-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa aad loo saadaalinayaa in dhamaadka todobaadkan ay burburi doonto, kadib markii xisbiyada midigta fog iyo garabka bidix ay Isniintii shalay soo gudbiyeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Michel Barnier. Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee RN Marine Le Pen ayaa wariyaasha ugu sheegtay gudaha baarlamaanka in dadka Faransiiska ay qatyaan taaganyihiin, islamarkaana uu ra’iisul wasaare Barnier uu xaaladda uga sii daray, loona baahan yahay in bannaanka loo tuuro. Waxay sheegtay in ay diyaarineyso mooshin ka dhan ah xukuumadda. Xisbiga bidixda fog ayaa isna sheegay in uusan codka kalsoonida siin doonin xukumaadda Barnier iyo dowaldda Macron. Isu geynta xildhibaannada axsaabka midigta iyo bidixda ee baaralamaanka ayaa ku filnaan doonto in ay ridaan xukuumadda Faransiiska. Codka kalsoonida ayaa lagu wadaa in la qaado Arbacada foodda nagu soo heysa. Barnier oo xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay bishi September, ayaa noqon doona ra’iisul wasaarihi u horreeyay ee xakuumaddiisa lagu rido codka kalsoonida baarlamaanka tan iyo sannadki 1962-ki, haddii ay taasi ka dhabeeyaan xubnaha mucaaridka Faransiiska.
-
MINNEAPOLIS — State Senator Omar Fateh announced Monday that he is running for mayor of Minneapolis. Source: Hiiraan Online
-
Swedish prosecutors said Monday they had charged three people with alleged ties to the Islamic State (IS) of plotting terrorist acts, including against Jewish interests, and seeking minors to carry them out. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa galabta xabsiga dhigtay maamulaha Hotel Maka Al-mukarama, kadib markii hotelkiisa lagu qabtay shir lagu taageeray doorashadii Axmed Madoobe, isla markaana uu xog marin habaabin ah siiyey dowladda. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, dowladda ayaa heshay xogta shirkaas inta uusan ka dhicin hotelka, markii la weydiiyey maamulaha Hotelka, wuxuu dowladda u sheegay in shirkaasi uu yahay mid nabadeed oo siyaasadda uusan quseyn. Goor dambe oo galabta ah ayaa la sheegay in dowladu ogaatay in shirkaasi uu yahay mid lagu taageeray Axmed Madoobe oo maalmo ka hor doorasho ay dowladdu diiday Kismaayo ku qabsaday, waxaana la qaaday tallabo deg deg ah. Waxaa lasoo xiray maamulihii hotel Maka Al-mukarama, waxaana loo heystaa labo eedeymood oo kala ah: 1-in hotelka lagu qabtay kulan lagu taageeray doorasho aysan aqoosaneyn dowladdu oo qiyaano qaran ay u aqoonsatay, 2-iyo in dowladda uu xog qaldan siiyey oo shirkaas uu u sheegay in wax siyaasad ku saabsan aan looga hadleynin. Xubnaha dhanka ammaanka ah ee noo waramay waxay sheegeen in maamulaha Hotelka uu sheegay in Hotelka uu ka dhici doono shir kale oo looga soo hor jeedo Axmed Madoobe, balse kan lagu xiray wuxuu ku tilmaamay mid aayo ka tashi ah, balse waxaa markii dambe la ogaaday in meesha Axmed Madoobe lagu taageerayo. Dowladda ayaa warbaahinta ka joojisay inay baahiso codadka odayaashii hadlay ee kulankaas ku taageeray Axmed Madoobe, waxaana jira warar sheegaya in odayaasha qaarna la xiray. Dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay soo afjareyso Axmed Madoobe, waxaana loo jaray waaran soo qabasho ah, iyadoo taliyaha booliska loo xil-saaray soo qabashadiisa. Sidoo kale, dowladdu waxay qaaday tallaabo ciidan, waxaana maalin kasta ciidamadii Axmed Madoobe isku difaacayey ku socota diiwaan gelin, waxayna si iskood ah ugu biirayaan ciidanka xoogga. Dowladda ayaa sal-dhigatay deegaanka Raaskambooni, halkaas oo lagu diiwaan geliyo ciidamadii Jubbaland ee Axmed Madoobe ka goosanaya, halka Axmed Madoobe iyo xubnihii taabacsanaa ay ku go’doonsan yihiin magaalada Kismaayo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowa Yuusuf Raage ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Taliska Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo ku yaalla Muqdisho. Jeneraal Odawaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Danab G/Dhexe Caydaruus Maxamed Xuseen, waxaana la iska warsaday dagaalka Al-Shabaab. Taliyaha ayaa ugu horayn kormeeray xafiisyada Taliska Guutada 16-aad ee Danab, isagoo mid mid u xogwaraystay saraakiisha ka howlgasha taliska. Taliye Odawaa ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Taliska Guutada 16-aad ee Danab, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran shaqada ay Qaranka u hayaan, siina dardar geliyaan howlgalladooda difaaca iyo xoreynta dalka. Xubno xog badan ka haya kulamadii galabta ka dhacay taliska Danab ayaa Caasimada Online u sheegay in Jeneraal Odawaa uu Taliyaha Danab kala hadlay sida ugu fudud ee loo soo afjari karo Shabaab-ka weli ku sugan deegaano ka tirsan Galmudug. Taliyaha Xoogga ayaa la sheegay in muhiimad gaar ah uu siinayo sidii gacanta loogu dhigi lahaa Ceelbuur iyo tuulooyin kale oo muhiim ah oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab. Jeneraal Odawaa ayaa taliyaha Danab faray inay dhaqaaqaan oo ka howlgalaan inta u dhaxeysa Galgaduud iyo Sh/Dhexe, iyadoo muhiimadda koowaad la siinayo duqeymaha, si buu yiri khasaaraha iyo khatarta ciidanka soo wajihi karta loo yareeyo. Dhinaca kale, Taliyaha Xoogga ayaa maalmihii lasoo dhaafay diray ciidan iyo saraakiil la howlgelaya ciidamada dadka deegaanka ee ka dagaalamaya aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo dhowr deegaan maanta ka xoreeyey Al-Shabaab. Taliyaha xoogga ayaa qorsheynaya in dagaalka uu kasii amba-qaado halkii uu kaga tegay, maadaama taliyihii ka dambeeyey uusan wax natiijo ah ka gaarin dagaalka, mudadii uu joogay xafiiska.
-
Ilyaas Osman Lugatoor: “We are witnessing an unfavourable situation where the Federal Government of Somalia is using the national army to destabilise Jubaland State, a federal member state that conducted elections. The reckless actions of the Federal Government could lead to a second state collapse, far more traumatic and devastating than the one Somalis experienced in 1991.” Garowe (PP News Desk) — The Vice President of Puntland State of Somalia, Ilyas Osman Lugatoor, today raised the alarm about the politicisation of the Somali National Army. Ilyas accused the Federal Government of using it “to destabilise peaceful federal member states.” Speaking at the opening ceremony of the 6th Puntland Climate Change and Environment Conference held in Garowe, Ilyas urged Somalia’s international partners to intervene and restrain the Federal Government. “We are witnessing an unfavourable situation where the Federal Government of Somalia is using the national army to destabilise Jubaland State, a federal member state that conducted elections. The reckless actions of the Federal Government could lead to a second state collapse, far more traumatic and devastating than the one Somalis experienced in 1991. With terrorists now based in Somalia, any conflict risks being exploited by Al-shabaab. Somalia is politically fragile. We need to resolve political differences peacefully and through consensus” said Ilyas. The Puntland Vice President reiterated the Puntland’s commitment to eradicating terrorists in the mountainous areas of Bari. “The government and the people of Puntland State of Somalia are united in this fight against terrorism, much like the way civilians repelled Al-Shabaab forces that launched surprise attacks on the coastal areas of Mudug and Nugaal in 2016” said the Vice President of Puntland State of Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Puntland VP Warns of Federal Army Politicisation and Risks of State Collapse in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) –Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa si rasmi ah cafis ugu fidiyay wiilkiisa, Hunter Biden, kaas oo lagu waday in bishan maxkamaddu xukunto. Wiilka Biden ayaa loo heystay dembiyo la xirriira inuu si sharci darro ah u heystay hub iyo canshuur khiyaameyn ah. Madaxweyne Biden ayaa horay u sheegay, inuusan cafis u fidin doonin wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sanadaha ay maxkamaddu xukunto. Hunter Biden, ayaa bishii Septeembar qirtay dacwaddan lagu soo oogay, waxaana lagu helay inuu isticmaalayay daroogo sharci darro ah. Wiilka Biden ayaa noqday canugii ugu horreeyay ee madaxweyne xil haya uu dhalay oo dacwado lagu soo oogo dalka Mareykanka. Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa cafiska Biden ku tilmaamay “tacaddi iyo cadaalad dhicisoowday.” Qaar kamid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa Joe Biden ugu yeeray “beenaale”. Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa haatan noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka oo cafis u fidiya wiilkiisa oo loo heysto dembiyo culus. Kiiskaan ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka Mareykanka, dadka intooda badan waxay Biden ku dhaliilayaan go’aanka uu ku cafiyey wiilkiisa oo ay ku tilmaameen “ku takrifal awoodeed” waxaana la eegi doonaa go’aanka uu Trump ka qaato kiiska loo heysto wiilka Biden.
-
Soomaaliya ayaa saxeexdey heshiis deyn cafis ah oo ay la gashay Faransiiska oo dhan $145.6 milyan oo dollar, taasoo muujineysa horumar kale oo muhiim ah oo laga gaadhay dadaallada soo kabashada dhaqaalaha dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ayaa heshiiskan la saxeexday Safiirka Faransiiska Arnaud Suquet. Bishii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay gaadhay heshiisyo muuqda oo deymo cafis ah oo ay la gashay saaxiibada muhiimka ah ee caalamiga ah, oo uu ku jiro Mareykanka, oo heysta qeybta ugu badan ee deynta dalka Soomaaliya, iyo sidoo kale Japan iyo Denmark. Cafinta deynta ayaa timid ka dib markii ay Soomaaliya si guul leh u soo gabagabeysay geeddi-socodkii dalalka deymaha badan leh ee 2023-ka iyo heshiiska Paris Club ee 2024. Horumarradan ayaa la filayaa inay keenaan dabacsanaan maaliyadeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u dhiska qaranka. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Biixi Iman Cige ayaa u mahadceliyey dowladda Faransiiska, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda istiraatijiyadeed ee iskaashigan caalamiga ah ee soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya. Heshiisku waxa uu tilmaamayaa hagaajinta maamulka dhaqaalaha iyo dib u soo cusboonaashaha la macaamilka bulshada dhaqaalaha adduunka. Source
-
Guddoomiyaha degmada Kaxda oo lagu soo rogay Xayiraad Safar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxkamadda Gobolka Banaadir, Qeybta Ciqaabta, ayaa soo saartay amar xayiraad safar oo ka dhan ah Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Muqdisho. Amarkan ayaa ku saleysan codsi ka yimid Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin falal dambiyeed kala duwan sida amar-gudasho la’aan, ku boorin dambi galid, iyo isku day qalqal gelinta degganaanshaha bulshada. Maxkamaddu waxay fartay: Taliyaha Saldhigga Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay si toos ah u fuliyaan amarkan xayiraadda. In aysan jiri karin qof ama hay’ad u fasaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan inuu ka baxo dalka si kasta oo ay tahay. Maxkamaddu waxay sidoo kale digniin adag u dirtay dhammaan dhinacyada, iyadoo caddeysay in amarada cadaaladda aan la dhayalsan karin, lana joojinayo faafinta wararka been abuurka ah ee qalqal gelinaya bulshada. Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay saaxiibadda beesha caalamka ee daneeya arrimaha booliska. Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay wasaarada amniga gudaha iyo xafiiska amniga qaranka. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed ee dhinacyada tababarida ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeyb qadashada dagaalka socda. S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka kooxaha argagixisada ah ay muhiim tahay in la helo ciidan boolis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada. Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha ciidanka. Madaxdii ka socotay safaaradaha Mareykanka,Ingiriiska, Talyaaniga, UNSOM, UNSOS POLICE, EUCAP, ATMIS POLCE, UNDP, IOM, UUNMAS, Adam Smith iyo IDLO ayaa dhamaantood bogaadiyay qorshaha fiidanka booliska Soomaaliyeed iyo doorka xafiiska istiraatiijiyadda. Xubnahan ayaa sidoo kale ammaanay howsha dardarta leh ee uu taliyaha wado, iyagoo ballan-qaaday iney booliiska Soomaaliya gacan weyn ka siin doonaan sare u qaadista aqoonta, tababarka, iyo agabka ciidanka booliska. Kulankaan ayaa imanaya xilli taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ay maxkamadda gobolka Banaadir ay fartay inuu soo qabto Axmed Madoobe, si loo horgeeyo maxkamadda, kadib markii ay dhawaan u jartay waaran soo qabasho. Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka ayaa khilaafkooda sii xoogeystay kadib markii uu Kismaayo ku qabsaday doorasho uu markale kusoo baxay, taasi oo ay ka hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay Saaxibadda Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Booliiska, iyadoo kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaarada Amniga Gudaha iyo Xafiiska Amniga Qaranka. Kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee dhinacyada Tababarida Ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeybqadashada Dagaalka. S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ay muhiim tahay in la helo Ciidan Booliis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha Ciidanka. Madaxdii ka socotay safaaradaha Mareykanka,Ingiriiska, Talyaaniga, UNSOM, UNSOS POLICE, EUCAP, ATMIS POLCE, UNDP, IOM, UUNMAS, Adam Smith iyo IDLO ayaa dhamaantood bogaadiyay Qorshaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo doorka xafiiska istiraatiijiyadda, si lamid ah howsha dardarta leh ee uu taliyaha wado, iyagoo ballan-qaaday iney booliiska Soomaaliya gacan weyn ka siin doonaan sare u qaadista Aqoonta, tababarka, iyo agabka ciidanka booliiska. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wareegto uu soo saaray u kala bedelay magacyada labada xero ciidan, kuwaas oo kala ah; Damaanyo iyo Gordon. Xerada General Gordon ayaa loogu magac daray Col. Maxamed Mubaarak Al Mansor oo ahaa sarkaal Imaaraadka Carabta u dhashay oo hoggaaminayay howl-galka tababarka Imaaraadka. “Madaxweynaha JFS markuu tixgeliyay in ay ku habboon tahay in loogu magac daro Shahiid Col. Mohammed Mubarak Al Mansori wuxuu madaxweynaha soo saaray xeerkan, kaasi oo dhigaya in laga bilaabo maanta xeradii hore Ex. Gen. Gordon loogu magac daray Col. Al Mansori,” ayaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha. Sarkaalkan ayaa waxaa lagu dilay xeradaas 10-kii Febraayo 2024, xilligaas oo Imaaraadka uu kasoo gaaray khasaarihii ugu xoogganaa ee gudaha Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu xerada Damaanyo ugu magac daray Sareeye Guuto Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon). Wareegtada xeerka madaxweyne oo soo baxday isku waqti ayaa goor sii horeysay baraha bulshada waxaa qabsaday mid kamid ah warqada magac ka bedelida xeradii hore General Gordon loogu magac daray. Madaxweynaha ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay in xeradii hore ee General Gordon uu magaca ka beddelo, uuna ugu magac daro sarkaal dal shisheeye, inkasta oo xero kale uu markii dambe ugu magac daray General-ka.
-
𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo Dhanbaal tacsi ah diray . “ Waxa aan dhambaal tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qosyka, ehelada, Dhakhaatiirta , waayeelka, waxgaradka, asxaabta iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee 𝗗𝗿. 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗜𝗯𝗿𝗮𝗮𝗵𝗶𝗺 𝗢𝗯𝗼𝗹𝗼𝘀 . Geerida Marxuumka waxa aan si gaar ah uga tacsiyadeynayaa ehelkiisii iyo bahda caafimaadka Somaliland oo marxuumku ka mid ahaa 40 sanno ee ugu danbeeyey Ilaahayn SWT waxa aan uga baryayaa in uu Jannatul firdowsada sare geeyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan innaga wada siiyo. Aamiin Aamin Aamin . Qaran News
-
Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa amarro culus dul dhigtay dadka jooga magaalada Jigjiga iyo deegaanada kale ee Soomaali galbeed ee taageerada u kala muujiya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland. Hogaanka nabad-galyada deegaanka ayaa soo saaray go’aan adag oo ku saabsan inaan magaalada Jigjiga iyo deegaanka soomaalidoo dhan looga durbaan tumi karin xiisadda u dhexaysa DFS iyo maamulka Jubbaland, islamarkaana aan la baahin karin afkaaro qabiil iyo kuwa siyaasadeed oo ku aaddan khilaafkaas. War qoraal ah oo ay soo saareen laamaha nabad-gelyada deegaanka Soomaalidu ayaa lagu yiri “waxaannu haysannaa amni iyo xasilooni siyaasadeed, iyo sidoo kale wada noolaansho bulsho oo aan taariikhda inta uu soo jiray deegaan soo helin, mana ogolaanayno in lagu kala geeyo bulshada, hebel oo dal kale ah baan ku taageersanahay abtir qabiil, ama dano siyaasadeed , oo aan ugu geeraarayaa jigjiga”. Sidoo kale war saxaafadeed ayaa lagu sheegay inaan deegaanka Soomaalidu xamili karin in lagu garaaco durbaan siyaasadeed oo lagu taageerayo dhinacyo kale, islamarkaana ka baxsan danihiisa gudaha. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Jigjigo shirar iska soo horjeeda ku qabanayeen odayaal kala taageersan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, islamarkaana farriimo adag halkaas ka soo dirayay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha. Guddigan oo muran badan uu ka taagan yahay doorashada loo igmaday ayaa waxaa horey u ansixiyay laamaha fulinta iyo xeer dejinta dowladda federaalka Soomaaliya. Xubnaha guddigaan oo ka kooban 18 xubnood ayaa isla maanta doortay hoggaan cusub, ayadoo guddoomiye loo doortay Cabdikariin Axmed Xasan, halka ku-xigeen loo doortay Saadaq Abshir Garaad. Guddigan ayaa ka shaqeyn doono maamulida doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod, taas oo gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Qorshaha doorasho ee Xasan doonayo ayaa waxaa si weyn u diidan madaxdii hore iyo xubnaha mucaaradka oo u arka inuu madaxweynaha uga dan leeyahay damac muddo kororsi. Sidoo kale waxaa hanaankan doorasho iyo wax ka beddelka dastuurka kasoo horjeeda maamullada Puntland iyo Jubbaland, oo ayada haatan uu dagaal culus kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii Axmed Madoobe uu Kismaayo ku qabsaday doorasho uu mar saddexaad kusoo baxay. Si kastaba, tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda hadda taagan ee ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, waxaana muuqata in Xasan Sheekh uusan ka laabaneyn qorshihiisa ayna ka go’an tahay inuu dagaal la galo ciddii ka hortimaada sida haatan ka taagan Jubbaland.
-
Dalka Masar waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii qoys Soomaali ah oo ka kooban 6 qof maydkooda laga helay xaafadda guri ay ka degganaayeen “madinet nasr” oo ku taala caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Meydadka qoyska ayaa loo qaaday mid kamid ah isbitaalada dowladda ee ku yaalla caasimadda iyadoo booliska ay markaasi sheegeen in baaritaan lagu sameeynayo sababta ay u dhinteen balse saaka ayay dhaqaatiirta isbitaalka ku dhawaaqeen sababta keentay dhimashada sida uu BBC-da xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada qoyska waxa ayna ku sheegeen inay ku neefqabatimeen gaaska cuntada lagu karsado. Qoyska dhintay oo ka koobnaa lix qof ayaa kala ahaa Aabe, gabar iyo wiil uu dhalay, iyo gabdha ninkeeda iyo laba carruur ah oo ay dhashay, waxaana la sheegay in sabtidii maydkooda laga helay guriga ay ka daganaayeen magaalada Qaahira ee dalka Masar. Inkasta oo haatan la ogaaday sababta ka danbaysa dhimashada qoyska balse wali maydkooda waxa uu ku jiraa qaboojiyeyaasha lagu hayo maydadka ee isbitaalka. Mid kamid ah ehelka qoyska oo BBC-da uga warbixiyay dhacdada Xasan Xirsi Xuseen oo kamid ah ehellada qoyskii ku dhintay dalka Masar ayaa BBC-da uga warbixiyay dhacdada waxa uuna sheegay in qoyska ay dhawaan ka kala yimaadeen dalal kala duwan. “Qoyska qaar waxa ay ka yimaadeen Ingiriiska, kuwo kale waxa ay ka yimaadeen Turkiga sidoo kale qaar ayaa ka yimid Soomaaliya” ayuu yiri Xasan. Waxa uu sheegay in walaalkiis uu caafimaad u soo aaday dalka Masar, sidaasna ay isku soo aruursadeen qoyska oo ka koobnaa 3 rag ah, laba caruur ah iyo hooyadood. Xasan Xirsi ayaa sheegay in reerka ay ugu wardanbaysay khamiistii, maalin kadib oo uu xiriir la sameeyay ayay u suurtagali waysay oo ay u shaqayn waayeen taleefanadii iyo khadkii internetka ee reerka. “Markii aan soo wacay Numberkooda lama qabanayo, internetkana waan ka waayay, albaabkii marka aan garaacnay lama furayo, sidaas ayaan ku jabinay albaabka oo aan reerkii oo mayd ah guriga ugu galnay,” ayuu raaciyay Xasan. Xigashada Sawirka,Xasan Xirsi Xuseen Qoraalka sawirka,Xasan Xirsi Xuseen oo kamid ah ehellada qoyskii ku dhintay dalka Masar ayaa BBC-da uga warbixiyay dhacdada Xasan Xirsi Xuseen ayaa sheegay kadib markii ay gudaha u galeen guriga oo ay arkeen maydka dhamaan qoyska ay ka argagaxeen lana xiriireen laamaha amniga si baaritaan loogu sameeyo sababta dhimashada. “Markii aan albaabka jabinay waxaa na soo gaaray shaqaale ka tirsan safaaradda Soomaaliya, dhaqaatiir iyo saraakiil boolis ah” Balse waxa uu tilmaamay in ay arkeen haanta gaaska oo furan taasna ay uga shakiyeen sababta. “Baaritaankii hordhaca ahaa ee xalay waxa ay dhaqaatiirta inoo sheegeen in sababta ay tahay gaas, balse saaka ayay sheegeen in jawaabta ay soo saareen dadkaasna ay u dhinteen neefqabatin ka dhalatay gaaska,” ayuu yiri Xasan Xirsi. Dhanka kale waxa aan la xiriirnay safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar si aan wax uga waydiino dhacdada naxdinta leh ee ka dhacday dalkaas. Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar Ismaaciil Cabdi Xuseen oo BBC-da la hadlay ayaa ka warbixiyay dhacdada naxdinta leh ee qoyska Soomaaliyeed oo iskumar ku dhintay gurigooda waxa uuna yiri: “Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar waa ay u gurmatay qoyska ku dhintay gurigooda waana musiibo aad looga naxo” ayuu yiri qunsul Ismaaciil. Dhanka kale qunsulka ayaa sheegay in safaaradda ay qoyska ka caawinayeen helista jawaabaha isbitaalka iyo booliiska, ayna ehellada uga tacsiyeynayaan dhimashada naxdinta leh oo ku timid qoyska Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in booliiska ay ehellada ku wareejiyaan meydadka si ay u aastaan. Bbcsomali Qaran News
-
Arusha (Caasimada Online) – Shirweynihii 24-aad ee madaxda dowladaha bulshada bariga Afrika (EAC) ayaa Soomaaliya iyo Kenya ku abaalmariyay doorar hoggaamineed oo muhiim ah. Soomaaliya ayaa loo doortay warbixin-sameeyaha (Rapporteur) ee EAC ee sanadka 2024/2025, halka Kenya ay noqotay Guddoomiyaha EAC. Doorashadan ayaa muujinaysa muhiimadda labada dal ee hoggaaminta iyo iskaashiga gobolka. Soomaaliya oo ka qayb-qaadaneysa hoggaaminta EAC Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay qabatay xilka Warbixin-Sameeyaha tan iyo markii ay ku biirtay ururka EAC sanadkii hore. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay doorashadan. Sidoo kale wuxuu sheegay inay tahay fursad weyn oo ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto doorka caalamiga ah ee ay ka ciyaareyso. Soomaaliya waxay ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonto yoolalka EAC ee nabadda, horumarinta dhaqaalaha, iyo isdhexgalka siyaasadeed ee gobolka. Kenya iyo hoggaaminta EAC Kenya, oo loo doortay Guddoomiyaha EAC ee sanadka 2024/2025, ayaa mas’uuliyadda weyn ee hoggaamineed qaadan doonta. Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka hadlay baahida loo qabo iskaashi xooggan oo u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah EAC, isaga oo xusay inay muhiim tahay in la xoojiyo nabadda iyo horumarka gobolka. Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay Shirweynahan 24-aad ee Madaxda Dowladaha Bulshada Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Arusha, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madaxda dalalka EAC, oo ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), Soomaaliya, iyo wakiil ka socday Burundi. Shirka ayaa diiradda saaray arrimaha nabadda, isdhexgalka, iyo horumarka gobolka, waxaana kasoo baxay qodobo dhowr ah: Luqadaha Rasmiga ah ee EAC: Faransiiska iyo Kiswahili ayaa loo aqoonsaday luqadaha rasmiga ah ee EAC, iyada oo lagu daray Ingiriisiga. Tallaabadan ayaa timid kadib markii is-beddel lagu sameeyay Qodobka 137 ee Heshiiska EAC. Xallinta Dagaalka Bariga DRC: Madaxdu waxay xoogga saareen xallinta dagaalka sii xumaanaya ee Bariga DRC, iyagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda isla markaana la mideeyo dadaallada nabadda si loo helo hannaan wadajir ah oo waxtar leh. Awoodsiinta Dhallinyarada iyo Haweenka : Shirka ayaa go’aan ku gaaray in mudnaan gaar ah la siiyo dhallinyarada iyo haweenka, si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka. Doorashada hoggaanka cusub ee ururka iyo qodobada kasoo baxay shirka ayaa muujinaya himilooyin cusub oo loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda gobolka Bariga Afrika. Dawan
-
Dowladda Faransiiska ayaa Soomaaliya ka cafisay lacag 145.6 milyan oo doolar ah, munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaana waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu soo gunaanadayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa dowladda Soomaaliya Safiirka Dowladda Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige. waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, waxaana heshiiskaani uu soo maray wada xaajood wajiyo badan lahaa, sidoo kalena daba socda go’aan kii ay gaareen horaantii sanadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa maanta suuro galiyay in Dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar taas oo Dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeed Dowladda. Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee dalalka deymaha leh ayaa hada rajo weyn ka qabta gaba gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu lee yahay Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiita u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socda Magaalada Muqdisho. Xubnaha hormuudka u ah NTP ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee diyaarinta Qorshuhu soo mareen iyo halka ay hadda soo gaartay ugu dambeyn, iyagoo lala wadaagay xogta hor u dhaca ah ee ka soo baxday iyo dadaalka iyo maskaxda la galiyey diyaarinta Qorshaha. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa guddiga iyo dhammaan howl wadeenada gacanta ku haya diyaarinta Qorshaha uga mahad celiyay shaqada culus ee ay soo qabteen waxaana uu ballan qaaday in uu qorshahaani noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda. Source: goobjoog.com
-
Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu cafinayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa dowladda Soomaaliya Safiirka Faransiiska u qaabilsan Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskani uu soo maray wada xaajood wajiyo badan, sidoo kalena daba socda go’aan kii ay gaareen horraantii sannadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club islamarkaana uu maanta suuro galiyay in dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar, taas oo dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha. “Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee dalalka deymaha leh ayaa hada rajo weyn ka qabta gaba gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu lee yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeed Dowladda. PUNTLAND POST The post Dowladda Faransiiska oo si rasmi ah Soomaaliya uga cafisay lacag dhan 145.6 Million oo dollar appeared first on Puntland Post.