Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaallo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmadaasi, taas oo sababtay in la xiro isbitaalka magaaladaasi. Xiisadda ayaa ka dhalatay khilaaf culus oo soo kala dhex-galay maamulka Washeekh iyo hay’adda gacanta ku heysa maamulka isbitaalka guud ee degmadaasi. Duqa degmada Warsheekh Xasan Maxamed Axmed (Darafey) ayaa goor sii horeysay soo saaray warqad uu ku sheegay inuu kuu joojiyey dhammaan howlihii shaqo ee ka socday isbitaalkaas inta laga soo xilinayo khilaafka taagan ee sababay in shaqada ay joogsato. Intaas kadib ayaa la sheegay in ciidamo ka socda maamulka degmada oo fulinaya amarka soo baxay ay gudaha u galeen isbitaalka, ayaga oo kadib albaabada isugu laabay. Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaax xoogan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in uu saameynayo xirnaasha isbitaalka oo muhiim u ah degmada iyo degaanada ku xiran. Sidoo kale shacabka Warsheekh oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa farriin culus u diray HirShabelle iyo dowladda dhexe, iyagoo ka dalbaday inay arrintaan soo farageliyaan. Ma’ahan markii u horreysay oo ay istaagto shaqada isbitaalka degmada Warsheekh, ayada oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ay u dhacday kadib khilaafaad hareeyay isbitaalkaasi. The post Ciidamo gudaha u galay Isbitaalka Warsheekh kadibna xiray + sababta appeared first on Caasimada Online.
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta qarax miino lala beegsaday gaari NOAH ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle, xilli uu marayey duleedka magaalada Jowhar. Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Xaanshooley oo u dhow magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan 1 askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii la socday baabuurka la qarxiyay. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in bartilmaameedka weerarkan uu ahaa maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Jowhar, Mahad Muxidiin Calasow iyo taliyaha saldhigga Booliska Garoonka magaaladaasi, Kabtan Muuse oo labaduba ay dhaawacyo soo gaareen. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaaladaasi, si ay u baadi goobaan xubnihii ka dambeeyay qaraxaasi. Jowhar iyo naxaawigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro dhabagal ah oo ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa safareyda. Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa haatan kusoo aadayo, ayada Al-Shabaab inta ugu badan laga qabsaday degaanadii ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeysay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhig weyn. The post BAABUUR ay la socdeen mas’uuliyiin oo lagu qarxiyay duleedka Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qataay dhaxal sugaha boqartooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Maxamed Bin Salmaan taageerada ay dowladda Sacuudiga ah ay siiso Soomaaliya, Iskaashiga labada dhinac, gobalka, Amniga iyo arrimo kale. Dhaqal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay ciidamada xoogga iyo shacabka ay ka wadaan dalka kuwaas oo ururka alshabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya. Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku ammaanay hawlgallada ka socda dalka, waxaana uu booriyay dagaalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay dhaxalsugaha taageerada ay dowladdiisa ay siiso shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo khudbad u jeediyey dadka deegaanka ee Moqokori ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ay haatan kula jiraan kooxda Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraan iyo Sh/Dhexe. Cali Jayte ayaa shaaca ka qaaday in muddo fog ay ku jiraan xaalad dagaal iyo difaac adag, si ay isaga dhiciyaan xoogaga Al-Shabaab oo haatan laga saaray inta badan HirShabelle. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in haatan ay qorsheynayaan in ay iska fogeeyaan dagaalka si ay ugu xawilayaan deegaanada kale ee ka caagan howlgallada , sida uu ku dooday. “Waxaan rabaa si cad inaan u qeexo labo bilood hadda ka bacdi difaac laguma jiri karo ee aan dagaalka iska xawilno naga fogeeya “ ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in reer Hiiraan aysan intaan ka badan kusii jiri karin difaac, loona baahan yahay in dagaalka uu gaaro dariskooda, si loogu sinnaado. “Runtaa idin sheegayaayee difaac laguma jiri karee dagaalka aan iska xawilno. Nimankaa reer adoogey ah aan ku xawilno, qolaadaa kale aan ku xawilno naga fogeeya baahalka,” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Muqokoro inay si buuxda ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, si looga sifeeyo inta ka harsan. The post Daawo: Jayte oo shaaciyay inay iska xawilayaan dagaalka AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) - Saudi Arabia's Crown Prince and Prime Minister Mohammed bin Salman received Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Riyadh on Saturday, where they discussed strengthening deep-rooted ties between the two countries and enhancing cooperation in the fight against terrorism in Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) - Saudi Arabia's Crown Prince Mohammed bin Salman received Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Riyadh on Saturday. They discussed strengthening the strained ties between the two countries and enhancing cooperation in the fight against terrorism in Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Sacuudiga ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan, ahna dhaxal sugaha boqortooyada wadankaas. Labada mas’uul ayaa wadahadalladooda diirrada ku saaray arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Muqdisho iyo Riyadh, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee SPA. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday horumarinta mashaariicda, gaar ahaan arrimaha shidaalka iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa soo saarita kheyraadkeeda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in inta uu kulanka socday madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dalbaday Amiir Maxamed Bin Salmaan inuu ka taageero dhanka amniga, maadaama uu socdo dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo abaaraha baahsan ee ka jira dalka. Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu soo dhaweeyay guulaha ay dowladda ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada Xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan argagixisada. “Waxa uu muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sacuudi Carabiya u tegay ka qayb-galka shirka iskaashiga ee u dhexeeyay Shiinaha iyo waddamada Carabta, kaas oo lagu qabtay dalkaasi. Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka mid aheyd dowladaha waa weyn ee sida ballaaran usoo dhoweeyay dib doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii bishii May. The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Maxamed Bin Salmaan? appeared first on Caasimada Online.
  8. RIYADH: Saudi authorities arrested 14,253 people in one week for breaching residency, work and border security regulations, according to an official report. Source: Hiiraan Online
  9. Dahaba Ali Hussen, who has lived in London for 19 years, stopped while trying to board Eurostar in Paris Source: Hiiraan Online
  10. Despite receiving official invitations in advance, Ugandan representatives—including two ministers—did not attend a significant African Union (AU) meeting, the Monitor understands. Source: Hiiraan Online
  11. RIYADH: Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman received regional leaders, the Saudi Press Agency reported on Sunday. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Amiir Maxamed Bin Salmaan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga magaalada Riyaadh iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa ay kulankooda uga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga xiriirka ee dhinacyada kala duwan. Kulankaa ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, Danjirayaasha Soomaaliya u jooga Sacuudiga iyo Masar, Ambassador Saalim Macow Xaaji, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar, Danjirihii hore ee Soomaaliya u joogay Sacuudiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmo kahor booqasho ku gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, wuxuuna halkaas kala qeyb galay Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta, isagoo la kulmay Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalo gaar ah la yeeshay Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasiis oo ah dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaaraha boqortooyada Sucuudi Carabiya. Sida lagu daabacay wakaalada wararka dalkaasi ee SPA, wadahadaladan waxaa intooda badan diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, Sucuudiguna kaalin muuqata uga geysan lahaa in dalkan uu ka taageero dhinacyada Amniga iyo Abaaraha. Wararka qaar waxa ay sheegayaan in labada mas’uul ay isla soo qaadeen xoojinta mashaariicda horumarineed si gaar ah arrimaha soo saarista shidaalka iyo guud ahaan sidii dalkan uu u soo saaran lahaa kheyraadkiisa, arrintan ayaa loo arkaa inuu dadaal dheeri ah galinayo madaxweyne Xasan Sheekh. Si kastaba, Sucuudiga ayaa kamid ah dalalka cilaaqaadkooda ay wanaagsan yihiin dowladdan cusub, waxaana la sheegay iney kaalin muuqata ka ciyaareen inuu tallada dalka dib ugu soo noqdo madaxweynaha 15-kii May. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qarana (NISA) ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho. Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay degmooyinka ku yaalla cirifyada, sida Kaxda, Heliwaa iyo Dayniile ee gobolka Banaadir. Ujeedka howlgallladan ayaa ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga caasimada Muqdisho, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in qorshahooda uu ahaa aka hortagga suurtagalnimada falal ammaan dari oo ay Al-Shabaab kasoo abaabusho degmooyinkaas. Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale xalay howlgal bartilmaameed ahaa ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaankaas oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in laba nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab lagu soo qabtay howlgalkaasi, kadib markii ay gurgiga ugu dheceen ciidamada ammaanka. Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka bixisay howlgalkaas xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, kadib markii ay culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab. The post NISA oo xalay howlgal culus ka fulisay saddex degmo iyo Ceelasha Biyaha appeared first on Caasimada Online.
  15. Morocco ayaa noqotay dalkii u horreeyey ee Afrikaan ah ee gaadha wareegga afar dhammaadka (semi-final ee Koobka Adduunka ka dib markii Youssef En-Nesyri uu qeybtii hore ee ciyaarta gool ka dhaliyay xulka Portugal ciyaar xalay ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium. Libaaxyada Atlas oo sidoo kale ah kooxdii ugu horreysay ee Carbeed ee u gudubta wareegga afar dhamaadka, ayaa Portugal ku daray liiska dalalka reer Yurub ee ay ka reebeen Koobka Adduunka. Morocco ayaa hoggaanka ciyaarta u qabatay daqiiqaddii 42-aad markii uu En-Nesyri shabaqa ku hubsaday goolkii ay xulkiisa guushu ku raacday. “Waxa aan ka hor-nimid kooxda adage e Portugal. Waxa aan ciyaarta ka hor u sheegay ciyaartoyda in ay tahay in aan taariikhda u qorno Afrika. Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu yidhi Walid Regragui oo ah tababaraha xulka Morocco. Dhan kale Olivier Giroud ayaa dhaliyay goolka guusha ee xulka Faransiiska ee difaacanaya Koobka Adduunka, iyadoo ciyaar xiisa badan ay Faransiisku England ku garaaceen 2-1 kaga badiyeen. Xiddiga Harry Kane ayaa rigoore goor danbe loo dhigay ka khasaariyay xulkiisa. Xulka Faransiiska ayaa wareegga afar dhammaadka la ciyaari doona xulka Morocco oo iyana ka guuleystay xulka Portugal una gudbay semi-finalka. Aurelien Tchouameni ayaa hoggaanka u dhiibay Fransiiska qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Kane ayaa barbareeyay. Daqiiqaddii 78-aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta ayuu Giroud madax ku dhaliyay goolkii labaad ee Faransiiska, halka Kane uu gafay goolkii labaad ee barbarrada noqon lahaa. Sidaasi ayayna xulka England kaga hadheen ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda Qadar. Source
  16. WASHINGTON — The Biden administration hopes to use a gathering of 50 African delegations in Washington "to uplift and empower African institutions, citizens and nations" through discussions about challenges such as health, democracy, governance, investment, development, climate change and more, senior administration officials said Thursday. Source: Hiiraan Online
  17. France are through to the World Cup semi-finals after a 2-1 victory over England, with Harry Kane's late penalty miss proving costly for the Three Lions. Source: Hiiraan Online
  18. More personnel have been taken to parts of the northeastern region bordering the Kenya-Somalia border following reports that al-Shabaab militants are losing grip in their areas. Source: Hiiraan Online
  19. The African Union Transition Mission in Somalia (Atmis) and the country’s security forces are entering the decisive months in the battle against militant group Al-Shabaab, which could determine how month the handover of operations will be. Source: Hiiraan Online
  20. Xulka England oo ka huleelay Koobka Adduunka, France oo u gudubtay semi-finals Harry Kane Olivier Giroud ayaa dhaliyay goolka guusha ee xulka Faransiiska ee difaacanaya Koobka Adduunka, iyadoo ciyaar xiisa badan ay Faransiisku England ku garaaceen 2-1 kaga badiyeen. Xiddiga Harry Kane ayaa rigoore goor danbe loo dhigay ka qasaariyay xulkiisa. Xulka Faransiiska ayaa wareegga afar dhammaadka la ciyaari doona xulka Morocco oo iyana maanta ka guuleystay xulka Portugal una gudbay semi-finalka. Aurelien Tchouameni ayaa hogaanka u dhiibay Fransiiska qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Kane ayaa barbareeyay. Daqiiqaddii 78-aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta ayuu Giroud madax ku dhaliyay goolkii labaad ee Faransiiska, halka Kane uu gafay goolkii labaad ee barbarrada noqon lahaa. Sidaasi ayayna xulka England uga hareen ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda Qadar. Qaran News
  21. Morocco oo taariikh u qortay Afrika ka dib markii ay 1-0 kaga badisay Portugal Print Morocco ayaa noqotay dalkii u horreeyey ee Afrikaan ah ee gaara wareegga afar dhammaadka (semi-final ee Koobka Adduunka ka dib markii Youssef En-Nesyri uu qeybtii hore ee ciyaarta gool ka dhaliyay xulka Portugal ciyaar Sabtida maanta ah ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium. Libaaxyada Atlas oo sidoo kale ah kooxdii ugu horeysay ee Carbeed ee u gudubta wareegga afar dhamaadka, ayaa Portugal ku daray liiska dalalka reer Yurub ee ay ka reebeen Koobka Adduunka. Morocco ayaa hoggaanka ciyaarta u qabatay daqiiqaddii 42-aad markii uu En-Nesyri shabaqa ku hubsaday goolkii ay xulkiisa guushu ku raacday. “Waxa aan ka hornimid kooxda adage e Portugal. Waxa aan ciyaarta ka hor u sheegay ciyaartoyda in ay tahay in aan taariikhda u qorno Afrika. Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu yiri Walid Regragui oo ah tababaraha xulka Morocco. Xulka Morocco ayaa wajihi doona xulkii ka soo baxa ciyaarta goordhow dhexmari doona dalalka England iyo Faransiiska oo isagu difaacanaya koobka. Morocco ayaa aaminsan in ay ka adkaan karto labada xul kii soo baxa maadaama intii uu Koobka Adduunku socday halmar oo kali ah gool laga dhaliyay. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa mooshin shalay la horgeeyey golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya, balse u baaqday kooram la’aan, mooshinkaas oo aan la shaacin waxa uu yahay. Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hadda xaqiijiyey inuu Mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji. Mooshinka ayaa ku eedeeyay xildhibaan Sacdiya inay ku xadgudubtay Diinta, Shareecada iyo dowladnimada, ayna taageereyso Sharciga Xeerka Jinsiga, waxaana xildhibaannada wada ay doonayaan in cod loo qaado si xilka looga eryo. Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg ayaa saxaafadda u sheegay inay wadaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiye xigeenka Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, isagoo caddeeyay inaysan shir guddoomin karin golaha maadaama ay ku kacday arrin lid ku ah Shareecadda Islaamka, sida uu yiri. Mooshinkan ayaa la sheegay inay wadaan inta badan xildhibaannadii taageersanaa madaxweynihii hore Maxamd Cabdullaahi Farmaajo oo colaad siyaasadeed oo gaara kala dhaxeyso Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka. Mooshinkan ayaa laga shaqeynayey muddo bilo ah, balse waxaa loo waayey taageero ku filan. Si kastaba hadalkii kasoo yeeray Sacdiya ee la xiriiray sharciga Jinsiga ayaa fursad soo noolaansho siiyey mooshinka, waxaana kusoo biiray xildhibaano cusub. Kulankii Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa shalayu baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii kooramka, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomin lahaa shirka. Waxaa kulanka xaadiray 78 Xildhibaan oo kaliya, halka uu fadhiga ku furmi lahaa 139 xildhibaan. Waxaa kulanka xiga uu dhici doontaa Maalinta Isniinta 12-ka Decembar 2022. Dadka qaar ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in xildhibaanada dalka ay xilligan ku mashquulaan khilaaf siyaasadeed iyo mooshin, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. The post Xogta mooshinka xildhibaan Sacdiya Yaasiin laga keenay iyo kooxda ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
  23. Faa’iidooyinka laga helo cunidda caloosha Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda adhiga iyo idaha. Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub. Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah. Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan. Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka. Faa’iidooyinka laga helo calooleyda Calooleyda waxaa laga helaa fitamiinno iyo macdan kale oo muhiim u ah jirkeenna, marka la cuno calooleyda waxaa laga helaa waxyaabo u wanaagsan caafimaadkeenna, sida ay ku warrameyso warbaahinta Webmd.com oo ka faallooda arrimaha caafimaadka. Waxay ka hortagaa dhiig yarida Calooleyda waxaa si aad ah ugu badan fiitaamiin B12, taas oo ka hortagta dhiig yarida gaar ahaan qofka la daala dhacaya dhiig yarida ee socon karin. Waxay caawisaa dhismaha lafaha iyo murqaha Calooleyda waxaa laga helaa borotiin, borotiinka wuxuu qofka ka caawinayaa inay dhismaan murqaha iyo lafaha. Calooleyda waxaa laga helaa dhammaan 9-ka maaddo ee loo yaqaanno amni acids ee uu u baahan yahay jirkeenna si uu u shaqeeyo, sida ay ku warrameyso barta Healthline.com oo ka faalloota arrimaha caafimaadka. Waxaa ka buuxaa macdan iyo fitamiinno Calooleyda waxaa ku jiraa maaddooyinka ay ka mid yihiin, Zinc, Selenium iyo calcium. Macdanta Zinc waxay dadka ka caawisaa unugyada, shaqooyinka uu qabto difaaca jirka iyo in jirka uu shiido cuntooyinka laga helo carbohydrate. Macdanta Selenium waxay qofka ka caawisaa hagaajinta hiddesidaha, caafimaadka qumanka. Miisaan dhimista Qaadashada cuntooyinka ay ku badan yihiin borotiinka waxay qofka ka caawiyaan maamulka cunto qaadashada iyo miisaan dhimista. Calooleyda waxaa ku yar maaddada Calories marka loo barbardhigo cuntooyinka kale, qaadashada cuntooyinka uu ku badan yahay borotiinka waxay qofka ka caawiyaan in uu dhimo miisaanka isla markaana waxaa hoos u dhacaya heerka cunta qaadashada, sida uu ku warramayo website-ka Healthline.com Halista calooleyda Calooleyda waxaa ku badan kolestaroolka marka loo barbardhigo hilibka kale, dadka qaar ee qaba kolestaroolka ayaa laga yaaba inay siyaabo kala duwan ay u saameyso. Qaran News