-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Ankara Declaration, signed on December 12, 2024, by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somali President Hassan Sheikh Mohamud under the mediation of Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, marks a significant diplomatic milestone in addressing geopolitical tensions in the Horn of Africa. Emerging from months of heightened regional instability, the agreement seeks to resolve a longstanding maritime access dispute that threatened to destabilize bilateral relations between Somalia and Ethiopia and undermine regional security. This development represents a major diplomatic breakthrough following the two failed rounds of discussion since July 2024. The crisis that necessitated the agreement began in January 2024, when Ethiopia entered a controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, a self-declared breakaway region of Somalia. Read more The post Maritime Access and Sovereignty: A Legal Analysis of the Ankara Declaration Between Ethiopia and Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya danjire Pier Mario Dacco Coppi. Kullanka Taliyaha iyo Safiirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta awoodaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Markii uu soo dhammaday kulanka ayaa Taliyaha oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka waxay Safiirka kormeer ahaan u geeyeen qaar kamid ah xafiisyada Taliska Ciidanka Boliiska. Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa saacado ka hor magaalada Muqdisho ku geeriyootay Farxiyo ( The boss lady) oo ahayd gabar baraha bulshada caan ka ah, sidoo kalena ahayd xaaskiisa fannaanka Dayax Dalnuurshe. Farxiyo ayaa la sheegay inay u geeriyootay xanuun ay maalmihii la soo dhaafay la tiicaysay, waxaana geerideeda ka tacsiyeeyay dad badan oo isugu jira siyaasiyiin, bahda fanka iyo dad caan ah oo ay is yaqaanneen marxuumadda. Farxiyo oo aan muddooyinkaan dambe baraha bulshada iyo fagaareyaasha kale ka soo muuqan ayaa la sheegay inay xanuun la il darnayd, seygeeda Dayax Dalnuurshe ayaana weli ka hadlin geerideeda, balse xubno qoyskeeda ka tirsan ayaa xaqiijiyay. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland oo maanta fadhi yeeshay ayaa ansixiyay codsi uga yimid madaxweyne Axmed Madoobe oo ka dalbaday in loo kordhiyo wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub. In ka badan 60 mudane oo soo xaadiray fadhiga ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay codsigii madaxweyne Axmed Madoobe oo ahaa in wakhti loogu daro mudada uu ku soo dhisayo golaha xukuumadda cusub ee dowlad goboleedka Jubaland. Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo shir-guddoominyay fadhiga gollaha wakiilada ayaa cod gacan taag ah geliyay codsiga madaxweynaha si loo ansixiyo wakhtiga uu dalbaday in loogu daro mudada soo dhisidda xukuumadda cusub. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan gudoomiyaha gollaha wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland oo codaynta kaddib hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xildhibaannadu ansixiyeen mudda laba bilood ah oo lagu kordhiyay wakhtiga soo dhisidda xukuumadda. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Jubaland oo ansixiyay codsi uga yimid madaxweyne Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kale oo adag uu galay deegaanka Ceel Baraf oo dhowaan lagu laayay askar ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka oo loo beegsaday aano qabiil darteed. Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay weerar kale oo xalay ka dhacay gudaha deegaanka, kadib markii dil iyo dhaawac loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Dhacdadan cusub ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gaysteen koox hubeysan oo gaari ku timid, kuwaas oo beegsaday dad beeraleyd, kadib markii ay rasaas ku fureen. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay falkaan cusub, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale waxaa kooxda weerarka fulisay ay dab qabad-siisay gaari Cagaf ah oo ay lahaayeen dadka beeraleyda ah ee weerarka lagu qaaday, iyada oo ay baxsadeen raggii ja dambeeyay. Xaaladda deegaanka ayaa kacsan, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa guud kadib markii ay cabsi soo wajahday shacabka ku dhaqan Ceel Baraf, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabelle. Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay daba socoto falkii lagu laayay askarta ee horay uga dhacay Ceel Baraf, kuwaas oo mar dambe aas loogu sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib dhex-dhexaadin & dadaallo dheeraad ah oo la sameeyay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay xaaska fanaanka caanka ah ee Dayax Dalnuurshe, sida ay xaqiijiyeen dad ku dhow fanaanka. Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Farxiya Cabdiraxiin Maxamed (The Boss Lady) ayaa la sheegay ay maalmahan ay xanuusaneyd, isla markaana ay ugu dambeyn saaka geeriyootay. Geerida kahor waxaa jiray qoraal kooban oo uu Dayax soo galiyay mid kamid ah barahiisa bulshada, isaga oo dadka Soomaaliyeed uga codsaday inay soo duceeyaan xaaskiisa oo xanuunsan, balse saaka ay ku geeriyootay mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Farxiyo ayaa ahayd gabar dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, isla markaana si weyn looga yaqaanay baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xariirto. AUN geerida kadiska ah ee ku timid marxuumadda ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana tacsideeda si weyn looga dareemay baraha bulshada ee Internetka. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay la aaso, isla markaana ehelladu ay ka warbixiyaan geerida ku timid marxuumadda oo dad badan ay ka naxeen.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in dhowaan uu booqasho ku tego magaalada Beledweyne oo maalmahan ay ka socdeen kulamo aan loo kala kicin oo xasaasi ah. Ilo wareedyo xilkas ayaa Caasimada Online, u sheegay in madaxweynaha uu Beledweyne u tegayo dhammeynta tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, isaga oo sidoo kale ka qayb-geli doono gogol nabadeed oo la dhigay magaaladaasi. Mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gurey, haddana ku sugan Beledweyne ayaa odayaasha la wadaagay farriin uu ka siday madaxweynaha, wuxuuna ka codsaday inay u diyaar garoobaan kulamada dhacayo. Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu amray in amniga magaalada lagu wareejiyo dowladda, kadibna laga wada-hadalo tabashada taagan, si meesha looga saaro khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya Hiiraan iyo HirShabelle. “Farriin aan Madaxweynaha kasoo qaadnay aaya ah in amniga dowladda lagu wareejiyo oo gogol la dhigo Beledweyne, wixii jira in laga hadlo oo lagu saxo, dowladda federaalka yaan gorgortan la gelin ee amniga halagu wareejiyo, labo jeer ayaan Madaxweynaha la fadhiisanay” ayuu yirio Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey. Safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale daba socda, kadib go’aankii shalay laga gaaray maamulkii la baxay ‘Hiiraan State’, kadib markii lasoo afjaray, sida uu shaaciyay taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). “Muddo ayuu wada-hadal noo soo socday oo aan isku ognahay wadadalkaas illaa madaxda ugu sarreysa dowladda waa ku faraxsanahay in odayaasho ay wadahadalkaas ajiibeen, Soomaali ayaa nahay walaalow iyo walaalow ayaa ina deeqda” ayuu yiri Sanbaloolshe. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabnaa in dib loo midoobo mad-madowga jiro meesha laga saaro, ammaankii gacanta lagu soo celiyo, wadajirkii iyo walaalnimadii dadka ka dhexeysay dib loo soo celiyo”. Beledweyne ayaa waxaa maalmahan ku sugnaa mas’uul kala duwan iyo odayaal magaaladaas u tegay xallinta xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf oo ugu dambeyn lagu aasay magaaladaas oo ay deegaan ahaan kasoo jeedeen.
-
Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ka hadashay khilaafka ka taagan cidda maamulaysa mashruuca dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo-Xarfo ee gobolka Mudug. Mashruuca dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo-Xarfo ayaa waxa ku muransan dowladda Federaalka Soomaaliya oo doonaysa in ay si toos ah u maamusho iyo xukuumadda Puntland oo diiddan in mashruuca Xamar laga maamulo. Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland Faarax Cawad Jaamac oo ka hadlay khilaafka ka taagan arrintaasi ayaa sheegay in aysan mashruucaasi maamuli doonin cid aan Puntland ahayn taasi oo meesha ka saaraysa damaca Villa Somalia ka haya mashruucaasi. Wasiir Faarax Cawad ayaa sidoo kale sheegay in ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii lagu hirgelin lahaa dhismaha jidkaasi laamiga ah islamarkaana wuxu muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Puntland. Dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo iyo Xarfo ayaa in mudda ah u xayiran khilaaf u dhexeeya xukuumadda Puntland iyo Villa Somalia oo raadinaysa in ay mashruuca maamusho islamarkaana qandaraaska laga bixiyo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Villa Somalia oo ku muransan cidda maamulaysa mashruuca dhismaha jidka Gaalkacyo-Xarfo appeared first on Puntland Post.
-
Tobnaan kun oo qof ayaa laga saaray magaalooyinka ku hareereysan Los Angeles iyadoo dab keymaha ka soo kacay uu halkaasi kusii fidayo. Barasaabka California, Gavin Newsom, ayaa ka digay in laga yaabo in dabeylo xooggan ay dabkan ka kiciyaan qeybo kale oo dalkaasi ka mid ah. Kooxaha dabdamiska ayaa ku dadaalaya sidii ay u damin lahaayeen holac ka kacaya dhammaan guryihii dabku qabsaday.Ilaa 30,000 oo qof oo degganaa halkaa ayaa laga saaray, iyadoo kumanaan kun oo qofna aaney ilaa iyo hadda garanayn in guryahoodii ay badqabaan iyo in kale.Cabsida ugu weyn ee jirta ayaa ah in dabeylaha socda ay sabka sii huriyaan oo uu ku sii fido deegaanno kale. Bbcsomali Qaran News
-
Beledweyne (HOL) — A federal government delegation led by Army Chief General Odawaa Yusuf Raage and National Intelligence and Security Agency (NISA) Director Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe has reached an agreement with leaders of the Hawadle clan to transfer control of Beledweyne's security to federal forces. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga cabsi qabaa inuu awood ciidan u adeegsado qabsashada kanaalka Panama iyo jasiiradda Greenland ee hoostagga boqortooyada Denmark. Intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii ayaa Trump wuxuu diiday inuu meesha ka saaro adeegsiga awood millatari si uu dib ugula wareego kanaalka Panama ee ay maamusho dowladda Panama. Sidoo kale wiilkiisa ayaa dhowaan diyaarad gaar ah ku tagey jasiiradda Greenland, waxaana soo dhoweeyay dad ku labisnaa koofiyadii ololaha doorashada Donald Trump, taas oo muujisay in maamulka Trump uu doonayo inuu gacanta ku dhigo jasiiraddaas. Jasiiradda Greenland ayaa ah maamulka gooni u goosad oo hoostaga dalka Denmark, kanaalka Panama ayaa asna ah marin biyood ka tirsan dhulka dalka Panama, kaas Mareykanku maamulayay taniyo sanadkii 1903-dii, balse heshiis la gaaray sanadkii 1977-dii ayaa gacanta Panama dib loogu celiyay kanaalkaas. Source: goobjoog.com
-
Arsenal 0 Newcastle United 2 | Carabao Cup Highlights Source: Hiiraan Online
-
Palm Beach (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii diiday in uu meesha ka saaro adeegsiga awood militari ama dhaqaale siu u ula wareego Panama Canal iyo Greenland, taasi oo qeyb ka ah ajande is-ballaarin oo uu la soo baxay kadib markii uu ku guuleystay doorashadii November 5. Trump, oo xafiiska la wareegi doona 20-ka Janaayo, ayaa sidoo kale kor u qaaday fikradda ah in Canada laga dhigo gobol ka tirsan Mareykanka, wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inuu u beddeli doono magaca Gacanka Mexico kuna magacaabi doono Gacanka America. Laba toddobaad kahor inta uusan xafiiska la wareegin, Trump wuxuu bilaabay inuu dejiyo siyaasad qallafsan oo dibadeed isaga oo aan tixgalin yar xitaa siin diblomaasiyadda ama welwelka xulafada Mareykanka. Mar wax laga weydiiyey in uusan u adeegsan doonin xoog ku muquunin militari ama dhaqaale isku dayga uu ku doonayo in uu ku maamulo Kanaalka Panama iyo Greenland, Trump waxa uu yiri: “Maya, midna kuuma xaqiijin karo. Laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa waxaan ugu baahanahay sababo amni dhaqaale.” Trump ayaa dhaleeceeyay qarashka Mareykanka uu ku iibsado badeecadaha Canada iyo taageerada milateri ee Canada, isagoo sheegay in Mareykanka uusan faa’iido ku qabin arrintaas, wuxuuna ku tilmaamay xadka labada dal mid si macmal ah loo sameeyay. Waxa uu tilmaamay inuu ku soo rogayo Danmark canshuur haddii ay ka hortimaado dalabkiisa ah inay iibsato Greenland, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay ammaanka qaranka Mareykanka. Wax yar ka hor hadalka Trump, wiilkiisa Don Jr. ayaa tegay Greenland. Danmark waxay sheegtay in Greenland, oo ah qayb ka mid ah boqortooyada, aanay iib ahayn. Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump: “Uma maleynayo inay wanaagsan tahay in aan isku dagaalno dhaqaale marka aan nahay xulafo dhow iyo saaxiibo.” “Hadalka madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa muujinaya faham la’aan buuxda oo ku saabsan waxa ka dhigay Canada mid xooggan, dhaqaalaheenu waa xoog badan yahay, dadkeenu waa xoog badan yihiin, marnaba iskuma dhiibin doonno hanjabaadaha,” Wasiirka arrimaha dibadda Canada Mélanie Jolie ayaa sidaas ku tiri X. Mas’uuliyiinta Mexico iyo Panama weli kama aysan hadlin hanjabaadda Trump. Madaxweynaha Panama Jose Raul Molino ayaa horey u diiday fikradda ah in Kanaalka lagu celiyo Mareykanka, kaasi oo maamuli jiray ka hor inta uusan maamulka Panama ku wareejin 1999-kii.
-
Masar ayaa wadahadallo la yeelan doonta Soomaaliya toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan ka qaybqaadashada ciidamada Masar ee ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM. Wadahadalladan ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan magaalada Qaahira inta u dhaxaysa Janaayo 15-17, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidamo keeni doono howlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika, kadib markii Soomaaliya ay codsatay arrintaas. Soomaaliya ayaa sidoo kale ka fiirsanaysa inay dib uga laabato go’aankii looga reebay ciidamada Itoobiya hawlgalka nabad ilaalinta. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqay mashruuc lagu hormarinayo hannaanka waxsoo-saarka beeraha dalka, ayadoo tiro gaadiidka cagaf cagafta loo yaqaanno u qeybisay dowlad goboleedyada dalka. Mashruucan ayaa la sheegay in looga golleeyahay in sare loogu qaado wax soo saarka dalka, si loo gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah, ayadoo laga faa’iidaysanayo ciidda dahan ee dhulka Soomaaliya. Beeraha ayaa kamid ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalku ku tirsan yahay, balse wixii ka dambeeyay burburkii War soo saarkoodu si weyn ayuu hoos ugu dhacay, taas oo keentay in ku tiirsanaanta raashinka dibedda laga keenaahi ay lama-huraan noqato. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay xal u helista dhibaatooyinka laga dhexlay amni darrada iyo Isbaarooyinka. Wasiir Daahir Shire ayaa Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan u sheegay in si deg deg loogu baahan yahay xal waara laga gaaro Isbaarooyinka iyo amni darrada ka jirta gobolka Hiiraan oo sabab u noqotay in gobolka uu ku yimaado dib u dhac dhan kasto ah. Daahir Shire ayaa sidoo kale tilmaamay inuu la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada ugu weyn ee gobolka Hiiraan oo cabasho ka ah hoos u dhac weyn oo ku yimid badeecadihii iyo xoolihii ay iib geyn jireen sabab la xiriirta lacagaha sharci darada ah ee looga qaato Isbaarooyinka tirada badan ee yaala gudaha gobolka Hiiraan. “Wadadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, halkaan waxaa igu yimid Nin walaal ah oo ehelka ah, ahna dadka ugu horeeya ee qaaraanka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxuu ii sheegay inuusan 8 bil wax neef ah uusan rarin sabab la xiriirta amaan darada jirta iyo jidkaas lagu jiro oo lacago badan la iska rabo,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire. Wasiir Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa waxgaradka gobolka Hiiraan faray haddii ay rabaan in horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo gobolka Hiiraan in meel cad laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca gobolka ee ku howlan ka shaqeynta amni darada iyo isbaarooyinka tiro beelka ah ee yaala wadooyinka gobolka. Ugu dambeyntii Odayaasha kulanka la qaatay Wasiirka ayaa dhankooda balan qaaday iney ka shaqeyn doonaan sidii loo qaadi laha dhamaan isbaarooyinka yaala wadooyinka gobolka Hiiraan oo cabashadoodu soo taagneyd mudooyinkii dambe, kuwaas oo sababay sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga ah guud ahaan deegaanada gobolka. Isha: HOL
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda NISA Cabdullahi Sanbalooshe oo magaalada Beledweyne ku sugan tan iyo markii uu Ceelbaraf ka dhacay falkii xanuunka badnaa ee lagu dilay 6 kamid ah ciidanka xoogga dalka oo aano qabiil loo dilay ayaa maanta hadlay, wuxuuna ku guuleystay inta xalinta khilaafkii maamul ee ka taagnaa Hiiraan. Sanbaloolshe ayaa u gardhigtay qaar ka mida waxgaradka magaalada Beledweyne, isagoo si cad ugu sheegay in amni darrada Beledweyne ka jirta ay isaga si gaar ah caqabad ugu tahay, maadaama mar kasta la weydiiyo sida uu wax uga qaban karo amniga guud ee dalka, isagoo xal u heli waayay magaaladii uu ka soo jeeday. Sanbaloolshe ayaa maanta sheegay in mudadii uu joogay Beledweyne uu ku guuleystay xalinta inta badan mushkiladihii jiray, isagoo dadkiisa ka codsaday in laga tiro ceebta faaftay ee ah “deegaankii aad kasoo jeeday ayaa nabad aheyne ma dalkaan ayaad amnigiisa sugi kartaa?” “Maanta waxaan hortiina keenay Cabdullahi Fanay iyo raggii kale ee sheegtay Hiiraan State, kuwaas oo awoodoodii aniga igu soo wareejiyey, waxaan idinka rabaa in maleeshiyaadka iyo isbaarooyinka laga qaado magaaladaan,” ayuu yiri Taliyaha NISA oo Beledweyne ku sugan. Sidoo kale Taliyaha NISA ayaa waxgaradka beeshiisa u sheegay in waxa Hiiraan ka jira ay boog gooni ah ku tahay isaga, wuxuuna yiri “Waa idin baryaa boogtaas iga tira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugnaa madasha uu Sanbaloolshe kula hadlay waxgaradka reer Beledweyne ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Hiiraan oo hoggaan u aheyd xoreynta dalka uu maanta amnigeedii faraha ka baxay. “Magaaladaan Baladweyne iyo guud ahaan Gobolkaan Hiiraan waxaan ognahay kalintii ay dadkiisu ku lahaayeen kacdoonkii Khawaarijta dalka looga xoreeyay, maanta in aan amnigeedii walaac ka muujinayno nasiib daro weyn weeye, waana wixii uu cadowgiina ku taamaayey ee sidaan wax ka bedela, sida Hiiraan maanta tahay wax loo sii dul qaada karo maaha,” ayuu yiri Taliye Odowaa. Agaasimaha NISA ayaa sheegay in hadda kadib ay isaga toos u hoos imaa doonto talada gobolka Hiiraan, maadaama uu meesha ka saaray xubnihii u ololeynaayey Hiiraan State iyo in HirShabeelle la kala gooyo, kuwaas oo heshiis la galay Dowladda Federaalka, kana tanaasulay qorshahoodii. Inkastoo Sanbaloolshe uusan cadeyn mowqifkiisa wadajirka HirShabeelle iyo waxa uga qorsheysan, hadana wuxuu doonayaa in awooda gobolkaas uu xasiiskiisa hoos keeno, isagoo amray in la qaado isbaarooyin, lagana saaro maleeshiyaadka hubeysan xeryaha dowladda ee lagu wareejiyey ciidamada qaranka. Hoos ka daawo
-
Puntland President Grants Amnesty to Suspected ISIS Members
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Puntland State President Said Abdullahi Deni. Garowe (PP News Desk) — The President of Puntland State, Said Abdullahi Deni, has granted amnesty to suspects accused of having ties with ISIS militants. President l Deni issued an order for the release of these detainees from prison after investigators found no evidence implicating them in assisting or being members of ISIS, also known as Da’esh. Puntland State has launched a large-scale counterterrorism operation against ISIS terrorists hiding in the Cal Miskaad mountain range. More than 50 ISIS members have surrendered to the Puntland State Defence Forces. The people of Puntland State have shown solidarity in rooting out terrorism from the mountainous areas where ISIS was planning to establish its base in East Africa. About one-third of ISIS fighters are believed to be foreigners. © Puntland Post, 2025 The post Puntland President Grants Amnesty to Suspected ISIS Members appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Masar ayaa ku balansan wadahadallo kale oo 15 ilaa 17-ka bishaan ka dhici doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga tashanayaa qorshaha ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tashigaan uu yahay kii ugu dambeeyey, maadaama horay loo go’aamiyey in ciidamada Masar lasoo geliyo Soomaaliya. Ciidamada Masar ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, wadahadallada Qaahira ka dhacaya waxaa lagu cayimi doonaa goobaha ay ka howlgelayaan ciidankaas iyo qodobo kale oo quseeya howlgalka ciidanka Masar ay ka bilaabi doonaan Soomaaliya. Ciidamada Masar ayaa laga yaabaa inay wax ka bedelaan dhaq-dhaqaaqa awoodeed ee Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay halis weyn u aragto in Masar ay awood militeri la timaado Geeska Afrika. Heshiiska Militeri ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku yimid siyaasad xumada Itoobiya iyo daandaansi ay Addis Ababa ku bilowday Muqdisho, waxayna Itoobiyaanku cod dheer ku sheegeen, kuna celceliyaan in militeriga Masar oo yimaada Geeska Afrika uu khatar weyn geli karo amnigooda. Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa 6-dii bishaan xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad un kadib, booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii bishaan Janaayo 2025. Wadahadalada hadda la iclaamiyey kadib, Masar ayaa qorsheyneysa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneysa dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, aadna ay u daneyneyso, maadaama ay kula loolameyso Itoobiya.