Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 97 xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si adag u cambaareeyay tallaabo ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ganacsade Ajnabi ah ugu xirtay dhoofka Xoolaha Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xubnahan ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay ku sheegeen in aysan wax la aqbali karo ahayn in ganacsade Ajnabi ah oo taariikh madow ku leh dalka loo xiro dhoofka Xoolaha Soomaaliya. Waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhoofka Xoolaha Soomaaliya u xiray ganacsade shisheeye oo lagu magacaabo Abu-Yasir, kaasi oo deggan dalka Jabuuti, islamarkaana hore u dhacay ganacsato badan oo Soomaaliyeed. Xildhibaannadan ayaa sidoo kale tilmaamay in tallaabadani tahay markii u horraysay oo dhoofka Xoolaha Soomaaliya loo xiro hal shakhsi oo Ajnabi ah laguna Cuna-qabateeyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqayn jiray dhoofka Xoolaha. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay in uu ganacsade Ajnabi ah u xiray Dhoofka Xoolaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Washington (Caasimada Online) – Congress-ka Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay kulmaan Isniinta maanta si ay u sharciyeeyaan doorashadii madaxtinimada ee Donald Trump uu kaga guuleystay madaxweyne ku-xigeenka dalka Kamala Harris. Madaxweyne ku xigeenka ayaa mas’uul ka ah guddoominta tirinta natiijooyinka mid kasta oo ka mid ah 50-ka gobol ee dalka, taasi oo Harris gelinaysa marxalad ay ku xaqiijiso guul-darradeeda. Habraacan ayaa muddo dheer si caad ah uga dhacayey dalka, balse afar sano ka hor waxa uu isku bedelay fowdo kadib markii taageerayaasha Trump ay gudaha u galeen xarunta Congress-ka, halkaasi oo ay ku dhaawaceen ilaa 140 askari oo boolis ah, ayna ku qasbeen sharci-dejiyayaasha in ay badbaado raadsadaan. Muuqaalo kuwaas la mid ah lama filayo Isniinta maanta ah, iyadoo Harris ay qiratay guuldarrada, islamarkaana madaxweyne Joe Biden uu muujiyay baahida loo qabo hannaan nabadeed. Mas’uuliyiintu ayaa si kastaba isu diyaariyey xaaladdaas haddii ay dhacdo, iyagoo biro dhaadheer ka taagay kuna xiray aagga dhismaha Capitol. Isagoo ka hadlayay Axaddii Aqalka Cad, Biden wuxuu ugu yeeray wixii dhacay Jan. 6, 2021 “mid ka mid ah maalmaha ugu adag taariikhda Mareykanka.” “Waa inaan ku soo laabanaa aas-aaska, xil wareejinta caadiga ah ee awoodda,” ayuu yiri Biden. Waxa uu intaa ku daray in hab-dhaqankii Trump afar sano ka hor, oo ay ku jireen sheegashooyin been abuur ah oo soo noqnoqday oo ahaa in uu ku guulaystay doorashada, “ay khatar dhab ku aheyd dimoqraadiyadda.” “Waxaan ku rajo weynahay inaan hadda ka gudubnay,” Biden ayaa yiri. In ka badan 1,500 oo qof ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay xoog ku galeen xarunta madaxtooyada. Trump ayaa ballan qaaday inuu si degdeg ah dadkaas ugu soo saari doono cafis kadib markii uu xafiiska la wareego 20-ka Janaayo.
  3. Somaliland has pledged to strengthen its commitment to free speech, vowing to protect journalists and citizens from detention over opinions or facts deemed unfavourable by the government. President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro, fulfilling a key campaign promise, reaffirmed the administration’s dedication to democratic principles in a recent statement to civil society groups and the media. Minister of Information Ahmed Yasin Sheikh Ali Ayanle echoed this sentiment, emphasizing that freedom of expression is a cornerstone of Somaliland’s governance. “No one will be imprisoned for their opinions, provided they do not violate the law. Similarly, even if controversial, those reporting facts should not face legal consequences. Our ambition is to establish a society where the rule of law prevails, and fundamental freedoms are safeguarded,” Ayanle stated during a press briefing. Somaliland has earned praise from Freedom House, a U.S.-based organization that ranks nations on civil liberties and political rights. Consistently outshining regional counterparts like Kenya, Somaliland often tops the charts in East Africa for its commitment to democratic ideals. However, progress has been undermined by a troubling pattern of arrests targeting journalists and critics. Analysts argue that often politically motivated actions overshadow Somaliland’s otherwise commendable human rights record. President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro and his Waddani party made protecting civil liberties a centrepiece of their electoral campaign. Observers now await tangible reforms to translate these pledges into actionable policies that solidify Somaliland’s reputation as a beacon of democracy in the Horn of Africa. Qaran News
  4. Mogadishu (HOL) – Somali Disaster Management Agency (SODMA) Commissioner Mahmoud Moalim Abdulle met with a United Nations delegation led by George Conway, the Deputy Special Representative of the Secretary-General and UN Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, to address the ongoing drought crisis and humanitarian challenges. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) – Armed bandits attacked a Somali-owned shop in the KwaZulu-Natal province of South Africa, killing one Somali national and injuring another, the Somali business community reported on Sunday. Source: Hiiraan Online
  6. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa bilaabay abaabulka qabaa’ilada ku dhaqan gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan deegaanka buuraleyda Calmiskaad. Ujeedka abaabulkan ayaa salka ku haya dagaalka ka dhanka ah Daacish. Kooxdan oo muddooyinkii dambe culeys amni ku haysay maamulka Puntland ayuu haatan go’aansaday maamulku inuu ku qaado dagaal culus oo lagu ciribtirayo Daacishta saldhigatay buuraha maamulkaasi. Qabaa’ilada ku nool tuulooyinka bariga fog ee gobolka Bari ayaa la sheegay in ay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo galaan-galka Daacish ee deegaannada qaar. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland oo dhawaan ka badbaaday weerar ay Daacish ku qaadday tuulada Dharjaalle, ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada. Kulamadaas ayaa looga hadlay doorka qabaa’ilku ku yeelan karaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haya bulshada ee baneystay xoolahooda iyo dhiigoodaba. Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in gobolka Bari uu noqday bahalo galeen ay sabab u tahay galaan-galka iyo saamaynta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ku yeesheen bulshada deegaanka. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu xoojiyay baahida loo qabo in shacabka iyo qabaa’ilka iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa kooxahaasi deegaanadooda. Laamaha amniga Puntland ayay ku adkaatay inay xog ka helaan deegaanada Daacishtu ku sugan yihiin, iyadoo dhawaan weerarkii u dambeeyay ee Daacish uu muujiyay fashilka sirdoon ee ciidanka Puntland, maadaana kooxda weerarka soo qaaday ay soo jareen boqolaal Kiilo-mitir, iyagoo soo maray dhowr tuulo oo ay dad reer miyi ah degan yihiin.
  7. AQPUPCshYxkMUupe256R2GKH7LtHLFI_sIYk1pBOmUEsuHFQW8duoZtkHxl2O_2yypQ3jP6_KvBmV24vx7tuleH6 Qaran News
  8. Ciidamada Amniga Gobolka Bari ayaa sida wararku sheegayaan maanta fashiliyay falal argagixiso oo laga abaabulayay gudaha Boosaaso. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amniga Puntland ayaa sheegaya in ay fashiliyeen falal argagixiso oo laga abaabulayay Boosaaso, kuwaasi oo ay ku jiraan qaraxyo la doonayay in laga fuliyo Boosaaso. Ciidamada Amniga oo kaashanaya hay’adaha Sirdoonka dowladda Puntland ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan qaraxyadii iyo hubkii lagu fulin lahaa weerarka, islamarkaana waxay gacanta ku dhigeen shakhsiyaadkii watay. Saraakiisha Amniga Boosaaso ayaa sidoo kale tilmaamay in ay baaris ku wadaan shakhsiyaadkii lagu qabtay qaraxyada iyo hubka ee doonayay in ay fuliyaan weerarka, kuwaasi oo wararka hordhaca ah tibaaxayaan in ay ka tirsan yihiin mileeshiyaadka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Puntland oo fashiliyay falal argagixiso oo laga abaabulayay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  9. Hayir: “Tractors are the property of the state and will be registered at the Auditor General’s Office.” Mogadishu (PP News Desk) — The Agriculture Ministry of Somalia claimed that Puntland State would receive two tractors, unlike other federal member states, each of which received five tractors. The Agriculture Minister, Mohamed Abdi Hayir, stated that Puntland State had received its tractors from the Food Systems Resilience Programme. “Tractors are the property of the state and will be registered at the Auditor General’s Office. The Federal Agriculture Ministry and its federal member state counterparts will oversee the tractors, which will be used by farmers free of charge,” reads the statement signed by the Agriculture Minister. The Puntland Agriculture Ministry has not commented on the tractors allocated to federal member states or on where Puntland received tractors from the Food Systems Resilience Programme. Responsibility for the upkeep of tractors lies with the federal member states under whose jurisdiction the Farm Machinery and Agricultural Services Organisation (ONAT) operates. © Puntland Post, 2025 The post Somali Agriculture Minister Clarifies Tractor Distribution Policy appeared first on Puntland Post.
  10. Gaza (Caasimada Online) – Isar’il iyo Xamaas ayaa Axaddii isku mari waayay wajiga koowaad ee heshiis xabbad joojin ah oo ka hirgala Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduubaan Xamas. Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Axaddii sheegay in kooxdu ay ansixisay sii deynta liis ka kooban 34 Isra’iiliyiin ah oo ka mid ah la heystayaasha, taas oo ay Xamaas ku baddalaneyso heshiis ugu danbeyntii ka hirgala Gaza. Hase yeeshee, war kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay, in Xamaas aysan soo gudbin liiska la heystayaasha. Laakin goor danbe oo Axaddii shalay aheyd, ayay Xamaas nuqul ka mid ah magacyada liiska ay sii deyn rabto tusisay wakaaladda wararka ee Reuters, sida ay ku warrantay wakaaladdan. Wada-hadallada heshiiska xabbad joojinta labada dhinac ayaa maalmihi lasoo dhaafay dib uga billowday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo afjaro dagaalka 15-ka bil ka socda Gaza. Waxaana hadafku yahay in xalka kama danbeysta ah la gaaro ka hor 20-ka January markaas oo uu xafiiska Aqalka Cad ku soo laaban doono madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.
  11. A plot of state land in Mogadishu, repossessed by the Federal Government of Somalia, to be sold to politically connected businessmen without transparent rules. Mogadishu (PP Editorial) — The Federal Government of Somalia evicted more than 800 families from plots of state land in Mogadishu. In 1991, when the state collapsed, Mogadishu experienced a wave of dispossessions and illegal occupation of properties. The four-month conflict (November 1991 – February 1992) in Mogadishu divided the city into North and South. It was during this period that the second wave of dispossessions occurred in both North and South Mogadishu. The evictions enforced by the Federal Government of Somalia benefit businessmen close to President Hassan Sheikh Mohamud. The politically connected businessmen purchased state lands. The process of selling these lands has not been transparent. Former President Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Hassan Ali Khaire and Abdirahman Abdishakur, a former minister and now an MP, wrote a joint letter warning businesses not to buy state assets being sold by the incumbent federal government in violation of the rules. In 2022, President Mohamud appointed a committee tasked with retrieving national assets. However, this committee has never functioned. The arbitrary sale of state assets for political reasons violates the law. Somalia is a country whose institutions are supported by the international community, which funds peacekeeping forces. For this reason, the maxims of equity are the appropriate legal tools to challenge the illegality of evictions and the sale of state assets. The separation of powers and an independent judiciary—two core components of the rule of law — do not exist in Somalia. Additionally, Somalia ranks 180th on the Corruption Perceptions Index, making it the most corrupt country in the world. The state is under the control of a government whose leaders are enriching themselves and their supporters. No court has sanctioned the evictions in Mogadishu or the sale of state assets. The maxim “He who comes to equity must come with clean hands” underscores that a corrupt government that politicises the security forces and judiciary has no legal powers to sell state assets. As the three political leaders emphasised in their joint statement, any businessmen who purchase government assets would be engaging in illegal transactions with a government acting unlawfully. The intention of selling government assets illegally is to enrich certain politicians and their business associates. The equity maxim “Equity looks to the intent rather than the form” invalidates any sales of Somali state assets in Mogadishu to businesses. Furthermore, the principle “Equity will not allow a statute to be used as an instrument of fraud” challenges the misuse of eviction laws to transfer state land to businesses for corrupt purposes. The government-sanctioned sale of state assets in Mogadishu poses a threat to social cohesion and the peaceful coexistence of Somalis. A corrupt government lacks the legal authority to sell state property arbitrarily or to evict citizens without wider consultations and consensus. © Puntland Post, 2025 The post Illegal State Asset Sales Deepen Somalia’s Political and Social Divisions appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarun muhiim ah oo ay yeelan doonaan Golaha Culimada Soomaaliyeed oo loogu magacan daray Daarul Iftaa. Xamza oo uu dhinac taagnaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa goobta ka sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan. “Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo. Munaasabadda dhagax-dhigga xaruntan cusub waxaa sidoo kale goobjoog ahaa qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay in golahooda loo dhiso xarun u gaar ah.
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhigax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan. “Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya, George Conway iyo wakiillo kale oo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyada oo kulanka lagu soo qaaday sidii lacag loogu uruurin lahaa Soomaaliya. Ujeedka kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid looga hadlayay xaaladda abaaraha ee dalka, qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’aadannimo ee 2025, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha. Inta uu socday kulanja ayaa dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la qabto shir guud oo loogu talagalay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dadka nugul ee u baahan caawimaadda. Maxamuud Macallin oo ka hadlay madasha ayaa ka qeyb-galayaasha si wey ugu boorriyay dhammaan hay’adaha gargaarka iyo ururada caalamiga ah in ay si wadajir ah u xoojiyaan dadaallada kaalmeynta danyarta, si gaar ah dadka ay sida daran u wax-yeelleeyeen abaaraha. Sida ay muujinayaan warbixinnadii u dambeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida lagu sheegay warbixin horay uga soo baxday SoDMA. Dhowaan dowladda federaalka ayaa ku dhowaaqday in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November. Si kastaba, ayaa waxaa kusoo noq noqday abaaraha, waxaana ugu wacan roobabkii la filayay oo baaqday, iyada oo ay sii dheertahay colaado sokeeye oo ka jira gudaha dalka.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana taabacsan Villa Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay xubnaha mucaaradka oo shalay eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan. Cagaweyne ayaa ka falceliyay qoraal ay soo soo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo digniin culus kasoo saaray boob ay sheegeen in lagu hayo dhulalka danta guud iyaga oo dowladda ku eedeeyay inay ka iibineyso ay ganacsato ah. “Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan” ayay xubnaha mucaaradka ku yiraahdeen warsaxaafadeedkooda. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa dhankiisa sheegay in wax laga xumaado ay tahay tallaabada ay qaadeen madaxdii hore, wuxuuna tilmaamay in ay caadeysteen mar kasta aflagaadada madaxdii xukunka uga dambeysay, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa wax aad looga xumaado ah in madax dalkaan soo hogaamiyay rabana bari in ay hogaamiyaan ay madaxdii xukunka uga danbeysay caadeysteen in ay maalin walba aflagaadeeyaan, inbadan ayaa la idinka aamusay laakin wixii hada kadanbeeya waa la idin jawaabayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cagaweyne. Sidoo kale wuxuu xildhibaankan si weyn u difaacay Villa Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in guullo waa wayn uu soo hooyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Hassan Sheikh waxa ay ku guuleysatay sugida Amniga Caasimadda, xoreynta deegaano badan oo dalka ah, dayntii mudada dheer jirtay oo Soomaaliya laga cafiyay, kubiirista bulshada Bariga Afrika, khayraadkii dalka oo lasoo saarayo, dhameystirka dastuurka, shuruucdii ugu mihimsanaa oo la meelmariyay iyo midnimada dalka” ayuu mar kale yiri xildhibaanku. Waxaa kale oo uu kusii daray “Ugu danbeyn 56 sano kadib dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysatay in dalka uu u dhaqaaqo doorasho dadweeyne oo dadka ay ku dooranayaan hogaankooda heer Maamul gobaleed iyo heer Federaal waxaan leeyahay madaxdii hore ku kalsoonaada dadkiina una diyaar garooba doorashada dalka kadhaceysa”.
  16. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Congress-ka ku wargelisay hub ku kacaya adduun dhan 8 bilyan oo dollar oo qorshuhu yahay in laga iibiyo Israa’iil sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka. Israa’iil oo xulafo la ah Mareykanka ayaa weli sii wadda dagaalka ka dhanka ah Xamas ee ka socda Gaza, oo billaamay bishii October 2024. Source
  17. Ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah baaq nabadeed uga soo saaray colaad beeleedda ka taagan degaannada galbeedka gobolka Mudug. Baaq nabadeed oo ka kooban 6 qodob, oo ay si wadajir ah u soo saareen ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland iyo Galmudug ayay soo jeediyeen in si deg deg ah xabbad-joojin looga hirgeliyo degaannada galbeedka Mudug ee ay ka taagan tahay colaadda labada beelood. Ururrrada bulshada rayidka Puntland iyo Galmudug, waxay soo dhaweeyeen dadaallada nabadeed ee ay wadaan labada maamul oo kaashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac, waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah loo kala qaado mileeshiyaadka, is horfadhiya si looga baaqsado isku dhacyo danbe. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la dede-jiyo dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo dagaal beeleedka soo noq-noqday ee galbeedka gobolka Mudug, islamarkaana odayaasha labada dhinac isaga kaashadaan heshiisiinta beelaha colaaddani u dhexayso. Halkaan ka akhriso baaqa nabadeed PUNTLAND POST The post Bulshada Rayidka Puntland iyo Galmudug oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicholas Sarkozy ayaa Isniinta maxkamad la soo taagayaa isaga oo lagu eedeyay in uu ka aqbalay lacag dhan 50 milyan oo Yuuro hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo uu ololaha doorashada ku galay. Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy, oo hore loogu xukumay labo jeer kiisas kala duwan tan iyo markii uu xafiiska ka tagay, ayaa Isniinta maxkamad lagu soo taagayaa dacwad ah in uu qaatay lacag olole sharci darro ah oo la sheegay in uu heshiis la galay kaligii-taliyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi. Sarkozy waxaa hadheeyay dhibaatooyin xagga sharciga ah tan iyo markii uu ku guuldarreystay doorashadii madaxtinimada ee 2012-kii. Laakiin waxa uu weli yahay shakhsi saamayn ku leh siyaasada dalkaas. Maxkamadeyntan ugu dambeysa ayaa ah natiijada toban sano oo baaritaanno ah oo lagu eedeynayay in Sarkozy uu aqbalay maalgelinta ololaha sharci darrada ah – oo lagu soo waramayo in 50 milyan oo Yuuro – uu ka helay Qadaafi si uu ugu caawiyo ololihii doorashada ee 2007-dii ee uu ku guuleystay. Taas beddelkeeda, waxaa lagu eedeeyay, Sarkozy iyo madax sare ay ballan qaadeen in ay ka caawin doonaan Qadaafi dib u habeynta xiriirkiisa reer galbeedka. Sarkozy ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyay oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin shirqool ka dhan ah isaga, isagoo ku adkeystay inuusan waligiis wax dhaqaale ah ka helin Qadaafi, isla markaana aysan jirin wax cadeyn ah. Source
  19. In ka badan 60 milyan oo reer Mareykan ah ayaa wajahaya xaalado adag kadib markii duufaan culus oo ceeryaamo baraf ah wadata ay ku dhufatay qeybo ka mid ah dalkaas.Inta badan Canada iyo 30 gobollo oo Mareykanka ku yaalla laga soo bilaabo gobolka Kansas ilaa Xeebta Bari ayaa waxaa ka jirta diginin dhanka cimilada ah, sida ay sheegtay waaxda cimilada qaranka Mareykanka. Duufaantan ayaa sidoo kale la filayaa inay gaarto magaalada Washington.Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay gobollada Kentucky, Virginia, West Virginia, Kansas, Arkansas iyo Missouri. Xitaa qeybo ka mid ah gobolka Florida oo aan lagu aqoon qabowga daran ayaa la filayaa in xaalado baraf ah ay ka dhacaan. Qeybo ka mid ah magaalada New York ayaa laga soo sheegayaa ceeryaamo baraf wadata.Dhanka kale, Aqalka Kongareeska ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta xlliga dalkaas ay meel-mariyaan guusha Donald Trump uu saddex bilood kahor ka gaaray doorashada madaxtinnimo ee Mareykanka, balse ma cadda in cimilada ba’an ay dib u dhigi karto ilaa inta ay caasimadda kusoo laabanayaan qaar ka mid ah xildhibaannada oo deegaannadooda ku sugan. Qaran News
  20. Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Hassan al-Shibani ayaa gaadhay magaalada Dooxa Axadii si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa xaqiijisay imaanshaha wafdiga Suuriya, oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga dalkaas Murhaf Abu Qasra iyo madaxa sirdoonka Anas Khaddab. Wafdiga Suuriya ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Sheikh Mohammed, oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibadda Qatar, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo Qatar ah oo uu ku jiro Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Mohammed Al-Khulaifi. Booqashada wasiirka Suuriya uu ku tagay Qatar ayaa ah safarkii labaad ee uu dibadda ku aado muddo bil ka yar tan iyo markii madaxweynihii hore ee Bashaar Al-Asad ay xukunka ka tuureen xoogaga mucaaradka ah ee hubaysan 8-dii December. Al-Shibani ayaa la filayaa inuu sidoo kale booqdo Imaaraadka Carabta iyo Urdun toddobaadkan si ay uga codsadaan “taageero kabashada dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashiyo kala duwan,” sida uu ku sheegay bartiisa X. Waxa uu safarkiisii ​​ugu horeeyay ee dibadda ah ku tagay Sucuudiga Arbacadii, halkaas oo saraakiisha Sucuudigu ay ka wada hadleen sida ugu habboon ee loo taageeri karo isbeddelka siyaasadeed ee Suuriya. Source
  21. Mogadishu (HOL) — Somaliland has pledged to strengthen its commitment to free speech, vowing to protect journalists and citizens from detention over opinions or facts deemed unfavourable by the government. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay, taas oo u dhexeyso xukuumadda iyo ururka haweenka qaranka oo isku haysto dhismaha gurigaas oo ku yaalla agagaarka xeyndaabka madaxtooyada. Xiisadda ayaa waxaa dab kusii shiday ra’iisul wasaare Xamza, kadib tallaabo uu shalay qaaday, isaga oo mar kale ku celiyay in haweenka ay isaga baxaan gurigaas oo uu tilmaamay inay leedahay wasaaradda haweenka, looguna shaqeynayo qaranka. Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in ay jiraan gabdho weli isku dhajinayo guriga hooyooyinka, balse ay siinayaan fursad kale oo dheeri ah, si ay uga guuraan dhismaha. “Gabadhaha waa ay isku dhajiyeen guriga hooyooyinka, annaga waxaan diidnay inay booliska jiid jiidaan ,guriga haka baxaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxaa kale oo uu yiri “Xaruntii wayneyd ee hooyooyinka la oran jiray waxaan rajeynayaa inay ku shaqeyso wasaaraddu iyadaa iska leh inay ku shaqeyso ayaana la rabaa”. Dhanka kale, guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo shir jaraa’id qabatay ayaa u jawaabtay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxayna ka hortimid amarka uu bixiyay, iyada oo sheegtay in aanay ka guuri doonin dhismahan oo ay tilmaamtay inay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed. “Waxba nooma dhexeeyaan ra’iisul wasaare daris ayaa nahay gurigaaga waa naga sii jeedaa annaga dhinaca kale ayaan ka daganahay noo soo lugey ee kaalay na jiid oo naga saar guriga haweenka kama aadan xishooninee” ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan ka xumahay aniga oo xor ah oo Soomaali ah oo hooyo Soomaaliyeed ah in maanta ra’iisul wasaarihii qaranka nagala cel-celinaayo oo uu leeyahay haweenka soo jiida, waa nasiib darro aad u wayn”.
  23. Mogadishu (HOL) — Two Somali clans, Digil and Mirifle, have called for the removal of Bashir Moalim Ali, Director General of the Ministry of Transport and Aviation, accusing him of racial profiling and exclusionary practices. The allegations, linked to a controversial remark in 2023, have reignited debates over inclusivity and equitable governance in Somalia. Source: Hiiraan Online
  24. Alle ha u naxariistee, Saadaq Axmed Xasan (Saadaq British), oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, ayaa lagu dilay halkaas. Marxuumka, oo muddo dheer ku noolaa Koonfur Afrika, ayaa ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay bulshada ganacsiga. Kooxo hubeysan oo doonayay in ay dhacaan ganacsadaha ayaa dilay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkiisa. Dalka Koonfur Afrika wali waxaa kasii socda dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee lafdhabarka u ahaa bulshada Soomaaliyeed. Inta badan laguma guuleysto in gacanta lagu soo dhigo kooxaha dilka geysta waana sababta ay usii socdaan dhibaatooyinka. Source: goobjoog.com