Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Belgium)-Garsoore u dhashay dalka Belgium ayaa Axaddii wuxuu dacwad ku soo oogay afar qof oo lagu eedeeyey inay lacag iyo hadyado ka heleen dal ka tirsan Khaliijka, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aamada baarlamaanka Yurub, eedahaas ayaa noqday kuwo aad looga argagaxay. Dacwad oogayaasha ayaa baadhay 16 guri oo ku yaalla Brussels iyaga oo gacanta ku dhigay lacag gaadhaysa illaa $631,800 Jimcihii. Tallaabadan ayaa qayb ka ah, baadhitaano lagu hayo lacago sharci-darro ah iyo falal musuqmaasuq. Lix qof ayaa markii hore la xidhay, hase ahaatee afar ka mida ayaa dacwad lagu soo oogay, halka la sii daayey laba qof oo ka mida lixda qof ee la xidhay, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu. Illaa haatan lama magacaabin dadka loo haysto kiiskan. Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP ayaa lagu sheegay inkasta oo aan si rasmi ah loo magcaabin xubnaha dacwadda lagu soo oogayo haddana in wararka la helayo ay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mida afarta qof ee dacwadaha lagu soo oogayo inuu yahay xubin ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, halka xubin kalena ay hore uga tirsanaan jirtay baarlamaanka Midawga Yurub. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay muddo bilo ah ay ka shakisnaayeen, in dal ka tirsan wadamada Khaliijku inuu isku dayayo inuu saamayn ku yeesho go’aanada Midawga Yurub. Ilo xogogaal u ah kiiskan ayaa sheegay in dalka lagu eedaynayo kiiskan inuu yahay dalka Qatar ee haatan martigelinaya koobka adduunka. Masuul u hadlay dawladda Qatar ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey. Isagoo sheegay in nidaamka ay dawladda Qatar ula macaamisho hay’adaha dawliga ah iyo dalalka caalamku inay u maraan shuruucda caalamiga ah. Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa sheegay inay dhammaadkii toddobaadkan ay hakiyeen awoodaha iyo waajibaadka mid ka mid ah ku xigeenadooda oo u dhalatay dalka Giriiga, kaas oo lagu magcaabo Eva Kaili, iyada oo la raacayo baadhitaanka uu wado dalka Belgium. Xisbiga hantiwadaaga ee Giriiga ee lagu magcaabo PASOK ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay Kaili ka saareen xisbigooda. Illaa haatan ma cadda in Kiali lagu soo oogay wax dacwad ah, sidoo kale xafiiskeedu kama jawaabin telefoonada. AP and Reuters Source
  2. Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka oo samaystay isbaheysi cusub ayaa lagu wadaa in ay magaalada Baydhaba gaaraan 19 bishan December 2022 Madaxdan oo ay ku jiraan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka qayb-galaya munaasabadda Sannad-guuradii afraad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xilkan loo doortay 19 December 2018 kadib markii uu wareeggii kowaad ka guulaystay saddex musharrax oo la tartamay. Isbaheysiga cusub ee Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in ay munaasabadda kadib ku shiraan Baydhaba islamarkaana mowqif midaysan ka soo saaraan xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya gaar ahaanna siyaasadda Villa Somalia ee ku wajahan Dowlad Goboleedyada. PUNTLAND POST The post XOG: Isbaheysiga cusub ee Dowlad Goboleedyada oo Baydhaba ku shiraya appeared first on Puntland Post.
  3. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Cabdinasir Ibrahim Guuled u magacabay xoghayaha guud ee aqalka Sare. War ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in Cabdinasir Ibraahim Guuleed loo magacaabay xoghayaha guud ee aqalka sare. Xoghayaha ayaa warqadda magacaabistiisa lagu sheegay in uu la xuquuq yahay xoghayayaasha dhiggiisa ah. Source: goobjoog.com
  4. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargeliyay inaanay gobolkaasi keeni karin dadka aan laga rabin, sida uu yiri. Gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Gedo iyo shirkadaha diyaaradaha ay nidaam ka lahaayeen arrimaha duulimaadyada, oo ah in warbixinta rakaabka lagu soo wargeliyo maamulka, si looga fogaado dadka loo arko inay halis gelin karaan amniga gobolkaasi, ayna tahay in nidaamkaasi uu sidiisii u shaqeeyo. “Shirkadaha diyaaradaha, annaga iyo dowladdaba nidaam baan ka lahayn, nidaamkaas asaga ahna inuu shaqeeyo weeye, waxaana weeye annaga cid aanan rabin ama gobolkan u diidayno, lama keeni karo,” ayuu yiri Gudoomiyaha. Gudoomiyaha ayaa yiri “Dadku muwaadiniin weeye, waa dad Soomaaliyeed, waana dad xaq u leh inay duulimaadkaas sameeyaan, laakiin wixii ammaan-darro keenayo, waxaan rabnaa in xuduudaha iyo garoonadaba aysan noo imaan baan rabnaa, go’aankaasna go’aan cad buu ahaa.” Gudoomiye Gareed ayaa ku goodiyay inay shatiga kala laaban doonaan, shirkaddii heshiiskaasi ku xadgudubto. “Shirkaddii howshaas ayada ah daba marto oo ku xadgudubto, oo aan warbixinta na soo siin, hadde go’aanka aan annaga ku heshiinay wuxuu ahaa inaan ruqsadda kala laabano,” ayuu yiri Gareed. Gareed ayaa xusay inaanay aqbali doonin in shacabka lagu soo dhex dhuunto, iyagoo u fadhiya tacsida Taliyihii Hay’adda NISA ee gobolkaasi, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Bakool Kooke), oo 9-kii bishan lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Degmada Luuq. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka ee marxuum Bakaal Kooke, oo gelinkii dambe ee Jimcihii lagu aasay Degmada Doolow. The post Maamulka Gedo oo digniin culus soo saaray xilli ay is-hayaan dowladda federaalka appeared first on Caasimada Online.
  5. Security personnel in Garissa and Wajir counties are holding seven al-Shabaab operatives of Tanzania and Ethiopia origin who had sneaked into the country following the sustained offensives against the group in Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. TORICHA, Kenya—If there’s a ring around the sun, it will rain. If the gude bird sings in descending notes, the skies will open. If vultures gather, the showers will begin. Source: Hiiraan Online
  7. A father and his son were Sunday morning killed when suspected al-Shabaab militants attacked a vehicle between Jabibar and Bamboo in Mandera North, police said. Source: Hiiraan Online
  8. US President Joe Biden will back a permanent spot for the African Union in the Group of 20 major economies, seeking to elevate the continent’s role, the White House said. Source: Hiiraan Online
  9. About $50 billion of investment agreements were signed during the China summit held in Saudi Arabia last week, the kingdom’s investment minister said, without giving details on the types of deals or countries involved. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xoghaye guud oo cusub u magacaabay Aqalka Sare. Wareegto kasoo baxday Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku dallacsiiyay una magacaabay Agaasime Cabdinaasir Ibraahim Guuleed xilka Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare. Magacaabista Xoghayaha cusub ayaa ku timid soo jeedin ay sameeyeen 33 Senator, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi. “Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare wuxuu xubin muhiim ah ka yahay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xaq u leeyahay dhamaan xuquuqaha ay helaan agaasimeyaasha iyo xoghayeyaasha guud ee dhigiisa ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo lagu yiri “Xilka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare waa mid joogto ah waxaana xilka looga qaadi karaa ama lagu bedeli karaa oo kaliya si waafaqsan nidaamka shaqaalaha Aqalka Sare iyo shuruucda kale ee dalka. Xoghayaha cusub oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gedo ayaa bedelaya Xoghayihii hore ee Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac oo xilkaasi hayey intii la dhisay Aqalka Baarlamaanka, wuxuuna ka soo jeeda gobolka Sanaag. The post Cabdi Xaashi oo sameeyay dallacsiin iyo magacaabis kadib soo jeedinta 33 Senator appeared first on Caasimada Online.
  11. “Afartii sano ee u danbeeyay, Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda waxa ku jiray Madaxa Dawaynta iyo Caafimaadka Shaqaalaha halkee la mariyay ? 2019: 3,500,000,000 ($ 583,334 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000) 2020: 3,500,000,000 ($ 583,334 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000) 2021: 4,000,000,000 ($ 666, 667 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000) 2022: 4,000,000,000 ($ 666, 667 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000) Marka laga tago Lacgta ku jirtay Miisaaniyadda, Saddexdii sano ee u danbeeyay waxa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si joogta ah ah looga jaraayayaanay lacagtaasi lacag lagu sababeeyay in ay tahay Sanduuq lagu Taakulaynaayo Shaqaalaha Xanuunsansada ama dhibi soo gaadho, yaa laga Taakuleeyay lacagtaa? 3 Sano imisa Shaqaale ah ayaa laga caawiyay? maxaa loogu baahday lqcagta dheeraadka ah ee Shaqaalaha lagu wargeliyau in laga jaraayo Sannadka cusub? Tusaale ahaan: Darajada A: mushaharkiisa: 2,850,000. Lacagta laga goostay: 20,000 SLSH, Tirada Shaqaalaha Wasaarada Maaliyadda waa 2000 oo Shaqaale ah. Haddii aynu ka soo qaadno celcelis ahaan 1,500 oo Shaqaale oo bil walba laga goosanayay 20,000 SLSH, Bishii waa 30,000,0000 Milyan. Sanadkii waa 360,000,0000 Milyan. 3 dii sano na waa 1 Bilyan iyo 80 milyan oo u dhiganta $180,000. Waxa intaa dheer, wiigii hore waxay wasaaradda maaliyaddu shaqaalaha mobiladooda ugu direen farriin telesom ah iyaga aragti ka dalbanaya oo leh waxan idiin samaynaynaa sanduuqa daryeelka shaqaalaha oo bil walba laga goynayo mushaharkooda lacagta hoos ku xusan: Darajada A: 30,000 SLSH Darajada B: 20,000 SLSH Darajada C: 10,000 SLSH Darajada D: 5000 SLSH Ujeedka ay Shaqaalaha ugu direen farriintu waa si maamulka ka hooseeya Wasiirka ay ugu qanciyaan in ay Shaqaalaha ka soo qaadeen afti oo ay ogolyihiin in laga jaro lacagta. Ugu horreyn, madaxda wasaaraddu waxay shaqaalihii ka dalbadeen aragtidooda hadana may samaynin meel ay aragtidooda ku soo gudbiyaan. Message ka ay telesom u so dirtay shaqaalaha laguma celin karo farriin. Marka labaad, lacagihii hore looga goosan jiray ayaan la garanayn meel ay martay oo ay ahayd in la is waydiiyo halkii ay martay. Marka saddexaad, waxa dalka ka jira sixir barar. Halka ay ahayd in shaqaalaha loo kordhiyo mushaharka, may ahayn in laga goosto lacag aan lagu soo celin doonin shaqaalaha. Marka afraad, in si fudud loo qaato qaadato xaqa shaqaalaha, adduunka na waa u cuqubo, aakhirana u cadaab. Tako soo jeedin: 1. In lacagtii laga goosan jiray shaqaalaha la galiyo Audit si loo ogaado xaga ay martay. 2. In shaqaalaha loo soo celiyo 20 tii kun ee laga goosan jiray mushaharkooda 3 dii sano ee u danbeeyay. 3. In aan lacag kale laga goosan shaqaalaha maadaama oo uu dalka ka jiro sixir barar isla markaana ay ugu jirto miisaaniyadda qoondada daryeelka shaqaalaha.” WQ. Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
  12. Geesiyaashii Ugaadhsan jiray Dhagar-qabayaashii Xasuuqa geystay, Boodhadh Istusnimo ah oo bilaa micno ah Laamiyada Hargeysa kumay dhejin jirin. Halkan waxaa ka muuqda Geesiyaasha Cabdicasiis Maxamed Iid iyo Geesiga Baashe Cabdi yare oo ahaa labadii Geesi ee Maxkamada soo saaray Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cali Samatar oo qirtay inuu bixiyay amarkii magaalooyinka Hargeysa iyo Burco lagu burburiyay. Waxaana Maxkamadii ay ku heshay dembiga lagu eedeeyay, isaga oo muddo yar oa dibna geeriyooday. Sanadkii 2012 ayaan Magaalada Washington ee Dalka Maraykanka aan kula kulmay Muj Baashe iyo Loyaradii kiiska gacanta ku haysay oo aan sawirka hoose kula jiro. Geesiyaashaas Cabdicasiis Maxamed Iid iyo Baashe Cabdi Yare iyaga oo adeegsaday xooggooda iyo xoolahooda iyo wakhtigooda ayay ku guulaysteen in Cali Samatar Maxkamada la hor keeno. Kuwa imika Hargeysa laamiyadeeda ku dhejiyay Boodhadhka Xasuuqa ka hadlayaa, waa qaar aan maalina waxba ka tarin ficil iyo qawl iyo qori midna, balse waa kuwo doonaya inay naxli iyo kala shaki ku abuuraan Ummada reer Somaliland ee Nabada ku wada nool. Waa waajib in la ugaadhsado ashkhaasta nool ee dembiyo Xasuuq gacantooda ku galay meesha ay doonaan ha joogaane, balse waxaa xaaraan ah in Boodhadh macno la’aan ah dariiqyada Hargeysa lagu dhejiyo, naxli hor lehna Ummada la kala dhex dhigo. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa doorashada guddoomiyaha xiriirka u xiray hal musharax oo kaliya, ayada oo dhammaan la reebay musharaxiintii kale. Qoraal kasoo baxay xiriirka ayaa lagu yiri “Guddiga Racfaanka ayaa ku raacay go’aan uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada xiriirka kubbada cagta dalka oo lagu xaqiijiyay in shuruudaha doorashada uu soo buuxiyay hal Musharax oo ah mudane Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo hadda ah guddoomiyaha xiriirka mar kalana u sharaxan xilkaas.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Labada guddi ayaa isku raacay in Xasan Wiish iyo xubnaha uu wato aanay dhamaantood soo wada buuxin shuruudaha, sidaa daraadeedna aanu Xasan Wiish ahayn musharax, iyadoo halka musharax ee shuruudaha dastuurka ku xusan soo buuxiyay uu yahay Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).” Tallaabadan ayaa loo arkaa mid uu Cali Shiine si iskiis ah isugu caleemo saaray guddoomiyaha xiriirka, maadama uu hadda si ku-meel gaar ah xilkaas u hayo, awooddana ay gacanta ugu jirto. Si kastaba, waxaa arrintan ku hartimid Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dowladda federaalka. Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo ka duulaysa xilka ka saaran Midnimada iyo isku wadka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Ciyaaraha waxay caddaynaysaa inaan doorasho hal dhinac ah la aqbali doonin.” Wasaaradda ayaa intaas ku dartay “Sida ku cad heshiisyadii ay horay u gaadheen 21 September Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, gudiga Olombikadda iyo xiriirrada ciyaaraha dalka oo xiriirka kubadda cagtu ka mid yahay Wasaaraddu waxay leedahay kaalin kor-joogtayn iyo aqoonsi xalaalnimada doorashada xiriirrada kala duwan ee dalka.” “Si loo xaqiijiyo madax banaanida xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa lagama maarmaan ah in ay qabtaan doorasho la aqbali karo oo dhinacyadu ku wada qanacsanyihiin sida ku cad dastuurka dalka iyo shuruucda xiriirka kubadda cagta.” The post Doorashada guddoomiyaha xiriirka K/Cagta oo loo xiray hal musharax iyo DF oo diiday appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka guddoomay ballan-qaadka qorshaha waxqabad ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Biixi Iimaan Cige. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda labada Wasaaradood in la xoojiyo wada-shaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda. “Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta waa muhiim, iyada oo la dejinayo halbeegyo iyo qorshooyin wakhtiyeysan oo la hirgelin karo, si guulo la taaban karo looga gaaro sanadka cusub hawlaha muhiimka ah ee horqabadka u leh xukuumadda Dan-Qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in xafiiskiisu dardar-gelin doono hirgalinta hannaanka casriga ah ee lagula soconayo warbixinnada iyo waxqabadka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda. “Guddoonka qorshe hawleedka wasaaradaha ayaa ku soo beegmay, iyada oo xukuumadda Dan-Qaran ay ku guuleysatay halbeegyo waaweyn oo la qabtay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay, waxaana la filayaa in sidan oo kale ay dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda ay u soo gudbiyaan qorshe hawleedka 2023,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Waxaa maalmihii dambe si dardar leh ku socda gudbinta qorshe hawleedka Wasaaradaha xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo lagu jaangoynayo barnaamijka xukuumadda ee sanadka 2023-ka, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha. The post Sawirro: R/W Xamza oo laba wasiir ka guddoomay ballan-qaadka qorshaha… appeared first on Caasimada Online.
  15. President Hassan Sheikh Mohamud has yet to rein in plotters seeking to unseat South West State President. Baidoa (PP News Desk) — As the South West President’s term of office ends in a month’s time, disagreements over how to organise elections have emerged. The new administration at Villa Somalia sponsored what Parliamentary Speaker Adan Madobe termed as reconciliation conference to take place in Baidoa. Successive meetings held in Mogadishu and organised by President Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen’s rival politicians preceded the mooted conference. Sharif Hassan Sheikh Adan, the founding President of South West State, leads the “opposition” politicians eager to unseat the incumbent President. Villa Somalia seeks assurances from the Ethiopian troops in South West State following security pact signed in Ethiopia by the South West State and the Somali region of Ethiopia three months ago. In 2019 Ethiopian troops facilitated the arrest of Mukhtar Robow after he had expressed his candidacy for South West State Presidency. Several months ago Robow was appointed the Federal Religious Affairs and Endowments Minister. His brother, Ibrahim Robow, was appointed to head the National Intelligence and Security Agency regional office in South West State allegedly to facilitate the silent coup against President Laftagareen. Adan Madobe was drafted in to help with the “silent coup”. “If NISA cannot appoint a regional commander either for Puntland State or Jubbaland State, there is no point to pretend it can appoint one for South West State” a radio journalist in Baidoa told Puntland Post reporter. President Laftagareen recently said that elections would take place without interference from any authority. The plan to hold elections has been affected by the federal government the sees its tenure as opportunity to instal pro-administration governments in South West State and Jubbaland. Last week South West State President paid a visit to Puntland to forge ties in the form of a inter-state cooperation council aimed at pre-empting the power-grab at the state level by Villa Somalia. Sharif Hassan expects that pressure on Laftagareen could result in a change of administration in Baidoa soon. President Laftagareen has won moral support from Puntland President Said Abdullahi Deni, who opposes interference in South West State elections. Earlier last week, the Parliamentary Speaker Adan Madobe held a meeting with US Ambassador to Somalia Larry E. André, Jr. about the “reconciliation” conference, a move that, according to one analyst, “smacks of diplomatic impropriety in a country recovering from civil war”. At a summit a summit held in Mogadishu two months ago President Hassan Sheikh Mohamed committed himself to non-interference policy, but given the outbursts of senior government officials backing the “silent coup” against President Laftagareen, he may be repeating the mistakes of his first term of office, too early again. © Puntland Post, 2022 The post Villa Somalia Accused of Sponsoring Silent Coup Against South West State President appeared first on Puntland Post.
  16. A hub in Mombasa port facilitated exports to the U.S. under AGOA worth $547.8 million, creating over 45,500 jobs. Photo by: USAID in Africa As African leaders prepare to gather in Washingtonthis month at the invitation of President Joe Biden, they share a vision for our continent’s renaissance and a road map for realizing it. They are asking U.S. policymakers to work off the same map. As members of the African diplomatic corps, we have every reason to expect a positive response. The Biden administration has signaled a fundamental shift in how U.S. policymakers think about Africa. The focus, says Secretary of State Antony Blinken, is now on “what we will do with African nations and peoples, not for African nations and peoples.” Underpinning this shift is the welcome recognition, in Blinken’s words, that “too often African nations have been treated as instruments of other nations’ progress rather than the authors of their own.” The summiteers are bringing an African-authored plan, Agenda 2063: The Africa We Want, a strategic blueprint adopted by the African Union in 2013. The aim is a prosperous continent of nations at peace, economically integrated through the African comprehensive free trade agreement now in the early stages of implementation, and occupying their rightful place in the global order. This Africa will be industrialized. African-based industries will be turning Africa’s mineral endowment into advanced products for African and world markets instead of shipping it abroad for value to be added elsewhere. Tapping the continent’s vast agricultural potential, Africa will be feeding itself and helping feed the world, insulated from distant disruptions beyond its control. Gone will be the old yet persistent colonial-era model of Africa as a treasure house of commodities to be harvested and mined and trucked to the nearest port to process and generate profits in the global north and Asia. That model’s legacy is an Africa where the arteries of commerce mostly lead to the sea and very few connect the continent with itself, hamstringing the growth of intra-African trade and value chains. The Africa We Want will be crisscrossed by rail and power lines and an interstate highway system to rival what former President Eisenhower launched in the U.S. in the 1950s. Goods, services, and energy will flow across Africa’s borders as easily as they do in Western Europe. Leapfrogging the global north’s smokestack path to industrialization, The Africa We Want will be built to withstand and mitigate climate change — and to seize the opportunities created by the global transition to combustion-free energy. It will be a significant part of the solution to global warming. The Congo River basin will be preserved as a mighty lung to absorb and store carbon dioxide. African-built electric vehicles will be powered by batteries assembled in Africa using cobalt, manganese, and rare-earth elements mined and processed in Africa. The electricity to charge those batteries will be generated with African sun, wind, hydropower and other carbon-free technologies. It is a long way from here to there. We need partners like the U.S. who are ready to work with Africans in breaking down the paradigms that have held us back. The ties that bind the U.S. and Africa are real and have deep underpinnings in a vibrant and hugely significant diaspora. The White House’s new sub-Saharan Africa strategy focused on both old objectives — democracy and governance — and some new ones, including more commercial and trade ties with the region. But experts warn the test comes with implementation. This month’s summit will see the U.S.-African partnership strengthened on many fronts. The U.S. has played a historic role in helping Africans fight HIV/AIDS, tuberculosis, and malaria. In fact, the US President’s Emergency Plan for AIDS Relief, or PEPFAR, has allocated over $100 billion in nearly 20 years to the HIV/AIDS response in Africa. The investment PEPFAR has made in developing health infrastructure is now being leveraged to fight other emerging health security threats. We look to the day when we will no longer have to trouble our friends for resources, expertise, patents, and manufacturing capacity to improve public health and deal with emergencies like COVID-19. The current COVID-19 pandemic has shown us that a disease threat anywhere is a security, economic, and health threat everywhere. A quarter of a century ago, U.S. policymakers heeded Africa’s call for an economic relationship built on trade rather than aid. The U.S. Congress responded in 2000 with the groundbreaking African Growth and Opportunity Act, or AGOA, which has spurred investment in job-creating African export sectors through uniquely generous preferential access to the U.S. market. AGOA is due for renewal in 2025 and the summit will provide a unique opportunity to review what it has accomplished and how it might best be enhanced in line with Africa’s own intracontinental trade agenda at a time when nonreciprocal trade preferences are falling out of favor. If African nations are not to be “instruments of other nations’ progress” but “authors of [our] own,” as Blinken put it, we need access to patient, competitively priced capital raised on sound and transparent market principles rather than to advance global power agendas or perpetuate the colonial-era paradigm that has helped to keep Africa exploitatively at the bottom of the value chain. Through programs such as Power Africa, Prosper Africa, and the Partnership for Global Infrastructure and Investment, the Biden administration and U.S. congressional leaders are helping to mobilize finance for projects that align with the goals of The Africa We Want. These initiatives must advance beyond aspiration to actualization to be meaningful. In the context of AGOA’s renewal, there have been calls for the U.S. to encourage private investment in targeted sectors, health and green energy for example, with tax incentives and guarantees, leveraged by the U.S. strong bond market, to assist African institutions access global financing at competitive rates. Ideally, the summit will lend momentum to such consequential proposals. The Biden administration’s determination to change the way the U.S. thinks about Africa opens the door to bold new approaches. Blinken’s words ring in Africans’ ears: “We can’t achieve our goal around the world — whether that’s ending the HIV/AIDS and COVID-19 pandemics, building a strong and inclusive global economy, combating the climate crisis, or revitalizing democracy and defending human rights — without the leadership of African governments, institutions, and citizens.” The views in this opinion piece do not necessarily reflect Devex’s editorial views. About the authors Ambassador Serge Mombouli The son of a Congolese diplomat and statesman, Serge Mombouli was appointed ambassador extraordinary and plenipotentiary of the Republic of Congo to the United States of America in 2001. An expert in corporate law and business negotiations, he previously served as Congo’s chargé d’ affaires to the U.S. after a career in the private sector. He has been the dean of the African Diplomatic Corps since 2015. Ambassador Mohamed Siad Douale Douale assumed duties as ambassador of Djibouti to the United States and permanent representative of Djibouti to the United Nations in 2016. Before that he was the ambassador of Djibouti to the United Nations, World Trade Organization, and Switzerland. He was actively involved and a part of various committees that worked in preparation for the Somalia National Peace Conference and served as a special envoy to the Sudan peace process. Source: Devex The post Opinion: Here’s the map Biden’s administration should follow on Africa appeared first on Puntland Post.
  17. Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dembi-baarista ee FBI inay gacanta ku hayaan sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo loo haysto inuu sameeyey bambkii soo riday, diyaaraddii rakaabka ee Maraykanku lahaa ee sannadkii 1988-kii ku burburtay magaalada yar ee Lockerbie ee ku taalla Scotland, sarkaalkan ayaa loo soo gacan geliyey dawladda Maraykanka, waxaana haatan la qorshaynayaa in maxkamad la saaro. Ninkan oo lagu magcaabo Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi ayaa xarigiisu ka dambeeyey, ka dib dedaal muddo socday oo la doonayey in caddaaladda lagu horkeeno, si loogu maxkamadeeyo dembiga loo haysto. Laba sano ka hor ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha Maraykanka ee xilligaas William Bar, uu ku dhawaaqay dembiyo lagu soo eegayo eedaysane Mascud, iyada oo loo hayso inuu farsameeyey bamkii ku qarxay diyaaradda la soo riday. Eeddan ayaa daba socota, diyaar rakaab ah oo bishii December 21-keedii, sannadkii 1988-kii lagu soo riday gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska, waxaana diyaaraddaas oo laga lahaa Maraykanka, lagu magcaabi jiray Pan Am. Diyaaraddan ayaa burburtay ka dib markii uu qarxay bam saarnaa, waxaana taasi ay keentay inay burburto oo ay dhintaan 259 rakaab ah oo saarnaa oo ay ku jiraan 190 muwaadin oo u dhashay Maraykanka iyo weliba 11 qof oo kale oo ku dhintan goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday. Duulimaadkaas oo tirsigiisu ahaa 103 ayaa ka soo duulay magaalada London isaga oo u soo socday magaalada New York, wuxuuna noqday mid ka mida duulimaadyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo xiray sarkaal Liibiyaan ah oo loo haysto diyaarad burburtay 1988 appeared first on Puntland Post.
  18. The African Union Transition Mission in Somalia (Atmis) and the country’s security forces are entering the decisive months in the battle against militant group Al-Shabaab, which could determine how month the handover of operations will be. The Atmis is supposed to exit from Somalia by end of December next year. But its gradual drawdown initially planned for this month was delayed by six months, with the African Union admitting the surge of Al-Shabaab needed backup forces. But if Atmis is to totally hand over operations to Somalia security forces, this month and several others ahead will determine whether Mogadishu is up to the task without falling into ruin. Propaganda Traditionally, al-Shabaab have often upped their attacks from October through December and early months of the following year, profiting from propaganda and targeting civilians in festivities. ATMIS is staying to back up operations of the Somali National Army, now boosted by the support of volunteering vigilantes known locally as Mo’awisley. This week, they captured Adan Yabaal town, about 220 km north of the capital Mogadishu. Adan Yabaal, a town located near the border between Hiran and Middle Shabelle regions that comprise Hirshabelle State, one of the five Federal Member States (FMS) of the Federal Government of Somalia (FGS) had been a strategic location held by Al-Shabaab, the Al-Qaeda linked extremist group. The SNA said in a bulletin that it met no resistance from Al-Shabaab that left the town without posing resistance. Crossfire But such victories also give the SNA and Somalia a headache: how to ensure Al-Shabaab do not recover lost territory. On Monday, fearing possible fighting between the allied forces and terrorists, residents vacated the town, not to be caught in crossfire. Al-Shabaab have lost most of the towns and settlements in Hirshabelle State, both Hiran and Middle Shabelle regions, after the SNA and Mo’awisley vigilantes waged offensive wars. Mo’awisley vigilantes are mainly composed of nomadic herders who rebelled against the jihadists’ confiscation of their herds and illegal tax collection known as zakawaat, taking up arms. Last month, a decision reached by the African Union Peace and Security Council, the 15-member body that decides policy and programmes on security across the continent, following a request from Somalia, said the drawdown begins in June 2023. But the AU also wants the UN Security Council to provide certainty on funding the remaining months to sustain momentum. Reconfiguration “[The PSC] Confirms support for the FGS (federal government of Somalia) request to extend the Atmis Phase 1 Reconfiguration for the drawdown of 2,000 Atmis troops from 31 December 2022 to 30 June 2023, as a slight revision of the operational timeline, while reconfirming the commitment to maintain the exit date of 31 December 2024 by Atmis,” the Council said. The ATMIS were in February reconfigured from the AU Mission in Somalia (Amisom) following a UN Security Council resolution to help build Somalia’s security forces and allow continental troops to gradually pull out starting this December. Atmis mandate was also changed from purely a combat force to one with civilian technocrat s to help draw up Somalia’s rebuilding programmes. At least 2,000 troops were to depart Somalia starting next month, allowing troop contributors Kenya, Ethiopia, Djibouti, Uganda and Burundi to totally exit by December next year. But the AU Council on Wednesday said it was acting in “solidarity with the people and the Government of Somalia in their aspirations for durable peace, security, stability, and prosperity, for the benefit of the region and the Continent as a whole.” Exit dates The PSC said the original total exit dates will remain unchanged, however. The slight revision of the draw-down means a new programme will be publicised by end of February 2023. In the meantime, the AU Commission, working jointly with the UN, Somalia government, and partners are to submit a joint report by February 15, 2023 on the technical assessment of progress made and compliance with agreed benchmarks for withdrawal “to guide the PSC on the next steps in the transition plan,” the Council said. Reporting by Aggrey Mutambo and Abdulkadir Khalif The post Defining moment for Atmis, militia face-off in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  19. The Somali government believes that the jihadist group Al Shabaab has massacred more than a hundred of its own wounded fighters during the withdrawal a week ago from its stronghold of Adal Jabal, now back in the hands of the Somali Army following operations in the Middle Shabelle region. According to authorities, Somali security forces earlier this week discovered several mass graves in the area containing the mortal remains of jihadist fighters. All the bodies, according to the government, bore “secondary wounds” that had prevented them from escaping the advance of Somali forces. In its statement on Friday, reported by the Hiiraan on Line portal, the government condemned what it described as an “un-Islamic and immoral massacre”. The Federal Government of Somalia repudiates these abuses committed by the jauarij (the “renegades” of the true nature of Islam); acts that “are outside the Somali culture, Islam and Humanity”. The post Somali government suspects Al-Shabaab of executing 100 of its wounded fighters appeared first on Caasimada Online.
  20. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu caga-jiid kala kulmayo dowladda Itoobiya oo uu doonayo inay la fuliso qorshihiisa mudo kororsiga ah, maadaama uu wajahayo mucaaradad adag. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah, Laftagareen ayaa taliska ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba wuxuu ka codsaday inay la fuliyaan qorshihiisa ah in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee Muqdisho jooga aysan soo gelin deegaanada maamulkaas. Madaxweynaha K/Galbeed oo doonaya inuu xafiiska sii joogo sanad kale oo mudo kororsi ah ayaa cadaadis culus kala kulmaya siyaasiyiin u badan kuwii uu ka hor istaagay doorashada baarlamaanka. Siyaasiyiinta diidan in Laftagareen uu sii joogo xafiiska sanad dheeraad ah ayaa intooda badan ku sugan Muqdisho, mana tegi karaan Baydhaba ama magaalooyinka kale ee maamulkaas, si loolan siyaasadeed ay ugu furaan damaca Laftagareen. Madaxweynaha K/Galbeed ayaa la sheegay in dowladda Itoobiya uu kala kulmay diidmo ah in qorshahaas aysan la fuli karin, maadaama uu xariir wanaagsan kala dhaxeeyo dowladda dhexe, iyadoo Xasan Sheekh iyo Abiy ay Addis Ababa ku kulmeen, halka Mahad Salaad iyo dhigiisa Itoobiya ay xiriir toos ah sameysteen. Laftagareen ayaa quudareynaya in ciidamada Itoobiya ay ula shaqeeyaan, si lamid ah 2018-kii oo doorashada ay u boobeen, xilligaas oo dowladdii Farmaajo ay awood ciidan kursiga ku geysay Laftagareen. Hadda waxay xogtani sheegeysaa in Laftagareen uu ka quustay inuu qorshihiisa garab uga helo ciidanka Itoobiya, si deegaanada maamulkaas looga hor istaago siyaasiyiinta deegaanka ee dooneysa in doorasho la qabto. Ciidanka Itoobiya ayaa lagu xusuustaa in sanadkii 2018-kii ay madaxweynihii maamulka K/Galbeed Shariif Xasan ku qasbeen inuu is casilo oo doorashada ka haro, halka Mukhtaar Roobow ay soo xireen oo dowladii Farmaajo Muqdisho ugu xiraa ilaa xukunka uu ka degay. Waxaa sii xoogeysanaya qorshaha siyaasiyiinta mucaaradka ah oo intooda badan xilal ka haya dowladda federaalka, kuwaas oo ka mideysan in Laftagareen laga qaado kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, maadaama dhamaantood ay dhibanayaal siyaasadeed u yihiin. The post Xog: Itoobiya oo iska diiday dalab uga yimid madaxweyne Laftagareen oo la xariira… appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qaar kamid ah Odayaasha iyo Cuqaasha Beesha Cali Saleebaan. Odayaasha iyo Cuqaasha ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrin ku saabsan liis uu dhowaan soo saaray Maraykanka, kaas oo cuna-qabatayn lagu saaray shakhsiyaad u dhashay Beesha. Shakhsiyaadkaas oo ay ku jiraan Ganacsato ayaa Maraykanku ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagixisada ah ee Daacish ee ku sugan Soomaaliya, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda u qaabilsan Maraykanka ee The Department of the Treasury. Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay in baaritaan rasmi ah lagu samayn doono arrinta, islamarkaana dowladdu go’aan ka gaari doonto, kadib markii la dhammaystiro baaritaanka, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii goob-jooga ahaa Kulankaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo baaritaan ku samaynaysa shakhsiyaad Maraykanku ku eedeeyay Argagixiso appeared first on Puntland Post.