-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mohna iyo Sohna, waxa ay u dhasheen Hindiya, waxaa ay 2021kii shaqo ka heleen sharkadda xooga Korontada ee Dowlad Gobolleedka Punjab. Waxaa ay shaqeeyaan 12 saacadood, iyaga oo koronto yaqaan ah (Electrician), waxaa ay qaataan $200 doollar Bishii oo ah mushaarka halka qof ee Shirkadda u shaqeeya. Labada wiil ee isku dheggan waxaa ay leeyihiin; laba wadne, afar Kelyood, laba Laf Dhabar, afar gacmood, laakiin waxaa ay wadaagaan, hal Beer, hal kaadi heys, hal Beeryare iyo laba lugood. Dadka qaar ayaa ku doodaya in shirkadda Korontada ay ku saxantahay inay ula macaamisho sida hal qof, halka dadka qaar dalbanayaan in la siiyo mushaarka laba qof. Source
-
Doha (Caasmimada Online) – Grant Wahl, oo ka mid ah qoraayaasha kubbadda cagta oo caanka ka ahaa dalka Maraykanka, ayaa geeriyooday subaxnimadii hore ee Sabtidii isagoo terbinayay ciyaartii Koobka Adduunka ee u dhaxaysay Argentina iyo Netherlands. Suxufiyiin Maraykanka ah oo agtiisa fadhiday ayaa sheegtay in Wahl uu dib ugu dhacay kursigiisii tarabuunka ee garoonka Lusail Iconic Stadium wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta, waxaana wariyayaashii ka ag dhawaa ay u dalbeen caawimaad. Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa si degdeg ah uga jawaabay. Wahl ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay Arbacadii in uu u debbaaldegay dhalashadiisa maalintaas. wuxuu ahaa 48 jir. Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay ka xun yihiin geerida suxufigan. Isniintii ayuu ku soo qoray boggiisa in uu booqday xarun caafimaad isagoo ku sugan dalka Qatar. “Ugu dambayntii jirka ayaa i xanuunaya. Saddex toddobaad oo hurdo yar ah, walbahaar sare iyo shaqo badan ayay taasi ku timid,” ayuu Wahl ayaa qoray, isaga oo raaciyay “Wixii hargab ahaa 10-kii maalmood ee la soo dhaafay waxay isu beddeleen wax aad u daran habeenkii ciyaarta USA-Netherland, waxaana dareemayay cadaadis laabta sare ah iyo farxad la’aan” Dr. Celine Gounder, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Wahl, ahna kaaliye macallin oo ka tirsan machadka caafimaadka ee Jaamacadda New York, ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay inay ka naxday geerida saygeeda. Wahl ayaa soo tebinayay koobkii aduunka ee siddeedaad. Isha: VOA The post Wariye geeriyooday xilli uu tebinaayay ciyaartii xalay ee Argentina iyo Netherlands appeared first on Caasimada Online.
-
On the occasion of the International Anti-Corruption Day, commemorated annually on December 9, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) would like to strongly emphasize that the fight against corruption cannot be won until a progressive law on citizens’ right of access to information is promulgated and applied. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in kulankan intiisa badan looga hadlay midaynta mowqifka Puntland iyo Koonfur Galbeed ee arrimaha siyaasadda heer Federaal. ” Kulanka labada Madaxweyne waxaa intiisa badan looga hadlay midaynta mowqifka Puntland iyo Koonfur Galbeed ee arrimaha siyaasadda heer Federaal” ayuu yiri qof ku sugan Madaxtooyada Garoowe. ” Labada Madaxweyne waxay sidoo kale xoojiyeen in la iska kaashado dhinaca Amniga guud iyo la-dagaallanka Cadowga argagixisada ah ee Al-shabaab” ayuu sii raaciyay. Madaxtooyada Puntland ayaa si weyn u xaddidaysa in xog dheeri ah laga helo macluumaadka hoose ee kulanka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Deni iyo Lafta Gareen oo xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
BALEDOGLE MILITARY AIR BASE, Somalia — The U.S. military is scrambling to make up for lost time in Somalia after President Biden this spring reversed his predecessor’s order to pull American soldiers out of the country and returned hundreds of them to the fight against one of al-Qaeda’s most powerful global affiliates. Source: Hiiraan Online
-
The International Monetary Fund (IMF) said it has disbursed 8.9 million U.S. dollars to Somalia after reaching a staff-level agreement. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo gaaray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa waddanka Ethiopia General Damelesh Garbamichel. Labada taliye ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan amniga Soomaaliya iyo Ethiopia, maadaama ay yihiin daris, ayna isaga xiran yihiin dano badan. General Xijaar iyo General Garbamichel ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan iskaashi dhanka amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta Booliska labada waddan. Sidoo kale waxay isku raaceen labada dhinac in hadda kadib ay wadaagaan xogaha kala duwan ee la xariira shaqada ciidanka Booliska ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Heshiiskan ayaa la filayaa in loo sii gudbiyo madaxda sare ee labada dal, si loogu war-geliyo, loogana wada shaqeeya dhaqan-galkiisa. Dowlada Ethiopia ayaa haatan xiriir wanaagsan laleh Soomaaliya kaasoo sii xoogeysanayaa sanadihii dambe, waxayna labada dal sameeyeen isu soo dhawaasho iyo isbeddal ballaaran Dhowaan ayey aheyd markii taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo isna booqday Addis Ababa uu heshiis lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Ethiopia, waxaana sidoo kale isna dalkaas tegay wasiirka Difaaca XFS, Cabduqaadir Maxamuud Nuur oo la soo kulmay dhiggiisa oo ay kasoo wada-hadleen arrimaha ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab. Ethiopia ayaa qayb ka ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kamid ah ATMIS. The post Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis amni + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliiska Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay Faarax Jibriil Xuseen oo ku eedaysan dilka Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxman. Qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska Gobolka Bari ayaa lagu xaqiijiyay in Booliisku gacanta ku dhigay eedaysane Faarax Jibriil Xuseen. Taliska ayaa sidoo kale tilmaamay in sharciga la hor-gayn doono shakhsigan loo haysto dilka Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxman. Booliiska ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda in ay amni-darro samayso in ay ku danbayn doonto gacanta Amniga. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo Boosaaso ku qabtay nin ku eedaysan dil appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa December /ENA/ - The Ethiopian Federal Police and its Somali counterpart have signed a cooperation agreement to prevent transnational crimes. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka fuliyeen gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Howlgalka koowaad oo ay fuliyeen ciidamada Duufaan ee NISA ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Basra iyo Sabyo, waxaana lagu beegsaday xubno Shabaab ah. NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaasi ay ku dishay xubin ka tirsan Al-Shabaab, laba kalena nolosha lagu qabtay, kuwaas oo waday hub iyo qaraxyo. Sidoo kale warka ayaa intaasi ku daraya in xogta raggan ay soo gudbiyeen dadka deegaanka, kadibna ay sidaas ku howlgaleen ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya. “Xubnahaan Khawaarijta ah oo si dhuumaysi ah ku socday ayaa ciidanka Ammaanka waxaa ku soo war geliyay shacabka deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa sheegaya in halkaas ay howlgal culus ka sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo oo kaashanaya kuwa deegaanka. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku uruursanayey halkaasi. Odowaa ayaa xaqiijiyey in goobtaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 14 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka dowladda & kuwa deegaanka. The post Howlgal maanta ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo lagu qabtay qaraxyo + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay nin dhowaan dil ka geystay magaaladaas oo xarun ganacsi u ah Puntland. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Faarax Jibriil Xuseen ayaa loo haystaa dilka Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxmaan oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso. War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa waxaa lagu xaqiijiyay soo qabashada eedeysane Faarax Jibriil Xuseen oo maalmahaan lagu daba jiray. Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ninkan sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Ugu dambeysan taliska Booliska ee gobolka Bari ayaa u digay shaqsiyaadka dilalka iyo falalka ammaan darri ka geysta magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolkaasi. Puntland ayaa maalmihii dambe kordhisay howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo shaqsiyaadka hubeysan ee dilalka ka geysta maamulkaas. Inta badan deegaanada Puntland waxaa ka dhaca dilal iyo isku dhacyo u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya. The post PUNTLAND oo qabatay nin dil ka gaystay Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Shiinaha & Madaxweynaha Somalia oo ku kulan Gaara ku yeeshay Riyaad “Saudi Arabia” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ku kulmay Riyaad Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa dalka Sucuudiga kaga qaybgalay shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Carabta. Intii kulanku socday, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la yeeshay madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping. Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyey qodobada ay labada dhinac ka wada hadleen. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u dhignaa. Shir madaxeexda Shiinaha iyo dalalka Carabta “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaaarijta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta. Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa halkaas kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mabdiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya. Qaran News
-
Wax ka ogow Mukhalaska Hubka ee ku magac dheer Ganacsadaha Geerida Ninkan caanka ah ee hubka ka ganacsada Victor Bout ayaa xabsi maraykanka ku yaal laga sii daayey kadib maxaabiis is waydaarsi dhexmaray maraykanka iyo Ruushka isagoo lagu badashay xidigta kubadda kolayga Brittany Geiner, taas oo Ruuska u xirnayd. Brittany Greiner, oo lagu tilmaamo ciyaaryahanka kubadda kolayga Maraykanka ee ugu fiican dhanka dumarka, ayaa la xiray fibraayo mar ay kusoo laabanaysay Maraykanka iyadoo kasoo ciyaartay Ruushka boorsooyinkeedana laga helay daroogo marka ay kasoo baxaysay garoonka Moscow. Dhowrkii bilood ee u dambeeyay, waxaa jiray hadallo warbaahinta dhexmarayey oo sheegayey in masuuliyiinta Maraykanka ay ka fikirayaan sii daynta Victor Bott asagoo lagu badalanayo Brittany Greiner. Bout oo ah sarkaal hore ee ciidamadii cirka xiligiii soofiyeedka ayaa aad ugu caan baxay ka nacsiga hubka ilaa laga sameeyay filin loogu magac daray aabaha dagaalka (lord of war). Balse yuu yahay ninkan loogu yeero ganacsadaha geerida? Bout waxaa lagasoo qabtay Thailand 2010-kii xilli lagu guda jiray hawl galkii 2008 DEA. sannadkii 2008 ciidamada sirdoonka maraykanka ayaa siray falaagada Kolombiya ee FARC loosoo gaabiyo kuwaasoo Maraykanku argagixiso u aqoonsanyahay kadib waxay iska dhigeen inay hub gadanayaan oo kale,waxayna xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah kuwii ay isla shaqaynayeen Victor Bout markii dambena asaga laftiisa ayey heleen. Victor wuxuu ku dooday inuu yahay ganacsade caadi ah oo si sharci ah alaabo kale uga ganacsada balse lagu eedeeyay in uu hub ka iibiyo falaagada caalamiga ah ee koonfurta Ameerika asaga oo ku tilmaamay eedaymahani inay yihiin kuwa uu Maraykan-ku siyaasad uga gol leeyahay. sanadkii 2012 ayey maxkamadi xukuntay. Balse gudiga xeerbeetida New York ayaan ku qancin sheekadiisa waxaana lagu xukumay 25 sano oo xarig ah isku day dil oo uu la doonayey saraakiil maraykan ah iyo iibka uu ka iibiyey lidka diyaaradaha urur aragagixiso. Victor waa muwaadin ruush ah kuna dhashay Tajikistan. Wuxuu 1990-meeyadii bilaabay ganacsiga safrinta dhanka hawada kadib markii uu midowgii soofiyeedku kala daatay 2007, xeel dheerayaasha amniga Douglas Farah iyo Stephen Brann ayaa ku qoray buugooda ‘Merchants of Death’ in Bott uu bilaabay ganacsigiisa asigoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ee looga tagay garoomada diyaaradaha kadib burburkii midowga soofiyeet. Xilligan asaga ah waxaa beec ahaa diyaaradda gaadiidka hawada ee Swedish Airlines Entvo iyo Allussions macal shaqaalahooda waxayna aad ugu haboonaayeen safrinta alaabta ee caalamka. Bout oo markii la xirayey 45 jir ahaa ayaa la sheegay inuu adeegsaday shirkadaha hubka si hub loogu daldalo dagaalada ka socday Afrika. Qaramada midoobay ayaa Bout ku tilmaamay inuu ahaa garabka madaxwenahii hore ee Liberia, kaas oo 2012-kii lagu helay hurinta dagaalla iyo ku lug lahaanshaha dembiyo dagaal inta uu socday dagaalkii sokeeye ee Sierra Leone. Bout waa ganacsade, iib geeya safriyana hubka iyo macdanta kaas oo “caawiyey dawladda madaxweyne hore Taylor si xasilooni darro looga abuuro Sierra Leone uuna si sharci darro ah u helo dheeman,” ayaa lagu sheegay waraaqo ay qaramada midoobay soo saartay. Sida lagasoo xigtay warbaahnta bariga dhexe, wuxuu sidoo kale hub siin jiray Taalibaan iyo Al-Qaacida. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu labada dhinacba ee iskaga soo horjeeday dagaalkii sokeeye ee Angola uu hub siin jiray, si lamid ah hogaamiye kooxeedyada iyo Dawladdaha sida koongo, suudaan iyo liibiya iyo jamhuuriyadda Afrikada dhexe. Kadib markuu akhriyey warbixinta Victor Bout 2003-dii, Peter HGein wuxuu yiri “Waa ganacsadaha geerida kaas oo isha ugu wayn ee hubka u ah Yurubta bari, laga bilaabo Bulgaria Moldova iyo Ukraine ilaa Liberia iyo Angola”. Hantidiisa Maraykanka ayaa lagala wareegay 2006-dii balse ilaa xiligaas ma jirin sharci lagu maxkamadayn karo maraykanka dhexdiisa. Wuxuu sheegay Victor in dawladda maraykanka ay usoo maleegtay dacwad siyaasadaysan, xaaskiisuna waxay sheegaty in Kolombia uu u tagay oo kali ah si uu u barto ciyaarta ‘tango’. Masuuliyiinta Ruushka ayaa garab siinayey inta ay maxkamadayntiisu socotay wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka xiligaas wacad ku maray inuu Victor Ruushka kusoo celin doono asagoo ku tilmaamay go’anka maxkamadda Thailand mid aan cadaalad ahayn oo siyaasad ku salaysan. Dhamaadka 2005-tii waxaa ku jirtay filinkii Hollywood ee noloshiisa laga samayay asagoo xabsiga ka baxsanaya. Laga yaabo inay markaas riyada Bout ee ah inuu xabsiga ka baxo aanay rumoobi karin, balse 12 sano kadib , maanta ayuu gurigiisa ku laabatay kadib markii lagasii daayey xabsiga. Qaran News
