Maxamed Saalax Sayid, a revered Somali military leader and diplomat, dedicated his life to serving Somalia with honor and integrity. Born on August 18, 1940, he passed away from a heart attack on November 24, 2024, at INOVA Alexandria Hospital in Virginia, USA. His legacy is defined by his unwavering commitment to unity, governance, and international diplomacy. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku dilay laba nin oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Gaza, gaar ahaan hay’adda hey’adda cuntooyinka ka soo ururisa dunida ee World Central Kitchen. Bayaan kasoo baxay millatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in, in mid ka mid ah labada qof ee la dilay uu ka qeybgalay weerarki ay Xamaas ku qaadday Isra’il 7-badi bishi October ee sannadki 2023-ki. Isra’il ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu qeyb ka ahaa weerarki todobadi October. Qoyska Axad Cazmi Qadeex ayaa beeniyay eedaha Isra’il kuna tilmaamay been abuur ay ku xalaaleysteen dilkiisa. Waxay sheegeen in uu ahaa injineer noloshiisa u huray howlaha samafalka Gaza. Baabuur ay la socdeen isaga iyo qofka kale ee Falastiiniga ahaa ee lala dilay ayaa lagu dhuftay madfac xilli ay marayeen gudaha degmada Khan Younis ee koofurta Gaza. World Central Kitchen waxay xaqiijisay weerarka cirka ahaa waxaana sheegtay in ay hakineyso howlaheeda gargaarka ee ay ka waddo Gaza, isla markaana ay si deg deg ah u sugeyso faah faahinta. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo shaqaale gargaar ku dishay marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
OTTAWA, Canada (HOL) — Canada has announced a temporary suspension of new applications for its 'Group Five' and Community Sponsorship refugee programs, two vital pathways for private refugee resettlement. The pause, effective November 29, 2024, aims to tackle growing backlogs and lengthy processing times, according to Immigration, Refugees, and Citizenship Canada (IRCC). Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, KENYA — Kenyan President William Ruto said Saturday that he and Ugandan President Yoweri Museveni will help mediate a dispute between Ethiopia and Somalia, which threatens the stability of the region. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Jubaland’s government has ordered airlines operating in its territories to adhere strictly to regional aviation regulations, directing them to cooperate exclusively with officials appointed by the state’s Ministry of Transport and Civil Aviation. The move comes as tensions with Somalia’s Federal Government continue to escalate over control of the region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal ui ciwaan uga dhigay “𝑴𝙐𝑪𝘼𝑨𝙍𝑨𝘿𝑲𝘼 𝙃𝑨𝙇 𝘽𝑨𝘼 𝙎𝑬𝙀𝑮𝙏𝑨𝙔, 𝑾𝘼𝑳𝙄𝑺𝙀 𝘿𝑨𝘽𝑨 𝑸𝘼𝑩𝘼𝑺𝙃𝑬𝙀𝒀 𝑳𝙀𝑬𝙔𝑰𝙃𝑰𝙄𝑵” Fahad ayaa qoraalkaan uga hadlay qadiyadda mucaaradka ee arrinta Jubbaland. Wuxuu sheegay in doodaha mucaaradka ay ku qurxoonaa lahaayeen inay ku qotomaan afkaar iyo aragti oo aysan noqon ‘mucaradnimo soo taagan kaliya.’ “Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe. Wuxuu sheegay in Axmed Madoobaha ay mucaaradku taageereen uu baddalay dastuurkii Jubbaland, isla markaana toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan. “Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Isagoo talooyin siinaya mucaaradka ayuu sheegay inay haboon tahay in aragtiyadooda ay dhinac isku raacdo oo ay mabaadii’ ku saleeyaan, si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado. “Waxaa iga su’aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadi’ joogta ah?” Ayuu su’aalay Fahad Yaasiin. Sidoo kale Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo arkay mucaaradnimo bilaa mabda’ ah hadaladeeda sida ay isaga hor imaanayaan. “Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo caawa soo saaray qoraalkaan. Mucaaradka ay hoggaamiyaan Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre ayaa si cad u taageeray Axmed Madoobe, iyagoo ku xumeynaya saaxiibkoodii hore Xasan Sheekh oo hadda talada dalka haya.