-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dharcadka NISA ee garoonka ka howlgala ay hor istaageen siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo. Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo. Waraka qaar ayaa sheegaya inuu siyaasigan u socday tacsida adeerkiis oo ku geeriyoday magaalada Beledxaawo, balse garoonka Muqdisho laga celiyay. Wararka ayaa sheegaya in tegista Cabdullaahi Shimbir ee gobolka Gedo uu didian yahay mdaxa NISA ee Bakaal Kooke oo gacansaar la leh agaasimaha NISA Mahad Salaad. In xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda laga celiyo garoonka Aadan Cadde ayaa qeyb ka ahayd hab dhaqankii Hay’adda NISA xilligii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo xubnaha dowladda ee iminka ay aad ugu dhaliili jireen.. Ma cadda weli siyaasadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee gobolka Gedo xilligan, laakiin waxaa si weyn faraha ugula jirta dowlada Itoobiya oo waanwaan ka dhex waday maamulka isku heysata ee gobolkaasi. Waxaa sidoo kale caddeyn xiriirka Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, inkasta oo Saciid Deni oo xulufo ay yihiin Axmed Madoobe ay xiisad kala dhaxeyso madaxweyne Xasan Sheekh. The post Xog: Ciidamada NISA oo is-hortaagay siyaasi ka dhoofi lahaa garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay shirka dib u heshiisiinta dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka Koonfur Galbeed ee toddobaadka soo socda ka furmaya magaalada Baydhaba. Bilihii dhowaa ayaa waxaa jiray xiisad xooggan oo u dhaxeysa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed, oo kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha oo muddo xileedkiisa sharciga ah uu ku egyahay bishan. Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhawaan iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, shirkaas oo dhacaya toddobaadkan soo socda. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo maanta la kulmay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si buuxda u taageeray shirka. “Aniga iyo kooxdayda waxaan maanta la kulannay afhayeenka golaha shacabka Aadan Madoobe, waxaana si buuxda u taageernay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee uu ka wado shirka Baydhaba ee toddobaadka soo socda. Tani waa waqti taariikhi ah, marka ay noqoto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab; midnimada waa u muhiim Soomaaliya,” ayuu safiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Laftagareen ayaa horey u taageeray dadaallada Aadan Madoobe “ayada oo la tixgelinayo kacdoonka Shacabka, laguna dagaalamayo kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab oo ay hogaaminayaan ciidamada xooga dalka iyo ciidamada daraawiishta DKGS si looga ciribtiro dalka iyo dibadada.” The post Mareykanka oo taageeray tallaabada uu guddoomiye Aadan Madoobe qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Sagal Ali founded the Somali Arts Foundation. Sagal Ali, the founder of the Mogadishu-based Somali Arts Foundation, was selected by the New African magazine as one of 100 most influential Africans of 2022. The post Sagal Ali: Creating Spaces for Somali art appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda meherka Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka dhacday magaalada Jabuuti. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalay meherka, ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar. Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh ee soo jireenka ah kaas oo uu ku bogaadiyey walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi guddoonsiinta gabadhan uu abtiga u yahay. “Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah. Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaareyaal Hore oo soo hoggaamiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin iyo madax ka mid ah goleyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya. The post Sawirro: Sidee u dhacay meherka Jeneraal Saadaq iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali security forces discovered mass grave in recently-liberated Adan Yabal after government forces backed by local clan militia forces forced al Shabab militants to withdraw from the town on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Guriceel (Caasimada Online) – Golaha deegaanka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta guddoon cusub doortay, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaas oo sidoo kale xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Galmudug. Xubnaha golaha ayaa guddoomiye u doortay Faarax Cabdi Axmed, halka ku xigeenna loo doortay Shaafici Jaamac Cabdi oo labaduba ku soo baxay doorasho ka dhacday Guriceel. Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweynaha Galmudug oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka hadlay doorashadaan, isaga oo u hambalyeeyay xubnaha la doortay. “Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, wuxuu hambalyo u diray gudoomiyaha la doortay ee degmada Guriceel Farax Cabdi Ahmed iyo ku xigeenkiisa, Shafici Jamac Cabdi,” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor. Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku amaanay golaha deegaanka ee Guriceel, sida ay u wajaheen doorashadadaas oo deganaan ku soo dhammaatay. “Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay golaha deegaanka cusub ee degmada Guricel , sida hufan oo ay uga qeyb qaateen doorashada gudoonka degmada , sidoo kalena bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug oo hirgelisay doorashada,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Madaxweynaha Galmudug. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in tallaabadan ay tahay mid loo qaaday xagga dimuquraaddiyadda iyo sidoo kale horumarinta dowladnimada. Galmudug ayaa haatan ku jirta dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka, walow magaalooyinka qaar ay ka taagan tahay xiisadda xoogan, sida degmada Caabudwaaq oo ay ka taagan xiisadda ka dhalatay sida loo maareeyeya golaha deegaanka ee degmadaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: The post Madaxweyne Qoor Qoor oo war kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shuruudo adag oo gaaraya illaa toddoba ah ku xirtay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya kadib hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan u sheegay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxtooyada Somaliland, oo soo saartay qoraal jawaab ah, ayaa sheegtay in wada-hadallada ay galeyso haddii la fuliyo toddoba shardi, waxaana ay kala yihiin: 1. Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Somaliland waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah. 2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo loo fuliyaa si deg deg ah. Tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsooni. 3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin caalami ah oo dhexdhexaad ah, kaas oo sidoo kale dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka. 4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta. Xoghayntu waa inay noqotaa mid karti leh, xirfad leh, dhexdhexaad ah oo aan eex lahayn oo si adag sir u ah. 5. Waa inay jiraan mabaadi’ muhiim ah iyo xeer hab-dhaqan oo wada-hadalka saldhig looga dhigayo. 6. Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada. 7. Waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan. The post MUUSE BIIXI oo toddoba shardi ku xiray wada-hadal uu la galo DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
United States officials on Wednesday confirmed that the U.S. did not extend invitations to Eritrea and Somaliland as African leaders prepare to meet with President Joe Biden in Washington next week. WASHINGTON — The second U.S.-Africa Leaders Summit will take place from Dec. 13 – 15 with the U.S. seeking to deepen ties with Africa and meet its pressing challenges. Officials briefing the press confirmed that the U.S. did not invite Eritrea and Somaliland due to strained diplomatic relations and lack of recognition for the latter as a sovereign state. “We’ve decided to be as inclusive as possible and consistent with the African Union and our own recognition of governments,” Judd Devermont, the National Security Council’s senior director for African Affairs, said in response to a VOA question about the exclusions of some African states. Last week, Dana Banks, special assistant to the president and senior advisor for the summit, told VOA that 49 heads of state and African Union Commission Chairperson Moussa Faki Mahamat have been invited to the high-level meeting. “Invitations were sent to countries who are in good standing with the Africa Union,’’ she said. “Currently, there’re four countries that have been suspended by the AU, and so they were not extended invitations” in addition to “two countries – one which we do not recognize and one with whom we do not share full diplomatic relations,” Banks said. Mali, Sudan, Guinea and Burkina Faso have been suspended from the 54-nation African bloc because of political instability. “We continue to work separately with those countries to encourage a return to democratic transition, so we’re in a better position to have a strong partnership with [them],” said U.S. Assistant Secretary of State for African Affairs Molly Phee. “We want to make sure that our vision aligns with the vision that Africans have for their continent,” Phee said adding that she hopes leaders leave the summit “feeling that the partnership with the U.S. makes a concrete difference in the daily lives of African people.” The U.S. Statement Department says it does not provide bilateral assistance to Eritrea at its government’s request, but “maintains an enduring desire to build relationships with the Eritrean people, including through cultural exchange and other programs.” But Marisa Lourenço, a Johannesburg-based political and economic risk analyst, told VOA that the decision to exclude some African states from the summit is unjustified, noting that it’s not entirely “surprising” considering bilateral tensions between the U.S. and the excluded countries. The U.S. may be using the countries as “scapegoats,” she said, due to their strong alliances with states like Russia and China — and to signal that political instability and coups are not justified transitions in government. “We don’t live in a bipolar world anymore,” she said. “We live in an increasingly multipolar world, and African countries know this. They know that they can effectively engage with a lot of governments, whereas before it was kind of picking a side, and that’s not really the case anymore.” Discussions at the summit are expected to center on climate change, governance and security, food security and the impact of Russia’s war on Ukraine. Other areas of focus will include amplifying the voices of young leaders on the African continent, as well as an opportunity to announce increased trade and investment deals. VOA Qaran News
-
Dawladda Mareykanka, ayaa ka reebtay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ereteriya marti qaad loo fidinayey Madaxda Qaarada Afrika oo ka qayb galaysa Shirweynaha Afrika iyo Mareykanka oo qabsoomaya 13 ilaa 15-ka bishan aynu ku jiro. Saraakiil Mareykan ah ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in aan shirweynahaasi lagu soo marti qaadin Somaliland oo ah dal ku yaala Qaarada Afrika oo aan aqoonsi haysan iyo Ereteriya oo sababo la xidhiidhka diblomaasiyadeed ee xumaaday ee ay la leeyihiin Mareykanka. “Dalalkan mid aynaan aqoonsanayn, ka kalena lama wadaago xidhiidh dublamaasiyadeed oo buuxa,” Haweenay ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka. Qaran News
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland. Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani labadda Golle Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada Garoowe. Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka, waxaana shirka guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey labana hindise sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Cunaqabeynta Maaliyeed ee Cayiman iyo Hindise Maaliyadeed ee Khayraadka dhulka hoostiisa oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda. Hindise Sharciyeedka Cunaqabeynta Maaliyeed ee Cayiman ayaa muhiim u ah dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab, waxaa si gaar ah loogu dhaqayaa ama lagu qaadayaa dadka lagu tuhmayo inay maal-geliyan argagaxisada. Sidoo kale Hindise Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa ayaa waxaa maamuli doonaa nidaamka maaliyadeed ee qodista kheyraadka dhulka Hoostiisa, taas oo soo saaristiisa lagu qeexay sharciga batroolka, oo tirsigiisu yahay; Sharci Number 19aad iyo xeerka qodista Macdanta ee tirsigiisu yahay Number 7 oo soo baxay 9-kii January 1984-kii. Wasaaradda Maaliyadda labada xeer horkeentay Golaha ayaa ka mahacelisay meel-marinta hindise sharciyeedyadan oo sidoo kale lasii marsiin doono Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in labadan sharci ay muhiim u yihiin dhaqaalaha dalka, hannaanka maamulka maaliyadda iyo barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab ayaa horey shaacisay inay beegsan doonto ilaha dhaqaale ee kooxda, si loo cuuryaamiyo. The post Daawo: Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Recently, the Heritage Institute commemorated ten years of operations. The Institute celebrated its tenth anniversary in Djibouti by hosting its sixth Annual Forum for Ideas. The Forum is where decision-makers, scholars, and opinion leaders come together to discuss important issues impacting Somalis in the Horn of Africa. "Climate Change and Conflict in the Horn" was this year's subject. The Djiboutian government routinely hosts this function. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad taageero iyo soo dhoweyn loogu muujiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka maaliyadda Ciise Guure ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin heer federal iyo heer dowlad goboleed, xildhibaano, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, culimo, aqoonyahano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay hoolka ayaa sheegay in Ciise Guure uu yahay siyaasi lagu yaqaan aaminaad iyo waxqabad, islamarkaana uu mudnaa xilka, ayaga oo intaas ku daray inuu si guul leh uga soo bixi karo. Guddoomiye Ciise Guure, oo isna ka hadlay goobta ayaa wuxuu ballanqaadey inuu kasoo dhalaali doono howsha culus ee loo igmaday, islamarkaana uu filashada ummadda sugeysa uu si wanaagsan uga soo bixi doono. The post Xilka loo magacaabay Ciise Guure oo si weyn looga soo dhoweeyey Xamar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Nin dal iyo dad midaysan lagu wareejiyay oo faro madhan ka taagani wadahadalka waa ayo cidda uu ku metalayaa? Waar Xasan Sheekh Somaliland gunteeduu og yahaye miyaa la caamayn karaa? Muuse Biixi Cabdiraxmaan iyo Faysal uma baahna in uu la hadlo oo wuu ka maarmay hadalkooda. Markaa mucaarid iyo isbdeldoonku hadii ay yihiin muwaadiniiin xaqooda uu dafirsan yahay markaa saw in inta Kulmiye ugu hadhay uun dani may badin. Dee iyaga uun ha ku metelo wadahadalka uu kootarabaaninayo Qaran News
-
A groundbreaking report into deaths and catastrophic damage done to civilians by U.S. counterterror airstrikes in Somalia has unearthed a shocking array of suffering—including the alleged killing of children—and demanded an end to the current targeting practices employed by American forces outside of conventional war zones. Source: Hiiraan Online
-
Aabbe Fagaare ah ku toogtay Nin wiilkiisii dilay Aabbe ayaa meel fagaare ah ku toogtay nin wiilkiisa dilay ka dib markii ay Taalibaan ku riday ninkan xukun dil ah, waa dilkii ugu horreeyay ee ay Taliban meel fagaare ah ku fuliso tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen xukunka Afgaanistaan. Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in ninkan lagu dilay garoon lagu ciyaaro oo ku yaal koofur galbeed ee gobolka Farah. Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa saddex xabadood ku dhuftay ninkan, sida uu hadalka u dhigay afhayeen u hadlay Taliban. Rag badan oo ka mid ah madaxda kooxda ayaa ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacayay. Waxay ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii garsoorayaasha lagu amray inay si buuxda u dhaqangeliyaan shareecada. Hoggaamiyaha sare ee Taliban Haibatullah Akhundzada ayaa amarkan soo saaray bishii hore, isagoo ku amray garsoorayaasha inay ku ridaan ciqaabo kuwa lagu helo dambiyo. Maalmihii la soo dhaafay waxaa meel fagaare ah lagu garaacay tobonaan qof oo lagu hor garaacay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla gobolka Logar – waana markii ugu horreysay oo Taliban ay si cad u qirato inay amartay kiis la xirriirra di Qaran News
-
Imisa waddan ayaa baasaboor-Soomaaliga lagu tegi karaa Fiisa la’aan? Waddamada adduunka ayaa isugu faana awoodda baasaboorrada oo ah inta dal ee qofka wata uu ku tegi karo si sahlan. Japan iyo Singapore ayaa sanadkan isku heysta kaalinta koowaad, marka la eego qiimaha baasaboorkooda. Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan kaalinta 106-aad kasoo galay liiska caalamka. Haddaba waa kuwee dalalka uu qofka Soomaaliga ah gali karo isagoo aan u baahneyn Visa lasii qaato? Guud ahaan 33 waddan ayaa lagu gali karaa baasaboor Soomaaliga, oo ka horreeya baasaboorrada Yemen, Pakistan, Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan. Hase ahaatee dalalkaas dhammaantood ma wada aha kuwo uu qofka Soomaaliga ah ee baasaboorka Soomaaliga ah wata ku geli kato Visa la’aan. Sida aan kasoo xigannay bogagga wax ka qora arrimaha socdaalka iyo dal ku galka ee VisaIndex iyo PassportIndex, 9 waddan ayaa baasaboor Soomaali lagu tagi karaa iyadoo aan wax Visa ah la dalbanin.+ Halkan ka akhriso warbixintan oo dhamaystiran. Baasaboor Soomaaliga oo mar kale isbeddel ka sameeyay liiska baasaboorrada caalamka Qaran News
-
Dowladda Qatar ayaa bilowday inay meesha ka saarto garoonka 974 , kaa oo ka mid ah garoomada dalkaas ee lagu cayaaray Koobka Adduunka 2022-ka. Qatar ayaa ku bixisay dhismaha garoonka 717 milyan oo doollar , waxaana uu marti-geliyay toddoba kulan oo Koobka Adduunka ah. Garoonka ayaa laga sameeyay kunteenaro. Qatar ayaa sheegtay in haddii ay jirto magaalo ama dal u baahan garoonkan la fur furay la siin doono. Qaran News
-
Dawladda Mareykanka, ayaa ka reebtay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ereteriya marti qaad loo fidinayey Madaxda Qaarada Afrika oo ka qayb galaysa Shirweynaha Afrika iyo Mareykanka oo qabsoomaya 13 ilaa 15-ka bishan aynu ku jiro. Saraakiil Mareykan ah ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in aan shirweynahaasi lagu soo marti qaadin Somaliland oo ah dal ku yaala Qaarada Afrika oo aan aqoonsi haysan iyo Ereteriya oo sababo la xidhiidhka diblomaasiyadeed ee xumaaday ee ay la leeyihiin Mareykanka. “Dalalkan mid aynaan aqoonsanayn, ka kalena lama wadaago xidhiidh dublamaasiyadeed oo buuxa,” Haweenay ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka. Source
-
Tehran (Caasimada Online) – Gabar la dhalatay Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cambaareysay howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada ka socda dalkaas, waxayna ku baaqday in Ilaalada Kacaanka ay hubka dhigaan, sida ay ku warantay warqad uu daabacay wiilkeeda. Iran ayaa waxay la tacaaleysa deganaansho la’aan tan iyo markii Mahsa Amini, oo aheyd 22 jir Kurdish Irani ah ay ku geeriyootay gacanta booliska 16-kii September. Badri Hosseini Khamenei, oo ku nool Iran islamarkaana la dhalatay Ayatollah Khamenei, ayaa cambaareysay xukunka wadaadada laga soo billaabo xilligii hoggaamiyaha aasaasay Jamhruuiyadda Islaamiga ah Ayatollah Ruhollah Khomeini illaa xukunka walaalkeed, sida lagu sheegay warqadda oo ku taariikheysan “December 2022”. “Waxaan filayaa inay hadda ku habboon tahay inaan shaaciyo inaan kasoo horjeedo ficillada walaalkey, oo aan muujiyo sida aan ugu calool dabacsanahay dhammaan hooyooyinka la barooranaya dambiyada Jamhuuriyadda Islaamiga ah, kasoo billow xilligii Khomeini illaa xilliga khilaafada kali-taliska ah ee Ali Khamenei,” ayey ku qortay warqadda oo Arbacadii lasoo dhigay Twitter-ka wiilkeeda Mahmoud Moradkhani. “Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Ali Khamenei iyo calooshood u shaqeystayaasha waa inay hubka dhigaan sida ugu dhaqsiyaha badan oo ay dadka ku biiraan inta ay goori goor tahay,” ayaa lagu yiri warqadda. Ilaalada Kacaanka waa ciidamada xulka ah ee Iran, kuwaas oo ka caawiyay dalka inuu wakiilo ku yeesho Bariga Dhexe, waxayna maamulaan ganacsi baaxad weyn. Talaadadii, Ilaalada Kacaanka ayaa soo saaray bayaan ay ugu baaqayaan hay’adaha garsoorka “in aan loo naxariisan qas-wadayaasha, tuugada iyo argagixisada,” taas oo muujineysa in maamulku aanu damacsaneyn inuu fududeeyo cadaadiska adag ee ay ku hayaan mucaaradka. Afhayeenka garsoorka Iran, Masoud Setayeshi ayaa Talaadadii sheegay in shan qof oo lagu eedeeyay dilka xubin ka tirsan maleeshiyada Basij oo lagu magacaabay Rouhollah Ajamian lagu xukumay dil toogasho ah oo ay weli racfaan ka qaadan karaan. Bishii November, Farideh Moradkhani oo uu abti u yahay Khamenei ayaa waxaa xiray mas’uuliyiinta kadib markii ay ugu baaqday dowladaha shisheeye inay xiriirka u jaraan Tehran. REUTERS, VOA The post Gabar la dhalatay Ayatollah Khamenei oo qaaday tallaabo lama filaan oo ka dhan ah appeared first on Caasimada Online.
-
Cadale (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale maleeshiyaad hubeysan ay nin darawal ahaa xalay ku dileen waddada dheer ee marta dhanka xeebta ee Cadale, xilli uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho. Falkan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Raage Celle, waxaana lagu dilay mid ka mid ahaa darawallada gaadiidka ee isaga kala goosha deegaanada gobolkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamuud Xasan Nuur, wuxuuna sanado fog ka shaqeynayey isaga oo darawal ahaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/Dhexe. Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in rag burcad ah ay gaariga waddada u galeen, kadibna ay rasaaseeyeen marxuumka. “Niman tuugo ah ayaa jidka u galay, kolley xabado ayeyna ku fureen qadarta Ilaahey isagaa ku geeriyooday,” ayuu yiri mid kamid ehellada marxuumka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gaariga uu waday Ari loo soo waday dhanka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in mar qura uu rasaas ku furay nin hubeysan. “Xittaa baabuurka istaag lama dhihin nin ayaa jidka kasoo dhacay xabad ayuuna huwiyay, gaariga Ari ayuu waday Xamar ayuuna usoo socday,” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay jiraan gawaari kale oo daba socotay baabuurka la rasaaseeyay oo iyaguna dhac baahsan loogu geystay inta ay ku socdaalayeen waddada. “Baabuur kale oo la dhacay way jirtaa oo ka dambeysay gaariga la rasaaseeyey. Nin yahow maamulka waan la xiriirnay, laakiin jawaab kama helin,” ayuu markale yiri. Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku badan dilalka iyo isbaarooyinka, ayada oo dhowaan degmada Balcad lagu dilay nin darawal ahaa oo kusii jeeday Jowhar, dilkaas oo dhaliyay caro, ayada oo kadib lasoo qabtay eedeysanaha oo ay xukuntay maxkamadda ciidamada. The post Darawal GAARI oo markale lagu dilay gobolka Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda lacagta adduunka IMF ayaa bogaadisay dadaalka hanaanka hufnaanta ah ee dowladda Soomaaliya ay ka sameysay maaliyadda. IMF ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ay Soomaaliya ka gudubtay dhammaan shuruudaha loo dejiyay hanaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya loo yaqaano ECF kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago arrimaha Deyn Cafinta. Guddiga Sare ee Hey’adda IMF oo warbixintaan soo saaray ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta dib -u -habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha, waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah lagu bixiyo siyaasadda canshuuraha iyo dib – u – habeynta maamulka, oo ay ku jiraan casriyeynta kastamka iyo sharciga cusub ee canshuurta dakhliga. Guddiga Sare ee IMF waxa ay si wayn u xuseen in waxqabadka barnaamijkane dib-u-habeynta dhaqaalaha uu ahaa mid xooggan, waxayna bogaadiyeen horumarka joogtada ah ee ay Dowladdu ka sameysay Geeddi-Socodka barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC) ee u gogol xaaraya in la gaaro dhammaadka sanadka 2023 ee dhamaystirka Deyn cafinta. “Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey’adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya/ ECF waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday” ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ku saabsan dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya. “Waxa aan soo dhaweynaa Warbixinta wayn ee ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF ee ku saabsan natajiida ka dhalatay shirarkii iyo wadatashiydii aan ka yeellanay dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya. Warbixinta waxa ay muujineysaa isbeddel xooggan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
