Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola kaga qayb galaya Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika, Kareebiyaanka & Baasifiga (OACPS). Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo maalmo ka hor gaaray Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Angola. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay xaaladooda gaar ahaan caqabadaha heysta iyo fursadaha ganacsi ee yaalla dalka Angola, Iyagoo dhankooda xusay inay soo dhawaynayaan dadaallada ay dawladdu waddo ee dhinacyada Amniga iyo Dib u xoraynta dalka. Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika oo ay sanadkan ka qaybgalayaan madaxda 79 xubnood oo ka socda saddexda Qaaradood, ayaa looga hadli doonaa dhibaatooyinka isbeddelka cimillada, isu dheelitirka iyo koboca dhaqaalaha, caqabadaha amniga iyo nabadda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir ka dhacay dalka Angola appeared first on Puntland Post.
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Afar madaxweyne goboleed ayaa la filayaa inay yeeshaan iskaashi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda uu hoggaamiyo. Iskaashigan ayaa waxaa abaabulkiisa wada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey qeyb uga hayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, halka la filayo inay kusoo biiraan madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, Axmed Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe Xiriirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa soo hagaagaya, sida ay sheegayaan xogo kala duwan, taasi oo sahleysa in Axmed Madoobe uu kusoo biiro xulufadan cusub. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mad-madow soo kala dhex galay doorashadii Xasan Sheekh kadib ayaa hadda isu diyaarinaya in ay dib boorka uga jafaan xiriirkooda, dibna usoo celiyaan saaxiibtinimadoodii xoogganeyd. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu ku soo biiro iskaashi ay samaynayaan Dowlad Goboleedyada qaarkood. Siciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in ay ku midoobaan iskaashiga cusub sida xogaha lagu hayo. Dhinaca kale Villa Somalia ayaa isu diyaarinaysa in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe islamarkaana ku beddesho siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gedo, taasi oo haddii ay dhacdo isbeddel weyn ku sameyn karta siyaasadda dalka. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyadda Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka. Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday. Madaxweynaha Puntland oo ka dambeeyey isbaheysiga ka dhanka ah Xasan Sheekh, ayaa shirkii golaha wasiirada Puntland ee toddobaadkii tegay aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Afar madaxweyne goboleed oo dhisaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  3. Confused, Kulimiye party lacks a coherent national foreign policy: Look at what our national TV says about countries in the region, including Ethiopia. Why bother if the US invites Ethiopia's Prime Minister? I believe Kore should resign because he cannot even govern the a TV. pic.twitter.com/zCjVoqwkQa — Khadar Hussein Abdi (@khadarlooge) December 10, 2022 Qaran News
  4. Washington (Caasimada Online) – Go’aankii Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga saarey Soomaaliya todobaadyadii ugu dambeeyay maamulkiisa wuxuu dhaliyey cawaaqib daran, sida ay warisay Washington Post. Jariirada afka dheer oo soo xiganaysa saraakiil Soomaali iyo Ameerikaan ah ayaa daabacdey in talaabadaas ay sababtey khasaaro maaliyadeed, carqaladeynta howlgalo milatari iyo soo rogaal-celinta Al-Shabaab. Sida laga soo xigtey warbixinta, tan iyo markii Joe Biden uu dib ugu soo celiyey ciidamada gudaha Soomaaliya, “waxay horumar ka sameeyeen afar kamid ah lix dib-u-dhac oo ka dhashay go’aanka Trump”. Khasaaro maaliyadeed Markii ay ka baxeen Soomaaliya, ciidamadda Mareykanka ayaa saldhigtey Jabuuti iyo Kenya. Kaliya lama rararin ciidamadda, waxaa sidoo kale la daabulay dhamaan wixii agab ahaa oo ay wateen. Saraakiil amni oo codsadey in magacooda aan lasoo xigan ayaa WP u sheegay in kaliya halkii duulimaad ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ay uga baxdo aduun lacageed dhan $930,000. “Waa talaabo ku talogal ah oo khatar ah, kharash badan oo hadana nacasnimo ah,” ayuu sii raaciyey sarkaalkan oo kamid ah ciidamadda Mareykana ee ka howlgala gudaha Soomaaliya. Carqaladeyn milatari Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ayaa, sidda ku xusan warbixinta, markii ay baxeen dhigooda Ameerikaanka ah waxay “dareemeen in meel cidlo ah looga dhaqaaqay”. Mas’uuliyiin ka kala tirsan cutubyada Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka Trump uu carqaladeeyay dhaqdhaqaaqyada milatari ee ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida. “Sidoo kale, bixitaankaas waxay si wax ku ool ah u carqaladeysay awooda Mareykanka ku heli xogaha mukhaabaraadka, falanqeyntooda iyo taagerada howlgalada dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayay sheegeen. Soo-nooleynta Al-Shabaab Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa dib boorka uga jafay awoodooda kadib go’aankaas, sidda laga soo xigtey majaladda oo la hadashay illo wareedyo isugu jira Soomaali iyo Ameerikaan. “Al-Shabaab ayaa kordhisay tirada dagaalameyaasheeda. Al-Shabaab ayaa kor u qaadey dakhliga soo gala. Al-Shabaab waxay qabsatay degaano badan,” ayay carabka ku adkeeyeen. Dowladda cusub ee uu hogaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday howlgallo saf-ballaaran oo saddex jiho ah – milari ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaan waxaana dadaaladan u muuqdaan “faanoole fari ka qodna”. Isha: GO The post Soomaaliya oo 3 cawaaqib kala kulantay amarkii Trump appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Meyre Maxamed Nuur oo ka mid ah xaq u dirirka ka abaabulan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u soo dirtay lacag uu Karfan ku soo gato. “Al-Shabaab lacag aan Karfan ku iibsado ayey ii soo direen, aniguna kama cabsan ee waxaan dhahay ii soo badiya aan Sonkor ku gatee,” ayuu yiri Aabe Meyre Maxamed Nuur. Ninkaan ayaa sheegay in cagajugleyn xun uu kala kulmay Al-Shabaab, isla markaana deegaankii uu ku noolaa ee Aqab-duco ay maamulayeen mudo 16 sano ah, iyadoo ugu dambeyntii ay iska xoreeyeen. “Aniga iyo Al-Shabaab nama wada qaado dhulkaan, wax kasta oo aan heystay waa iga dhaceen, reerkii ayaan kala baxsa waayey 16 sano kadib, maanta waxaan ku eryanaa duurkaan,” ayuu yiri odagaan oo warbaahinta kula hadlay duleedka Aadan-yabaal. Wuxuu sheegay in mar kasta ay ku weeraraan meeshii loogu sheego inay ku sugan tahay kooxdu, “Meel kasta oo ay u cararaan ugama hari doono,” ayuu yiri Aabahaan oo qorigiisa garaarsan. Dhacdooyin yaab leh oo dadka reer miyiga ah ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab oo hadda wajaheysa kacdoon bulsho oo aad u adag ayaa laga soo tebinayaa deegaano u badan Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle. Hoos ka daawo The post Nin lacagta Karfantiisa ay u soo direen Al-Shabaab oo si cajiib ah uga sheekeeyey (Video) appeared first on Caasimada Online.
  6. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidanka booliska degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku dilay askari ka tirsanaa booliska degmadaas. Taliska booliska degmada Gaalkacyo ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay ugu suurta gashay inay soo qabtaan ninkaan ka soo baxsaday Guriceel, kadib markii uu dilay nin kale. “6-dii bishaan ayuu ninkaan Guriceel ku dilay nin kale, qof kasta ayaan adeegsanay waxaana ku guuleysanay in aan qabano, qof kasta meeshii uu dembi ku galo kama baxsa doono gacanta booliska,” ayuu yiri taliyaha booliska Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay taliyaha booliska degmada Guriceel Cusmaan Cali Hudey, isagoo maxkamadda ciidamada ka codsaday in deg deg ay go’aan uga gaarto kiiska dilka ah ee ninkaan loo heysto. “Allaah ayaa ku mahadsan in ninkaan la qabto, dhamaan bulshada iyo booliska Galakacyo waan u mahad celinayaa, waxaan fariin u dirayaa maxkamadda ciidamada, fadlan kiiskaan nala fududeeyo, deg deg in ninkaan maxkamad loo saaro ayaan codsanayaa,” ayuu yiri Taliye Hudey. Ninkaan dilka loo heysto oo lagu magacaabo Cabdulaahi Cabdi Cusmaan ayaa fagaaraha Gaalkacyo lagula wareejiyey taliyihii xukumayey askarigii uu ku soo dilay degmada Guriceel. Hoos ka daawo The post Daawo: Nin dil ka geystay Guriceel oo Gaalkacyo lagu qabtay – Kadib maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  7. Morocco ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ee abid gaara afar dhammaadka koobka adduunka, kaddib markii ay 1–0 ku garaaceen xulka Portugal. Morocco waxaa guusha taariikhiga ah ka caawiyay ciyaaryahanka Y. En-Nesyri oo goosha dhaliyay daqiiqadii 42-aad ee qaybtii hore cayaarta. Morocco ayaa casharka ay u dhigtay Portugal mid la mid ah horay ugu dhigtay xulka Spain oo ay ku raabtay wareegga 16-ka, waxaana xusid mudan in aan laga badin 5 kulan oo ay cayaareen koobka adduunka. Morocco ayaa kulanka afar dhammaadka wajihidoonta midkood xulalka France iyo England oo caawa wada cayaaraya kulanka siddeed dhammaadka. PUNTLAND POST The post Morocco oo wacdaro ka dhigtay koobka adduunka ee ka socda Qatar appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa baaq u direy dhalinyarada weli ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab. Xamza ayaa dhallinyaradaasi ugu baaqay in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan, xili uu socdo dagaal si weyn loogu jabiyay Al-Shabaab. “Dagaalka socda waa mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay khawaarijtu ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha bogaadiyay Xildhibaannada iyo xubnaha ka tirsan xukuumadda ee u taagan furinta dagaalka ciribtirka argagixisada. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka, isaga oo tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad-gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul. “Waa in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xad-gudubta xuquuqul insaanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii. Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Wasiiro,ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale. The post Xamza oo baaqii u dambeeyay u diray dagaal-yahaanada Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. In yet another move to expand its influence in Somalia, the DP World and Somalia’s State Government of Puntland have signed an agreement for the expansion and upgrade of the Port of Bosaso in northeastern Somalia. It becomes the second port after Berbera in the Somali peninsula to be under the DP World’s management. Source: Hiiraan Online
  10. Living in a Minnesota community with a sizable Somali population, I was excited to read the recently-published children’s picture book Fire and Ashes—A Boy and an African Proverb co-authored by Minnesotans Ahmed Hassan and Wes Erwin. Why? It’s important for me to learn about my new neighbors, their homeland, their culture, their experiences before resettling in Faribault. Reading books is one way to gain insights. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaacisay in la bilaabayo wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo lagaga xoreynayo guud ahaan dalka Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in uu socdo qorshaha xiga ee ciidamada, oo ay tahay in Al-Shabaab lagu weeraro dhulka ay maamusho. “Aadan Yabaal waa degmo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, howl-galka Shabaab-na waa qorshe laga leeyahay in dhamaan laga saaro dalka Soomaaliyeed, oo ay gobolo badan ka joogaan,” ayuu yiri. Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamo badan oo keyd ah ay ku diyaarsan yihiin magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo gobolka Shabeelaha Hoose Ciidamada Keydka ah ee uu sheegay afhayeenka ayaa waxa loogu tala-galay gurmad iyo taakuleyn. Howl-galka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray. Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabelle, oo ah maamulkii ugu horeeyay ee deegaanadiisa uu ka bilowday kacdoonka dagaal, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood. Al-Shabaab ayaa maalmo kahor laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, waxaana ay gobolkaas hadda kaga hareen oo kaliya Ruun-Nirgood. The post Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo bilaabanaya iyo ciidamo horleh oo… appeared first on Caasimada Online.
  12. Mashruucan yaa Ummada la dhex yimi? Waa maxay Ujeedada ay leeyihiin kuwan dib u damqaya boogihii la dhayay Sodon sanadood ka hor. Wax kasta oo la soo maray, xasuuq iyo dagaallo kasta oo dhacay Somaliland way kasoo gudibtay, waxaanay haysay ugu yaraan jid wanaagsan oo ay ku muddoobeen qabaailka Somaliland wada deggen oo qolaba ay dhinac ka soo jeeday, qaar SNM taageersanaa iyo kuwo Maamulkii Maxamed Siyaad Barre taageersanaa. Waxaan u arkaa kuwa Boodhadhkan Hargeysa imika ka dhex qotomiyay inay yihiin Fulayaal ka soo habsaamay inay qoriga qaataan markii uu xasuuqu socday, balse maanta doonaya inay fidno iyo cuqdad hor leh dhex dhigaan Ummada reer Somaliland ee ka soo kabatay dhibaato kasta oo ay soo mareen. Taariikhaha lasoo maray waa muhiim in la xuso, balse marxaladan imika lagu jiro Somaliland uma baahna in dhiillooyinkii la soo maray dariiqyada loogu xardho si qabiillaysan. Xukuumadu wax ha ka qabato kuwa mashruuc maalmeedyada ka fikiraya, balse aan dhaadanayn ficiladoodu lurta ay ummada ku soo kicinayaan, dibna u damqayaan booggihii ay reer Somaliland dhayeen sanado badan ka hor. Fulayada imika mashruucan dadka la dhex yimi, waxay ahayd inay Qoriga qaataan markii loo baahnaa, balse imika reer Somaliland uma baahna booggo la dhayay oo dib loo xoqo. Waxa Qoray Kaysar Maxamed Qaran News
  13. Qoraalkan Xasaasiya oo lagu soo daabbacay bogga Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaaraha Itoobiya uu dagaal isir sifayn ah ku qaaday Qoomiyadda Tigreega. Halkan ka Akhri Warkaa:- Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la fashiliyay qorshe ay damacsanaayeen xubno Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal. Xubnaha Al-Shabaabka ah ayaa rabay inay weerar kusoo qaadan degmada Aadan Yabaal oo dhawaan ay ciidamada huwanta la wareegeen gacan ku haynteeda Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa howl-gal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu jiray madax iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo qeyb ka ahaa qorshaha la fashiliyay. Howl-galkaasi ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. “Xubnaha la dilay ayaa waxaa laga war helay xili ay ku jireen is aruursi ay kusoo weerari rabeen degmada Aadan Yabaal,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage. Waxa uu intaas sii raaciyay “Lagama yaabo in Khawaarijtu dib ugu soo laabato dhulkii aan ka xoreynay, deegaanada dhimana waan gaareynaa.” Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howl-galada dagaal ee socda uga saaray Al-Shabaab magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe. The post DF oo fashilisay qorshe ay Al-Shabaab la damacsanaayeen degmada Aadan Yabaal appeared first on Caasimada Online.
  15. Suxufi geeriyooday isaga oo soo tebeinaya ciyaartii xalay Grant Wahl oo ahaa Suxufi Ruug cadaa ah maraykan u Dhashay ayaa geeriyooday xili uu tabinayay ciyartii Xalay ee Argentina iyo Netherlands Suxufiga ayaa ahaa 48 jir Wuxuuna ka dhacay kursigii uu fadhiyay ee Stadium ka kubadu ka socotay daqiiqadihii ciyaarta ugu danbeeyey Qatar ayaa sheegtay inay ka xuntay geeridiisa Halka ay jiraan dadka qaar geerida la xidhiidhiyay dawlada Qatar maadabu taageeri jiray Qoomu-luudka. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ayaa maanta xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa kooram la’aan u baaqday, kaas oo sababay in lasoo xiro kulanka, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Guddoomiye ku xigeenka oo metalayey guddoonka sare ee Golaha ayaa sheegay in kaliya ay soo xaadireen illaa 78 xildhibaan, sidaas aawgeedna uusan furmi karin kulanka guud. “78 xildhibaan ayaa joogto, kooramkana wuxuu ku furmayaa Baarlamaanka 139 xildhibaan, annaga oo og dhibaatooyinka ka jira dhinaca baaritaanka iyo amniga haddane xildhibaanka waa imaan lahaa haddii aan isku dayno inaan xilli hore imaano,” ayuu yiri ku xigeenku. Abshirow ayaa nasiib darro ku tilmaamay baaqashada kulankan, isaga oo shaaciyay in laga doodi ahaa sharciyo muhiim ah iyo Mooshin lasoo gaarsiiyay guddoonka, walow uusan carab baabin ujeedada iyo waxa uu salka ku hayo Mooshinkaasi oo hadda dib loo dhigay. “Maanta waxaa noogu jiray sharciyo iyo inaan mooshin ka doodno oo ku saabsanaa qodobkii aad aragteen ee lasoo diray ,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ku xigeenka labaad. Sidoo kale wuxuu intaasi kadib soo xiray kulankii maanta ee Golaha Shacabka, wuxuuna sheegay in dib la’isugu soo laaban doono maalinta Isniinta ah ee soo socota. “Sida uu sharciga qabo marka kooramka waa noo buuxsami waayey shirkeena waan xiraneynaa, laakiin maalinta Isniinta ah ayada oo doodo ay jiraan haddane inaan maqnaano aad ayey xun tahay” ayuu markale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka. Dhinaca kale xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaas ay ka wadaan xildhibaan Sacdiya oo ay ku eedeeyeen inay ku xadgubtay Diinta Islaamka. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ka doodayey xaaladda amniga ee dalka, kadib markii 22 xildhibaan ay Mooshin ka keeneen amniga liito ee caasimada. The post Mooshin la horgeeyey BF oo dib u dhacay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  17. Jowhar (HOL) - Hirshabelle state President Ali Gudlawe Hussein, Vice President Yusuf Ahmed Hagar and Hiiraan governor Ali Jeyte Osman visited locals and soldiers in Adan Yabal, a recently liberated strategic town in the Middle Shabelle region, on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) – Somali National Security and Intelligence Agency (NISA) commander Mahad Mohamed Salad directed the agency to investigate the killing of the NISA’s Gedo region commander on Thursday night. Source: Hiiraan Online
  19. Xiriirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa soo hagaagaya, sida ay sheegayaan xogo kala duwan. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mad-madow soo kala dhex galay doorashadii Xasan Sheekh kadib ayaa hadda isu diyaarinaya in ay dib boorka uga jafaan xiriirkooda. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu ku soo biiro iskaashi ay samaynayaan Dowlad Goboleedyada qaarkood. Siciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in ay ku midoobaan iskaashiga cusub sida xogaha lagu hayo. Dhinaca kale Villa Somalia ayaa isu diyaarinaysa in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe islamarkaana ku beddesho siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gedo. PUNTLAND POST The post Xog: Afar Dowlad Goboleed oo samaynaya iskaashi ka dhan ah Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu maanta ka amba-baxo caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweyne Lafta Gareen oo Khamiistii soo gaaray Garoowe ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka oo si weyn loo xaddiday xogtiisa ayaa sida wararka xaqiijinayaan looga hadlay midaynta mowqifka Puntland iyo Koonfur Galbeed ee Arrimaha siyaasadda heer Federaal. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna loo diray marti-qaad waxaana la sugaya in uu Todobaadkan Yimaado Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen oo lagu wado in uu maanta ka amba-baxo Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. Wargeysaka Wall Street Journal ayaa sheegay in shirkadda telefoonada soo saarta ee Apple inay dardargelinayso qorshaha ay uga guurayso dalka Shiinaha iyada oo wax-soosaarkeeda u wareejinaysa waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Asia, sida Hindiya iyo Vietnam. Inkasta oo ay jiraan culaysyo kala duwan oo arrintan keenay, haddana mid ka mida tallaabooyinka soo dedejiyey in shirkaddu ay ka guurto dalka Shiinaha ayay ku jiraan, siyaasadda Shiinaha ee xakamaynta cudurka COVID ee loo yaqaan ‘China Zero Covid Policy’ taas oo curyaamisay wax soo saarkii shirkadda ee dalkaas. Siyaasadda Shiinaha ee xakamaynta cudurka COVID waxay shirkado badan oo caalami ah ku khasabtay inay ka guuraan dalka Shiinaha iyaga oo ka hor tegaya inay khalkhasho, silsiladda sahaydoodu. Inkasta oo Shiinuhu uu haatan qarka u saaran yahay inuu debciyo xannibaadaha COVID, haddana weli hubanti la’aantu way taagan tahay. Shirkadaha waaweyn ayaa fursad u arka Hindiya inay noqon karto dal bedeli kara Shiinaha oo kula tartami kara suuqa wax soosaarka. Source