Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne sharciyad haysta ayaa Wada hadal la geli kara Somalia…..Mawqifka Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Somaliland's first priority is to reach a political settlement and hold the overdue Presidential election to elect a new President with a full mandate to engage in dialogue with #Somalia. Dialogue is needed within #Somaliland. Charity begins at home! pic.twitter.com/2J5qjSkHRx — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) December 7, 2022 Muse Bihi has no legitimacy or mandate to represent the people of Somaliland. He only represents his party Kulmiye. Somaliland will deem negotiations with him as invalid and interference in its internal affairs. We have no problem with the five tribal, regional states of Somalia. — Faysal Ali Warabe (@FaisalAliWarabe) December 6, 2022 Qaran News
  2. The UN Humanitarian coordinator for Somalia warned on Tuesday of a "catastrophic emergency" in the country due to the ongoing drought. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa soo saaray warbixinta qiimeynta barnaamijka ECF ( Extended Credit Facility), ayada oo Soomaaliya lagu amaantay labada arrimood ee dib u habeynta Maaliyadda & Deyn Cafinta. IMF ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka gudubtay dhammaan sharuudaha loo dajiyay in lagu horumariyo hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee loo yaqaano ECF, kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago arrimaha Deyn Cafinta. Warbixinta Hay’adda IMF ayaa waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku boggaadisay hirgelinta dib u habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha, waxayna soo jeedisay in dadaal dheeri ah lagu bixiyo dhanka siyaasadda Canshuuraha. Sidoo kale IMF ayaa xustay in in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dhanka geeddi socodka barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC), kaas ee u gogol xaarayo in la gaaro dhammaadka sanadka 2023-ka ee dhammeystirka Deyn Cafinta. “Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey’adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya/ ECF waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbedalada cimilada & dhaqaala xumada aduunka soo wajahday” ayaa lagu yiri warbixinta. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee ku saabsan dib u eegistii 4-aad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta. Dr. Cilmi ayaa sheegay in tani ay ku timid dadaalka dowladda federaalka oo kaashaneysa shacabkeeda, wuxuuna u mahad-naqay Guddiga Sare ee Hay’adda IMF. “Waxa aan soo dhaweynaa Warbixinta wayn ee ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF ee ku saabsan natajiida ka dhalatay shirarkii iyo wadatashiydii aan ka yeellanay dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda dalka. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in warbixinta ay muujineyso isbeddal weyn oo dhanka dhaqaalaha ah xilli ay jiraan xaalado adag oo ka dhashay isbeddalka cimilada. “Warbixinta waxa ay muujineysaa isbeddel xooggan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday”. ayuu markale sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay barnaamijka Deyn Cafinta oo sanado badan soo socday, kaas oo maraya gabagabo, waxayna kadib heli doontaa maal-gelin caalami ah. The post IMF oo 2 arrin ku amaantay DF kadib markii ay ka gudubtay… appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka sheekeeyey sidii ay beelaha Digil iyo Mirifle ku heleen kursiga guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Xildhibaanka ayaa sheegay in sideed habeen ay isaga daba noqnoqonayeen xafiisyada madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, si ay ugu qanciyaan in maamulka gobolka Banaadir ay kursi ka helaan. “Kursigaan si aan u soo dhicino, sideed habeen ayaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka isaga daba laabaneynay, waxaan u sheegnay in dadka ugu badan aan nahay gobolkaan, isla markaana aan metelaad u baahanahay,” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa sheegay in dhowr jeer oo la balamiyey kadib, ay madaxdu markii dambe u ogolaatay kursiga guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, isagoo xusay inay metelaadaan ku soo dhiciyeen ugu yaraan 20 xildhibaan oo Digil iyo Mirifle ah. Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Yuusuf ayaa maamulka gobolka Banaadir ka codsaday in beeshiisa la siiyo mudnaanta iyo metelaada weli uga maqan gobolkaan. Ugu dambeyntii Xildhibaan Waliid ayaa xildhibaanada kale ka codsaday inay ku garab siiyaan sidii guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi ay garab istaag ugu muuji lahaayeen oo xitaa ay gaari ugu iibin lahaayeen. Hoos ka daawo The post Xildhibaan shaaciyey sidii beesha D&M ay ku heshay guddoomiyaha Waaberi appeared first on Caasimada Online.
  5. Buurhakaba (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa shalay waxay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ku dileen Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmadaasi. Kooxahan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa waxay Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) ku dhex dileen Isbitaalka Guud ee Degmada Buurhakaba. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in kooxahaasi ay dilka ka dib ku baxsadeen gaarigii ay wateen. Ciidanka Booliska oo ku baxay goobtaasi ayaa ku guuldareystay inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay. Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed ayaa dilka ninka dhakhtarka ah ku eedeeyay maleeshiyada Al Shabaab. “Shabaab ayaa ka dambeeyo, cid kale oo ka dambeyso malahan, Soomaali kalena lama eedeynayo,” ayuu yiri Gudoomiyaha. Dr. Bishaar ayaa caan ka ahaa degmadaasi, iyadoona ay si weyn u garanayeen dadka reer Buurhakaba. Dilkiisa ayaa argagax-geliyay bulshada deegaanka, mana jirto cid illaa iyo hadda masuuliyadda dilkaasi sheegatay. The post Dr. BISHAAR Ibraahim Cali Xuub oo toogasho lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo ka hadlay dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaciyay kaalintooda ku aadan dagaalka ee ay ku taageerayaan howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. War kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in inta lagu guda jiro howl-galada millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay fulinayaan weeraro dhinaca cirka ah, si loogu taageero Ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab. “ATMIS waxay sii wadaa inay taageerto dagaalka cirka ee ciidamada dhulka inta lagu jiro howl-galada militari. Howl-galada ATMIS ayaa socda oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka si loo wiiqo Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa qeyb weyn ka aheyn howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasi oo laga gaaray guulo waaweyn. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen dagaal-yahanada kooxda. ATMIS oo hore loogu eedeyay inaysan daacad ka aheyn ciribtirka Al-Shabaab, ayaa xiligan u muuqata inay isdhex-raacineyso natiijada wax-ku-oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dagaal ee socda. The post ATMIS oo war cusub kasoo saartay dagaalka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  7. Musharaxa xisbiga Waddani Dr Abdirahman Mohamed Abdillahi ayaa soo jeediyay in inta aan Somalia wax wada hadal ah lala galin ay marka hore tahay in Somaliland hesho xal siyaasadeed oo degan. Isla markaasina Somaliland laga qabto doorashadii madaxweynaha oo wakhtigeedii dhaaftay, si loo helo Madaxweyne awood buuxda u leh in wada hadal la galli karo Somalia Musharax Cirro oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku Leeyahay Twitter-ka ayaa xusay in marka hore ay haboontahay in Somaliland u baahanyahay wada hadal inta ayna dal kale la galling wada hadal. Hore waxa iyana arintani u qaadacay in Somalia wada hadal lala galo gudoomiyaha xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe iysda oo ayna ku jirin xaalad siyaasadeed oo degan Labada xisbi ee mucaaridka Somaliland ayaa 13kii November ku dhawaaqay in ayna aqoonsanayn xukuumadda Muuse Biixi, laga soo bilaabo 13 Nov. Oo uu dhamaaday mudo xileedkiisi waxana ay hore u sheegeen in aan xukumadiisu ayna cudna heshiis la gali karin kadib markii uu ku fashilmay in uu dalka ka qabto doorashadii madaxweynaha, taasi oo ay ku tilmaameen in mudo kordhinta uu hada kursiga uu ku fadhiyaa ay tahay mi baal marsan sharciga dalka u yaala Qaran News
  8. President Dr Hassan Sheikh Mohamud receiving his doctorate at the University of Peace in New York. Mogadishu (Comment) — President of the Federal Republic of Somalia Dr Hassan Sheikh Mohamud attained a historic milestone. He is not only the first sitting President to ever earn a doctorate but he also, judging from the title of his thesis, made a remarkable contribution to knowledge about building institutions in a fragile nation state, Somalia. In academia questioning orthodoxy, testing theories and unbridled discussions on the state of knowledge in a given field constitute the foundations of tertiary education. The emphasis is on free thinking. In this spirit, one is bound to ask: to what extent did President Mohamud and The University for Peace (UPEACE) uphold research ethics as far as the research topic is concerned? Entitled “Examining the Challenges of Clan Politics in Statebuilding: A Case Study of Somalia”, the dissertation of President Mohamud upends a key term used in political science literature when discussing Somalia politics. ‘Elite bargain’ has been a phrase used by researchers who write on Somali politics. Elite bargain sheds light on political actors, their motivations and political consequences of their decisions. The phrase ‘clan politics’, on the contrary, obfuscates the situation, makes the Somali politician less influential and more beholden to the masses. President Mohamud was first elected in 2012, and re-elected in 2022 after a five-year hiatus following the 2017 election of President Mohamed Abdullahi Mohamed. Clans do not have political power in Somalia; politicians do. President Mohamud and the University of Peace did little to think through the title of the dissertation and its implications. It is deplorable that the University of Peace has had to adopt an anthropological approach to discussing the Somalia predicament. The title conveys the message that clans committed human rights violations, not politicians. It ignores the asymmetrical power relations of clans. The current power-sharing system notoriously known as 4.5, for example, was conceived in Djibouti in 2000. Four major clans were granted a status on the basis of their abilities to command clan militias and control a territory. In Mogadishu where President Mohamud’s clan retains political supremacy by claiming to have clan ownership of the capital city, members of the Banadiri clan, who suffered at the hands of clan militias, are politically and economically underprivileged, so are the members of Jareer Weyne and other minority social groups in other parts of Somalia. It is not clan politics that relegates those Somali clans to what can be described as third class citizenship. It is a decision made by powerful politicians. By enabling the President of Somalia to submit a controversial thesis, the University of Peace denies Somalis the right to hold their politicians accountable. While writing up the dissertation on clan politics, President Mohamud was obliged to mention clan names. This epistemological deviation accentuates the stereotype that the Somali civil war is not different from how Somalis waged intra-clan wars before the advent of colonialism and the modern state. President Hassan Sheikh Mohamud took a leaf from the school of thought about Somalia associated with the late London School of Economics Professor of Social Anthropology I. M. Lewis, who wrote books on Somalia. Lewis was accused of conducting research in the ex-British Somaliland during the 1950s to publish his classic book Pastoral Democracy. Anthropological knowledge on colonised society arguably benefited the colonial masters. President Mohamud may use ‘insights’ in his dissertation to deepen the predicament of his compatriots, who are unable to rein in their oligarchic politicians who mimic the colonial masters of yore. It will give conflict entrepreneurship in Somalia a new lease of life. © Puntland Post, 2022. The post President of Somalia Redefines Political Discourse appeared first on Puntland Post.
  9. Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay xabaalo wadareedyo ay ku aasanyihiin Shabbaab-kii ugu badnaa oo lagu laayey dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka is abaabulay ee deegaanka ayaa saacadihii u dambeeyey gaaray dhufeysyadii Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe oo isku bedalay xabaalo wadareedyo. Goobta xabaalahaan lagu arkay waa deegaan lagu magacaabo Ciid-ciidka Jimbilow oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, halkaas oo lagu xasuuqay Shabaab-kii ugu badnaa. Maalmihii lasoo dhaafay wixii meyd ay kala rogmanayeen furimaha dagaalka ayey Al-Shabaab toban-toban ugu aasteen deegaankaas, waxaana goobtaas lagu arkay xaalad khatar ah, maadaama ay meydadku banaanka yaallaan aadna u soo ureen. Dhulka howdka ah ee kooxdu ay ku aasatay meydadkaan, waxaa la sheegay inuu noqday keyn uga dhuuma jireen duqeymaha iyo weerarrada kale ee ciidamada dowladda. Deegaankaas waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku lahaayeen dhufeysyadii ugu dambeeyey ee hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay sanadihii dambe joogeen. Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay halka lagu arkay xabaalahaan Shabaab-ka badan ay ku aasan yihiin, waxaana la sheegay in dhulkaan oo markiisii hore ahaa dhul beereed ay Al-Shabaab ka dhigteen goobo ay duqeymaha uga dhuuntaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Xabaalo-wadareedyo ay sameeyeen Al-Shabaab oo la helay appeared first on Caasimada Online.
  10. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa hey’adaha ammaanka maamulkaas ku eedeeyey inay maan-dooriyaha ka ganacsadaan. “Waxaa iigu yaab badan, waxaan maqlay in Qamriga la siiyo Aawrta, si ay u qooqaan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay shirweynaha arrimaha diinta iyo cadaaladda oo maanta uu ka furay Garowe, wuxuuna sheegay in heerka isticmaalka daroogada uu Puntland ka gaaray in Geela Qamriga la siiyo. Deni ayaa hey’adaha ammaanka ku eedeeyey inay cabaan oo iibsadaan maan-dooriyaha, halkii ay ka hor tegi la haayeen. “Waxaba isku qari meyno maanta, waxaa ugu daran hey’adaha ammaanka oo saraakiishoodu ay halkaan fadhiso, iyagoo qamriga caba oo ka ganacsada,” ayuu yiri Saciid Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay culumada iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan la dagaalanka daroogooyinka lagu kala iibsado deegaanada Puntland. “Ficilada soo baxaya iyo isbedelka ay dhaqanka iyo naxariista dadka ku keeneyso arrintaan, wax la sii fiirsa karo maaha,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Hoos ka daawo The post Daawo: Deni oo shaaciyey ganacsi qatar ah oo hay’adaha amniga Puntland ay billaabeen appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka. Kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dalkaas ay ku wada sugan yihiin madaxda Soomaaliya iyo Somaliland Xasan Shiikh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay yeelan doonaan kulan ay isku arkayaan labada dhinac, oo muddooyinkaan hakad uu galay wadahadalladii u socday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, Ilyaas Muuse Dawaale iyo Saraakiil ka socotay Wasaaraddaas. Kulankaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda iyo isku xirka qaybaha kala duwan ee ganacsiga oo ku saleysan danaha ay wadaagan labada dal. “Waxa aan maanta kulan muhiim ah la qaatay dhigayga dowladda Djibouti Mudane Ilyas Moussa Dawaleh iyo Saraakiisha sare ee Wasaaradda Maaliyadda Djibouti, halkaa oo aan isku dhaafsannay xogo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu sii raaciyay qoraalkiisa “Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan u wadaagi lahayn Waayo-aragnimada labada Dal ee hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, isku xirka qaybaha kala duwan ee Ganacsiga gaarka ah oo ku saleysan Walaalnimada Labada Dal.” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maalmihii dambe ku sugna dalka Jabuuti, wuxuuna ka mid ahaa Madaxda lagu casuumay shirka Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taasi oo lagu gorfeynayay sanadkaan caqabadaha ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka. The post Soomaaliya iyo Jabuuti oo is-dhaafsaday xogo muhiim ah oo ku saabsan… appeared first on Caasimada Online.
  13. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada madaxweyne ayaa waxay kulankaan uga wada-hadleen horumarinta iskaashiga labada dal iyo howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagay dhigiisa dalka Jabuuti guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada. Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil-Walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howl-galka dib u xoreynta dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isaguna dhankiisa si weyn u bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab. Geelle ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka. The post Sawirro: Geelle oo Madaxtooyada ku qaabilay Xasan Sheekh iyo arrimaha laga wada-hadlay appeared first on Caasimada Online.
  14. Djibouti (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with his Djiboutian counterpart, Ismaïl Omar Guelleh, at the Presidential Palace in Djibouti on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  15. Karlsruhe (Caasimada Online) – Booliska Jarmalka ayaa Arbacada maanta ah fuliyey howlgallo ka dhacay dalka oo dhan ayaga oo xiray 25 qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin “unug argagixiso” oo midigta-fog ah, kaasi oo qorsheynayey inay afgambiyaan dowladda, islamarkaana weeraraan baarlamanka. Illaa 3,000, oo saraakiil oo ay ku jireen cutubyada xulka ah ee ka hortagga argagixisada, ayaa ka qeyb qaatay howlgallada oo dhacay aroortii, laguna baaray in ka badan 130 guri. Warbaahinta Jarmalka ayaa ugu yeertay mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu ballaarnaa ee booliska ay qaadaan ee ka dhanka ah xagjiriinta. Howlgallada ayaa lagu beegsaday dad la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin dhaqaaqa “Muwaadiniinta Reich” (Reichsbuerger), oo la tuhunsan yahay “Inay sameeyeen diyaargarow xooggan oo ay si rabshad leh ugu geli lahaayeen baarlamanka Jarmalka ayaga oo ah koox yar oo hubeysan”, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dacwad-oogayaasha. Kuwa la xiray ayaa lagu eedeeyey inay aas-aaseen “kooxdan argagixiso ugu dambeyn dhammaadkii November 2021, taasi oo dajisatay hadaf ah afgambinta nidaamka dowladeed ee ka jira ee Jarmalka, kuna beddesho mid nooca ay rabto ah,” ayey yiraahdeen dacwad oogayaasha. Laba ka mid ah 25-ka qof ayaa lagu xiray dalalka Austria iyo Talyaaniga. Dacwad-oogayaasha magaalada Karlsruhe ayaa sheegay inay aqoonsadeen 27 qof oo dheeri ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin ama taageeraan shabakaddan argagixiso. Dhaqaaqa Reichsbuerger ayaa waxaa ku jira kuwa taageera Naaziyiinta, kuwa hubka aad u jecel iyo shirqooleyaal diidan sharci-ahaanshaha Jamhuuriyadda Jarmalka. Ayada oo muddo la isaga indho tirayey inaysan sidaas muhiim u aheyn, ayaa dhaqaaqa Reichsbuerger wuxuu sanadihii dhowaa noqday xagjir, waxaana loo arkaa halis amni oo sii kordheysa. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in askar hore ay ka mid yihiin xubnaha kooxdan. “Eedeysanayaasha waxaa mideeyey diidmo qoto dheer oo ku aadan hay’adaha dowladda iyo kala dambeynta ay dimoqraadiyadda saldhigga u tahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany,” ayey yiraahdeen dacwad-oogayaasha. Tuhunsanayaasha way ka warhayeen in qorshahooda “lagu xaqiijin karay oo kaliya ayada oo la adeegsanayo hab militari iyo rabshado ka dhan ah wakiilada dowladda,” ayey ku dareen. AFP, VOA The post Afgambi ka dhan ah dowladda Jarmalka ‘oo la fashiliyey’ appeared first on Caasimada Online.
  16. PRESS RELEASE African Development Bank and Global Center on Adaptation Work with Partners to Enhance Capacity to Access Climate Adaptation Funding The rigorous requirement by Green Climate Fund for climate rationale based on 30 years of point-source climate data has led to a high attrition rate for funding proposals with an adaptation focus The African Development Bank (www.AfDB.org) and Global Center on Adaptation today launched a new initiative under the Technical Assistant Programme of the Africa Adaptation Acceleration Program (https://bit.ly/3FwHk5R) to help African countries access more climate adaptation funding. A climate rationale is the scientific basis of a project and describes the climate change scenario, outlining the climate problem in a particular country (e.g., flooding, droughts for an adaptation project) and region that the project will be implemented in. The rigorous requirement by Green Climate Fund for climate rationale based on 30 years of point-source climate data has led to a high attrition rate for funding proposals with an adaptation focus. Through this new initiative, Direct Access Entities in Africa will receive additional support to enhance their capacity with regards to climate data, tools, and methodologies that help them meet the critical requirements of climate rationale for compelling funding proposals that could merit approval by the GCF Board. The GCF is one of the mechanisms of the United Nations Framework Convention on Climate Change to significantly contribute to the global efforts towards attaining the goals set by the international community to combat climate change. It supports developing countries to limit or reduce their greenhouse gas emissions and adapt to climate change impacts. For adaptation, it allocates resources based on: (i) the ability of a proposed activity to demonstrate its potential to adapt to the impacts of climate change by promoting sustainable development and a paradigm shift; (ii) the urgent and immediate needs of vulnerable countries, in particular, Least Developed Countries, Small Island Developing States and African States. The African Development Bank and the Global Center on Adaptation will work with their partners to select at least four proposals each year based on the pipeline of Direct Access Entities funding proposals that require additional technical assistance and guidance. Through its Technical Assistance Programme (TAP), the Global Center on Adaptation will provide technical assistance for a selected set of funding proposals. The launch event for the new initiative took place in Abidjan, Cote d’Ivoire, on the 6th and 7th of December with program partners including the Green Climate Fund (GCF), World Meteorological Organization (WMO), Africa Climate Change Fund, ClimDev Special Fund and Regional Climate Centers in Africa. 23 Direct Access Entities accredited or at the final stage of accreditation to GCF participated in the two-day event with representatives of regional and international accredited entities, including the Development Bank of Southern Africa, the International Fund for Agricultural Development, the West African Development Bank, the Africa Finance Corporation and the United Nations Environment Program. In opening remarks, Professor Anthony O. Nyong, Senior Director for Africa at the Global Center on Adaptation said, “Africa is on the frontline of our climate emergency. Through this new initiative, we aim to significantly increase the flow of adaptation finance to the region. Given the central role of the Green Climate Fund, the unprecedented volumes of funding it offers, the range of financial instruments it provides, and its different access modalities, we will initially focus this initiative on accessing GCF resources, but this is just the start of our long-term partnership with African countries to mobilize finance for climate adaptation across the continent. » Dr. Al Hamndou Dorsouma, Acting Director of the Department of Climate Change and Green Growth at the African Development Bank, said, “climate rationale for GCF funding proposal is like the foundation of a building. A solid building should have a solid foundation and I am glad our bank has forged the collaboration with relevant regional and international institutions to help direct access entities secure approvals for more funding proposals on adaptation with strong climate rationale.” Dr. Kevin Horsburgh, Lead Climate Scientist representing GCF, noted, “To promote transformational projects and catalyze climate finance at scale, GCF follows a four-pronged approach: transformational planning; catalyzing innovation; de-risking high impact projects; and aligning finance with sustainable development. Each step needs the best available information to assist decision-making. The GCF is pleased to be working with the WMO to create the bridge between climate information and all those who need to use it, to improve access to climate finance.” Amir Delju, Senior Scientific Officer with the World Meteorological Organization, said, “Effective and progressive response to the urgent threat of climate change should be based on ‘the best available scientific knowledge.’ We recognize that it is very challenging for least developed countries to meet this requirement. As an expert service provider, WMO will continue providing the full value cycle of climate services, from data to analysis, information production, interpretation of the findings, and expert advice.” SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  17. Dec. 6—LEWISTON — Omar Osman, a graduate of Lewiston High School and a first-year student at Bowdoin College, died Saturday night from an allergic reaction. Source: Hiiraan Online
  18. Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo nala soo xiriiray ayaa ka horyimid hannaanka loo maray dhammaystirka Maxkamadda Dastuuriga ah. Xildhibaannada ayaa sharci-darro ku tilmaamay in wareegto Guddoomiye lagu magacaabo Labada Xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah ka imaanaya dhinaca Baarlamanka. Waxay sheegeen in sida sharciga ah ay tahay in Goluhu doorto Labada Xubnood ee dhankooda ka imaanaya islamarkaana aysan meelna Dastuurka kaga qornayn in wareegto lagu magacaabo. Xildhibaannada ayaa soo xigtay Qodobka 64-aad ee Dastuurka Puntland Fiqradiisa 9-aad iyo sidoo kale Qodobka 94-aad gaar ahaan Fiqrada saddexaad. Sidoo kale waxay sheegeen in ay yihiin ilaa 20 xildhibaan oo ay Warbaahinta si shaacsan uga hadli doonaan si ay u iftiimiyaan Qodobada Dastuuriga ah ee Guddoomiyuhu baal-maray. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka horyimid hannaanka loo dhammaystiray Maxkamada Dastuuriga ah appeared first on Puntland Post.
  19. Cimilo ahaan marka la eego waa qalayl, waana kulayl inta badan xilliyada, marka loo eego roobku wuu ku yar, waxaanay helaan xeebaha Somaliland in ka yar 50mm sannadkii. Xaraarada biyuhu waa 21C ilaa bisha koowaad ee sannadkiina 37C in October. Xilli roobaadka waxay helaan xeebaha Somaliland sannadkii bilaha June ilaa September, halka meelaha qaarna ay helaan bisha march. Waxa jira meel badan oo ku haboon in bulshadu ka kalluumaysato, kuwaasoo ku teedsan xeebta dheer ee Somaliland laga soo bilaabo bari ilaa galbeed, kuwaasoo kala ah: Lawya-caddo Tokhoshi Saylac Lughaya Ceel-sheekh Bulaxaar Berbera Ceel-gardi Elgerdi, Karin Shalwo Xiis Maydh Laas-qorey Ceelaayo Xeebta galbeed ee Somaliland waxay leedahay goobo waaweyn oo ku haboon dalxiiska iyo dabaasha, halka xeebaha bariga dalku ay leeyihiin goobo kooban oo ku haboon dalxiiska iyo dabaasha, kuwaasoo ay saameeyeen deegaanka oo u badan dhagaxaan, balse ciiddu ku yar tahay. Waxaanay goobahaasi qiyaas ahaan yihiin bariga ama ay u dhexeeyaan shan ilaa toban mitir, iyadoo ay aad uga weyn tahay xeebta galbeedka Somaliland Saylac, taasoo gaadhaysa ilaa 200 mitir. Waxa kale oo jira goobo kale oo ku haboon dabaasha oo dherer ahaan gaadhaya 30 ilaa 50 km oo u dhaw xuduudka dhinaca Jabuuti ee magaalad Saylac. Marka la qiimeeyo kalluumaysatada madaniga ah ee reer Somaliland waxay soo saaraan 1500 ilaa 2000 oo tan sannadkii. Sidoo kale waxa jira wax soo saar soo kordhay taniyo intii wasaasadda kalluumaysiga Somaliland ay joojisay bixinta liisamada maraakiibta ajaanibka ah ilaa sannadkii 2012. Mana jiraan xilligan wax maraakiib ama doonyo si sharci ah uga kalluumaysta xeebaha Somaliland. Dawan Qaran News
  20. Buurweyn (Caasimada Online) – Ciidamada Macaawisleyda ee gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar culus ku qaaday deegaanka Buurweyn oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo fariisin u aheyd muddo badan kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dagaal kooban ku dhex-maray irida hore ee deegaankaasi, ayada oo kadibna xubnihii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugna isaga baxeen. Saraakiisha horkaceysay ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macaawisleyda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dhankooda sheegtay inay jab xoogan dagaalkaas ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, ayna si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buurweyn. Sidoo kale waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, illaa inta laga xoreynayo guud ahaan dalka. Howl-galada dagaal ee socda ayaa waxaa muddooyinkii dambe laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ay maamuleysay kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabeelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doonto toddobaadyo gudahood. Al-Shabaab ayaa laba maalmood kahor laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, waxaana ay gobolkaas hadda kaga hareen oo kaliya Ruun-Nirgood. The post Macaawisleyda oo dagaal ku qabsaday deegaan cusub appeared first on Caasimada Online.
  21. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta dhammaystiray xubnihii ka harsanaa Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu magacaabay laba xubnood oo ka dhimanaa Maxkamadda Dastuuriga ah Wareegtan ayaa lagu magacaabay Garsoore Axmed Xuseen Maxamed (Axmed Soomaali) iyo Garsoore Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Qaanuuni). Xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sidaas ku dhammaystiran waxaana Baarlamanka laga sugayaa in ay Xasaanadda siiyaan. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo la dhammaystiray appeared first on Puntland Post.
  22. Sawirka Maanta:Hargeysa Ilaa Jabuuti+Muqdisho ilaa Jabuuti Qaran News