-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Could the electoral impasse extend President Mohamud’s rule? Mogadishu (PP News Desk) — The disagreement over Somalia’s electoral model for the 2026 elections appears harder to resolve compared to the 2021 electoral impasse. When Jubaland and Puntland rejected the 2020 electoral law, President Mohamed Abdullahi Mohamed reasoned it was an opportunity for a term extension. His control of the bicameral legislature ensured the passage of a two-year mandate extension. The country was on the brink of conflict before an electoral model was agreed upon, thanks in part to Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister, who opposed the controversial term extension for both the executive branch and the legislatures. In 2024 President Hassan Sheikh Mohamud took a different path. He proposed constitutional change followed by a one-person, one-vote election in 2026. The bicameral legislature amended several articles of the provisional constitution. A presidential system will replace the prime ministerial system, the presidential term of office will be five years, and the president will select members of the national electoral commission. The critics of President Mohamud have at least two hurdles to overcome: the amended articles of the constitution and his proposed electoral model. Villa Somalia views constitutional amendments as a bulwark for the electoral model. President Mohamud cites the example of the 2021 general elections in Ethiopia that did not take place in Tigray. His seemingly unworkable plan fuses elements of universal suffrage and indirect elections. MPs and Senators representing the secessionist administration of Somaliland will have representation in any new dispensation if President Mohamud’s plan succeeds. In 2023, Puntland State President Said Abdullahi Deni announced that full participation of Somaliland in the National Consultative Council would be one of his preconditions to rejoining the Council. That was before the Somaliland administration signed an illegal maritime Memorandum of Understanding with Ethiopia in 2024. The electoral commission of the Federal Government of Somalia recently issued a statement in which it claimed that it would hold elections in parts of Jubaland Puntland State despite the two federal member states having no ties with Mogadishu. Three impasses remain unresolved: the controversially amended articles of the provisional constitution, the proposed electoral model for 2026 and Puntland State’s position on the role of “Somaliland” MPs and Senators in the federal institutions in Mogadishu. The electoral impasse engineered by Villa Somalia might become a pretext for President Hassan Sheikh Mohamud to stay in power until 2028. © Puntland Post, 2025 The post Constitutional Changes and Electoral Wrangling Threaten Somalia’s Stability appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdoğan oo ka hadlayay xaaladda marinka Qasa iyo tillaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Israa’iil iyo Mareykanku ayaa sheegay in loo baahanyahay in la soo afjaro gumeysiga maamulka Israa’iil, islamarkaana la dhiso dowlad madax-bannaan oo falastiin leedahay. “Gumeysiga Israa’iil waa in si degdeg ah loo soo afjaraa, waana in la dhiso dawlad Falastiini ah oo ay caasimad u tahay bariga Quddus, Waxaan aragnaa in Israa’iil ay isku dayayso inay ka fogaato shuruudaha heshiiska xabbad-xabbad-joojinta” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Mareykanku uu saacado ka hor sheegay in haddii muddo 5 maalmood ah Xamaas ay ku soo deyn wayso dadka gacanta ugu jira, xabbad-joojintu ay meesha ka bixi doonto. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay shirka dowladaha adduunka ee magaalada Dubai ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in Mareykanku uu noqdo dalka ugu horreeya ee aqoonsado Soomaaliland. Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliland ay ku taallo goob istiraatiji ah, islamarkaana ay leedahay badda dhererkeedu uu gaarayo 800 KM, taas oo ka dhigaysa aag dunida muhiimad weyn u leh. Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta oo shirkan abaabulkiisa lahayd ayaa Soomaaliland ku casuumtay, ayadoo sidoo kale madaxda ka socatay dowladda Soomaaliya isla shirkaas ka qeyb-galayaan. Source: goobjoog.com
-
Nin u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo Mudahir Xaamud Al-subaydi ayaa faahfaahin la yaab leh ka bixiyay sida ay u shaqeeyaan xubnaha kooxda Daacish ee ka howl-gala deegaanada Puntland. Ninkan ayaa sheegay in uu magaalada Hargeysa shaqo u yimid, balse intii uu halkaas joogay xubno ka tirsan Daacish ay la soo xariireen, ka dibna ay ku qanciyeen inuu ku biiro kooxda. Mudahir wuxuu sheegay in intii uu Hargeysa joogay xubno kooxda ka tirsani ay baraha bulshada kala soo hadli jireen, islamarkaana ay u soo diri jireen muxaadarooyin, ugu dambeyn markii uu fakirkooda ku qancayna ay ku yiraahdeen Gaari soo raac oo imow Boosaaso. Wuxuu intaa ku daray in markii uu Boosaaso yimid uu keliya arkay nin lagu magacaabo Cismaan, kaas oo aan si feecan waxba ugu faahfaahin, xubna kaloo Daacish ahna aan tusin ee u dhiibay Cadar uu maalintii magaalada ku wareejiyo, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu qariyo hadafka rasmiga ee uu u joogo Boosaaso. Wuxuu sheegay in ninkaas lagu magacaabo Cismaan uu bannaanka u diri jiray markii uu telefoon ku hadlayo, haddii uu sharraxaad dheeraad ah kooxda ama shakhsiyaddiisa ku saabsan weydiiyona uu ku xanaaqi jirey. Mudahir oo wareysi siinayay warbaahinta Puntland ayaa sheegay in markii uu 3 bilood ka yar Boosaaso joogay in ninkii uu la joogay ee ahaa Cismaan uu habeen u sheegay inay qarax magaalada ku soo aasayaan, balse uu isla ayagii ku qarxay islamarkaana Cismaan uu ku dhintay, asagana dhaawaca lagu qabtay. Haddaba inkastoo laga yaabo in ninkan lagu magacaabo Mudahir uu wax badan qariyay, haddana qaabka ay kooxdu u shaqeeyaan ee uu sheegay ayaa muujinaysa in Daacish ay adeegsadaan xeelad aad u sarraysa, taas oo ay kamid yihiin in ay baraha bulshada dadka ka Tashkiiliyaan iyo inay kala qariyaan xubno la shaqeeya ee magaalooyinka jooga. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo maanta kooxda Daacish ku qaaday ciidamada ammaanka Puntland ee howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa saaka aroortii hore waxa ay kooxdu ka fulisay deegaanka Haraaryo oo u dhow Toga-Jaceyl oo ay isku hayaan labada dhinac. Daacish ayaa weerarkan usoo abaabushay si wayn, waxaana fuliyay rag ismiidaamiyay oo ajaaniib u badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Khasaare xooggan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhasha weerarka, waxaana Puntland ay shaacisay inay xubno badan ka dishay dagaalyahannada weerarka soo qaaday. Sawirro lagu baahiyey barta Telegram ee ciidanka ayaa muujinaya ajaaniib u badan kuwa Madaw ah oo qaarkood isqarixiyey, kuwa kalena ay ciidamadu toogteen. Dhinac kale qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maleeshiyaadka kooxda dhegta dhiigga loo daray, isla-markaana dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay weerarka ay saaka kusoo qaadeen ciidamada ammaanka. “Ciidanku waxay markale dhegta dhiiga u dareen, Argagixisada Daacish- deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel ee buuralayda Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraal taliska. Sidoo kale waxa lasii raaciyay “Saaka maydkooda Argagixisada Daacish, ayaa meel walbo yaallo – Haraaryo , Tog jeceel, buuraha Calmiskaad”. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo culus laga dareemayaa aaga buuraha Calmiskaad oo ah halka ay isku hayaan Puntland iyo kooxda Daacish. Weerarkan waxaa ka horreeyay duqeyn dhanka cirka ah oo Isniintii shalay ⁹lagu beegsaday Daacish, loogana dilau illaa 13 dagaalyahan oo ajnabi ahaa, sida ay shaacisay Puntland.
-
Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya sida uu ku bilowday Hawlgalka culus oo ay saaka ciidamada Puntland ka wadaan degaannada Haraaryo iyo Qurac ee togga Jeceel kaasi oo lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish. Hawlgalkani ayaa bilowday kaddib markii mileeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ay aroornimadii hore ee saaka weerar qaraxyo iyo dagaal toosa ku soo qaadeen degaanka Haraaryo ee togga Jeceel oo ahayd difaaca hore ee Ciidamada dowladda Puntland ee dagaalka kula jira dagaallamayaasha ISIS. Ciidamada difaaca Puntland oo sii hayay xogta weerarka ayaa ku guulaystay in ay si buuxda u fashiliyaan isku daygaasi Argagixisada waxaana ay dileen dhammaan dagaallamayaashii weerarka soo qaaday oo isugu jiray ismiidaamiyaal iyo dagaallamayaal hubaysan oo dagaal toosa soo qaaday sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Puntland. Intaasi kaddib ciidamada difaaca Puntland oo ka dhaqaaqay degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa hawlgal xooggan ku qaaday goobihii ay saaka weerarka ka soo qaadeen dagaallamayaasha Argagixisada Daacish halkaasi oo uu weli ka socdo hawlgal sifayn ah islamarkaana saraakiisha ciidamadu sheegayaan in kooxda laga saaray. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Hawlgalka xooggan ee Saaka Ciidamada Puntland ka wadaan Cal-miskaad appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa Isniintii u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, in dowladaha Carabta ay taageersan yihiin mowqifka Falastiiniyiinta ee diidmada qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo lagu doonayo in lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza, laguna maamulo marinkaas. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in Abdelatty, kulankii uu Washington kula yeeshay Rubio, uu adkeeyay muhiimadda in si degdeg ah loo dardar-geliyo dib-u-dhiska Gaza iyadoo Falastiiniyiintu wali ku sugan yihiin dhulkooda. Abdelatty, oo Axaddii gaaray Washington, ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu la shaqeeyo maamulka cusub ee Maraykanka si loo gaaro “nabadda iyo xasilloonida dhammaystiran ee caddaaladda ku dhisan” ee gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Maraykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, isagoo mar kale ku celiyay mowqifka Masar ee taageerada Falastiiniyiinta. Soo-jeedin kasta oo ku saabsan in Falastiiniyiinta ay ka tagaan Gaza—oo ay u arkaan qeyb ka mid ah dowlad madax-bannaan oo ay doonayaan—ayaa muddo dheer waxaa diidanaa hoggaanka Falastiiniyiinta, waxaana sidoo kale si cad u diiday dowladaha Carabta tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday 2023. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay mideysnaato si ay u taageeraan Falastiiniyiinta, loogana shaqeeyo sidii loo saxilahaa “caddaalad-darro taariikhi ah” looguna soo celin lahaa “xuquuqdooda sharciyeed ee aan laga laaban karin.” Qorshaha Trump ayaa cambaareyn ballaaran kala kulmay caalamka, iyadoo hoggaamiyeyaasha adduunka ay ka digayaan in tallaabadaasi ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka. Trump ayaa Isniintii, waraysi uu siiyay Fox News, ku sheegay in Falastiiniyiintu aysan heli doonin xaqa ay ugu laaban karaan marinka Gaza marka la fuliyo qorshihiisa, taasi oo si cad uga hor imaneysa hadallo hore oo ka soo yeeray saraakiil ka tirsan xukuumaddiisa kuwaasoo sheegay in Falastiiniyiinta Gaza loo guurinayo kaliya si ku meel gaar ah. Trump ayaa ku sheegay inuu aaminsan yahay inuu heshiis la gaari karo dalalka Urdun iyo Masar si ay u aqbalaan Falastiiniyiinta la barakiciyay, isagoo xusay in Maraykanku siiyo labadaas dal “balaayiin dollar sanadkii.” Markii la weydiiyay haddii Falastiiniyiintu heli doonaan xaqa ay ugu laaban karaan Gaza, Trump ayaa ku jawaabay: “Maya, ma heli doonaan, sababtoo ah waxaan u dhiseynaa guryo ka wanaagsan.” “Waxaan ka hadlayaa dhisidda meel rasmi ah oo ay degaan,” ayuu sii raaciyay, isagoo xusay in ay qaadan doonto sanado badan si Gaza ay mar kale u noqoto meel la deegi karo.
-
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii diyaarad ganacsi ay ku kacday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Scottsdale ee gobolka Arizona, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu. Dave Folio oo ah afhayeenka Waaxda Dab-damiska ee Scottsdale, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ugu yaraan afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen shilka. 29-kii bishii Janaayo ayay markii ugu yaraan 21 qof ay ku dhinteen ka dib markii ay isku dheceen diyaarad militari iyo duulimaad ay lahayd shirkadda American Airlines, oo ka baxaysa garoonka Reagan National Airport ee magaalada Washington, waxaana dhacdadaas lagu tilmaamay tii ugu dhimashada badnayd wixii ka dambeeyay 2001-dii. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada amniga ee Puntland ayaa Isniintii shaaciyey in duqeyn cirka ah oo dhawaan ka dhacday gobolka Bari lagu dilay in ka badan 13 dagaalyahan oo ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish. Duqeyntan ayaa lagu beegsaday saldhigyo ay kooxaha argagixisada ku dhuumaaleysanayeen, waxaana ay qeyb ka ahayd howlgalka socda ee ka dhanka ah argagixisada oo la fuliyay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee gobolka. “Duqeyntii lagu qaaday deegaanka Dhasaq, oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad, 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaa lagu dilay in ka badan 13 dagaalyahan oo ajnabi ah oo ka tirsan Daacish,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay unugga la-dagaalanka argagixisada ee Puntland. Ciidamada amniga ayaa sidoo kale howlgal ballaaran ka fuliyay deegaannada Hararyo iyo Toga-Jeceel, iyagoo sii ballaarinaya hawlgalladooda si ay u beegsadaan goobo kale oo ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish. “Intii uu socday howlgalka, ciidamada waxay heleen xarumo ay horey u isticmaali jireen kooxaha argagixisada ee Daacish,” ayaa lagu yiri bayaan kale oo lagu daabacay baraha bulshada, gaar ahaan X. Saraakiisha amniga gobolka ma aysan caddeyn dalka fuliyay duqeyntan. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa dhacay wax ka badan toddobaad kaddib markii Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu xaqiijiyay inuu duqeymo ka dhan ah Daacish ka fuliyay Soomaaliya, isagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya. AFRICOM ayaa sheegay in weeraradaas lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya. Ciidamada amniga ayaa muddo ka badan bil waday howlgallo ka dhan ah kooxda argagixisada, iyagoo ku guuleystay in ay ka xoreeyaan deegaanno badan oo horey gacanta ugu jiray kooxdaas. Soomaaliya ayaa muddo sanado ah wajahaysay amni darro baahsan, iyadoo khataraha ugu waaweyn ay ka imanayaan kooxaha argagixisada ee al-Shabaab iyo Daacish. Tan iyo 2007, al-Shabaab ayaa dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM oo ah hawlgal dhinacyo badan leh oo ay ansixiyeen Midowga Afrika isla markaana uu ogolaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kooxda al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso dalka tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay “dagaal aan waxba la iskula harin” oo ka dhan ah kooxdaas.
-
Hawlgal xooggan oo ay aroornimadii hore ee saaka qaadeen ciidamada difaaca dowladda Puntland ayay ku dileen in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan Argagixisada Daacish. Ilo wareedyo amni oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa xaqiijinaya in ilaa iyo hadda la dilay in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish islamarkaana uu weli socda hawlgalka ciidamadu ku sifaynayaan kooxdaasi. Hawlgalka oo ka socda degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa durba ciidamada difaaca Puntland ku soo bandhigeen qeybta kowaad meydadka Argagixisadii saaka lagu dilay dagaalka waxaana saraakiishu sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo kooxda laga furtay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo saaka in ka badan 40 dagaallame ka dilay Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Dr. Rashid Maxamud Yusuf (ALKUD) ayaa bogaadiyey guullaha isdaba jooga ah ee ciidamada Difaaca Puntland ka soo hoyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ku dhuumaaleysanaysa buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Wasiir hore Dr. Rashiid waxa uu uga tacsiyeeyay qoysaskoodii iyo Dowlada Puntland halyeeyadii ku shahiiday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran Difaaca Dalkooda, Wuxuuna Alle uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisa janno, una boogadhayo halyeeyadii ku dhaawacmay. 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝𝐜𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐂𝐢𝐫𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐚𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚. Dr. Rashid Maxamud Yusuf (ALKUD) ayaa sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Said Abdulalahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor uga mahadceliyey dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee ay ku bixinayaan sidii deegaanada Puntland looga ciribtiri lahaa kooxda Argagixisadda ah ee Daacish. Sidoo kale Wasiir hore Dr. Rashid ayaa ugu baaqay bulshada reer Puntland in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan ciidamada Puntland oo naftooda u huraya difaaca dadkooda, dalkooda, iyo diintooda, sidoo kalena Dowlada ku gacan siiyaan hormarinta adeegyadda Dowliga ah. 𝐆𝐚𝐫𝐚𝐛 𝐢𝐬𝐭𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝. Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Puntland Dr. Rashid Maxamud Yusuf (ALKUD) ayaa ugu baaqay Shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo inay garab istaagaan Ciidanka Difaaca Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Argagixisadda ah, ayna muujiyaan Midnimada iyo isku duubnida ka dhaxaysa Shacabka Walaalaha ah ee dhib iyo dheef wadaaga ah. 𝐊𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐟𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐜𝐮𝐬𝐛𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨. Wasiir hore Dr. Rashid Maxamud Yusuf (ALKUD) ayaa ugu damayntii ugu baaqay gollayaasha kala duwan ee maamulka SSC-Khaatumo in wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka dhex taagan gollaha Baarlamanka iyo gollaha Fullinta, loona baahan yahay in markasta Wadatashi iyo wadajir looga wada shaqeeyo arrimaha masiiriga ah, si looga hortago waxkasta oo lidi ku noqon Kara jiritaanka maamulka SSC-Khaatumo sidoo kalena dhaawici kara halgankii dheera ee ay bulshadu usoo gashay sidii maamulka SSC-Khaatumo Cagihiisa ugu istaagi lahaa. Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Puntland Dr. Rashid (ALKUD) ayaa usoo jeediyey Isimada dhaqanka iyo Hal-doorka SSC-Khaatumo inay qaataan dowrkooda kaga aadan xalinta khilaafka soo cusboonaday ayna ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo jiritaanka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Wasiirkii hore ee Kalluumeysiga Puntland oo bayaan ka soo saaray Dagaalka Calmiskaad baaqna u diray SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Somali army force repel ISIS attack in Al-Miskaat mountains
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garowe (HOL) – Security forces in Somalia’s semi-autonomous state of Puntland foiled an attack by ISIS militants in the Haraya area of the Toga-Jeceel in Al-Miskaat Mountains late Monday night. Source: Hiiraan Online -
Dimishiq (Caasimada Online) – Qabiilooyinka Shiicada ah ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen dalka Suuriya una gudbeen dalka Lubnaan, kaddib maalmo ay ku dagaallamayeen ciidamada Suuriya xuduudda. Dowladda KMG ah ee Suuriya, oo u badan xubno ka tirsan kooxdii hore ee fallaagada Hay’at Tahrir al-Sham (HTS), ayaa Khamiistii waxay ka bilowday “olole ballaaran” tuulada xuduudda ku taalla ee Hawik. Gobolka, oo la sheegay inuu qayb ka yahay dariiq loo isticmaalo tahriibka oo ay isticmaasho Xizbullah, dhaqdhaqaaqa Lubnaan ee taageeri jiray dowladdii la riday Suuriya, ayaa waxaa u badan xubno ka tirsan qabiilada Zaiter iyo Jaafar, oo dega Lubnaan iyo Suuriya. Qabiilada ayaa si xooggan ula dagaallamay ciidamada Suuriya, kuwaas oo sheegay inay burburinayaan tahriibka hubka iyo daroogada. Sida ay sheegtay warbaahinta l’Orient Today ee dalka Lubnaan, qabiilada ku lugta leh dagaallada waa qoysaska Zaiter, Jaafar, Noun, Jamal iyo Rachini, qoysas Shiica ah oo Lubnaan u dhashay oo qarniyo badan ku noolaa meelaha xadka ah. “Si aan uga fogaanno wax kasta oo isku dhac ah, waxaan xubnaheennii ula baxnay dhanka gudaha xuduudaha Lubnaan, iyaga oo ka barakacay tuulooyinkoodii. Nasiib darro, taasi nama caawin, maadaama magaalooyinkeena gudaha Lubnaan lagu weeraray hub culus,” ayuu xubin ka tirsan qabiilka Jaafar ku yiri war-saxaafadeed. Duqeymo ayaa ku dhacay dhulka Lubnaan maalmihii la soo dhaafay, gaar ahaan gobolka Hermel ee waqooyi-bari, iyaga oo dilay dhowr qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan hal qof oo qaxooti Suuriyaan ah. Beelaha ku nool waqooyiga Dooxada Beqaa ayaa cabasho ka muujiyay “dayacaad” ay ka dareemeen dowladda Lubnaan, taasoo ay sheegeen inay ku khasbtay inay iyagu difaacaan deegaannadooda. Jimcihii, Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya Ahmed al-Sharaa, waxayna ku heshiiyeen in “la isku kaashado xakameynta xaaladda iyo in laga hortago weerarrada shacabka lagu beegsanayo.” Sabtidii, ciidamada Lubnaan ayaa si ku-meel-gaar ah u soo celiyay xasiloonida, inkastoo rasaas goos-goos ah dib loo maqlay. Milatariga Lubnaan ayaa sheegay in Aoun uu amar ku bixiyay in cutubyo militari loo diro xuduudaha waqooyi iyo bari “si looga hortago rasaas ka timaadd dhanka Suuriya.” “Cutubyadani waxay bilaabeen inay ka jawaabaan weerarrada iyagoo adeegsanaya hub ku habboon, iyadoo la eegayo dagaalladii dhawaan ka dhacay gobollo kala duwan oo Lubnaan ah.” Xuduudda Lubnaan iyo Suuriya ayaa marar badan wajahday dagaallo goos-goos ah iyo caqabado dhanka maamulka tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar al-Assad, 8-dii December. Todobaadyadii ugu horreeyay kaddib markii uu Assad xilka ka degay, dagaalyahanno hubeysan oo Suuriyaan ah ayaa kula dagaallamay ciidamada Lubnaan meelo badan oo ka tirsan xuduudda labada dal. Si loo xakameeyo xaaladda, dowladda cusub ee Suuriya ayaa xaddiday gelitaanka muwaadiniinta Lubnaan, haddii aysan lahayn ruqsad deggenaansho, aysan guursan qof Suuriyaan ah, ama aysan haysan oggolaansho gaar ah. Bishii Janaayo, xeerarkan ayaa wax yar la fududeeyay, iyadoo ruqsado la siiyay shaqaalaha, ardayda, bukaannada, iyo suxufiyiinta reer Lubnaan haddii ay haystaan dukumenti sax ah. Kahor dhacdooyinkan, dadka reer Lubnaan waxay si xor ah ugu geli jireen Suuriya iyagoo muujinaya oo kaliya kaar aqoonsigooda qaran, iyagoon u baahnayn fiiso ama baasaboor.
-
Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka aroornimadii hore bilaabay hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada ku teedsan togga Jaceel, buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari. Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Haraaryo, oo ka mid ahaa goobihii ay maalmahan dambe isku uruursanayeen argagixisadu. Warbixinta taliska ayaa intaa ku dartay in ciidamadu si xooggan u beegsadeen xubnaha Daacish, iyagoo khasaaro xoogan gaarsiiyay. Dhinaca kale, wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah ay xalay ka dhaceen deegaanada Qurac, Dandamale, Daray Madoobe, Garaar iyo Sheebaab, kuwaas oo dhammaan lagu tuhunsanaa inay saldhigyo u yihiin Daacish. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahaasi, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in bartilmaameedyo muhiim ah la beegsaday. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu baabi’in doono heshiiska xabbad-joojinta Qasa, haddii Xamaas ay muddo 5 maalmood ah ku sii dayn wayso Israa’iiliyiinta ay gacanta ku hayso. Trump oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in haddii dhammaan la haystayaasha Israa’iil lagu sii deyn waayo ilaa12-ka duhurnimo ee maanta Sabtida ah ee soo socata, uu dalban doono in xabbad joojinta Qasa meesha laga saaro. Trump ayaa taniyo markii xaafiiska yimid bishii Janaayo wuxuu qaaday tillaabooyin ka dhan ah dadka reer Falastiin, wuxuuna saacado ka hor sheegay inuu doonayo inuu iibsado guud ahaan marinka Qasa, islamarkaana uu mashaariic hormarineed oo waaweyn ka fuliyo, ayadoo dadka deggan laga rarayo. Source: goobjoog.com
-
𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗮𝘁 𝘁𝗵𝗲 𝗪𝗼𝗿𝗹𝗱 𝗚𝗼𝘃𝗲𝗿𝗻𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗦𝘂𝗺𝗺𝗶𝘁: 𝗔 𝗩𝗶𝘀𝗶𝗼𝗻 𝗳𝗼𝗿 𝗚𝗹𝗼𝗯𝗮𝗹 𝗖𝗼𝗹𝗹𝗮𝗯𝗼𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗮𝗻𝗱 𝗡𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗱𝘃𝗮𝗻𝗰𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁 President Dr. Abdirahman Mohamed Abdillahi Cirro’s participation in the prestigious World Government Summit 2025 in the UAE marks a pivotal moment in Somaliland’s journey on the global stage. This event provides a remarkable opportunity for Somaliland to showcase its aspirations, achievements, and untapped potential to a world audience. Attending alongside global leaders, policymakers, and innovators, Somaliland can use this platform to strengthen its international profile, advocate for recognition, and attract much-needed investment. The Summit’s focus on fostering dialogue and collaboration makes it an ideal forum for Somaliland to communicate its vision for sustainable development, security partnerships, and digital transformation. This article highlights the opportunities Somaliland stands to gain, key messages President Cirro can deliver, and how the Somaliland delegation can maximize private discussions to further the nation’s goals. 𝗢𝗽𝗽𝗼𝗿𝘁𝘂𝗻𝗶𝘁𝗶𝗲𝘀 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝟭. 𝗘𝗰𝗼𝗻𝗼𝗺𝗶𝗰 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗮𝗻𝗱 𝗙𝗼𝗿𝗲𝗶𝗴𝗻 𝗜𝗻𝘃𝗲𝘀𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁 Somaliland’s strategic location and untapped resources present immense opportunities for foreign investors. The Port of Berbera, a gateway to East Africa and beyond, is situated along one of the world’s busiest maritime trade routes. Recent reforms, such as the adoption of digital tax systems, reflect Somaliland’s commitment to creating a business-friendly environment. At the Summit, Somaliland can spotlight sectors ripe for investment: ️𝗜𝗻𝗳𝗿𝗮𝘀𝘁𝗿𝘂𝗰𝘁𝘂𝗿𝗲 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁: Opportunities in expanding ports, building roads, and enhancing energy projects. ️𝗡𝗮𝘁𝘂𝗿𝗮𝗹 𝗥𝗲𝘀𝗼𝘂𝗿𝗰𝗲𝘀: Exploration of Somaliland’s oil, gas, and mineral wealth. ️𝗔𝗴𝗿𝗶𝗰𝘂𝗹𝘁𝘂𝗿𝗲 𝗮𝗻𝗱 𝗙𝗶𝘀𝗵𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀: Leveraging fertile land and rich marine resources to boost food security and exports. By positioning itself as a stable and open destination for investment, Somaliland can attract global interest in its growing economy. 𝟮. 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆 𝗣𝗮𝗿𝘁𝗻𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽𝘀 Located near the Gulf of Aden and the Red Sea, Somaliland occupies a critical position in regional and global security. Its proven record of maintaining internal stability and combating piracy makes it a key player in safeguarding international trade routes. At the Summit, Somaliland can propose joint initiatives to enhance maritime security, positioning itself as a reliable partner for global powers in securing vital trade corridors. 𝟯. 𝗔𝗱𝘃𝗼𝗰𝗮𝗰𝘆 𝗳𝗼𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻 One of Somaliland’s primary objectives remains achieving formal recognition as a sovereign nation. The World Government Summit provides a platform for Somaliland to engage directly with influential countries and organizations. By highlighting its democratic governance, respect for human rights, and unwavering commitment to regional stability, Somaliland can build stronger alliances with countries like the UAE and other international partners who already acknowledge its strategic importance. 𝟰. 𝗢𝗽𝗽𝗼𝗿𝘁𝘂𝗻𝗶𝘁𝗶𝗲𝘀 𝗶𝗻 𝗔𝗿𝘁𝗶𝗳𝗶𝗰𝗶𝗮𝗹 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗹𝗹𝗶𝗴𝗲𝗻𝗰𝗲 𝗮𝗻𝗱 𝘁𝗵𝗲 𝗗𝗶𝗴𝗶𝘁𝗮𝗹 𝗘𝗰𝗼𝗻𝗼𝗺𝘆 The global rise of artificial intelligence (AI) and the digital economy offers Somaliland a transformative opportunity to leap into modernity. At the Summit, Somaliland can emphasize its ambitions in the digital space: ️𝗣𝗿𝗼𝗺𝗼𝘁𝗲 𝗗𝗶𝗴𝗶𝘁𝗮𝗹 𝗚𝗼𝘃𝗲𝗿𝗻𝗮𝗻𝗰𝗲: Using AI-driven systems to enhance public services, improve efficiency, and reduce corruption. ️𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽 𝗮𝗻 𝗜𝗻𝗻𝗼𝘃𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗘𝗰𝗼𝘀𝘆𝘀𝘁𝗲𝗺: Attracting investment in AI, fintech, and startups, driven by Somaliland’s young, tech-savvy population. ️𝗘𝘅𝗽𝗮𝗻𝗱 𝗗𝗶𝗴𝗶𝘁𝗮𝗹 𝗜𝗻𝗳𝗿𝗮𝘀𝘁𝗿𝘂𝗰𝘁𝘂𝗿𝗲: Partnering with global technology leaders to improve internet access and enable e-commerce for entrepreneurs. ️𝗙𝗼𝘀𝘁𝗲𝗿 𝗥𝗲𝗴𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗖𝗼𝗹𝗹𝗮𝗯𝗼𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻: Leading efforts to create a connected digital market in the Horn of Africa, facilitating cross-border trade and technology transfer. These efforts align with Somaliland’s broader development goals, offering solutions to challenges like unemployment while positioning the nation as a regional leader in technology. 𝗞𝗲𝘆 𝗠𝗲𝘀𝘀𝗮𝗴𝗲𝘀 𝗳𝗼𝗿 𝗣𝗿𝗲𝘀𝗶𝗱𝗲𝗻𝘁 𝗗𝗿. 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼’𝘀 𝗦𝗽𝗲𝗲𝗰𝗵 In his address to the Summit, President Cirro can focus on the following themes to capture the attention of global leaders: 𝗖𝗼𝗺𝗺𝗶𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁 𝘁𝗼 𝗗𝗲𝗺𝗼𝗰𝗿𝗮𝗰𝘆 𝗮𝗻𝗱 𝗚𝗼𝗼𝗱 𝗚𝗼𝘃𝗲𝗿𝗻𝗮𝗻𝗰𝗲: Highlighting Somaliland’s democratic traditions, peaceful elections, and transparent governance can bolster its credibility as a partner for progress. 𝗘𝗰𝗼𝗻𝗼𝗺𝗶𝗰 𝗣𝗼𝘁𝗲𝗻𝘁𝗶𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝘃𝗲𝘀𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗢𝗽𝗽𝗼𝗿𝘁𝘂𝗻𝗶𝘁𝗶𝗲𝘀: Sharing Somaliland’s success stories, such as the modernization of the Port of Berbera and partnerships with DP World, can inspire investor confidence. 𝗗𝗶𝗴𝗶𝘁𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗧𝗲𝗰𝗵𝗻𝗼𝗹𝗼𝗴𝗶𝗰𝗮𝗹 𝗧𝗿𝗮𝗻𝘀𝗳𝗼𝗿𝗺𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻: Emphasizing Somaliland’s vision to become a regional hub for AI and digital innovation will resonate with tech-focused leaders and investors. 𝗦𝘁𝗿𝗮𝘁𝗲𝗴𝗶𝗰 𝗥𝗼𝗹𝗲 𝗶𝗻 𝗚𝗹𝗼𝗯𝗮𝗹 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆: Somaliland’s contributions to maritime security and counter-piracy efforts underscore its importance in protecting international trade routes. 𝗖𝗼𝗺𝗺𝗶𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁 𝘁𝗼 𝗦𝘂𝘀𝘁𝗮𝗶𝗻𝗮𝗯𝗶𝗹𝗶𝘁𝘆: Showcasing Somaliland’s dedication to combating climate change and promoting biodiversity aligns its goals with global environmental priorities. 𝗣𝗿𝗶𝘃𝗮𝘁𝗲 𝗗𝗶𝘀𝗰𝘂𝘀𝘀𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗮𝗻𝗱 𝗗𝗶𝗽𝗹𝗼𝗺𝗮𝘁𝗶𝗰 𝗘𝗻𝗴𝗮𝗴𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁 In addition to public engagements, the Somaliland delegation can use private meetings to further strategic objectives: 𝟭. 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝗻𝗴 𝗘𝗰𝗼𝗻𝗼𝗺𝗶𝗰 𝗣𝗮𝗿𝘁𝗻𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽𝘀: Discuss infrastructure development, renewable energy projects, and agricultural modernization with international investors and development agencies. 𝟮. 𝗦𝘁𝗿𝗲𝗻𝗴𝘁𝗵𝗲𝗻𝗶𝗻𝗴 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆 𝗖𝗼𝗹𝗹𝗮𝗯𝗼𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀: Engage defense experts on enhanced maritime safety, counter-terrorism initiatives, and intelligence-sharing partnerships. 𝟯. 𝗔𝗱𝘃𝗮𝗻𝗰𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗗𝗶𝗴𝗶𝘁𝗮𝗹 𝗔𝗴𝗲𝗻𝗱𝗮: Build relationships with global tech leaders to accelerate Somaliland’s digital transformation and promote AI-driven governance. 𝟰. 𝗔𝗱𝘃𝗼𝗰𝗮𝘁𝗶𝗻𝗴 𝗳𝗼𝗿 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻: Hold bilateral talks with sympathetic nations to emphasize the mutual benefits of formal recognition, including economic cooperation and security alliances. 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗨𝗻𝗶𝗾𝘂𝗲 𝗢𝗳𝗳𝗲𝗿𝗶𝗻𝗴𝘀 𝘁𝗼 𝘁𝗵𝗲 𝗪𝗼𝗿𝗹𝗱 Somaliland stands out as a beacon of stability and opportunity in the Horn of Africa. Its contributions to the global community include: ️𝗠𝗮𝗿𝗶𝘁𝗶𝗺𝗲 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆: Protecting vital trade routes for the smooth flow of goods across the globe. ️𝗨𝗻𝘁𝗮𝗽𝗽𝗲𝗱 𝗘𝗰𝗼𝗻𝗼𝗺𝗶𝗰 𝗣𝗼𝘁𝗲𝗻𝘁𝗶𝗮𝗹: Boasting natural resources, agricultural capabilities, and a strategic location ideal for trade and investment. ️𝗗𝗶𝗴𝗶𝘁𝗮𝗹 𝗧𝗿𝗮𝗻𝘀𝗳𝗼𝗿𝗺𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻: Committed to embracing AI and fostering regional digital integration. ️𝗗𝗲𝗺𝗼𝗰𝗿𝗮𝘁𝗶𝗰 𝗩𝗮𝗹𝘂𝗲𝘀: A proven track record of political stability and governance rooted in democratic principles. 𝗖𝗼𝗻𝗰𝗹𝘂𝘀𝗶𝗼𝗻 President Dr. Abdirahman Cirro’s presence at the World Government Summit represents a milestone in Somaliland’s engagement with the international community. This is a golden opportunity to secure investments, strengthen security partnerships, and reinforce Somaliland’s case for recognition. By embracing digital transformation, emphasizing its economic potential, and leveraging its strategic importance, Somaliland can showcase itself as a nation of progress and innovation. The Summit provides the perfect platform for Somaliland to demonstrate that it is not just a nation with potential but one already delivering results and ready to partner with the world. The world is watching, and Somaliland is ready to shine. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠. 𝗠𝘂𝘀𝗮 E-mail: halimusa4@gmail.com 𝗗𝗮𝘁𝗲: 𝗠𝗼𝗻𝗱𝗮𝘆, 𝟭𝟬 𝗙𝗲𝗯𝗿𝘂𝗮𝗿𝘆 𝟮𝟬𝟮𝟱 Qaran News
-
More than 30 heads of state to gather in Dubai as World Governments Summit 2025 expects record participation The 12th edition of the World Governments Summit (WGS) will take place in Dubai from February 11-13 under the theme ‘Shaping Future Governments’. Record international participation, the largest in WGS history, is expected this year. This year’s Summit will host over 30 heads of state and government, over 80 international organisations, 140 government delegations, and more than 6,000 participants, including leading global experts. Attendance has increased by over 50% compared to last year, representing the largest gathering in the Summit’s history, with delegates from every continent and a wide range of sectors. The summit aims to be a unifying platform for governments worldwide, fostering economic, social, and governmental progress towards equitable development for all. The summit’s record participation extends to leaders from key global sectors, including technology, health, media, aviation, transportation, and tourism. These leaders will participate in extensive discussions aimed at identifying opportunities and developing innovative solutions to accelerate growth within their respective sectors. Mohammad bin Abdullah Al Gergawi, Minister of Cabinet Affairs and Chairman of the World Governments Summit Organisation, said that under the vision and guidance of President His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, and His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Vice President and Prime Minister of the UAE and Ruler of Dubai, WGS has, over the past 12 years, become the world’s largest and most influential forum for governments. Speaking at the World Governments Summit Dialogue, held on Wedesday at the Museum of the Future in Dubai to address the key themes and latest additions to WGS, Al Gergawi said: “The World Government Summit has achieved its prominent status through a unique and forward-thinking vision. This vision prioritises proactive future planning as the foundation of effective governance, focusing on empowering individuals and developing thriving communities. It champions international partnerships and collaboration as the most effective way to achieve common goals and ensure prosperity for all.” The expanded agenda features 21 global forums exploring future trends across 200-plus interactive sessions, addressed by over 300 prominent figures. More than 30 ministerial meetings and roundtables will convene 400-plus ministers, culminating in the release of 30 strategic reports developed with the Summit’s international knowledge partners. World leaders Al Gergawi announced the participation of several world leaders, including Prabowo Subianto, President of the Republic of Indonesia; Andrzej Duda, President of the Republic of Poland; Anura Kumara Dissanayake, President of the Democratic Socialist Republic of Sri Lanka; Gustavo Francisco Petro Urrego, President of the Republic of Colombia; Bernardo Arévalo, President of the Republic of Guatemala; Sheikh Ahmad Abdullah Al Ahmad Al Sabah, Prime Minister of the State of Kuwait; Nikol Pashinyan, Prime Minister of the Republic of Armenia; Robinah Nabbanja, Prime Minister of the Republic of Uganda; Shehbaz Sharif, Prime Minister of the Islamic Republic of Pakistan; Musalia Mudavadi, Prime Minister of the Republic of Kenya; Abdul Hamid Dbeibeh, Prime Minister of the Government of National Unity of the State of Libya; Mohammad Younus, Chief Advisor of the Interim Government of the People’s Republic of Bangladesh. Top officials The summit will feature dialogues with heads of international organisations, including Kristalina Georgieva, Managing Director of the International Monetary Fund; Doreen Bogdan-Martin, Secretary-General of the International Telecommunication Union; Rafael Grossi, Director-General of the International Atomic Energy Agency; Ahmed Aboul Gheit, Secretary-General of the League of Arab States; Haitham Al Ghais, Secretary-General of OPEC; and Jasem Albudaiwi, Secretary-General of the Gulf Cooperation Council. Business leaders The summit will also welcome leaders from key global sectors, including prominent figures from the artificial intelligence, energy, transportation, tourism, finance, and media industries. Participants include Sundar Pichai, CEO of Google; Joseph Tsai, Chairman of Alibaba Group; Michael Miebach, CEO of Mastercard; Almar Latour, CEO of Dow Jones; Pascal Soriot, CEO of AstraZeneca; David Baszucki, Co-founder and CEO of Roblox; and Larry Ellison, Co-founder, Chairman, and CTO of Oracle, among others. The summit also welcomes leaders from prominent international organisations, including Dr Fahad AlTurki, Director-General and Chairman of the Board of the Arab Monetary Fund; Dr Abdulhamid Alkhalifa, Director-General of the OPEC Fund for International Development (OFID); Odile Renaud-Basso, President of the European Bank for Reconstruction and Development, and UN High Commissioner for Refugees Filippo Grandi. Their presence highlights the summit’s focus on addressing global challenges and fostering collaborative solutions. Additionally, CEOs of major global technology companies and leaders of influential companies in the health sector will contribute to the discussions. Six themes The World Government Summit’s latest edition focuses on six key themes: Effective Governance and Accountability; Financing the Future and the Global Economy; Climate, Crisis Mitigation, and Resilient Cities; Human-centric Futures and Capacity Building; Global Health Transformations; and Emerging Frontiers and the Future. The summit’s agenda features 21 forums covering these themes, bringing together ministers, government officials, and sector leaders. These forums include: the Future of Mobility Forum; the Artificial Intelligence Forum; the Government Services Forum; the Future of Education Forum; the Government Experience Exchange Forum; the Future of Work Forum; the Emerging Economies Forum; the SDGs in Action Forum; the Arab Public Administration Forum and the Zero Bureaucracy Forum among others. The pre-summit day features the Arab Meeting for Young Leaders and the Arab Fiscal Forum. High-level talks Several ministerial meetings and high-level gatherings will take place during the summit, including the Arab Government Administration Forum Ministerial Meeting, the Arab Youth Ministers Meeting, the GCC Labour Ministers Meeting, a high-level meeting between Latin American and MENA countries on future investment, ministerial meetings on digital justice and COP29, the ICAO Council meeting, and the Latin American Administrative Development Organisation Council meeting. Numerous roundtable discussions will address topics such as AI, development cooperation, emerging economies, government communication, family businesses, and tourism. 100 most influential people in AI The summit will also host the annual gathering of TIME100’s most influential people in AI. Through this comprehensive agenda of forums, meetings, and discussions, the summit aims to provide a roadmap for governments to navigate rapid transformations, anticipate future opportunities and challenges, and foster international partnerships for sustainable development and prosperity. 30 reports Further solidifying its global influence, the World Government Summit will launch 30 strategic reports across various sectors. These reports, developed in collaboration with leading think tanks and research institutions, will offer key indicators, models, and innovative solutions to accelerate progress towards the Sustainable Development Goals, enhance government preparedness and resilience, and foster greater international cooperation. Awards The summit will also present several prestigious global awards recognising exceptional contributions to building a better future. These include the Best Minister in the World Award (in partnership with PwC), the Creative Government Innovations Award, the Global Award for Best Government Applications, the Global Government Excellence Award, and the Best Teacher in the World Award (in partnership with the Varkey Foundation). Finally, the summit will launch the Global Ministers Survey, inviting ministers worldwide to share their insights on critical global issues and contribute to collaborative solutions. Qaran News
-
Suspected Somali pirates have seized a Yemeni fishing boat off the Horn of Africa, authorities said late Monday. Source: Hiiraan Online
