Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Alle ha u naxariisto, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland ahaana hadda Senator ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mohamed Cali Yusuf (Gaagaab), ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga. Marxuumka, oo ahaa shakhsiga ugu da’da weyn Aqalka Sare, ayaa door muhiim ah ka soo qaatay siyaasadda maamulka Puntland . Wuxuu soo noqday Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Aqalka Sare inta aysan doorashada Guddoomiyaha rasmiga ah dhicin sanadkii 2022-kii .waxaa laga soo doortay gobolka Mudug. Geerida Senator Gaagaab waxaa xaqiijiyey Xildhibaan Dhaashane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo qaar ka mid ah ehelkiisa. Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu ku jiray Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga halkaasi oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalaayay. Source: goobjoog.com
  2. Alle ha u naxariistee, senetar Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab) ka tirsanaa Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Geerida marxuumka Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab) oo sidoo kale soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland, waxa xaqiijiyay xubno kamid ah Qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay geeridiisa. Sidoo kale, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Senetar Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab). PUNTLAND POST The post Senetar Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab) oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  3. Mogadishu (HOL) – The deputy commissioner for social affairs of Mogadishu’s Darussalam district, Gure Mohamed Hirsi, was injured in a shooting attack at a gym in the city’s Hiliwa district on Monday. Source: Hiiraan Online
  4. koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Daarasalaam, Guure Maxamed Xersi, xilli uu ku sugnaa xarun jimicsi (gym) oo ku taal Isgoyska Ex-Koontarool Balcad, dhanka degmada Hilwaa ee Muqdisho. Weerarkan ayaa sababay dhaawac oo soo gaaray guddoomiyaha, halka mulkiilihii xarunta jimicsiga lagu dilay goobta, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka Daarasalaam. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kooxda hubeysan ayaa goobta qaatay gaariga uu lahaa Guddoomiye Ku-Xigeenka, kaas oo la sheegay inuu bannaanka xarunta yaallay. Booliska ayaa bilaabay baaritaan degdeg ah oo ku aaddan dhacdadan, iyagoo sheegay inay ku raad-joogaan kooxdii falka geystay. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan duulaan ku aheyn Jubbaland, islamarkaana ay ciidamada u geysay si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay qaadi doonto masuuliyadda isku dhac dhex-mara ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose, xilli Axmed Madoobe uu diyaarinayo in dagaal looga hortago ciidanka dowladda federaalka geysay halkaasi. “Ciidamada la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna ka shaqeynayaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Ciddii xabbad kala hortimaada ayaa qaadi doonta masuuliyadda,” ayuu wasiir Jaamac. Sidoo kale wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay ku xoojisay dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ciidamo gaaraya illaa kun askari, kuwaas oo loo diray aagga Raaskambooni. “Ciidamada dowladda marnaba duulaan kuma aheyn Jubbaland, balse wuxuu ujeedkoodu yahay in ay cirib-tiraan kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiirka oo carabka ku adkeeyay in ciidamadan ay yihiin kuwa guulaha waaweyn ka gaaray dagaalladii Buulo Xaaji ee lagu jabiyay Shabaab-ka. Xiisadda dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal toos ah, maadaama ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland.
  6. Mogadishu (HOL) — The Somali Relief and Development Forum (SRDF) has officially rebranded as Zamzam Foundation UK, solidifying its partnership with Somalia’s largest charity to enhance humanitarian aid and development programs for the country’s most vulnerable communities. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista dastuurka ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay shirka wajiga 2-aad ee la-tashiga bulshada ee soo jeedinta wax-ka badelka cutubyada 5aad illaa 9-aad ee dastuurka. Shirarkan oo ah kuwo joogto ah ayaa taaba-galkooda waxaa si wadajir ah isaga kaashaday hay’adaha kala ah wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka xukuumadda Soomaaliya, guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga la-socodka dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka. Shirkaan ayey bulshada rayidka ah kusoo bandhigeen aragtidooda iyo tallooyinkooda ku aadan soo jeedinta wax ka bedelka dastuurka gaar ahaan cutubyada hadda miiska saaran ee 5-aad ilaa 9-aad, iyadoo shirka ay shir guddoominayeen madax ka socotay sadexda hay’adood ee u xil saaran dastuurka oo kala ah; 1. Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dastuurka Avv Burhaan Aadan Cumar. 2. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Faysal Aadan Xasan iyo 3. Xoghayaha guddiga la-socodka dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Senetor Siciid Cabdi Xasan Cowke. Intii uu socday shirka ayaa si xeel dheer loo dhegaystay aragtiyada iyo tallooyinka bulshada rayidka ee soo jeedinta wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee hadda gacanta lagu hayo. Guddiga madaxa-banaan ee dastuurka ayaa ugu dambeyntiina ballan-qaaday in tallooyinka bulshada rayidka ee dhaxal-galka ah la waafajin doono wax ka beddelka cutubyada ay ka aragtida dhiibteen ee 5-aad ilaa 9-aad.
  8. Mogadishu (HOL) — A Somali family of six died tragically in their Cairo apartment over the weekend due to a gas leak, authorities confirmed. The discovery of their lifeless bodies in the Madinet Nasr district has sparked grief and calls for heightened safety awareness. Source: Hiiraan Online
  9. Guddi Farsamo oo diyaarinaya Shirweynaha Taliyaasha Ciidamada dalalka kamidka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa shir hordhac ah uga furmay magaalada Muqdisho. Guddigani Farsamo ayaa qaban-qaabinaya Shir ku saabsan Qorshaha kala guurka Hawlgal ATMIS oo maalmaha soo socda ka qabsoomaya magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qayb galayaan Taliyaasha Ciidamada dalalka kamidka ah Hawlgalka Nadad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Shirkani si weyn looga hadli doono qorshaha kala guurka ee Hawlgalka ATMIS oo ku eg 31 bishaan Diseember 2024 kaasi oo uu baddalidoono howlgalka cusub ee AUSSOM oo ka bilaabanaya horraanta bisha Jannaayo ee sannadka cusub ee 2025. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Qorshaha kala guurka Hawlgalka ATMIS oo Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.
  10. Localisation is a key word in international humanitarianism and recognises the importance of local partners. Diaspora humanitarianism is pertinent for such efforts due to its connectivity and knowledge of local contexts. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada dowlad goboleedka Jubaland ayaa la sheegay in lagu hakiyey duulimaadkii garoonka diyaaradaha magaalada Raas Kambooni ee gobolka Jubada Hoose, waxaana digniin loogu diray shirkdaha diyaaradaha. Jubaland ayaa sheegtay in amarkani si gaar ah ugu socdo shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, maadaama xaalad colaadeed ay ku jirto magaalada Raas Kambooni. Sidoo kale, digniinta ayaa lagu sheegay diyaaradii u hogaansami weyda inay qaadi doonto masuuliyadda wixii ka dhasha. Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Jubaland Cabdullahi Dubad Shill ayaa bayaan uu soo saaray lagu yiri “Dowlad Goboleedka Jubaland waxay uga digaysaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee Raas Kambooni. Deegaankaas waxaa ka jira xaalad colaadeed oo halis ah, taasoo keeni karta khatar weyn oo dhinaca amniga ah”. Wasaaradda ayaa hadalkeedi intaa ku dartay in shirkaddii ka dhaga adaygta digniintan in iyada ay qaadi doonta masuuliyada wixii ka dhasha xaaladaha saan saanta colaadeed ee degaankaasi ka taagan. Ugu dambeyn warqadaan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka waxaa ay fartay in dhamaan shirkadaha diyaaradaha inay u hogaansamaan digniintan, kana fogaadaan inay wax duulimaad ah ka sameeyaan aagaas, si loo ilaaliyo badqabka dadka iyo hantida Soomaaliyeed. Digniintan ayaa timid xili dowladda federaalka ay ciidamo kusii daabulayso magaalada Raas Kambooni.
  12. Founded in the cultural melting pot of 1980s Mogadishu, torn apart by war, reunited, then hobbled by Covid-19, a revitalised version of the Somali funk group is back on the road Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — A tense standoff between two Somali clans has ended with a fragile ceasefire brokered by local authorities, offering a glimmer of hope for communities ravaged by violence. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — Somalia's Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur has warned the Jubbaland administration that it would be held accountable for any armed clashes involving federal forces in the contested Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online
  15. Xukuumadda Faransiiska ayaa aad loo saadaalinayaa in dhamaadka todobaadkan ay burburi doonto, kadib markii xisbiyada midigta fog iyo garabka bidix ay soo gudbiyeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Michel Barnier. Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee RN Marine Le Pen ayaa wariyaasha ugu sheegtay gudaha baarlamaanka, in dadka Faransiiska ay qaatiyaan taaganyihiin, isla markaana uu Ra’iisul wasaare Barnier uu xaaladda uga sii daray, loona baahanyahay in bannaanka loo tuuro. Waxay sheegtay in ay diyaarineyso mowshan ka dhan ah xukuumadda. Xisbiga bidixda fog ayaa isna sheegay in uusan codka kalsoonida siin doonin xukumaadda Barnier iyo dowaldda Macron. Isu geynta xildhibaannada axzaabka midigta iyo bidixda ee baaralamaanka ayaa ku filnaan doonto in ay ridaan xukuumadda Faransiiska. Codka kalsoonida ayaa lagu wadaa in la qaado Arbacada foodda nagu soo heysa. Barnier oo xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay bishi September, ayaa noqon doona ra’iisul wasaarihi u horreeyay ee xakuumaddiisa lagu rido codka kalsoonida baarlamaanka tan iyo sannadki 1962-ki, haddii ay taasi ka dhabeeyaan xubnaha mucaaridka Faransiiska. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Faransiiska oo qarka u saaran in ay dhacdo kadib markii mooshin laga keenay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashooyinka ugu horreeyay dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo shalay ay Guddigga Doorashooyinku u doorteen guddoomiye, Haddaba waa kuma Cabdikariin Axmed Xasan? Sida ku xusan taariikh nololeedkiisa, Cabdikariin waxa uu khibrad u leeyahay Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka, taasi oo oo ah mid ka badan 12 sano. Waxaa kale oo uu khibrad u leeyahay sida lagu xusay taariikhdiisa shaqo iyo waxbarasho siyaasadda dowladda, xiriirka bulshada rayidka ah iyo xoojinta dhaqaalaha. Waxa uu la taliye sare kasoo nqoday Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya isagoo ka qeyb qaatay hirgelinta Qorshaha Horrumarinta Qaranka (NDP-9) Waxa uu kasoo shaqeeyay Guddiga Xallinta iyo Khilaafaadka sanadkii 2016kii kaas oo howshiisu ay ahayd in uu gacan ka geysto arrimaha dhexdhexaadinta iyo in si daahfurnaan ah loo soo bandhigo in ay dooarshadu noqoto mid xaq ah. Magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaa uu ka soo shaqeeyay u dooddida iyo waci gelinta bulshooyinka laga tirada badanyahay si ay uga qeyb qaataan hannaanka dimuquraadiyadda . Waxa uu wax ku bartay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee Gaheyr, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koobaad , sidoo kale waxaa u Shahaadada labaad ee jaamacadeed ka qaatay St. Mary’s University ee dalka Maraykanka. Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in doorashada ugu horreysa ee qof iyo cod ah ay ku qaban doonaan muddo 7 bilood gudahood ah, gaar ahaan bisha June ee 2025. Waxa uu sheegay in dhankooda ay labada gelinba shaqayn doonaan si uusan wakhtigu caqabad ugu noqon. Mar uu sharraxey sida ay uga hirgelinayaan doorasho qof iyo cod ah dalka waxa uu sheegay in ay ku shaqeeynayaan shuruuc ay labada aqal ee baarlamaanka meel mariyeen. “waxa aan diiwaangelin ku samayn doonnaa ururrada xisbiyada xisbiyo noqonaya, gaar ahaan kuwa shuruudaha soo buuxiya, ka dibna aan dalka gaarsiino in golaha deegaanka dooarashooyinkooda aan ku qabano xisbiyo qof iyo cod ah,” ayuu yiri Cabdikariin oo sheegay in ay howshaasi ay dhawaan bilaabi doonaan. Qorshaha jadwalka doorashada ayaa ah in bisha Juun ay doorashada golayaasha Deegaanka ka qabtaan dalka oo dhan , halka bisha November ay qaban doonaa tan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo madaxdooda taas oo ku dhaceysa qof iyo cod . Waxa jirta dood Siyaasiyiinta qaar kood ee ku aadan in xaaladda dalku ku suganyahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubaland iyo dowladda Federaalka aanu wanaagsaneyn, laakin Cabdikariin ayaa sheegay in ay jiraan meelo badan oo nabad ah oo dalka ah in doorasho laga qaban karo isagoo sheegay in meelaha kale ee khilaafka siyaasadeed ka jirana ay rajeynayaan in uu xallismo inta ay shaqada wadaan. “Annagu intaan gaari karno waa gaareeynaa, umaddana waxa aan leenahay xuquuqda dastuuriga ah ee aad leedihiin ee ah in aad madaxdiina doorataan ayaan doonaynaa in aan idin gaarsiino,” ayuu yiri Cabdikariin oo intaas ku daray in siyaasyiinta wax ka tabanaya arrimaha in ay la fariisan doonaan. Marka la eego waqtiga ay sheegeen Guddigga doorashadu in ay ku dhaqan gelinayaan doorashada ee ah bisha Juun ee soo socota ayaa haddana waxa laga yaabaa in dadka qaar ay is-weeydiiyaan suurtagalnimada in waqtigaas lagu hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah, hasa yeeshee guddoomiyha guddiga Doorashooyiinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa qaba in shaqooyin kala duwan ay qaban donaan dadkana ay kulamo la sameeyn doonaan. “Shaqadeenu waxa noqon doontaa inagoo kaashaneyna khibradeenna in deegaanada Soomaaliyeed badankoodu ay gacanteena gaarto,” ayuu yiri. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa qaba in Sababaha ay Soomaaliya u dhaqaaqi weysay ay tahay in dadku aanay aqoon cidda matasha, arrimahooda iyo mmashaakiilkoodana cid ay u sheegtaan aanay aqoon. Sidaasi darteed, wax uu aaminsan yahay in doorashada qof iyo codka ah ay xallin karto dareenkaasi ay qabaan dadweynuhu.
  17. AQNd6svAOAfPwk3xpZKK4htOnl3wQ_2NRzvbMNbuXdaOsOBdZRV7eVBl5Mh_CklG1sgqaN1cFPT9h1IXn05W4-Fh Qaran News
  18. Kismayo (HOL) — Jubbaland's State Minister of Transport and Aviation, Abdullahi Dubad Shill, issued a warning on Monday to airlines operating in Somalia, advising them against flying to Raskamboni in the Lower Juba region, citing heightened security risks in the area. Source: Hiiraan Online
  19. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi , ayaa gudoominayay shirka amniga ee Caasimada kaasi oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska soomaaliyeed. Shirkaan waxa ka qeyb galay saraakiisha kala duwan ee hay’adaha Amaanka. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, oo warbixino dhanka amaanka iyo howlgaladii u danbeeyay ka dhageystay saraakiisha ayaa faray in ladardar galiyo amniga caasimada iyo sidii loogu adeegi lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in wax laga qabto cabashooyinka ay qabaan shacabka caasimada ee ku aadan dhanka Amniga iyo Mashquulka ka jira Waqooyiga. Source: goobjoog.com
  20. Todobaadkii la soo dhaafay dagaalyahanada mucaaradka Suuriya ayaa la wareegay gacan ku haynta dhul ballaran oo ku yaalla waqooyiga iyo bartamaha dalkaas, kuwaas oo ay kamid tahay magaalaada istiraatijiga ah ee Xalab, waxayna u sii gudbeen dhanka koonfureed ee dhanka Xama. Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dib u soo xoojisay dagaallada dalkaasi suuriya ka socda tan iyo sanadkii 2011, kuwaas oo muddooyinkii dambe u muuqday inay gaabis noqdeen, islamarkaana xooagagga Madaxweyne Bishaar Al-asad oo Ruushka iyo Iran gacan saar la leh. Dhaqdhaqaaqa mucaaradka oo ka kooban dhowr jamhadood oo u midoobay inay xukunka dhaafiyaan hoggaamiyahan tan iyo sanadkii 2000-dii xukumayay Suuriya ayaa qabsaday saldhigyo ciidan oo muhiim ah iyo garoomo militari. Dhankooda ciidamada Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka iyo sida la sheegay malayshiyaadka Ciraaqiyiin oo Iran gacan saar la leh ayaa xoojiyay duqaymaha ay ku hayaan goobaha ay mucaaradka haystaan. Lama oga dalka ay ku dambayn doonto xaaladda Suuriya, balse waxaa haatan muuqanaysa in kacdoonka jamhaduhu uu si dardar ah ku socdo, islamarkaana ay ku fidayaan dhul ballaaran oo ku yaallla waqooyiga iyo bartamaha dalkaas. Source: goobjoog.com
  21. Former Deputy President Rigathi Gachagua has said only regrets his unquestionable faith in President William Ruto, terming his dealings with him “as a Christian” had taught him a painful lesson. Source: Hiiraan Online
  22. Mohamed Salah could find himself signing a pre-contract agreement with PSG in the January transfer window after opening the door to join the club, according to reports. Source: Hiiraan Online
  23. Eritrean President Isaias Afwerki denied allegations that the recent trilateral meeting between Eritrea, Egypt, and Somalia was part of an “axis” designed to undermine Ethiopia. During a national television interview on Saturday evening, Afwerki addressed growing speculation about the October meeting held in Asmara, Eritrea’s capital. Source: Hiiraan Online
  24. Fadumo Mohamed Abdiqadir and her five children are struggling to secure enough food for even one meal a day due to the scarcity of grass that she relies on to sell for her income. Source: Hiiraan Online
  25. The Federal Government of Somalia has launched the National Transformation Plan (NTP) labs in Mogadishu, marking the beginning of an eight-week process that aims to redefine the country's socio-economic landscape. Source: Hiiraan Online