Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidanka Macawiilseyda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay dhanka koonfureed magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Beerxaano oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab. Intaas kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerka qaaday iyo ciidamada deegaanka ee ku sugnaa halkaasi. Saraakiil u hadashay Macawiisleuda ayaa waxa ay shaaciyeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, haatana xaaladdu ay tahay mid deggan. Dhanka kale ka cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku soo qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka howlgallada ka wada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada uu haatan ka socdo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Xogaha ka imaanaya Madaxtooyada Puntland ayaa caddaynaya in Madaxweynaha Galmudug uu Garoowe ku soo wajahan yahay bilowga Todobaabdka soo socda. Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu duhurnimada maanta gaaro magaalada Garoowe. Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa lagu micneeyay iskaashi ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo ku sii jeeda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  3. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta ansixiyay 4 xubnood oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah. 43 mudane ayaa oggol ugu codeeyay 43, halka ay diideen 3 mudane, waxaana ka aamusay 2 mudane, iyadoo ay fadhiga joogeen 48 xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Xubnaha xasaannada helay oo goobta lagu dhaariyay ayaa kala ah Garsoore Ismaaciil Cabdullahi Cilmi, Garsoore Aadan Cumar Maxamed, Axmed Xuseen Maxamed ( Soomaali) iyo Garsoore Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Qaanuuni). Waa markii ugu horreysay oo Puntland yeelato Maxkamad Dastuuri ah, kaddib muddo ka badan 23 sano oo ay jirtay. PUNTLAND POST The post Puntland oo markii ugu horreysay yeelatay Maxkamadda Dastuuriga ah appeared first on Puntland Post.
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo ka wada magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi, ayaga oo ka wadahadlaya iskaashiga milatari ee labada waddan ee dariska ah. Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay taliyaha ciidanka Difaaca Ethiopia Field Marshal General Birhanu Jula, ayaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah. “Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey Taliyaha Ciidanka Difaaca Ethiopia Field Marshal General Birhanu Jula” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka wadahadleen arrimaha ammaanka, gaar ahaan iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “Waxaan ka wada hadalney Amniga Gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ciribtirka Khawaarijta Alshabaab,” ayuu sii raaciyay. Dhankiisa taliyaha ciidanka Difaaca Ethiopia Marshal Birhanu ayaa ku amaanay madaxda dowladda Soomaaliya, sida ay uga go’antahay dagaalka lagula jiro kooxa Al-Shabaab, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socdo gobollada dalka. Ethiopia ayaa qayb ka ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika. The post Wararkii ugu dambeeyay iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Ethiopia + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Shirkadda iska leh shabakadda Facebook ee Meta Platforms Inc. ayaa sheegtay Salaasadii inay “ku khasbanaan doonto, inay dib uga fikiraan” inay gebi ahaanba shabakaddooda ka saaraan wararka kala duwan haddii golaha baarlamaanka ee Maraykanku uu meel mariyo sharci cusub oo dhigaya, in shirkadaha tignoolojiyadda ka shaqaystaa inay lacag ku bixiyaan wararka kala duwan ee lagu soo daabaco shabakadohooda, oo ay siiyaan hay’adaha warbaahinta ee iska leh wararkaas. Haddii la ansixiyo xeerka tartanka iyo ilaalinta saxaafadda, wuxuu u ogolaan doonaa hay’adaha warbaahintu inay si wadajir ah ugala xaajoodaan shabakadaha isgaadhsiinta, hannanka wararkooda loogu baahinayo baraha isgaadhsiinta ee bulshada. Shirkadda Meta ayaa sheegtay, inay doorbidayso “inay shabakaddeeda ka saarto dhammaan wararka kala duwan ee lagu baahiyo, halkii ay geli lahayd wada-xaajood ay dawladdu Khasab ka dhigtay inay galaan, taasoo ay u aragto shirkadda Meta, in tallaabadani ay tahay mid caddaalad darro ah oo aan tixgelinayn qiimaha iyo adeega ay shirkaddoodu u fidiso hay’adaha warbaahinta oo ay ku jirto inay kor u qaadaan tirada dadka soo booqanaya iyo weliba inay helaan macaamiil cusub” sidaas waxaa barta twitterka ku baahiyey afhayeenka shirkadda Meta Andy Stone. Shirkadda Meta ayaa sannadkii hore waxay si kooban shabakadeeda uga saartay wararka ay ku baahiyaan hay’adaha warbaahintu, ka dib markii ay Australia ay soo saartay sharci cusub oo ku waajibinaya in shabakadaha isgaadhsiintu ay lacag siiyaan hay’adaha warbaahinta. Senator Amy Klobuchar oo sharcigan horkacaysa ayaa sheegtay in hindise sharciyeedkani uu u ogolaanayo inay si midaysan ay hay’adaha warbaahintu uga gorgortamaan qiimaha wararkooda ay isticmaalaan shirkada waaweyn. Source
  6. Adeegyadii asaasiga ahaa, sida korontada iyo isgaadhsiinta ayaa dib loogu soo celiyey qaybo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Tigray ee Itoobiya, ka dib markii labada dhinac ay kala saxeexdeen heshiiskii xabbad-joojinta ahaa muddo haatan laga joogo hal bil, hase ahaatee waxaa weli jira deegaano badan oo gobolkan ku yaalla oo aan haysan adeegyada aasaasiga ah ama dunida ka go’an. Heshiiskii la saxeexay bishii November 2-deedii ayaa dhigayey in dawladda federaalka Ethiopia inay dib ugu soo celiso gobolka Tigray adeegyadii aasaasiga ahaa, sida telefoonada, internetka iyo bangiyada, kuwaas oo gobolkan ka maqnaa tan iyo markii ay dagaaladu qarxeen labo sano ka hor. Korontada ayaa sidoo kale ka mid ahayd kaabayaasha la kulmay carqaladda, taas oo saamaysay nolosha in ka badan 5 milyan oo qof oo gobolkan ku nool. Salaasadii, shabadda wararka dawladda Ethiopia ee Fana Broadcasting Corporate ayaa sheegtay in caasimadda gobolka Tigray ee Mekele in dib loogu soo celiyey korontadii dawladda, ka dib markii lagu sameeyey dayactir kala duwan. Kibrom Gebreselassie oo ah maamulaha isbitaalka Ayder ee Mekele ayaa xaqiijiyey in magaaladu ay heshay adeegii korontada, wuxuuna u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, inay tahay markii ugu horraysay ee ay helaan koronto goo’goaynin. Source
  7. Afhayeen u hadlay madaxweynaha Malawi oo la yidhaahdo Lazarus Chakwera ayaa sheegay in shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ee toddobaadka soo socda uu madaxda qaaradda siin doono fagaare ay ku cabbiraan fikradahooda ku aaddan sida ganacsiga Mareykanka iyo Afrika uu horumar u gaari karo, gaar ahaan aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika. Sean Kampondeni, oo ah agaasimaha isgaadhsiinta ee madaxweyne Chakwera, ayaa sheegay in madaxda Afrika ay ku qanacsan yihiin in dariiq looga baxo horumar la’aanta ay tahay ganacsiga iyo maalgashiga oo si wadajir ah looga wadahadlo oo aan qolo kaliygeed hagin. Kampondeni ayaa u sheegay weriyaha VOA James Butty in madaxda Afrika ay isku raacsan yihiin in horumarku aanu ku imaan karin gargaar oo keliya, balse uu ku imaan karo ganacsi iyo maalgashi. “Waxaa jirta xiiso weyn oo ay madaxda Afrika u qabaan inay sahamiyaan suuqyada la geeyo wax soo saarka Afrika iyo sidoo kale sahaminta maalgashiga suuqyada kala duwan ee qaaradda Afrika. Kulanka uu marti-gelinayo Biden madaxda Afrika, waa fursad iyo madal weyn” ayuu yidhi Sean Kampondeni. Madaxweyne Joe Biden ayaa marti-gelin doona madaxda Afrika inta u dhaxaysa 13-15 December. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in shir-madaxeedkan uu kor u qaadi doonoo qiyamka la wadaago, si loo kobciyo ka qaybgalka dhaqaale cusub, horumarinta nabadda, amniga, iyo dowlad wanaagga, iyo xoojinta ballanqaadka labada dhinac ee dimoqraadiyadda, xuquuqul insaanka iyo bulshada rayidka ah. Source
  8. Illaa laba sarkaal oo Maraykan ah oo aan magacyadooda shaacin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, in Ruushku uu dedaal xooggan ugu jiro inuu sii joogteeyo sahada hubka ah uu u isticmaalo dagaalka Ukraine, iyadoo Moscow ay doonayso in Iran ay markale ka caawiso ciidamada Ruushka, diyaaraha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada dhulka. Waxaa jira walaac soo kordhaya oo Maraykanku qabo oo ku aaddan, in Ruushku uu raadinayo inuu Iran ka helo hub dheeri ah oo casri ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka, kaas oo magaciisa u qariyey, maadaama aan la ogolayn in laga faalloodo wararka sirta ah ee Maraykanka. Sarkaalkan ayaa sheegay, in hubka uu Maraykanku sida gaarka ah uga walaacsan yahay inay ku jiraan gantaallada dhulka ee Iran ay samayso. Dhanka kale, diblomaasi Maraykan ah ayaa sheegay in Iran ay qorshaynayso inay ka iibiso Ruushka boqollaal gantaal iyo weliba diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, tallaabadaas oo xadgudub ku ah qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray sannadkii 2015, kaas oo taageerayey heshiiskii dhexmaray Iran iyo lixda quwadood. Ruushka oo ka mid ahaa, quwadaha saxeexay heshiiskaas ayaa haatan u muuqda inuu ku xadgudbayo qaraarka golaha ammaanka, waxaana suaali ka taagan tahay, Ruushku muxuu siinayaa Iran oo uu kaga bedelanayaan hubka uu uga baahan yahay. Diplomaasiga ka tirsan Qaramada Midoobay ee magaciisa qariyey ayaa sheegay in heshiiska iskaashiga milateri ee dhexmaray Ruuska iyo Iran inuu halis ku yahay xasiloonida gobolka, wuxuu intaas ku daray, inaan illaa haatan aan la daabulin wax hub ah, hase ahaatee la sameeyey dalabka hubkaas. Source
  9. Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa gaadhay caasimadda Sacuudiga Riyaad, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga Amiir Faysal Farhan iyo Gavanaha Riyaad Amiir Faisal Bandar. Xi, ayaa booqashadiisan qaadan doonta muddo saddex maalmood ah, isagoo wadahadallo la yeelan doona Sucuudiga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Carabta. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu boqortooyada kala hadli doono xidhiidhka iyo horumarka labada dal. Shiinaha ayaa ah macaamilka ugu sareeya saliidda ee Sacuudi Carabiya, labada dhinacna waxay u muuqdaan kuwo doonaya inay ballaadhiyaan xidhiidhkooda, xilli ay ka jireen buuq dhaqaale iyo dib u habayn siyaasadeed. Socdaalkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Xi uu dibada ku tagay tan iyo markii uu billaamay faafitaanka Coronavirus, iyadoo Washington ka digtay saamaynta sii kordhaysa ee Beijing. Source
  10. Booliska Jarmalka ayaa Arbacadii shalay fuliyey howlgallo ka dhacay dalka oo dhan ayaga oo xidhay 25 qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin “unug argagixiso” oo midigta-fog ah, kaasi oo qorsheynayey inay afgambiyaan dowladda, islamarkaana weeraraan baarlamanka. Illaa 3,000, oo saraakiil oo ay ku jireen cutubyada xulka ah ee ka hortagga argagixisada, ayaa ka qeyb qaatay howlgallada oo dhacay aroortii, laguna baadhay in ka badan 130 guri. Warbaahinta Jarmalka ayaa ugu yeedhay mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu ballaadhnaa ee booliska ay qaadaan ee ka dhanka ah xagjiriinta. Howlgallada ayaa lagu beegsaday dad la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin dhaqaaqa “Muwaadiniinta Reich” (Reichsbuerger), oo la tuhunsan yahay “Inay sameeyeen diyaargarow xooggan oo ay si rabshad leh ugu geli lahaayeen baarlamanka Jarmalka ayaga oo ah koox yar oo hubeysan”, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dacwad-oogayaasha. Kuwa la xidhay ayaa lagu eedeeyey inay aas-aaseen “kooxdan argagixiso ugu dambeyn dhammaadkii November 2021, taasi oo dajisatay hadaf ah afgambinta nidaamka dowladeed ee ka jira ee Jarmalka, kuna beddesho mid nooca ay rabto ah,” ayey yidhaahdeen dacwad oogayaasha. Laba ka mid ah 25-ka qof ayaa lagu xidhay dalalka Austria iyo Talyaaniga. Dacwad-oogayaasha magaalada Karlsruhe ayaa sheegay inay aqoonsadeen 27 qof oo dheeri ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin ama taageeraan shabakaddan argagixiso. Dhaqaaqa Reichsbuerger ayaa waxaa ku jira kuwa taageera Naaziyiinta, kuwa hubka aad u jecel iyo shirqooleyaal diidan sharci-ahaanshaha Jamhuuriyadda Jarmalka. Ayada oo muddo la isaga indho tirayey in ayna sidaas muhiim u aheyn, ayaa dhaqaaqa Reichsbuerger wuxuu sanadihii dhowaa noqday xagjir, waxaana loo arkaa halis amni oo sii kordheysa. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in askar hore ay ka mid yihiin xubnaha kooxdan. “Eedeysanayaasha waxaa mideeyey diidmo qoto dheer oo ku aadan hay’adaha dowladda iyo kala dambeynta ay dimoqraadiyadda saldhigga u tahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany,” ayey yidhaahdeen dacwad-oogayaasha. Tuhunsanayaasha way ka warhayeen in qorshahooda “lagu xaqiijin karay oo kaliya ayada oo la adeegsanayo hab militari iyo rabshado ka dhan ah wakiilada dowladda,” ayey ku dareen. AFP, VOA Source
  11. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa qorshaynaya in uu Todobaadka soo socda isku shaandhayn ku sameeyo Golaha Wasiirada. Dad lagu kalsoon yahay xogtooda ayaa noo xaqiijiyay warka ku saabsan Isku shaandhaynta Golaha Wasiirada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale isbeddel ku samayn doona qaar kamid ah Agaasimayaasha guud iyo mas’uuliyiin kale sida aan xogta ku helnay. Isbeddelkan ayaa lagu wadaa in uu saamayn ku yeesho qaar kamid ah ururrada siyaasadda oo xubno kamid ah xilal heli doonaan. PUNTLAND POST The post XOG: Madaxweynaha Puntland oo qorshaynaya Isku dhaandhayn cusub appeared first on Puntland Post.
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta tegaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in Cabdicasiis Lafta Gareen uu kulan wadatashi ah la yeelan doono dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Labada mas’uul ayaa sidoo kale iska xog wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dhaq dhawaaqyada ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Deni ayaa dib u dhigay safar uu ku aadi lahaa Itoobiya, wuxuuna haatan sugayaaa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan magaalada Garoowe. Labada maamul ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa xulafo siyaasadeed, kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynaha Jubbaland oo illaa doorashooyinkii soo dhammaaday ay saaxibo ahaayeen Saciid Deni, balse ay kala tegeen, kadib doorashadii 15-kii May iyo magacaabistii ra’iisul wasaare Xamza. Dhinaca kale marka la eego Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa isku xaalad ah, waxayna wajahayaan muran hareeyay doorashooyinka kusoo foodka leh labadaasi maamul. Kulanka labadan nin ayaa sidoo kale si aad ah isha loogu haayaa, ayada oo laga war sugayo waxyaabaha ay soo saaraan ama ku heshiiyaan, kadib wadahadalladooda Garoowe. Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Saciid Deni yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ,isaga oo saacado kadib ku laabtay Puntland. The post XOG: Madaxweyne Lafta Gareen oo kusii jeeda Garoowe + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. Wararka maga soo gaayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Beerxaani oo magaalada ka xiga dhanka galbeed uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka alshabaab. Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay kadib weerar ay alshabaab deegaanka ku qaadeen, waxaana dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Alshabaab. Waxaa jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka oo waaberigii hore ee maanta dhacay, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka. Maamulka gobalka Hiiraan iyo kan dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaan dhankooda weli ka hadli dagaalka ka dhacay galbeed magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. The author’s journey to make her “Somali side just as strong as my American side” inspired a new educational tool. Source: Hiiraan Online
  15. The author’s journey to make her “Somali side just as strong as my American side” inspired a new educational tool. Source: Hiiraan Online
  16. Washington (Caasimada Online) – Illaa laba sarkaal oo Maraykan ah oo aan magacyadooda shaacin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, in Ruushku uu dedaal xooggan ugu jiro inuu sii joogteeyo sahada hubka ah uu u isticmaalo dagaalka Ukraine, iyadoo Moscow ay doonayso in Iran ay markale ka caawiso ciidamada Ruushka, diyaaraha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada dhulka. Waxaa jira walaac soo kordhaya oo Maraykanku qabo oo ku aaddan, in Ruushku uu raadinayo inuu Iran ka helo hub dheeri ah oo casri ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka, kaas oo magaciisa u qariyey, maadaama aan la ogolayn in laga faalloodo wararka sirta ah ee Maraykanka. Sarkaalkan ayaa sheegay, in hubka uu Maraykanku sida gaarka ah uga walaacsan yahay inay ku jiraan gantaallada dhulka ee Iran ay samayso. Dhanka kale, diblomaasi Maraykan ah ayaa sheegay in Iran ay qorshaynayso inay ka iibiso Ruushka boqollaal gantaal iyo weliba diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, tallaabadaas oo xadgudub ku ah qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray sannadkii 2015, kaas oo taageerayey heshiiskii dhexmaray Iran iyo lixda quwadood. Ruushka oo ka mid ahaa, quwadaha saxeexay heshiiskaas ayaa haatan u muuqda inuu ku xadgudbayo qaraarka golaha ammaanka, waxaana suaali ka taagan tahay, Ruushku muxuu siinayaa Iran oo uu kaga bedelanayaan hubka uu uga baahan yahay. Diplomaasiga ka tirsan Qaramada Midoobay ee magaciisa qariyey ayaa sheegay in heshiiska iskaashiga milateri ee dhexmaray Ruuska iyo Iran inuu halis ku yahay xasiloonida gobolka, wuxuu intaas ku daray, inaan illaa haatan aan la daabulin wax hub ah, hase ahaatee la sameeyey dalabka hubkaas. The post MAREYKANKA oo walaac ka muujiyay hub uu soo iibsanayo RUUSHKA appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Puntland ay shir wada-tashi ah ku yeelanayaan Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni oo maanta u bixi lahaa safar dalka Itoobiya ah ayaa sida wararku sheegayaan ka baaqday waxaana la sugaya Madaxweyne Lafta Gareen. Dhaq dhaqaaqan siyaasadeed ayaa ka dhashay kulankii dhexmaray Sicid Deni iyo Xasan Sheekh ee natiija la’aanta ku dhammaaday. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Uganda's health minister will on Thursday receive a shipment of Ebola vaccine candidates set to be used in a clinical trial. Source: Hiiraan Online
  19. Fadhiga Baarlamanka Puntland ee saaka ayaa lagu wadaa in la hor keeno mas’uuliyiinta xasaanad-siinta u baahan. Inta badan xildhibaannada Baarlamanka ayaa diiddan ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda Dastuuriga ah. Xogo hoose ayaa sheegaya in xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah aysan heli doonin codka Kalsoonida Baarlamanka. Xildhibaannada ayaa sheegaya in dhammaystirka Maxkamadda Dastuuriga ah loo maray sifo aan Dastuurka waafaqsanayn. Dhinaca kale Baarlamanka ayaa lagu wadaa in ay ansixiyaan xubnaha wasiirada magacaaban oo saaka hor imaan doona. PUNTLAND POST The post Xubnaha Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland oo maanta waayi doona codka Kalsoonida appeared first on Puntland Post.
  20. Caasimada (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uga sameeyeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Howlgalladan ayaa ujeedkooda wuxuu ahaa amni xaqiijin, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Sida ay innoo sheegeen saraakiishu howlgalka koowaad wuxuu ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ciidamadu ku baarayeen gaadiidka iyo dadweynaha socotada ah, waxaana howlgalkaas qayb ka ahaa maamulka degmada oo sidoo kale kormeer ku sameeyay baraha koontaroolada ee ay joogaan ciidamada Booliska. Sidoo kale howlgalka labaad oo ay fulisay NISA ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, kaas oo isna dad u badan dhalinyaro lagu soo qab qabtay. NISA ma faahfaahin howlgalkaasi oo ahaa mid ballaaran oo xalay si weyn looga dareemay deegaanka Garasbaaley oo ku yaalla waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ka dhacaya caasimadda. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay gobolka Banaadir, kadib markii lagu jabiyey dagaallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka. The post Howlgallo qorsheysan oo laga sameeyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  21. Atlas Lions' impressive victory over Spain sparked a party well beyond the borders of their home country Source: Hiiraan Online
  22. Ten years after finishing fourth in the 800m final at the 2012 Olympic Games in London, Kenya’s Pamela Jelimo has received a bronze medal. Source: Hiiraan Online
  23. Government forces and allied militias in Somalia have recaptured a strategic town that the al-Shabab armed group had controlled for six years. Source: Hiiraan Online
  24. CAIRO, 7th December, 2022 (WAM) -- Abdul Rahman Abdul Shakour, Special Envoy of the Somali President for Humanitarian Affairs and Drought, praised the support provided by the UAE under the leadership of President His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, to those affected by the drought in Somalia. Source: Hiiraan Online